Author: Jibril Qoobey

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa warsaxaafadeed kasoo saaray xaaladda kacsan ee degaanada maamulka Galmudug ka dib markii Culimada Ahlusunna ay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta Guriceel. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble waxa uu wax laga xumaado u arkaa xiisadaha colaadeed ee ka taagan deegaanno ka tirsan Galmudug. Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu ka tacsiyadeynayay dadka ku dhintay iska hor-imaadyada dhacay wuxuuna caafimaad deg deg ah Alle uga baryay dadkii dhaawacmay. “Galmudug waxaa ka jirta Dawlad-Goboleed haysata sharciyad buuxda iyada ayaana mas’uul ka ah amniga deegaannada Galmudug , sidaas awgeed…

Read More

Qoraal uu soo saaray agaasimaha Hay’adda Qaxootiga Norway ee dalka Liibiya Dax Roque ayaa ka warbixiyay xarig wadareedyo ka badan 500 oo muhaajiriin ah oo Jimcihii lagu xiray magaalada caasimadda ah ee Tripoli. “Waxaan ka naxay wararka sheegaya qabqabashada dadka tirada badan ee muhaajiriinta ee Tripoli. Waxaan maqleynaa in ka badan 500 oo muhaajiriin ah, oo ay ku jiraan haween iyo carruur, la uruuriyay, si sharci darro ahna loo xiray, waxayna halis ugu jiraan xadgudub iyo in loola dhaqmo si aan habbooneyn” ayuu lagu yiri warbixin uu soo saaraay Dax Roque, oo ahagaasimaha Hay’adda Qaxootiga Norway ee Dalka Liibiya. Muhaajiriinta…

Read More

Wararka ka imaanaya magaalooyinka Dhuusa-mareeb iyo Guriceel ayaa sheegay in hub aruursi ay ka socdaan labadan magaalo, kuwaas oo ay wadaan Ciidammada Ahlu-sunna ayaa jimcihii la wareegay magaaladda Guriceel iyo Ciidanka DFS iyo kuwa Galmudug. Labada dhinac ayaa maalmo kahor uu dagaal culus oo sababtay dhimashada 10 ruux uu ku dhexmaray deegaanka Bohol ee duleedka magaalada Dhuusamareeb. Ahlu-sunna ayaana ku eedeysay maamulka Galmudug ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmed Qoorqoor uu dagaalka Al-Shabaab oo qabsatay deegaano kamid ah Galmudug ay ka door-bideen dagaalka culimada Ahlu-sunna oo isku diyaarinaysay dagaal ka dhan Argagixisada Al-Shabaab. Qoorqoor ayaa shalay dib ugu soo laabtay caasimadda…

Read More

Dowladda Itoobiya ayaa amar ku bixisay in dalka laga saaro toddobo sarkaal oo oo ka tirsan Qaramada Midoobay,sidda lagu sheegay bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda maalinimadii shalay. Grant Leaity, ku -xigeenka isku -duwaha arrimaha bani’aadanimada ee OCHA, iyo Adele Khodr, oo ah wakiilka UNICEF ee Itoobiya, ayaa ka mid ahaa kuwa la eryay. Xukuumadda Itoobiya ayaa saraakiiisgaasi ku eedeeyay in ay wadeen faragalin,waxayna u aqoonsatay in ay yihiin kuwo aan u qalmin shaqada ay u hayaan Qaramada Midoobay( persona non grata). Dowladda Itoobiya waxay amar ku bixisay in muddo 72 saac gudohood ah ay ku baxaan shaqaalahaasi ka…

Read More

Dabley hubeysan ayaa xalay weerar ku qaaday guriga uu ka degan yahay magaaladda Garoowe ee caasimadda Puntland Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Nugaal G/Sare Maxamed Aadan Jaamac. Ilaalada hoyga G/Sare Maxamed Aadan iyo kooxda weerarka ku qaaday ayaa muddo ilaa 20 daqiiqo ah isweydaarsanayay rasaas xooggan, mana jirto wax khasaare ah oo la sheegay inuu ka dhashay weerarkan. Dableyda weerartay guriga Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Nugaal oo ku yaala xaafada 1-da August, ayaan la ogeyn ilaa hada heybtooda, waxaana weerarkan uu imaanayaa xilli todobaadkan ay magaalada Garoowe ka dhaceen labo dil oo ay geysteen ilaalada Madaxweynaha Puntland iyo askari kamid ah…

Read More

Wasiir ku-Xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Cabdi Ibraahim Warsame Qowdhan,ayaa gaari kuwa shaqada ah ku wareejiyay Xisaabiyaha Gobolka Mudug. Wasiirka oo Hawlo shaqo ujooga Maalmahan Magaalada Galkacayo Ee Caasimada Gobolka Mudug Ayaa Madaasha Wareejinta Gaadhigan Ka Sheegay in Loo Baahanyahay in la Dardargeliyo kor uu Qaadista Dakhi Gobolka Mudug Gaadhigana uu waxbadan ka Tari Doono Dakhli Aruurinta. Xisaabiyaha Gobolka Mudug Ismaciil cabdinuur Geesey , ayaa sheegey in ay baahi-weyn u qabeen gaarigan, wuxuuna ballan qaaday in ay laba jibbaarayaan shaqada oo ay tagayaan deegaanada fog-fog, waxana uu aad ugu mahad ceshey Wasiirka, waxaana uu sheegey in dalabkooda muhiimka ahaa laga jawaabay.…

Read More

waxaa Tabarbar loogu soo xiray Dufcadii labaad oo ka tirsan Ciidamada Daraawishta Dowladda Puntland. Muunasabada soo xirtaanka Tababarka waxaa ka soo qaybgalay Guddiga dib u habeynta Ciidamada oo uu hogaaminayo Guddoomiyaha Guddiga ahna Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Xasan Shire Cabdi, Wasiirka Amniga, Taliyaha Ciidanka Daraawiishta, Taliyaha Ciidanka Booliiska, Taliye Xigeenka Labaad ee Ciidanka Daraawiishta, Guddoomiyaha Maxkamada Ciidmadda,Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Puntland Senator Maxamed Cali Yusuf Maamulka Degmada Gaalkacyo iyo Kan Gobolka Mudug. Sidoo kale Ciidamadan Tabarbarka loo soo xiray ayaa ah Dufcadii labaad ee ka baxada Dugsiga Gen. Carays ee Godod waxaana ay qaateen Tabarbaro isugu jira, khibrada Goobaha dagaalka,…

