Author: Jibril Qoobey

Baarlamaanka Ruushka ayaa maanta bilaabaya in u ka doodo ansixinta musharaxa uu madaxwaynaha dalkaas, Vladimir Putin, u magacaabay xilka raysul wasaare ee dalkaas. Putin ayaa madixii hore ee waaxda canshuuraha federaalka Ruushka Mikhail Mishustin xilkan u magacaabay kadib is casilaadii lama filaanka ahayd ee uu maalinnimadii Arbacada ahayd soo gudbiyay raysul wasaarihii hore ee dalkaas Dmitry Medvedev iyo golihiisa wasiirrada kadib markii uu Putin ku dhawaaqay qorshe balaadhan oo uu doonayo in uu isbadallo balaadhan ku sameeyo dastuurka dalkaas. Putin ayaa sheegay in uu qorshaynaya in uu dastuurka dalkan ku sameeyo is badalkii u waynaa ee lagu sameeyo tan iyo…

Read More

Ugu yaraan 18 ruux oo shacab ah ayaa dhimatay kadib markii laduqeeyay suuq iyo aag warshadeed oo ku yaalo gobolka Idlib ee dalka Suuriya gaar ahaan qaybta ay haystaan kooxaha falaagada. Kooxaha indha indheeya xaalada Suuriya ayaa sheegaya in weerarka ay si wada jir ah u fuliyeen diyaaradaha dagaalka Ruushka iyo kuwa Suuriya. Weerarkan ayaa imaanaya iyadoo ay bur burtay xabad joojin ay horaantii bishan ku dhawaaqeen dowladaha Ruushka iyo Turkiga. Magaalada Idlib ayaa caasimad u ah gobolka waqooyi galbeed ee dalka Suuriya oo isla magacan loo yaqaano, waana goobta ay ugu xoogan yihiin falaagooyinka ku kacsan dowladda madaxwayne Bishaar…

Read More

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Faarax Wehliye, oo Saxaafadda kula hadlay Magaalada Dhuusa-mareeb ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkaas, maadama uu yahay Musharax u taagan qabashada Doorashada Madaxweynaha Maamulka Galmudug. Mr. Wehliye ayaa u mahad-celiyay Madaxda dowladda Federaalka, isagoona sheegay in si wanaagsan ay u wada shaqeeyeen inta uu xilka hayay. Musharax Cabdullaahi Faarax, Wehliye, Wasiiru-dowlihii hore ee Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa shalay eedeyn kulul u jeediyay Xukuumadda Federaalka ee uu ka tirsanaan jiray, waxaana uu sheegay inay af-duub ku heysato Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Galmudug, isagoona ka digay in Galmudug dib loogu celiyo meeshii ay…

Read More

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), ayaa lagu wadaa in maanta soo gaaro magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, waxaana socota qaban-qaabada soo dhaweyntiisa. Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni iyo boqolaal shacab ah ayaa la filayaa inay kusoo dhaweeyaan Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Boosaaso, iyadoona intaas kaddib loo galbin doono Madaxtooyada Puntland ee Boosaaso. Madaxweyne Axmed Madoobe oo maalmaha soo socda ku sugnaan doona Magaalada Boosaaso ayaa kulamo la yeelan doono Madaxweynaha Puntland oo ku sugan magaalada Boosaaso, iyagoona ka wada-hadli doona xaalada guud ee Soomaaliya. Kulanka Madaxweyne Deni iyo Axmed Madoobe ayaa la filayaa…

Read More

Maleeshiyaad katirsan Ururka Al-Shabaab ayaa weerar dhabo gal ah ku qaaday Masuuliyiin kamid ah Dowladda Puntland, kuwaas buuraha Cal-madow ee Gobalka Sanaag, sida ay xaqiijiyeen saraakiil katirsan Ciidanka Amniga Puntland. Weerarkan oo ahaa mid kooban ayaa shalay ka dhacay degaanka Ulxeed oo ka tirsan Buuraleeyda Calmadow, gaar ahaanna dhulka loo yaqaanno Macagta ee hoos yimaada gobolka Sanaag, waxaana la sheegay in uusan ka dhalan khasaare nafeed, marka laga soo tago gaari CABDI-BILE ah oo ka carareen Masuuliyiintu, kaddibna ay gubeen Shabaabku. Dadka Degaanka ayaa sheegay in Masuuliyiinta Puntland ee la weeraray ay la socdeen rag cadaan ah, ayna guranayeen macdan,…

Read More

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa Magaalada Muqdisho kula kulmay , Kuxigeenka Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya ahna Xiriiriyaha Q.M isla markaana ah Iskuduwaha arrimaha bani’aadannimada ee Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM). Danjire Cawad iyo Adam Abdelmoula ayaa ka wada hadlay xoojinta dadaallada lagu doonayo in lagu sameeyo iskaashi waxgal leh iyo taageero hey’ad si kor loogu qaado heerka gargaarka bani’aadannimo iyo barnaamijyada horumarinta. Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa Qaramada Midoobey uga mahad celiyey taageerada joogtada ah oo ay…

Read More

Xildhibaannada Cusub ee Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa maanta dhageysanaya khudbadaha musharixiinta u taagan qabashada xilka Guddoonka Baarlamaanka Galmudug, kuwaas oo gaaraya 7 Musharax oo shalay is diiwaan-galiyay. Musharixiinta oo taariikh nolaleedkooda la wadaagaya Xildhibaanada cusub ee Galmudug, ayaa 3 kamid ah u sharaxan yihiin qabashada xilka Guddoomiyaha, halka 2 ay u taagan yihiin Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad, waxaana Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad u sharaxan 2 Xildhibaan. Musharixiinta Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ayaa kala ah; Xildhibaan Maxamed Nuur Gacal Xildhibaan Abdinaasir Aadan Cusmaan Xildhibaan Cabdullaahi Axmed Calasow Doorashada Guddoonka Baarlamaan Galmudug ayaa sida qorshuhu yahay dhacaysa maalinimada berrito ah, waxaana aad loo adkeeyay amniga…

