Author: Jibril Qoobey

Kooxda Taalibaan ayaa ka mamnuucday goobaha lagu jarto timaha ee gobolka Helmand in dadka ay garka u gaabiyaan ama ay ka xiiraan. Waxay sheegeen in tallaabadan ay kasoo horjeedo shareecada Islaamka. Booliska Afghanistan waxay sheegeen in qof kasta oo jebiyay xeerkan mamnuucaya gar xiiridda tallaabo laga qaadi doono. Sidoo kale xarumaha timaha lagu jarto ee ku yaalla caasimadda Kabul waxay dhankooda sheegeen in amarradan lasoo gaarsiiyay si ay u dhaqangeliyaan. Amarradan waxay muujinayaan in kooxda ay dib usoo celisay xeerarkii adkaa xilliggii hore ay awoodda hayeen inkasta oo markii ay dhawaan qabsadeen Afghanistan ay sheegeen in xeerar dabacsan ay ku…

Read More

Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub ayaa ku baaqay in la qaado tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu xoojinayo hababka wax-soo-saarka beeraha ee Soomaaliya, iyagoo sheegay in loo baahan yahay tallaabooyin degdeg ah si wax looga qabto caqabadaha iyo saameynta taban ee la xiriirta nafaqo-xumada Soomaaliya, oo leh qaar ka mid ah heerarka nafaqo-xumada ugu sarreeya adduunka . “Intaa waxaa dheer, dhibaatooyinka caalamiga ah sida COVID-19, gurmadka cimilada, wasakheynta, luminta noolaha, iskahorimaadka iyo masiibooyinka kale waxay muujinayaan khataraha iyo nuglaanta weyn ee nidaamka cuntada ee Soomaaliya, taasoo qatar ku ah aadanaha ayaa lagu yiri” bayaan wadajir ah oo soo sareen…

Read More

Waxaa maalintii labaad ka soconaya degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn iyo deegaanada hoostaga olalaha Ururrada siyaasadda Puntland, kuwaas ay isku soo baxyo qabsanayaan taageerayaashoodu. Olalaha oo bilowday shalay, ayaa waxaa lagu furay urur siyaasadeedka Horseed oo uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole, waxaana olalihiisa maanta ka wada saddexda degmo Urur siyaasadeedka KAAH oo uu hoggaamiyo Madaxweynaha Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni. Madaxweyne Siciid Deni ayaa saaka gaaray magaaladda Qardho oo uu haatan uga qeybgalayo isku soo bax ay isugu yimaadeen taageerayaasha Urur siyaasadeedka KAAH. Puntland ayaa markii ugu horeysay abid ay ka dhacaysaa doorasho qof iyo cod ah,…

Read More

Madaxweynaha Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta qaatay kaarka codbixinta Doorashooyinka hordhaca ah ee golayaasha deegaanka degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn. Madaxweyne Deni oo goor-dhaweyd qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay in magaalada Qardho uu ka qaatay kaarka codbixinta oo xaq u siinaya inuu codeeyo doorashada hordhaca ah ee loo madlan yahay 25 bisha soo socota ee October. “Waxaan maanta qaatay kaarka codbixinta Kaasi oo xuquuq ii siinaya inaan codeeyo maalinta doorashada inshallah 25ka October 2021, la’aantiisna aan la codeyn karin.” Siciid Deni, Madaxweynaha Puntland ayaa sida ay shacabka kunool degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn u muujiyeen doorkooda…

Read More

Allah u naxariistee majaajiliistihii caanka ahaa Cabdi Muridi Dheere (Ajakis) ayaa goordhawayd ku geeriyooday magaaladda Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Marxuumka ayaa maalmahan ku jiray mid kamid ah Isbitaalada Muqdisho, kaddib markii maalmo kahor uu kusoo booday xanuun. Idilnews

