Author: Jibril Qoobey

Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada oo todobaadkan looga hadlay Amniga, Warbixinta safaro wafdi Wasiiro ah ku tageen Gobollada Gardafuu iyo Karkaar iyo Ansixinta Xeerka Dalxiiska Puntland. Golaha ayaa dood dheer kadib cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Xeerka Dalxiiska Puntland, oo ay Golaha usoo gudbisay Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, Dalxiiska, Hidaha iyo Dhaqanka Dowladda Puntland. Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa warbixino ka dhegaystay Wasaaradaha kala duwan ee Dowladda, wuxuuna boggaadiyay shaqada socota, isagoo faray Hay’addaha Dowladda dhammaan in lasii dardargeliyo shaqooyinka xiligan oo Puntland ay kusoo wajahanyihiin labo Doorasho mida Goleyaasha…

Read More

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa u sheegay dowladda Itoobiya inay tahay inay tusto wax caddeyn ah oo ay heyso, si loo xaqiijiyo eedeymaha la xiriira cayrada toddobo sarkaal oo sarsare oo ka tirsanaa laamaha gargaarka bini’aadannimo ee Qaramada Midoobay. Antonio Guterres oo qaatay hadalka shirkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay kadib markii safiirka Itoobiya uu eedeymo u soo jeediyay shaqaalahooda, oo ay ka mid tahay inay 1 milyan ay ku dareen tirada dadka u baahan gargaarka, ayna sheegeen dhimasho aan weligeed dhicin, waa sida uu hadallka u dhigay safiirka Itoobiya. “Waxaan jeclaan lahaa inaan ku weydiiyo hal arrin, Mudane…

Read More

Ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhintay ilaa 300 oo kalena waa ku dhaawacmeen saacadihii hore ee Khamiistii, kadib markii dhulgariir cabbirkiisu ahaa 5.7 uu ku dhufta koofurta Pakistan, iyadoo in badan oo ka mid ah dadka geeriyooday ay hurdeen, sida uu sheegay maamulka maareynta musiibooyinka ee dalkaas. Shaqaalaha gurmadka ayaa sheegay in dadka dhintay badankoodu ay ahaayeen haween iyo carruur. In ka badan 100 cariish ayaa dumay, iyada oo dhismayaal badana ay soo gaartay waxyeello, waxaana muuqallada laga siidaayay telefishanka ay muujinayeen dhaawa soo gaaray guryaha magaalada Hamia oo uu dhulgariirku ku dhiftay. Sohail Ansar oo ah guddoomiye ku…

Read More

Qandala Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dimuquraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Maxamed Musadaq Maxamed (Soomajeeste), ayaa Xariga ka jaray guriga martida iyo Saldhiga ciidanka Booliska ee Degmada Qandala, isagoo intaas kadibna dhagaxdhigay Xarumo cusub. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyeynta Dowladda Puntland ayaa xariga ka jaray mashaariic horumarineed oo ay ka mid yihiin saldhiga Booliska Degmada oo dib u dayac tir lagu sameeyey iyo guriga martida oo si dhamaystay loo qalabeeyey. intaas Kadib waxa uu dhagax-dhigay Xarunta wasaaradda Haweenka, Xarunta 2aad ee martid Degmada iyo Beerta Nasashada Degmada Qandala ee Gobolka Bari. Sidookale wasiirku wuxuu…

Read More

Garoowe: 06 October 2021: Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Guddiga Amniga ee Puntland. Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa warbixin ka dhegaystay Guddiga Amniga, waxaana Shirka looga hadlay amniga guud ee Puntland, shaqooyinka amniga ee socda iyo hirgelinta Qorsheyaasha amniga lagu horumarinayo. Kulanka waxaa ka qeybgalay Wasaaradda Amniga, Saraakiisha Ciidamada, Guddiga ka talobixinaya Amniga magaalooyinka Puntland gaar ahaan Caasimadda, Maamulka Gobolka Nugaal iyo Kan Degmada Garoowe. Idilnews

Read More

Madaxtooyada Dowladda Puntland ee Garoowe, waxaa maanta ku qabsoomay Shirweynaha Guud ee Shaqaalaha Madaxtooyada Puntland, Kaasi oo looga hadlay dardargelinta shaqada iyo qorsheyaasha cusub horumarinta shaqo. Shirka waxaa guddoomiyey Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdirashiid Cali, waxaana ka qeybgalay Taliyaha Ciidamada Madaxtooyada, Afhayeenka Madaxtooyada, Agaasimeyaasha Waxaayaha Madaxtooyada, Madax-qeybeedyada Xafiisyada iyo dhammaan Shaqaalaha Madaxtooyada ee Garoowe. Kulanka ayaa looga hadlay dardargelinta shaqada, warbixinta shaqo ee xafiisyada, horumarinta wadasheynta, tababarada iyo fursadaha lagu horumarinayo aqoonta shaqaalaha iyo hirgelinta qorsheyaasha horumarin ee Shaqada Madaxtooyada. Idilnews

Read More

Dowladda Puntland ayaa waxay dad gaaraya 635 qof oo ka mid ahaa dadkii laga soo barakiciyey magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool u dirtay Koonfurta Soomaaliya, kadib markii ay dadku codsadeen. Guddiga gacanta ku haya soo dhaweynta iyo dejinta dadkaas oo hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha ayna ku jiraa Wasiirka Caafimaadka, Wasiirka Haweenka, Wasiir Dowlaha Qorshaynta, Guddoomiye kuxigeenka Gobolka, Duqa Degmada Gaalkacyo, Duqa Degmada Xarfo iyo Masuuliyiin ka tirsan hay’adaha Dowladda Puntland ayaa dadkaan ku kireeyey gaadiid qaada, kadibna ku wareejiyey Maamulka Dowladda Galmudug. Dhanka kale Guddiga ayaa ku mashquulsan kala dejinta dadka soo haray. Idilnews

