Halkan ka daawo muuqaalka
Author: Jibril Qoobey
Guddiga golaha Amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa soo saarey qodobo laamaha Amniga ee Jubbaland lagu faraayo sugida Amniga. Halkan ka akhriso
The United States has expressed its “deep concern” about Sudanese President Omar al-Bashir’s declaration of a one-year nationwide state of emergency amid growing anti-government protests. “We continue to evaluate the impact of President Omar al-Bashir’s announcement last Friday,” U.S. Acting United Nations Ambassador Jonathan Cohen told a meeting of the Security Council on Monday. “We’re deeply concerned about the declaration of a national state of emergency and call on the government of Sudan to respect the rights of all individuals in Sudan, bring an immediate end to the violent repression of peaceful protests, and seek accountability for those responsible for…
President @M_Farmaajo arrives in Doha for a meeting with Amir Sheikh Tamim bin Hammad Al Thani of Qatar. It’s @M_Farmaajo second visit to Qatar in less than a year. Farmaajo is expected to meet officials from the Italian Oil company, ENI. Qatar owns shares of ENI. Qatar wants to protect its share and will pressure Farmaajo to accept surrender Somali oceanic territory to Kenya. Fahad Yasin flew to Doha today.
The UN in Somalia has protested what it termed as ‘immigration and taxation problems’ facing its staff in the country accusing the Somali government of violating agreements exempting UN staff from such obligations. In a letter addressed to the Foreign Affairs Minister Ahmed Awad, the United Nations Support Office in Somalia (UNSOS) said close to 1,000 of its staff and contractors have been affected by the visa and tax demands by the federal and state governments despite provisions of the Status of Mission Agreement (SOMA). According to SOMA, between the UN and the FGS, UNSOS said, UN personnel and contractors…
BREAKING: U.S. military hits Al-Dhabaab training camp in Shabeeley, Hiran region killing 20 militants and destroying a vehicle. The camp was used to facilitate attacks on Beledweyne, the region’s capital, per @USAfricaCommand. It’s the 6th airstrike by the U.S. since Saturday.
India ayaa sheegtay inay duqeysay xiro ay kooxda mintidiinta Kashmir ee Jaish-e-Mohammad ay ku leedahay gudaha dalka Pakistan. Kooxdan ayaa dhowaan sheegatay mas’uuliyadda qarax is-miidaamin baabuur ahaa oo laba toddobaad ka hor lala beegsaday ciidamada sida milatariga u tababaran ee qeybta Kashmir ee India, kaasi oo lagu dilay 40 askari. Xogahayaha wasaaradda arrimaha dibedda India, Vijay Gokhale ayaa weerarkan ku qeexay “mid ka hor-tag ah” oo ka dhashay xog sirdoon oo sheegaysay in kooxda Jaish-e-Mohammad ay qorsheyneysay weerar kale oo ismiidaamin ah oo ay ka fuliso India. Gokhale ayaa sheegay in India ay u qaadday tallaabadan si ay u badbaadiso…
Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Qaramada Midoobay ayaa cabasho ka keentay lacago canshuur ah oo ay dowlada Soomaaliya ku soo rogtay shaqaalaheeda ka howlgala dalka Soomaaliya. Xafiiska Qaramada Midoobay ee dalka Soomaaliya ayaa ku tilmaamay lacagaha canshuuraadka ah iyo Dalkugal ay dowlada Soomaaliya ku soo rogtay shaqaalaheeda inay xadgudub ku tahay heshiisyo hore oo ka reebaya shaqaalaha QM in lacago canshuur ah ay bixiyaan. Xafiiska UNSOS ayaa warqad cabasho ah u direy Wasiirka Arrimaha Dibada dowlada Federalka Axmed Ciise Cawad iyadoo lagu sheegay qoraalkaas in illaa kun ka mid ah shaqaalaha Qaramada Midoobay iyo qandaraas qaatayaasha ay saameyn ku yeelatay dalkugal iyo lacago canshuuro ah…
Gabadhan tacaddiga la kulantay waxay ku nooshahay xaafad aad u deggan oo ku taalla deegaanka Maganaaya oo ka tirsan magaalada Addis Ababa, sheekadeedana waxaa kasoo warramay wariye ka tirsan BBC-da. Gabdho yaryar oo ilmo xambaarsan ayaa ka soo baxay daarad albaabkeeda uusan iga fogeyn. Marka aad gabdhaha iyo carruurta ay xambaarsan yihiin isu fiiriso waxaa markiba maskaxdaada ku soo dhacaya iney carruurtan aysan gaarin da’da guurka, iyagoo aan wakhtigii loogu tala galay gaarinna ay hooyooyin noqdeen. Gurigi aan ku soconnay ee ay ku jirtay gabadha kufsiga loo geystay ayaan gudaha u galnay. Waxaan la kulannay gabar 23 jir ah. Wajigeeda…