Read More

Qoraal ka soo baxay guddiga hirgelinta doorashooyinka senatorrada Aqalka Sare ee Somaliland ayaa lagu shaaciyey in dib u dhac uu ku yimid doorashada xubnaha Aqalka Sare oo lagu balansanaa in maanta ay musharaxiintu khudbadahooda jeediyaan, si maalinka xiga ee 28-ka bisha ay doorashadu u bilaabato. “Waxaan ku war gelinaynaa dhamaan musharixiintii isku diiwan geliyay tartanka Doorashada Aqalka Sare ee Somaliland in uu dib u dhac ku yimid hadal jeedintii berri ay jeedin lahaayeen musharixiintu. Dib ayaan kasoo sheegi doonaa wakhtiga,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay guddiga. Jadwalkii horay uga soo baxay Guddigaan ayaa dhigayey in doorashadu ay bilaabaneyso…

Read More

Madaxweynaha Dowlad-gobaleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), iyo Taliyihii hore ee NISA ahna La-taliyaha Amniga ee Villa Soomaaliya Fahad Yaasiin, ayaa xalay kulan ku qaatay magaalada Muqdisho. Kulanka oo ka dhacay hoyga uu Qoorqoor ka degan yahay agagaarka garoonka diyaaradaha Muqdisho, ayaa looga hadlay khilaafka Farmaajo iyo Rooble, iyo loo soo afjari lahaa, sida ay Idilnews u sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay. Axmed Qoorqoor ayaa loo arkaa wadaaga dhow ee Farmaajo iyo Fahad Yaasiin, isagoona lagu eedeeyay dhowaan inuu si dhinac ka raran u waday dhex-dhexaadinta Farmaajo iyo Rooble, taas oo soo dadajisay fashilka xalinta khilaafaadka labada Nin. Idilnews

Read More

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa sheegay in deegaanada Puntland ay maanta ka bilowdeen olalaha Ururrada siyaasadda Puntland, kuwaas oo ay isugu soo baxayaan taageerayaasha Urur kasta. Siciid Deni oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa ugu baaqay taageerayaasha Urur siyaasadeedka uu hoggaamiyo ee KAAH, ee ku sugan degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn, oo ay ka dhacayso doorashada hordhaca ah inay berri ka qeyb qaataan isku soo baxyada Ururka ee ka dhacaya degmooyinkaas, si u muujiyaan taageerada ay u hayaan Ururka KAAH. Idilnews

Read More

Taliska Qeybta Booliska Gobalka Mudug ayaa soo bandhigay magacyada iyo sawirada saddex dambiile oo kufsi wadareed ka geystay magaaladda Gaalkacyo, kuwaas oo baxsaday. Saddexdan dambiile oo magacyadoodu ay kala yihiin ‘Afay Cabdirashiid Cadceed, Khadar Cabdiraxmaan Feyte, iyo Cabdullaahi Aadan Guray’, ayaa Booliska Gobalka Mudug ay sheegeen in qofki soo sheega mid walba oo iyaga kamid ah in lagu abaalmarin doono lacag gaareysa $1,000 (Kun dollar). Booliska Gobalka Mudug ayaa ku wargaliyay shacabka in qofkii arka dambiilayaashaas inuu lasoo xiriiro Numberka 90-5500000, isagoo isticmaalaya Call ka caadiga ah ama Adeegyada Internetka sida Whatsapp,Viber iyo Telagram. Idilnews

Read More

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dilmuquraadiyeynta dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, ayaa ugu baaqay Guddoomiyayaasha dowladaha hoose ee Puntland inay bulshada u soo bandhigaan kharashaadka iyo hantida kala duwan ee degmooyinka ay maamulaan. Wasiir Dhabancad ayaa sheegay in si shacabka Puntland ay ugu dhiiradaan bixinta canshuuraha iyo qaaraanka kale lala wadaago hantida degmooyinka si daah-furan, waxaana uu xusay in tilaabadaas ay meesha ka saarayso tuhunka la xariira in la dhaco hantida shacabka. https://www.facebook.com/Moifad/videos/1554861151531357 Idilnews