Read More

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa lagu wadaa inuu maanta xaaladihii ugu danbeeyay ee colaadda Itoobiya warbixin kooban ka siiyo xubnaha Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay. Guteres ayaa si gaar ah uga hadli doono soo eryiddii ay dhawaan Itoobiya dalkeeda kasoo eriday toddoba arkaal oo sare oo ka tirsan saraakiisha laamaha gargaarka ee Qaramada Midoobay. Waa kulanki labaad oo uu Golaha Amaanka ka yeelanayo arrimaha Itoobiya wax ka yar hal todobaad, tan iyo marki uu Ra’isul Wasaare Abiy Ahmed 30-ki bishii September ku dhawaaqay in ay dalkiisa muddo 72 saacadood ah uga baxaan saraakiisha Qaramada Midoobay. Ethiopia ayaa…

Read More

Ururka Al-Shabaab ayaa fagaaro kuyaal degmada Jamaame oo ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose waxaa ay ku toogteen laba Nin oo ay u jeediyeen Eedeyn kala duwan. labada Nin ayaa Al-Shabaab waxaa ay sheegeen in mid kamid ah uu katirsanaa Ciidamada dowladda Soomaaliya midka kalena uu ku Shaqeysan jiray Sixirka. Goobta fagaaraha ayaa waxaa ku sugnaa Boqolaal Ruux oo Al-Shabaab ku amreen inay u soo daawasho tagaan, waxaana ragga la toogtay Magacyadooda lagu kala sheegay Cabdullaahi Xassan Cumar oo ahaa ninka lagu eedeeyay sixirka iyo Maxamad Mowliid Aadan oo loo heystay in uu ka tirsanaa Ciidamada dowladda. Idilnews

Read More

Xildhibaannada Baarlamaanka dalka Itoobiya ayaa la filayaa inay maanta magaalada Addis Ababa ku yeeshan kulan xasaasi ah. Kulanka ayaa waxaa ay uga doodi doonaan mooshin ka dhan ah madaxweynaha dalkaas Sahle-Work Zewde. Warar isa soo taraya ayaa tilmaamaya in laga yaabo in qof Soomaali ah loo magacaabo madaxweynaha Itoobiya, maadaama Soomaalidu ay hadda ka maqan tahay xilalka sare ee dalkaas. Qaar kamid ah Warbaahinta Caalamka ayaa si aad ah u qoreeysa mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha Itoobiya, xilli Maalin ka hor la caleemo saaray Xukuumadda Cusub ee Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed. Idilnews

Read More

Golaha deegaanka cusub ee degmadda Qandala ee gobalka Bari ayaa doortay Guddoomiye iyo Guddoomiye kuxigeen, kaddib doorasho gacan taag ah oo galabta ka qabsoomtay fagaare ku yaala magaalada Qandala. Axmed Yuusuf Maxamed (Khuurshe), ayaa ku guuleystay Guddoomiyaha degmadda Qandala, isagoona helay 19 cod oo gacan taag ah, kaddib markii uu tanaasulay musharaxii la tartamayey. Sidoo kale, Guddoomiye kuxigeenka Qandala ayaa loo doortay Maxamed Jaamac Muuse (Cadayse) oo isna helay 19 cod, kaddib markii musharixii la tartamayay uu u tanaasulay. Idilnews

Read More

Golaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha DFS oo ay ku mideysan yihiin Siyaasiyiin si weyn looga yaqaan Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho. Kulanka oo uu shir-guddoominayay Guddoomiyaha Midowga Musharixiinta ahna Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sharif Sheikh Ahmed ayaa looga hadlay xaalada Dalka, gaar ahaan Arrimaha Doorashooyinka. Kulanka ayaa imaanaya xilli saacadihii lasoo dhaafay saxaafadda Soomaaliya isla dhexmaraysay inuu iska casilay Sheekh Shariif Guddoomiyaha Midowga Musharixiinta. Idilnews

Read More

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dilmuquraadiyeynta Puntland ayaa ku dhawaaqday Liiska xubnaha Golaha deegaanka degmada Qandala ee gobalka Bari, kuwaas oo ka kooban 27 xubnood. Xildhibaanada Golaha deegaanka cusub ee degmadda Qandala ayaa 7 kamid ay yihiin Haween, waxaana la filayaa inay saanadaha soo socda ay doortaan Guddoomiyaha iyo Guddoomiye kuxigeenka Qandala. Idilnews

Read More

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Xasan Shire Abgaal, ayaa kormeer shaqo ku tagay kastamka furddada Dekadda magaaladda Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland. Maamulaha Furdada Boosaaso Maxamed Yuusuf ayaa Wasiirka ku soo dhoweeyay Kastamka Dekeda, waxana uu booqaday Goobaha shaqadu ka socoto, isla’markaana kormeer ku sameeyey qaybaha kala duwan ee Dekadda. Wasiirka ayaa kulan gaara la qaatay Maamulaha Furdada iyo mas’uuliyiinta kale ee Wasaaradda Maaliyadda ayda oo kulan kaasi looga wada hadlay shaqooyinka socda iyo Horumarka laga gaaray Xasan Shire Cabdi Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ayaa Madaxda iyo shaqaalaha Kastamada Furddada kula dar-daarmay in ay xoojiyaan dadaalkooda ku aadan kor uqaadidda dakhaliga.…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Mohamed Hussein Roble oo booqasho ku jooga magaalada Doxa ayaa kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha dalka Qatar Shiikh Khalid Bin Khalifa Al-Thani. Labada dhinac ayaa ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo kordhinta mashaariicda horumarineed ee Dowladda Qadar ay ka fuliso Soomaaliya. Idilnews

