Author: Jibril Qoobey

Guddiga Odayaasha ah ee ka shaqeeya nabadgelyada Gobolka Mudug oo shir muddo saddex maalin ah uga socday Magaalada Gaalkacyo ayaa soo saaray baaq ku aadan Colaada miyiga Gobolka Mudug. Guddiga Odayaasha oo ka kooban Waxgaradka Gobalka Mudug ee Puntland iyo Galmudug ayna ku wehlinayeen Shirka Maamulka Gobalka ee Labada dhinac, ayaa loogu baaqay Beelaha Gobalka, gaar ahaan reer miyaga inay joojiyaan dagaalada kusoo lab-laabtay Miyaga Gobalka Mudug. Sidoo kale, Odayaasha Gobalka Mudug ayaa iclaamiyay shirar balaaran oo looga tashanayo nabadda Gobalka, laguna qabanayo “Bariga iyo Galbeedka” iyagoona ugu baaqay Dadka labada dhinac inay kasoo qeyb-galaan.

Read More

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa magacaabay Guddi ka shaqeyn doona Sharciga Doorashooyinka Qaranka oo dhowaan la horgeyn doono Xildhibaanada Aqalka Sare. Qoraal kasoo baxay Xafiiska Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa lagu magacaabay Guddigan oo ka kooban 7-xubnood oo dhamaantood ka tirsan Mudanaaysha Aqalka sare. Guddigan ayaa ka shaqeyn doona sidii Aqalka Sare loo horgeyn lahaa Sharciga Doorashooyinka Qaranka, waxayna dood adag ka yeelan doona sharcigan oo ay dhowaan soo ansixiyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.

Read More

Taliyaha Guud ee Ciidanka Dowlad Goboleedka Jubbaland Gen. Aadan Maxamuud Ibraahim ayaa faahfaahin ka bixiyay Xaaladda degaano dhawaan Ciidanka Jubbaland ay kala wareegeen Al- Shabaab ee ka tirsan Gobolka Jubbada hoose. Taliyaha ayaa sheegay in nolosha dadka ay kusoo noqotay sidii caadiga aheyd oo ay helaan dhamaan adeegyada aas-aasiga ah ee nolosha, sida Waxbarashada, Caafimaadka iyo Biyaha, Aminigoodana ay sugaan Ciidanka Dowlad goboleedka Jubbaland. Ugu dambeyntii, Gen. Aadan Maxamuud ayaa sheegay in goobaha kale ee weli gacanta ugu jira Al-Shabaab laga saari doono sanadkan, islamarkaana Ciidanka Jubbaland ay qaadi doonaan howlgal ballaaran, isagoona tilmaamay in Ciidanka Jubbaland loo dhameystiray qalabkii…

Read More

Wafti ka socda Dowladda Puntland oo ay kamid ahaayeen Wasiirka Maaliyadda Puntland Xasan Shire Cabdi, Wasiirka Amniga iyo DDR-ta Puntland Cabdisamad Gallan iyo Taliyaha Ciidanka Daraawiish-ta Puntland Gen. Yaasiin Cumar Dheere ayaa gaaray Degmada Qardho ee Xarunta Gobalka Karkaar. Ujeedada safarka Masuuliyiintan ee Degmada Qardho ayaa la xariirta u kuur-galida Xaalada Ciidan Tababar uga socdo Xerada Xorgable ee Degmada Qardho, sida uu sheegay Wasiirka Amniga iyo DDR-ta Puntland Cabdisamad Gallan.

Read More

Jeneral Sulaymaan waxuu ahaa Talyihii Kumadooska Iran. Si kale oo Somalidu xiligan si fudud ufahmi karto markii loo dhigo waxuuvshaa Gabrihii Iraq,Suuriya iyo Lumnaan. Diyaarad khaas ah,ayuu kasoo raacay Siiriya waxuu kasoo degay garoonka Baqdaad qaybta VIP-da,ayaa loo furay oo uu kasoo baxay markuu soo dhaqaaqay waxaa lagu dhuftay Gantaal cabirkiisa miisaan uu ahaa 4-tan xataa waxaa la waayay lafihiisii waxa kaliya ee la helay waxay ahayd Faraantigiisii. Sulaymaan xili hore waxuu yiri Trump waxuu leeyahay dhaqanka ciyaalka Clup-yada xiliyada danbe ka shaqeeya malahan dhaqan Madaxweyne. Dilka Sulaymaan Umadaha Islaamku waa soo dhaweeyeen sababtoo ah waxuu ahaa xasuuqaa maatada Muslimiinta…

