Maxkamadda sare ee racfaanka Ciidamada qalabka sida iyo dambiyadda culus ee dowladda Puntland ayaa maanta jebisay xukun dil ah oo horey loogu riday Ayuub Nuur Nuux oo ahaa madaxii amniyaadka Alshabaab ee magaalada Muqdisho, sida ay horey u shaacisay Maxkamadda darajada kowaad ee ciidanka qalabka sida. Ninkan oo lagu magacaabo Ayuub Nuur Nuux, ayaa 29-kii Bishii july ee sanadkii hore, lagu xukumay dil toogasho, kadib markii maxkamadu ay sheegtay inuu qirtay in uu dad badan ku laayay Muqdisho, qaar badana amarkiisa lagu dilay. Balse, Maxkamadda sare ee racfaanka Ciidamada qalabka sida iyo dambiyadda culus ee dowladda Puntland ayaa xukunkaas jebisay,…
Author: Jibril Qoobey
Qarax aan noociisa lagaranaynin loona malaynaayo in uu ka dhashay guri lagu diyaarinayay miinooyinka iyo walxaha qarxa ayaa maanta salaadii casar kadib ka dhacay Degmada Jilib ee Gobalka J/dhexe. Guriga uu qaraxu ka dhacay ayaa waxaa daganaa xubno sar sare oo ka tirsan maleeshiyaadka Alshabaab, sida ay xaqiiyeen dadka degmada Jilib oo ay gacanta ku hayso Kooxda Al-Shabaab. Ma jirto faah-faahin dheeraad ah oo laga helayo qaraxaas ka dhacay degmada Jilib, waxaana uu kusoo aadaya xilli maalmihii ugu dambeeyay degmadaas iyo degaanada hoos-taga ay ka dhacayeen duqeymo ay fulinayaan diyaaradaha dagaalka Mareykanka. Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.
Afartan ruux ayaa ku geeriyootay kadib markii ay isbuurasho ka dhacday aas loo sameynayay Gen. Qassem Soleimani oo Jimcihii hore ku dhintey duqeyn ay geysteen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Maraykanka. Geerida dadkan ayaa sababtay in dib loo dhigo aaska Gen. Qassem Soleimani oo ka dhici lahaa magaalada uu ku dhashay ee Kerman. Dad lagu qiyaasay malaayiin ruux ayaa isugu soo baxay wadooyinka magaalada uu ku dhashay iyo weliba magaalooyin kale. lama oga waxa sababay is buurashada hase yeeshee madaxa gurmadka deg-degga ee dowlada Iran Pir-hossein ayaa sheegay in 40 ruux ay geeriyoodeen, halka 213 kalana ku dhaawacmeen sababo la…
Xoghayaha gaashaandhigga Mareykanka Mark Esper ayaa beeniyey in ciidamada Mareykanka ay kasoo baxayaan Iraq, kadib markii sidaas lagu sheegay warqad loo diray militariga Iraq. Sidoo kale sarkaalka ugu sarreeya militariga Mareykanka ayaa sheegay in warqadda oo kasoo baxday sarkaal militari oo ku sugan Iraq ay ahayd mid si qaldan loo qoray. “Ma jiro wax go’aan ah, wuxuu doono ha ahaadee oo Iraq looga soo tagayo” ayuu yiri Esper. “Ma jiro wax go’aan ah oo aan kusoo baxeyno, mana aynan soo saarin wax qorshooyin ah oo aan uga soo tageyno.” Warqadda oo Isniintii aad u wareegeysay twitter-ka, ayaa waxaa dowladda Iraq…
Maxkamadda sare ee racfaanka Ciidamada qalabka sida iyo dambiyadda culus ee dowladda Puntland ayaa xukuno iskugu jira dil iyo xabsi ku riday 13 eedaysane oo katirsanaa ururada Argagixisada ah ee Al-shabaab iyo Daacish. Maxkamadda sare ee racfaanka Ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa 3 kamid eedeysanayaasha ku riday xukun dil ah, halka 10 kalena ay ku riday xabsiyo kala duwan, sida uu ku dhawaaqay G/sare Maxamed Aadan Jaamac oo ah garsoore kamid ah Maxkamadda sare ee Ciidamada qalabka sida ee Dowladda Puntland. Sidoo kale, Maxkamadda sare ee racfaanka Ciidamada qalabka sida ee Dowladda Puntland ayaa sheegtay inay maalmaha soo socda…
Kooxda Al-Shabaab ayaa weerar ka geysatay degaanka Saretho oo duleedka ka ah Magaalada Gaarisa ee xarunta Gobalka Waqooyi Bari ee dalka Kenya. Taliye ku-xigeenka Booliska Magaalada Gaarisa Kibet Bowen, ayaa sheegay in xubno ka tirsan Al-Shabaab ay soo weerareen Saldhig ay Ciidamada Booliska Kenya ku lee yihiin degaanka Saretho oo u dhow xerada qaxootiga ee Dhadhaab ee Gobolka Waqooyi Bari. Sidoo kale, Taliye ku-xigeenka ayaa sheegay inay weerarkaas ka hortageen, isla markaana ay dileen laba kamid ah xubnaha Al-Shabaab ee weerarka salhdiga kusoo qaadey, wallow fah faahin intaasi ka badan uusan bixin. Dhinaca kale, Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyada weerarkaas, ayaa…
Boqortooyadda Sacuudi Carabiya ayaa Isniintii ku dhawaaqday dhismaha gole ka kooban sideed waddan oo Carab iyo Afrikaan ah oo xaduud ka ah Badda Cas iyo Gacanka Cadan. Boqorka Sacuudiga Salmaan ayaa ku qaabilay Magaalada Riyadh wasiirrada arrimaha dibadda ee Masar, Jordan, Eretariya, Yemen, Suudaan, Soomaaliya, iyo Jabuuti, wuxuuna ugu hambalyeeyay aasaaska golaha iyo saxiixa Axdiga Golaha. Intii uu socday kulanka, wasiirradu waxay ka wada hadleen sidii loo horumarin lahaa iskaashiga ka dhexeeya waddamada xuduudda la leh Badda Cas si loo xoojiyo amniga iyo xasilloonida gobolka, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka ee Sacuudiga. Sidoo kale, shirka ayaa diiradda lagu saaray danaha…
Turkish President Recep Tayyip Erdogan declared Monday that Turkish forces would do their duty in Libya after being deployed to support the country’s besieged Government of National Accord. On Sunday, Erdogan confirmed the start of a military deployment to Libya. “There will be an operation center [in Libya]. There will be a Turkish lieutenant general leading, and they will be managing the situation over there. [Turkish soldiers] are gradually moving there right now,” said Erdogan. “The goal of the Turkish Armed Forces is not to fight, but to ensure a cease-fire in Libya.” The GNA is currently under siege by…
