Author: Jibril Qoobey

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa siweyn loogu soo dhoweeyay labada xaafadood ee deegaanka Libow ee degmada Qardho. Madaxweynaha oo ka jawaabaya baahiyaha deegaanka Libow ayaa ballan qaaday in Dowladdu dhameystirayso xarunta waxbarashada ee deegaankaasi. https://www.facebook.com/plstatehouseofficial/videos/550847479547990 Idilnews

Read More

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Faderalka iyo Dimuqraadiyeynta DPL mudane Maxamed Dhabancad oo uu Wehlinayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL ayaa maantay xafiiskiisa Garowe kulan kula qaatay wafti ka socday Safaaradda Switzerland ee Nairobi. Shirka ayaa looga wada hadlay doorashooyinka degmooyinka Puntland ee hal cod iyo hal qof ee qorshaysan in ay 25ka Oct 2021 ka dhacaan Qardho, Eyl iyo Ufeyn. Waxaa sidoo kale laga wada hadlay guulaha ay Puntland ka gaartay dhinacyada amniga, dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha iyo baahinta adeegyada aasaasiga ah. Wadanka Switzerland ayaa kamid ah dalalka Soomaaliya, gaar ahaan Puntland ka taageerada dhinacyada horumarka, Dimuqraadiyeynta iyo nabad…

Read More

Guddoomiyaha Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland Guuleed Saalax Barre, oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Qardho ayaa ka hadlay doorashada hordhaca ah berri ka dhacaysa degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn, taas oo shacabku kusoo dooranayaan xubnaha ku matalaya Golaha Deegaanka sadeexda degmo. Guddoomiye Guuleed ayaa ugu baaqay shacabka saddexda degmo, inay si wanaagsan oo xasiloon u dhiibtaan codkooda, ayna cid ku haleyn masiirkooda. https://www.facebook.com/sbcsomalitv/videos/435810631301266 Idilnews

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni Ahna Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka KAAH, ayaa galabta Albaabada ku qaaraacay qaar ka mid ah dadweynaha magaalada Qardho, isagoo weydiistay codkooda in ay siiyaan Urur Siyaasadeedka KAAH, oo ah kan hirgeliyay Nidaamka dimuqraadiyadda Puntland ee taabagalay. Madaxweynaha waxaa weheliyay Guddoomiyaha KGM ah ee Degmada Qardho Maxamed Buraale oo sidoo kale ah Musharaxa URURKA KAAH ugu tartamaya Guddoomiyaha degmada Qardho. https://www.facebook.com/plstatehouseofficial/videos/207203034880685 Idilnews

Read More

Madaxweynaha Dowladda Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhaggax dhigay Wado Laami ah laga hirgelinayo magaalada Qardho. Waddada galabta uu dhaggax dhigay Madaxweynuhu ayaa isku xiri doonta Xaafadda Xorgoble iyo Isbitaalka Guud, waxaana marka la dhameeyo lagu xejin doonaa wejigeeda labaad oo isku xiri doona Xorgoble illaa Hoteel Gufure. https://www.facebook.com/plstatehouseofficial/videos/221754833242232 Idilnews

Read More

Shacabka kunool degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn ayaa berri subax u dareeri doona doorasho qof iyo cod ah, oo ay kusoo dooran doonaan xubnaha ku matalaya Golayaasha deegaanka saddexda degmo. Doorashadan ayaa ah tii ugu horeysay ee dadku kusoo dooranayaan dadka ku matalaya Maamulka heer deegaanka, tan iyo aasaaskii Puntland oo 23 sanno jirsatay dhowaan. 37,578 oo qof oo ah dadkii qaatay kaararka codbixinta ayaa berri ka codeyn doona 54 goobood, oo ku yaalla saddexda degmo, waxaana ku tartami doona 449 musharax oo ka socda 8 Urur siyaasadeed, iyadoo wadarta guud ee kuraasta lagu tartamayo ay tahay 87 kursi. *…

Read More

Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud, ayaa ugu baaqay ciidamada Booliska ee Gobolka Bari in ay ku sugnaadan goobahooda shaqada islamarkaana ay gutaan waajibaadkooda shaqo ee loo igmaday. Taliye Xuseen ayaa sida oo kale sheegay in la xiri doona isku socodka Gaadiidka 24 saac laga bilaabo lixda Makhribnimo ee maanta dhamaan Degmooyinka Gobolka Bari waxaana uu bulshada faray in ay qaataan Awaamiirta. Idilnews

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo maanta lagu soo dhoweeyay deegaanka Gerihel oo ka tirsan degmada Qardho, ayaa dhaggax dhigay guriga martida oo ay dowladdu deegaankaasi u dhisayso. Madaxweyne Deni oo fagaare kula hadlay bulshada deegaanka Gerihel oo ka tirsan degmada Qardho “Anigu maanta waan idiin imi, Madaxweyne kastana wuu idiin iman doonaa, waayo wuxuu soo doonanaya talada aan anigu gacantiina kusoo ceshay”. https://www.facebook.com/plstatehouseofficial/videos/301744041512268 Idilnews