Read More

Dagaal u dhexeeya Ciidamada DFS iyo kuwa Ahlu-sunna ayaa ka soconaya deegaanka Bohol oo ku yaalla duleedka magaalada Guriceel ee gobalka Galgaduud. Dagaalkan oo biloday saacado kahor ayaa yimid, kaddib markii Ciidammada dowladda ay weerar ku qaadeen goob ay ku sugnaayeen Ciidanka Ahlu-sunna, waxaana dagaalkan ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Dad ku sugan magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in isbitaalka magaaladaas lasoo gaarsiiyay meydka iyo dhaawaca askar kamid ah Ciidammada dowladda, iyadoona haatan xaaladu ay kacsan tahay. Idilnews

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Shir-guddoomiyay Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada Dowladda Puntland. Shirka oo uu ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa todobaadkan looga hadlay amniga, ansixinta Siyaasadda Biyaha Puntland, ansixinta wax ka bedel lagu sameeyay Xeerka Rugta Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga, Xeerka Caanaha, dib-u-habeynta iyo dayactirka Waddooyinka Puntland iyo xaaladda degmooyinka Puntland. Golaha Wasiirada ayaa dood dheer kadib ansixiyey Siyaasadda Biyaha Puntland iyo wax ka bedel lagu sameeyay Xeerka Rugta Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga. Sidoo kale waxaa Golaha loo qeybiyay xeerka Caanaha Puntland oo ay mudaneyaashu soo akhrin doonaan. Madaxweynaha…

Read More

Doorashada 5 kursi oo kamid ah kuraasta 11 ah ee Aqalka Sare ee BJFS ku matala Somaliland ayaa maanta ka dhacday Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho. Doorashadan oo aheyd mid socotay saacado kooban ayaa qaar kamid ah kuraasta ay noqotay gacan taag, kaddib markii xubnaha qaarkood ay u tanaasuleen musharixiinta la tartami lahaa. Halkaan hoose ka magacyada 5 Senator ee maanta la doortay. 1- Sen. Axmed Ibraahim Maxamed ( Abwaan Qorane) 2-Sen. Niciimo Xasan Xaaji 3-Sen. Deeqa Xasan Xuseen 4-Sen. Axmed Maxamed Siciid 5-Sen. Siciid Cabdi Xuseen Doorashadan 5 Senator ayaa dhameystiraysa 11 Senator ee goballada Waqooyi ku leeyihiin Aqalka…

Read More

Waxaa goordhaweyd xarunta Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho ka bilaabatay doorashada shanta kursi ee ka harsan kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ee Gobolada Waqooyi ee Somaliland. Ergada doorashada Somaliland ayaa mar kale Saciid Cabdi Xasan Cowke u doortay inuu noqdo Senatar ka tirsan Aqalka Sare, waxaana loogu codeeyay Cod gacan taag ah, kadib markii uu tanaasulay Musharaxii la tartamayey ee Jaamac Cabdullaahi Maxamed. Guddoomiyaha Guddiga maamulaya doorashada Somaliland ayaa ku dhawaaqay in Saciid Cabdi Xasan uu noqday Sanatorkii 7-aad ee Gobolada Waqooyi ku metalaya Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Doorashada kursiga 8-aad ayaa goor dhow la guda…

Read More

Waxaa maalintii labaad ka dhacaysa teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho doorashada Senatorada Golaha Aqalka Sare ee BJFS ee matalaya goballada waqooyi, iyadoo maanta la qabanayo doorashada 5 kursi ee ka harsan 11 kursi ee Somaliland. Kuraasta maanta doorashadoodu dhacayso, ayaa waxaa ku loolamay 12 musharax, kuwaas oo kala ah; 1: Siciid Cabdi Xasan Jaamac Cabdullaahi Maxamed 2: Muno Cumar Xasan Naciimo Xasan Xaaji Maxamuud Sucaad Xasan Maxamed 3: Cabdirisaaq Axmed Cali Xasan Cabdi Gaas Axmed Maxamed Siciid 4: Axmed Ibraahim Maxamed (Qorane) Baashe Maxamed Ismaaciil 5: Deeqa Xasan Xuseen Hodan Abokor Xasan. Doorashada 6 kursi oo kamid ah Aqalka Sare…

Read More

Booliska Puntland ayaa gacanta ku dhigay nin hubeysan oo xalay ku dilay duleedka magaaladda Garoowe ee caasimadda Puntland Bootaan Maxamed Bootaan, oo ahaa sarkaal rayid ah oo katirsan Ciidammada PMPF Puntland. Dilka ayaa ka dhacay deegaanka Laanta-hawada oo ku yaalla duleedka magaalada Garoowe, waxaana la sheegay inuu yimid kaddib muran dhexmaray Ninka dilka geystay iyo Marxuum Bootaan. Ciidammada Booliska gobalka Nugaal oo goobta dilku ka dhacay gaaray ayaa sameeyay baaritaano, waxaana ay ku guuleysteen in gacanta kusoo dhigeen dilaaga oo markii hore goobta ka baxsaday. Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Nugaal G/Sare Maxamed Aadan Jaamac ayaa sheegay in Ciidanku gacanta kusoo…