Madaxweynaha Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumad Cumar ayaa sheegay in ay Somaliland kala hadlayaan sidii xurriyadiisa uu u heli lahaa Wariye Cabdi Maalik Muuse Coldoon. Qoraal uu soo dhigey Barta Facebook soo dhacay Madaxweyne Cagjar ayuu ku sheegay in Cabdi Maalik uu yahay astaan u dhaxeysa Soomaali oo dhan, isla markaana dadaal ay ku bixinayaan sidii loo siideyn lahaa. “Xukuumada deegaan-ku waxay isku dayaysaa markale inay kala hadasho, madaxwayne muuse biixi iyo xukuumada uu hogaaminayo somaliland. Samafale Abdimaalik muuse siduu xoriyadiiisa Uu u heli-lahaa! Abdimaalik sheikh muuse Waa Astaan Somaali kadhaxaysa” ayuu yiri Madaxweynaha DDS Mustafe Maxamuud Cagjar. Maxkamadda Magaalada…
Diyaarado dagaal ayaa xalay duqeymo culus ka fuliyay xarumo ay ku sugnaayeen xubno katirsan Ururka Al-Shabaab oo ku yaala Gobolada Jubbooyinka. Duqeymaha ayaa ka kala dhacay degmooyinka Jilib, Jamaame iyo deegaanka caga libaax oo dhamaantooda ka tirsan gobalada Jubbooyinka, Dadka degaanka ayaana sheegay in ay arkeen diyaarado jawi hoose ku duulaya kuwaas oo duqeymo ka fulinaya deegaanadaas. Saraakiil katirsan Ciidanka Xoogga ayaa xaqiijiyay in dagaalamayaal iyo saraakiil katirsan Kooxda Al-Shabaab lagu dilay Degmooyinka Jilib, Jamaame iyo Caga-libaax, halka 4 xubnoodna nolashada lagu qabtay. Diyaaradaha Mareykanka ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay duqeymo culus ka fulinayay saldhigyada kooxda Al-Shabaab ay ku lee yihiin…
Waxaa maanta lagu wadaa in Koonfurta bari ee dalka Iran lagu aaso Jeneraal Qasem Suleimani oo madax ka ahaa ciidamada Quds ee Iran, kaas oo uu Mareykanka ku dilay duqeyn dhanka cirka ah. Wakaaladda wararka ee ISNA ee Iran ayaa kusoo warrantay in meydka Jeneraal Qasem Suleimani la geeyay magaalada uu kasoo jeedo ee Kerman, halkaasi na lagu aasi doono maanta oo talaada ah. Aaska Jeneraalkan ayaa lagu wadaa in ay kasoo qeybgalaan dad aad u tira badan oo uu kamid yahay hogaamiyaha ruuxiga ee Iran, Ayatullahi Cali Khumanein, Madaxaweynaha Iran, Xassan Ruxaani iyo mas’uuliyiin kale. Waxaa sidoo kale maanta…
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa la kulmay Dhiggiisa Sucuudiga Amiir Faisal bin Farhan bin Abdullah,iyaga oo ka wada hadley Arrimodhowr ah. Kulanka ayaa waxaa ay uga wada hadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga labada dal ee walaalaha ah, sidoo kale waxa ay si hubaal ah u faaqideen in arrimaha heer goboleed si wadajir ah looga wada tashado. Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa Sacuudiga uga qeyb-galay aas’aaska isbahaysi ay u dhanyihiin 8 dowladood oo kulaala xeebta Badda Cas.
Warsaxaafadeed ka soo baxay Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in weerarkii kooxda Al-Shabaab ay ku qaadday saldhigga ciidamada militeriga ee Manda Bay ee Gobolka Lamu subaxnimadii hore ee Axadda aanu ahayn mid ay ku lug leedahay dowladda Iran. Taliska Mareykanka ee Africa ayaa meesha ka saaray warar ay tebiyeen qaar ka mid ah warbaahinta oo sheegaya in laga yaabo in Iran ku lug leedahay weerarkaasi. “Taliska Mareykanka ee Africa ma go’aamin in weerarkii shalay ee ay Al-Shabaab qaadday uu xiriir la lahaa Iran,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed. Warsaxaafadeedka ka soo baxay Taliska AFRICOM ayaa lagu yiri, “inkastoo…
Hay’adda Duulista Rayidka ee Soomaaliya oo saddon sano kaddib ku guuleysatay inay la soo wareegto maamulka Hawada Soomaaliya ayaa wal wal ka qabto in markale dib loogala wareego maamulka Hawada. Mudane Axmed Macalin Xasan Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka ee Soomaaliya oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa xusay in shirciga duulista rayidka ay wax badan uga xiranyahay howlaha hay’adda duulista. “13 ka bishan waxaa Nairobi ka dhici doono shir looga hadlayo Hawada Soomaaliya, anagoo ugu horeyn nala wey diin doono sharcigii duulista Hawada” ayuu yiri. Maareeyaha Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya ayaa sheegay in Xildhibaannada Golaha Shacabka in 4-tii bishan ay meel…
Senatorada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku matala degaanada Puntland ayaa kahor yimid Hindise – sharciyeedka Batroolka Dalka, oo shalay ay ansixiyeen Golaha Aqalka sare. Senatorada oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Hindise sharciyeedka Batroolka dalka ay ku jiraan qodobo badan oo dhaawacaya midnimada iyo wada-tashiga Dalka, iyagoona tilmaamay in la doonayo in lagu boobo kheyraadka Dalka. Senator Maxamuud Mashruuc oo kamid ah xubnaha Golaha Aqalka sare ku matala Puntland ahna Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Kheyraadka Aqalka sare ayaa Sheegay in sharciga ay kusoo sameeyeen wax ka badal balaaran balse Xukuumaddu ay olale u gashay…
Xisbiga miisaanka culus ee Tigreega,ayaa sheegay in dal shisheeye faragalin ku hayo arimaha gudaha Itoobiya. Xisbigu ma shaacin magaca dalkaas,sidoo kale ma bixin faahfaahin intaas ka badan. Shir deg-deg ah oo Xisbigu iskugu yimid,ayuu kasoo saaray war saxaafadeed uu kaga hadlay arinkaas. Xisbiga Tigreega oo in ku dhow 30-sano soo hogaaminayay Itoobiya,ayaa hada khilaaf weyn waxuu dhexyaalaa Dowlada uu hogaamiye Rw Abiy.