Read More

Madaxweynihii hore ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku baaqay in si deg-deg ah oo shuruud la,aan ah loo joojiyo dagaalka ka soconaya magaalada Guriceel ee Gobalka Galgaduud. Halkaan hoose ka Akhriso qoraal uu Madaxweyne Xasan Sheekh soo dhigay bartiisa Facebook. BAAQ NABADEED Xaaladda Galmudug Waxaan tacsi u dirayaa dhammaan ehelada iyo qoysaskii ay ka baxeen dadkii ku geeriyooday dagaalka Guraceel, dhaawacyadana waxaan u rajeynayaa bogsasho degdeg ah. Waxaan ku baaqayaa in si degdeg ah oo aan shuruud lahayn loo joojiyo dhiillada colaadeed ee taagan. Dagaalku ma xalliyo khilaafaadka siyaasadda ee waxa uu abuuraa kala fogaansho hor leh.…

Read More

Dalladda Ururada bulshada rayidka ah ee Puntland(PUNSAA) ayaa diyaarisay Xarunta la socodka doorashada Puntland. Xaruntan oo hogaamindoonto PUNSAA ayaa noqonaysa goobta kulminaysa xogaha korjoogtada doorashada ay ka soo diriyaan goobaha doorashada. Sidoo kale waxaa goobtan warbixino ku saabsan doorashada lagu siin doonaa saaxiibada ka socda caalamka ee danaynaya doorashooyinka goloyaasha deegaanka ee Puntland. Idilnews

Read More

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa Shacabka iyo Culimada Gobolka Mudug kala qayb galay isu soo bax Roob doon ah oo alle lagu baryayo. Isu soo baxan ayaa sidoo kale waxaa goob joog ahaa Gudoomiyaha Maxkamada Racfaanka Gobolka Mudug, Gudoomiye ku xigeenka Degmada, Gudoomiyaha Waxbarashada Degmada, Culima udiin iyo Shacabka Magaalada Gaalkacyo. Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa yiri “ Shacabka kula dar-daarmayaa in alle dib loogu laabto la waydiisto danbi dhaaf iyo Roob, illaahyow noo danbi dhaaf adoomahaagan nahaye roob na sii, oo maatada qabooji, roobkaaga iyo khayrkaagan u oomanahaye noo naxariiso “. https://youtu.be/MKuyQsbsX98 Idilnews

Read More

Madaxweyne ku-xigeenka dawladda Puntland ayaa hoyga uu ka deggan yahay degmada Ufayn ku booqday Beeldaaje Cali Beeldaaje Faarax Beeldaaje Maxamuud oo kamd ah isimmadda dhaqanka Puntland. Madaxweyne ku xigeenka dawladda Puntland ayaa Beeldaaje Cali Beeldaaje Faarax Maxamuud uga mahad celiyay soo dhawayntiisa iyo hadyadda uu guddoon siiyay, waxa uu bogaadiyay sida uu u garab taagan yahay hannnaanka dimuqraadiyadda Puntland oo dowladani muhiimad gaar ah siinayso. Idilnews

Read More

Rasaas goos-goosa ayaa laga maqlayaa saaka magaalada Guriceel ee gobalka Mudug, oo 24 saac ee lasoo dhaafay ay ku dagaalamayeen Ciidammada Xoogga Dalka iyo kuwa Galmudug oo isgarabsanaya iyo Xoogaga Ahlusunna. Dagaalkii shalay ayaa sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah, Ciidammada Dowladda ayaana ku waayay saraakiil sare, sida Taliyihii Ciidanka DANAB ee Galmudug Gaashaanle Cabdiladiif Feyfle, dhinacyada dagaalamay ayaana ku kala sugan Waqooyiga iyo koonfurta magaalada Guriceel. Kumanaan shacab ah ayaa ka barakacay dagaalada magaalada Guriceel, kuwaas oo ku sugan hareeraha magaalada iyo deegaanada ku dhow, dagaalka ayaana laga cabsi qabaa inuu sii dheeraado. Idilnews

Read More

Waxaa lagu wadaa in maanta uu ka dhaco magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug isku soo bax Roob-doon ah, kaas oo ay ka qeybgalayaan masuuliyiin katirsan Dowladda Puntland iyo boqolaal shacab ah. Roob-doonta ayaa waxaa iclaamiyay Guddoomiyaha gobalka Mudug Cabdiladiif Muuse Nuur-yare, isagoona ugu baaqay shacabka Gaalkacyo inay kasoo qeybgalaan isku soo baxan oo ka dhacaya Iskuulka Yameyska ee magaalada Gaalkacyo. Idilnews