Read More

Madaxweynihii hore ee Dowladdii KMG aheyd we Soomaaliya ahna Hoggaamiyaha Madasha Xisbiyadda Qaranka Shariif Sheekh Axmed, ayaa sheegay in maanta dalka uu baahan yahay isbadel maamul, islamarkaana laga doonaayo dadka Soomaaliyeed in ay hormuud ka noqdaan. Sheekh Shariif oo ku sugan Magaalada London lana hadlayay Jaaliyadda Soomaalyeed ee UK ayaa sheegay in maanta Soomaaliya ay joogto meel aad halis ah, una baahan hoggaan ka duwan Midka hadda jira oo leh Karti horumarineed, isagoona intaas ku daray in hadii uu dhici waayo isbadel uu Mustaqbalka Soomaaliya ku jiro Xaalad mugdi ah. Ugu dambeyntii, EX Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa ugu baaqay dadka…

Read More

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa maanta waxaa uu magacaabay Xubnaha Gudiga Doorashada Dowlad Goboleedka Galmudug kuwaas oo ka kooban 11 xubnood. Sidoo kale, Madaxweyne Xaaf ayaa si weyn uga soo horjeestay hanaanka dhismaha maamulka Galmudug ee dowladda Federaalka Soomaaliya ay waddo, waxaana muuqata inuu dhismaha Maamulkaas uu haatan lugaha la galay Khilaafyo xooggan. Warka kasoo baxay Madaxweyne Xaaf ayaa kusoo aadaya xilli inta badan Beelaha degaanada maamulka Galmudug ay sheegeen in xildhibaanada Galmudug ay qeyb sadeen Ahlusunna iyo dowladda Federaalka ee Soomaaliya, islamarkaana Inta badan la badalay Saxiixayeyaasha maamulka Galmudug ee Odayaasha dhaqanka.

Read More

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS ayaa ansixiyey Heshiiska Damaanad Qaadka Maalgashiga Darafyada Badan. Xildhibaannada oo dood ka yeeshay heshiiskaan ayaa ansixiyay Waxaana Ogolaatay 139 Xubnood, Waxaa Diiday 1 Xubin halka 2 Xubnood ay ka aamuseen, Sidaas ayuuna Heshiiska Ansax ku noqday.

Read More

Mareykanka ayaa xalay saddex hoggaamiye oo u kala dhashay dalalka Iiraan, Ciraaq iyo Lubnaan ku dilay duqayn ka fuliyeen magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq: •Qaasim Sulaymaan, Taliyihii xoogagga Quds ee Iiraan. •Naacim Qaasim oo ahaa Ku-xigeenkii xisubullaah oo Ciraaqi ah. •Abu Mahdi Al-Muhandis, guddoomiye ku-xogeenkii hay’adda Popular Mobilization oo Lubnaani ah. Mareykan ayaa ka cadhooday dibed baxayaal cadhaysan iyana oo weeraray safaaradda Mareykanka ee Ciraaq. Mareykanka ayaa qalalaasaha dalka Ciraaq dusha uga tuuray Iiraan inkastoo ay iska fogeeyeen.

Read More

Madaxweyne Deni waxaa dhici karta in 48-saaca ee soo socota uu gaaro Bosaso xarunta ganacsiga Puntland. Hawlgalo amaanka lagu xoojinayo,ayay Ciidamada PSF ka wadeen guud ahaan Gobolka Bari,gaar ahaan Bosaso dhawrkii maalmood ee lasoo dhaafay. PSF hawlgalada amaan xoojinta ah ee ay wadaan ilaa iyo hada waxay ka gaareen guulo la taaban karo sida ay xaqiijinayaan ilo lagu kalsoonaan karo. Jibril Qoobey.

Read More

Dalka Australia waxaa ku habsaday dabkii ugu ba’naa ee la arko muddo tobanaan sano ah, kaas oo dalkaas ka soconaya illaa bishii Sebtember oo uu dabku billowday. Wadar ahaan 17 qof ayaa ku dhintey waddanka oo dhan, iyadoona in ka badan 900 oo guri ay ku burbureen gobolka New South Wales oo keliya. Mas’uuliyiinta heer Gobolka iyo heer Federaal ayaa waxay la halgamayaan sidii loo xakameyn lahaa ololka ballaaran. Waxaana uga sii daraya kuleylka joogtada ah iyo abaarta, oo ay sababtay Is-bedelka Cimilada adduunka.