Ciidanka Booliska Dowladda Puntland ayaa gacanta ku dhigay Labo nin oo dhacay gaari Taxi ah, kaas oo ay markii hore ay ka kireysteen Magaalada Boosaaso, ayna u kaxeysteen Degmada Carmo. Taliyaha qeybta booliska Gobalka Bari G/SARE Xuseen Cali Maxamuud oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Boosaaso ayaa sheegay inay Ciidanku gacanta ku dhigeen saacad kaddib markii laga dhacay mulkiilihii gaarigan oo ah nooca loo yaqaan (Probakis), xilli uu ku safrayay Wadada xariirisa Boosaaso iyo Carmo. G/SARE Xuseen Cali Maxamuud ayaa sheegay inay Maxkamadda hor-geyn doonaan ragan, isagoona digniin u diray dadka ku kaca falalka dhaca iyo kuwa kale ee amniga…
Senatorada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta meel-mariyey Hindise -sharciyeedka Batrooolka dalka, kaas oo muddunayaashu ay dood adag ka yeesheen kahor ansixintiisa. Wasiirka Batroolka XFS Cabdirashiid Maxamed Axmed iyo Wasiir Ku-xigeenka Wasaarada Batroolka Maxamuud Cabdiqaadir Hilaal ayaa hor-tagay Senatorada Golaha Aqalka Sare, iyadoona Xildhibaanadu ay su’aalo ka weydiiyeen. Hindise -sharciyeedka Batrooolka Dalka ayaa waxaa horey usoo meel-mariyey Xildhibaanada Golaha Shacabka, waxaana iminka xiga doona inuu madaxweynaha saxiixo, si uu sharci u noqdo.
Jaaliyadda Gobalada SSC ee daggan Gobolka Minnesota ee Dalka Mareykanka oo shir yeeshay ayaa taageeray dib-u xorraynta Deegaanada SSC ee dhawaan looga dhawaaqay magaalada Buuhoodle ee xarunta Gobalka Cayn.
Safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaiya Amb. Donald Yamamoto, ayaa la filayaa inuu 9-ka bishan Janaayo (Khamiista), uu gaaro Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Dowlad Gobaleedka Jubbaland. Socdaalka Danjire Yamamoto oo la qorsheynayay bartimihii bishii Decamber ee sanadkii tagay, ayaa dhowr jeer dib u dhac ku yimid, iyadoona uu ugu dambeyntii uu u baaqday fasaxyadii Ciida Kirismaska iyo Sanadka cusub awgood. Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo Magaalada Garoowe laga sugayay tan iyo horaantii December 2019,a yaa u hakaday booqashada Yamamoto oo muhiim u ah Jubbaland. Safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaiya Amb. Donald Yamamoto, ayaa…
Ciidanka Booliska Kenya ayaa ku xiray Xaafada islii ee Magaalada Nairobi mudaawin Soomaali–Canadian ah, kaas oo looga shakiyay basaasnimo. Ninkan oo magaciisa lagu sheegay Cabdinaasir Abudule, ayaa la qabtay isaga oo ‘ilaalin’ ku samaynaya Saldhigga Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) ee Islii, sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday Booliska Kenya. Booliska ayaa warbixintooda ku sheegay in ninkan Moobilkiisa laga helay sawirrada saldhiga Ciidanka cirka Kenya, waxaana ay tilmaameen in qabashadiisa ay ku timid tuhun ka galay Ciidanka. Sidoo kale, Ciidanka Booliska Kenya ayaa tibaaxay in ninkan uusan heysay aqoonsi, lagana helay Telefoonkiisa oo iphone ah sawirro iyo muuqaalo laga duubay goobo…
Sleuths on Monday arrested a suspect believed to be a Somali-Canadian national in Nairobi’s Eastleigh estate. The foreigner, only identified as Abdinasir Abudule, was intercepted while conducting ‘surveillance’ on Kenya Defence Forces (KDF) Air Force base in Eastleigh. In a report, police said they were acting on a tip-off from members of the public after the suspect was spotted “going round taking pictures including those directed to the Air Force compound. ”The officer on duty then alerted his team and it is then that they rushed to Joster Supermarket and managed to seize the suspect on arrival.Police say he had…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa kala diray Garsoorayaasha iyo Xeer-ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Puntland, sida ay inoo xaqiijiyeen ilo-wareedyo rasmi ah. Kala dirista Garsoorayaasha iyo Xeer-ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Puntland ayaa timid kaddib markii uu Madaxweynhuhu wada-tashi dheer la yeeshay Guddiga amniga, kaas oo ku aadanaa fadeexado badan oo dul-hoganayay Maxkamadaha Ciidamada Puntland. Ilo-wareedyo ayaa inoo sheegay in Garsoorayaasha iyo Xeer-ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ay eersadeen eedeymo la xariiri inay qaateen laaluus, sidoo kalena ay iibsadeen dambiilayaan katirsan Kooxaha argagixisada ah ee Al-Shabaab iyo Daacish, kuwaas oo dilal ka geystay Magaalooyinka waa weyn ee Puntland, gaar…
Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qarax lala eegtay Gaashaanle Cabdicasiis Faarax Maxamed (Istakiin) oo ahaa Madaxa Saadka Ciidamada isku dhafka ah ee xasilinta Gobolka Mudug. Qaraxan oo ahaa mid gaarigiisa loogu xiray Gaashaanle C/casiis Istakiin ayaa xalay ka dhacay Xaafadda Siinay ee waqooyiga Magaalada Gaalkacyo, waxaana kasoo gaaray dhaawac. Sarkaalkan oo dhaawaciisa lagu dabiibayo mid kamid Isbitaalada Gaalkacyo ayaa horey u soo noqday Darawalka Madaxweynihii hore ee Dowladdii KMG aheyd AUN Col. C/llaahi Yuusuf Axmed. Al-shabaab ayaa horey qarax ismiidaamin ah ugu dilay Taliyihii ciidanka isku dhafka Magaalada Gaalkacyo, Gaashaanle Sare Cabdi Xukun Cabdullaahi Maxamuud (Xoreeye). 28i-dii bishii Abril sanadkii…
Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Dowladda Puntland ee PSF-ta oo ay wehlinayaan Ciidanka Badda ee (PMPF) ayaa howlgallo culus oo ka dhan ah Maleeshiyaadka Daacish ka fuliyay toga Miraale ee Gobalka Bari. Howlgalkan oo dhacay 4-tii bishan Janaayo (jimcihii), ayaa Ciidanku ku dileen 4 kamid ah maleeshiyaadka Daacish, oo mid kamid ah uu ahaa Saraakiisha Kooxda oo ku sugnaa Toga oo 27-KM dhanka Bari ka xiga Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobalka Bari. Sidoo kale, Ciidanka PSF-ta Puntland ayaa hawlgallo culus ka fuliyay gudaha Magaalada Boosaaso, iyagoona kusoo qabqabtay dad looga shekisan yahay Kooxda Al-Shabaab iyo Daacish oo tiradoodu…
Hoggaamiyaha sare ee Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa maanta hoggaamiyey duco loo qabtay Qassem Soleimani, ayada oo boqolaal kun oo qof ay isugu soo baxeen magaalada Tehran, si ay ugu baroordiiqaan Jeneraalkii sare ee Iran. Ayatollah Ali Khamenei ayaa waxaa wehliyey madaxweynaha Iran Hassan Rouhani iyo saraakiil sare oo kale oo Iranian ah. Isu soo baxa maanta ayaa xigsaday mid kale oo la mid ah oo shalay ka dhacay magaalada ku taalla koonfurta galbeed ee Ahvaz. Iran ayaa waxa ay ku guda jirtaa saddex maalmood oo baroordiiq ah, ka hor inta aan Soleimani maalinta Talaadada lagu aasin magaalada uu kasoo…
Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, ayaa lagu wadaa inuu maalmaha soo socda soo gaaro Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland. Madaxweyne Xaaf oo haatan ku sugan Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug, ayaa casuumaad ka helay Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, wararka ayaana sheegaya inuu safar dhulka ah uga soo bixi doono Gaalkacyo. Ilo-wareedyo ayaa sheegaya inuu Madaxweyne Xaaf ka qeybgalayo Shir Wada-tashi ah oo uga furmaya Magaada Garoowe Madaxda Dowlad Gobaleedyada Puntland, Jubbaland iyo Galmudug, kaas oo looga arrinsanayo Xaalada guurka Dalka, Doorashada Dalka ee 2020-2021 iyo Xaalada Galmudug oo haatan ay hareeyeen khilaafyo…
Wasaaradda Beeraha Dowlad goboleedka Galmudug oo kaashaneysa Wasaaradda Beeraha xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa ay deegaano hoostaga Magaalada dhuusamareeb ka bilaabeen qorsho lagula dagaalamayo Ayaxa. Ayaxa ayaa waxaa uu ku degay beero badan oo ku yaalla Gobolka Galgaduud,isaga oo xaalufiyey dalagyo kala duwan oo lagu beeray,sida ay sheegeen Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug. Howsha lagula dagaalamayo Ayaxa ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb qaadanaya Duqa degmada Dhuusamareeb Macalim Nuur Cilmi Garre,waxaana fulinaya Shaqaale sigaara loo tababaray. Ayaxa ayaa waxaa uu dhibaato badan ku haayaa Beeraleyda ku nool deegaano ka tirsan Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya, iyada oo dadba sidii ay doonaan ay…
Wasaaradda arrimaha gudaha ee Dowlad-goboleedka Koonfur-galbeed ayaa shaacisay liiska xubnaha golaha deegaanka degmada Diinsoor ee gobolka Bay, liiska oo ka kooban 21 xubnood ayaa isugu jira 10 dumar ah iyo 11 rag ah.
