Author: Jibril Qoobey

Golaha Wasiirada Jubbaland oo maanta yeeshay kulan aan caadi ahayn oo uu shir gudoominayay Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam, ayay golahu dood dheer ka yeesheen miisaaniyada sanadka oo ay soo gudbisay Wasaarada maaliyada. Wasiirka Wasaarada Maaliyada iyo hormarinta dhaqaalaha Xuseen Xirsi Axmed, ayaa golaha la wadaagay hormarka dhinaca wax soo saarka iyo dib u dhiska dhinaca dhaqaalaha ah kaas oo wax badan ka badali doona xaalada deegaanka sanadaha soo socda. Wasiirku wuxuu sheegay in kobaca dhaqaalaha iyo wax soo saarka Jubaland uu sanadka soo socda ee 2022 uu gaari doono 60%, taas oo kamid ah yoolasha ay wasaaradu hiigsanayso. Miisaaniyada sanadka…

Read More

Guddiga hirgalinta doorashooyinka heer Dowlad Goboleed SEIT Jubbaland, ayaa codsi u gudbiyay madaxwaynaha Dowladda Jubbaland kaas oo ah in uu soo gudbiyo badalka mid kamid ah xubnihii kujiray liiska oo sabab la’aan ka baaqday in uu is-diiwaan galiyo si loo siiyo shahaadada musharraxnimada. Idilnews

Read More

Guddoomiyaha gobalka Nugaal Maxamuud Xasan Maxamed, oo ay wehlinayaan Taliyaha Qeybta Booliska Nugaal iyo Guddiga Amniga Puntland ayaa kulan looga hadlayo wada-shaqeynta iyo xiriirka bulshada Koonfur Galbeed iyo dowladda Puntland la qaatay ganacsatada iyo waxgaradka kasoo jeeda KGS ee ku sugan caasimadda Puntland. Kulanka ayaa diirada lagu saaray sidii bulshada kasoo jeeda koonfur galbeed uga qeybqaadan laheyd adkeynta Amniga iyo hormarinta caasimadda Garoowe. https://www.youtube.com/watch?v=Ntiiyhbx-1I Idilnews

Read More

Wasiirka Wasarada Caafimaadka dawlada Puntland oo uu weheliyo Wasiirka Dekedaha iyo gaadiidka bada Puntland ayaa kormeeray cusbitaalka Guud ee degmada Waaciye kaasi oo ka mid ah xarumaha cafimaad ee ugu waawayn kuwa bixiya adeegyada guud ahaan Gobolka Karkaar. Wasiir Jaamac Faarax ayaa mid mid u taggay qaybaha adeeg bixinta markaasnoo ay ka socotay shaqo, waxa uuna hawl-wadeena ka waraystay habka ay shaqadu u socoto, adeegyada ugu badan ee loo yimaado, xaaladaha hoooyada iyo dhalaanka. Sidoo kale wasiiradu waxay tageen qaybta daryeelka dadka uu soo ritay xanuunka Covid-19, markaas oo cidna aysan jiifin, degmada Waaciye ayaaana ka mid ahayd meelaha ugu…

Read More

Guddoomiyaha Gobolka Bari Mudane Senator Cabdisamad Yuusuf Maxamed Abwaan, ayaa maanta kulan la qaatay Madaxa ugu sareeya Somalia ee hay’adda WFP Mr Elkhadir daloum Iyo Madax kale oo ka tirsan hay’adda. Kulanka ayaa waxa looga hadlay is barasho iyo is xog-wareeysi Maamulka Gobolka Iyo Madaxda hay’adda WFP, mashaariicda socda iyo kuwa ay soo waddo hay’addu, ka qeyb qaadashada arrimaha deg-dega ah, Iyo arrimaha qaxootiga. Guddoomiyaha ayaa Mr Elkhadir daloum waxa uu guddoonsiiyey agabka hidaha iyo dhaqankeenka soomaaliyeed. Kulanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Bari, Isuduwaha Wasarada sh/sh/dhalinyada iyo ciyaraha, Qeybo ka mid ah NGO yada…

Read More

Waxaa goor-dhaweyd lagu soo gaba-gabeeyay magaaladda Kismaayo ee caasimadda KMG ah ee Jubbaland diiwaan-gelinta musharixiinta kuraasta ka harsan Aqanlka Sare ee deegaanada Jubbaland. Gudiga hirgelinta doorashooyinka ee heer Jubbaland ayaa diiwaangeliyay 7 Musharax oo u tartami doono Afarta kursi ee Aqalka Sare ah, kuwaas oo kala ah, Ibraahim Awgaab Cusmaan, Farxiyo Macalin Cabdi, Maryan Faarax Kadiye, Samsam Maxamed, Laylo Nuux Maax , Xareedo Maxamed Sheekh & Xassan Daahir Yarow, halka musharixii 8aad uu isaga haray tartanka. Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Heer dowlad Goboleed ee Jubbaland Dr. Siyaad Maxamed Mursal ayaa sheegay in si wanagsan ay ugu dhamaatay diiwaangelinta musharixiinta Aqalka Sare,…