Read More

Xubnaha Golaha Amaanka waxay tacsi tiiraanyo iyo dareen xambaarsan u dirayaan qoysaska dadkii ay dhibtu soo gaartay, iyo sidoo kale Dadka iyo Dowladda Somaaliyeed. Xubnaha Golaha Amaanku waxay dadka dhaawaca ah u rajaynayaan inay si dhakhso leh u bogsadaan. Xubnaha Golaha Amaanku waxay mar kale xaqiijiyeen in dhammaan noocyada iyo wajiyada kala duwan ee argagaxisadu ay yihiin qayb ka mid ah khataraha ugu culus ee soo foodsaartay amniga iyo nabadda caalamiga ah. Xubnaha Golaha Amaanku waxay hoosta ka xariiqeen baahida loo qabo in cadaaladda la horkeeno dhagarqabayaashii geystay, kuwii soo abaabulay, kuwii maalgaliyay iyo kuwii mas’uulka ka ahaa falalkan foosha xun…

Read More

Ciidanka amniga ayaa saaka xiray inta badan waddooyinka muhiimka ah ee Magaalada Muqdisho, oo la filayo inuu maanta ka dhaco banana-bax balaaran oo lagaga soo hor-jeedo kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab. Banaan-baxan oo uu maalin kahor uu iclaamiyay Maamulka Gobalka Banaadir, ayaa ka qabsoomaya xerada tababarka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Gen. Kaahiye, waxaana ka qeyb-galaya Masuuliyiinka Dowladda Federaalka, Maamulka Gobalka, Ururada dhalinyarada iyo Haween iyo qeybaha kala duwan Shacabka Caasimadda. Banaan-baxan ayaa ah mid looga soo hor-jeedo gumaadka ay Argagixisada Al-Shabaab ku heyso Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan qarixii dhowaan ka dhacay Isgoyska Afgooye. Radio Puntland

Read More

Ra’iisulwasaaraha Maamulka Israel Benjamin Netanyahu ayaa ka dalbaday Baarlamaanka Yahuuda xasaanad, si uu uga gaashanto eedo la xiriira laaluush, musuqmaasuq iyo ku xadgudubka kalsoonida, taas oo dhowaan ay kusoo oogtay xeer ilaalintu. Ra’iisulwasaare Netanyahu ayaa u gudbiyay Baarlamaanka codsigiisa Xasaanadda saacadihii dambe ee Arbacada, isaga oo sheegay in uu qorsheynayo hogaaminta dalka “sanado badan oo soo socda.” “Sharciga xasaanad waxaa looga golleeyahay in laga ilaaliyo masuuliyiinta la soo doortay dacwad sharciyeed been abuur ah – laga soo qaado sheegashada siyaasadeed ee loogu talagalay in lagu waxyeeleeyo rabitaanka dadka iyo doonista culimada sharciga” ayuu Netanyahu ku yiri hadal uu telefishanka ka…

Read More

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay aad uga xun tahay war ku aadan weerarkii sabtidii ka dhacay Ex-Control Afgooye 28-kii December, oo kasoo baxay hay’adaha Bisha Cas iyo Laan qeyrta Cas (ICRC & SRCS) Soomaaliya. Maxamed Ibraahim oo ah kormeera hawlgallada ICRC ee caasimadda Soomaaliya ayaa qoraal shalay usoo saaray ku yiri “Dhab ahaantii aad ayaan uga naxnay weerarkan. Mar labaad, shacabka ayaa ah kuwa ku dhacaya cawaaqibka iska-horimaadka mana ahan wax la aqbali karo. Waxaan jecel nahay inaan xusuusino dhammaan dhinacyada ku lugta leh iska-horimaadka inay ka digtoonaadaan dadka rayidka ah. Waa in la dhowraa. Waa in la badbaadiyo.” Wasaaradda…

Read More

Ciise Yulux iyo maleeshiyo uu wato,ayaa soo galay gudaha Magaalada Bosaso. Kadib waxaa iimayl ka yimid shirkada DP World,kaasoo ay ku leedahay… “Bosaso waxaa soo galay burcad badeed iyo Daacish wada socda ee faahfaahin naga siiya”. Iimaylkaas waxuu soo gaaray Wasaarada Kaluumaysiga iyo Madaxtooyada Puntland. Wasiirka Kaluumaysiga,ayaa ka jawaabay iimaylkaas,erayada lagu qoray jawaabtaas waxay udhignaayeen sida tan… “Masoo gelin Bosaso argagixiso iyo burcad badeed ee maleeshiyo hab beeleed u abaabulan,ayaa soo gashay,waxaana ka saari doona,iyadoon xabadi ka dhicin Magaalada”. Markale ayay Shirkada DP World soo dirtay Iimayl ay ku leedahay faahfaahin naga siiya argagixisada iyo burcadbadeeda Bosaso soo gashay. Markaas…