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo ku hadlaaya magaciisa, kan Dowladda iyo Shacabka Puntland ayaa ka tacsiyeeyay geerida alle ha u naxariistee Xaaji Axmed Cabdulle Nuur (Dhakaawe) oo ku geeriyooday Kenya. “Alle ha u nasariisto Xaaji Axmed Cabdulle Nuur (Dhakaawe) oo ku geeriyooday Kenya, wuxuu ahaa Shakhsi ku weyn ummada Soomaaliyeed Ganacsade ah oo ka qeyb qaata arrimaha Bulshada, waa tiir muhim ah oo ka baxay ganacsatada Soomaaliyeed ee Kenya iyo guud ahaan Gobolka. Waxaan tacsi la wadaagaya Ganacsatada Soomaaliyeed oo uu hormuudkooda ka mid ahaa marxuumku, eheladiisii iyo qoyskiisii alle janadii ha geeyo ehelkiisiina samir iyo iimaan…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu soo dhoweeyay deegaanka Adisoone oo ka tirsan degmada Qardho. Madaxweynaha ayaa Bulshada deegaankaasi uga mahadceliyay soo dhoweynta, wuxuuna ku booriyay inay siweyn uga qeyb qaataan doorashada goleyaasha deegaanka Qardho oo dhacaysa 25ka Bishan, isla markaana ay codkooda siiyaan Ururka siyaasadeedka KAAH oo fursadan siiyay. https://www.facebook.com/plstatehouseofficial/videos/1494302594284085 Idilnews

Read More

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo ka soconaya maanta ilaa caawa magaalada Guriceel ee gobalka Galgaduud, kaas oo u dhexeeya Ciidammada Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Galmudug oo isgarabsanaya iyo Xoogaga Ahlusunna. Dagaalka oo soo bilowday aroortii hore ee saaka, ayaa bilowgee hore waxaa u suuragashay Milateriga DFS iyo Ciidanka Galmudug inay qabsadaan inta badan magaalada Guriceel iyo goobaha muhiimka ah, sida saldhiga iyo xarunta Maamulka magaalada, balse Ahlusunna oo heshay gurmad ayaa galabta dib ugu soo rogaal celisay magaalada, waxaana ay dib u qabsatay goobihii horey loogala wareegay. Wararka ayaa sheegaya inuu dagaalka ka dhashay khasaare fara-badan…

Read More

Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa lagu soo dhaweeyay deegaannada Geeso-qabad iyo Xabley oo ka tirsan degmada Ufayn ee gobolka Bari. Madaxweyne ku-xigeenka iyo xubnaha golaha wasiirada ah ee safarka u wehliya ayaa dadka deegaannada kulan is xogwaraysi iyo u kuur-galid ah la qaatay bulshada, isla markaana ka dhagaystay baahiyaha deegaanka. Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland ayaa dadweynaha ku booriyay inay kaalintooda ka qaataan hannaanka Dimuqraadiyadda Puntland, isla markaana ilaaliyaan wadajirka iyo xasilloonida deegaanka. Madaxweyne ku-xigeenka dawladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ballan qaaday in dowladdu wax ka qabanayso baahiyaha ay…

Read More

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Puntland Siciid Cismaan Aadan (Physics), ayaa dhagax-dhigay dib-u-dayactir lagu sameynayo xarunta Wasaaradda ee gobalka Mudug. Munaasabadda dhagax-dhiga ayaa waxaa goobjoog ahaa Wasiir kuxigeenka Amniga Puntland, Guddoomiyaha gobalka Mudug iyo Duqa degmadda Gaalkacyo. Wasiir Physics ayaa sheegay in dhowaan la bilaabayo dib-u-dhiska xaruntan oo muhiim u ah u adeegista shacabka, gaar ahaan xoolo dhaqatada. https://www.facebook.com/MudugRegionAdministration/videos/166238752381937 Idilnews

Read More

Kulankaan oo ahaa mid lagu xoojinayo shaqada ciidamada xasilinta booliiska gobalka mudug oo door weyn ka qaatay nabbada iyo xasiloonida gobalka isla markaana ay ka qeyb galeen saraakiisha booliiska Gobalka mudug ee dowlada puntland iyo Galmudug ayaa maanta lagu qabtay magaalada galkacyo. Munaasabadan oo Gaalkacyo ka dhacday ayaa Dhame Cabdiqani Yaasin Maxamuud lagu magacaabay Taliyaha Ciidanka isku dhafka ee labada dhinac Puntland iyo Galmudug,waxaana Xidigle Mahdi Maxamed Cabdi,(Mahdi dheere) loo Magacabay ku xigeenka Ciidamada iskudhafka. Munaasabadan Magacaabista ah waxaa goobjoog ka ahaa Taliyaasha qaybta Labada dhinac Puntland iyo Galmudug Taliyaha qaybta gobalka Mudug Gashanle sare Mumiin Cabdi shire iyo Taliyaha…

Read More

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta dowladda Puntland Mudane Cabdullaahi Cabdisalaan Xasan, ayaa maanta shir-guddoomiyay shirka Guddiga Amniga Gobalka Mudug, kaas oo looga hadlay la-dagaalanka Argagixisada iyo kooxaha ka ganacsada maandooriyaha khamrida iyo xashiiska. Shirka ayaa waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Gobalka Mudug, Taliyaha Aaga Ciidan Daraawiishta Gobolka Mudug, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug iyo Gudoomiyaha Maxkamada Racfaanka Gobolka Mudug iyo Duqa degmadda Gaalkacyo. Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur, oo shirka kaddib la hadlay saxaafadda ayaa ku eedeeyay waxgaradka gobalka Mudug inay wax ka qaban waayeen dacwad Maamulka gobalku u gudbiyay oo ahaa inay qabsadaan kooxo cabtooy ah oo…