Read More

Shil gaari ayaa maanta ka dhacay deegaanka dusmada ee duleedka magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug. Gaariga shilka galay oo ahaa nooca loo yaqaan Mooto Bajaajta, oo rogmatay kaddib markii uu culeysku ka qabatay, waxaana ku dhaawacmay dhowr qof oo badnaa Haween, kuwaas oo la socday. Duqa magaalada Gaalkacyo Eng. Maxamuud Cabdinuur, oo goobta gaaray ayaa gurmad u fidiyay dadkii dhaawacmay, oo haatan lagu dabiibayo isbitaalka Guud ee gobalka Mudug. Idilnews

Read More

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa soodhaweeyey Xukunka Maxkamada Sare ee Ciidamada Qalabka Sida Puntland ay ku riday maanta 8 kamida inka badan 60-meeyo qofood oo loo hayey kiisas la xiriira Argagixisada Alshabaab kuwaasoo qaybtood ay mareen hay’adaha cadaalada laguna fuliyey Xukunadii. Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa yiri ” Markale waxaan soodhawaynayaa Xukunka Dilkaa ee Maxkamada Sare ee Ciidamada Qalabka sida Puntland ay ku riday 8 kamid Amniyaadka Argagaxisada Alshabaab kuwaas oo ahaa Shabakadii dilalka iyo qaraxyada ka geysan jirey koonfurta magaalada Galkacyo”. “Insha allaah iyaguna waxay maridoonaan Dariiqii ay mareen kuwii ka horeeyey kuwaaso…

Read More

Hay’adaha Arrimaha Bani’aadannimada u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin xarigga iyo barakicinta khasabka ah ee in ka badan 1,000 isugu jira haween & carruur ay Somaliland kasoo musaafurisay magalada laa- Canood ee Gobolka Sool 2-dii iyo 3-dii Bishaan Oktoobar. Waxaa ay sheegeen inay wadaan isku –dubbaridayaan qiimeyn bani’aadamnimo oo deg -deg ah, si loo dogaado tirada dadka ay dhibaatadu saameysey, baahidooda deg dega ah si loogu helo meelo kumeel gaar ah, iyada oo lala kaashanayo maamulka Puntland. “ Waxaan aad uga walaacsannahay warbixinnada barakac khasab ah oo la qorsheeyay maalmaha soo socda. Waxaan ugu baaqeynaa…

Read More

Maxkamadda Sare ee Ciidammada qalabka sida ee Puntland ayaa xukun dil ah ku riday 8 xubnood oo kamid ah Ururka Al-Shabaab, kuwaas oo falal isugu jira dil iyo Qaraxyo ka geystay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug. Ragan oo ahaa Shabakad ka howlgasha magaalada Gaalkacyo ayaa ay ku cadaatay eedeymihii ay u soo jeediyay Xeer ilaalinta Ciidammada Puntland, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidammada Puntland S/Guuto Maxamuud Cabdi. Bilo kahor ayay aheyd markii dowladda Puntland ay fagaare ku yaala duleedka magaalada Gaalkacyo ku toogatay 18 kamid ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, kuwaas oo qeyb ka ahaa falal isugu jira…

Read More

Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan kula qaatay magaaladda Addis Ababa Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Ali. Qoraal kooban oo ay daabacday Villa Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Farmaajo iyo Abiy ay ka wada-hadleen xaaladda Gobolka Geeska Afrika iyo xiriirka labo geesoodka ah ee labada dal oo ay saldhig u tahay daris wanaag, isixtiraam iyo xoojinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qeybgalay isniintii Munaasabad lagu caleema-saarayay markii labaad Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed oo kusoo baxay doorasho lagu muransan yahay oo ka dhacday qeybo kamid ah dalka Itoobiya. Abiy Ahmed ayaa…

Read More

Wafti ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Maxamed Musadaq Maxamed ayaa gaaray Degmada Qandala ee Gobolka Bari. Waftigaan ayaa iskugu jiray Guddoomiyaha Gobolka Bari, xildhibaano, saraakiil ka socotay hay,adda PSA, Agaasimayaal ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Qeybo ka mid isuduwayasha wasaaraddaha ka howl gala Gobolka Bari,Nabaddoono, iyo madax kale oo ka tirsan Dowladdaa Puntland. Ujeeddada safarka ayaa daaranaa dhismaha Golaha Deegaanka Degmada Qandala ee Gobolka Bari, iyo u kuur gelidda xalaadda guud bulshada Degmada Qandala. Maamulka Degmada Qandala Iyo bulshada qaybaheeda kala duwan ayaa si milgo iyo maamuus leh u…

Read More

Guddoomiyaha gobalka Cayn Cabdifitaax Ciise Maxamed, ayaa cambaareeyay tilaabada Somaliland ay magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool uga masaafurisay boqolaal shacab ah oo kasoo jeeda koonfurta Soomaaliya. Guddoomiye Cabdifitaax Ciise oo saxaafadda kula hadlay magaalada Buuhoodle ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dhacdada ka dhacday magaalada Laascaanood, isagoo ugu baaqay bulshada magaalada kicin ka dhan ah maamulka Somaliland. https://youtu.be/4m4pOPmrKn0 Idilnews

Read More

Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wefdi uu hoggaaminayo oo ka qayb galay Munaasabadda caleemo-saarka Xukuumadda Cusub ee Itoobiya ayaa Shacabka, Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumadda cusub ee Dowladda Itoobiya ugu hambalyeeyey Doorashooyinkii guulaystay ee ka dhacay Dalkooda. Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyey Munaaasabadda Caleemo-saarka ayaa soo bandhigay muhiimadda ay leedahay in Dalalka Gobolku ay xoojiyaan iskaashiga, wax-wadaqabsiga, Nabad gelyada, ganacsiga iyo xal u helidda masiibooyinka dabiiciga ah, isaga oo Xukuumadda Cusub u rajeeyey in ay ka dhabeyso himilada iyo filashooyinka dadkooda. https://youtu.be/CjbjwGYkwFw “Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed waxay u hambalyeynayaan Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed guushii baaxadda lahayd…