Read More

Guddoomiyaha Gobolka Bari Mudane Senator Cabdisamad Yuusuf Maxamed Abwaan, ayaa maanta kulan la qaatay dhalinyarada Gobolka. Kulanka ayaa waxa looga hadlay sidii loo xoojin lahaa isku xirka dhalinyarada iyo maamulka Gobolka, la shaqeeynta laamaha amniga, u qareemida dhismaha Garoonka Kubada Cagta ee Magaalada Bosaaso, Iyo sidii ay dhalinyaradu iskugu xirnaan lahaayeen hal meelna uga soo wada jeesan lahaayeen hormarka Gobolka Bari. Waxa ka soo qeyb galay kulanka Xildhibaan Sharmaarke Ali, taliyaha qeybta Booliska Gobolka Bari, qeybo ka mid ah Isuduwayaasha Wasaaradaha ka howl gala Gobolka, haween, dhalinyaro iyo madax kale oo ka tirsan Dowladda, Guddoomiyaha Gobolka Bari Mudane Senator Cabdisamad…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay Taliyaha Booliska Soomaaliya, Taliska Booliska AMISOM iyo Guddoonka Guddiga doorashooyinka gobollada woqooyi (Somaliland). Kulanka ayaa looga hadlay fududeynta iyo amniga doorashada Aqalka Sare sare ee Somaliland oo toddobaadkan bilaabaneysa. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaana faray Taliska Booliska DFS iyo AMISOM in la adkeeyo Amniga doorashada, lana dhowro dadka ka qeybgalaya. https://www.facebook.com/OPMSomalia/videos/185053073706557 Idilnews Idilnews

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabilay, ergayga qaramada midoobey ee Soomaaliya James Swan iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay ka midyihiin Midowga Europe, Midowga Africa iyo Safiirka Sweden ee Soomaaliya Per Lingarde . Madaxweynaha iyo wakiilada beesha caalamka ka socday ayaa ka wada hadlay arrimaha Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya, sida doorashada taariikhiga ah ee Puntland ka dhacaysa ee hal cod iyo hal qof, doorashada Soomaaliya iyo mashaariicda horumarineed ee ka socda Puntland. “Wuxuu ahaa kulan muhim ahaa oo kusoo aaday wakhti ku haboon, marxaladda cusub ee Puntland gashay oo…

Read More

Guddi iskiis isku xil-saaray oo la magac-baxay “Guddiga xaqiiqa raadinta dilalka qorsheysan ee saraakiisha NISA”, ayaa u gudbiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, warbixino ku saabsan dilalka saraakiil iyo xubno muhiim ah oo katirsanaa Hay’adda NISA, kuwaas oo la dilay intii uu Hay’adda maamulayay Fahad Yaasiin, loona xaglinayo dilkooda inuu ka dambeeyay. Nuqul kamid ah warbixinada oo ay Idilnews ayaa muujinaya dilalka saraakiil sare oo muhiim ahaa Hay’adda NISA, oo lagu dilay magaalada Muqdisho, ama aan la heyn nolal iyo geeri. Halkaan hoose ka Akhriso mid kamid ah warbixinada oo ay heshay Idilnews. Ku: Ra’isal Wasaare Mohamed…

Read More

Diyaaradaha dagaalka dalka Kenya ayaa xalay waxaa ay duqaymo xoogan ka geysteen degaano hoostaga Degmadda Ceelwaaq ee gobolka Gedo. Diyaaradaha oo joog hoose ku socday ayaa duqeeyay degaannada kala ah, Warbeele. buralaha samaroole iyo golgola Cali, halkaas oo ay kunool yihiin dad Xoolo dhaqato ah. https://www.facebook.com/watch/?v=4982354885113452&extid=NS-UNK-UNK-UNK-AN_GK0T-GK1C&ref=sharing Idilnews