Read More

Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya James Swan, ayaa ku booriyay dowladda Faderaalka, Dowlad-goboleedyada dalka iyo guddiga doorashooyinka heer Faderaalka iyo heer Dowlad Gobaleedyada in ay si deg deg ah u soo dhamaystiraan doorashada golaha aqalka. James Swan oo shalay ka qeyb galay Doorashadii Aqalka Sare ee Somaliland ee ka dhacday Muqdisho ayaa sidoo kale maamuladda ka codsaday in la bilaabo doorashada golaha shacabka si dalku doorasho u galo ka dib bilo ay dib u dheceen doorashooyinka dalka. Swan ayaa sheegay in ay muhiim tahay dhameystirka doorashada kuraasta harsan ee Aqalka Sare, si…

Read More

Shacabka kunool dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa maanta oo khamiis ah u dareeray goobaha cod-bixinta, si ay codkooda uga dhiibtaan doorashada guud ee waqtigeedii dib uga dhacday Doorashadan ayaa ah mid shacabka DDS ay ku dooranayaan Wakiillada ku matalaya Baarlamaanka heer dowlad deegaan iyo heer Federaal. Shacabka kunool caasimadda Jigjiga ayaa iyagu aroortii hore ee saaka xaadiran goobaha loo asteeyay codeynta. Waa doorashadii ugu horraysay ee deegaankaasi ka dhacda tan iyo markii uu isbadelka ka dhacay waddankaasi oo uu awoodda la wareegay Ra’iisul wasaare Abiy Axmed. Sawirro lasoo qaaday ayaa waxaa lagu arkayay boqolaal dad oo safaf dhaadheer ugu jira…

Read More

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ahna Guddoomiyaha Guddiga dib habeynta Ciidamada Mudane Xasan Shire Cabdi iyo Wafti oo haagimanyo ayaa gaaray magaalada Gaalkacyo. Waftiga Wasiirka waxaa Kamid ah Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDRta Mudane Cabdisamada Maxamed Gallan, Taliyaha Ciidanka Daraawiishta S/Gaas. Yaasiin Cumar Dheere iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska S/Guuto. Cabdi Xasan Xuseen (Cabdi Yare). Booqashada guddiga ee Gaalkacyo ayaa daarran ka qayb galka Munaasabad Tababar loogu soo xirayo Ciidamo ka tirsan daraawiishta Puntland oo muddo casharro kale duwen uga Socdey Dugsiga Gen. Carays ee Godod. Idilnews

Read More

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dilmuquraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa maantay shir guddoomiyey kulan looga hadlayey xal u helista Qaxootiga Yemen ka yimaada, Muhaajiriinta Ethiopia ka timaada iyo sidii looga gudbi lahaa xaaladda barakace ee dadka danyarta ah. Shirka waxaa ka soo qayb galay Wasaaradaha arrimaha Gudaha, Amniga, Haweenka, Cadaaladda, Qorshaynta, Guddoomiyaasha Degmooyinka Puntland qaarkood, Qunsulka Guud ee Dowladda Ethiopia u fadhiya Puntland iyo Masuuliyiin ka socday hay’ado ka tirsan Qaramada Midoobay. Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa soo bandhigtay cadadka Muhaajiriinta Puntland soo galay January 2019 illaa August 2021, tirada ka baxday, tirada Qaxootiga diwaangashan, dadka Magangalyo…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble, ayaa hambalyo u diray Senatorada maanta loo doortay lix kursi oo kamid ah kuraasta goballada Waqooyi ee ku matalaya Aqalka Sare ee BJFS. Ra’iisul Wasaare Rooble oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa yiri “Waxaan hambalyo u dirayaa Senaterrada maanta ku guuleystay doorashada Golaha Aqalka Sare ee BFS ku matalaya gobollada Waqooyi (Somaliland) ee kala ah; 1. Cabdi Xaashi Cabdullaahi 2. Saalax Axmed Jaamac 3. Prof.Cabdi Ismaaciil Samatar 4. Cismaan Abokor Dubbe 5. Layla Axmed Ismaaciil 6. Bilaal idiris Cabdullaahi “Waxaan ammaanayaa ergada iyo guddiyada maamulka doorashada sida xilkasnimada leh…

Read More

Wasirka Warfaafinta Soomaaliya Prof Cismaan Abokor Dubbe ayaa ku guuleystay kursia Afaraad ee xubnaha Senatarada Aqalka Sare ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya. Cismaan Abuukar Dubbe, ayaa ka guuleestay Senotor Cabdi Kariim Maxamed xasan, isagoo helay 28 Cod, Halka Senotor Cabdi kariim oo horay Aqalka sare ugu ka tirsanaa uu helay Codad gaaraya 17 cod. Idilnews

Read More

Prof Cabdi Ismaaciil Samatar, ayaa loo doortay Senator ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Doorasho adag oo laba wareeg kadib, ayuu Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar, helay 25 Cod, halka musharaxii la tartamayay ee Prof. Maxamed Maxamuud Allabari, uu helay 21 Cod. lix Senator oo ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayuu qorshaha yahay in maanta la doorto. Idilnews

Read More

Inta la xaqiijiyay 24 maxbuus ayaa ku dhintay xabsi ku yaalla dalka Ecuador, kaddib markii uu gacan ka hadal dhax maray maxaabiis ku xirneed mid kamid ah Xabsiyada dalkaas. Warbaahinata ka howl gasho gudaha dalkas Ecuador ayaa sidoo kale sheegatay in rabashadahii halkaasi ka dhacay ay ku dhawacmeen 48 qof. Maamulka xabsigan ay ka dhaceen rabashadaha ayaa markii danbe keenay ciidamo dheerad ah si loo xakameeyo fowdada iyo dagaalka maxaabiista dhex maray. Mas’uuliyiinta xabisga ayaa sheegay in dagaalku dhax maray laba koox oo ku loolansan hoggaaminta burcadda ku xiran xabsiga. Bishii July ee sanadkan ayay eheed markii sidaan oo kale…