Read More

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda dowladda Puntland Xasan Shire Abgaal, ayaa si kulul ugu jawaabay hadal kasoo yeeray Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka Cadaaladda iyo Sinaanta Eng. Maxamed Khaliif Jabiye. Xasan Abgaal ayaa sheegay in eedeymo dhowaan kasoo yeeray Eng. Jabiye oo la xariiray musuq-maasuq hareeyay Xukuumadda Puntland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Deni iyo caburin ay ahaayeen kuwo aan ku fadhin xaqiiqada. “Dowlad Musuq-maasuq ah Reform Ciidan ma samayso, Dowlad Musuq-maasuq ah ciidan Mushaar Boqol kiiba Saddex Boqol uma kordhiso, Dowlad Musuq-maasuq ah Mushaarka Wasiiradda Xildhibanadda iyo Shaqaalaha ma siyaadiso”. Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Puntland. https://youtu.be/RCKc-47ioqk Idilnews

Read More

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Somaliland Feysal Cali Waraabe, ayaa kulul ugu dhaliilay xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi habka ay u martay dadkii laga soo tarxiilay caasimadda gobalka Sool ee Laascaanood. Feysal Cali Waraabe ayaa sheegay inuu ka xunyahay nidaamka loo maray masaafurinta dadkan, isagoona intaas ku daray in dad la musaafuriyo aaney Somaliland ugu horeyn oo ay arrintaasi ka dhacdo meelo badan oo caalamka ka mid ah isaga oo tusaale u soo qaatay dalka Sacuudiga. Idilnews

Read More

Wasaaradda degaanka iyo isbedelka Cimilada ee Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa soo saartay amar lagu joojinayo Jarista, gubista, ka ganacsiga dhuxusha iyo ugaarsiga duur-joogta. Qoraal kasoo baxay Xafiiska Wasiirka Wasaaradda degaanka iyo isbedelka Cimilada Galmudug Sanoter Siciid Siyaad Shirwac ayaa waxaa lagu amray hay’adaha kala duwan ee Galmudug inay ka gutaan amarkaan waajibkooda kaga aadan, isla markaana ay qabtaan sharcigana horgeeyaan dadka aan u hoggaansamin amarkaan. Idilnews

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Doha ee dalka Qatar, kadib casuumaad uu ka helay Madaxda dalkaas. Ra’iisul wasaare Rooble ayaa inta uu joogo Doha waxa uu kulan la qaadan doonaa Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamiim Bin Hamad Al-Thani iyo Ra’iisul Wasaaraha dalkaas Khalid Bin Khalifa Bin Cabdulcasiis Althani. War kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaare Roiblebayaa waxaa lagu sheegay in ujeeddada booqashada Ra’iisul wasaaraha iyo Wafdigiisa ay tahay sii xoojinta cilaaqaadka labada dal ee Soomaaliya iyo Qatar. Dowlad Qatar ayaa kamid ah dowlqdaha saaxiibada dhow la ah Soomaaliya iyadoo hadda ka wadda…

Read More

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) ayaa Guddi kumeel gaar ah u saaray dadka laga soo musaafuriyey magaalada Laascaanood ee gobolka Sool. Qoraal kasoo baxay Xafiiska Madaxweyne laftagareen ayaa waxaa lagu sheegay in Guddiga ay raadin doonaan hantida dadka laga soo musaafuriyay Magalada laas-Canood, kaas oo ah mid balmarsan Diinta & hanaanka dhaqanka dadnimada Soomaliyeed meeldhacna ku ah xaquuqda Aadanaha ee Caalamiga ah oo ay ku kacday Somaliland. “ Markuu texgaliyey: Hab dhaqanka aan wanagsaneyn ee ay Somaliland kula dhaqantay muwaadiniin ta Koonfur Galbeed ee ku sugan laascaanood iyo in guddigu sameynt doono gurmad iyo dib-u-dejin…

Read More

Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta kulan la qaatay xubno ka mid ah Golaha Wasiirada, wuxuuna Madaxweyne Ku-xigeenku ka dhegaystay warbixin ku saabsan dadkii lagasoo barakiciyey magaalada Laascaanood. Kulanka waxaa kasoo baxay in xubno ka mid ah Golaha Wasiirada ee ku shaqo leh arrimahan, kuwaasi oo kala ah Wasiirada Arrimaha Gudaha, Amniga, Caafimaadka, Qorsheynta iyo Haweenka ay u kuurgalaan xaaladda dadkaasi booqdaan goobaha lagu soo dhoweeyay. Dowladda Puntland ayaa soo dhoweysay ku dhowaad 2000 oo qof, oo ay ku jiraan caruur iyo Haween kuwaasi oo lagasoo barakiceyey Laascaanood. Madaxweyne Ku-Xigeenka Dowladda Puntland…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa u dhoofay magaalada Doha ee dalka Qatar ka dib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay amiirka Qadar, Sheikh Tamim bin Xamad Al Thani, War kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaare Roiblebayaa waxaa lagu sheegay in ujeeddada booqashada Ra’iisul wasaaraha iyo Wafdigiisa ay tahay sii xoojinta cilaaqaadka labada dal ee Soomaaliya iyo Qatar. Ra’iisul wasaare Rooble ayaa inta uu joogo Doha waxa uu kulan la qaadan doonaa Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamiim Bin Hamad Al-Thani iyo Ra’iisul Wasaaraha dalkaas Khalid Bin Khalifa Bin Cabdulcasiis Althani. Dowlad Qatar ayaa kamid…