Read More

Raiisul Wasaarah Ruushka Dmitry Medvedev ayaa ku dhawaaqay in dowladda oo dhami ay is casishay, saacado uun kadiib markii khudbadiisii sanadlaha aheyd uu jeediyay Madaxweynaha Ruusha Vladimir Putin. Madaxweyne Putin ayaa aqbalay iscasilaadooda, wuxuuna uga mahadceliyay wasiirrada shaqadooda adag wuxuuna ka codsaday inay sii shaqeeyan ilaa mid cusub laga dhisi doono. Go’aanka iscasilaada ah oo hadal-heyn badan abuuray ayaa loo maleynayaa inuu yimid, kadib markii Madaxweyne Putin uu soo jeediyay in wax laga baddalo dastuurka Ruushka, si loo xaddido madaxweynaha inuu laba waqti xafiiska yimaado. Qorshaha Putin, ayaa in aqalka hoose ee baarlamaanka – la siin doono awood ay ku…

Read More

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), ayaa lagu wadaa in maalinta berrito ah kuspp wajahan magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa kulamo yeelan doono Madaxweynaha Puntland Dr. Siciid Deni oo isagu ku sugan magaalada Boosaaso, iyagoona ka wada-hadli doona xaalada guud ee Soomaaliya. Kulanka Madaxweyne Deni iyo Axmed Madoobe ayaa la filayaa in si gaar ah diirada lagu saari doonaan Doorashada Dalka ee 2020/2021, iskaashiga Siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha, iyo sidii Puntland iyo Jubbaland qorshe mideysan uga yeelan lahaayeen xaalada kala guurka ee dalka. Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa maalmaha soo socda ku sugnaan…

Read More

Shirkadda Ethopian Airlines ayaa shaacisay inay ka dhisayso Magaalada Addis Ababa Garoon diyaaradeed oo caalami ah, kaas oo noqon doona midka ugu weyn Qaarada Africa. Madaarka cusub, oo ku yaal agagaarka Magaalada Bishoftu, ee Koonfur-bari ee caasimadda Addis Ababa ayaa dhererkiisu yahay 35-KM oo laba-jibbaaran dhul ahaan, waxaana la sheegay inay ku baxayso 5 bilyan oo doollarka Mareykanka ah. Madaxa shirkadda Ethiopian Airlines Group, Tewolde Gebremariam, ayaa sheegay inay dhammaystireen aragtidooda ku aadan qorshaha dhismaha garoonkan oo ah (2025), toddobo sano kahor. Gegada diyaaradaha ee Bole International Airport ee magaalada Addis Ababa ayaa ah mid kamid ah garoomada ugu mashquulka…

Read More

In its quest to become Africa’s gateway into the world, the national flag carries Ethiopian Airlines set to build new massive airport this year with an outlay of 5 billion USD. The new airport, which is located around the town of Bishoftu, South East of the capital Addis Ababa spans 35 square kilometer of land and is reportedly the biggest airport in Africa. In an exclusive interview with ENA, Ethiopian Airlines Group CEO Tewolde Gebremariam said that Ethiopian have completed its vision 2025 seven years ahead of time. He added that it was a remarkable progress especially during the very challenging operating…

Read More

Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka cimilada Dowladda Puntland ayaa  dooxooyinka u dhexeeya deegaanka Hadhwanaag iyo Degmada Boocame ee gobolka Sool, ka wada dadaalo ay kula tacaaleyso Ayaxa ku habsaday Dhuldaaqsimeedka iyo Beeraha qaarkamid ah deegaanada kala duwan ee Puntland. Kooxaha ka socda Wasaaradda Degaanka Puntland ayaa istimcaalaya Sunta baabi’inta Ayaxa oo ah Sun aanan saamayn ku lahayn dadka iyo Beeraha, waxaana howlgalkan uu ka socda Degaano badan oo katirsan Puntland, Wasiirka Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka cimilada Puntland. Wasiir Ismaaciil Diiriye Gamadiid, oo booqday degaanada uu howlgalka la dagaanka Ayaxu ka socda, ayaa sheegay in Ayaxa ku habsaday Degaanada Puntland  iyo Guud…

Read More

Guddoomiyaha Guddiga doorashada Guddoonka Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug, oo saxaafadda kula hadlay magaalada Dhuusa-mareeb ayaa shaaciyay waqtiga kama dambeesta ah ee qabashada waraaqaha Musharrixiinta Guddoonka Barlamaanka Galmudug, isagoona xusay in illaa hada ay diiwaan-geliyeen 7 Musharax oo u taagan xilka guddoomiyaha iyo labadiisa ku-xigeen. Guddoomiyaha Guddiga doorashada Guddoonka Baarlamaanka Galmudug ayaa sheegay in xubnaha isa-soo shaaraxey ee ay diiwan-geliyeen ay kala yihiin Saddex Xubnood oo u taagan xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka, laba u sharaxan guddoomiye ku-xigeenka 1-aad iyo laba u taagan guddoomiye ku-xigeenka labaad. Ugu dambeyntii, Guddoomiyaha Guddiga doorashada Guddoonka Baarlamaanka Galmudug ayaa sheegay in ugu dambeyn waqtiga ay ku eg-tahay…

Read More

Hay’adda Nabad-sugidda iyo sirdoonka Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa Maanta magaalada Kismaayo waxaa ay kusoo bandhigtay Xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo ay sheegeen inay isku-soo dhiibeen. Xubnahaan oo garaya Sideed ayaa waxaa ay u badan yihiin dhalinyaro,waxaana la sheegay in muddo dhowr sano ah ay ka tirsanaayeen Ururka Al-Shabaab,hayeeshee ay kasoo baxeen. Sarakiil ka tirsan Nabadsugida Jubbaland ayaa waxaa ay sheegeen in on Xubnahaan ay la soo xiriireen si ay uga soo baxaan Al-Shabaab lana soo dhaweeyey,sidoo kalena la geeyey xarun lagu haayo Xubnaha kasoo baxa Al-Shabaab. Jubbaland ayaa maalma ka hor waxaa ay sidaan oo kale u soo bandhigtay Xubin…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta xarigga ka jaray Isbitaalka AYAAN iyo Xarunta Haamaha Keydka Shidaalka ee Ocean Petroleum oo labadaba laga hirgeliyay Boosaaso. Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa bogaadiyey dadkii kasoo shaqeeyay hirgelinta xarumahan oo muhim u ah Bulshada Gobolka Bari iyo guud ahaan Puntland. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa kormeeray Xabsiga weyn ee magaaladda Boosaaso halkaasi oo uu warbixin kaga dhegaystay masuuliyiinta Xabsiga, oo uga warbixiyey xaaladda Xabsiga iyo Maxaabiista ku jirta.