Read More

Kuuriyada Waqooyi ayaa waxa ay ku andacootay inay tijaabisay gantaal xawaarihiisu uu aad u sarreeyo, kaas oo ay ku dhawaaqday inuu yahay mid ka mid yahay shanta ugu muhiimsan hannaanka hubka cusub ee ku jira qorshaheeda milateri ee shanta sanadood ee soo socota. Waa tallaaba kale oo muujinaysa hannaanka tiknoloojiyadda hubka ee sii kobcaya ee Pyongyang, xilli ay saaran tahay cunaqabatayn caalami ah oo adag. Tijaabada gantaalkii shalay ayaa waxaa cambaareeyay Mareykanka kaas oo Kuuriyada Waqooyi ugu baaqay inay dib ugu soo laabato miiska wadahadalka. Magaalada Seoul. Warbaahinta dawladda Kuuriyada Waqooyi ayaa ku tilmaantay gantaalka cusub ee xawaarihiiisu dheereeyo inuu…

Read More

Saalax Axmed Jaamac, Wasiirka Tastuurka XFS ayaa ku guuleystay Kursiga 2-aad ee sanatarada Aqalka sare oo ka imaanaya gobolada waqooyi. Saalax ayaa la tartamay Ibraahim IIdle Suleymaan guddoomiyii hore ee Maxkamadda sare ee dalka, Senator Saalax Axmed ayaa helay 29 cod, halka Ibraahim Iidle Suleymaan uu helay 12. Idilnews

Read More

Madaxweynaha Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Dein ayaa goor-dhaweyd xilka ka qaaday Guddoomiyihii Hay’adda Waddooyinka Puntland ee PHA Cabdulqaadir Cali Xirsi. Guddoomiye Cabdulqaadir ayaa maalmo kahor ku eedeeyay Wasaaradda Maaliyadda Puntland inay leexsatay lacagtii loo qoondeeyay Hay’adda PHA inay ku hormariso waddooyinka Puntland, sidoo kalena laga jartay Hay’adda korontadii iyo biyihii dhaqaale la,aan darteed. Madaxweyne Deni ayaa u igmaday Guddoomiye kuxigeenka PHA in si KMG ah uu u sii wado shaqada. Halkaan hoose ka Akhriso wareegtada Madaxweyne Deni. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr.28 September 29, 2021 kuna saabsan xil kaqaadis Guddoomiyaha Hay’adda Waddooyinka…

Read More

Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa markii labaad loo doortay Senator kamid Golaha Aqalka Sare ee BJFS ee matalaya goballada Waqooyi, kaddib doorasho weli ka socota teendhada Afisyooni ee magaaladda Muqdisho. Cabdi Xaashi oo noqonaya Senatorkii ugu horeeyay ee goballada Waqooyi ee Baarlamaanka 11-aad ayaa horey u ahaa Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka waqtigiisu dhamaaday. Idilnews

Read More

Beesha Caalamka ayaa ugu hambalyeeyay Xukuumadda Puntland hanaanka Dilmuquraadiyeynta iyo Doorashooyinka qof iyo codka ah ee la filayo inay si hordhaca ah uga dhacdo degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn. Wakiilo ka socda Beesha Caalamka oo hoggaaminayo Safiirka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan oo Axadii soo gaaray magaalada Garoowe, kuluna la qaatay Madaxweynaha Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku bogaadiyay dowladda Puntland hirgalinta hanaanka Dilmuquraadiyeynta. Sidoo kale, Wakiillada Beesha Caalamka ayaa sheegay inay Puntland ka gacan siinayaan hirgalinta hanaankan, hadii ay ku guleysato Doorashooyinka hordhaca ah ee loo madlan yahay in 25 bisha soo socota October ay ka dhacdo…

Read More

Dowladda hoose ee degmadda Garoowe ayaa daah-furtay madasha Talo-wadaag oo u sahleysa bulshada caasimadda Puntland inay ka qeyb-qaataan hormarinta magaalada Garoowe. Madashan ayaa ah mid ay iska diiwaangalinayaan muwaadiinta kunool caasimadda, si uu uga qeybgalo talo soo jeedinta Barnaamijyada lagu hormarinayo magaalada, sida uu sheegay Duqa degmadda Garoowe Axmed Siciid Muuse. https://youtu.be/5oM8D2Lr5U8 Idilnews

Read More

Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayib Erdogan ayaa la filayaa inuu socdaal ku tago Magaalada Moscow ee caasimada dalka Ruushka, kadib markii casuumad uu ka helay dhigiisa Ruushka Vladimir Putin. Sida uu qorshahu yahay labada hoggaamiye ayaa markii ay wada kulmaan ka wada xaajoon doona dhinacyada horumarka gobolka iyo xaaladda gobalka Idlib ee Suuriya, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka ee Ihlas News Agency. Labada hogaamiye ayaa la filayaa inay ka wada hadlaan xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Ankara iyo Moscow, horumarka gobolka ee hadda jira, iyo arrimaha caalamiga ah, iyadoo si gaar ah diiradda loo saari doono dhibatooyinka ka…

Read More

Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Gen. Cabdi Xasan Xuseen, ayaa kulan kula qaatay magaaladda Garoowe xubnaha Guddiga maamulka doorashooyinka BJFS ee heer Puntland. Kulanka ayaa looga hadlay sugida Amniga Doorashooyinka Golaha Shacabka BJFS ee ka dhacaysa magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso, Taliye Cabdi-yare ayaana la wadaagay Guddiga Doorashooyinka sida ay Ciidanka Booliska Puntland ugu diyaar-garoobeen xaqiijinta Amniga goobaha loo asteeyay inay ka dhacdo doorashadu. Gen. Cabdi Xasan Xuseen ayaa sheegay in Booliska Puntland ay si dhow ula shaqeynayaan Guddiga Maamulka Doorashooyinka heer Puntland inta lagu gudajiro Doorashooyinka Xildhibaanada Golaha Shacabka BJFS. sidoo kale Guddiga ayaa uga mahadceliyay Taliska Booliska Puntland sida xilkasnimada…