Read More

Dowladda Turkey ayaa shalay u yeertay safiirada 10 dal oo ay ku jiraan Jarmalka iyo Mareykanka, kadib markii ay ku baaqeen in lasii daayo hoggaamiye ka tirsan bulshada rayidka, kaasi oo xarigiisa uu dhaawacay xiriirka Ankara iyo Reer Galbeedka. Osman Kavala oo ah 64 jir Turkish ah oo ku dhashay Paris ayaa xabsi ku jiray tan iyo 2017 isaga oo aan wax dambi ah lagu helin. Waxa uu wajahayaa eedeymo dhowr ah oo la xiriira dibadbax ka dhan ah dowladda oo dhacay 2013 iyo afgambigii fashilmay ee 2016. Kavala waa uu beeniyey eedeymaha. War-saxaafadeed ay soo saareen Isniinti ayey safiirada…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa ka hadlay xaalada abaareed ee ka taagan deegaanada Jubbaland, taas oo saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sheegay in xukuumadda uu hoggaaminayo ay maalmaha soo socda gurmad u direyso deegaanada Abaaruhu ay saameeyeen, ee katirsan gobalada Jubbada Hoose iyo Gedo, isagoona ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iyo Hay’adaha caalamiga ah in loo gurmado dadkaas. https://www.facebook.com/MohamedHRoble/videos/570454920839445 Idilnews

Read More

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta soo xiray kulan wadareedka dardar galinta hiigsiga Xukuumada oo socday mudo sadex maalmood ah. Kulankan oo ahaa mid golaha Xukuumadu ay ku qaada dhigayeen hiigsiga Xukuumada iyo qorshayaasha Dowlada ayaa waxaa lagu jaangooyay in isbadal muuqda lagu sameeyo shaqooyinka iyo howlaha ay hormuudka ka yihiin wasaaradaha kala duwan ee Dowlada. Madaxweynaha kulanka soo xiray ayaa tilmaamay in loo baahan yahay dhamaan qorshayaasha halkan lagu gaaray in si dardar leh loogu badalo shaqooyin joogto ah oo lagu bari taaro shaqada ay hayaan wasaaradaha kala duwan. Waxaa Madaxweynahu uu intaas ku daray in…

Read More

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo madaxa mashruuca horumarinta degmooyinka ee (JPLG) ee Soomaaliya Mudane Paul Simkin. Kulanka ayaa looga hadlay sidii loo dardargelin lahaa mashruuca horumarinta degmooyinka ee Puntland ka socda , sidii la iskagakaashan lahaa Maamul baahinta guud ee degmooyinka iyo doorashooyinka Dowladdaha Hoose ee Puntland. Gabagabadii Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda ayaa uga mahadceliyey wada-shaqaynta buuxda ee ka dhexeeysa Dowladda iyo hay’adaha bahwadaagta ku ah mashruucaan waxaana uu sheegay inay ka go’an tahay Dowlad ahaan joogtaynta iyo sare u qaadista mashruuca. https://www.youtube.com/watch?v=H9fFvVtuX5Y Idilnews

Read More

Dowladda Puntland oo kaashanaya hay’adda Socdaalka Adduunka ee Qaramada Midoobay ee IOM ayaa waxaa ay ka qaadeen Gudaha Puntland Qaxooti Itoobiyan ah oo muddo ku noolaa Magaalooyin ka tirsan Maamulkaasi Puntland. Dadkaasi oo tiro ahaan gaaraya ilaa 42 Ruux ayaa waxaa dib loogu celiyay dalkooda Itoobiya, iyaga oo badi laga qaaday magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari. Dadka Itoobiyanka ah ee Puntland & hay’adda IOM ka qaadeen Magaalada Boosaaso ayaa muddo bil ah ku xayirnaa halkaas, iyaga oo si iskood ah u dalbaday in dalkooda dib loogu celiyo. Idilnews

Read More

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda China u fadhiya Soomaaliya FEI Yengchao. Kulanka ayaa waxaa looga hadlay Xoojinta Xiriirka laba-geesoodka ah ee labada Dowladood iyo sidii loo dar dargelin lahaa mashaariicda horumarineed ee dowladda China ka waddo Soomaaliya. Wasiirka Difaaca Soomaaliya ayaa dowladda Shiinaha ka codsatay in loo baahan yahay in qeyb ka noqoto dhismaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed. Dowladda Shiinaha ayaa ka mid ah dowladdaha si weyn u taageera Soomaaliya. Idilnews