Read More

Wasiirka Wasaaradda caafimaadka Dawlada Puntland Dr. Jamac Farax Xasan, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Dr Penelope Canbel madaxa caafimaadka hay’adda UNICEF Soomaaliya. Wasiirka caafimaadka Puntland iyo  madaxa caafimaadka UNICEF ayaa ka wada-hadlay wada shaqaynta u dhaxaysa Wasaaradda Caafimadda iyo Hay’adda UNICEF iyo qorshaha sanadka bilawday in la isla meel dhigo. Wasiir Jamac Faarax ayaa uga mahad-celiyay hay’adda UNICEF wada shaqaynta wanagsan ee kala dhaxaysa Wasaaradda iyo sida ay muhiim ugu tahay, waxaana uu la wadaagay wixii qabsoomay sanadkii dhamaaday iyo waxa aan qabsoomin ee sanadkaan la doonayo in la qabto. Sidoo kale, Wasiirka Caafimaaka ayaa la wadagaay waxyaabaha ay doonayaan…

Read More

Shir u dhexeeya Dowladda Puntland iyo Dowladda Itoobiya, ayaa ka furmay Magaalada Wardheer ee Gobalka Doollo, kaas oo looga hadlayo xariirkii u dhexeeya labada dhinac. Shirkan ayaa waxaa Puntland ku matalaya Puntland Wasiirada Arrimaha Gudaha, Qorshaynta, ganacsiga,Wasiir ku-xegeenka Amniga, La-taliyaha Arrimaha Amniga ee Madaxwaynaha,iyo Taliye ku-xigeenka Ciidamada Booliska Puntland. Dowladda Itoobiya ayaa shirkan waxaa ku matalaya Wafti heer Federaal ah oo uu hoggaaminayo Qunsulka Itoobiya u fadhiya Puntland, ku-xigeenka Hogaanka Nabad-galyada Dowlad Degaanka, Gudoomiyaha Gobalka Doollo iyo taliyayaasha Ciidamada ammaanka DDS. Shirkan ayaa inta uu socdo waxaa diirada lagu saari doonaa Arrimaha Amniga, Ganacsiga, isdhexgalka Bulshada 2 daraf,Iyo dhismaha Kastamka…

Read More

Xukuumadda Somaliland ayaa dil-toogasho ah ku fulisay 6 Nin oo horey loo xukumay, kuwaas oo horey Maxkamadaha Somaliland ay ku rideen Xukun dil toogasho ah. Raggan oo toogashadoodu saaka ka dhacday xabsiga Mandheera ee duleedka Magaalada Hargeyso, ayaa kasoo kala jeeda Gobalada Sool, Sanaag Iyo Gabilay. Raggan ayaa lagu soo eedeeyay kiisas kala duwan, waxaa ay kala ahaayeen. 1- Farxaam Maxamed Xasan 2- Cabdillaahi Ismaaciil Xayd 3- Axmed-Guray Ibraahin Faarax 4-Khadar Aleel 5- Xasan Muxumed Cismaan 6- Caydaruus Khadar Haybe.

Read More

Magaalada Wardheer Waxaa Taariikh-yahannadu Ku tilmaaman inay jirto Ku dhawaad 2-bo Qarni 160-sano Bilowgeedii Wardheer Waa Dhulbaraha Shanta Soomali Wayn Waxay ujirtaa Magaalooyinka Muqdisho 1,100-Km Jabuuti 1,100-km Bosaaso 1,100 Fogaan Dhan Wardheer Caan Waxay ku thy Ceelal dhaadheer iyo Ciid Cas/guduudan Waxaa Suugaanta Dadka Soomaaliyed oo Ah Meesha Kaliya ee Taariikhda Qoomiyada Soomalida ay ku kaydsan thy kabuuxa soo halqabsiga Magaca Wardheer”Wadan Kala wanaagsane Wacan Ciidii Loo bogay Hareerigii Wacnaa-iyo aad wal-waal aragtide yaa Wardheer Kusoo-bara” Waa mid ka mid ah Heesaha Soomaaliyed ee Wardheer Caanka ku thy Ceelasha Wardheer Kuyaal Taariikh dheer ayay Qaarkood Leeyihiin sida Ceelka dheer ee…

Read More

Duqa Koonfurta Degmada Gaalkacyo ee Gobalka Mudug Xirsi Yuusuf Barre, ayaa ka hor-yimid xil ka qaadis uu ku sameeyay Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, isagoona sheegay in xilka qaadista Madaxweyne Xaaf aan waxba ka jirin, isla markaana uu isagu yahay Guddoomiyaha saxda ah ee Koonfurta Magaalada Gaalkacyo. Madaxweyne Xaaf ayaa waraaq uu xalay soo saaray ku sheegay inuu xilalkii ka qaaday Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku-xigeenka Koonfurta Gaalkacyo, isagoona sidoo kale kala diray Golihii Degaanka ee degmadaas, waxaana sidoo kalena uu u magacaabay Maamul KMG ah. Duqa Koonfurta Gaalkacyo ayaa sheegay in Madaxweyne Xaaf uusan xilligan qaadi karin wax…

Read More

Ciidanka Amniga ee Dowladda goboleedka Jubbaland ayaa howlgallo ay ka sameeyeen Gobalada Gedo iyo Jubada hoose, ku dilay Afar xubnood oo ka tirsan Ururka Al-Shabaab, sida uu sheegay Af-hayeenka Wasaaradda Amniga Jubbaland Cabdi Nuur Ibraahim Xuseen. Af-hayeenka Wasaaradda amniga Jubbaland oo Saxaafadda kula hadlayay Magaalada Kismaayo ayaa sheegay in howlgalladaas ay sidoo kale Ciidamada Jubbaland kusoo qabteen maleeshiyaad katirsanaa Kooxda Al-Shabaab iyo saanad Milateri oo ay laheyd Al-Shabaab. howlgaladan oo ka dhacay deegaannada Cabdala Biroole, Yaaq Bishaaro iyo deegaano kale oo hoostaga degmada Jamaame, ayaa uu sheegay Af-hayeenku in guulo muhiim laga gaaray, isagoona intaas ku daray Ciidanka Jubbaland ay…