Read More

Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibril iyo wafdiga uu hogaaminayo oo maalmahaan hawlo-shaqo u joogay Gobolka Sanaag ayaa maanta shir kula qaatay Hotel Ally ee Badhan, Nabadoonada, Cuqaasha iyo Waxgaradka Gobolka Sanaag. Shirkaan ayaa waxaa looga hadlay xoojinta nabadgalyada, bixinta canshuuraha, dhameystirka Wadada Ceel-daahir – Ceerigaabo iyo arimo badan muhiim u ah horumarka Gobolka Sanaag.

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidamada Birmadka Madaxtooyada Dowladda Puntland oo muddo 5 Bilood ah tababar uga socday xerada Ciidamada Daraawiishta Dowladda Puntland ee 54-aad Garowe,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Goor dhawayd waxaa dhacday dukhayntii ugu cuslayd ee laga fuliyo Puntland. Dukhayntaas waxaa fuliyay diyaaradaha Maraykanka oo kaashanaya Ciidamada amaanka Puntland ee PSF. Dukhayntaas waxay ka dhacday Madarshoor oo u jirta Bosaso 60-Km. Ugu yaraan 10 ka tirsan Alshabaab,ayaa ku geeriyooday dukhaynta,waxaana la baabi”iyay xarun ay lahaayeen Alshabaab sida ay iixaqiijiyeen Ciidamada amaanka Puntland. Jibril Qoobey.

Read More

Xaqiiqdii Cabdi caan waa in lagu xusaa taariikhda Gobolka. In uu dhulkiisii danta guud ugu deeqay waa go”aan mudan in lagu qadariyo,waxaase kasii macno badan hadalka uu goobta ka yiri ee gubaabada ah. Reer Mudug way dadaaleen markan waxayna muujiyeen isku duubni. Rabi habarakeeyo Mudug xudunta Somaliya iyo Gonolka Puntland ay ku taagan tahay,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Dowlada Puntland ee xubinta ka ah Dowlada Fadaraaliga ah ee Somaliyed wali wax hadal ah kama soo saarin sharciga golaha shacabka Fadaraalku ansixiyay ee ku saabsan hanaanka lagu galayo doorashada 2020-21. Madaxtooyada Puntland ilaa iyo hada wax jawaab ah oo ku aadan sharcigaas lagama hayo. Wasaarada Dastuurka iyo arimaha Fadaraalka kama aysan hadlin sharcigaas iyo qorshe kale midna. Sidoo kale Gudiga sare ee lataliyayaasha Madaxtooyada kama hadlin arinkan, sida aan xogta ku helayna Madaxweynuhu kumaba soo qaadin arinkaas,iyaguna fursad ay ugu gudbiyeen taladooda kama helin. Madaxweyne Deni markii uu ka hadlayay kulankii PDRC waxuu sheegay in uu kasoo horjeedo sharciga…

Read More

Mashruucii dhismaha Dekeda Bosaso ee ay maalgalinaysay shirkada DP World halkee ku danbeeyay? Su”aashan oo aan ka mid noqon kuwii nasiibka uyeeshay in Madaxweyne Deni la waydiiyo kulankii PDRC,isla markaana isaguna uusan xusin ayay dad badan iswaydiinayaan!. Sida qorshuhu ahaa laba sano gudaheed marka laga soo bilaabo subaxii la saxiixay waxay ahayd in lagu dhamaystiro mashruuca balaarinta Dekeda Bosaso ee ay maalgashanaysay Shirkada DP World oo laga leeyahay isutaga Imaaraadka Carabta. Xanta horay ujirtay,ayaa ahayd in mashruucan uu yahay oo kaliya af xirasho ay DP World kaga hor istaagayso maalgalin kale oo ay hesho Dekeda Bosaso. Dekeda Bosaso waxay ka…