Veronique Cools, oo ah 25-jir Muslimad ah oo u dhalatay dalka Belgium, waxay sabab u noqotay inay soo islaamaan 1,000 qof . Veronique ayaa la sheegay inay Islaamtay iyadoo aad u da’ yar taasoo ay sabab ugu noqdeen saaxiibadeed Muslim ah iyo daraasad ay iskeed u samaysay, balse waxay gurigeeda u rogtey rug ay leeyihiin Musliimiinta Belgian. Haweenaydan ayaa sheegtay inay dhib ku noqotay inay ka gudubto cuqdaddii ay Muslimiinta u qabtey markii ay daraasadaynaysay Islaamka, balse markii ay taasi dhacday ay sidoo kale ku guulaysatey inay soo Islaamiso xubnaha qoyskeeda dhow. ‘Cuqdadda iyo xumaanta lakala haysto waxay salka ku…
Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Halkan ka daawo muuqaalka
Halkan hoose ka daawo muuqaalka
GAALKACYO (IDIL NEWS)-Howlgallo lagu baadi goobayo cidii ka dambeysay kufsigii iyo dilkii loo geystay Caasho Ilyaas Aadan, ayaa weli ka socda Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobalka Mudug. Ciidamada ammaanka ayaa gacanta ku dhigay 4 Ruux oo lagu tuhmayo inay qeyb ka ahaayeen Falkan arxan darada ah ee lagula kacay Caasho Ilyaas oo aheyd 12 sano jir, sida uu sheegay Guddoomiyaha Gobalka Mudug C/qaadir Xuseen Nuur-dirir. Sidoo kale, Maxkamadda Darajadda 1-aad ee Degmada Gaalkacyo, ayaa saaka amartay in gacanta lagu soo dhigo Gaari Sumadiisu ay tahay GG-682, kaas oo la tuhunsan yahay in lagu keenay Meyka Gabadha. Warar ay heshay Shabakadda…
BOOSAASO (IDIL NEWS)-Shacabka Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Dowladda Puntland, ayaa ka hadlay Howlgalada ka socda Magaaladaas, kuwaas oo ay wadaan Ciidamada Amniga Dowladda Puntland. Shacabka ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin Is-bedelka amni eek a jira Magaalada Boosaaso iyo Howlgalada ciidamadu wadaan eek a dhanka ah kooxaha qeybta ka ah Amni falalka ammaan-darro ee ka dhici jiray Magaalada. Waxay sheegeen in ay tahay wax lagu farxo in laamaha ammaanka Dowladda Puntland oo is garabsanaya inay Xasiliyaan Magaalada Boosaaso, Sidoo kalena ay gacanta kusoo dhigaan Argagixisada dhibta ka waday Boosaaso. Daawo. IDIL NEWS
GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Muadane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qasriga Madaxtooyada Dowladd Puntland ee Garoowe kulan kula qaatay Guddiga dhismaha wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo. Kulanka ayaa muhiimaddiisu ahayd isbarsho guud oo dhex martay Madaxweynaha Puntland iyo Guddiga dhismaha wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo, dar-dargelinta dhismaha wadada, xog guud oo la xidhiidha habsami u socodka iyo caqabadaha jira. Sheekh Maxmuud Xaaji Yuusuf Guddoomiyaha Guddiga dhismaha wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo ayaa ka warbixiyey waxa uu ku saabsanaa kulanka maanta dhexmaray Madaxweyne Deni iyo Guddiga Dhismaha wadada “Maanta waxaa qabsoomay kulankii ugu horreeyey oo dhex maray Madaxweynaha Dowladda Puntland intii la doortey iyo guddiga wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo shirkaasna waxa uu…
KISMAAYO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa qasriga Madaxtooyada maanta ku qaabilay Wafdi ka socday Beesha caalamka gaar ahaan Midowga Yurub oo uu hogaaminayay Madaxa Mashaariicda Hormarinta Jarmalka ee Soomaaliya Mr Marius Rauh. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa wafdiga waxaa uu kala hadlay sidii la isugu xiri lahaa kaalmooyinka iyo Adeegyada hormarinta isla markaana ay u noqon lahaayeen kuwo siman oo wax tar leh. Kulanka ayaa sidoo kale lagaga hadlay sidii loo dardar galin lahaa Mashariicda hormarinta ee ay tahay in la qabto mustaqbalka dhow iyadoo sidoo kale la joogtaynayo kaalmada gargaarka ah ee ay dhinacyadan ku tageerayaan…
GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweyne Ku-xigeenka Dowaladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Madax ka socotey mashruuca horumarinta degmooyinka Puntland ee JPLG oo hugaaminayey maamulaha guud ee mashruuca Mr. Paul Sinkins. Mashruuca horumarinta degmooyinka Puntland ee JPLG ayaa ah mashruuc lagu horumariyo deeganada Puntland oo ay ka faa’iidaystaan degmooyinka Puntland, Isla’markaana ah mashruuc wadooyin loogu sameeyo degmooyinka Puntland. Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cimaan ayaa ku bogaadiyey shaqaalaha iyo madaxda mashruuca horumarinta degmooyinka Puntland ee JPLG horumarka baaxadda leh iyo bilicda wanaagsan ee ay hormuudka u yihiin. Axmed Maxamuud Cali lataliyaha Madaxweyne Ku-xigeenka ee Mashruuca JPLG ayaa…