Read More

Shir looga hadlayay arrimaha Bini’aadamnimo ee caalamka ayaa maanta lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Geneva ee dalka Switzerland, kaas oo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga qeybgashay Wasiirka Wasaaradda Gargaarka, maareynta & musiibooyinka ee Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye. Shirka oo ay ka qeyb galeen Wasiiro ka socda qaar kamid ah wadamada Caalamka ayaa waxaa diirada lagu saaray dhibaatooyinka bani’aadannimo ee jira iyo sida looga gudbi karo. Wasiirka Wasaaradda Gargaarka, maareynta & musiibooyinka ee Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye oo ku matalayay Shirkaasi Soomaaliya ayaa ka jeedisay warbixin ku saabsan xaaladdaha Bini’aadanimo ee Soomaaliya. Idilnews

Read More

Inta la xaqiijiyay hal ruux ayaa ku geeryooday dagaal culus oo maanta ka dhacay xaafadda 77 ee degmadda Deyniile ee magaaladda Muqdisho, kaas oo u dhexeeyay labo maleeshiyo beeleed. Dagaalkan ayaa salka ku hayay muran dhul, waxaana sidoo kale ku dhaawac saddex ruux oo labo kamid ah ay yihiin maleeshiyaadkii dagaalamay, dadka deegaanka ayaa weli cabsi ka qaba in mar kale lagu dul dagaalamo, maadama kooxihii dagaalamay ay is-horfadhiyaan. Idilnews

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble, ayaa maanta kulan kula yeeshay xafiiskiisa Guddiyada doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) iyo SIET ee gobalada Waqooyi. Kulanka ayaa looga hadlayay dardar-gelinta doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka BJFS ee Gobalada Waqooyi, Guddoomiyaha Guddiga maamulka doorashooyinka Gobollada Woqooyi (Somaliland) Khadar Xariir Xuseen, oo kulan kaddib la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in maalmaha soo socda ay bilaabi doonaan doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ee ka soo jeeda Somaliland. https://www.facebook.com/OPMSomalia/videos/389912546019655 Idilnews

Read More

Wasiirkii hore ee Amniga Dowlad-gobaleedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi, ayaa ku eedeeyay Tiliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ee DFS Gen. Odawaa Yuusuf Raage inuu horkacayo dagaalka la doonayo in lagu qaado magaalada Guriceel ee Gobalka Galgaduud, si lamid sidii uu u hoggaaminayay dagaaladii muddo kororsiga ee ka dhacay Muqdisho bishii April ee sanadkan. Wasiir Fiqi oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay in ay u muuqato in Gen. Odawaa uusan fahamsaneyn masuuliyadda loo igmaday, isagoona intaas ku daray inuu qaadi doono mas’uuliyadda ficilada guracan ee uu ku howlan yahay. Halkaan hoose ka Akhriso qoraal Axmed Macalin Fiqi. Odowaa wuxuu dagaal…

Read More

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Maxamed Dhabancad oo uu Wehlinayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL Maxamed Cali Nuur Jubba ayaa kulan laqatay Madax kasocday UN JPLG. Kulanka ayaa looga wada hadlay arrimaha Dar dar galinta shaqoyinka Mashaariicda Hormarinta dagmooyinka Puntland, sii amba qaadida shaqooyinka Mashariicda sanadka cusub ee soo socdo iyo Hormarinta 3 Degmada ee dhawaan ka qabsoomi doonaan Doorashooyin qof iyo cod. https://www.youtube.com/watch?v=_BvnbO10F50 Idilnews

Read More

Jaaliyadda Soomaalida UK, ayaa bilaabay iney Soomaalida u sharaxaan sidii ay u wajihi lahaayeen xaaladda soo cusboonaadey, ka gadaal markii dhawaan ruux Soomaali ah uu diley xildhibaan Ingiriis ah. Dhibaatada jaaliyada soo wajahday haatanba, ayaa waxaa kamid ah iney soo gaarayaan farriimo hanjabaado ah, iyo iney is badal ku sameeyeen hab nololeedkoodiiba. Hoggaamiyayaasha jaaliyadda ayaa ka wacyi galinaya Soomaalida nidaambkii ay ula dhaqmi lahaayeen, haddii lacalla booliisku ay la kulmaan, ama su’aallo in la weeydiiyo loo baahdo. Waxaa xiran wiil asalkiisu yahay Soomaali, kaasoo lagu magacaabo Ali Harbi Ali, dadiisuna tahay 25 sano jir. Wiilkan ayaa ku dhashey Ingiriiska, isagoo…

Read More

Waqooyiga Korea, ayaa maanta ka dul ridey gantaal markab, iyadoo dul marisay biyaha badda Japan, sidaasi waxaa sheegay military-ga Koonfur Kuuriya. Maamulka Pyongyang, ayaa soo bandhigay gantaalkan bishii ina dhaafey ee January, iyagoo ku tilmaamey inuu yahay gantaalka uggu awoodda badan adduunka. Tani ayaa imaneysa toddobaadyo kadib, markii Koonfur Kuuriya ay tijaabisay iyana gantaal kan lamid ah. Waqooyiga Kuuriya, ayaa toddobaayadii lasoo dhaafey wadey tijaabooyin gantaallo oo is xig xiga, oo ay ku jiraan gantaallo ay ku sheegtay dowladdani iney yihin kuwo guuxooda ka dheereeya, iyo kuwa ridada dheer. Tijaabooyinka qaar ee ay sameysay Waqooyiga Kuuriya, ayaa waxey xad gudub…