Read More

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, oo ka hadlayey munaasabada daahfurka barnaamijka JPLG ayaa ka hadlay xaalada siyaasada dalka, isagoo balan qaaday In dhawaan la bilaabayo Doorashooyinka xubnaha golaha shacabka isagoo ugu baaqay Dhamaan bulshada inay ka qeyb qaatan hirgalinta Doorashooyinka golaha shacabka ee dhawaan bilaabanaya. Madaxweynaha ayaa ugu baaqay dhamaan shacabka reer Jubaland in si isxilqaan ah ay oga qayb qaataan doorashada kuraasta Aqalka hoose, taasoo tusaale u noqoneysa sida isku duubnida looga gudbi karo caqabadaha hortaagan doorashada. https://www.youtube.com/watch?v=C6tlogJ-HVM Idilnews

Read More

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Sacuudiga ee Kenya Mudane Khaalid Cabdalla Alsalmaan oo dalka soo gaarsiiyay deeq macaawino ah oo ka timid Xarunta Gargaarka Boqor Salmaan. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Dowladda Sacuudiga iyo Boqor Salmaan uga mahadceliyay taageeradooda joogtada ah ee Soomaaliya Idilnews

Read More

Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ayaa maanta u kala diray agabkii lagu geli lahaa Doorashooyinka hordhaca ah, degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn. Agabkan ayaa waxaa kamid ah sanaaduukhda codeynta. Guddoomiyaha Guddiga TPEC Guuleed Saalax Barre, oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa sheegay inay diyaariyeen dhamaan wax walba oo ay u baahneyd qabsoomida Doorashooyinka, sidoo kale ay ugu baaqay inay ka qeyb-qaataan sidii ay u qabsoomi laheyd doorasho xasiloon. https://www.facebook.com/826003914191316/videos/965946517139738 Idilnews

Read More

Guddoomiyaha Gobolka Bari Ahna Guddoomiyaha guddiga nabadgalyadda Gobolka Mudane Senator Cabdisamad Yuusuf Maxamed Abwaan, ayaa maanta shir guddoomiyey shirka amniga Gobolka Bari ee Todobaadlaha ah. Shirka ayaa Todobaadkan waxaa looga hadlay xoojinta amniga guud ee Gobolka, waxa la joojiyey isku socodka gaadiidka ilaa inta ay socoto doorashada golaha deegaanka degmada Ufeyn, Iyo la dagaalkan kooxaha nabad diidka ah ee Shabaab Iyo Daacish. Waxa ka soo qeyb galay shirka Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Bari, Guddoomiyaha Degmada Bosaaso, Iyo saraakhisha kala duwan ee laamaha amaanka Gobolka Bari. Idilnews

Read More

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Wakiilka Xoghayaha guud Qaramada Midoobey ee Arimaha Soomaaliya Ambasidor James Swan oo ay wehliyaan Diblomaasiyiin kale. Kulanka Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen iyo Ambasidor James Swan oo ahaa mid saacado qaatay waxa ay uga wada hadleen Arimaha Doorashayoonka,Xaqiijinta Amniga goobaha doorashada lagu qabanaayo iyo sidii wax loogu qaban lahaa dadkii laga soo Musaafuriyey Magaalada Laascanood. James Swan Wakiilka Xoghayaha Guud Qaramada Midoobay ee Arimaha Soomaaliya ayaa Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ugu mahadceliyey doorka muhiimka ahaa ee uu ka qaatay dhex-dhexaadinta Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul Wasare Rooble oo…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble, oo wareegto uu soo saaray ayaa S/Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobbe) u magacaabay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib u dhiska Magacaabidan ayaa qeyb ka aheyd heshiiskii habeenki jimcaha gaareen Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble ee lagu soo afjaray khilaafka muddada u dhaxeeyay labada dhinac ee sababta u ahaa kala jabkii Hey’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka. Idilnews

Read More

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa daah furay hanaanka Adeeg daadajinta Dowlada Hoose oo ay hirgalinayso Wasaarada arimaha gudaha Federaalaynta iyo dib u heshiisinta Dowlada Jubaland. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in barnaamijkan uu ahmiyad weyn u leeyahay bulshada loona baahan yahay inay u diyaar garooban sidii ay usoo dooran lahaayeen dadka matalaya taas oo ay garab socoto in hanaanka adeeg bixinta hoos loo dhaadhiciyo oo qof walba uu meesha uu joogo ku helo adeega Dowlada. https://www.facebook.com/Jubalandstatehouse/videos/401694951514470 Waxaa Madaxweynahu uu sheegay in hanaanka maamul ee dalku uu yahay mid heerar kala duwan ah, isagoo ka kooban Dowlada Federaalka ah Dowadaha…