Read More

Falanqeyn ay Qaramada Midoobey ku sameysay dilalka diiwaangashan ee dagaalka 10-sano ka socda dalka Suuriya ayaa lagu ogaaday in qiyaastii 350,000 oo qof oo rayid ah la dilay intii u dhaxaysay bishii March 2011 oo ku aaddan markii ay qarxeen qalelaasaha dadlkaas iyo March ee sanadkan. Xafiiska Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa xil iska saaray falanqaynta, una soo gudbiyay natiijooyinka Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay, waxaana xafiiskan uu joojiyay tirinta dhimashada dagaalka sokeeye sanadkii 2014, iyado sababatana ay ku sheegeen uruurinta macluumaadka la xaqiijin karo oo noqotay mid aad u adag oo khatar badan. Madaxa Xuquuqda Aadanaha ee…

Read More

Maamulka Taalibaan ee magaalladda Herat ee Galbeedka dalka Afganistan waxay ku dileen, isla markaana ay Wiish ka soo lalmiyeen 4 qof oo ku eedeysnaa inay afduubteen Ganacsade Deegaanka iyo Wiil uu dhalay. Ku-xigeenka Guddoomiyaha Gobalka Herat, Sheer Axmed Amar ayaa sheegay in dableyda lagu dilay is-rasaasayn, xilli ay doonayeen inay La-haystayaasha la baxsadaan, iyadoo lagu dilay bar Kontorool oo ay Daalibaan ku leeyihiin nawaaxiga Deegaankaasi. Askari ka tirsan kuwa Taalibaan ayaa ku dhaawacmay iska horimaadkaasi. Maydadka dableyda waxaa loo soo qaaday Bartamaha magaallada, iyadoo meel fagaare ah lagu lalmiyey maydadkii, waxaana Baraha Bulshada soo dhigay Muuqaalka iyo Sawirada Maydadka oo…

Read More

Recep Tayyip Erdoğan, Madaxweynaha dalka Turkiga oo ka hadlay muhiimada munaasabaddan ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Dhammaan mashaariicda halkan lagu soo bandhigay waxay ka dhasheen wadashaqayn kooxeed oo ay ku jiraan iskuulo, macallimiin iyo qoysas. Ka sokow dadaalka dhallinyaradeenna, waxaa sidoo kale mahad leh hodantinimada iyo kartida Turkiga,” Madaxweyne Erdoğan ayaa markale guul u rajeeyey Teknofest mar uu ka hadlayey muhiimada ay leedahayna wuxuu yiri “Halkan waxaan ku arki karnaa saynisyahanno guulaystay, injineero, farsamo -yaqaanno, cilmi -baarayaal iyo kuwa ka shaqeeya berrinka, kuwaas oo hagi doona mustaqbalka Turkiga. Dhalinyarada maanta ikhtiraacday Teknofest, waxaan rajaynayaa, inay noqon doonaan naqshadeeyeyaasha Turkiga 2053 iyo…

Read More

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Faderalka iyo Dimuqraadiyeynta dowladda Puntland ayaa maanta magaalada Garowe ku qabatay Shirka Dib-ueegista Miisaaniyadda Dowladdaha Hoose iyo Qorshaha Howleedka ee sanadka 2021. Daah_furka Shirkaan waxaa ka soo qayb galay Wasiir ka socday Wasaaraddaha adeeg bixiyaasha, Guddoomiyaasha Degmooyinka Puntland, saraakiil ka socotay Bahwadaagta Wasaaradda UNJPLG, iyo marti sharaf kala duwan. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Faderalka iyo Dimuqraadiyeynta DPL mudane Maxamed Dhabancad oo uu Wehlinayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, DPL ayaa si Rasmiya u Daah furay Shirka dib u eegista Miisaaniyada Dowladdaha Hoose iyo Qorshaha Howleedka ee sanadka 2021. https://www.facebook.com/Moifad/videos/944610273068538 Idilnews