Read More

Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Maamulka Jubbaland ayaa Maanta shaaciyey xiliga la qabanayo doorashada afarta kursi ee ka dhiman aqalka sare ee deegaan doorashadoodu tahay Jubbaland, kadib markii Axmed Madoobe uu xalay shaaciyay musharixiinta ku tartaneeysa Afarta kursi. Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Heer dowlad Goboleed ee Jubbaland Dr. Siyaad Maxamed Mursal ayaa sheegay in Maalinta Berito ah la diiwaangelin doono musharixiinta Aqalka Sare, halka Maalinta Khamiista ah ay dhici doonto doorashada Afarta kursi ee Aqalka Sare uga harsan Maamulka Jubbaland. https://www.facebook.com/JLTVOFFICIAL/videos/3042098236110280 Idilnews

Read More

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Kismaayo ku qaabilay ku xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Anita Kiki Gbeho, oo booqasho ku tagtay halkaas. Kulanka ayaa lagaga hadlay arimaha Doorashooyinka oo Maamulka Jubbaland ay xalay soo dhamaystireen xubnahii ku dhimanaa tartamayaasha Aqalka Sare taas oo dardar galin doonta howlaha Doorashooyinka. Marwo Anita Kiki Gbeho, ayaa Jubbaland uga mahad celisay sida ay u ilaalisay qoondada haweenka ee aqalka sare iyadoo hoosta ka xariiqday in Qaramada midoobay ay tageerayso howlaha Doorashooyinka iyo sidii loo dardar galin lahaa. Dowlad-gobaleedka Jubbaland ayaa dhawaan soo geba-gabeyn doono doorashooyinka…

Read More

Ergaygii ugu sareeyay Mareykanka ee Afghanistan ayaa xilkiisa iska casilay wax ka yar laba bilood kadib markii ciidamada Mareykanka ay ka baxeen dalkaasi. Zalmay Khalilzad ayaa hoggaaminayay wada hadalladii Mareykanka ee Taliban, laakiin wada -hadallo diblomaasiyadeed oo socday muddo bilooyin ah ayaa ku guul -darreystay in laga hortago in kooxda xagjirka ah ay awoodda qabsato. Kooxda Talibanka ayaa xukunka la wareegtay bishii August kadib markii ay qabsadeen caasimadda Kabul. Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken ayaa sheegay in ku xigeenka Mr Khalilzad, Thomas West, uu xilka la wareegi doono. Idilnews

Read More

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Maoobe), ayaa soo gudbiyay magacyada musharaxiinta 4-tii kursi ka dhimanaa Senitorada Aqalka Sare kasoo Jubaland,Dowladda Federaalka Soomaaliya. Liiska Musharixiinta ayaa ka kooban 8 Musharax, kuwaas oo ku tartami doona afar kursi, waxaana kuraasta labo ka mid ah ku tartami doona afar Haween ah. 5: Leyla Nuux Maax Xareedo Maxamed Sheekh. 6: Ibraahim Aw-gaab Cismaan Farxiyo Macalim Cabdi. 7:Maryam Faarax Kadiye Zamzam Maxamed Bishaar 8: Xasan Daahir Yarow Cali Maxamed Cali Idilnews

Read More

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maanta Aqalka Madaxtooyada ee Magaalada Dhuusamareeb ku qaabilay Taliyaha Ciidanka AMISOM ee sector 4 iyo saraakiil uu hoggaaminayay. Kulanka ayaa looga hadlay dardar galinta howlaha Doorashoyinka Galmudug iyo Sugidda Amiga & waliba dagaalka ka dhan ah Ururka Al-Shabaab ee laga fulinayo degaannada Galmudug. War kasoo baxay Madaxtooyada Galmudug ayaa waxa lagu sheegay in Madaxweynaha Galmudug uu soo Gaba gabeeyay kulamo Amni oo maalmahan uu la lahaa Saraakiisha Ciidada AMISOM. Kulankan ay Maanta Magaalada Dhuusamareeb ku yeesheen Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo Taliyaha Ciidanka AMISOM ee sector 4…