Maxkamadda sare ee Racfaanka Ciidamada Qalabka sida ee Dowladda Puntland ayaa xukuno ku riday shan nin oo kamid ahaa Ciidanka Puntland, kuwaas oo ku eedaysnaa inay dilal gaysteen. Labo kamid ah eedeysanayaashan ayaa Maxkamadda Sare ee Racfaanka Ciidanka qalabka sida ee Puntland ku xukuntay bixinta magta dadkii ay dileen, halka saddexda kalena ay Maxkamaddu ku xukunta dil toogasho ah. Eedeysanayaasha ay Maxkamaddu ku riday xukunka dilka toogashada ah ayaa waxaa kamid ah Axmed Aadan Maxamed Gaagaale oo ku eedaysnaa dil loo geystay sanadkii 2015-kii, allaha u naxariistee Taliyihii Garoonka Diyaaradaha Boosaaso Xassan Shire Amaan. G/SARE Maxamed Aadan Jaamac oo ah…
Wasiirka wasaaradda Deegaanka Beeraha iyo isbedelka Cimilada Prof, Ismaaciil Diiriye Gamadiid iyo wafti balaaran oo uu hogaaminayo oo ay kamidyihiin agaasimaha guud ee wasaarada Mudane, Cabdicasiis Nuur Cilmi “Koor”, agaasimeyaal, injineerada wasaarada iyo xubno kale ayaa booqday degmada Eyl ee gobolka Nugaal halkaas oo ay sahmin iyo qiimayn dhab ah kusoo samaynayeen baaxada saamaynta ay ka dhalatay duufaantii “Pawana”ee dhawaan ku dhufatay qaybo kamid ah xeebaha Puntland. Waftigaan ayaa intii ay kormeerka kujireen la kulmay madaxweynihii hore ee Puntland oo hadana ah Senator ka tirsan aqalka sare ee Baarlamaanka dawlada federaalka ah ee Soomaaliya Mudane, Cabdiraxamaan Maxamed Maxamuud “Faroole”, maamulka…
Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland ayaa dhaqaatiir kala duwan waxaa ay u dirtey , deegaanka saaxdheer ee Koonfurta gobolka Sool,halkaas oo maalma ka hor uu ka dilaacey cudur aan weli la aqnoonsan,kaas oo ay u dhinteen Saddex ruux. Cudurkaas ayaa soo ritey dad badan,waxaana Wasaaradu sheegtay in Kooxo dhaqaatiir ah loo direy deegaankaas,kadib markii baaqyo kala duwan ay kasoo baxeen Odayaasha iyo waxgaradka deegaanka saaxdheer. Kooxda Dhaqaatiirta ah ayaa waxaa ay qiimeyn ku sameyn doonaan dadka bukaanada ah ee isbitaalka Saaxdheer jiifa si loogu qabto baahiyaha Caafimaad oo ay qabaan. Ugu dambeyn Wasaaradda Caafimaadka Puntland waxaa ay sheegtay in Dhaqaatiirka deegaanka…
Warbixino ay daabaceen wargeysyada kasoo baxa dalka Kenya ayaa saaka waxaa ciwaan looga dhigay in weerarka Al-shabaab ay ka fuliyeen lamu uu xiriir la leeyahay khilaafka u dhaxeeya iiraan iyo Maraykanka, islamarkaana aargudashadii iiraan ay ku hanjabtay ay tani qayb ka tahay. Balse afhayeen u hadlay Al-Shabaab ayaa beeniyay in xasarada siyaasadeed ee ka dhex taagan mareykanka iyo iiraan uusan sal isku laheyn, islamarkaana iyagu ay weerarkaasi qaadeen. Khasaaraha kasoo gaaray Mareykanka weerarkaas ayaa lagu sheegay mid balaaran, waxaana wararku sheegay in lagu burburiyay weerarkaas diyaarado dagaal oo nooca qumaatiga u kaca ah, Baabuur dagaal iyo Hub, kuwaas oo yeelay…
Madaxwaynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in ciidamadiisu ay bilaabeen in ay u dhaqaaqaan dhanka dalka Libya kadib markii Baarlamaanka dalkiisa ay meel mariyeen mooshin ciidamado loogu dirayo Libya. Erdogan, ayaa ujeedka ciidamada ku sheegay in ay tahay sidii dowladda Qaramada Midoobe ay taageerto ay kaga caawin lahayd soo celinta xasiloonida. Dowladda Libya ayaa dagaal adag kala kulmeesa xoogaga daacada u ah General Khaliifa Xaftar, kaas oo fadhigiisu yahay bariga dalkaasi. General Xaftar ayaa taageero ka heesto dowladaha Masar, Imaaraatka iyo Sucuudga halka dowlada Tripoli’na ay taageero ka heesato dowladaha Qatar iyo Turkiga.
Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen tuulooyin hoostaga degmada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose. Howlgalka ayaa Ciidamada waxaa ay sigaar ah uga sameeyeen deegaanka Ceel Saliini iyo deegaano kale oo hoostaga Magaalada Marka,waxaana saraakiisha hoggaamineysa ay sheegeen in uu ahaa mid amniga lagu xaqiijinayey. Taliyaha Guutada 1-Aad ee Ciidanka Dhulka Col-Xassan Maxamed Abuukar oo hoggaaminayay howlgalka ayaa sheegay in ay ku doonayeen howlgalkaas inay deegaano dhowr ah uga saaraan ururka Al-Shabaab. Taliyaha ma sheegin inay dad ku qabteen howlgalka balse uu sheegay in uu ahaa mid ay ku xaqiijiyeen…
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa ku hanjabay in cunaqabateyn aad u ballaaran uu kusoo rogi doona Dowladda Ciraaq, haddii ay dhaqangeliso qaraar uu meel-mariyay barlamaanka dalkaas. Donald Trump ayaa sheegay in saldhigga cirka ee uu Mareykanka ku leeyahay Ciraaq ay ku baxday balaayiin doolar, ciidamada Mareykakana aysan ka bixi doonin dalkaas ilaa iyo inta mas’uuliyiinta dalkaas ay ka bixinayaan kharashka Mareykanka uga baxay dhismaha saldhigaas. Barlamaanka dalka Ciraaq ayaa ansixiyay qorshe dalkaas looga saarayo ciidamada ajnabiga ah ee jooga gudaha wadanka Ciraaq. Arrintan ayaa lala xirirnayaan dilkii uu Mareykanka gudaha dalka Ciraaq ugu geystay Jeneraal Qasem Suleimani oo madax ka…
Ciidanka amniga Dowladda Puntland ayaa saaka howlgallo culus ka waddo Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug, kaddib qarax gaari oo xalay lala beegsaday Taliye ku-xigeenka Ciidanka isku dhafka ah ee “Xasilinta Gobalka Mudug” Gaashaanle, Cabdicasiis Faarax Maxamed “Istakiin” Qaraxan oo ahaa mid gaarigiisa loogu xiray Gaashaanle Istakiin ayaa ka dhacay xaafadda Siinaay ee waqooyiga Gaalkacyo, waxaa kasoo gaaray dhaawac fudud. Ciidanka amniga ayaa howlgalkooda ka wadda xaafadaha Magaalada Gaalkacyo, waxaana si gaar ah u bartilmaameedsanayaan goobo gaar ah. Ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyadda qaraxan loogu xiray gaarigiisa Taliye ku-xigeenka Ciidanka isku dhafka ah ee “Xasilinta Gobalka Mudug” Gaashaanle, Cabdicasiis Faarax…
Iran waxay shaacisay in ay ka baxday heshiiskii xakamaynta Hubka Niyuukleerka ee ay kula jirtay Quwadaha Lixda ah,kadib dilkii Jeneral Sulaymaan Qaasimi. Halkan ka daawo muuqaalka
U.S. military’s Africa Command have confirmed that one serviceman, two contractors were killed on Sunday when Islamist militant group al Shabaab attacked a military based in Kenya.
