Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Madaxweyne Deni “25 sano ee ay shaqayneysey hay’adda Diakonia waan joogey oo waan la shaqeeyey” (Daawo)
    Puntland

    Madaxweyne Deni “25 sano ee ay shaqayneysey hay’adda Diakonia waan joogey oo waan la shaqeeyey” (Daawo)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 25, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowaladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka qayb galay 25 sani guuradii kasoo wareegtay markii Hay’adda Diakonia ay ka shaqo bilowday deeganada Puntland.

    Munaasabadda Sanad guurada 25-aad ee Hay’adda Dikonia ayaa waxaa kasoo qayb galay wefti uu hormuud u yahay Safiirka dalka Sweden ee Soomaaliya Andreas Von Vexkull, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha dowaladda Puntland, saraakiil ka tirsan hay’adda Diakonia, hay’adddaha shaqo wadaagta la ah Diakonia, saraakiil ka socda hay’addaha UN-ka, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dowaldda Puntland iyo masuuliyiin kale.

    Madaxweynaha Puntland ayaa ugu hambalyeeyey hay’adda Diakonia sanad guurada 25-aad ee kasoo wareegtay markii laga furay xafiiskeedii ugu horeeyey Putland, waxaana uu Madaxweynuhu hoosta ka xariiqay inuu si dhaw ula shaqayndoono hay’adda, horena ula shaqayn jirey.

    “Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan kasoo qayb-galo sanadguurada 25-aad markii ay ka shaqo bilawday Puntland hay’adda Diakonia, Waxaan si gaara ugu mahadcelinayaa murwadii halakan shaqada ka bilawday ee Elsie oo aan soo jeedinayno guriga hadda Diakonia loo yaqaano loogu magacdaro, waxaan sidoo kale uga mahadcelinaynaa shaqada wanaagsan ay soo qabatay Diakonia oo buldhig u ahayd horumarka aan ku naaloonayno oo sal dhiggeedu ahaa dhinaca horumarinta bini’aadamka aan ahayn quudin keliyee ahayd mid lagu horumarinayo Puntland” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

    “25 ka sano ee ay shaqayneysey hay’adda Diakonia waan joogey, 25 ka sano oo soo socdana waan la shaqaynaynaa Insha Alla, muhiim ma aha in aan Madaxweyne ahay” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

    Dhinaca kale Madaxweyne Deni ayaa tilmamaay in sanadguurada Diakonia tahay mid lagu soo bandhigayo waxqabadka wanaagsan ee ay Puntland ka qabatay, iyadoo kaashanaysa hay’addaha shaqo wadaagta la ah.

    “Waa xafladd iyo xus taariikhi u ah Puntland oo lagu soo bandhigayo wax qabadka hay’addaha Diakonia kala shaqeeya horumarinta Puntland, waa bandhig aan hadal ahayne qoraal ah, horumarinta xirfadaha haweenka, horumarinta magaaloonyinka Puntland, horumarinta dowladnimada, tacliinta iyo waxqabad kale oo muhiim ah, kuwaas oo ay kusoo bandhigeen muuqaalkii koobnaa, halku dhigga Diakonia ee DAD AYAA ADDUUN BEDELA, waxaan noqonaynaa dadkii ugu horeeyey ee bedela dalkooda gaar ahaan Puntland “

    Daawo.

    https://www.facebook.com/580791179001073/videos/2298625330421989/

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay dhismaha Hay’adda ururinta Taariikhda Puntland

    September 7, 2026

    Puntland’s Emerging Maritime Security Role in the Horn of Africa

    September 6, 2026

    XOG: Xubno katirsan NISA oo loo xiray lunsashada Malaayiin dollar

    September 6, 2026
    Latest Posts

    Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay dhismaha Hay’adda ururinta Taariikhda Puntland

    Puntland’s Emerging Maritime Security Role in the Horn of Africa

    XOG: Xubno katirsan NISA oo loo xiray lunsashada Malaayiin dollar

    Kacdoon ka dhan ah Turkey oo ka bilowday K/Soomaaliya

    GEDO: Itoobiya iyo Kenya oo Baarayaal u dirsaday Doollow

    XOG: Xassan Shiikh oo ku jira Isbitaal ku yaal Serbia

    Madaxweyne Deni oo gaaray Degmada Ufeyn

    Puntland iyo USA oo iskaashi militari u bilowday siday qortay warbaahinta Maraykanka

    DEGDEG: Ciidanka Laftagareen oo la wareegay qeybo kamid ah Baydhabo

    Maraykanka oo garaacis ku ekeeyay Xeebaha Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.