Read More

Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta aqalka Martida ee magalada Kismaayo kulan kula qaatay ku xigeenka Hay’adda UNOCHA, Cindy Issac isagoo kala hadlay xaaladaha ku saabsan abaaraha ka jirta deegaanada Jubbaland. Madaxweyne kuxigeenka waxaa kulanka ku wehliyay Wasiirka wasaradda Gargaarka iyo Maareenta Masiiboyinka Dowladda Jubbaland Cabdiraxmaan Cabdi Axmed. Maxaxweynaha ayaa u gudbiyay masuuliyiinta Hay’adda UNOCHA warbixinno ku saabsan saameynta abaaraha isagoo ugu baaqay in ay gacan ka geystaan sidii loogu gurman lahaa dadka ay abaaraha saameeyeen. Cabdiraxmaan Cabdi Axmed, wasiirka wasaaradda Gargaarka iyo Maareenta Masiibooyinka Jubbaland ayaa markuu kulanka soo idlaaday warbahinta la hadlay, isagoo sheegay…

Read More

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa xilkii ka qaaday Guddoomihihii Gobolka Shabeellaha Hoose Cabduqaadir Maxamed Nuur Sidii iyo kuxogeenkiisa Amniga. Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa loogu Magacaabay Maxamed Cabdiraxiin Nuur halka Guddoomiye kuxigee ka Amniga Shabeellaha Hoose loo Magacaabay Axmed Cumar Maxamed. Guddoomiyihii Gobolka Shabeellaha Hoose Cabduqaadir Maxamed Nuur Sidii ayaa waxaa xilkaas loo magacaabay 16-kii Bishii Noverber ee sanadkii 2020, waxaana uu xilka haayay muddo 11 Bilood ah, isaga oo bedelay Guddoomiyihii ka horreeyay ee Ibraahim Aadan Cali Najax. Idilnews

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo safar ugu maqnaa dalka dibadiisa ayaa maanta siweyn loogu soo dhoweeyay Garoowe. Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha ee Garoowe kusoo dhoweeyay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowadda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Abuukaate Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Goleyaasha Dowladda, Maamulka Gobolka iyo kan Degmada Garoowe, Saraakiisha Ciidamada Qalabka sida iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Garoowe. https://www.facebook.com/plstatehouseofficial/videos/459815145543725 Idilnews

Read More

Madaxweynaha Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar Cagjar, ayaa ku dhawaaqay Golaha Wasiirrda cusub ee Deegaanka Soomaalida. 1- Xafiiska Madaxweynaha: Dr. Xuseen Qaasim 2- Xafiiska Beeraha: Dr. Cabdiqaadir Iiman 3- Xafiiska Hor. Xoolo dhaqatada: Subeer Xuseen Cumar 4- Xafiiska Hor magaalooyinka: Cabdiraxman Ciid Daahir 5- Xafiiska Waxbarashada: Cabdulaahi Lacag 6- Xafiiska Caafimaadka: Dr. Muuse Axmed Ibraahim 7- Xafiiska Maaliyadda: Cabdiraxmaan Axmed 8- Xafiiska Adeega shacabka: Warsan 9- Xafiiska Jidadka: Eng. Saddaam Xuseen 10- Xafiiska Nabadgalyada: Mubashir Dubad 11- Xafiiska Cadaalada: Axmed Xaaji Samatar 12- Xafiiska Biyaha: Xasan Daadhi 13- Xafiiska Xirfadaha iyo shaqo-abuurka: Xuseen Geydh 14- Xafiiska Arimaha Bulshada:…

Read More

Urur siyaasadeedka KAAH ayaa maanta guddiga kumeel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland ku wareejiyey lacag cadadkeedu dhan yahay $1,000 (kun dollar), oo ahayd ganaaxii uu dhowaan guddiga TPEC ku soo rogey ururka Kaah. Maamulaha xarunta dhexe ee urur siyaasadeedka KAAH Mudane Maxamed Cabdullaaahi Maxamed(Sayga Ruushka) ayaa jeegga lacagta ku wareejiyey xoghayaha guud ee guddiga kumeel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland Ubax Abshir. Urur siyaasadeedka KAAH oo uu hoggaamiyo Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Guddiga TPEC ku eedeeyay inuu ku xadgudbay xeerarka Guddiga, kaddib markii uu olale sharci-darro ah uu ka sameeyay tuulada xasbahale. Idilnews

Read More

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa daahfuray kulanka wadareedka dardar galinta hiigsiga Xukuumada oo lagu dardar galinayo shaqooyinka Wasaaradaha Dowlada. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in shaqooyinka Wasaaradaha ay yihiin laf dhabarta Shaqooyinka Dowlada taas oo hadii si hufan loo qabto wax weyn kusoo kordhinaysa hiigsiga Xukuumada ee fulinta adeegyada bulshada loo hayo. Waxaa Madaxweynahu uu intaas ku daray in loo baahan yahay in xooga la saaro sidii hormuudka Wasaaradaha Dowladu ay xooga u saari lahayeen hufnaanta shaqada iyo ka mira dhalinta waxyaabaha hortabinta leh. Ugu danbayn Madaxweynaha ayaa u mahad celiyay Machadka Juba Valley Institute ee kulankan soo qaban…