Read More

Suldaan Saleebaan Cismaan (Habaar), ayaa ku dhaawacay magaalada Hargeysa Xildhibaan Axmed-nuur Garuuje oo kamid ah Golaha Wakiillada Somaliland. Xildhibaan Garuuje ayaa haatan lagu dabiibayaa isbitaalka Hargeysa. Warbaahinta Somaliland ayaana sheegtay in isku dhaca Suldaan Saleebaan iyo Xildhibaan Garuuje uu sababay hadalo dhowaanahan ay isku marinayeen saxaafadda. Guddoomiye kuxigeenka 1-aad Baarlamaanka Somaliland Siciid Mire Giirre, oo saxaafadda kula hadlay Hargeysa ayaa ku baaqay in lasoo qabto, sharcigana la horkeen Suldaan Saleebaan. Idilnews

Read More

Waxaa garoonka diyaaradaha magaaladda Garoowe ee caasimadda Puntland soo gaaray agabkii doorashooyinka hordhaca ah ee degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn. Agabkan oo ah waraaqaha codbixinta saddexda degmo. Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ayaa sheegay in diyaarinta agabka doorashooyinka hordhaca ah oo socotay bilihii ugu dambeeyay ay mareyso meel gaba-gabo ah. Shacabka kunool degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn ayaa 25 bisha soo socota ee October u dareeraya doorashadii ugu horeysay ee qof iyo cod ah oo ka dhacaysa deegaanada Puntland, waxaana haatan ka socda saddexdaas degmo maalintii afaraad isku soo baxyada Ururrada siyaasadda Puntland ee sagaalka ah. Idilnews

Read More

Dowladda Puntland ayaa dhowaan tababar u soo xiraysa cutubyo kamid ciidammada Daraawiishta Puntland, kuwaas oo muddo bilo ah uu tababar uga socday Gen. Careys ee deegaanka godad ee Gobalka Mudug. Cutubyada ciidanka ah oo ah dhalinyaro laga kala keenay deegaanada Puntland, ayaa la siiyay tababar casri, waxaana dhalinyaradan ay u badan yihiin kuwo ka gaaray Waxbarashada heer dugsi sare. https://youtu.be/-yb6b7d8vgY Saraakiil ka socotay Taliska Ciidammada Daraawiishta Puntland oo gaaray deegaanka Godod ayaa kormeeray Ciidammadan, waxaana ay Ammaan iyo bogaadin u jeediyeen Maamulka iyo macilmiinta dugsiga tababarada Gen. Careys. Idilnews

Read More

Diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa saaka duqeymo culus mar kale ka fuliyay deegaano hoostaga degmadda Ceelwaaq ee gobalka Gedo. Dadka deegaanka ayaa sheegay in duqeyntan oo ku bilaabatay aroortii hore, ay ku dhaawacmeen dad rayid ah, sidoo kale ay ku baabe’een hanti iyo xoolo ay lahaayeen dad reer guuraa ah. Duqeyntan ayaa noqonaysa tii labaad oo todobaadkan ka dhacday gobalka Gedo, Dowlad-gobaleedka Jubbaland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan ka hadlin duqeymahan ay ka wado Kenya gobalka Gedo. Idilnews

Read More

Waxaa lagu wadaa inay maanta ka dhacdo Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho doorashada qaar kamid ah kuraasta Aqalka Sare ee Gobollada Waqooyi. Musharixiinta Aqalka Sare ayaa talaadadii jeediyay khudbadaha, waxaana goor-dhaw xaroon doona ergada dooranaysa lix kursi oo kamid ah 11 kursi ee gobalada waqooyi, sida ay sheegeen Guddiga Maamulka doorashada Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi. Saddex kamid ah kuraasta Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi ayaa aad u adag, waxaana ku tartamaya Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Siyaasiyiin xilal kala duwan kasoo qabtay Dowladda Soomaaliya. lixda kursi ee Aqalka Sare ee doorashadoodu maanta dhacayso ayaa Musharixiinta u…

Read More

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukumadda Soomaaliya ahna Senator-ka la doortay Xasan Xuseen Xaaji ayaa ku qaabilay xafiiskiisa u qeybsanaha arimaha Ciidanka Dowladda Turkiga ee Soomaaliya. Wasiirka Gaashaandhigga iyo Saraakiishan ayaa ka wada hadlay Xoojinta Xiriirka iskaashi ee dhanka Milatariga ee ka dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga. Wasiirka Wasaaradda Gashaandhigga ayaa dowladda Turkiga uga mahad celiyay dadaalka dhismaha Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo taageerada aan kala joogsiga laheyn oo ay siiso. Saraakiisha ka socotay dowladda Turkiga ayaa dhankooda sheegay inay sii laba jibaari doonaan tababarka iyo qalabeynta Ciidamada dowladda Soomaaliya ee dagaalka kula jira Ufurka Al-Shabaab. Dowladda Turkiga ayaa waxaa ay kamid tahay…

Read More

Dawlada Puntland oo ku guulaysatay in markii ugu horaysay ceel biyood laga hirgeliyo deegaanka Yaka-Yaka. Deegaanka Yaka-yaka ee degmada Qardho oo jiray in ka badan 50-sano, dhibaatada bulshadaasi ka cabanaysay waxaa ugu cuslayd biyo la’aan ayba ugu darnayd xiliga abaarta ah, taasina waxay horseeday in qoysas badan ay u guuraan magaalada Qardho iyo deegaanada kale ee ku hareeraysan. https://youtu.be/DZ7R1QqPS-k Deegaanka oo ah xoolo daaqeen waxaa si wayn ugu xiran dadka reer guuraaga ah oo biyo u soo doonta, bulshada deegaankuna waxay xiriiro kala duwan la sameeyeen dawladihii Puntland soo maray, balse ma aysan suurta gelin in loo hirgeliyo ceel biyood.…