MUQDISHO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay magaalada Dooxa ee dalka Qatar halkaas oo ay uga bilaabanayso booqasho shaqo oo labo maalmood ah. Madaxweynaha oo martiqaad ka helay Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thaani ayaa kala hadli doona xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar isaga kaashan lahaayeen dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo horumarinta. “Booqashada Madaxweynuhu waxay daba socotaa kulamadii hore ee ay yeesheen Madaxweyne Farmaajo iyo Amiirka Dowladda Qatar, waana mid lagu adkeynayo xiriirka walaaltinimo iyo iskaashi ee labada dal. Qatar waa dal kaalin…
GAALKACYO (IDIL NEWS)-Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dilmuquraadiyadda ee Dowladda Puntland, ayaa shaacisay Xilliga la qabanayo Doorashada Golaha Degaanka Degmada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug. Waraaq kasoo baxday Xafiiska Wasiirka cusub Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Puntland Maxamed C/rixmaan Dhabancad, ayaa lagu War-geliyay Maamulka Gobalka Mudug, Kan Degmada Gaalkacyo iyo Odayaasha dhaqanka in Doorashada Golaha Degaanka Degmada Gaalkacyo ay dhaceyso 25 bisha March ee soo socota. “Waxaa lagu wargelinayaa dhamaan masuuuliyiinta ay warqaddani sida toosk ah ugu socoto iyo kuwo ogeysiinta ku lehba in la dhisayo gollaha degaanka degmada Galkacayo 25/ 03/2019 haddii allah idmo. iyadoo la wafajinayo sharciga NO 7,…
GAALKACYO (IDIL NEWS)-Maxkamada Darajada Koowaad ee Magaalada Gaakacyo ee xarunta Gobalka Mudug, ayaa xukuntay in la soo qabto Gaari lagu tuhmayo in lagu keenay Meydka Rabbi ha u naxariistee Caasho Ilyaas Aadan. Gaariga oo Sumadiisa lagu Sheegay GG-682, ayaa Maxkamaddu Sheegtay in la tuhunsan yahay in lagu keenay Meydka Caasho Ilyaas oo aheyd Gabar Da’deedu tahay 12 jir oo kufsi iyo dil loogu geystay Maalin kahor Magaalada Gaalkacyo. Maxkamadda ayaa Sheegtay in Gaariga uu Magaciisu ku qoran yahay Yaasir Aadan Cali, waxaana Maxkamaddu ay amartay Booliska Gaalkacyo iyo dhamaan laamaha ammaanka Dowladda Puntland in gacanta lagu soo dhigo Gaarigan Akhriso…
GAROOWE (IDIL NEWS)-Guddiga Joogtada ah Baarlamaanka Dowladda Puntland, oo Warbaahinta kula hadlay Goor-dhaweyd Magaalada Garoowe, ayaa kulul u cambaareeyay Falkii arxan darada ahaa ee Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobalka Mudug. Xildhibaanada ayaa Sheegay in ay tahay waxaan la aqbali Karin Falkii Kufsiga iyo Dilka ahaa ee loo geystay Caasho Ilyaas Aadan oo aheyd Gabar yar oo dadeedu tahay 12 Sanno jir, Iyagoona tacsi Tiiraanyo leh u diray Qoyskii Gabadha dhalay. Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland, ayaa Sheegay in tahay Waajib saran inay kula xisaabtamaan Wasaaradda Amniga Dowladda Puntland Dhacdadan, loona baahan yahay laamaha ammaanka in ay sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo…
BOOSAASO (IDIL NEWS)-Ciidamada ammaanka Dowladda Puntland, ayaa weli Howlgallo culus ka wadda Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Dowladda Puntland, Iyagoona Ciidamadu cagta mariyay dhamaan Goobihii looga shakisanaa inay Gabaadka u ahaayeen Kooxaha falalka ammaan darro ka geysta Boosaaso. Goobaha Ciidamadu ay Howlgaladoodii ugu dambeeyay ay ka fuliyeen, waxaa kamid ahaa Xaafada ku dhow Dekedda Boosaaso iyo Goobaha Barakacayaasha, halkaas oo ay ciidamadu kusoo qab-qabteen Dad lagu tuhmayo inay qeyb ka yihiin Falalkii ammaan darro eek a dhacay Boosaaso. Sidoo kale, Ciidamada amniga Dowladda Puntland ayaa gacanta ku dhigay Tahriibayaal badan oo u dhashay Dalka Itoobiya, kuwaas oo tiradoodu gaarayso Boqolaal.…
MUQDISHO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa saaka ku wajahan magaalada Doxa ee Dalka Qatar, taasoo qeyb ka ah booqashada taxanaha ah ee uu ku tagayay dalka yar ee Khaliijka. Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu martiqaad ka helay Amiirka Qatar Hamad bin Khalifa Al Thani, waxaana maalinta berri oo Arbaco ah ku kulmayaan qasriga Diiwaan. Wakaalada Wararka ee Qatar ayaa sheegtay in Madaxweyne Farmaajo iyo Amiirka Qatar ay ka wada hadli doonaan xoojinta Xiriirka Labada dal iyo iskaashiga ka dhaxeeya. Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa uga sii horeeyay Doxa Agaasime kuxigeenka NISA Fahad Yaasiin, waxaana loo…