Read More

Labada waddan ee ugu dhaqaalaha badan caalamka ee kala ah Mareykanka iyo Shiinaha, ayaa lagu wadaa in ay maanta oo Arbaca ah kala saxiixdaan heshiis ganacsi. Inkasta ay jirto boqollaal bilyan oo dollar oo canshuur kordhin ah oo labada dhinac isugu jawaabeen, haddana heshiiska maanta qeyb kama noqon doonto khafiifinta tacriifta labada dhinac ay dul-dhigeen badeecadaha ay isu dhoofiyaan. Canshuur kordhinta ayaa sideeda sii ahaan doonto ilaa laga gaaro doorashada madaxtinimada Mareykanka ee uu bisha November madaxweyne Donald Trump kula tartami doono musharraxa kai man doona xisbiga dimoqraadiga. Wajiga koowaad ee heshiiska labada waddan ayaa waxaa ugu weyn in Shiinaha…

Read More

Madaxweynaha Turkey Reccep Tayyip Erdogan ayaa sheegay inay cashar u dhigi doonaan jeneralka rabshoolaha ah ee Libya, Khalifa Haftar, haddii ciidamadiisa ay sii wadaan inay weeraraan dowladda caalamku aqoonsan yahay ee Tripoli. Hadallada Erdogan ayaa yimid Talaadadii, kadib markii Turkey iyo Russia ay ku guul-darreysteen in Jeneral Khalifa Haftar ay ka dhaadhiciyaan inuu saxiixo heshiis xabad joojin ah oo lagu soo afjari lahaa dagaalka socda sagaalka bil ee uu ku doonayo inuu ku qabsado caasimadda Libya. Ra’iisul wasaaraha Libya Fayez al-Serraj, oo ciidamadiisa ay ku adkaatay inay hakiyaan weerarada ciidamada Haftar, ayaa heshiiska saxiixay kadib wada-hadallada oo socday sideed saac,…

Read More

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor), ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkaas, maadaama uu ka mid yahay musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Maamulka Galmudug. Mr. Qoor-Qoor ayaa ah musharaxa ay wadato Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee doorashada Galmudug, waxaana la filayaa in lacag badan oo la siinayo Xildhibaanada codeynaya ay ku baxdo sidii uu ugu soo bixi lahaa xilkan. Sidoo kale, Dowladda ayaa isku dayday in xildhibaanada ay soo xulayeen odayaasha qaarkood ay beddesho, si ay u xaqiijiso in lasoo magacaabo Xildhibaano Xukuumadda Federaalka ku aragti ah, inkasta oo qorshahaas aanu guuleysan. Doorashada Galmudug…

Read More

Wasiirka arrimaha dibedda Turkey, Mevlut Cavusoglu ayaa maanta sheegay in go’aanka uu Jeneral Khalifa Haftar, ee ah inuusan heshiis xabad joojin ah la gelin dowladda Libya ee caalamka aqoonsan yahay, uu muujinayo cidda dagaalka dooneysa iyo tan nabadda rabta ee dalkaas. Haftar, oo ah taliyaha Ciidamada Qaranka Libya, ayaa kasoo tagay magaalada Moscow, isaga oo aan saxiixin heshiis la qoray kadib wada-hadallo Russia ka dhacay Isniintii, sida ay sheegtay wakalaadda wararka TASS oo soo xiganeysa ilo-wareedyo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda Russia. Haftar ayaa horey u weydiistay in la siiyo illaa subaxa Talaadada si uu go’aan uga gaaro heshiiska, kadib…

Read More

Xubnaha Jamhuuriga ee Aqalka Senate-ka Mareykanka ayaa kasoo horjeestay isku day la doonayo in lagu tuuro eedeymaha xil-ka-qaadis ee ka dhanka ah madaxweyne Trump, ayada oo aan la maxkamadeyn. Aqalka Wakiilada e Dimoqraadiga ay maamulaan ayaa la filiyaa inuu qodobada xil-ka-qaadista u gudbiyo Senate-ka, halkaasi oo Mitch McConnell oo hoggaamiya uu wacad ku maray inuu gacan ka gaysan doono sidii dambiga loogu weyn lahaa Trump, oo ay ka wada tirsan yihiin xisbiga Jamhuuriga. Trump ayaa Axaddii sheegay in maxkamadeynta Senate-ka ay Dimqoraadiga siin doonto sharciyad aysan xaq u lahayn, isaga oo muujiyey inuu doonayo in kiiska lagu gacan seero, ayada…

Read More

Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Dowladda Puntland ayaa shaacisay waqtiga uu bilaaban doono duulimaadka ay shirkadda diyaaradaha ee Ethiopian Airlines ku tegayso Magaaladda Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista Hawada Cismaan Cali Yuusuf (Xoosh) oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook, ayaa sheegay in diyaaradaha Ethiopia Ariline ay bilaabayaan dulimaadyadooda garoonka Magaalada Boosaaso ‘03-02-2020’, ayna 3 jeer ka dagi doonto garoonkaas toddobaadkii. “Duulimaadka kowaad waxa uu bilaban doona 03-02-2020, waxa ayna diyaaradu asbuuc kasta ka dagaysa 3 maalmood insha Allah, hadii ay suuq heshana sida Garowe bay duulimaad malinle ah bilaabi doonta” ayuu yiri Agaasimaha Wasaaradda Duulista Hawada…

Read More

Dowladda Hoose ee Degmada Garoowe ee Caasimadda Puntland ayaa yeelanaysa dhisme cusub oo casri, kaas oo ka kooban dhismayaal saddex ah oo min afar dabakh ah, sida uu shaaciyay maanta duqa Caasimadda  Axmed Siciid Muuse (Axmed Barre). Guddoomiye Axmed Barre ayaa sheegay in dhismayaashan casriga ah ay ku baxayso lacag dhan Labo milyan oo dollarka mareykanka ah, ayna hadba dhisayaan qeyb, ayna sanadkaan bilaabayaan qeybta ugu horeysa. Ugu dambeyntii, duqa Caasimadda  Axmed Siciid Muuse (Axmed Barre) ayaa sheegay in baahida loo qabo goobo balaaran oo loogu adeego shacabka Caasimadda, ay keentay dhismahan.