Taliska Milatariga Maraykanka ee Africom,ayaa xaqiijiyay in weerarkii Saldhiga Milatari ee Kenya ay ku dhinteen Nin Shaqaala ah iyo laba Qandaraasle. Sidoo kale Dowlada Kenya waxay shaacisay laba diyaaradood oo ku gubtay weerarkii Saldhigaas ee Alshabaab.
MOGADISHU, Jan 5, 2020: The Federal Republic of Somalia joins the rest of the world in condemning the cowardly attack that targeted joint Kenyan and U.S forces based at Manda Bay Airfield, Kenya earlier today. The failed attack from the crumbling Al Shabab terror group aimed at defence personnel and property will not hinder the joint efforts to eliminate those against the peace and stability of the region. Furthermore, the Federal Government of Somalia also commends the Kenya Defence Force and the U.S Africa Command for swiftly repulsing the attack, thus inflicting heavy defeat on the Al Shabab terror organization.…
BAYAANKA XUKUMADDA DHEX DAWLADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA WAXAA AY CANBAAREYSAY DHIBAATOOYINKA SHAQAAQO ABUURKA BARIGA AFRICA GAROONKA AIRFIELD DALALKA MAREYKANKA IYO KENYA IYO SOMALIA KA DHAXEEYO GEESKA AFRICA UGU WAYN MUQDISHO, Jan 5, 2020: Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay ku biirtay adduunka intiisa kale iyagoo dhalleeceeyay weerarka fulaynimada ah ee lala beegsaday ciidamada isku dhafka ah ee Kenya iyo Mareykanka ee fadhigoodu yahay garoonka Manda Bay Airfield, Kenya arintaas ayay sheegtay in ay ka xuntahay wixii dhacay Weerarka fashilmay ee ka dhashay burburintii kooxda argagixisada ah ee Al-shabaab oo loogu talagalay difaaca shaqaalaha iyo hantida ayaan carqalad ku noqon doonin dadaallada wadajirka ah…
Maxkamada Darajada kowaad ee Gobalka Bari ayaa maanta xukunno isugu jira xabsi iyo ganaax lacageed ku riday Odayaal iyo Siyaasi bil ka hor lagu xiray Magaalada Boosaso, kuwaas oo dhaliilo u jeediyay Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni. Maxkamada ayaa xabsi muddo saddex bilood ah iyo ganaax lacageed oo dhan $500 ku riday Siyaasi Muuse Cali Jaamac, Nabadoon Cabdullaahi Yuusuf Buuxe iyo Nabadoon Cawad Aadan Maxamed. Halka laba sano oo xabsi iyo ganaax lacageed oo $1,000 ay maxkamadu ku riday Nabadoon Cabdicasiis Bayadhabo iyo Nabadoon Maxamuud Aadan Rooble. Hadaba Maxaa uu ka dhigan yahay Xukunkan ay ku…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa Casuumaad u diray Gudoomiyaha maamulka Gaarisa ee Gobalka Waqooyi Bari ee dalka Kenya iyo Xildhibaan Yuusuf Xaaji oo kamid Baarlamaanka Kenya, kuwaas oo la filayo in maalmaha soo socda ay soo gaaraan Magaalada Muqdisho. Labada Masuul ayaa la filayaa inay kulamo la yeeshaan Madaxweyne Farmaajo, iyagoona ka wada-hadli doono arrimo ay ugu horeyso Khilaafka Jubbaland iyo Dowladda Federaalka. Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu doonayo in Masuuliyiintan ay heshiisiiyaan Isaga iyo Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo ay isku heyb yihiin Labada Masuul. Sidoo kale, Ilo-wareedyada ayaa…
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug ayaa sheegaya in Qarax gaari uu goor-dhaweyd ka dhacay Waqooyiga Gaalkacyo ee Puntland. Qaraxan ayaa ahaa mid gaarigiisa loogu xiray Taliye ku-xigeenka Ciidanka Isku-dhafka ah ee Gobalka Mudug Gaashaan C/casiis Faarax Maxamed Istakiin, waxaana wararku sheegayaan inuu taliyuhu ku dhaawacmay. Wixii kasoo kordha kala soco Idil News
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Filish, ayaa maanta waxa uu guddoommiye cusub u magaacabay degmada Cabdul Casiis ee Gobolka Banaadir. Wareegto ka soo baxday xafiiska duqa Muqdisho Cumar Filish ayaa waxaa lagu magacaabay Mahdi Maxamed Faarax in uu noqon doono guddoomiyaha degmadaasi Cabdul Casiis. Guddoomiye Mahdi ayaa waxaa uu duqa Muqdisho uga mahaceliyay magacaabitaasi uu magacaabay, isagoo dhinaca kale balan qaaday in hawlaha loo igmaday uu u gudan doono si wanaagsan. Guddoomiyihii hore ee degmada Cabdul Casiis ayaa waxa uu ku geeriyooday qaraxii ka dhacay xarunta dawladda hoose ee Xamar 24-kii July ee sanadkii hore…
Wasaaradda Ganacsiga iyo warshadaha Dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa wareegto ay soo saartay waxay ilaha dhaqaalaha iyo ganacsatada Soomaaliyeed ay kusoo rogtay amar ka dhan ah. Wareegtada ayaa lagu xusey in Ganacsatada degaanada Jubbaland aysan keeni karin badeecadaha waqtigoodu dhacay islamarkaana isticmaalkooda ay ka dhalanayaan xanuuno kala duwan. Sidoo kale Wasaaradad waxaa ay sheegtay in la ogaaday in ay jiraan Ganacsato badeeco dhacday keena kismaayo,balse cid alaala cidii fulin weysay amarkaan ay tallaabo ka qaadi doonaan.