Read More

Garaacistii diyaaradaha aan cidina wadin ee Maraykanka ay ku dileen xubno ka tirsan Alshabaaab agagaarka Kuuyuu-Barow waxay kaloo galaafatay Xoolo nool. 12-Neef oo Geela,ayaa kaga bakhtiyay garaacistaas Ninkan aad sawirkiisa aragtaan oo ka mid ahaa xoolo dhaqatada Deegaanka. Inta badan Ciidamada Maraykanka ee ka hawlgala gudaha Somaliya waxay ku dadaalaan yaraynta khasaaraha shacabka,balse sidaanoo kale waxaa dhaca khasaare lixaad leh. Dowlada Somaliya ee uu hogaamiyo Farmaajo kama hadasho khasaaraha shacabka soo gaara. Jibril Qoobey

Read More

Jawar Mohammed oo ah udhaqdhaqaaqe danaha Qawmiyada Oromada,ayaa go”aansaday in uu siyaasada bartanka u istaago,waxuuna kusoo biiray Xisbiga Oromo Federalist Congress (OFC) ee uu hogaamiyo Prof.Merera Gudina. Jawar,ayaa raba in uu doorashada soo socota ee sanadka 2020 isku sharaxo hogaaminta Itoobiya. Ku biiristiisa Xisbigan cusub,ayaa dhacday Axadii lasoo dhaafay,waxayna kor uqaaday Xisbiga OFC magaciisii iyo awoodiisiiba. Jibril Qoobey.

Read More

Dowladnimada Soomaliya waxaa hortaagan!! Kala go’a Dalka (Arrinta Soomaliland).Xagjirnimo Qabyaaladeed iyo Goboleysi xad dhaaf ah.Xagjirnimo Siyaasadeed oo xad dhaaf ah.Maqnaansho Hogaamin Dalka Dhaafisa saddexdaa musiibo ee aan kor kusoo xusay. Dhibaatooyinkaasi waxay wiiqeen wadajirka Bulshanimo (Fabric of the Society), waxayna sababeen… T) Amni kala qeybsan, waxaa ka faaiideystay Cadowga Soomaaliyeed oo ay ugu horeeyaan qawlaysata Alshabab. J) Dhaqaale kala qeybsan (canshuuraha), waxaa ku wiiqmay heykalkii Dowladnimo . X) Siyaasad kala qeybsan waxay keentay fashil joogta ah oo hor taagan jiheynta mustaqbalka dalka sida..Doorasho la’aan iyo Mugdi joogto ah halka loo dhaqaaqayo oo mar walba ku dhamaata 4.5 la maldahay. Waxaa…

Read More

Kulan gaar ah oo ay yeesheen Madaxweynaashii Hore ee dalka iyo Gudoomiyaha Golaha shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Shiikh C/raxmaan,ayaa Caawa Looga Hadlay Arimaha siyaasadda dalka. Waxaa Ka Horeeyay Kulankaan Gaarka ah Kulan Casha ah oo Gudoomiye Maxamed Mursal uu Villa Hargeysa ugu sameeyay Xubnaha Madasha Xisbiyada Muqdisho iyo Xildhibaano ka Tirsan Golaha shacabka fadaraalka Soomaaliya. Si gaar ah Looma oga ujeedka Kulankaans waxuuse ku soo aadayaa Xilli Golaha shacabka Fadaraalka Soomaaliya ay dhawaan ansixyeen Xeerka Sharciga Doorashooyinka Qaranka oo Dood badan ay ka qabeen Xisbiyo siyaasadeed wax ka bedelkii lagu sameeyay.

Read More

Saxaafada Turkiga,ayaa waxyar kadib markuu dhacay Qaraxa Ex-Control Afgooye soo daabacday in Amiirka Imaaraadku ka danbeeyo. Goobta Qaraxu ka dhacay ee Ex-Control oo ah meel ay sirdoonka Turkidu ka adeegtaan iyo ku dhawaaqista gurmadka deg-deg ah ee Edogan waxay dhalisay tuhun xoog badan. Dhan walba oo laga eego xaaladan waxay muujinaysaa Somaliya in ay bartanka ugashay jawi cusub iyo hardan sirdoono caalamiya. Jibril Qoobey.

Read More

Al-shabaab,ayaa sheegtay Qaraxii ka dhacay Ex-Kantarool Afgooye ee magaalada Muqdisho. Af-hayeenka Al-shabaab Cali Dheere,ayaa sheegay weerarkaasi ay la beegsadeen kolonyo ay la socdeen Sirdoon Turki iyo Somali ah sida uusheegay. Cali Dheere,ayaa qiray in shacab badan ku waxyeeloobay Qaraxaas. Sheegashada Alshabaab,waxay sii xoojinaysaa tuhunadii horay ujiray. Jibril Qoobey.