Read More

War-saxaafadeed kasoo baxay Dowlad Gobaleedka Jubbaland ayaa looga hadlay faragelinta ay Dowladda Federaalka Soomaliya ku hayso gobolka Gedo iyo guud ahaan Jubbaland, waxaana ay ku eedeysaay inay ku howlan tahay Dowladda Federaalku dagaal sokeeye oo ka dhaca degaanada Jubbaland. Jubbaland ayaa sheegtay in Dowladda Federaalka ayada oo adeegsanaysa xoogag shisheeye ay burburin Maamul, Amni iyo bulsho ku sameysay Degmooyinka Doolow, Luuq, iyo Beled-xaawo ee Gobalka Gedo, ayna ku khasabtay inay shir u tagaan gudaha Itoobiya, ayna kahor yimaadaan, Dastuurka iyo Xeerarka Federaalka ah ee Dalku lee yahay. Ugu dambeyntii, War-saxaafadeedkan oo ay soo saareen Wafdiga ka socda Dowlad Goboleedka Jubbaland…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka soo laabtay dalka Cumaan oo uu kaga qeyb galay tacsida Suldaan Qaabuus Binu Siciid oo dhawaan ku geeriyoodey dalkaas. Madaxweynaha oo Suldaanka cusub ee Cummaan Haysam Bin Daariq kula kulmay Qasriga Saldanada dalkaas ayaa la wadaagay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay la qaybsanayaan murugada geerida Suldaan Qaabuus oo kaalin ka qaatay gurmadka shacabkeenna wakhtiyadii adkaa. Madaxweyne Farmaajo ayaa u rajeeyey Suldaanka cusub ee dalkaas Suldaan Haysam Binu Daariq in uu sii amba-qaado dhaxalkii horumarineed ee uu ka tagay Suldaanka geeriyooday, isagoona sheegay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ka go’an…

Read More

Golaha Aqalka Sare ee BFS ayaa ansixiyay Hindise-sharciyeedka Wax-ka beddelka Xeerka Warbaahinta.Ajendaha Kulanka ayaa ahaa; Akhrinta 3aad ee Hindise-sharciyeedka Wax-ka beddelka Xeerka Warbaahinta. Guddoomiyaha Guddiga Horumarinta, Adeega Bulshada, Arrimaha Aadanimada, Warfaafinta iyo Dhaqanka ee Golaha Aqalka Sare Senatar Axmad Macalin Cumar ayaa ka hor akhriyay Golaha Aqalka Sare warbixinya Hindise-sharciyeedkaan. Waxaa laguda galay dooda ku a’adan Akhrinta 3aad ee Hindise-sharciyeedka Wax-ka beddelka Xeerka Warbaahinta Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta XFS Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareey oo ay wehliyaan howl-wadeeno ayaa hor yimid Golaha Aqalka Sare. Guddiga Horumarinta, Adeega Bulshada, Arimaha Aadanimada, Warfaafinta iyo Dhaqanka ee Golaha Aqalka Sare ayaa mariyay Akhrinta 3aad…

Read More

Wasaaradda caafimaadka dawlada Puntland oo kaashanaysa hayada Kaalo ayaa maanta labo kooxood oo caafimaad udirtay degmooyinka Xudur iyo Taleex ee gobolka Sool. Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay in kooxahaan oo ka kala shaqayn doona degaanada Awrbogays iyo nawaaxigeeda iyo degmada Taleex iyo deeganada u dhaw, ay ka qayb qaadan doonaan dawooyinka loo samaynayo dadka dagan deegaanadaas oo xanuuno ay dilaaceen. Isku-duwaha Wasaaradda Caafimaadka Gobolka Sool Abdirahmaan Cumar Cadde oo xarunta wasaaradda ku sagootiyay kooxahaan, ayaa kula dardaarmay inay bulshada degaanada ay tagayaan ay ugu soo caawiyaan sida ugu wangsan.

Read More

Guddiga Doorashooyinka Guddoonka Baarlamaanka 2aad ee Mamulka Galmudug ayaa maanta oo Talaado ah waxaa ay shaaciyeen Shuruudaha laga doonayo qofka u tartamayo Xilalka Guddoonka Baarlamaanka Galmudug. Shuruudaha Guddiga ay soo saareen oo ka kooban 8 Qodob ayaa waxaa ugu muhiimsan in uu yahay muwaadin Soomaaliyeed oo kasoo jeeda deegaannada Galmudug,sidoo kalena heysta Shahaadoi Jaamacadeed ama wax u dhigma. Sidoo kale, shuruudaha ayaa waxaa kamid ah in ugu yaraan in uu leeyahay Shansao oo khibrad hoggaamin maamul ah iyo uusan gelin fal dambiyeed uu ku muteystay Xukun Maxkamadeed.

Read More

Ciidanka Booliska Dowladda Puntland ayaa magaalada Garoowe kusoo bandhigay duubab Xashiish ah oo laga helay gaari xamuul ah, oo laga qabtay Kantaroolka “Laac-dheere” ee Duleedka galbeed ee Caasimadda Puntland ee Garoowe. Xashiiskan oo gaarayay 12 xirmo, ayuu sheegay wadaha gaariga lagu qabtay oo lagu magacaabo ‘Maxamed Ismaaciil Seeraar’ in laga soo saaray magacaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug, waxaana uu intaas ku daray in loogu sheegay inay yihiin juwaanada xashiiskan uu ku jiray tubaako caadi ah, uusana iska fiirin. Af-hayeenka Ciidanka Booliska Dowladda Puntland Cabdiwaaxid Cabdulle Warsame, oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in gaariga xashiiskan lagu qabtay iyo darawalkiisa…

Read More

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ku dhawaaqay isku Shaandheyn uu ku sameeyay Golihiisa wasiirada isagoo wasiirada qaar isku badalay. Wasiirkii arrimaha dibadda Monica Juma ayaa loo magacaabay xilka wasiirka Gaashaandhigga halka wasiirkii gaashaadhigga Raychelle Omamo iyana loo magacaabay xilka wasiirka arrimaha dibadda Sicily Kariuki oo horay u ahaa wasiirkii caafimaadka ayaa loo magacaabay wasiirka biyaha halka Simon Chelugui oo horay u ahaa wasiirka biyaha loo magacaabay wasiirka shaqaalaha.