BELEDWEYNE (IDIL NEWS)-Ciidamadda Mareykanka ayaa dilay qiyaastii 35 dagaalame oo ka tirsan Al Shabaab, kaddib weeraro duqeymo ah oo ay dhawaan ka fuliyeen gobolka Hiiraan ee bartamaha Somalia, sida lagu daabacay qoraal uu soo saaray taliska Mareykanka ee Africom. Mareykanka ayaa duqeytaan ka fuliyey qiyaastii meel 23 mile dhanka bari kaga beegan magaalada Beledweyne, waxa ayna dhacday axaddii lasoo dhaafay sida lagu sheegay qoraalka Africom. Duqeynta waxaa lala bartilmaameedsaday dagaalyahano ka tirsan Al Shabaab oo ku safrayey dhulka baadiyaha ah, waxaana looga dilay 35 dagaalyahan. Weerarkan duqeynta ah ayaa imaanaya bil kadib weerar uu Marekanku dilay 24 dagaalyahan oo ka…
GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa lagu wadda in Maalmaha soo socda uu socdaalkiisii ugu horeeyay ku taggo Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Dowladda Puntland. Socdaalkan oo ah kii ugu horeeyay ee Dr. Siciid C/llaahi Deni uu ugu baxayo Degaanada Puntland tan iyo markii loo doortay Madaxweynaha Dowladda Puntland, ayaa ku qotamo u kuurgalida Xaalada Magaalada Boosaaso iyo dardar-gelinta Howlgalada lagu xaqiijinayo amniga Magaalada eek a socda Boosaaso. Madaxweyne Deni ayaa la filayaa in uu maalmo kooban ku sugnaado Magaalada Boosaaso, Isagoona kulamo la qaadan doona Maamulka Gobalka, Kan degmada, Laamaha ammaanka, Dhaqanka, Ganacsatada iyo Guud…
GAALKACYO (IDIL NEWS)-Ciidamada ammaanka Dowladda Puntland, ayaa howlgallo culus ka wadda Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug, oo shalay ay ka dhaceen Mudaharaadyo ka dhashay Kufsi iyo dil loo geystay Gabar yar. Ciidamada Puntland ayaa Howlgalkan ka wadda Barro Cayiman oo lagu tuhmayo in ay ku nool yihiin kooxo qeyb ka ahaa Dhacdadii carada dhalisay ee loo geystay Caasho Ilyaas Aadan. Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa amray Ciidamada iyo Guud ahaan Laamaha ammaanka Dowladda Puntland in sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo afjaro Kiiska Caasho, lana hor-keeno cid kasta oo ay kusoo cadaato Cadaaladda. Sidoo kale, Guddi…
BELEDWEYNE (IDIL NEWS)-Ciidamo ka tirsan kuwa booliska Soomaaliya ayaa xalay ilaa saakay waxa ay howlgallo baaritaano ah ka wadaan Xaafado ka tirsan Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan halkaas oo saacadihii la soo dhaafay ay ka dhaceen falal amni-darro. Xaafada Howl-Wadaag ee Magalada Baladweyne ayaa Shalay gelinkii dambe, waxaa lagu dilay laba Wiil oo dhalinyaro ah oo la sheegay in mid ka mid ah uu ka tirsanaa Ciidamada Millateriga Soomaaliya iyo qof kale oo Shacab ah. Ciidamada booliska ayaa saakay waxa ay howlgal ka wadaan laamaha ay ka kooban tahay Xaafada howl-Wadaag oo mararka qaar ay dilal ka dhacaan,waxaana wariyeyaal…
Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Halkan hoose ka daawo muuqaalka
GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowaladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka qayb galay 25 sani guuradii kasoo wareegtay markii Hay’adda Diakonia ay ka shaqo bilowday deeganada Puntland. Munaasabadda Sanad guurada 25-aad ee Hay’adda Dikonia ayaa waxaa kasoo qayb galay wefti uu hormuud u yahay Safiirka dalka Sweden ee Soomaaliya Andreas Von Vexkull, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha dowaladda Puntland, saraakiil ka tirsan hay’adda Diakonia, hay’adddaha shaqo wadaagta la ah Diakonia, saraakiil ka socda hay’addaha UN-ka, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dowaldda Puntland iyo masuuliyiin kale. Madaxweynaha Puntland ayaa ugu hambalyeeyey hay’adda Diakonia sanad guurada 25-aad ee kasoo wareegtay markii laga furay xafiiskeedii ugu…
GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kormeer shaqo ku tegey xarunta Golaha Garsoorka Puntland iyo Wasaaradda Maaliyadda Puntland ee magaalada Garoowe. Kormeerka Madaxweynaha ayaa waxaa ku wehelinayey masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha dowladda Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland. Madaxweynaha Puntland ayaa ugu horayn kormeeray Xarunta Golaha Garsoorka Puntland, waxaana uu Madaxweynuhu uga gollahaa kormeerkan korjoogtaynta shaqooyinka baaxaddale ee ay hayaan hawlwadeenada Golaha, sare u qaadidda iyo tayaynta Golaha Garsoorka Puntland. Kusimaha Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta, Wacyi-gelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka Madaxtooyada Puntland Cabdicasiis Maxamuud Maxamed ayaa ka warbixiyey Kormeerka Madaxweynaha. “Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa…