Read More

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Puntland ayaa ku dhawaaqday in la fasaxay xarumaha Waxbarashada degmooyinka Garoowe, Qardho, Eyl, Ufeyn iyo Boosaaso, maalmaha Axada iyo Isniinta (24 – 25 bishan October), sababo la xariira Doorashooyinka hordhaca ah ee saddexda degmo. 25 bishan October, ayaa shacabka kunool degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn u dareerayaan doorashadii ugu horeysay ee qof iyo cod ah ee ka dhacda Puntland,taas oo ay kusoo dooran doonaan xubnaha ku matalaya Golayaasha deegaanka saddexda degmo. Idilnews

Read More

Militariga Mareykanka ayaa dilay hogaamiyihii sare ee Al-Qaacida Cabdul Xamiid Al-Matar kadib duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday Siiriya, sida uu sheegay afhayeenka taliska dhexe ee Mareykanka. “Dilka hoggaamiyaha sare ee Al-Qaacida waxay carqaladeyn doontaa awoodda ururka argaggixisannimo ee ah inay sii qorsheeyaan oo ay qaadaan weerarro caalami ah oo halis ku ah muwaadiniinta Mareykanka, shuraakadayada, iyo dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan,” ayuu Major John Rigsbee ku yiri bayaan qoraal ah oo soo baxay Jimcihii. Ma jiro khasaare kale oo la ogyahay oo ka dhashay duqeynta, ayuu yiri, isaga oo intaas ku daray in la adeegsaday diyaarad MQ-9. Duqayntan…

Read More

Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Gen. Cabdi Xasan Xuseen, ayaa maanta ku wareejiyay Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland Ciidammada loogu talagalay sugida Amniga Doorashooyinka hordhaca ah, gaar ahaan Ciidanka sugaya Amniga doorashada Qardho. Ciidammada oo loo carbiyay, loona wacyigaliyay ilaalinta Anshaxa, habsami usocodka iyo amniga doorashada ayaa tagi doona 25-ka seejo ee degmada qardho 25-ka Actobar Doorashadu ka dhacayso. https://www.facebook.com/TPECPuntland/videos/312945066866036 Idilnews

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka KAAH Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa wacay oo taleefan kula hadlay qaar ka mid ah Bulshada magaalooyinka Qardho, Ufeyn iyo Eyl, oo uu weydiistay codkooda in ay siiyaan Ururka KAAH doorashada goleyaasha deegaanka ee degmooyinkaasi ka dhacaysa 25-October 2021. Madaxweyne Deni ayaa noqonaya Madaxweynihii ugu horeeyay ee Puntland ka hirgeliya Doorashadda hal Qof iyo Hal cod ah. https://www.facebook.com/plstatehouseofficial/videos/1240941553059104 Idilnews

Read More

Qaramada Midoobey ayaa walac xooggan ka muujisay xaaladda bani’aadanimo ee sii xumaaneysa ee ka jirta gobolka Tigray ee dalka Itoobiya kaddib markii ay sii xoogeysatay colaadda ku dhawaad muddada sanadka ah halkaasi ka socotay. Qaramada Midoobay ayaa sheegayta in malaayiin qof oo reer Itoobiya ah ay halis ugu jiraan nafaqadarro, halka qaar kale oo badanna ay u baahan yihiin gargaar bani’aadamnimo oo deg deg ah. Digniintan ayaa timid saacado uun kaddib markii mid ka mid ah diyaaradaha Qaramada Midoobay ay ku adkaatay in ay ku degto magaalada Mekelle oo ay ku khasbanaatay in ay si deg deg ah ugu laabato…

Read More

Wararka ka imaanaya magaalada Guriceel ee Gobalka Galgaduud ayaa sheegaya in dagaal u dhexeeya Ciidammada DFS iyo kuwa Galmudug oo isku dhinac ah iyo Xoogaga Ahlusunna uu ka bilowday magaaladaas. Dagaalkan ayaa yimid kaddib markii Ciidammada Dowladda ay dhowr jiho ka weerareen magaalada oo mudooyinkii ugu dambeeyay ay heysteen Ciidammo taabacsan Ahlusunna, waxaana la maqlayaa dhawaqa hubka culus. Wixii kasoo kordha kala soco Idilnews. Idilnews

Read More

Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa war kasoo saaray baaritaan ay ku sameeyeen falkii Ciidamo ka tirsan AMISOM ay dadka rayidka ahaa ku dileen degaanka Golweyn oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose. Warsaxaafadeed kasoo baxay AMISOM ayaa waxaa lagu sheegay in guddi xaqiiqo raadin ah oo ay u saareen dilka dadka rayidka ah oo dhacay 10-kii Bishii Agoosto ee sanadkaan lagu ogaaday in todobo qof oo Shacab ah la dilay iyo sida ay u dhaqmeen Ciidankii ku lugta lahaa oo aheyd xadgudub xeerarka howlgalka AMISOM. Sidoo kale AMISOM waxaa ay sheegtay in Guddiga oo ka koobnaa lix qof , oo…