Read More

Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka jawaabtay eedeymo ay dhawaan u soo jeediyeen macalimiintii saxday Imtixaanka shahaadiga ah ee DFS, kuwaas oo sheegay in aysan helin xuquuqdoodii. Qoraal kooban oo kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya ayaa marka hore waxaa loogu mahad celiyay macallimiinta had iyo jeer u taagan tayeenta waxbarashada ubadka soomaaliyeed gaar ahaan dajinta, ilaalinta iyo saxida imtixaanka qaranka ee sanad kasto ay qaado Wasaaradda Waxbarashada. Sidoo kale Wasaaradda ayaa sheegtay in ay dada dheer ugu jiraan helida xaquuqda macalimiinta iyo kuwii saxay Imtixaanka, isla markaana ay uga maqan tahay dhinaca Wasaaradda…

Read More

Ciidamada sida gaarka ah u tabaran ee xoogga dalka Soomaaliyed ayaa markale waxaa howlgal qorsheysan saacadihii la soo dhaafay ka sameeyeen tuulooyin u dhow degaanka Janaale oo hoosta Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose. Howlgalka oo ay hoggaaminayeen saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka iyo Maamulka degaanka Janaale ayaa waxaa ay kula wareegeen tuulooyinka, Kaaytooy, Mushaani, Xerta Doonka, Waagade iyo kabtaanka oo dhamaantood u dhow degaanka Janaale ee Gobalka Shabellaha Hoose. Taliyaha Ciidamada sida gaarka u tababaran Ee xoogga dalka Soomaaliyeed Cabdullaahi Mustafe (Madaale Qaran) ayaa sheegay in Ciidamada dowladda aysan dib uga laaban doonin degaannada ay la wareegeen,…

Read More

Abiy Ahmed Cali , ayaa mar kale loo dhaariyey Ra’iisal wasaaraha Itoobiya shanta sano ee soo socota, doorasho in mudda ah soo jiitantey natiijadeedana dhawaan lasoo saarey. Ra’iisal wasaaraha, ayaa dhaarintiisa kadib, lagu wadaa inuu soo dhiso gole wasiiro oo cusub, ka gadaal markii ay dhacdey doorasho la isku khilaafey bishii June ee ina dhaaftey. Xisbiga Barwaaqo ee Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed, ayaa ku guuleystay aqlabiyadda doorashada baarlamaanka, taasoo u gogol xaartey in dib loo doorto. Xubnaha uu ka koobnaan doono Golaha Wasiirada, ayaa la rajeynayaa iney ka turjumi doonto, halka ay dowladda cusub ka istaagi doonto dagaalka ka socda…

Read More

Ciidammada Booliska Puntland ayaa xabsiga dhigay darawaladii gaadiidkii soo qaaday dad ay maalmo kahor Somaliland kasoo raaftay magaaladda Laascaanood ee xarunta gobalka Sool. Dadkan oo kasoo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Somaliland ka qabqabatay magaalada Laascaanood, waxaana ay kusoo rartay gaadiid, iyadoo Puntland ay dib u dajin ugu sameysay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug. Lama oga sababta keentay in Puntland ay xirto darawalada gaadiidkii lagu soo daabulay dadkan, balse warar ay heshay Idilnews ayaa sheegaya in qaar kamid ah dadkii lasoo raafay ay dacwad ka gudbiyeen darawalada gaadiidka, oo ula dhaqmay si arxan-darro ah. Idilnews

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble, ayaa maanta ku wajahan magaalada Doxa we Dalka Qatar, kaddib markii uu casuumaad ka helay Amiirka dalka Qatar. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa kulamo la qaadan doona Madaxda Qatar, sida Sheikh Tamim bin Hamad al-Thani. Lama oga waxay ay kala hadlayso Ra’iisul Wasaaraha dowladda Qatar oo saaxiib dhow la ah Madaxweyne Farmaajo iyo Fahad Yaasiin. Socdaalkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee Ra’iisul Wasaare Rooble uu ku tago Dalka Qatar, kaddib magacaabistiisii 27-Sep-2020. Idilnews

Read More

Guddoomiyaha Gobolka Bari Mudane Senator Cabdisamad Yuusuf Maxamed Abwaan, ayaa maanta kulan la qaatay bulshada ka soo jeeda koonfur galbeed ee ku sugan Gobolka Bari. Kulanka ayaa waxa looga hadlay xoojinta xiriirka maamulka Gobolka Iyo bulshada ka soo jeeda Koonfur galbeed, ka shaqeeynta bilicda magaalada Bosaaso, xoojinta amniga, ka hortaga xanuunka COVID-19 iyo sidii hal meel looga soo wada jeesan lahaa hormarka Gobolka. Maamulka Gobolka Bari, ayaa mar waliba ahmiyad gaar ah siiya isku xirka bulashada Iyo Dowladda, bulsho weynta reer koonfur galbeed ee ku sugan Gobolka ayaa ah kuwo mar waliba ka shaqeeya hormaka Gobolka maalgashiyo kala duwana sameeyey…

