Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug. Markuu Arkay: Qodobka 50aad farqaddiisa 5aad, ee Dastuurka Galmudug; Markuu Arkay: Baahida loo qabo in lamagacaabo Guddiga Daadejinta Adeegga Dowladaha Hoose, Markuu tixgaliyey: Aqoonta iyo khibradda ay leeyihiin Daadeiinta Dowladaha hoose, Markuu latashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda GM, Madaxweynuhu wuxuu Magacaabay Guddiga Hoos Ku Xusan, waxaana hogaamin doona Madaxweyne kuxigeenka DGM, Mudane, Cali Dahir Ciid. Qodobka 1aad. 1.Axmed Xasan Cali Wasiiru Dowlaha W. Arimaha Gudaha (Gud. Kuxigen) 2.Farxaan Cali Maxamuud Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda 3.Maxamed Xaashi Dhoore Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada 4.Cabdiwali C/llahi Jaamac Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka 5.Cabdinasir Geelle Cilmi Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta 6.Maxamuud Cabdi Axmed ‘Kaarshe’ Wasiirka Wasaaradda…
Author: Jibril Qoobey
Dowlada Uk qeybteeda Maalgashiga Horumarinta ayaa waxa ay maalgelin ku sameyneysaa saddex dekadood oo ku yaal qaarada Afrika. Maalgelintan ayaa ah tii ugu badneed ee dowlada UK 73kii sano ee ugu dambeysay ay ku sameyso qaarada Afrika. Dekedaha la maalgelinayo ayaa waxaa ku baxay lacag gaareysa $ 1.7bn iyadoo ay iska kaashadeen DP World, oo ah maamulaha dekedaha ee fadhigeedu yahay Dubai. Kooxda CDC waxay ku dhawaaqday Talaadadii inay ku maalgelinayso $ 320m horraantii ballaarinta dekadaha Masar, Senegal iyo maamulka isku magacaabay Somaliland. Waxa kale oo ay damacsan tahay inay $400m oo dheeraad ah siiso shirkadda dekedaha DP World. Saddexdan…
Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Balal Maxamed Cusmaan, ayaa labo hadal jeedin ah ku yeeshay Shirka 39aad ee caadiga ah ee Golaha Fulinta ee Midowga Afrika oo ka soconayay Xarunta Ururka Midowga Afrika ee magaalada Addis Ababa maalmaha 14-15 Oktoobar oo diiradda lagu saarray baahida loo qabo xoojinta dagaalka ka dhanka ah caqabadaha ku hor-gudban Afrika. Kulankani oo ahaa kii ugu horreeyay ee Wasiirrada Arrimaha Dibadda Afrika ay iskugu yimaadaan tan iyo markii uu dunida ku faafay cudurka Karoona feyrus, iyadoo shirarku ku qabsoomi jireen hab fogaan-arag ah , waxaana kulankani si qotodheer looga dooday ajandayaashiisa. Mudane…
Wasiirka Arrimaha-gudaha, Federaalka iyo Dilmuquraadiyeynta Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, ayaa sheegay in saddex arrimood ay sabab u noqon jireen dagaalada ka dhaca magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug. “Gaalkacyo colaadihii soo maray saddex marxalado ayay soo mareen: xilli Qaadwalayaal hagi jireen, xilli Xamaaliyaal hurin jireen & xilli Argagixiso hurin jirtay, waxaa mar walba Nabadda Gaalkacyo u taagnaa Isimada & Culumada oo markasta oo dagaal qarxo iyagu u istaagi jireen” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha-gudaha Puntland, Maxamed Dhaban-cad. Idilnews
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo ku sugan Magaalada Washington ee dalka Mareykanka ayaa kulan la qaatay Wakiilka Joogtada ah ee Faransiiska u fadhiya Qaramada Midoobay Amb, Nicolas De Reviere. labada mas’uul ayaa kawada hadlay muhiimada ay leedahay in lagu qabto doorashooyinka muddadii lagu heshiiyay iyo sidii mas’uuliyadaha amniga loogu wareejin lahaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyada oo si buuxda loo fulinayo qorshaha kala -guurka iyo dib -u -qaabaynta Ciidanka xoogha dalka. Wakiilka Joogtada ah ee Faransiiska u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqay Madaxda Soomaalida inay waqti dhow soo geba-gabeeyaan howlaha doorashooyinka socda, kuwaas oo…
Mid ka mid ah qareenadii u dooday Soomaaliya xilligii uu socday muranka badda ee u dhexeeyey Soomaaliya iyo Kenya ayaa markii ugu horraysay ka hadlay xukunka ay maxkamadda ICJ ee garsoorka caalamiga ah 12-kii bishan ka gaartay badda lagu muransanaa. Qareenkan oo lagu magacaabo Paul Reichler waxa uu waraysigan kaga hadlayaa sida ay dhul badeedka lagu muransanaa u kala heleen Soomaaliya iyo Kenya. Halkaan hoose ka dhageyso wareysi uu siiyay VOA. https://youtu.be/yF3eAzHjm48 Idilnews
Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta Shir-guddoomiyey Shirka khamiislaha ah ee Golaha Wasiirada Puntland. Shirka ayaa todobaadkan looga hadlay Amniga, daah-furka hannaanka isku-dhafka ah ee korjoogteynta iyo dabagalka shaqooyinka Dowliga ah iyo mashaariicda, dardargelinta Qaadashada tallaalka COVID-19, arimaha Gobollada iyo Degmooyinka Puntland iyo xaaladda dadkii laga soo barakaciyay Laascaanood. Idilnews
Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya Bilaal Maxamed Cusmaan, ayaa sheegay dowladda Kenya in aysan wax dan ah ugu jirin inuu xumaado xiriirka kala dhaxeeya Soomaaliya. Wasiir udowlaha ayaa sheegay dowladda Soomaaliya in ay ka shaqeynayso sidii xirirka labada dal uu u noqon lahaa mid wanaagsan. Laakiin, wuxuu caddeeyay haddii Kenya ay diido arintaas in ay Soomaaliya u taagan tahay difaaca baddeeda. “Waxaan aaminsanahay in shacabka iyo dowladda Kenya ay ogyihiin in aysan wax dan ah ugu jirin in uu xumaado xiriirka labada dal, waxaan ka shaqeyn doonaa dhankeenna in uu wanaagsannaado xiriirka labada dal, laakin haddii ay diidaan waxyaabaha ay…
Madaxweyne ku xigeenka Koobaad ee Dowlad Goboleedka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka golaha wasiirada oo lagaga hadlay qodobo kala duwan. Ugu horayn Wasaaradda gargaarka iyo maaraynta masiibooyinka ayaa ka warbixisay halka ay marayaan dadaalada wax lagaga qabanayo abaaraha ka jira qeybo badan oo Jubaland kamid ah, iyadoo wasaaradu ay sharaxaad ka bixisay qorshayaasha ay u dajisay gurmadka loo samaynayo dadka abaaraha ay sameeyeen. Wasaaradda Xanaanada xoolaha ayaa sheegtay in xoolo ku dhow sadex kun oo neef inay u dhinteen abaarta iyo xanuuno aan la garanaynin oo ka jira deegaanka. Wasaaradda qorshaynta iyo xiriirka Caalamiga ah ayaa…
Dawladda Mareykanka ayaa waxaa ay ugu baaqday madaxda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya dadajinta arrimaha doorashooyinka & xalinta khilaafka dhexdooda kahor dhammaadka sannadkan, isla markaana muhiim u tahay geedi socodka doorashooyinka dalka. Kulan gaar ah oo Magaalada Washinton ay ku yeesheen Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya iyo Madaxda Mareykanka ayaa diiradda lagu saaray arrimaha ku saabsan Amniga iyo doorashooyinka, iyaga oo sigaar ah uga hadlay ka gudbida cawabadaha hortaagan dhameystirka doorashada Soomaaliya. Qoraal kooban oo kasoo baxay Ergayga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Afrika ayaa loogu sheegay Madaxweyne Farmaajo & Ra’iisul Wasaare Rooble in laga doonayo in ay dadajiyaan doorashooyinka, ayna…
Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa Saka Shir guddoominayey kulan ay ka wada qeyb galeen Dhamaan Sarakiisha Booliska Bosaaso kaas oo ku saabsana Xoojinta iyo muhiimadda ay u leedahay wada shaqeynta dhinacyada kala duwan ee ammaanka iyo sida ay lagama maarmaan u tahay in la dardargeliyo istiraatiijiyadda amniga si looga hortago falalka dhibaatada ku ah amaanka Taliyaha ayaa ayaa si gaar ah ugula dar-daarmay Saraakiisha amniga in ay adkeeyaan wada shaqeynta dhanka amniga ee ay la leeyihiin bulshada Degmada Bosaaso taas oo muhiim u ah qorsheyaasha xasilinta Gobalka Bari” Ugu danbeyn Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari…
Barakac xooggan ayaa maanta ka soconaya degmadda Guriceel ee gobalka Galgaduud, halkaas oo laga cabsi qabo inay ku dagaalamaan Ciidanka dowladda & kuwa Galmudug oo dhinac ah iyo Ahlusunna. Dadka ayaa waxaa ay siweyn uga barakacayaan Xaafadaha kala ah Wadajir, Daryeel iyo Tawakal, waxaana Ciidamada Ahlusunna ay difaacyo ka sameysteen gudaha iyo daafaha magaalada. Barakacaan maanta ka billowday degmada Guriceel ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ay ku dhawaadeen degmada Guriceel, isla markaana ay fariisin ka sameysteen degaanka Ceeldheere. Xaaladda degmada Guriceel ayaa ka duwan sidii hore, waxaana qaar kamid ah bulshada ay sheegayaan…
Kooxo Koonfur Afrikaan ah ayaa Goobo Ganacsi ay ajaanibta leeyihiin gaar ahaan Soomaalida iyo Itoobiyaanka waxaa ay ku gubeen duleedka Magaalada Port Elizabeth ee dalkaasi Koonfur Afrika. Goobjoogayaal ayaa xaqiijiyay in ilaa Saddex Dukaan dab la qabad siiyay, waxaana laba kamid ah dukaamadaasi ay leeyihiin Soomaali ku yaallaan tuulada Kwazakhele, iyada oo dukaanka kale ee sedaxaad ee la gubay uu ku yaallo tuulada Zwide sida laga so xigtay Afhayeenka booliska Col Priscilla Naidu. Falkaan Goobaha Ganacsi lagu gubay ayaa sida la sheegay waxaa uu daba socdaa isku dhicii shalay gelinkii Dambe xaafadda korsten ku dhaxmaray darawalada Tagsleeyda iyo Soomaalida degan…
Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa manta Xafiskiisa Ku Qaabilay Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF) iyo Heer Mamaul Goboleed (GMDHDX) ee Puntland. Kulankaan ayaa la iskaga xog wareystay Xaladaha iyo diyaar Qabashada Kuraasta Aqalka Hoose oo dhawaan sida uu qorsha yahay lagu qaban doono Magalada Bosaaso. Taliye Xuseen ayaa Gudigaan u sheegay in xili horeba ay u diyaar u noqdeen sugida amniga isagoona sheegay in waxwalba ay Booliska Gobalka Bari diyaar ka yihiin, Muuse Geelle Faroole oo ka tirsan Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa sheegay in ay tahay arin wanagsan sida ay Bosaaso diyaar ugu…
Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa sheegay in abaaro iyo xanuuno aan la garanaynin oo ka jira qeybo kamid ah Jubaland ay dhibaato ba’an ku hayaan xoolo dhaqatada iyo beeraleeyda qeybo badan oo kamid ah Jubaland taas oo khatar ku ah nolosha dad badan oo kamid ah bulshada deegaanka. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in abaaraha ka jira qeybo kamid ah Jubaland ay yihiin kuwo u baahan gurmad caalami ah iyo gargaar deg deg ah oo ay helaaan dadka tabaalaysan. Waxaa Madaxweynahu uu ugu baaqay dhamaan Hay’adaha gargaarka iyo cid walba oo tageero ka gaysan karta dhibaatada taagan inay tahay…
Maxkamada cadaalada Adduunka ee ICJ ayaa u xukmisay dalkeenna baddii ay nagu haysatay Kenya . Maxkamada ayaa sheegtay in Kenya ay ku xadgudubtay madaxbanaanida Soomaaliya xaqna aysan u lahayn in bada Soomaaliya ku xadgudubto ayna jabiso xukunka maxkamada ka soo baxay . Dowladda Kenya ayaa diiday Doodii Kenya ee ahayd naloo qeybiyo Badda iyo Maxkamadda ayaa sidoo kale sheegtay in Kenya doodeeda lahaanshaha ay aheyd mid jaban oo aan la aqbali karin. Waxyaabaha cusub ee Maxkamadda ICJ ay sheegtay waxaa ka mid ah in Soomaaliya aysan wax magdhaw ah weydiin doonin Kenya intii ay joogtay dhul badeedka lagu muransanyahay. Keliya…
Maxkamadda caalamiga ah ee cadaalada Adduunka ICJ ayaa ku dhawaaqday natiijada kiiska dacwadda Badda Soomaaliya iyo Kenya. https://youtu.be/cX2tXnUL-cY Idilnews
Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wafdi ka socda Wasaaraddaha Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowladaha Xubnaha ka ah DFS iyo Gobolka Banaadir oo maalmahan Shir uga socday Garoowe. Masuuliyiintan oo heer Agaasime ah ayaa Puntland u yimi aqoon kororsi la xiriira Hannaanka maamul Daadejinta iyo adeeg bixinta, waxaana Shirkoodu uu qeyb ka yahay wax kala korosiga iyo kala faa’ideysiga ku dhisan nidaamka Federaalka. Idilnews
Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Mudane Cabdiqafaar Cilmi Xaange ayaa saaka shir gudoomiyey shir uu soo qaban qaabiyey mashruuca biyoole shirka oo diirada lagu saarayey dardar galinta howlaha shaqo ee mashruuca Biyoole iyo kala hormarinta mudnaanaha shaqo. Intii uu kulanku socday ayaa la soo bandhigay kala hormarinta mudnaaha horyaala mashruuca sida biyaha, beeraha, degaanka iyo xoolaha . shirka ayaa waxaa ka soo qayb galay wasaaradaha la shaqeeya mashuurca Biyoole sida Wasaaradda Xanaanada Xolaha, Degaanka iyo tamarta iyo macdanta biyaha ee heer Puntland . Idilnews
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Ummadda Somaaliyeed ugu hambalyeeyey maalinta calankeenna ee 12ka October oo ku beegan maanta oo kale 67 sano ka hor. “Waxaan Ummadda Somaaliyeed ugu hambalyeynayaa maalinta calankeenna ee 12ka October oo ku beegan maanta oo kale 67 sano ka hor. Calankeenna ha sarreeyo, gobannimada Soomaaliyeed ha waarto. Gallad waxaan u haynaa geesiyadii u soo halgamay difaaca Calanka iyo Ciidda.” ayuu yidhi Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble Idilnews
Maanta oo ah 12-ka Oktoobar waxay ku beeggan tahay sannad guuraddii 67-aad ee ka soo wareegtay maalintii ugu horaysay ee la isku raacay soo bandhigidda naqshadda Calan Soomaaliyeed oo uu hal abuurkeeda lahaa Allaha u naxariistee marxuum Maxamed Cawaale Liibaan. Xuska 12-ka Oktober waa maalin qaran oo ku wayn quluubta shacbiga Soomaaliyeed,isla markaana ka tarjumaya dadaalkii loo soo galay lahaanshaha calan Soomaaliyeed oo ku yimid rabitaanka dad in muddo ah ku hoos nolaa gumeysi shisheeye. Soo Bandhigidii Calanka. Markii loo soo bandhigay Calanka ururka SYL ,dood dheer ka dib waxaa la isku waafaqay Muxaafid iyo Mucaaridba in la qaato Calanka…
Maxkamadda caalamiga ah ee cadaalada Adduunka (ICJ) ayaa maanta oo talaado ah ku dhawaaqeysa xukunka kiiska dacwadda Badda ee Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo yaalay maxkamadda ilaa 2014-kii. Kiiska muranka Badda ee Somalia iyo Kenya ayaa soo billowday sanadkii 2014-kii xilligaas oo Somalia ay kiiska dacwadda Maxkamadda geeysay, waxaana uu soo jiitamayay muddo 7 Sano ah, iyada oo dowladda Kenya ay maalmo ka hor sheegtay in aysan u hoggaansami doonin go’aan kastanoo kasoo baxa Maxkamadda. Maxkamadda ICJ ayaa shalay si rasmi ah u shaacisay in Maanta oo Talaada ah ay go’aan ka gaari doonto Kiiska Badda, isla markaana ku dhawaaqi…
Wasiiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR ee Dawladda Puntland Mudane Ismaciil Saleebaan Geelle oo uu wehliyo Agaasimaha Guud Maxamed Iimaan ayaa kulan is xog wareysi ah la yeeshay saraakiil ka socotay International Federation of Red Cross and Red Cresent Society (IFRC). Kulankaan ayay Wasaaraddu ugu sheegtay hay’addaha caalamiga ah ee ka shaqeeya arimaha samafalka gaar ahaana IFRC in Amaanka Puntland la isku halayn karo ayna faran yihiin in ay ka shaqeeyaan dhamaan deegmada Puntland. Saraakiishan ayaa aad ugu amaanay Wasaaradda Amniga Puntland, Laamaha kala duwan ee Amniga iyo Xukuumada Puntland siday xooga u saartay sugida Amniga iyo adkeynta xasiloonida…
Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha, federaalka iyo Dimuqraadiyaynta Dowlada Puntland ayaa daah furay Shir looga hadlayo xoojinta xiriirka wada shaqaynayd ee Wasaaradaha Arimaha gudaha ee DFS, dowladaha xubnaha ka ah iyo Gobolka Banaadir. Shirkaan ayaa soconaya mudo laba bari ah waxaana looga hadlaya sidii loo xoojin lahaa xiriirka wadashaqyanayd ee wasaaradaha arimaha gudaha Dowladaha xubnaha ka ah dhexe, DFS iyo gobolka banaadir. Shirka ayaa sido kale daaranaa sidii laysula wadaagin lahaa wixii khibrado iyo waayo aragnimo ee laxiriira arimaha gudaha. Waxaana kasoo qayb galay qaar kamid ah golaha xukuumada dowladda Puntland, qaar kamid ah agaasimayaasha guud ee wasaaradaha dowladda Puntland, Agaasimayaasha…
Ururka Midowga Afrika ayaa sheegay inuu go’aansaday in howlgalka uu hadda ka fuliyo Soomaaliya ee AMISOM loo beddelo mid QM iyo Midowga Afrika ay ku mideysan yihiin. War-saxaafadeed kasoo baxay Golaha Ammaanka iyo Nabad-galyada Midowga Afrika ayaa lagu sheegay inay ayideen qiimeyn uu sameeyey guddi madax-banaanka oo Midowga Afrika ka tirsan, kaasi oo soo jeediyey in howlgal wada-jir ah oo laga fuliyo Soomaaliya. Taariikhda la qorsheeyey in howlgalkaas uu billowdo ayaa ah Janaayo 2022. Midowga Afrika ayaa sheegay inuu doonayo in howlgalka lagu fuliyo qodobka VII (7) ee Axdiga QM. Qorshahan ayaa u baahan inuu ansixiyo Golaha Ammaanka QM. Midowga…
Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland iyo Dallada Ururada Bulshada Rayidka ah (PUNSAA) ayaa kala saxiixday is-afgarad lagu aasaasayo xarunta lasocodka doorashada (Election Situation Room – ESR) oo lagala socondoono habsami usocodka doorashada maalinta 25 Oktoobar 2021. Xarunta waxaa ka ku shaqayndoona goobjoogayaasha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah, xarumaha warbaahinta, ururada bulshada rayidka ah iyo diplumaasiyiinta. Idilnews
Wafti ka socda Guddiga Doorashooyinka heer Federaal ayaa maanta soo gaaray magaaladda Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, oo kamid magaalooyinka loo asteeyay doorashooyinka Golaha Shacabka. Gudiga Maamulka doorashada federaal ee heer Puntland (SEIT) ayaa kusoo dhaweeyay xubnaha Guddiga FEIT Garoonka diyaaradaha magaaladda Bosaaso. socdaalka waftigan ayaa la xariira sidii loo dardargalin lahaa howlaha shaqo ee doorashooyinka heer federaal dowladda xubnaha ka ahna diyaar garow u galaan doorashooyinka golaha Shacabka ee ka qabsoomayaa. Idilnews
Ciidammo Boolis ah oo ka socda AMISOM ayaa maanta gaaray magaalooyinka Baraawe iyo Dhuusamareeb, oo caasimadaha rasmiga ah ee maamul-gobaleedyada Koonfur Galbeediyo Galmudug. Booliska AMISOM ayaa qeyb ka noqonaya sugida Amniga doorashooyinka Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ka dhacaysa todobaadyada soo socda magaalooyinkaas. Guddoomiyaha guddiga doorashada heer federaal ayaa dhawaan shaaciyay in maalmaha soo socda ay bilaaban doonto doorashooyinka golaha shacabka. Idilnews
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa kulan la qaatey wakiilo ka socdey beesha caalamka oo ay uga horeyso kuxigeenka Wakiilka qaramadda midoobe ee soomaaliya ayna qeyb ka ahaayeen safiirada UK iyo Midowga Yurub. kulanka waxaa looga hadley Xaalada Dadkii laga soo musaafuriyey Laascaanood, Amniga guud Iyo Doorashooyinka Aqalka hoose ee la filayo in ay ka bilaabadaan deegaanada Dowlad gobaleedka koonfur galbeed. Wakiilada Beesha Caalamka ayaa horay waxaa ay ula kulmeen Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada, Puntland Galmudug iyo Jubbaland, iyaga oo kala hadlayay arrimaha doorashooyinka. Idilnews
Xubnaha Golaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha ayaa waxaa ay walaac xooagn ka muujiyeen dib u dhaca markale ku yimid doorashada Soomaliya, iyada oo jadwalkii ugu dambeeyay ee la soo saaray aheyd in 10-ka Octoober oo shalay ku beegneyd la doorto Madaxweynaha Soomaaliya. Qoraal kasoo baxay Midowga Musharixiinta ayaa waxaa lagu sheegay in dib u dhaca doorashada ay sababtay in dalka uu galo firaaq dastuuri ah & xaalad hubanti la’aan ah, taas oo saameyn taban ku yeelatay xasiloonida, dhaqaalaha & amniga dalka. Sidoo kale Midowga musharixiinta waxaa ay sheegeen in ay ka xun yihiin in tiro saddex jeer ah dib looga dhacay…
Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr. Jaamac Faarax Xassan ayaa sheegay in 3 qof ee Soomaali ah uu mid kamid ah qabo xanuunada maskaxda, oo ay sababeen dagaalada sokeeye, shaqo la,aan, dhaqaalo yarida, balwadaha iyo dowlad la,aanta. Dr. Jaamac Faarax oo ka qeybgalay munaasabad lagu xusayay maalinta dhimirka Adduunka ayaa xusay in Wasaaradda Caafimaadka Puntland ay qorsheynayso in adeegyada caafimaadka isbitaalada Puntland lagu soo kordhiyo daaweynta dhimirka, sidoo kalena lagu tababarayo shaqaalaha isbitaalada la macaamilka bokaanada xanuunkan qaba. Idilnews
Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland Mudane Cabdisamad Maxamed Gallan, ayaa shir-guddoomiyay shir looga hadlayay Amniga doorashooyinka dawladaha hoose ee degmooyinka Eyl, Ufeyn iyo Qardho, kuwaas oo dhawaan qabsoomaya. Shirka oo ay ka qeybgaleen Gudoomiyaha Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland (TPEC) iyo Wasiirka Arimaha Gudaha Puntland, ayaa intii uu socday diirada lagu saaray sidii loo xaqiijin lahaa Amniga saddexda degmo ee loo asteeyay doorashooyinka hordhaca ah, iyadoo laga soo saaray go’aamo lagu sugayo Amniga Doorashooyinka. Sidoo kale shirka waxaa qeyb ka ahaa saraakiil sare oo amni oo ay ka mid yihiin Lataliyaha Amniga Madaxweynaha, Taliyaha Booliiska Puntland, Taliyaha…
Wasiirkii hore ee wasaaradda Amniga ee maamulka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Galmudug in uu abaabulaayo dagaallo ka dhan ah dadka shacabka ah ee kunool Magaalada Guriceel. Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in aan marnaba la aqbali doonin in Madaxweynaha uu weeraro magaalooyin nabdoon oo ay ku sugan yihiin culimada Ahlusunna. ”Weerarka Guriceel lagu qaadayo waxa uu la mid yahay kii la doonayay in lagu qaado Saadaq John oo Shirkole degana la rabay in lagu soo qabto iyo kii marinaayo ee la doonayay in lagu sumcad dilo Madaxwaynihii hore ee dalka, Reer Guriceel waxa aan kula dardaarmayaa…
Madaxweynaha Dowlad-gobaleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maanta Aqalka Madaxtooyada ku qaabilay Taliyaha ciidanka Amisom iyo saraakiil uu hoggaaminayay. Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha Doorashooyinka iyo Amniga. Kulanka kadib, Saraakiisha ayaa Kormeer ku tagay goobaha loo asteeyey iney ka dhacdo Dorashooyinka xildhibaanada ee Magaalada Caasimadda ah ee Dhusamareeb. Idilnews
Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta kormeeray wadada laamiga ah ee isku xirta Garoowe iyo Laascaanood oo uu ka socdo dib-dayactir lagu sameynayno. Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa u kuurgalay sida shaqadu u socoto waxaana uu warbixin ka dhegaystay Injineerada iyo maamulka shirkada gacanta ku haysa wadada, wuxuu boggaadiyay shaqada socota isagoo kula dar-daarmay in lasii dardargeliyo. Kormeerka waxaa ku weheliyay Madaxweyne Ku-xigeenka, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Cabdi Ibraahim Warsame, Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada DPL, Labada Guddoomiye ee Gobollada Sool iyo Nugaal, Taliyaha qaybta Booliska Gobolka Nugaal iyo…
Allaha u Naxariisto Dr. Cabdulqaadir Khan oo ahaa Sameeyihii Hubka Nukliyeerka ee Pakistan ayaa saakayto oo Axad ah ku geeriyooday caasimadda dalkaasi ee Islamabad. Saynisyahanka oo 85 jir ahaa ayaa la sheegay inuu u geeriyooday xanuun kaga dhacay Sambabada. Telefishinka Qaranka Pakistan ee PTV ayaa saakayto sheegay inuu Saynisyahanka Nukliyeerka Pakistan uu geeriyooday, xilli loo wareejiyey Isbitaal kale sababo la xiriira dhibaayooyonka dhanka Sambabada (Lung problems). RW Pakistan, Imran Khan waxa uu sheegay inay Dr. C/qaadir Khan aad loo jeclas, maadaama uu door muhiim ah ka qaatay sidii uu dalka Pakistan u noqon lahaa dal haysta Hubka Nukliyeerka iyo isagoo…
Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo Wafdi uu horkacayay oo muddo howlo shaqo ugu maqnaa Dalka dibadiisa ayaa lagu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha magaalada Kismaayo Gobolka Jubbada Hoose Soo dhaweynta Madaxweynaha ayaa waxaa qeyb ka ahaa masuuliyiin ka tirsan Labada gole eeJubbland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Kismaayo ee caasimadda KMG eee Jubbaland. Madaxweyne kuxigeenka oo warbaahinta kula hadley qeybta nasashada ee Garoonka ayaa ugu horeyn u mahadceliyay dhammaan masuuliyiintii ku soo dhaweysay garoonka magaalada Kismaayo. Sidoo kale waxaa uu ka hadlay xaaladda abaaraha ka jira deegaanno ka tirsan Jubbaland isagoona faray ganacsatada iyo hay’adaha…
Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar ) ayaa gaaray magaalada Hague ee dalka Holand. Ujeedka Wafdiga ayaa waxaa uu yahay inay gooboog ka noqdaan go’aanka Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ oo 12-ka bishan October ku dhawaaqi doonta xukunka dacwadda badda ee Soomaaliya iyo Kenya. Wafdiga ka socda Dowladda Soomaaliya ayaa ka kooban, Xeer ilaaliyaja Qaranka Soomaaliya, Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Cali Saciid Fiqi, Xeer ilaaliyihii hore ee Qaranka Axmed Cali Daahir, Danjire Yuusuf Garaad Cumar oo ah Ergayga Gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed iyo Xubno kale. Shacabka Soomaaliyeed iyo Madaxda…