GAALKACYO (IDIL NEWS)-Dhacdadan oo aheyd mid Ugub ku ah Degaanada Puntland, ayaa loo geystay Caasho Ilyaas Aadan oo aheyd Gabar yar, Da’deedu gaareysay 12 sanno jir, taas oo ku nooleyd Xaafadda Siineey ee Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobalka Mudug. Caasho Ilyaas, ayaa Qoyskeedu waayeen Subaxnimadii Shalay, kaddib markii Hooyadeed ay u dirsatay Suuqa si ay uga soo gado Hilib, balse waxaa jidka kasii qaatay Kooxo Arxaan laa wayaal ah, taas oo la ogaaday kaddib markii ay waayeen Qoyskeedu. Gabadhan yar ayaa baaritaan dheer kaddib saaka laga helay Wadada Hormarta Guriga ay degan yihiin Qoyskeedu, kaddib markii ay soo dhigeen Kooxdii…
BAYDHABO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa Maanta oo Isniin ah waxa uu Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay uu k furay Kalfadhiga 7-aad ee Golaha Wakiillada Maamulkaas. Sidoo kale, Kulanka waxaa ku sugnaa Inta badan Xildhibaanada Koonfur Galbeed iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaas Cabduqaadir Shariif Sheekhunaa Maye,iyada oo ay khubad ka jeediyeen Madaxweyne laftagareen iyo mas’uuliyiin kale. Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Cabduqaadir Shariif Sheekhunaa Maye ayaa kulanka Maanta ee Baarlamaanka ka sheegay in Maalinta Arbacadah ah ee soo socota la horgeyn doono Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed si ay u ansixiyaan ama u diidaan.…
MUQDISHO (IDIL NEWS)-Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa Baraha Bulshada lagu faafinayay qoraalo lagu sheegayey in uu jiro khilaaf xoogan uu u dhaxeeya Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali kheyre. Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ayaa been abuur ku tilmaamay wararka sheegaya in uu jiro khilaafkaas,waxaana ka mid ah xildhibaan Cabdi Shakuur Cali Mire,waxana uu sheegay in uusan waxba ka jirin khilaafka la sheegay in uu u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha., Xildhibaan Cabdi Shakuur oo ka mid ah Xildhibaanada u dhow Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in warkaas uu yahay mid ay soo abaabuleen dad mucaarad ku…
AMSTERDAM (IDIL NEWS)-Duqa Degmada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland, ahna Guddoomiyaha Dowladaha hoose ee Puntland Axmed Siciid Muuse, ayaa gaaray Magaalada Amsterdam ee Dalka Holland. Guddoomiyaha iyo Masuuliyiin uu Hor-kacayo ayaa waxaa Holland kusoo dhaweeyay Xubnaha ugu sareeya Jaaliyadda Puntland ee Dalka Holland. Duqa Caasimadda Dowladda Puntland ee Garoowe Axmed Barre, ayaa Dalka Holland uga qeyb-galaya Shir looga hadlayo Hormarinta Degmooyinka, kaas uu kamid yahay xubnaha lagu Casuumay. IDIL NEWS
BELEDWEYNE (IDIL NEWS)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya diyaarado dagaal oo xalay duqeyn ka geystay xarumo Kooxda Al-Shabaab ay ku lee dahay deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan. Wararka ayaa sheegaya in duqeymo ay xalay ka dhaceen deegaanada Oroton, Masara Jibista iyo deegaano kale oo u dhaxeeya Beledweyne iyo Maxaas ee Gobolka Hiiraan. Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka ee qeybta 27-aad ayaa sheegay in duqeyntii xalay khasaare lagu gaarsiiyay Al-Shabaab, inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn. 24-kii saac ee la soo dhaafay diyaarado dagaal ayaa duqeeyay deegaano ka tirsan Shabeellaha Hoose, iyadoo Mareykanka uu war ka soo saaray…
GAROOWE (IDIL NEWS)-Wada-hadalo u dhexeeya Dowladda Puntland iyo Somaliland, ayaa dhowaan ka furmaya Magaalada Addis Ababa ee Xarunta Dalka Itoobiya, kuwaas oo looga hadlayo Xiisada dhuleed ee u dhexeeya labada dhinac. Ilo xog-ogaal ah oo la hadlay Shabakadda Idil News, ayaa Sheegaya in Wafuud ka socota Puntland iyo Somaliland, ay maalmaha soo socda tagi doonaan Addis ababa. Wada-hadalada labada dhinac oo ay garwadeen ka tahay Dowladda Itoobiya, ayaa dhinacyadu ku gaari doonaan is afgarad ku aadan Colaada Puntland iyo Somaliland ee Gobalka Sool ee soo taagneyd muddo ka badan 10 sanno. Wararka ayaa sheegaya in Wada-hadaladan ay dabada ka riixayaan…
GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa ugu baaqay Qurbo-joogta Puntland inay ka qeyb-qaataan Sare u qaadida Dhaqaalaha Dowladda Puntland, si loo xoojiyo Adeegyada loo qabto Shacabka. Madaxweyne Deni ayaa Sheegay in Dowladda Puntland sanadba sanadka ka dambeeya ay kobcayso Baahida ay qabaan Shacabkeedu, taasna ay u baahan tahay in Dowladdu ay hesho dhaqaale lagu kaafin karro baahida Shacabka. Waxaa uu sheegay in Qurbajoogtu ay aad u maalgashadaan Hotelada iyo Ganacsiyadda la nooca ah, kuwaas oo uu sheegay Madaxweynuhu in aysan Dowladdu ka helin Canshuur. Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa ugu baaqay Qurbajoogta Puntland,…
SHARMA SHEIKH (IDIL NEWS)-Waxa sharaf ii ah inaan kamid ahaado masuuliyiinta iyo saaxiibbada sharafta leh ee ka qayb-gelaysa Shir Madaxeedka Midowga Yurub iyo dalalka Jaamacadda Carabta oo markiisii ugu horreysay qabsoomaya. Waxaan Dowladda Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar uga mahadcelinayaa martisoorka heerkiisu sarreeyo ee aniga iyo wafdigayga na loo fidiyey iyo inay martigelisay wadahadalladan taariikhiga ah ee ku aaddan mustaqbalka iskaashiga dalalka Jaamacadda Carabta iyo Midowga Yurub. Shir Madaxeedka Midowga Yurub iyo dalalka Carabtu waxa uu qabsoomay wakhtigii loo baahnaa, wuxuuna adkeynayaa xiriirka labada dhinac oo ku dhisan is-ixtiraam iyo kalsooni, asaaskiisuna yahay iskaashi siyaasadeed iyo dhaqaale oo miradhal ah. Xiriirka…
SHARMA EL-SHEIKH (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaala Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qayb-galay Shir Madaxeedka Midowga Yurub iyo dalalka Jaamacadda Carabta oo ka furmay magaalada Sharm El-Sheikh ee dalka Masar. Shir Madaxeedka Midowga Yurub iyo dalalka Jaamacadda Carabta oo markiisii ugu horreysay taariikhda la qabanayo ayaa waxa xoogga lagu saarayaa sare u qaadidda iskaashiga u dhexeeya dalalka Yurub iyo kuwa Carabta, xallinta caqabadaha ay wadaagaan iyo in laga hawlgalo sidii xasilooni buuxda looga suurtagelin lahaa dalalka Carbeed ee ay amni darradu ka jirto. Madaxweyne Farmaajo ayaa Shir-doceedyo la yeeshay Madaxweynaha dalka Ciraaq Mudane Barham Salih, Ra’iisul Wasaaraha dalka Sweden…
Nin mudo dheer ka tirsanaa hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA laguna magacaabo Norman Hodger oo haatan waayeel ah cuduro badana ay ku dhaceen ayaa isaga oo u waramayey xarunta “The Raiffel Beard” waxaa uu shaaca ka qaadey in mudadii uu sirdoonka ahaa uu isagu ka dambeeyey shirqoolo lagu dilay ama lagu khaarajiyey dad ka badan 37 qof kuwaas oo isagu jirey Siyaasiyiin, Aqoonyahano,Jilayaal iyo Fanaaniin looga shakiyay in ay halis ku yihiin danaha Mareykanka. Mr.Norman Hodger dadka caanka ah ee uu ku fuliyey shirqoolada dilka ah waxaa ka mid aheyd gabadhii jilaaga aheyd ee Mareykanka caanka ka ahayd ee la…
Idi Amin Dada wuxuu ahaa madaxwaynihii dalka Ugandha waxaanu noqday madaxwaynahayaasha ugu layaabka badan taariikhda qarnigii 20aad ee taariikhda milaadiga. Idi Amin Dada wuxuu sannadkii 1973 dalka Israel ku amray in ay is dhiibaan isaga oo haysta saanad ciidan oo kooban, waana wakhtigii uu socday dagaalkii carabta iyo Israel. Idi Amin ayaa ahaa nin muslim ah isla markaasina dalkaasi Ugandha ku qabsaday sannadkii 1971 xukun af ganbi millatari, xilli uu madaxwaynihii dalkaasi bookhasho ku joogay dalka Singapore, madaxwaynahani ayaa intii uu xilka hayay waxa uu sameeyey arrimo dadka reer Ugandha iyo dunnida kaleba layaab ku riday sida; in markii dawladda…
GAROOWE (IDIL NEWS)-Warar lagu kalsoon yahay oo ay helayso Shabakadda Idil News, ayaa Sheegaya in uu baaqday Shirkii Madaxda Dowladda Federalka iyo kuwa Dowlad Gobaleedyada ee loo balansanaa in uu ka dhaco Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland. Shirkan oo sida qorshuhu ahaa loo balamay 20 bisha soo socota ee March, ayaa la sheegay in uu baaqday kaddib markii ay sii kala durkeen Madaxda Dowladda Federalka iyo Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Galmudug, kuwaas oo si weyn ay ukala aragti duwanaayeen. Wararka ayaa intaas Ku daraya in is faham waa uu soo kala dhex galay Madaxda Dowladda Federalka iyo Madaxweynaha Dowladda Puntland…
