Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»12 jir Kufsi iyo Dil loogu geystay Magaalada Gaalkacyo (Warbixin)
    Puntland

    12 jir Kufsi iyo Dil loogu geystay Magaalada Gaalkacyo (Warbixin)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 25, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    GAALKACYO (IDIL NEWS)-Dhacdadan oo aheyd mid Ugub ku ah Degaanada Puntland, ayaa loo geystay Caasho Ilyaas Aadan oo aheyd Gabar yar, Da’deedu gaareysay 12 sanno jir, taas oo ku nooleyd Xaafadda Siineey ee Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobalka Mudug.

    Caasho Ilyaas, ayaa Qoyskeedu waayeen Subaxnimadii Shalay, kaddib markii Hooyadeed ay u dirsatay Suuqa si ay uga soo gado Hilib, balse waxaa jidka kasii qaatay Kooxo Arxaan laa wayaal ah, taas oo la ogaaday kaddib markii ay waayeen Qoyskeedu.

    Gabadhan yar ayaa baaritaan dheer kaddib saaka laga helay Wadada Hormarta  Guriga ay degan yihiin Qoyskeedu, kaddib markii ay soo dhigeen Kooxdii Afduubka u geystay Caasho, sida ay Warbaahinta u Xaqiijiyeen Qoyskeedu.

    Kooxda Afduubtay AUN Caasho Ilyaas, ayaa u geystay Falal isigu jira Kufsi iyo Dil, Iyadoona jirkeeda ay ka muuqdaan Dhaawacyo, ay u geysteen Kooxahani intii aysan dilin, sida ay sheegtay Saynab Cabdiwahaab oo ah Hooyada dhashay Caasho oo la hadashay Warbaahin

    https://www.facebook.com/Ayub.Abdikarim.Ali/videos/2070164649725959/

    Banaan-baxyo looga soo hor jeedo Kufsiga iyo Dhaawaca loo geystay Caasho, ayaa ka dhacay maanta Magaalada Gaalkacyo, Dadka banaan-baxa dhigayay ayaana ugu baaqay Dowladda Puntland inay Cadaalad hesho Gabadhan lana soo taago Maxkamad cid kasta oo ay kusoo cadaato Kiiskeedu.

    https://www.facebook.com/ahmed.jama.315428/videos/2261517690771875/

    Guddi dhakhaatiir ah ayaa loo xil saaray iney baaritaan ku sameeyaan maydka, Caasho Ilyaas Aadan oo dhawacyo culus ay ku yaallaan, sida uu sheegay Axmed Diiriye Sugulle, oo ah Madaxa Shaqada iyo Shaqaalaha Isbitaalka guud ee magaalada Gaalkacyo.

    Si Kastaba ha ahaatee, Falkan loo geystay Allaha u naxariistee Caasho Ilyaas, ayaa ah mid ku cusub Degaanada Puntland, Iyadoona si weyn u hadal hayaan Shacabka, kuwaas oo dhowraya Talaabada Dowladdu ka qaado Dhacdan iyo sida ay uga jawaabto..

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay dhismaha Hay’adda ururinta Taariikhda Puntland

    September 7, 2026

    Puntland’s Emerging Maritime Security Role in the Horn of Africa

    September 6, 2026

    XOG: Xubno katirsan NISA oo loo xiray lunsashada Malaayiin dollar

    September 6, 2026
    Latest Posts

    Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay dhismaha Hay’adda ururinta Taariikhda Puntland

    Puntland’s Emerging Maritime Security Role in the Horn of Africa

    XOG: Xubno katirsan NISA oo loo xiray lunsashada Malaayiin dollar

    Kacdoon ka dhan ah Turkey oo ka bilowday K/Soomaaliya

    GEDO: Itoobiya iyo Kenya oo Baarayaal u dirsaday Doollow

    XOG: Xassan Shiikh oo ku jira Isbitaal ku yaal Serbia

    Madaxweyne Deni oo gaaray Degmada Ufeyn

    Puntland iyo USA oo iskaashi militari u bilowday siday qortay warbaahinta Maraykanka

    DEGDEG: Ciidanka Laftagareen oo la wareegay qeybo kamid ah Baydhabo

    Maraykanka oo garaacis ku ekeeyay Xeebaha Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.