Read More

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta khudbad uu kula wadaago xaaladahii u danbeeyay ee dalka u jeediyay qeybaha kala duwan ee Bulshada iyo Hay’adaha Dowlada. Kulankan waxaa ka qeybgalay xubno katirsan labada gole ee Dowlada odayaasha dhaqanka, haween, dhalinyaro iyo dadweyne kala duwan. Madaxweynahu wuxuu diirada ku saaray khudbadan dhinacyada Siyaasada, amaanka, masuuliyada Ra’iisul Wasaaraha ee arimaha Doorashooyinka, kiiska sargaalad ikraan iyo abaaraha ka jira qeybo kamid ah Jubaland. “Mawqifka Jubbaland ee Doorashooyinka waa in dhammaan la ixtiraamo heshiisyadii la wada galay, Ra’iisal Wasaraha shaqo dacal la haysto ma qaban karo shaqadiisa haloo madax baneeyo, isagaa wadanka…

Read More

Madaxwynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Qasriga Madaxtooyada Puntland ku qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Kate Foster. Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha Puntland sida Nidaamka dimuqraadiyadda ee Puntland ku tallaabsatay, xaaladda Covid-19 iyo guud ahaan xaaladda Soomaaliya gaar ahaan sidii xal looga gaari lahaa arrimaha siyaasadda ee taagan. Dowladda Ingiriiska ayaa la wadaagtay madaxweynaha hambalyo ku aadan hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadda Puntland ee guuleystay, waxayna muujisay in Doorashadda hal Qof iyo Hal cod ee ka dhacaysa Puntland ay rajo wanaagsan gelin doonto Soomaaliya inteeda kale. Waxaa kulanka ka qeybgalay Wasiirada Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Qorsheynta, Shaqada iyo shaqaalaha ,…

Read More

Wiil Soomaali ayaa lagu dhawaacay magaalada Toronto ee dalka Canada, kaasoo la sheegay in xaaladdiisa ay aad u daran tahay. Booliska ayaa wada baaritaan la xiriira ciddii ka dambeysa weerarka loo geystay wiilkaasi. Wararka ayaa sheegaya in goobta lagu dhawaacay wiilka uu ku yaallo hool lagu dhigto aroosyada. Mid ka mid ah dadkii goob joogayayaasha ahaa ayaa sheegay in ay u gurmadeen dhaawaca loo geeystay wiilka Soomaaliga ah, isla markaana ay Isbitaal geeyeen. Idilnews

Read More

Qaraxa oo geystay khasaaro kala duwan ayaa ka dhacay Dhismo Dabaq la deggan yahay oo ku yaalla magaalladda Goteborg (Gothenburg) oo ah magaalladda ugu weyn dalka Sweden. Warbaahinta Sweden ayaa war hordhac ah ku sheegay in 20 illaa 25 qof ku dhaawacmeen Qaraxaasi oo aan ilaa iyo haatan la ogeyn waxa uu ahaa Qaraxa ka dhacay Degmadda Annedal ee magaalladda Goteborg oo ku taalla K/Galbeed ee dalkaasi. Warbaahinta Swedish, gaar ahaan Wargeyska Maalinlaha ee Aftonbladet waxa uu tirada dhaawaca ku sheegay 23 qof oo ugu yaraan 3 ka mid ah ay xaalladooda aad u liidato. Dhinaca kale, Kooxaha Gurmadka ayaa…

Read More

Yoweri Kaguta Museveni, Madaxweynaha dalka Ugandha ayaa dhambaal xambaarsan fariin adag u soo diray Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, sida ilo katirsan Villa Somalia u sheegeen Idilnews. Dhambaalkan oo uu shalay soo gaarsiiyay Farmaajo Taliyaha ciidanka Lugta Ugandha ahna Wiilka Madaxweyne Museveni, Gen.Muhorzi Kainerugaba ayaa ku qornaa luuqad kulul, waxaana Yoweri uu u soo jeediyay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inuu la heshiiyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, farahana kala baxo arrimaha doorashooyinka iyo amniga dalka. Sidoo kale, Yoweri Museveni ayaa u sheegay Madaxweyne Farmaajo in hadii laga waayo taas ay Ciidanka Ugandha ee qeybta ka ah AMISOM faraha…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble, ayaa ugu baaqay Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada inay bilaabaan doorashada Golaha Shacabka. Ra’iisul Wasaare Rooble oo maanta khudbad u jeedinayay ergada iyo musharixiinta doorashada Aqalka Sare ee Gobollada Waqooyi, ayaa sheegay inay ka go’an tahay dardar-gelinta doorashooyinka dalka, oo ku dhaca si xor iyo xaxaal ah, isagoona u soo jeediyay madaxda Dowlad Gobaleedyada inay bilaabaan doorashada Golaha Shacabka BJFS. Hadalka Ra’iisul ayaa imaanaya iyadoo inta badan Madaxda Dowlad Goboleedyada ku sugan yihiin xarumaha deegaanadooda, marka laga soo tago Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor oo magaalada Muqdisho ku sugan. https://www.facebook.com/OPMSomalia/videos/3087485274818676 Idilnews

Read More

Waxaa goor-dhaweyd ka bilowday Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho dhageysiga hadal-jeedinta Musharixiinta doorashada Senatorada Golaha Aqalka Sare ee BJFS ku matalaya Goballada Waqooyi. Munaasabadda khudbadaha Musharixiinta Aqalka Sare ee Gobollada Waqooyi ayaa waxaa ka qeybgalaya Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, Guddoomiye Cabdi Xaashi oo kamid ah musharixiinta iyo Ra’iisul Wasaare kuxigeenka XFS. Maalinta berri ayaa la qaban doonaa doorashada qaar ka mid ah kuraasta Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi,sida kursiga kowaad oo ay ku loolami doonaan Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo musharax dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Siciid Cumar Xuseen. Idilnews

Read More

Kolonyo galbinaysay Madaxweynaha Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay ku dilay bartamaha magaalada Garoowe Gabar dhalinyaro ah oo lagu magacaabi jiray Maryan Axmed Caato. Dilka oo dhacay abaaro 11:00 habeenimo ee xalay ayaa yimid kaddib markii gaari Taxi ah ‘Dhaweeye’ oo ay saarneyd marxuumada uu soo dhexgalay kolonyo ciidanka Madaxtooyadda Puntland ah oo galbinayay Madaxweyne Deni oo kasoo laabtay magaalada Qardho. Madaxtooyadda Puntland ayaa dalbatay in la aaso marxuumada, waxaana la filayaa in Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni uu qaabila qoyska gabadha, si uu ugu tacsiyeeyo, uguna wareejiyo diyadeeda. Idilnews