Read More

Qarax ayaa Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya waxaa saacadihii la soo dhaafay lagula eegtay degaano katirsan Magaalada lamu, waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa deegaannada Kayunga iyo Sankura lagula eegtay kolonyo Gaadiid ah oo ay wateen Ciidamada Kenya, hayeeshee ay ku waxyeeloobeen Ciidamo hareero socday Gaadiidka. https://www.youtube.com/watch?v=_gTahhrukGc Idilnews

Read More

Ciidanka Hay’adda sirdoonka & nabadsugida Dowlad-gobaleedka Jubbaland ayaa howlgallo lagu xaqiijinayo Amniga ka wada gudaha magaalada Kismaayo, kuwaas oo lagu baadigoobayo Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab. War kasoo baxay Ciidanka NISA Jubbaland ayaa lagu sheegay in howlgallada laga sameeyay dhamaan xaafadaha magaalada Kismaayo, kuwaas lagu qabqabtey xubno kamid ah Al-Shabaab halka kuwa kale lagu raadjoogo. Sidoo kale, Sirdoonka Jubbaland ayaa sheegay inay bulshada la wadaagi doonaa warbixintooda oo dhameystiran iyo shaqooyinkii lidka ku ahaa amniga dadka iyo dalka ee ay ku howlanaayeen. ”Dhamaan shacabka Soomaaliyeed gaar ah bulshada reer Kismaayo waxaan ugu baaqeynaa inay indho u noqdaan ciidamada ammaanka ayna…

Read More

Waxaa goor-dhaweyd furmay Golaha 6-aad kal-fadhigiisa 1aad ee dowlad degaanka Soomaalida, iyada oo la caleema saarayo Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cagjar. Wafuud kala duwan ayaa saacadihii lasoo dhaafay ku qulqulaya magaalada Jigjiga, waxaana kamid ah Madaxweynaha Deegaanka Oromiya Shimalis Abdisa, oo saaka garoonka diyaaradaha ee Garaad Wiil-waal, halka shalay ay Jigjiga soo gaareen Wafti ka socda Somaliland oo ay horkacayaan Madaxweyne kuxigeenka Somaliland iyo Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun. Mustafe Muxumed Cagjar ayaa waxaa uu dowlad degaanka Soomaalida uu maamuli donaan 5-ta sano ee soo socota, waxaana maanta si weyn loo adkeeyay ammaanka magaalada Jigjiga. https://www.youtube.com/watch?v=pDWXrb0Ybbw Idilnews

Read More

Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo gadiidka badda dowladda Puntland Senetor Mohamed Cabdi Majiino iyo Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Qorshaynta Hor-umarinta dhaqaalaha iyo Xiriirka Caalamiga ahna Duqa Degmada Bossaso Abdiqani Ahmed Ismail (Deera-dile) ayaa kulan la qaatay Taliyaha Ciidanka Ilaalada badda Puntland ee Midowga Yurub, Admiral Alejandro Cuerda. Kulanka oo ka dhacay dusha sare mid ka mida maraakiibta howlgalada Midowga yurub Ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga Amniga xeebaha Puntland Xakamaynta Tahriibka joojinta Kallumaysiga sharci darada ah ilaalinta Hubka kasoo dega eeriyada xeebaha Boosaaso iyo arimo kale oo muhiim ah. Duqa degmada Bossaso ayaa ku booriyey ciidamadda ilaaliyaha xeebaha puntland ee midowga yurub shaqada…

Read More

Madaxweynaha Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta dib ugu soo laabanaya magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. Madaxweyne Deni ayaa muddo ku maqnaa dalka dibeddiisa, isagoona booqasho aan la shaacin ku tagay dalalka Itoobiya, Imaaraadka Carabta iyo Kenya. Idilnews

Read More

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftgareen ayaa kulan la qaatay Culimo ka socday Dowlada aan Walaalaha nahay ee Turkiya oo Maalmahan Magaalada Baydhabo ujoogay Wacyigelinta Bulshada, Tababarida Culimaa’udiinka iyo Taakulaynta Dadka Danta yar. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftgareen ayaa Culimada ka socotay Dowlada Turkiga uga Mahadceliyey Booqashada ay ugu imaadeen iyo Dadaalkooda ku aadan sidii ay kaalin uga geysan lahayeen bulshada laga soo musaafuriyey Magaalada Laascanood ee Gobolka Sool. “waan idinkaga mahadcelinayaa booqashada aad iigu imaateen caawa, shaqo wanaagsan ayaad qabateen wacyi-gelinta bulshada iyo taakulaynta dadka laga soo musaafuriyey magaalada laascanood…

Read More

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed. Kulanka oo ka dhacay hoyga Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed waxaa diirada lagu soo saaray Arrimaha doorashooyinka dalka. Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa ku bogaadiyay Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen sidii wanaagsaneyd ee uu hogaamiyay doorashadii xubnaha Aqalka sare ku matalaya Hirshabeelle, oo u dhacday si daahfuran. Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socda kulamo ay yeelanayaan siyaasiyiinta dalka, iyaga oo ka wada hadlaya arrimaha doorashooyinka Soomaaliya. Idilnews