Waxaa maanta lagu qabtay xarunta dhexe ee wasaaradda caafimaadka Puntland xuska maalinta cudurrada dhimirka ku dhaca ee Dunida oo sanad kasta maanta oo kale laga xuso aduunka. Wasiirka wasaaradda caafimaadka Puntland iyo qaar kamid ah agaasimayaasha wasaaradda ayaa ka qaybgalay sidoo kale waxaaa joogay saraakiil ka socday hay’addaha WHO iyo Save The Children iyo machadka cilmi baarista SIDRA. Mohamed Abdiqaadir oo ka socday hay’adda WHO oo ka hadlaya ayaa yiri:- “Waxaan ku faraxsanahay maanta inaan wasaaradda kala soo qaybgalo xuska maalinta cudurada Dhimirka oo sanadkasta 10 Octobar laga xuso caalamka, taasoo wax la iskaga weydiiyo baahiyaha ay qabaan dadkaan sida…
Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa ka tacsiyeeyay geerida Alle ha u naxariistee Dr. Maxamed Daahir Afrax Guddoomiyihii Guddiga dib u eegista Dastuurka oo sidoo kale ahaa guddoomiyihii Akadeemiyad goboleedka Afka-Soomaaliga (AGA), oo ku geeriyooday London. AHUN Dr Maxamed Daahir Afrax ayaa ahaa aqoonyahan Soomaaliyeed oo wakhti badan iyo dadaal ku bixiyey, illaalinta iyo horumarinta Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Sidoo kale Wuxuu hadda guddoomiye u ahaa guddiga dib-u-eegista Dastuurka. Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland ayaa geerida AHUN Dr Afrax uga Tacsiyeeyay ummada Soomaaliyeed, Guddiga dib-u-eegista Dastuurka, Guddiga Akadeemiyad goboleedka Afka-Soomaaliga (AGA), dhammaan eheladii,…
Roobab xooggan ah oo xalay ka da’ay deegaano katirsan gobalka Bari ayaa sababay inuu hakad ku yimaado isu socodka gaadiidka ee magaalada Boosaaso iyo deegaanada kale ee Puntland, kaddib markii biyo fara-badan ay kusoo rogmeen toga Ceeldaahir. Gaadiid badan ayaa ku xayiran labada dhinac ee toga Ceeldaahir, Maamulka gobalka Bari ayaana uga digay shacabka iyo gaadiidleyda inay u bareeraan khatar, ayna isku dayaan inay ka gudbaan toga. Qaar kamid ah gaadiidleyda ayaa rakaabka ay sideen dib ugu kala celiyay degmadda Carmo iyo deegaanka Ceeldaahir oo kuyaalla labada dhinac ee toga. Idilnews
Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR ee Dawladda Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa shir gudoomiyay shir looga hadlayay xoojinta Amniga Puntland Guud ahaan gaar ahaana adkaynta Amniga Caasimada Dawladda Puntland ee Garowe. Shirkan ayaa waxaa kasoo qayb galay Lataliyaha Amniga Madaxweynaha, Taliyaha Ciidamada Difaaca Puntland, Taliyaha Booliiska Puntland, Taliyaha Qeybta Booliiska Gobolka Nugaal, Gudoomiyaha Gobolka Nugaal iyo Duqa Degmada Garowe. Shirkaan ayaa waxaa kasoo baxay go’aamo lagu adkaynayo Amniga Caasimada Dawladda Puntland iyo Guud ahaan deeganada Puntland. Idilnews
29-kii Bishii June ee sanadkaan ayaa Golaha wadatashiga Qaran ee doorashooyinka waxaa ay soo saareen Jadwal doorasho oo ka dhashay heshiiskii 27-kii May ay ku gaareen Magaalada Muqdisho , kaas oo ugu dambeyn Maanta oo taariikhdu ku beegan 10-ka Octoober loo asteeyay inay dhacdo doorashada Madaxweynaha, balse jadwalkaas uu Shaqeyn waayay. Dhowr jeer ayay dib u dhacday doorashada Soomaaliya, iyada oo uu dbaqan geli waayay Jadwalo doorasho oo ay soo saareen Golaha wadatashiga qaran iyo Guddiga doorashooyinka ee Heer Federaal. Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Heer Federaal Maxamed Xasan Cirro ayaa sheegay in jadwalka doorashada farsamo ahaan ay lahaayeen Golaha wadatashiga Qaran,…
Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa xalay Saqdii Dhexe waxaa goobtiisa Ganacsi ay ku dileen Maxamed Ismaaciil Kiish, oo kamid ahaa Odayaasha ugu magaca dheer Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas. Kooxaha ayaa ayaa ku dhex toogtay Ganacsadaha Dukaankiisa oo ku yaalla Magaalada East London ee dalkaasi Koonfur Afrika, iyaga oo dilka kadib baxsaday. Mid kamid ah Ganacsatada Soomaalida ah ee ku sugnaa meel aan ka fogeen halka dilka uu ka dhacay ayaa sheegay in Kooxaha Burcadda ah ay sidoo kale dhaceen Ganacsadaha ay dileen Dukaankiisa. “Dhagarqabayaal hubaysan, ayaa Ganacsade Kiish Goobtiisa Ganacsi ugu galay oo toogtay, isla markaana dhacay…
Alle ha u naxariistee Prof. Maxamed Daahir Afrax, ayaa ku geeryooday magaalada London ee dalka Ingariiska. Prof. Afrax ayaa ahaa qoraa si weyn looga yaqaan dhulka Soomaalida iyo caalamka, waxaana uu ahaa aasaasaha Akaadeemiyadda Afka Soomaaliga. Idilnews
Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa magaalada Qardho ka xarig-jaray xarunta Wasaaradda Maaliyadda, taasoo lagu sameeyay dayactir ballaaran. Munaasabadda xarig-jarka ayaa waxaa kasoo qayb galay Guddoomiyaha gobolka Karkaar, Duqa degmada Qardho, Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyada gobolka Karkaar, Ganacsato iyo mas’uuliyiin kale. Ugu dambayn, Wasiirka ayaa kula dardaarmay mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda in ay ka shaqeeyaan sidii xoogga loo saari lahaa kobcinta dakhliga, wuxuuna ugu baaqay dadweynaha ku dhaqan gobolka in ay bixiyaan cashuurta si dowladdu usii waddo howlaha ku aadan dib u dhiska dalka. Idilnews