Read More

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Maaliyada Puntland Maxamed Cabdiqadir, ayaa gaari kuwa shaqada ah ku wareejiyay Xisaabiyaha Guud ee gobolka Gardafuu. Wasiirka oo hawloshaqo ujooga Degmada Caluula oo ka tirsan Gobolka Gardafuu ayaa hal kaasi ka hadlay waxana uu sheegey in loo baahan yahay in kor loo qaado dakhli uruurinta Cashuuraha Barriga iyo Badda, maadama hada la gaari karo meel kasta oo Cashuuri ku baaqan jirtey. Xisaabiyaha gobolka Gardafuu Maxamed Axmed Jeeg, ayaa sheegey in ay baahi-weyn u qabeen gaarigan, wuxuuna ballan qaaday in ay laba jibbaarayaan shaqada oo ay tagayaan Xeebaha iyo deegaanada fog-fog, waxana uu aad ugu mahad ceshey Wasiirka, waxaana…

Read More

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa taageero garab istaag u ah u muujiyay Suudaan, isagoona ugu baaqay Jaamacadda Carabta inay oofiso ballanqaadkeeda taageero ee doorashooyinka Soomaaliya Wasiir Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa khadka teleefoonka kula xiriiray dhiggiisa Suudaan, Marwo Dr. Maryam Al-Sadiq Al-Mahdi, oo ay ka wadahadleen xiriirka labo geesoodka ee labada dal ee walaalaha ah iyo siyaabihii lagu xoojin lahaa , laguna qoto dheereyn lahaa. Maxamed Cabdirisaaq ayaa intii wadahadalka teleefoonku socday waxa uu carrabka ku dhuftay xiriirka taariikhiga ah ee dhow iyo wax wadaagga ka dhexeeya labada dal, isagoo dhaleeceeyay isku-daygii afgambigii dhicisoobay ee dhacay aroornimadiiTalaadadii (21-kii September) ee lala…

Read More

Shir dhinaca Khadka Internet-ka ah ee Aalada (Zoomka) una dhaxeeya mas’uuliyiin ka tirsan Bangida Adduunka iyo IMF iyo Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa furmay. Shir ayaa waxaa looga hadlayaa dib u eegis lagu sameeynayo wixii ka qabsoomay Barnaamijka (ECF) ee hanaanka deynCafinta Soomaaliya. Shirka ayaa muddada Todobaadka ah ee uu socdo sidoo kale diiradda lagu saarayaa saameynta Covid-19 ee dhaqaalaha Soomaaliya iyo qaabkii wax looga qaban lahaa. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in ay si wadajir ah dib ugu eegayaan dhameystirka shuruudihii ugu dambeeyay ee hanaanka deyn Cafinta. ” Tani waa fursad weyn oo…

Read More

Safiiradda cusub ee Soomaaliya ee Tanzania Danjire Sahra Cali Xasan, ayaa warqadaheeda aqoonsiga danjirannimo ee Jamhuuriyadda Midowday ee Tanzania ku wareejisay Madaxweynaha dalkaasi , (Marwo) Samia Suluhu Hassan, kadib munaasabad lagu qabtay Aqalka Madaxtooyada oo ku yaalla Caasimadda Dodoma. Danjire Sahra Xasan ayaa la wadaagtay Madaxweynaha Tanzania fariin salaan ah oo ay ka siday Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo”, iyadoo carabka ku adkaysay sida ay uga go’an tahay inay hore u sii wado xoojinta xiriirka iyo iskaashiga laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Tanzania si horumar iyo barwaaqo u gaaraan labada dal iyo labada…

Read More

Hay’adda Dayactirka iyo Hormarinta Waddooyinka Puntland (PHA), ayaa sheegtay in dhaqaale la,aan soo wajahday Hay’adda ay sababtay in laga jarto Korontadii, Biyihii, Internet-kii iyo adeegyadii kale. War-saxaafadeed uu soo saaray Guddoomiyaha Hay’adda PHA ayuu ku eedeeyay Wasaaradda Maaliyadda Puntland inay si sharci-darro ah ula wareegtay dakhligi Hay’adda loogu asteeyay dayactirka iyo horumarinta wadooyinka Puntland. Ugu dambeeyn, Guddoomiyaha PHA ayaa ugu baaqay Golayaasha sharci-dajinta iyo fulinta inay la xisaabtamaan Wasaaradda Maaliyadda Puntland, maadama ay ku xad-gudubtay sharciyadii ay ansixiyeen. Idilnews

Read More

Wararka ka imaanaya degmada Xudun ee Gobolka Sool ayaa sheegaya in dagaal u dhexeeya Ciidanka Somaliland iyo dabley hubeysan oo ka dhacay ka dhacay Xudun lagu dilay Taliyihii Ciidamada Somaliland ee degmadaas. Dagaalkan ayaa yimid kaddib markii Ciidanka Somaliland ay weerareen rag hubrysan oo la sheegay inay ka Ganacsanayeen waxyaabaha maanka dooriyaha. Wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalka ay sidoo kale ku dhaawacmeen askar kale oo ka tirsan Ciidamada Somaliland, kuwaas oo la geeyay Isbitaalka degmada Xudun. Idilnews