Read More

Golaha Midowga Musharixiinta ayaa waxaa ay sheegeen inay si hdow ula socdeen wada-hadalaldii lagu dhex-dhexaadinayay Madaxweynaha Muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullahi Farmajo & Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, kuwaas oo ugu dambeyn fashil ku dhamaaday. Qoraa laba Bog ka kooban oo kasoo baxay Midowga Musharixiinta ayaa waxaa lagu sheegay in Ra’iisul Wasaare Rooble uu sameeyay tanaasul weyn, balse Madaxweynaha xiliisa dhamaaday uu diiday xalinta khilafka, isaga oo doonaya in uu dib u ceshado doorashada & amniga si loo xagal daaciyo Cadaalad u radintaIkraan Tahliil. Golaha Midowga Musharixiinta ayaa waxaa ay soo jeediyeen 6 qoodb oo ku socda…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa qaabilay guddiga u qareemayasha Kootada Haweenka ee Baarlamaanka Soomaaliya. Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha Doorashada Soomaaliya iyo sidii Haweenku uga heli lahaayeen kooto ku filan Baarlamaanka, waxaana Guddigu uga mahadceliyay Madaxweynaha Puntland fursada uu Dowladda Puntland kasiiyay Haweenka iyo sida uu kooto uga siiyay xubnaha Aqalka Sare ku metala Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa la wadaagay guddiga kaalinta ay Haweenku ku leeyihiin dhismaha dowladdnimada Soomaaliyeed, isagoo xusay in Dowladda Puntland ay tixgelinayso kootada Haweenka. Waxaa kulanka ka qeybgalay Guddoomiyaha Ururka Haweenka Soomaaliyeed Batuulo Shiikh Axmed Gabale oo hoggaaminaysa…

Read More

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud, Gaadiidka iyo Guriyeynta Puntland Axmed Bashiir Muuse (Cirro), iyo Wafti uu hoggaaminayo ayaa gaaray degmadda Baargaal ee gobalka Gardafuu. Ujeedada socdaalka Waftiga oo qeyb ka yihiin Wasiiru-dowlayaasha Wasaaradaha Maaliyadda iyo Kalluumeysiga ayaa la xariirta hagaajinta iyo dayac-tirka Wadooyinka, kobcinta dakhliga, Kalluumaysiga iyo guud ahaan xaalada maamulka iyo Amniga gobalka Gardafuu. Madaxda Dowladda Puntland, ayaa muddooyinkan safaro shaqo oo isdabajooga ku tegay deegaamada fogfog ee Puntland si wax looga qabto baahiyaha ka jira Deegaanadaasi. https://youtu.be/QhFC2KXhuzc Idilnews

Read More

Wasaaradda Caafimaadka xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in 24-tii saac ee lasoo dhaafay la baaray 1,667, balse la cudurka laga helay 140 Ruux, kuwaas oo laga diiwaangeliyay Muqdisho & Gobolada dalka. Dadka Cudurka laga helay ayaa waxaa ay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya sheegtay inay kala joogaan ,Puntland 27 qof, Somaliland, 105, Galmudug 3 iyo Jubbaland oo laga diiwaangeliyay 5 Ruux. Sidoo kale War kasoo baxay Wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in dadka cudurka laga helay ay kala yihiin 95 Rag ah iyo 45 Dumar ah, halka cudurka ay ugu geeriyoodeen 4 ruux oo ku sugnaa…