Read More

Degmada Galdogob ee Gobolka Mudug ayaa maanta laga daah-furay mashruuca hormarinta dagmada Galdogob LDF ee JPLG Duqa dagmada Galdogob Cabdiqafaar sheikh Ibrahim oo ay Wehlinayaan Madaxa Maamul Baahinta Iyo Tayadhiska Dowladaha Hoose ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL. ayaa si wada jira u daah furay mashuurca horumarinta Degmada Galdogob. Madasha Daah furka mashaariicda Hormarinta Degmada waxaa goob joog ahaa xubno ka socday Wasaaradda Hawlaha Guud, xafiiska Hanti Dhowrka iyo hay’adda qandaraasyadda Puntland. Idilnews

Read More

Maxkamadda Ciidamada ayaa Xukun Min 10-sano oo Xabsi Ciidan ah ku riday iyo bixinta alaabtii ay Qaateen oo U dhiganto $12945 Faarax Cabdullaahi Calasow “Faaraxey” iyo Maxamed Abshir Maxamed “Camey”. Labada xukunsane oo midi Maqane yahay ayaa ka kala tirsanaa Asluubta & Boliiska. Carwo kaah oo ku taal degmada Hodan gaar ahaan Soobe ayay ka soo muuqdeen CCTV iyaga oo dhac baahsan gaysanayo 29-kii June Sanadkan. https://www.youtube.com/watch?v=uOmZ3eNRVng Idilnews

Read More

Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta kormeeray Banggiga Dhexe ee Dowladda Puntland. Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa kormeeray qaybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay Banggiga Dowladda, isagoo u kuurgalay sida shaqadu u socoto, waxaana uu warbixin ka dhegaystay Guddoomiyaha Banggiga Dowladda iyo madaxda kale. Ugu dambeyn Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa boggaadiyay masuuliyiinta Banggiga iyo shaqaalaha, wuxuuna faray in ay halkaasi kasii laba jiibaaraan adeega Banggigu u hayo dadweynaha. https://www.youtube.com/watch?v=hQy53Kn6Bjo Idilnews

Read More

Dacwad muddo dheer la sugayay oo ku saabsan dilka madaxweynihii hore ee Burkina Faso, Thomas Sankara, ayaa ka billaabatay magaalada Caasimadda ah ee Ouagadougou. Sanadkii 1987-kii ayaa Sankara lagu dilay afgambi ka dhacay dalkaas, wixii markaas ka dambeeyayna la isma weydiinin cidda dishay, Ilaa laga soo gaaray 2014-kii oo uu isbaddal weyn dhacay. Ninkaas waxaa lagu yaqaannay inuu iska ilaalin jiray ku takrifalka hantida dowladda, noloshiisuna waxay ahayd mid aan ka duwaneyn tan dadka caadiga ah ee muwaadiniinta ah. Paul iyo Valentin Sankara oo Ku Hooyo iyo Aabe ah Madaxweynaha ayaa ka sheekeeyay Dhaqanka walaalkood waxeyna sheegeen in xitaa Familkooda…

Read More

Xildhibaan Sir David Amess waxaa dilay Cali Xarbi oo British ah, laakiin asal ahaan Soomaaliya ka soo jeeda. Waxaa la sheegay Cali in uu ahaa dhakhtar, weliba samaynayey takhasus. Xildhibaan David oo 40 sano ka tirsanaa Baarlamaanka Ingiriiska ayaa ku guda jiray (Constituency surgery) oo ah maalmaha uu xildhibaanku fariisto xarun dadwayne ama dowladeed oo uu ku qaabilo dadka soo doortay ee qaba tabashooyin la xariira arrimaha socdaalka, qoysaska la is-haleeshiyo, sharciga soo daaha, deegaanka, caafimaadka, IWM. Xildhibaannada Ingiriiska lama ilaaliyo, waardiye gaar ahna ma laha. Qof kasta ayaa imaan kara Constituency surgery, Cali waa wiil ay waalidkiis waqti badan…

Read More

Kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab ayaa weerar madaafiic ah ku qaaday saldhig Ciidammada Daraawiishta Puntland ay ku leeyihiin deegaanka Af-urur ee buuraleyda gobalka Bari. Sida ay sheegeen dadka deegaanka weerarkan ayaa dhacay aroortii hore ee saaka, Al-Shabaab ayaana tiro madaafiic ah kusoo tuurtay saldhiga Ciidammada, iyadoo Ciidammada Daraawiishta Puntland ay ugu jawaabeen madaafiic kale. Ma jiro ilaa hada khasaare la ogyahay oo ka dhashay weerarkan madaafiicda ah ee Al-Shabaab ku qaadeen saldhiga Daraawiishta Puntland ee deegaanka Af-Urur. Idilnews