Read More

Si rasmi ah,ayaa loo dhagax dhigay dhismaha Garoonka diyaaradaha Gaalkacyo ee cusub. Islaan Bashiir,Wasiiro ka tirsan Xukuumada,maamulka Gobolka,siyaasiyiin hore iyo qaybaha bulshada Gobolka,ayaa wada dhagax dhigay. Talaabo lasoo dhaweeyay,isla markaana meesha ka saartay wax walba oo la filayay in ay caqabad ku tahay dhismaha Garoonka ayay ahayd dhagax dhigan. Jibril Qoobey.

Read More

Afhayeenka Ciidanka Booliska Puntland Cabdiwaaxid Cabdille Warsame oo la hadlay warbaahinta dowladda Puntland,ayaa soo saaray fariimo ku aadan Shilalka baabuurta, bixinta Canshuurta, joojinta Danbiyada iyo dhalinyarada sameeya falalka aan wanaagsanayn,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Shirkii looga xaajoonayay dhismaha garoonka cusub ee Gaalkacyo oo soo gabagaboobay. Shirka waxaa kasoo qaybgalay bulshada qaybaheeda ,maamulka Gobolka,kan Degmada iyo Wasiirada Arimaha gudaha iyo Hawlaha guud,isimo iyo siyaasiyiin hore. Shirka,ayaa lagu lafa guray wax walba oo hor taagnaa hirgalinta garoonka cusub,waxaana laysla waafaqay in laga wada shaqeeyo dhismihiisa. Si buuxda waxaa layskugu raacay in dhulka garoonka laga dhisayo uu diyaar yahay lana dhagax dhigo xiliga ugu horeeya ee ay ku haboonaato. Sidoo kale Isimadu waxay sheegeen in dhulkaas dan guud loo isticmaalay ayna Guddoomiyeen sidaas. Sida Xukuumada uu hogaaminayo Madaxweyne Deni sheegayso,waxaa diyaar ah mashruucii lagu dhisi lahaa garoonka…

Read More

Waftigii uu hogaaminayay Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil,ayaa ugudbay Badhan xarunta Gobolka Sanaag. Ka hor inta aysan gudbin Gudoomiyahaha iyo waftigiisa,waxay sii mareen Deegaanka Midigaar oo 40-Km ujira Badhan. Wararka aan ka helayno booqashada Gudoomiyaha ee Gobolada Sanaag iyo Haylaan,ayaa sheegaya in Gudoomiyaha uu kala kulmay Midigaar mudaahaaraad iyo Rasaasayn kooban oo khasaare dhaawac ah dhalisay. Gudoomiyaha iyo waftigiisa oo saakay goor hore ka anba baxay Degmada Dhahar ee Gobolka Haylaan,ayaa qulqulato dhexmartay ilaaladiisa iyo Maleeshiyo jidgooyo ku samaysay. Arbushkan waxaa la malaynayaa in uu ka danbeeyo Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Cabdixakiin Dhoobo,kaasoo ka caraysan xilka qaadistii lagu sameeyay.

Read More

Dhaawacyadii Qaraxii shalay waxaa loo qaaday dalka Turkiga intoodii cuslayd. Diyaarad Milatari oo siday Dawo iyo shaqaale gurmad oo Madaxweynaha Turkigu soo diray,ayaa qaaday Dhaawacyada. Diyaarada,ayaa soo gaartay Muqdisho xili hore. Ilaa iyo hada Dowlada Turkigu waa mida kaliya ee muujisay gurmad muuqda marka laga soo tago canbaarayn Qaraxa oo ka timid Dowladaha qaar. Jibril Qoobey.

Read More

Shalay waxay ansixiyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka Fadaraaliga ah sharci doorasho. Sharcigan waxay xigmadiisa ay Dadku si faseexa ufahmi karaan ay tahay in doorashada soo soo socota lagu galo nidaam oranaya hal qof iyo hal cod lagu daray 4.5. Nidaamkaasi waxuu leeyahay Xildhibaanka waxaa soo dooranaya shacabka Deegaan doorashadiisa,iyadoo la tixgalinayo wax qaybsiga 4.5. Marka la jilciyo waxay noqonaysaa in Xildhibaanada sidii horay loogu qaybsan jiray nidaamka 4.5 loogu qaybsado guud ahaan,hadana Xildhibaan walba Deegaanka uu kasoo jeedo uu ku galo doorasho. Tusaale” 501-Qof oo ka kooban 200 oo beesha uu ka dhashay Xildhibaanka iyo 301 Dadka kale ee Deegaanka ladaga…