Read More

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa si adag u cambaareeyay falkii argagixadu maanta dad shacab ah kula beegsadeen degmada Xamar jajab ee Gobolka Banaadir “Waxaan cambaareynayaa falkii waxshinimada ahaa ee maanta ka dhacay Muqdisho, kaas oo argagixisadu ku laayeen dad shacab ah oo aan waxba galabsan” ayuu yiri Wasiir Cabdullaahi Maxamed Nuur Wasiirka ayaa qoysaskooda iyo ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay shacabkii ku geeriyooday weerarkaas bahalnimada ah. “Waxaan tacsi u dirayaa qoysaska shacabkii birimageydada ahaa ee ku naf waayay falkaas bahalnimada ah ee argagixisadu geysteen, anigoo Eebbe uga baryaya in uu naxariistii janno ugu deeqo, ehekoodiina Samir iyo…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa tacsi u diray dadkii ku dhintay qaraxii xooggaa ee maanta magaalada Muqdisho oo lagu beegsaday dad u badan shacab. Qarax maanta oo ka dhacay Isgoyska Ceelgaabta oo uu ku yaalo mid kamid ah kantaroolada laga ilaaliyo Amniga Villa Soomaaliya, ayaa waxaa ku dhintay ilaa 10 ruux oo isugu jira askar iyo shacab. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa amray xaqiijinta ammaanka caasimadda, isagoona ku baaqay in loo midoobo dagaalka ka dhanka ah Argagixisada. https://youtu.be/dHbHFOzdl0Q Idilnews

Read More

Shir looga hadlayo xoojinta Amniga Gobalka Bari ayaa maanta ka dhacay magaaladda Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, waxaana ka qeybgalay Guddoomiyaha Gobalka Bari, Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka, Duqa degmadda Boosaaso iyo Saraakiil kamid ah Hay’adaha Amniga Puntland. Shirka oo ahaa wejigii labaad ee shir noociisa oo kale ah ayaa si weyn looga hadlay sidii laga yeeli lahaa xaaladda ammaanka Gobalka Bari, madaama Boosaaso ay ka mid tahay meelaha lagu qaban doono Doorashada Kuraasta Aqalka Hoose BJFS. https://youtu.be/bQ–j5ZUYlM Idilnews

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka KAAH, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta daah-furay Ololaha Ururadda Siyaasadda Puntland oo todobaadkan ka bilowmaya degmooyinka Qardho, Ufeyn iyo Eyl oo ay ka dhici doonaan doorashooyin hal Qof iyo hal cod ah. Madaxweynaha ayaa la wadaagay bulshada in shaqo adag laga soo maray in maanta lasoo gaaray ololaha ururadda Siyaasadda iyo codeynta dadweynaha oo ah riyadii bulshada Puntland oo rumowday, wuxuuna bogaadiyay Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland (TPEC), Hay’adda PDRC , Dallada Ururadda Bulshada ee PUNSAA iyo dhammaan dadkii ka shaqeeyay shaqada wanaagsan ee qabsoontay. https://youtu.be/sQCY-1M0voE Madaxweynuhu wuxuu sheegay in Dowladdu…

Read More

Madaxwaynaha Dowladda Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Ayaa maanta kulan la qaatay qaar katirsan Senatarada Jubbaland ku matala Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaano katirsan Golaha Shacabka, Guddoomiye ku-xigeenka Golaha wakiilada Jubbaland iyo wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada ee Jubbaland. madaxwaynaha ayaa masuuliyiinta uga warbixiyay xaaladda siyaasadeed ee dalka gaar ahaana arrimaha doorashooyinka iyo amniga. Madaxwayne Axmed Maxamed Islaam iyo wafti uu hoggaaminaayo ayaa la filayaa in ay dib ugu soo laabtaan Magaalada Kismaayo. Idilnews

Read More

Madaxweynaha Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka hadlay khilaafka Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxmed Xuseen Rooble. Madaxweyne Deni ayaa sheegay in Farmaajo uu bishii May meel fagaare ah uu Ra’iisul Wasaaraha ugu wareejiyay mas’uuliyadda Doorashooyinka iyo Amniga, isagoona ku tilmaamay nasiib darro in maanta khilaaf taagan yahay. “Madaxweynuhu bishii Maay ayuu si cad sheegey in uu amniga iyo doorashooyinka Raysal Wasaaraha ku wareejiyey, wixii lagu heshiiyey in laysku khilaafo waxay ceeb ku tahay dadkii heshiis kaas galay, madaxweynaha waxaan u soo jeedinayaa in uu siduu ballanqaaday uu Raysal Wasaaraha u madax baneeyo”.…