Read More

W/Q: Maamo Khadra Ahmed Duale. Wasiirkii Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha #Somalia. Waxaan si sharaf leh muddo dheer uga aamusnaa wax ku saabsan Hassan Ali Kheire. Maadaama uu soo hadalqaado hogaanadeenii hore laga bilaabo 60-yadii. Anigu waxaan kasojeeda qoys wadaniyiin ah. Aabahay waxaa uu ahaa walina yahay wadani Soomaali ah iyo hogaamiye dhab ah. Qoys wax wabarasho iyo wadaniyad lagu abaabiyey oo aan qof kamid ah wali lagusoo eedeyn musuq iyo eex qabiil. Qibradeyda aqooneed waxaa ay ibartay in Kheyre yahay shaqsi laba-wajiile ah. Mid waa midka qudbado aad u qurux badan umada Somaliyeed ula hortago sida dib u heshiisiin, ladagaalanka qabyaalada,…

Read More

Taliyaha ciidamada mucaaradka dalka Liibiya Khalifa Haftar ayaa ka tagay magaalada Moosko isagoo aan saxiixin heshiis isku day ah oo la doonaayey in lagu sameeyo xabad joojin wax ka tarta dagaalada ka holcaya dalkaasi ,sida laga soo xigtay Wasiirka Arimaha \Dibadda ee Raashiya. . Kadib saacado wadaxaajood ay soo qaban qaabiyeen Ruushka iyo Turkiga, Haftar ayaa fiidnimadii Isniinta wuxuu codsaday ilaa subaxa Talaadada inuu fiiriyo heshiiskii ay horay u wada saxiixeen Fayez al-Sarraj, oo ah Madaxa dowladda ay aqoonsaday Qaramada Midoobay. Ilo wareeedyo laga helay Liibiya ayaa xaqiijiyey bixitaanka Haftar,iyadoo qabyo-qoraalka heshiiskaasi uu diiday ay ka maqan yihiin dalabyo badan oo ciidanka…

Read More

Madaxweynaha Jamhuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Maalintii labaad ku sugan Sandalada Cuman ayaa waxaa uu la kulmay Suldaanka Cusub ee dalkaas Suldaan Haitham bin Taymur. Farmaajo oo shaley Gelinkii dambe gaarey dalka Cumaan ayaa waxaa uu halkaasi u tegay ka qeyb-galka tacsida Suldaankii dalkaasi xukumayey mudada dheer ee Suldaan Qaboos bin Saciid Al Saciid oo ahaa boqorkii dalka Cumaan kuna geerioyoodey da’da 79 jir. Madaxweyne Farmaajo iyo Suldaanka Cusub ee dalka Cumaan Suldaan Haitham bin Taymur ayaa waxaa ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dowladood ee Soomaaliya iyo Cumaan. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa…

Read More

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed laftagareen ayaa Baydhabo Maanta ka furey Shir looga hadlayo Arrimo dhowr ah oo ku saabsan Maamulada Hir-Shabelele iyo Koonfur Galbeed. Shirkaan oo ay Goobjoog ka yihiin Madaxweynayaasha labada Maamul iyo mas’uuliyiin kale ayaa waxaa soo qaban qaabiyey Wasaaradda Qosheynta Koonfur Galbeed & Midowga Yurub,waxaana diirada lagu saarayaa horumarinta Maamulada Hir-Shabeelle & Koonfur Galbeed,isla markaana Shirka ay kaalin weyn ka qaadan doonaan Safiiro ka socda wadamada Midowga Yurub. Madaxweyne laftagareen ayaa Maamulka Hir-Shabeelle iyo Xubnaha wafdiga Midowga Yurub uga mahad celiyey doorka weyn oo ay ku leeyihiin shirkaan,isaga oo sheegay in la…

Read More

Shirkadda DP World ayaa ku guuleysatay wareeg kale oo sharci ah oo ka dhan ah dowladda Jabuuti oo ku aadan dekeda Doraleh. Maxkamaa Xallinta Khilaafaadka Caalamiga ah ee London ayaa ku amartay Jabuuti inay soo celiso xuquuqaha iyo faa’iidooyinka iyada oo la raacayo heshiiskii 2006 ee DP World iyo Shirkadda Doraleh ama labo bilood gudaheed ku bixiso magdhow. Khabiir madax-bannaan ayaa ku qiyaasay khasaaraha shirkadda DP World in ka badan $ 1 bilyan. Maxkamadda ayaa sheegtay in Jabuuti ay ku kacday arrin sharci darro ah markii ay si qasab ah uga saartay shirkadda DP World maarayntii dekeda Doraleh bishii Feberaayo…

Read More

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cusmaan (Karaash), ayaa shir guddoomiyay kulan looga arrinsanayay sidii dib gacanta Puntland si buuxda loogu soo celin lahaa Gobalka Sool, kaas oo ay qeybo kamid ah joogto Somaliland. Shirkan oo ka dhacay Degaanka Harwanaag ee Gobalka Sool, ayaa waxaa ka qeyb-galay, Wasiiro, saraakiil sare oo kamid ah Ciidanka Dowladda Puntland iyo Saraakiishii hore ee Dowladdii dhexe, kuwaas oo uu kamid ahaa Gen. Maxamed Siciid Moorgan. Wararka ayaa sheegaya in intii kulanku socday Masuuliyiintu ay iclaamiyeen in lagama maarmaan tahay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay Puntland ula soo noqoto gacan ku heynta Magaalada Laas-caanood…