Read More

Shir looga xaajoonayo dhismaha garoonka cusub ee Gaalkacyo,ayaa saakay qabsoomay. Shirkan waxaa soo abaabulay siyaasiyiinta Gobolka iyo Waxgarad,waxaana qorshuhu yahay in lagu shaaciyo dhulkii loogu talagalay dhismaha Garoonka in uu diyaar yahay wax walba oo jirayna la dhameeyay. Waxaa shirka jooga Wasiirka Duulista Wasiirka Howlaha Guud Wasiirka Arimaha Gudaha iyo mas’uuliyiin kale oo dowladda PL ah. Sidoo kale Isimada Gobolka,ayaa fadhiya Shirka marka laga saaro Islaan Bashiir oo xanuunsaday,balse raali ka ah. Saacadaha soo socda,ayaan idinla wadaagayaa qodobada kasoo baxa iyo sawirada. Jibril Qoobey.

Read More

Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland iyo waftigiisii ayay kooxo argagixiso ah jidka ugaleen saakay. Gudoomiyaha iyo wagtigiisa,ayaa ka baxay Degmada Dhahar waxayna kusii jeedeen xarunta Gobolka Sanaag ee Badhan marka jidka loo galayo. Sida warku igu soo gaaray Talyaha qaybta Booliska Sanaag,ayaa ku dhaawacnay anbushkaas. Warka oo dhamaystiran waa soo helaynaa. Jibril Qoobey. Jibril Qoobey.

Read More

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa tacsi u diray ehelada dadkii waxyeeladu kasoo gaartay Qarax saaka ka dhacay isgooyska EX Contoral Afgooye halkaas oo ay ku naf waayeen Dad shacab ah oo u badnaa arday u socotay goob waxbarasho. Waxaa uu Madaxweynahu xusay in uu xanuunka la qaybsanayo ehelada dadkooda ku waayay masiibadan Madaxweynahu wuxuu dadka halkaas ku geeriyooday Allah uga baryay in uu naxariistii jano ka waraabiyo sidoo kalana kuwa dhaawaca ah ayuu u rajeeyay Caafimaad deg deg ah,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Golaha Shacabka Baarlamaanka Fadaraalka Soomaliya,ayaa maanta ansixiyay Sharciga doorashooyinka Qaranka Soomaliya Kaasoo ay wax kabadal ay ku sameeyeen Sharcigan maanta la marsiiyay akhrinta 3aad ayay Xildhibaannada si weyn uga doodeen qodobka 53-aad ee sharciga oo dhigaya haddii duruufi amni, xaalado aafooyin dhacaan iyo arrimo farsamo doorashada dib ugu dhacdo in lix bilood muddo kororsi ay dhici doonto. Qodobkan,ayaa ahaa mid si weyn Xildhibaannada uga soo horjeedeen, waxaana ay soo jeediyeen in laga saaro qodobkan gebi ahaantiisa. Fadhiga Xildhibaannada ay maanta yeesheen,ayaa waxay ugu dambeyn ku ansixiyeen illaa 171-Xildhinaan, halka 5 Xildhibaan ay diiday, waxaana ka aamustay 2 -Xildhibaan. Tani ayaa…

Read More

Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun Garoowe, 28, December, 2019: Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxa ay ka tacsiyaynaysaa Qaraxii arxan darada ahaa ee saaka ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan isgoyska X-kaantarool, taasi oo ahayd murugo iyo tiiraanyo ummadda Soomaaliyeed oo dhan taabatay. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaaya magaciisa iyo kan Geleyaasha Dowladda Puntland wuxuu u tacsiyeynayaa shacabka Soomaaliyeed ee waxyeeladu saaka kasoo gaartey qaraxii Muqdisho ka dhacay, kaas oo uu cadawga ummada Soomaaliyeed ku xasuuqay dad shacab ah oo aan waxba galabsan, waxaana uu Alle uga baryey Madaxweynuhu inuu u naxariisto shacabkii halkaasi ku…