Read More

Hay’ad lagu magaaco Greek Helsinki Monitor ayaa baahisay in badbaadisay 26 Somali ah, kuwaas oo kasoo tahriibay xeebaha Turkiga si ay ugu gudbaan qaar kamid ah dalalka Yurub. Dadkaas oo markii hore ka baxay meelo kamid ah Soomaaliya ayaa muddo ku sugnaa dalka Turkiga, hayeeshee ugu dambeyn gacanta lagu dhigay xilli ay doonayeen inay u tahriibaan Yurub. Ciidamo ka tirsan ilaalada Xeebaha dalka Gareece ayaa dadkaasi geeyay kaam kuyaal dalkaas, kuwaas oo la sheegay inay ku heysato dhibaatoogin kala duwan. Tahriibayayaasha Soomaalida ah oo isugu jira Rag iyo Dumar ayaa waxaa ay u badan yihiin Dhalinyaro, waxaana Xerada ay ku…

Read More

Waxaa maanta magaalada Garoowe ee caasimada dowladda Puntland lagu qabtay Xuska maalinta caalamiga ah ee Cuntada Aduunka, Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Cuntada Aduunka oo sanadkaan ay soo qabanqaabisay wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Puntland ayaa waxaa kasoo qaybgalay xubno ka socday golayaasha kaladuwan ee dawlada Puntland waxaana lagu soo bandhigay qaybaha kaladuwan ee cuntada, Dalagyada iyo Qudaarta ka baxda gobolada kaladuwan ee Puntland. Munaasabada sanadkan oo halku dhageedu ahaa “Tabcashadeenu waa Mustaqbalkeena” Waxaa ugu horayn furitaankeeda ka hadlay agaasimaha Guud ee wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada dowladda Puntland Mudane, Cabdicasiis Nuur Cilmi “Koor” oo ka sheekeeyey muhiimada xuska…

Read More

Wasiirka wasaaradda caafimaaka dawlada Puntland Dr Jamac Farax Xasan ayaa jimcihii shalay xariga ka jaray xarun caafimaad oo hooyada iyo dhalaanka ah (MCH) oo laga hirgaliyay deegaanka Cambara ee gobolka Nugaal, xaruntaan oo ka kooban saddex qol ayaa bulshada deegaanka si isku tashi ah u dhisteen wasaaradduna ka caawisay qalabka iyo dawooyinka. Wasiirka waxaa safarka ku weheliyay qaar kamid ah agaasimayaasha wasaaradda waxaana bulshadu deegaanka ugu sameeyeen soo dhawayn ugana mahadceliyeen hirgalinta iyo in deegaanku xaruntaan caafimaad yeeshaan. Wasiirka wasaaradda caafimaadka Puntland Dr Jamac Farax Xasan oo gabagabadii hadlaya ayaa yiri:- “Waxaan ku faraxsanahay in deegaankaan markii ugu horaysay aan…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mehmet Yilmaz. Labada masuul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal ee walaalaha ah, mashaariicda horumarineed ee Turkigu ka wado Soomaaliya iyo arrimaha doorashooyinka dalka. Idilnews

Read More

Guddoomiyaha Gobolka Bari Mudane Senator Cabdisamad Yuusuf Maxamed Abwaan, ayaa maanta kulan la qaatay Madaxa ugu sareeya Somalia ee hay’adda UNHCR Mr Magatte Guisse Iyo Madaxa Xafiiska Bosaaso ee hay’adda. Kulanka ayaa waxa looga hadlay is barasho iyo is xog-wareeysi Maamulka Gobolka Iyo Madaxa cusub ee ugu sareeya UNHCR ee Somalia, mashaariicda socda iyo kuwa ay soo waddo hay’addu, ka qeyb qaadashada arrimaha deg-dega ah, arrimaha qaxootiga, iyo sidii loo xoojin lahaa, Dhismaha Garoonka kubada Cagta ee Magaalada Bosaaso. Kulanka ayaa waxa ka soo qeyb galay wasiirka wasaarada Dekadaha Dowladda Puntland, Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Bari, Guddoomiyaha Degmada Bosaaso, Iyo…

Read More

Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ayaa ganaax ku ridey Urur Siyaasadeedka KAAH oo lagu helay inuu ku xad gudbey xeerka doorashada qodobada 22, 23 iyo jadwalka Guddigu udajiyay ololaha Ururada. Ururka KAAH oo uu gudoomiye u yahay Madaxweynaha Puntland ayaa olole doorasho qabsaday maalin aan ahay maalinkii loo asteeyey. Ururka ayaa lagu helay in maalin uusan laheyn isku soo bax uu sameeyay, waxaana lagu ganaaxay lacag dhan kun dollar iyo in tuuladdii ay kasameeyeen banaanbaxa aysan mardambe ka sameyn Karin. Idilnews

Read More