Read More

Madaxweynaha Puntland H.E Said Abdullahi Deni, ayaa sheegay in in Urur siyaasadeedka uu hoggaamiyo ee KAAH uu fursad siiyay dadka barakacayaasha ahaa, kuwaas oo hada Ururku usoo sharaxay ka mid noqoshada golaha deegaan degmada Qardho. Madaxweyne Deni oo fagaare ku yaala magaalada Qardho kula hadlay taageerayaasha Ururka KAAH oo isku soo bax maanta sameeyay ayaa sheegay in dadkii horey loogu yaqaanay barakacayaasha ay xaq u yeesheen inay wax doortaan, lana doorto. “Urur Siyaasadeedka Kaah waa Ururka magaca ka badalay dadkii la oran jiray barakacayaasha, oo ka dhigay muwaadiniin reer Qardhood ah, waxaan rajeynayaa in maanta iyo mar horaba aysan barakac…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Taliyaha ciidammada lugta Uganda Gen.Muhorzi Kainerugaba, kaas oo maanta soo gaaray magaaladda Muqdisho. Labada dhinac ayaa ka wada-hadlay howlgalada Ciidanka AMISOM ay ka wadaan Soomaaliya iyo sidii loo dardar-gelin lahaa dagaalka ka dhanka ah Argagixisada. Qoraal lagu baahiyay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay in Ra’iisul Wasaare Rooble uu uga mahadcelyay Gen.Muhorzi Kainerugaba kaalinta muhiimka ah ee ciidammada Uganda ee qeybta ka ah AMISOM & wada shaqeynta kala dhaxeysa ciidammada Soomaaliya. Idilnews

Read More

Madaxweynaha Dowlad-gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay magaaladda Kismaayo ee caasimadda KMG ah ee Jubbaland. Axmed Madoobe ayaa dib uga soo laabtay safar todobaadyo qaatay oo uu ugu maqnaa dalka dibediisa, waxaana uu tagay dalal ay kamid yihiin Kenya iyo Imaaraadka Carabta oo uu kulamo kula qaatay madaxda dalalkaas, wakiilo ka socda beesha caalamka iyo siyaasiyiin soomaaliyeed. Idilnews

Read More

Wakaaladda Hormarinta Biyaha Puntland oo kaashanaysa Hay’adda UNICEF Somalia ay ka hirgalisay kaamka Shangalle ee magaaladda Buuhoodle ee xarunta gobalka Cayn Ceel-biyood cusub, kaas oo baahi weyn ay u qabeen dadka ku jira kaamka. Guddoomiyaha gobalka Cayn Cabdifataax Ciise Maxamed, ayaa xariga ka jaray Ceel-biyoodkan, waxaana uu sheegay in baahi ay u qabeen bulshada kunool kaamkan, isagoona intaas ku daray inuu yahay ceelka ugu biyaha badan gobalka Cayn. https://www.facebook.com/Puntlandstatetv/videos/409704280701083 Idilnews

Read More

Taliyaha Ciidamada lugta Uganda Lt. General Muhoozi Kainerugaba iyo Saraakiil ciidan uu hoggaaminayay oo soo gaaray Muqdisho ayaa maanta si kala gaar gaar ah ula kulmay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble. Lt. General Muhoozi ayaa waxaa dhalay Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, waxaana imaanshihiisa maanta uu ku soo aaday xilli khilaaf uu u dhaxeeyo Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha. Lama oga ujeedka booqashada saraakiishan ka socota dowlada Uganda ay ku yimaadeen dalka inuu la xiriiro sidii ay gacan uga geysan lahaayeen xal u helida khilaafka ka dhexeeya madaxda dowlada federalka Soomaaliya. Madaxweynaha Uganda Yuweri Museveni ayaa hore ugu hanjabay in ciidamada…

Read More

Jarmalka ayaa Isniinta maanta ah galay xaalad siyaasadeed aan hubanti laheyn ka dib markii xisbiga Social Democrats uu si dirqi ah ugu guleystay doorashadii guud ee baarlamaaniga dalkaasi, hase yeeshee waxa uu wajahayaa xisbiga muxaafidka ee ay hoggaamiso Angela Markel oo helay natiijo aad ugu dhow. Dalkan oo 16 kii sano ee ay hoggaamineysay Markel haystay xasillooni ayaa toddobaadyada iyo bilaha soo socda waxa uu galayaa xaalad adag, iyadoo xidbiga SPD ee uu hoggaamiyo wasiirka maaliyadda Olaf Scholz iyo hogaamiyaha xisbiga conservatives-ka Armin Laschet ay ku loollami doonaan in ay helaan axsaab ay dowlad la dhistaan. Natiijooyinka hordhaca ah ayaa…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Deni, Ahna Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka KAAH oo safar shaqo ku yimi Qardho ayaa maanta taageerayaasha Ururka KAAH kala qeybqalay isu soo baxa koowaad ee maalmaha ololaha doorashadda. Madaxweynaha ayaa markii uu qardho soo gaaray qaatay kaarka codbixiyaha si uu u codeeyo doorashada goleyaasha deegaanka ee ka qabsoomaysa Qardho, Ufeyn iyo Eyl , 25- October 2021. Intaasi kadib, Madaxweynaha Ahna Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka KAAH, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni wuxuu taageerayaasha KAAH kala qeybgalay isu soo baxa koowaad ee ololaha doorashada Ururka. Madaxweynaha oo fagaare kula hadlay taageerayaasha Ururka KAAH, wuxuu uga mahadceliyay sida ay cududooda u…

Read More

Markabkii 39-aad ee Ciidanka Badda Shiinaha ayaa ka soo ambabaxay magaalada Qingdao, oo ku taal Gobolka Shandong ee bariga Shiinaha, si uu u fuliyo hawlgal laga fulinyao gacanka Cadmeed iyo biyaha Soomaaliya. Markabkan ayaa waxaa saaran hubka wax burburiya, laba helicopter, waxaana la socda daraasiin katirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee fuliya hawlgallada khaaska ah. Ujeedada Markabkan loogu diray biyaha Soomaaliya, ayaa ah la-dagaallanka waxa loogu yeero argagixisada iyo la-dagaallanka burcad-badeedda, iyo sidoo kale kormeerka badda. Ciidanka Badda China ayaa ka bilaabay hawlgallo gacanka Cadmeed iyo biyaha ka baxsan Soomaaliya Bishii December ee sanaskii 2008. Idilnews

Read More