MUQDISHO (IDIL NEWS)-Boqor Burhaan Boqor Muuse, ayaa wadda abaabul xooggan oo Ku aadan qabashada Shirweyne dib u heshiisiin ah, kaas oo loo qabanayo Bulshada Soomaaliyeed ayna ka qeyb galayaan Isimada dhaqan Dhulka Soomaalida. Boqor Burhaan ayaa haatan Ku sugan Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, halkaas oo Boqorku uu tagaya qaban qaabada Shirkan, Isagoona Muqdisho ka wadda kulamo uu la lee yahay Isimada waa weyn ee ku dhaqan Muqdisho. Shirweynahan oo ah mid balaaran kana dhacay xarunta dhaqanka Soomaalida ee Qardho, ayaa la filayaa in uu qabsoomo Dabayaaqada Sanadkan, iyadoona wararku ay sheegayaan in shirweynahani la qorsheynayo in uu dhaco bisha…
GAROOWE (IDI NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa iska diiday codsi iyo cadaadis uga imaanayay Qoyska Madaxweynihii Hore ee Puntland C/rixmaan Faroole, kaasoo ku aadanaa in uu u magacaabo Maxamed Cabdiraxmaan Faroole Agaasimaha Ciidamada Badda Puntland ee PMPF, sida ay inoo xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ah. Madaxweyne Deni ,ayaa u sheegay Qoyska Senator Faroole in uusan booskaas siin karin, isla markaana uusan ku xadgudbi karin masuulka hada haya xilkaas oo aan wax danbi ah galin. Ilo-wareedyada ayaa intaas ku daraya, in Madaxweynuhu uu Maxamed Cabdiraxmaan Faroole u soo jeediyay in uu u magacaabo la taliyihiisa dhanka ammaanka, kaasoo bishii…
GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabilay Danjiraha Dalka Sweden u fadhiya Soomaaliya Ambassador Andreas Von Vexkull iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayey. Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa waxaa kulanka ku wehelinayey Wasiiru dowlaha Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah Cabdiraxmaan Caydiid Ibraahim, Wasiiru dowlaha Madaxtooyada ee Arrimaha Dastuurka Saalax Xabiib Jaamac iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland. Kulankan uu Madaxweynaha Dowladda Puntland laqaatay Danjiraha wadanka Sweden u fadhiya Soomaaliya, oo ay qayb ka ahaayeen madax ka socotay Hay’adda Diakonia oo uu hogaaminayey Xog-hayaha Guud ee Diakonia Mr. Georg…
MUQDISHO (IDIL NEWS)-Wasiirka arrimaha dibadda iyo Xariirka Caalamiga ah ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, ayaa sheegay in Soomaaliya ay madax u noqoneyso Golaha Wasiirada ee Jaamacada Carabta. Wasiir Cawad ayaa sheegay in lixda bilood ee soo socota ay Soomaaliya qaban doonto Hoggaanka Golaha Wasiirada Jaamacadda Carabta tan iyo sanadkii 1974-kii. Soomaaliya ayaa 10 sano ka hor shir guddoomisay Shirka Golaha Wasiirada Jaamacadda Carabta ee ka dhacay Qaahira, waxaana xilligaas shir guddoomiyay Wasiirkii hore ee Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga C/raxmaan C/shakuur Warsame Wasiir Cawad ayaa ka mid ah wafdiga Madaxweyne Farmaajo ee ka qeyb galaya shirka hoggaamiyayaasha dalalka Carabta iyo kuwa…
MUQDISHO (IDIL NEWS)-War-saxaafadeed kasoo baxay Taliska Ciidanka Mareykanka Afrika ee (FRICOM), ayaa lagu Sheegay in Diyaaradaha Mareykanka ay 4 weerar xalay ay ka geysteen deegaano katirsan gobolka Shabeelaha Hoose. Qoraal lagu daabacay Twitterka Africom, ayaa lagu sheegay in weerarada laba kamid ah ay ka dhaceen deegaanka Kuunya Baroow, mid kale lala eegtay Awdheegle, halka weerarka 4-aadna uu ka dhacay deegaanka Janaale. Mareykanka waxa uu sheegtay iney baabi’iyeen goobo Shabaabka ay Canshuuro ku qaadi jireen, wuxuuna khasaraaha ku sheegay oo kaliya dhimashada laba dagaalame oo Shabaab ah. Howlgalka oo saqdii dhexe ee xalay dhacay ayaa Mareykanka waxa uu sheegtay iney hoggaaminayeen…
GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxwayne Ku-xigeenka dawladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa gudoomiyey shirka Maamul daadajinta iyo horumarinta degmooyinka Puntland oo lagu qabtay Qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe. Shirka waxaa kasoo qayb galay Wasiirada, Wasaaradda Maaliyada, Wasaaradda Caafimaadka, Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska, Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guryaynta, Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha, Agaasimayaasha Wasaaraddaha ka shaqeeya barnaamijka, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland iyo sidoo kale saraakiil ka socday xafiisyada Hay’addaha kala ah UNDP, UNICEF, UNCDF iyo UNHABITAT oo taageera barnaamijkan. Barnaamijka oo galay wejigii saddexaad…