Read More

Madaxwaynaha dalka Eritrea Isayaas Afawerqi,ayaa balan qaaday Xoojinta iskaashiga ka dhaxeeya dalka Itoobiya. Hadalkan,ayuu ka sheegay Asiyas xaflad loo qabtay dhagax-dhiga Dhismaha Safaarada Cusub ee dalka Eritrea ku yeelan doono Itoobiya. Booqashada Maalintiisa labaad ee dalka Itoobiya uu ku joogo Madaxwayne isayaas oo uu ku weheliyo Raysulwasaare Abiy Ahmed Ali ayey si wada jir ah u dhagax dhigeen Dhismaha Safaarada Eritrea. Goobta laga dhisayo, Safaarada Eritrea ayaa u Dhaw Hamle 19 Recreation Park agagaarka Sidhisti kilo. “Dhismaha Safaarada cusub ee dalka Eritrea, wuxuu sii xoojindoonaa xiriirka ka Diblamaasiyadeed ee labada dal”ayuu yiri Raysalwasaaraha dalka Abiye Axmed. Madaxwayne Isayaas ayaa intii…

Read More

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa caawa ka qeygbalay kulan loogu qareemayay Gobolka Gardafuu oo ay saameyn ku yeesheen roobabkii dhowaan ka da’ay Puntland. Kulanka oo loogu gurmanayey Gobolka Gardafuu ayaa lagu ururiyey in ka badan $260,000,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Guriga Gudoomiyaha Gobolka Bari,ayaa caawa la weeraray. Dabley hubaysan oo haybtooda aan la aqoonsan,ayaa weerarka fuliyay. Majiro wax khasasre ah oo ka dhashay weerarkaas dablaydiina si fudud,ayay goobta uga baxsadeen. Dhawrkii habeen ee ugu danbeeyay waxaa Bosaso ka dhacayay dilal qorshaysan iyo weeraro. Jibril Qoobey.

Read More

Puntland,ayaa sheegtay in Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya ay dagaal xagga waxbarashada ah ku hayso Puntland. Puntland waxay ka digtay in masuuliyada cawaaqib xumada ka dhalan karta dagaalkaas, ay qaadi doonaan madaxda sare ee DFS. Dowlada Fadaraalka ee uu hogaamiyo Farmaajo waxay si cad u hor istaagtay Shahaadadii Ardayda Puntland. Dowlada Dhexe waxay kaloo ka qadisay Puntland qoondadii Deeqaha Waxbarasho ee magaca Somaliya lagu soo helo. Sidoo kale waxay isku dayday in deeqaha Waxbarasho ee ay Puntland tooska uhesho ay carqaladayso. Jibril Qoobey.

Read More

Madaxweynaha Turkiga Reccep Tayyip Erdogan ayaa maanta sheegay in baarlamanka dalkiisa uu bisha Janaayo u codeyn doono mooshin ciidamo loogu dirayo dalka Libya, si ay u taageeraan dowladda QM ay taageerto ee Tripoli. “Waxaan mooshin ciidamo loogu dirayo Libya horgeyn doonnaa baarlamanka, marka ugu horreysa ee kalfadhigga uu dib u billaabo 7-da Janaayo” ayuu yiri Erdogan oo khudbad ka jeediyey Ankara. “Insha Allah, mooshinka waa lagu ansixin doonaa baarlamanka, 8-da ama 9-ka Janaayo, si aan uga jawaabno codsi nooga yimid dowladda fadhigeedu yahay Tripoli” ayuu yiri. Hadallada Erdogan ayaa yimid kadib markii baarlamanka Turkiga uu sabtidii meel-mariyey heshiis wada-shaqeyn militari…

Read More

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka golaha Wasiirada ee Maanta oo Khamiis ah. Ugu horayn Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa ka warbixiyay howlgalada Ciidamada amaanka iyo Xaalada Ciidamada ku sugan furimaha isagoo xusay in ay hayaan shaqo adag oo ay dadka shacabka ah kaga badbaadinayaan Argagixisada. Waxaa Madaxweynahu uu sheegay in howlgalo ay sameeyeen khasaare adag lagu gaarsiiyay Argagixisada iyadoo meelaha qaara Ciidamadu ay kala wareegeen. Wasaarada Beeraha ayaa ka warbixisay qaybo kamid ah deegaanada Jubbaland oo uu soo gaadhay Ayaxa ku habsaday qaybo badan oo kamid ah dalka waxaana Wasaaradu ay sheegtay…

Read More

Shirka Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland oo uu shir-guddoomiyey Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash,ayaa todobaadkan looga hadlay.Amniga,Tayeynta,Waxbarashada,diiwaangelinta iyo dib u habeynta Shaqaalaha iyo qodobo kale,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More