Read More

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Fowsiya Maxamed Sheekh, ayaa Shir guddoomisay shirka qeybinta Qabyo qoraalka koowaad sharciga korontada Dalka oo lagula wadaagay Shirkadaha korontada gaarka loo leeyahay ee bixiya adeega korontada Dalka. Shirkan oo ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb-galay dhamaan shirkadaha korontada ee Gobalada Soomaaliya, waxaana Puntland ku matalayay shirkadahan shirkadaha waa weyn ee korontada, ayna kamid yihiin NECSOM, EENE iyo NEPCO. Ex- Xildhibaan Cabdikariim Xuseen Guure, oo hoggaaminayay Shirkadaha korontada Puntland ee ka qeyb-galay shirkan ayaa madasha ka jeediyay warbixin ku aadan Habka ay u shaqeeyaan iyo macaamiisha ay daboolaan baahidooda koronto. Shirkadaha korontada ee…

Read More

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay magacyada iyo Sawirada 5 xubnood oo kamid ah Ururka Al-Shabaab, kuwaas oo iyaga oo maqan ay Maxkamadda Ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya ay 31-dii bishii Decamber ee sanadkii tagay ee 2019, ku riday xukuno isugu jira dil iyo xabsi daa’in. Dowladda ayaa sheegtay in qofkii u soo gudbiya macluumaad la xariira ragan Hay’adaha ammaanka Dowladda la siin doono abaal-marin lacageed, taas oo aysan Dowladda Soomaaliya sheegin cadadkeeda. Xubnaha kamid ah Ururka Al-Shabaab ee Dowladdu shaacisay Magacyada iyo sawiradooda, ayaa waxaa kamid ah; Ramadaan C/rixmaan Mursal, oo Maxkamadda Ciidanka qalabka sida ay riday xukun dil ah.Sharmarke Cumar…

Read More

Wararka ka naga soo gaaraya deegaanka Tooratoorow ee Gobalka Shabeelaha Hoose, ayaa sheegaya in dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay dib u qabsadeen deegaankaasi, kaas oo shalay ay qabsadeen Ciidanka Dowladda Dadka degaanka ayaa sheegay in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay gudaha u galeen Tooratoorow, kaddib markii ay isaga baxeen Ciidanka sida gaar ah u tababaran ee Dowladda (DANAB), kuwaas oo shalay si buuxda degaankaas ula wareegay.. Deegaanka Tooratoorow ee Gobolka Shabeellada Hoose,halkaasi oo saldhig wyen uu u ahaa Al-Shabaab, iyadoona cabsi ay xiligan soo wajahday dadka deegaanka, maadam ay weeraro ku bilaabeen Ciidanka Dowladda, oo marka ay qabsadaan isaga baxaya.

Read More

Duqeymo culus ayaa xalay ka dhacay Degaano katirsan Gobalada gobolada Jubada Dhexe iyo Jubada Hoose, kuwaas oo lala beegsaday saldhigyo ay lee yihiin maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab. Duqmahan ayaa si gaar ah uga dhacay Degmooyinka Jamaame, Salagle, Jilib iyo deegaanka Xaramka, waxaana la sheegay in lagu dilay maleeshiyaad iyo saraakiil ka tirsan kooxda Al-Shabaab, diyaaradaha dagaalka ayaana duqeynta kahor nalal weyn ku ifiyay degaanada qaarkooda, sida ay sheegeen dadka degaanka. Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in duqeymaha lagu burburiyay saldhigyo Al-Shabaab ay ku leeyihiin gobolada Jubbooyinka. Saraakiil katirsan Ciidanka Xogga Dalka ayaa sheegay in ayaa sheegay in xalay iyaga…

Read More

Dowladda Maraykanka ayaa dalkeeda ka cayrisay Saraakiil ay u tababaraysay Dowladda Sacuudiga iyadoo ku eedaysay in ay xambaarsan yihiin fikir arga gixiso. Sarkaal sare oo ka tirsan Ciidanka Cirka Sacuudiga oo lagu magacaabo Maxamed Saciid Alshamrani, oo 21 jir ah, ayaa horaan dilay seddex badmaax oo u dhashay maraykanka isla markaana dhaawacay sideed kale ka hor inta uusan si xun u rasaaseyn kuxigeenka sheriff inta lagu gudajiray shilkii ka dhacay Pensekaalo, Florida, Weerarkaasi ayaa saamayn xoogan ku yeeshay xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhaxeeya dowladdaha maraykanka iyo Sacuudiga. Wali ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Dowladda Sacuudiga oo ay…

Read More

Musharax Cabdiraxmaan Odawaa oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Dhuusa-mareeb, ayaa sheegay in cabasho badan ay ka jirto arrimaha la xiriira doorashada Galmudug iyo qaabka loo soo xulay Baarlamaanka,hayeeshee ay u tanaasuleen danta dadka Reer Galmudug. C/rixmaan Odowaa ayaa eedeyn u jeediyey Guddiga farsamada & dhismaha Galmudug, isagoona ugu baaqay in Guddiga doorashooyinka guddoonka Baarlamaanka ay u madax baneeyaan howlaha socda.

Read More

Feysal Cali Waraabe, Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Somaliland ee UCID ayaa sheegay inay gacanta iskula tageen isaga iyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, kaddib markii Madaxweyne Biixi uu ugu gacan qaaday xafiiskiisa, sidoo kalena Hooyadiis uu caayay. ”Madaxweynuhu waa ial dagaalay oo Xaafiiskiisa dhexdiisa,ayuu Hooyaday ku caayay oo caagad igu soo tuuray ,laadna igula soo fara baxsaday’sidaa waxaa yiri Faysal Cali Waraabe.