Ra’iisul-wasaare Itoobiya Abiy Axmed ayaa maanta magacaabay wasiiru-dowlayaal gaaraya 61 oo ka tirsan wasaaradaha kala duwan ee dowladda federaalka. Wasiiru dowlayaasha uu Abiy Axmed Magacaabay oo noqonaya kuwi ugu badnaa uu dalka Itoobiya yeesho. Warkan oo aan ka soo xigannay bogga telefishinka FBC aya sheegay Deegaanka Soomaalida waxa ugu jirta seddex wasiiru dowla oo kala ah: 1-Saxarla Cabdulaahi, wasiiru-dowlaha wasaaradda caafimaadka. 2-Dr/Enjineer Suldaan wali, wasiiru-dowlaha wasaaradda ee waaxda horumarinta Tamarta. 3-Xasan Maxamed Macallin, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Ganacsiga. Horayna Soomaalida qaab dhismeedka dowladda dhexe ee dalka Itoobiya waxay ugu yeelatay oo horraanti toddobaadkan loo magacaabay. 1-Axmed Shide, Wasiirka Maaliyadda iyo 2-Adan Faarax,…
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka dowladda Puntland Dr. Jaamac Faarax Xasan, oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa magaaladda Garoowe ayaa ka warbixiyay xaaladihii ugu dambeeyay ee cudurka COVID-19 ee deegaanada Puntland. Wasiir Jaamac Faarax Xasan ayaa sheegay in bishii tagtay ee September cudurka COVID-19 laga baaray 4228 qof, iyadoo cudurka laga helay 620 qof, halka ay u geeryoodeen 9 qof. Dr. Jaamac Faarax Xasan, Wasiirka Caafimaadka Puntland ayaa ugu baaqay shacabka inay muujiyaan feejignaan la xariirka cudurka, ayna qaataan tallaalka COVID-19 oo ku diyaar ah xarumaha caafimaadka ee deegaanada Puntland, maadama uu yahay tallaalku waxa kaliya ee yareyn kara fiditaanka cudurka COVID-19.…
Ururka Daacish-ta Gobalka Khorasan ee Afganistan (ISIS-K) ayaa waxaa ay sheegteen weerarkii Isqarxinta ee shalay lala beegsaday Masjid ku yaalla Gobalka Kunduz ee Waqooyiga dalkaasi. Qoraal ay Daacish soo saartay oo ku qornaa Luqada Carabiga ayaa lagu sheegay inuu Qaraxaasi fuliyey Nin u dhashay Qowmiyadda Muslimiinta Uyghur ee laga tirada badan yahay ee ku nool dalka Shiinaha (Uyghur Muslim). Qaraxaasi waxaa lala beegsaday dad Salaada Jimcaha ku tukunaysay Masjid ku yaalla Degmadda Khan Abad, iyadoo ay 50 qof ku geeriyootay, halka ay in ka badan 100 kale ku dhaawacmeen. Qoraalka Kooxda Daacishta ee ISIS-ta ayaa waxaa sheegeen in Qaraxaasi lagu…
Turkiga ayaa ka codsaday Maraykanka inuu ka iibiyo 40 diyaaradaha dagaalka ee nooca loo yaqaan F-16, iyo weliba ku dhawaad 80 ah qalabka lagu casriyeeyo diyaaraha dagaalka. Xukuumadda Ankara ayaa doonaysa inay casriyeyso ciidankeeda cirka kadib markii uu Maraykanka ka iibin diiday diyaaradaha dagaalka nooca u dambeeyay ee F-35, kadib khilaaf soo kala dhexgalay labada waddan. Codsiga Turkiga oo weli maraya heer bilow ah, ayaa u baahan inay ansixiyaan wasaaradda arrimaha dibedda ee Maraykanka iyo weliba Congress-ka. Telefishinka NTV ee Turkiga ayaa sheegay in diyaaradaha iyo qalabka ay dalbatay xukuumadda Ankara ay ugu kici doonaan lacag dhan 10 bilyan oo…
Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta xarigga ka jaray Buundo cusub oo laga hirgeliyey Magalaada Garoowe. Buundada uu Madaxweyne Ku-xigeenku maanta xarigga kajaray oo ay dhistay Dowladda hoose ee Degmada Garoowe oo kaashanaynsa shirkadaha wadaniga ah, waxay noqonaysaa tii labaad ee Garoowe yeelato, Iyadoo fududeyn doonta isku-socodka caasimadda iyo saxmada wadooyinka kale ee magaalada. Madaxweyne Axmed Karaash ayaa ku boggaadiyay dowladda hoose ee magaaladda Garoowe iyo shirkadaha ka qeyb-qaatay dhismaha Buundada, isagoona kula dar-daarmay dowladda hoose ee caasimadda inay sii laba jibaarto shaqada wanaagsan ee ay hayso bulshada. Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland…
Boqortooyada Sacuudi carabiya ayaa Axmed Bin Maxamed Al-Muwallad u soo magacowday safiirkeeda cusub ee u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo la filayo inuu soo gaaro Magaalada Caasimadd ah ee Muqdisho. Boqorka Sacuudiga Boqor Salmaan, Binu Cabdulcasiis Aala-Sacuud ayaa aaladda fogaan aragga ee ZOOM-ka ku dhaariyay Safiirka cusub ee Sacuudiga ee Soomaaliya Axmed Bin Maxamed Al-Muwallad, waxaana Ninka lasoo magacaabay uu yahay madow Sucuudiyaan ah. Madasha dhaarinta ayaa waxaa goobjoog ka ahaa dhaxal sugaha Amiir Muxamed Bin Salman, Wasiirka Arrimaha Dibadda Amiir Faisal bin Farhan bin Abdullah,Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Walid bin Abdul Karim Al-Khuraji iyo Khaled bin Faisal Al-Sahli,…
Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Taliyaha Howlgalka Maraykanka ee Soomaaliya Kornayl Thomas Sarrouf iyo sarakiil kale. Kulanka ayaa lagaga hadlay sidii loo dardar galin lahaa dagaalka ka dhanka ah kooxda A-Shabaab iyo tageerada howlgalka Maraykanka ee Soomaaliya. https://www.facebook.com/JubbalandOfficial/videos/2232798293529170 Idilnews