Read More

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka ah Soomaaliya ee Belgrade Serbia ayaa si rasmi ah u gudbisay Muunadda saxda ah ee Baasaboorka Soomaaliya. Dowladaha Soomaaliya iyo Serbia ayaa horay u lahaa xiriir dheer, arrintan ayaa imaanaysa ka dib markii dadaal dheer ay sameeyeen Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ay Dowlado badan ogolaadeen in Baasaboorka Soomaaliya lagu geli karo dalalkooda. Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dhinaca Qunsuliyadaha Marwo. Vera Vukićević oo ay weheliso Ku-xigeenkeeda Marwo Mirjana Živković ayaa Safaaradda ka Gudoomiye Muunadda saxda ah Baasaboorka Jamhuuriyadda Federaalka ah Soomaaliya sedaxdiisa nooc. Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Federalka ah ee Soomaaliya…

Read More

Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ayaa is-afgaray ka gaaray khilaafkii ka dhex taagnaa muddooyinkii ugu dambeeyay, kaas oo kasoo bilowday kiiska Ikraan Tahliil. Labada masuul oo saacadihii lasoo dhaafay lahaa kulamo joogta ah ayaa ku heshiiyay qodobada kala ah; 1-In sii yahay Agaasimaha Hay,adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka sii ahaado Yaasin Faray ilaa laga soo Magacaabo Agaasime. 2- in Bashiir Goobe loo Magacaabo Wasiiru Dowle. 3- in Wasiirka Amniga ahaado Cabdulaahi Maxamed Nuur. 4-in la dardargelinta Doorasho ku qabsoonta sida ugu dhow. 5- in laiska kaashado la dagaalanka Argigixisada Alshabaab.…

Read More

Hoggaamiyaha Ahlusunna Waljameeca oo shir-jaraa’id ]ku qabtay magaalada Guriceel ee gobalka Galgaduud ayaa ka warbixiyay xaalada Guriceel, isagoona ka jawaabay dhinacyo dhowr ah oo ku aaddan baaaqyada is xig-xigay ee kasoo yeerayay qaybaha kaal duwan ee bulshada. Sheekh Shaakir ayaa ku eedeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Galmudug inay isku kaashadeen dhibaateynta shacabka Galmudug, waxaana intaas ku daray in Ciidanka qaranak laga weeciyay u jeedkii ahaa “la dagaalanka Al-Shabaab” taa beddalkeedana loo diyaariyay in ay weeraraan degaanada ay ASWJ ka joogaan Galgaduud. https://www.youtube.com/watch?v=iJS8p4VVbO8 Idilnews

Read More

Waxaa xarunta hormarinta iyo cilmi-baarista Puntland (PDRC) ee magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland caawa ka socda Madasha PDRCTalks oo uu marti ka yahay Afyare Cabdi Cilmi, oo ah aqoonyahanada Soomaaliya, isagoo ka hadlaya Doorashooyinka Puntland: Waa Hordhaca Doorashooyin Toos ah oo Heer Federaal ee Soomaaliya’. https://www.facebook.com/Puntlandstatetv/videos/354337053147899 Idilnews

Read More

Madaxweyne ku-xigeenka dawladda Puntland mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa si ballaaran loogu soo dhaweeyey deegaanka Jeedaal oo ka tirsan degmada Ufayn ee gobolka Bari. Soo dhawaynta madaxweynaha waxaa ka qayb-galay bulshada deegaanka Jeedaal oo ay hormuud u yihiin masuuliyiinta heer degmo, gobol, isimada iyo waxgaradka deegaanka Jeedaal. Madaxweyne kuxigeenka Dawladda Puntland mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa daah-furay mashruuc ceelbiyood oo dawladda Puntland ka hirgalinayso Jeedaal. Safarka madaxweyne ku-xigeenka ee gobolka Bari, gaar ahaan degmada Ufayn iyo deegannada hoos yimaada ayaa la xiriira u kuur galidda baahiyaha deegaanka iyo mashaariic horumarineed oo la hirgalinayo. waxaana…

Read More

Guddoomiyaha Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland Guuleed Saalax Barre ayaa kulan la qaatay Taliyayaasha Ciidammada Daraawiishta Gen. Yaasiin Cumar Dheere iyo Booliska Gen. Cabdi Xasan Xuseen. Kulanka ayaa looga hadlay amniga doorashooyinka hordhaca ah ee bishan October ka dhacaya degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn, Guddoomiyaha Guddiga TPEC ayaa sheegay inay Taliyayaasha isku fahmeen Waxaan habraaca ciidamadu ku shaqaynayaan iyo sida ay uga hawlgalayaan dhamaan seejooyinka doorashada. Sidee kale, Guddoomiye Guuleed Saalax ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay in Dadwaynaha, ururada siyaasadda, korjoogtada, saxaafadda, ururada bulshada iyo martisharafta kalaba inay qaataan awaamiirta lagu sugayo amniga ee kasoo baxaya ciidanka amniga…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble, ayaa hambalyo u diray afarta senator ee cusub ee maanta lagu doortay magaaladda Kismaayo, kuwaas oo dhameystir u noqonaya doorashada Aqalka Sare ee deegaanada Jubbaland. “Waxaan hambalyo u dirayaa xildhibaannada maanta la doortay ee Jubaland ku matalaya Golaha Aqalka Sare ee kala ah; 1. Xasan Daahir Yarow 2. Ibraahim Aw-gaab 3. Laylo Nuur Maax 4. Maryan Faarax Kaahiye “Waxaan sidoo kale ugu hambalyeynayaa Madaxweynaha, Baarlamaanka Jubaland iyo guddiyada doorashooyinka in ay soo dhammeystireen doorashadii Aqalka Sare.” Idilnews