Read More

Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Dowladda Federaalka Soomaaliya (DANAB), ayaa maanta Al-Shabaab kala wareegay gacan ku heynta degaanka Tooratoorow oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose. Ciidanka DANAB ayaa gudaha u galay degaanka Tooratoorow, iyagoona gacanta ku dhigay qaadigii ugu Weynaa ee Maxkamadda Ururka Al-Shabaab uu ku lahaa Degaankaas, sida ay warisay warbaahinta Dowladda oo xiganaysa saraakiisha Ciidanka la wareegay Tooratoorow. Ninka ay qabteenka Ciidanku oo aan weli lasoo bandhigin Sawirkiisa iyo magaciisa, ayaa saraakiishu sheegeen inay saacadaha soo socda la wadaagi doonaan Saxaafadda Ninka iyo faah-faahin ku aadan qabsashada Degaanka Tooratoorow. Sidoo kale, Ciidanka DANAB ee uu tababaro…

Read More

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa war kasoo saartay kulan ay sabtidii lasoo dhaafay ku yeesheen Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobalka Danjire Donald Yamamoto iyo Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni. Qoraal kooban oo lagu baahiyay Barta Facebook ee Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho, ayaa lagu sheegay in Danjire Donald Yamamoto iyo Madaxweyne Deni ka wada-hadleen iskaashiga amniga gobolka & horumarka. Safaaradda Mareykanka ayaa sheegtay in Danjire Donald Yamamoto uu ka codsaday Madaxweynaha Puntland soo celinta wada-shaqeyntii Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka si looga caawiyo Soomaaliya ka guuleysiga caqabadaha, loona gaaro barwaaqo. “Safaarada Mareykanka ee Muqdisho ayaa mar…

Read More

Guddiga Doorashooyinka Guddoonka Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa soo saaray Jadwalka Doorashooyinka Guddoonka Baarlamaanka 2-aad ee Galmudug iyaga oo dhammaan 15ka xubnood ee Guddiga ay si wadajir ah u ansixiyeen. Qoraal kasoo baxey guddiga ayaa lagu sheegay in qabashada araajida ay bilaabaneyso 14-ka Bishana kuna egtaya 15-ka,sidoo kale dhageysiga khudbaha musharixiinta ay dhaceyso 16-ka Bishaan oo ku beegan Khamista soo socota. Ugu dambeyn waxaa ay Guddiga Doorashooyinka Guddoonka Baarlamaanka Galmudug shaaciyeen in doorashada guddoonka Baarlamaanka Galmudug iyo dhaarinta ay dhaceyso 17 Bishaan oo ku beegan Maalinta Jimcada ah.

Read More

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda hey’adda caafimaadka adduunka (WHO) oo socdaal shaqo ku yimid dalka. Agaasimaha caafimaadka loo dhanyahay, Dr. Peter Salama iyo waliilka Hey’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya, Dr Mamunur Rahman Malik ayaa hoggaamiyay wafdiga. Dr. Peter Salama oo Ra’iisul Wasaaraha uga mahad celiyay soo dhaweynta, ayaa hoggaanka dowladda ku ammaanay dadaalka ay ugu jiraan in dadka Soomaaliyeed oo dhan ay helaan caafimaad loo dhanyahay. Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka bulshada ayaa goob joog ka aheyd kulanka dhex maray Wafdiga iyo Ra’iisul Wasaaare Xasan Cali Khayre.

Read More

Dowladda Kenya ayaa si rasmi ah u xqiijisey in saddex Macalin lagu diley Weerar Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ka fuliyeen deegaanka waaxda Kamuthe e duleedka Magaalada gaarisa ee Gobolka Waqooyi Bari. Isku duwaha booliska ee gobolka waqooyi Bari Paul Soi ayaa sheegay in weerar dhacay 2:30 Daqiiqo ee xalay lagu diley saddexda Macalin,isla markaana ay wadaan baaritaano dheeraad ah oo ku saabsan sida uu u dhacey weerarkaas. Sidoo kale, Isgaarsiinta deegaanka waaxda Kamuthe ee gobolka Waqooyi Bari kenya ayaa maqan, kadib markii Al-Shabaab burburiyeen Anteenooyinkii Shirkadda Isgaarsiinta Safaricom. Weerarkan ka dhacay duleedka Gaarisa ayaa imaanaya todobaad uun kadib markii…

Read More

Ra’iisulwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ku casuumay Madaxweynaha Dalka Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa inuu dhex-dhexaadiyo Khilaafka ka dhaxeeyo wadankiisa iyo Masar, ee ku aadan biyo-xireenka Itoobiya ka waddo Biyaha Wabiga Niil. Ma cadda doorka Koonfur Afrika ay ka ciyaari doonto muranka dalalkan oo Mareykanku horeyba gacan uga geysanayay dhexdhexaadintooda. Dhismaha biyo-xireenkan ayaa loo qorsheeyay in lagu dhammaystiro sannadkan, wuxuuna noqon doonaa warshadda korantada ee ugu weyn Afrika, lakiin Dowladda Masar ayaa kasoo hor-jeeda biyo-xireenkan iyadoo ka baqeysa inuu saameyn ku yeesho qulqulka webiga ay ku tiirsan tahay 90% oo biyo ah. Wada-hadladii ugu dambeeyay ee dhinacyada ayaa ku soo dhamaaday…

Read More

Ethiopia’s Prime Minister Abiy Ahmed has responded after US President Donald Trump appeared to take credit for Mr Abiy’s Nobel Peace Prize. Mr Abiy said he did not have “any clue about the criteria, how the Nobel Committee select an individual for the prize”. So he said that if Mr Trump wanted to complain he must go to the Nobel Committee in Oslo. VIDEO: After US President Donald Trump said that he believes he deserves the 2019 Nobel Peace Prize, Abiy Ahmed, the winner and Ethiopian Prime Minister replied: “If Donald Trump wants to complain, he should go to Oslo,…

Read More

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa u jawaabay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump kaddib markii uu dhawaan sheegay in Abiy Axmed laga siiyay biladda abaalmarinta nabadda ee Nobel. Abiy wuxuu sheegay in uusan wax war ah ka heynin qaababka ay guddiga Nobel kusoo xusheen shakhsiyaadka ay abaal marinta guddoonsiinayaan. Ra’iisul wasaaraha Itoobiya wuxuu sidoo kale sheegay in dacwadda uu Trump kaga qabo abaalmarinta uu u gudbin karo guddiga Nobel ee uu fadhigiisu yahay caasimadda Norway ee Oslo.Quote Message: Aniga uma shaqeeyo in aan abaalmarin helo, waxaan ka shaqeeyaan nabadda, waana arrin muhiim ka ah gobolkeena” from Abiy Axmed Ra’iisul wasaaraha Itoobiya…

Read More