Read More

Qarax Ismiidaamin ah ayaa goor-dhaweyd ka dhacay Isgoyska ceelgaabta ee magaalada Muqdisho, kaas oo ku dhow mid kamid ah afaafka hore ee madaxtooyadda Villa Soomaaliya. Qaraxan oo jugtiisa laga maqlay inta badan xaafadaha magaalada Muqdisho ayaa sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Dadka qaraxa ku dhintay ayaa isugu jira Askar iyo shacab. Laamaha Ammaanka iyo kooxaha gurmadka deg deg ah ayaa goobta gaaray, waxaana ay halkaasi ka qaadeen dhaawacyada dadkii ay waxyeelado soo gaartay, waxaana sidoo kale ay damiyeen dab ka kacay gaadiid qaraxa uu qabsaday. Idilnews

Read More

Ururka ay ku mideysaniyiin Qareennada Soomaaliyeed ee qurbajoogta ah oo fadhigiisu yahay magaalada Melbourne ee waddanka Australia ayaa dacwac ka dhan ah dowladda Soomaaliya u gudbiyay maxkamada caalamiga ee dambiyada dagaalka ee ICC ee magaalada The Hague. Guddoomiyaha ururka qareenada Soomaaliyeed ee Qurbajoogta Garyaqaan Yuusuf Cabdi Faarax, oo wareysi siiyay VOA-da ayaa sheegay in Maxkamadda ICJ ay ka aqbashay qabashada dacwaddan, isla markaana ay jawaab ka heleen inuu gaaray dukumiintiga, balse ay ku xiran tahay sida ay fursadooda tahay oo ay kiisaska u kala horumarin lahaayeen. “Maxkamadda Dabmiyada Caalamiga way naga aqbashay afarta kiis ee kala ah: Ikraan Tahliil, xasuuqii…

Read More

Waxaa maalintii lixaad ka soconaya degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn qaadashada kaararka aqoonsiga cod-bixiyayaasha doorashooyinka hordhaca ah ee golayaasha deegaanka Puntland. kaararkan ayaa la siinayaa dadkii horey isku-diiwaangaliyay, kuwaas oo ka qeyb-qaadanaya doorashooyinka hordhaca ah ee saddexda degmo ay kusoo dooranayaan xubnaha ku matalaya Golayaasha deegaanka, sida ay sheegeen Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland ee TPEC. Guddiga TPEC ayaa sheegay in bixinta kaararka ay soconayso ilaa 27 bishan September. Shacabka kunool degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn ayaa 25 bisha soo socota ee October u dareerayay doorashadii ugu horeysay ee qof iyo cod ah ee ka dhacda Puntland, taas oo…

Read More

Khilaaf xooggan ayaa soo kala dhexgalay Madaxweynaha Dowlad-gobaleedka Hirshabelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe), iyo Madaxweyne kuxigeenka Yuusuf Maxamed Hagar (Dabageed). Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Idilnews in Khilaafkan uu salka ku hayo kaddib markii Madaxweyne kuxigeenka Hirshabelle uu dalbaday in si gaar ah loogu xiro kursi musharax uu wato, taas oo uu ka biyo diiday Cali Guudlaawe. Khilaafkan ayaa sababay hakad ku yimid doorashadii Aqalka Sare ee BJFS maalmahan ka socotay magaaladda Jowhar, taas oo ay harsan yihiin 2 kursi, wararka ayaana sheegaya inay socdaaan dadaalo xal loogu raadinayo khilaafka labada masuul. Idilnews

Read More

Hay’adda cuntada adduunka ee WFP ayaa ku dhawaaqday inay jarayso raashinkii ay siin jiray 440,000 oo qaxooti ku nool dalka Kenya, kaddib dhaqaale xumo soo wajahday Hay’adda. Warbixin ay soo saartay WFP ayay ku sheegtay in Hay’adda aysan helin dhaqaalihii ay bixin jireen deeq-bixiyayaasha, maadama uu dhaqaalaha dunida saameyn balaaran ku yeeshay cudurka COVID-19. WFP ayaa ugu baaqday dalalka deeq-bixiyayaasha ah, gaar ahaan Mareykanka, Canada, Midowga Yurub, Ingariiska, Japan iyo Sacuudiga in Hay’adda loogu yabooho Malaayiin dollar, si looga hortago macluul soo wajahday dadka kunool xeryaha qaxootiga Kaakumo iyo dhadhaab ee dalka Kenya. Idilnews