Read More

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa aqalka martida ku qaabilay xubnaha Cusub ee loo doortay Aqalka Sare een Baarlamaanka JFS kuwaas oo ah xubnahii ugu danbeeyay ee laga sugayay Dowlada Jubaland. 1. Xasan Daahir Yarow 2. Ibraahim Aw-gaab 3. Laylo Nuur Maax 4. Maryan Faarax Kaahiye Madaxweynaha ayaa xubnahan ku booriyay inay si Wanaagsan oo danta dalka iyo dadka ku jirto ay u gutaan waajibaadka maanta loo doortay isla markana sida ugu wanaagsan ay u matalaan Dowlada Jubaland. Idilnews

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble, ayaa maanta shir-guddoomiyay Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada Dowladda Federaalka Soomaaliya. Kulanka ayaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin dib u howlgelinta Guddiga Gurmadka abaaraha, Amniga guud ee dalka iyo Caabuqa Covid-19. Idilnews

Read More

Waxaa ka soconaya Madaxtooyadda Villa Soomaaliya kulan looga hadlayo xalinta khilaafka Madaxda DFS, kaas oo soo bilowday duhurnimadii maanta, isagoo ku bilowday kulan u dhexeeya Farmaajo, Wasiirka Amniga XFS Cabdullaahi Maxamed Nuur iyo Agaasimaha NISA ee Ra’iisul Wasaaruhu magacaabay Gen. Bashiir Goobe. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa goordhow ku soo biiray wada hadalada Madaxtooyada, halka Madaxweynaha Koofur Galbeed iyo xubin kale ay dhex dhexaadiye ka yihiin. Ilo ku dhow dhow kulankii hore ayaa sheegaya in is faham laga gaaray, waxaase arrinta ugu weyn ee hadda ku soo biyo shubatay ay tahay xaalka NISA, iyadoo ay suura gal tahay in gelinka dambe…

Read More

Taalibaan ayaa Arabacdii ogolaatay inay dalalka Ruushka, Shiinaha iyo Iran kala shaqeyso amniga gobolka, kadib markii Kremlin-ka uu ka digay halisaha kooxda Daacish iyo ka ganacsiga daroogada. Ruushka iyo Shiinaha ayaa ka mid ahaa dalalka ugu dhow Taalibaan tan iyo markii ay dib u qabsatay Afghanistan bishii August, halka Iran ay leeyihiin xuduud. Baaqan ayaa kasoo baxay shir ka dhacay Moscow oo ay ka qeyb-galeen dalalkii horey uga tirsaan Midowga Soviet ee xuduudda la leh Afghanistan, Shiinaha, Ruushka iyo Iran. Intii ay socdeen wada-hadallada oo ay goobjoog ka ahaayeen 10 dal ayaa waxaa lagu baaqay gargaar bani’aadaminimo oo deg deg…

Read More

Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa hambalyo u diray 4 Senator ee cusub ee maanta lagu doortay magaaladda Kismaayo, kuwaas oo dhameystir u noqonaya 8 kursi ee Jubbaland ku matala Aqalka Sare ee BJFS. “Waxaan hambalyo u dirayaa dhamaan xubnaha Cusub ee ah Kuwii ugu danbeeyay ee deegaan doorashadoodu tahay Jubaland ee loo doorto Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS”. “Waa talaabo kale oo inagu dhiiri galinaysa inaan sii wadno shaqooyinka kale ee ina horyaala si doorashadu ay ugu dhacdo wakhtiga ugu dhow ee suurtagalka ah.” “Waxaan u mahad celinayaa gudiga madaxa banaan ee Doorashooyinka Guddoonka iyo xildhibaanada Baarlamaanka ee…

Read More

Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad-gobaleedka Jubbaland ayaa maanta doortay 4 Senator ee uga dambeeyay xubnaha Jubbaland ku matalaya Golaha Aqalka Sare ee BJFS. Doorashadan oo aheyd mid xasaasi ah ayaa waxaana ku loolamayay 8 musharax, oo 5 kamid ah ay yihiin Haween, waxaana kusoo baxay xubnaha kala ah; 1. Sen. Xasan Daahir Yarow 2. Sen. Ibraahim Awgaab Cusmaan 3. Sen. Leyla Nuur Maax 4. Sen. Maryan Faarax Kadiye https://www.youtube.com/watch?v=nODwOzWcO7Y Idilnews

Read More

Sida ay Idilnews u sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay yeeshay kulan albaabadu u xiran yihiin. Kulanka oo ka dhacay Madaxtooyadda Villa Soomaaliya ayaa ahaa salaan iyo isxogwareysi, loogu gogol xaarayo xalinta khilaafka Farmaajo iyo Rooble, kaas oo soo jiray muddooyinkii ugu dambeeyay. Labada nin ayaa ku balamay kulan kale oo caawa dhacaya, kaas oo lagu dhameynayo khilaafkooda, oo salka ku haya kiiska Ikraan Tahliil, iyo magacaabisyo kala duwan oo ay sameeyeen. Idilnews