Baarlamaanka dalka Ciraaq ayaa ansixiyey qaraar ku baaqaya in ciidamada ajnabiga ah ay ka baxaan Ciraaq, xilli ay sii xoogeysaneyso xiisadda ka dhalatay dilkii uu Mareykanku todobaadkii hore gudaha Ciraaq ugu geystay taliyihii ciidanka Qudus ee Ilaalada Kacaanka Iran Jeneraal Qaasim Suleymaani. Mudanayaasha Baarlamaanka Ciraaq ayaa sidoo kale isku raacay in barriga, badda iyo hawada Ciraaq laga mamnuuco dhammaan xoogagga ajnabiga ah. Qaraarkan baarlamaanka ayaa ugu baaqay xukuumadda Ra’isulwasaare Caadil Cabdul-Mahdi iney xaqiijiso soo gaba gabeynta joogista dhamaan ciidamada ajnabiga ah ee ku sugan Ciraq. “Baarlamaanku waxa uu u codeeyey in ay xukuumaddu Ciraaq ay ballan qaaddo iney ka laabato…
Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan, ayaa maanta Muqdisho kula kulmay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi. Guddoomiye Xaashi iyo Wakiilka QM James Swan ayaa ka wada-hadlay qodobbo ay kamid yihiin sharciga doorashada, kaas oo hor yaalla hadda Aqalka Sare. Ergayga Qaramada Midoobay ayaa ku tilmaamay sharcigan tilaabo taariikhi ah oo loo qaaday dhanka dhismaha nabadda, isagoo boorriyey in wakhtigiisa lagu meel mariyo si uu ula jaan qaado doorashada 2020.
Sida ku xusan shaxda Wasaaradda Maaliyadda, ciidamada Soomaaliya, waxaa hadda mushaari ah illaa 40 kun oo ciidan, kuwaas oo qaadanaya $146 million. Tirada xoogga dalka guud ahaan waa: 24,063 waxaa kale oo wehliya 2,083 oo ah agoonta xoogga ah, tirada booliisku waa 12,084 oo lagu daray agoonta oo gaadheysa 1.557 halka asluubta lagu sheegay 1,112, waxaan cadadkooda aan la shaacin NISA iyo kuwa gaarka ah! Miisaaniyadda 2020, xoogga dalku waxay mushaar ahaan u heli-doonaan ilaa $81,064,240, waxaa ku jira ilaa 7 Major General, Brigadier General(89), Colonel(178), Lieutenant Colonel(122), Major(252), Captain(432), Lieutenant(633), Second Lieutenant(1,682) iyo lugta oo gaaraya 20,668. Mushaarkooda waa…
Inta ka xaqiijiyay ilaa 28 ruux ayaa ku geeriyootay halka kuwa kalena ay ay dhaawacyo kasoo gaadheen, kadib duqayn lala beegsaday xarun militeri oo ku taalla caasimada Tripoli ee dalka Libya. Dawladda Turkiga ayaa si kulul uga hadashay duqayntaasi ka dhacday xaruntaasi militeri, waxa ayna Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa ay ugu baaqeen in ay joojiyaan taageerada ay siiyaan General Khaliifa Xafder. Tallaabadan ayaa uu Turkigu ku sheegeen in lagu badbaadin karo nolosha dadyowga reer Libya ee halista dagaal ee gadhaadh sii wajahaya, sida lagu daabacay wakaalada wararka dalka Turkiga. Arrintan ayaana kusoo beegmaysa xilli maalmihii u dambeeyay ay sii kordhayeen…
Waxaa maanta dalka Iran lagu aasayaa Jeneraal Qaasim Suleymaani, kaas oo maalintii Jimcaha lagu dilay meel u dhaw garoonka diyaaraha magaalada Baqdaad ee caasimada dalka Ciraaq. Diyaarad khaas ah ayaa soo qaaday maydka General-ka, waxaana garoonka ay diyaaradaasi kasoo degtay ku sugnaa saraakiisha ugu sareysa Iran. Maydka ayaa waxaa lagu wadaa in la geeyo magaalada Ahvaz ee ku taalla Koonfurta Galbeed ee dalkaasi Iran, halkaasi oo lagu aasi doono. Kumanaan kun oo shacab ah ayaa u diyaar garoobeya in ay ka qeyb qaataan Salaadda Janaasada, waxaa kaloo lafileyaa in aaska Jeneral Qaasim Suleymaani, uu kasoo qayb geli doono Aayaatullaah Cali…
Ciidamada lagu tababarayo Xerada Xorgoble ee Magaalada Qardho ayaa maanta loo bilaabay in la diiwaan-geliyo iyadoo la adeegsano hanaanka Casrigga ah ee ( Biometric) kaas oo lagu diiwaan-gelinayo dhamaan xogta la xiriirta Ciidamada. Ciidanka oo kamid ah Daraawiish-ta Dowladda Puntland ayaa diiwaan-gelintooda waxaa goob-joog ka ah Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Xasan Shire Cabdi, Wasiirka Amniga iyo DDR-ta Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan, Taliyaha Guud ee Ciidanka Daraawiish-ta Puntland Gen. Yaasiin Cumar Dheere, Guddoomiyaha Gobalka Karkaar iyo Masuuliyiin kale. Ciidanka Tababarku uga socdo Xerada Xorgable ee saaka lagu bilaabay diiwaan-gelinta casriga ah ee (Biometric), ayaa noqonaya qeybtii labaad ee Ciidanka Daraawiish-ta Puntland…