Read More

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi kasocda beesha Caalamka. Wafdiga waxaa kamid ah wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan, wakiilka Midowga afrika ee Soomaaliya Francisco Caetano Madeira, Safiirka Midowga Yurub, Tina Intelmann, masuuliyiin kasocday Safaaradaha Sweden iyo Norway iyo xubno kale. Kulankan waxaa lagaga hadlayay dardar galinta howlaha Doorashooyinka iyo sidii loo dhamaystiri lahaa xubnaha ka dhiman Aqalka Sare taas oo gogol xaar u noqon karta bilwoga aqalka hoose iyo dhamaystirka howlha Doorashooyinka. Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha ay tahay in…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Mohamed Hussein Roble ayaa gaaray magaalada Baraawe ee caasimadda Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya. Waxaa safarkiisa ku wehliya wasiirro, xildhibaanno, guddoomiyaha Guddiga diorashooyinka Heer Federaal (FEIT) iyo mas’uuliyiin kale. Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa waxaa garoonka Baraawe ku soo dhaweeyay madaxweynaha Koofur galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, guddoomiyaha Baarlaamka Koofur galbeed Cali Saciid Faqi iyo dadweyne. Socdaalkan Ra’iisul Wasaaraha ayaa ujeedkiisu yahay in uu u kuur galo xaaladda guud ee degmada Baraawe ee amniga iyo adeegyada bulshada, isagoo la kulmaya shacabka iyo mas’uuliyiinta kala duwan ee degmada. Ra’iisul Wasaaraha ayaa kormeeri doona goobaha ay ka dhici doonto…

Read More

Rag hubeysan oo kamid ah kooxda Al-Shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday Bar-kantarool oo Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku leeyihiin gudaha Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay. Weerarka ayaa si gaar ah uga dhacay wadada soddonka ee Baydhabo, Ciidanka dowladda iyo kooxda weerarka soo qaaday ayaa waxaa dhexmaray iska hor imaad, iyadoo dhawaqa rasaasta si weyn looga maqlay xaafadaha magaalada Baydhabo. Saraakiil ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarkii uga yimid dhanka Shabaabka, isla markaana uusan jirin khasaaro ka dhashay weerarkii xalay ka dhacay Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee Koonfur…

Read More

Boqolaal shacab ah oo maamulka Somaliland uu kasoo saaray magaaladda Laascaanood ee xarunta gobalka Sool ayaa saaka gaaray magaaladda Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay. Dadkan oo kasoo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed ayaa Somaliland ku eedeysay inay qeyb ka ahaayeen falalka ammaan-darro ee ka dhacayay sanadihii ugu dambeeyay magaaladda Laascaanood, laguna dilay masuuliyiin kamid ah Somaliland iyo haldoorkii gobalka Sool. Maamulka gobalka Mudug iyo kan degmadda Gaalkacyo ayaa wada olale balaaran oo dadkan loogu sameynayo dib u dajin, iyagoona loo sameeyay soo dhaweyn. Dadkan ayaa xalay ku hakaday magaaladda Burtinle ee gobalka Nugaal, iyadoona…

Read More

Ciidamada sida gaarka ah u tabaran ee xoogga dalka Soomaaliyed ayaa Howlgal qorsheysan oo dad lagu qabqabtay ka sameeyeen tuulooyin u dhow degaanka Janaale oo hoosta Magaalaa Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose. Howlgalka oo ay hoggaaminayeen saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka iyo Maamulka degaanka Janaale ayaa Ciidamadu waxaa ay ka fuliyeen tuulooyinka, Kaaytooy, Mushaani, Xerta Doonka, Waagade iyo kabtaanka oo dhamaantood u dhow degaanka Janaale ee Gobalka Shabellaha Hoose. Taliyaha Ciidamada sida gaarka u tababaran Ee xoogga dalka Soomaaliyeed Cabdullaahi Mustafe (Madaale Qaran) ayaa sheegay in howlgalka lagu qabqabtay Boqolaal Ruux, kuwaas oo uu sheegay in baaritaano ku…

Read More

Qaar ka mid ah Senatarada laga soo doortay Galmudug iyo Xildhibaano ayaa si weyn ugaga soo horjeestey dhaqdhaqaaqyada ciidan iyo la wareegista deegaano ka tirsan Galmudug ee ururka Ahlu Sunna. Senator Cabdixakiim Macalim oo la hadlay saxaafada ayaa ku tilmaamay wax aan la aqbali karin tallaabooyinka ay Ahlu Sunna ay qaaday ayna yihiin kuwo ay ku raadinayaan galaangal siyaasaddeed iyo in lala hadlo. Siyaasiyiinta ka soo horjeesatay dhaqdhaqaaqa Ahlu Sunna ayaa waxaa ka mid ah Mahad Salaad waxana uu sheegay in aysan sax ahayn qorshaha ay wadaan Ahlu Suna waxana uu taageero weyn u muujiyay Maamulka Galmudug. Maleeshiyaad ka tirsan…

Read More

War-saxaafadeed kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa looga hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka, Arrimaha Doorashooyinka, iyagoo ugu baaqay Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble inay si deg-deg ah u heshiiyaan. Halkaan hoose ka Akhriso War-saxaafadeedka Beesha Caalamka. Saaxiibbada caalamiga ah ee Soomaaliya, waxay xusayaan in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi “Farmaajo” iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ay sii wadaan dadaallada dhexdhexaadinta ah ee lagu xallinayo khilaafaadka lagu muujiyey isweydaarsigoodi war-bixinnada ee 16-kii Sebteember 2021. Si kastaba ha ahaatee, saaxiibbadu waxay ka welwelsan yihiin in arrimaha aasaasiga ah aan weli la xallinin, inkastoo in ka…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 29 ee 2da October 2021, kuna saabsan magacaabid Guddoomiyaha Gobolka Nugaal. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad. Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo-aragnimadiisa shaqo. Markuu tixgaliyay: Talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland. Wuxuu xeeriyey: 1. Waxaa Maxamuud Xassan Maxamed (Cawil Mataan) loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay. DHAMMAAD Idilnews