Read More

Madaxweynaha waddanka Kenya, ayaa markale gaashaanka u daruuray xukunka Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda oo dhawaan Soomaaliya u xukuntay qeyb badan oo ka mid ah soohdinta badda ay ku mursanaayeen Kenya iyo Soomaaliya. Uhuru Kenyatta, ayaa ka digay in go’aankaasi uu waxyeelayn kara xiriirka ka dhaxeeya labada dal. Madaxweynaha Kenya waxa uu gebi ahaanba ku gacanseyray xukunka ay maxkamadda ka soo saartay muranka baddan oo la sheegay inay ceegaagaan yihiin gaaska iyo kheyraad kale oo dabiici ah isagoo sheegay in arrintaasi ay “isbaddel wayn ku keeni doonto horumarka dhaqaale iyo midka siyaasadeedba ee dalkiisa, ayna halis gelin karta ammaanka gobolka…

Read More

Doorashada 4 kursi oo kamid 8 kursi ee Golaha Aqalka Sare ee BJFS ku matala Dowlad-gobaleedka Jubbaland ayaa maanta ka dhacaysa magaalada Kismaayo ee caasimadda KMG ah ee Jubbaland. Kuraastan ayaa dhameystir u noqon doonta Senatorada Jubbaland, waxaana ku tartami doona 8 Musharax oo 5 kamid ah ay yihiin Haween, kuwaas oo kala ah 5: Leyla Nuux Maax Xareedo Maxamed Sheekh. 6: Ibraahim Aw-gaab Cismaan Farxiyo Macalim Cabdi. 7:Maryam Faarax Kadiye Zamzam Maxamed Bishaar 8: Xasan Daahir Yarow Cabdi Xuseen Cali Idilnews

Read More

Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ayaa ku dhawaaqay in lasoo gaba-gabeeyay bixinta kaararka cod-bixiyayaasha Doorashooyinka hordhaca ah ee Puntland, oo lagu qabanayo degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn. Codbixiyayaal dhan 37,578 oo ka mid ah 46,839 oo si rasmi ah iskaga diiwaangeliyay degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufayn ayaa kaararkoodii qaatay mudadii kaarar bixintu socotay oo ku ekeyd 18/10/2021, sida uu sheegay Guddiga TPEC. Shacabka kunool degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn ayaa 25 bishan October u dareeraya doorashadii ugu horeysay ee qof iyo cod ah, oo ka dhacda deegaanada Puntland, taas oo ay ku loolamayaan 9 Urur siyaasadeed. Idilnews

Read More

Madaxweyne kuxigeenka Puntland Mudane Cilmi Cismaan Karaash, ayaa saaka ka amba-baxay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland, isagoo ku wajahan degmadda Ufeyn ee gobalka Bari. Madaxweyne Axmed Karaash ayaa uga qeybgalaya degmadda Ufeyn isku soo bax balaaran oo taageerayaasha Urur siyaasadeedka KAAH uu ku qabsanayaan degmadaas, oo kamid ah saddexda degmo ee loo asteeyay inay ka dhacaan doorashooyinka hordhaca ah ee Puntland. Shacabka kunool degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn ayaa 25 bishan October u dareeraya doorashadii ugu horeysay ee qof iyo cod ah, oo ka dhacda deegaanada Puntland, taas oo ay ku loolamayaan 9 Urur siyaasadeed. Idilnews

Read More

Gudoomiyaha Gobolka Mudug ahna Gudoomiyaha Gudiga Amniga Gobolka Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug Muumin Cabdi Shire ku wareejiyey agab fududaynaya isgaarsiinta iyo xiriirka toos-ka ah ee Saldhigyada iyo Laamaha Amniga Magaalada Gaalkacyo iyo guud ahaan Gobolka, Agabkan ayaa waxaa ku deeqay Jaaliyada Gobolka Mudug ee Dalka Kenya gaar ahaan Ganacsatada Magaalada Nairobi. Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa uga mahadceliyey Jaaliyada Gobolka Mudug ee Dalka keenya iyo Dhamaan jaaliyadaha Gobolka ka soo jeeda sida ay qaybta uga qaadanayaan Amniga iyo Horumarka Gobolka Mudug. Idilnews

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble, iyo Madaxweynayaasha Dowladaha xubnaha ka ah DFS ayaa habeen dambe yeelan doona kulan deg-deg ah oo looga hadlayo dardar-gelinta doorashooyinka dalka. Kulanka oo ku qabsoomaya aalada ZOOM ayaa si gaar ah diirada loogu saari doonaa bilaabista doorashada Golaha Shacabka BJFS, iyo Ajandaha kulan la filayo inay dabayaaqada bishan illaa horaanta bisha soo socota November. Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Idilnews ayaa sheegaya in kulanka Golaha Wada-tashiga Qaran uu ka dhacayo magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland, iyadoo lagu go’aamin doono jadwal cusub oo la xariira hirgelinta doorashooyinka Golaha Shacabka…

Read More