Shir Madaxeedka dalalka Carabta iyo Midowga Yurub oo markii kowaad dalka Masar lagu qabanayo ayaa waxaa looga hadlayaa xoojinta iskaashiga u dhexeeya dalalka Carabta iyo Yurub, xallinta caqabadaha waddamada caalamka horyaalla sida tahriibka, iyo sidii wax looga qaban lahaa xasilooni darrada ka jirta qaar kamid ah dalalka Carabta. Madaxweynaha,ayaa shir-doceedyo la yeelan doona madaxda ka soo qayb-gelaysa shirka isaga oo kala hadli doona xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo dalalka Carabta iyo Yurub. Masuuliyiinta iyo Diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee qaybta ka ah wafdiga Madaxweynaha ayaa dhankooda kulamo gaar ah la yeelan doona dhiggooda dalalka Carabta iyo Yurub, iyaga oo…
Al-shabaab ayaa barahooda waxa ay ku baahiyeen in Xubin katirsan Kooxooda uu fuliyay dilka Xildhibaanka,isla markaana uu si nabad galayo ah uu goobta ugu dhaqaaqay sida ay Shabaabka shegteen.Sidoo kale Al-shabaab ayaa sheegtay in Dilka Xildhibaanka uu ahaa mid qorsheysan.Sikastaba ha ahaate AUN Xildhibaan Cismaan Cilmi boqorre ayaa in muda ah ka mid ahaa Xildhibaanka Golaha Shacabka,waxa uuna ahaa Xildhibaanka ugu da’da weyn ee Golaha Shacabka hadda jira.Madaxda Dalka ugu sareeysa,iyo Xildhibaanka Golaha Shacabka ayaa siyaabo kala duwan ugu tacsiyadeeyay Geerida AUN Xildhibaan Cismaan Cilmi boqorre,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka
GAROOWE (IDIL NEWS)-Wasiirka Wasaardda Maaliyadda Dawladda Puntland Xasan Shire Abgaal, ayaa kulan laqaatay madaxda Baarista guud ee dakhliga Wasaaradda Maaliyadda. Kulankan ayaa ahaa mid Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Xasan Shire iyo madaxda kale ay wax kaga ogaanaayeen shaqada ay qabtaan Madaxda Baarista dakhliga Wasaaradda Maaliyadda. Madaxda Baarista dakhliga ayaa soo bandhigay habka ay uga shaqeeyaan gobolada Puntland,xogta ay hayaan iyo caqabadaha jira ee dhanka shaqada. Wasiirka Wasaradda Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire ayaa madaxda Baarista dakhliga siiyay fulin awaamiir Cusub oo ku aadan shaqadooda Sidoo kake, Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland ayaa madaxda Baarista dakhliga usheegay in baaristoodu noqoto ilaha…
GAROOWE (IDIL NEWS)-Ayadoo ay ku Beegantahay Sanad-guuradii 49aad ee Aasaaska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa Taliye ku-xiggeenka Ciidamka Asluubta Dowladda Puntland Abdulahi Cismaan Liibaan, waxaa uu hanbalayo u diray dhamaan Ciidnaka Asluubta Soomliyeed. Taliye ku-xigeenka Ciidamada Asluubta Dowladda Puntland, ayaa Sheegay in Ciidamada Asluubta oo ah Ciidanka Saddexaad ee Qaranka, ay howlo badan u qabteen intii ay jireen Bulshada Soomaaliyeed, kuwaas oo ah kuwo wax ku ool ah. Waxaa uu Xusay in Ciidamada Asluubta ay ka bad-baadeen Aafadii dalka ka dhacday, oo ay ugu waa weynaayeen Dagaaladii Sokeeye, isla markaasna ay illaa iyo hadda garab taagan yihiin Shacabkooda. Taliye ku-xiggeenka Ciidamka…
GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kormeer shaqo ku tegey Taliska Guud ee Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland ee Xerada 54-aad oo uu tababar uga socdo boqolaal ka tirsan ciidamada Dowladda Puntland. Madaxweynaha Puntland ayaa salaan Sharaf ka qaatay Ciidanka Daraawiishta Puntland ee Xerada 54-aad oo ah goobtii lagu aas-aasay Dowladda Puntland Sanaddii 1998, waxaana uu Madaxweynuhu booqday salaan sharaf kadib qaybaha uu ka kooban yahay Talisku iyo goobta lagu tababarayo ciidamada dhibowga ah. Sidoo kale Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu wehelinayey Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan, (Karaash) ayaa ka qayb galay munaasabad…
MUQDISHO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa u ambabaxay dalka Masar, iyadoo safarkiisa ku soo aaday, maalmo kaddib markii uu ka soo laabtay dalalka Burundi iyo Jabuuti. Wafdiga Madaxweyne Farmaajo ee u ambabaxay dalka Masar ayaa ka qeyb galaya shir Madaxeedka Afrika iyo Yurub, kaasoo ka dhacaya magaalada Sharmal Sheikh. Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu la kulmo Madaxweynaha Masar C/fataax Al Sisi oo xilligan ah Guddoomiyaha Midowga Afrika, iyagoo ka wada hadli doona arrimo kala duwan. Wararka qaar ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu dhiggiisa Masar kala hadli doono Xiisada siyaasadeed ee Soomaaliya iyo Kenya. Masar ayaa…