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta guddi u magacaabay dardargelinta iyo kasoo talabixinta Amniga magaalooyinka Puntland gaar ahaan kan Caasimadda Magacyada Guddiga: 1. Gen. Bashiir Cabdi Maxamed (Guddoomiye) 2. Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed Faroole (Xubin) 3. Cabdirisaaq Ciise Xuseen (Xubin) Madaxweynaha ayaa faray dhammaan laamaha Amniga iyo Hay’adda kala duwan ee Dowladda in ay guddiga kala shaqeeyaan howsha loo xil saaray, una fududeeyaan sidii ay u gudan lahaayeen waajibaadkooda. Guddiga ayaa sameyn doona qiimeyn iyo kasoo talabixin hannaanka amniga lagu sugo, sidii loo joojin lahaa mukhaadaraadka iyo loona sii horumarin lahaa qosheyaasha amni ee dowliga ah. DHAMMAAD Idilnews

Read More

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, oo xafiiska ku qabtay Shirka jaraa’id ee la kulan wasiirkaaga ayaa ka hadlay horumarka dhaqaalaha dalka, doorashooyinka iyo maamulka dhaqaalaha ee marxaladdan kala guurka. Wasiir Beyle, ayaa ugu horeyn sheegay in dib u habeynta dhaqaalaha uu ku socdo hannaankii loogu talagalay islamarkaana ay sababtay kor u kaca aaminaada hey’adaha dhaqaalaha dunida oo u diyaariyay deeq dhan hal bilyan oo Doolar oo loogu talagalay horumarinta mashaariicda Bulshada iyo kaabayaasha dhaqaalaha. Wasiirka Maaliyadda ayaa tilmaamay in Marxaladda kala guurka iyo khilaafaadka siyaasiga ah aanay marna saameyn ku yeelan howlaha hey’adaha maaliyadda dalka oo…

Read More

Guddiga Nabad-gelyada gobalka Nugaal ayaa maanta kula deg-deg ah ka yeeshay xaalada Amni ee gobalka iyo dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee dhacay caasimadda Puntland ee Garoowe. Shirka ayaa si gaar ah diirada loogu saaray weerarkii lagu qaaday hoyga Taliyaha qeybta Booliska gobalka Nugaal G/Sare Maxamed Aadan Jaamac, dilal ka dhacay gobalka iyo isheysiga dhulka oo muddo sanado ah ka taagan caasimadda Puntland. Gudoomiye kuxigeenka koowaad ee gobolka Nugaal ahna ku-simaha Gudoomiyaha Qaasim Maxamed Cabdi, oo saxaafadda kula hadlay magaalada Garoowe ayaa ka warbixiyey qodobada kasoo baxay shirka amniga gobolka Nugaal https://www.facebook.com/Puntlandstatetv/videos/1932484370280475 Idilnews

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka iyo Guddoonka Guddiga doorashooyinka gobollada woqooyi (Somaliland) oo ay ka wada hadleen dardar gelinta iyo u diyaar garowga doorashada kuraasta Golaha Shacabka ee Gobollada waqooyi. Ra’iisul Wasaaraha ayaa mas’uuliyiintan ku bogaadiyay doorkii ay ku lahaayeen in ay si guul ah ku soo dhammaato doorashada xildhibaannada Gobollada Waqooyi (Somaliland) ku matalaya Golaha Aqalka Saree e BFS, halka ay dhankooda uga mahad celiyeen kaalintii wanaagsaneyd ee Ra’iisul Wasaaruhu ka qaatay howshaas. Idilnews

Read More

Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta safar aan la shaacin ugu amba-baxay magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta. Lama oga ujeedada socdaalka Madaxweyne Deni ee Dubai, balse wararaka ayaa sheegaya inuu safarkiisu daaran yahay Arrimaha Doorashooyinka Soomaaliya, isagoona Dubai kula kulami doona madaxda dalka Imaaraadka Carabta. Wararka ayaa intaas ku daraya in Madaxweynaha Puntland uu caawa ku hoyan doono magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya. Idilnews

Read More

Madaxweynaha Dowlad-gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa hambalyo u diray Maamulka iyo howlwadeenada Telefishinka Jubbaland, kuwaas oo maanta u dabaal-degaya 6 sanno guuradii kasoo wareegtay aasaaskii Telefishinka. Madaxweyne Axmed Madoobe oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay in dhamaan maamulka iyo shaqaalaha Jubbaland TV ay muujiyeen dhabar adeeg, isagoona bogaadiyay hufnaanta shaqo ee ay muujiyeen. Halkaan hoose ka Akhriso Qoraalka Madaxweynaha Jubbaland. Waxaan hambalyo u dirayaa dhamaan howladeenada iyo shaqaalaha kala duwan ee Jubaland TV meel walba oo ay joogan, waxaana la wadaagayaa farxada munaasabadan weyn ee lix sano guurada aas aaska Jubaland TV. Dhamaan maamulka iyo shaqaalaha Jubaland…

Read More

Ciidammada Somaliland ayaa raaf ka dhan ah dadka ka yimaada koonfurta Soomaaliya ka wada magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool. Dadka la aruurshay ayaa u badan ganacsatada kasoo jeeda deegaanada Maamul-gobaleedka Koonfur Galbeed, Ciidanka Somaliland ayaana dadkan isugu geeyay garoonka kubadda cagta magaalada Laascaanood, iyadoo loo diiday in la noqdo. Lama oga ujeedada ka dambeysa xariga Ciidanka Somaliland ay u geysanayaan dadka kasoo jeeda koonfurta Soomaaliya, balse wararka qaar ayaa sheegaya in dadkan lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen dilalkii kooxo aan heybtooda la aqoon ay sanado badan ugu geysanayeen magaalada Laascaanood haldoorkii gobalka Sool. Idilnews