Maxkamada Darajada kowaad ee Gobalka Bari ayaa maanta xukunno isugu jira xabsi iyo ganaax lacageed ku riday Odayaal iyo Siyaasi bil ka hor lagu xiray Magaalada Boosaso. Maxkamada ayaa xabsi muddo saddex bilood ah iyo ganaax lacageed oo dhan $500 ku riday Siyaasi Muuse Cali Jaamac, Nabadoon Cabdullaahi Yuusuf Buuxe iyo Nabadoon Cawad Aadan Maxamed. Halka laba sano oo xabsi iyo ganaax lacageed oo $1,000 ay maxkamadu ku riday Nabadoon Cabdicasiis Bayadhabo iyo Nabadoon Maxamuud Aadan Rooble. Guddoomiyaha Maxkamada Darajada 1-aad ee Gobalka Bari Abuukar Cabdinuur Jaamac ayaa sheegay in xukmanayaasha ay ku cadaatay eedo ay kamid yihiin kicin dadweyne iyo…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa magacaabay guddiga qaban-qaabada xuska sanad guurada 60-aad ee maalmaha xorriyadda Soomaaliya ee 26-ka June iyo 1-da Luuliyo. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta XF Soomaaliya ayaa loo magacaabay guddoomiyaha guddiga oo ka kooban 13 xubnood, kuwaas oo u badan wasiirro ka tirsan xukuumadda Kheyre. Wasiir Maareeye oo ah guddoomiyaha guddigaas waxaa wehliya xubnaha kala ah, Wasiirrada Maaliyadda, Gaashaan-dhigga, Amniga gudaha, Dhallinyarada, Waxbarashada, Shaqada iyo Caddaaladda, guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Maareeyaha wakaaladda dhismaha, Agaasimaha Golaha wasiirrada, Agaasime ku-xigeenka guud ee Madaxtooyada iyo guddoomiyaha guddiga wacyi gelinta Qaranka. Guddigan ayaa la sheegay in howshiisu ay ku egtahay…
Hay’adda Cuntada iyo beeraha adduunka ee FOA ayaa sheegtay in Ayaxa uu burburiyey 70,000 oo hiktar oo ah dhul beereed ku yaalla Soomaaliya iyo Ethiopia, waxaana Hay’adda ku tilmaantay duulaankii ugu waynaa ee Ayaxaasi ku soo qaado geeska Afrika muddo 70 sano ah. Ayaxa ayaa waxyeello ba’an u geystay dhul ballaaran oo isugu jira dhul beereed iyo dhul ay xooluhu daaqaan. Ayaxa oo raxan-raxan u socday ayaa gebi ahaanba dhulkii uu ku degay u bedelay dhul u eg lama degaan aan weligiis roob ku di’in, arrintaas ayaa saameyn ku yeelatay beeralay iyo xoolo dhaqato badan. Dhanka kale, War-saxaafadeedka kasoo baxay…
Maxkamada Darajada 1-aad ee Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa ka socota Maxkamadeynta Siyaasiyiin iyo Odayaal dhaliiley xukuumadda Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni. Dadka Maxkamdeyntu ku socoto ayaa waxaa kamid ah Siyaasi Muuse Cali jaamac iyo odoyaal, kuwaas oo lagu eedeeyey inay ku xadgudbeen sharciga iyo kala dambaynta Puntland ayna gacmaha kula jireen abaabul iyo kicin dadweyne. 1-dii Bishan Janaayo ayaa markii ugu horeysay Siyaasiyiinta iyo Odayaasha la soo taagay Maxkamada Darajada 1-aad ee Gobolka Bari, waxaana halkaasi lagu dhageystay Gar-maqalka dacwadda loo haysto, Maxkamadda ayaana la filayaa inay go,aan ka gaarto Kiiskooda.
Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ayaa aroortii saaka weerar culus ku qaaday Saldhig Ciidamada Dowladda Kenya kaga sugan yihiin Xerada SIMBA kuna yaalla deegaanka “Manda Bay” ee Gobolka Lamu. Weerarka kadib ayaa waxaa halkaasi ka dhacay dagaal culus oo in ka badan saacad ka socdey Saldhiga la weeraray, kaas oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah. Wararka ayaa sheegaya in dagaalkaas ay ku geeryoodeen Askar kamid Ciidanka Kenya, waxaana sidoo kale waxyeelo soo gaartay Gaadiid Xerada yaallay, sida ay tabisay Qaar kamid Warbaahinta ka howlgasha gudaha Dalka Kenya. Dowladda Kenya weli kama hadlin weerarka lagu qaadey Saldhig Ciidamadooda ku sugan yihiin…
Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf oo la hadlay qaar ka mid ah Warbaahinta ayaa si adag u eedeeyay dowladda dhexe ee Soomaaliya oo uu sheegay in ay ku fashilantay dhismaha maamulka Galmudug. Madaxweyne Xaaf ayaa sheegay in Odayaasha dhaqanka Beelaha maamulka Galmudug ay Cabasho u soo gudbiyeen, islamarkaana ay u sheegeen in aysan jirin Xildhibaano ay soo xuleen oo dowladda dhexe ee Soomaaliya Jeebkeeda ka waddo. Waxaa uu xusay in cabashooyin badan ay kasoo gaareen qeybaha kala duwan ee bulshadda degaanada maamulka Galmudug, islamarkaana uu ka shaqeyn doono dhismaha maamul loo dhan yahay. Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed…
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaan (A. Madoobe), ayaa lagu wadaa inuu socdaal ku imaado Magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland, sida ay Shabakadda Idil News u xaqiijiyeen Masuuliyiin katirsan Madaxtooyadda Jubbaland. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sida qorshuhu yahay imaanaya Magaalada Garoowe horaanta Todobaadka soo socda, waxaana uu kulamo la yeelan doonaa Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni. Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa lagu wadaa inay ka wada-hadli doonaan arrimo ku saabsan doorashada 2020/2021 ee Soomaaliya iyo xiriirka dowladda Federaalka iyo Dowlad goboleedyada dalka. Sidoo kale, Labada Madaxweyne ayaa ka wada-hadlaa tabashooyin bulshada kasoo jeeda Beesha Harti ee ku…