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Maxamed Musadaq Maxamed (Soomajeeste), ayaa daah furay Tababarka Golaha Deegaanka Degmada Qandala. Tababarkaan oo socondoona muddo 3 bari ah ayaa Golaha Deegaanka cusub ee Degmada Qandala waxaa lagu bari doonaa, habka maareynta shaqada iyo hogaaminta wanaagsan. Tababarka waxaa ka soo qaybgalay Xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka Dowladda Puntland, Guddoomiyaha Gobolka Bari, Agaasimayaal ka socday Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Iskuduwaha Wasaaradda haweenka ee Gobolka Bari, Iskuduwaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Gobolka Bari, Madaxa Hay,adda PSA, iyo Madaxkale. Ujeeddada tababarkaan ayaa daaranaa sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta Golaha, waxaana fulinaysa…
Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa manta Tababar ku saabsan Maareynta Amnigadoorashooyinka Golaha Aqalka Hoose ka furay Magaalada Bosaaso. Tababarkaan oo soconayay mudo Lix bari ah waxaa Kasoo qayb galay Sarakiil ka socotay Laamaha Kala duwan Ciidamada’ Qaar kamid ah Wasaaradaha Puntland Xubno ka socday Maamulka Dowlada Hoosse Bosaaso. Xuseen Cali Maxamuud Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari ayaa sheegay in Tababarkaan uu muhiimad u leeyahay shaqadada laqaban doono si bulshada loogu edeego shaqo hufan oo dacaad ah. Idilnews
Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa aaladda fogaan aragga uga qeybgalay kulan muhiim ah oo ku saabsan horumarinta arrimaha Maaliyadda. Wasiirka waxaa uu la qaatay Madaxweyne ku-xigeenka Bangiga Adduunka ee Qaaradda Afrika Hafez Ghanem. “Maanta waxa aan kulan muhiim ah oo ay natiijo ka soo baxday la qaatay Madaxda sare ee Bangiga Adduunka oo uu ugu sareeyo Madaxweyne ku-xigeenka Bangiga ee Qaaradda Afrika Hafez Ghanem iyo shaqaalaha la shaqeeya”ayuu yiri Wasiir Beyle. Waxa sheegay Wasiirka in kulankaasi si weyn looga hadlay dib u habeynta arrimaha maaliyadda Soomaaliya iyo saameynta dhaqaalle ee ka dhalatay cudurka Karoonaha. “Waxa…
Hay’adda Beeraha Adduunka ee FAO ayaa kala shaqeynaysa Wasaaradda deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka cimilada Puntland mashaariic lagu hormarinayo Beeraha Puntland. Kulan muddo Labo maalmood ah ka socday xarunta Wasaaradda deegaanka Puntland ayaa lagu diyaariyay qorshayaal iyo mashaariic loogu qareemayo beeraleyda Puntland, si loo hormariyo dalagyada ay beeraan, korna loogu qaadayo aqoonta beeraleyda. FAO ayaa Puntland ka gacansiisay Beeraha si loo yareeyo cunta yarida deegaanka, sidoo kale Hay’adda muddooyinkii ugu dambeeyay Puntland ka taageeraysay la-dagaalanka Ayaxa oo fara ba’an ku hayay beeraleyda deegaanka. Idilnews
Waxaa magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ku geeryooday AUN S/Guuto Salaad Maxamuud Ciise (Dhega-dheere), oo kamid ahaa saraakiisha Ciidanka Puntland. Madaxweynaha Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka tacsiyeeyay geerida AUN S/Guuto Dhega-dheere, isagoona sheegay inuu kasoo qeyb qaatay Amniga iyo dhismaha dowladnimada Puntland iyo Soomaaliya. “Alle ha u naxariisto S/Guuto Salaad Maxamuud Ciise (Dhega-dheere) oo ku geeriyooday Garoowe, wuxuu ka mid ahaa Saraakiisha Ciidamada Daraawiishta Dowladda Puntland, wuxuu wakhti badan ku bixiyay ka shaqeynta amniga iyo dhismaha dowladnimada Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.” “Waxaan u Tacsiyeeynaya Saraakiisha Ciidamada, Qoyskiisii iyo saaxiibadiis, si gaar ah waxaan ugu tacsiyeynaya Ganacsade Jaamac…
Wafti Wasiiro ah oo ka socda Dowlad-gobaleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta soo gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug, waxaana garoonka diyaaradaha Cabdullaahi Yuusuf kusoo dhaweeyay Wasiirka Haweenka Puntland, Guddoomiye kuxigeenka gobalka Mudug iyo duqa degmadda Gaalkacyo. Wasiirada ayaa kala ah Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Qorsheynta, Wasirka Gaadiidka, Wasiir Gargaarka iyo Lataliye Madaxweynaha, Soodhawayntan ayaa waxaa qayb ka ahaa Nabadoono iyo waxgaradka Koonfur-galbeed ee ku sugan Magaalada Gaalkacyo. Ujeedka ay wasiiradaan u imaadeen ayaa ah Sidii ay indho-indheen ugu sameen lahaayeen Dadka Laascaano Laga soo Barakiciyay ee ay Dowladda Puntland usamaysay Dibu dajinta iyo soodhawaynta walow qaybna Dowlada Puntland ay…
Howlgal qorsheysan oo la sheegay inay hormuud ka ahaayeen Ciidanka Howlgallada gaarka ee Taliska Nabad Sugidda Gobolka Banaadir ayey ka fuliyeen Degmada Kaxda iyo Deegaanka Garasbaaley ee Gobolkan Banaadir. Howlgalka ayaa waxaa lagu sheegay in lagu soo qabtay shabakad ka hawlgali jirtay qeybta galbeed ee Gobolka Banaadir iyo hub kala duwan oo iskugu jira qoryaha fudud, rasaasta Hobiyaha, Bambooyin iyo qorayga RBG-ga ama baasuukaha. Saraakiil dhinaca amniga ah ayaa sheegay in Shabakadan oo ka koobnayd rag iyo dumar ay Sirdoonka Soomaaliya burburiyeen, ayna ku dabajiraan Xubnihii ka haray shabakadan iyo qori Hobiye ahaa oo ay ummadda ku dhibaatayn jireen. ”…