Read More

Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee Maamulka Jubbaland Maxamuud Sayyid Aadan ayaa waxaa uu sheegay inuu ka xun yahay hadal loogu gafay Ra’iisul Wasaare Rooble iyo qoyska Ikraan Tahliil Faarax ee kasoo yeeray Guddoomiyaha degmada Luuq ee Gobolka Gedo. Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu raali-gelin Umadda Soomaaliyeed ka siiyay hadalka kasoo yeeray Guddoomiye Cali Kadiye ee ahaa in Ikraan Tahliil aysan ka qiimo badneyn dowladnimada Somalia, isagoo halkaas ku sheegay inuu kasoo yeeray kuwa aan xilkaska ahayn. “Waxaan ka raaligalinayaa umadda Soomaaliyeed hadallada ay ku hadleen kuwa aan xilkaska ahayn ee ay sida sharci darrada ah ay…

Read More

Shir looga hadlayey xoojinta Amniga guud ee degmada Carmo ee gobolka Bari, kaas oo uu shir-guddoominayay Guddoomiyaha Gobolka Bari Mudane Senator Cabdisamad Yuusuf Maxamed Abwaan. Shirkan oo qabsoomay jimcihii shalay ahaa ayaa si gaar ah diirada loogu saaray la-dagaalanka kooxaha Argagixisada ah ee Al-Shabaab Iyo Daaciish, ka hortaga mukhadaraadka, dabar-gooynta xaalufka. Cabdisamad Yuusuf Maxamed Abwaan, Guddoomiyaha Gobalka Bari oo shirka markii uu soo dhamaaday saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in go’aano 10 ah ay kasoo baxeen shirka, kuwaas oo uu kamid yahay inaan rasaas laga ridi karin gudaha magaalada Carmo, sida rasaasta tijaabada ah iyo kuwo bilaa micnaha loo rido.…

Read More

Ciidammada Booliska gobalka Nugaal ayaa wada howlgallo lagu xoojinayo Amniga magaaladda Garoowe ee caasimadda Puntland, oo habeenadii lasoo dhaafay ay ka dhaceen falal amniga lidi ku ah. Howlgaladan ayaa yimid kaddib markii habeen kahor weerar lagu qaaday hoyga uu magaaladda Garoowe ee ka degan yahay Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Nugaal G/Sare Maxamed Aadan Jaamac, iyadoo habeenkii ka sii horeysay duleedka Garoowe lagu dilay sarkaal rayid ah oo kamid ahaa Ciidanka PMPF Puntland. G/Sare Maxamed Aadan Jaamac, Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Nugaal ayaa sheegay in Amniga magaalada Garoowe uu aad u wanaagsan yahay, waxaana uu fariin u diray dadka baraha bulshada…

Read More

Dowlada Qadar ayaa door muhiim ah ka cayaartay in wada hadal lala bilaabo Taaliban. balse haatan Qadar waxay niyad xumo ka muujisay hannaanka Taliban kaddib markii ay la wareegeen Afghanistan. Qadar waxay sheegtay in go’aanka kooxda ee gabdhaha uu ahaa mid aad niyad jab u leh. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Qadar Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani ayaa sheegay in kooxda ay ku qasban tahay inay eegto sida xukuumadda Islaamiga ah ay uga howlgasho Qadar. Wasiirka ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraa’id oo ay shalay caasimadda Dooxa iskula qabteen madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub Joseph Borrell. Kaddib markii…

Read More

Ciidammada Booliska Gobalka Bari oo howlgallo ka wada magaaladda Boosaaso ayaa xalay dilay wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabi jiray Marxuum Ayaanle Jamac Cumar, halka ay dhaawaceen qof. Qoraal kasoo baxay Taliska Qeybta Booliska gobalka Bari ayaa looga tacsiyeeyay geerida Marxuum Ayaanle, Taliska ayaana sheegay in marxuumka ay xabadu uga dhacday Askari kamid ah Booliska Bari. “Booliiska Gobolka Bari waxa uu tacsi la wadaagayaan Ehelada & qaraabada uu ka dhintay Marxuum Ayaanle Jamac Cumar oo cawa askari ay kaga dhacday Xabad Waxaana uu sidoo kale Caafimaad u rajeynayaa inuu ka soo kabto dhaawaca soo gaaray Bishaar cali cawad oo marxuumka…

Read More

Midowga Yurub ayaa hakiyay muddo aan la cayimin wadahadallo qorsheysnaa oo ay la yeelan lahaayeen dalka Australia, waxaana arrintan imaneysaa kadib go’aankiii ay Australia kaga noqotay hishiis Faransiisku ugu sameyn lahaa maraakiibta gujisyada ah ee marta biyaha hoostooda. Miriam Garcia Ferrer oo ah afhayeenka Guddida Midowga Yurub u qaabilsan gannacsiga ayaa go’aankan shaacisey Jimcihii shalay, laakiin wax faahfaahin ah kama ay bixin sababta, waxaana midowga Yurub ay wadaxaajood Gannacsiga Xorta ah la billaabeen Australia sannadkii 2018kii. Idilnews

Read More

Ururka Ahlu-sunna Waljameeca ayaa sheegay in Maamulka Galmudug ee uu hoggaamiyo ay la-dagaalankooda u adeegsaday hub ay dhowaan ku wareejisay dowladda Puntland. Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo wareysi gaar ah siiyay BBC-da ayaa sheegay in Puntland ay hub ay ugu talagashay la-dagaalanka Argagixisada Al-Shabaab ku wareejisay maamulka Qoorqoor, iyadoo Qoorqoor uu hubkaasi geystay magaalada Dhuusamareeb, halkii uu u diri lahaa jiidaha dagaalka. Sidoo kale, Qoorqoor ayuu ku eedeeyay in hubkaas ay Galmudug ugu deeqday Puntland uu si lamid ah Ciidanka DFS ee uu tababaray Turkigu ugu adeegsaday la-dagaalanka culimada Ahlu-sunna. Sheekh Maxamed Shaakir ayaa uga mahad-celiyay Puntland garab istaagooda…

Read More