Read More

Taliyihii hore ee caanka ahaa ee bilayska diinta ee Taliban ayaa sheegay in ciqaab xad dhaaf ah sida dil iyo gacan goyn ay ka bilaaban doonaan dalka Afghanistan oo ay qabsadeen. Mullah Nooruddin Turabi, oo hadda mas’uul ka ah xabsiyada, ayaa AP News u sheegay in dadka oo gacmaha laga gooyo ay “lagama maarmaan u tahay amniga”. Wuxuu sheegay in ciqaabtan laga yaabo inaan lagu fulin meel fagaare ah, maaddaama dhaqaankaas uu ahaa mid ka jiray maamulkii hore ee Daalibaan 1990 -meeyadii. Laakiin wuxuu meesha ka saaray carada ay dadweynaha ka qabeen dilalkii hore ay kooxdu u fulisay, waxaa uuna…

Read More

Kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa waxaa qarax miino nooca dhulka lagu aaso ah lagula eegtay duleedka degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe. Qaraxa lala eegtay Ciidanka AMISOM gaar ahaan kuwa kasoo jeeda Burundi ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo gaaray Ciidamo saarnaa gaari kamid ah Kolonyada oo kusii jeeday Mahadaay. Al-shabaab warar ay ku qoreen barahooda Internet-ka ayaa waxaaay ku sheegteen in qaraxii ka dhacay duleedka degmada Mahadaay ay ku dileen 7 Askari oo ka tirsan Ciidanka Burundi, halka kuwo kalena dhaawac uu soo gaaray. Sidoo kale…

Read More

Waxaa maanta lagu qabanayaa magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland Shirweynaha daah-furka olalaha Ururada siyaasadda Puntland, kaas oo ay ka qeybgalayaan Hoggaanka 9 Urur, Bulshada rayidka ah iyo xubno ka socda deeq-bixiyayaasha. Madaxweynaha Puntland ahna Guddoomiyaha Ururka KAAH Dr. Siciid Cabdullaahi Deni, oo daah-furaya olalahan ayaa la filayaa inuu ka jeediyo shirweynahan khudbad uu uga hadlayo hanaanka dilmuquraadiyeynta Puntland, oo xukuumaddiisu ay galisay dadaal badan hirgalinteeda. Degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn ayaa lagu wadaa inay berrito ka bilowdaan olalaha Uruurrada siyaasadda Puntland, kuwaas oo qabsanaya banaanbaxyo ay ku muujinayaan qorshayaashooda iyo baaxada taageerayaashooda ay kusoo bandhigayaan, iyadoo 25 bisha soo socota…

Read More

Ciidanka Amniga Puntland ee PMPF ayaa howlgallo lagu xoojinayo Amniga ka sameeyay magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland. Howlgalkan oo ah mid qorsheysan ayaa ka dhan ahaa kooxaha Argagixisada ah, waxaana Ciidammadu baaris ku sameeyay gaadiidka iyo qaar kamid ah xaafadaha magaalada Boosaaso. Qoraal lagu baahiyay barta Facebook Ciidanka PMPF Puntland, ayaa lagu sheegay in yoolkii laga lahaa howlgalka lagu guuleysta, iyagoo intaas ku daray inay sii wadi doonaan howlgalada ka dhanka Argagixisada. Idilnews

Read More

Madaxweynaha Jabuuti Ismaciil Cumar Geelle ayaa xalay khudbad horay loo duubay ka jeediyay shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee ka socda magaalada New York ee dalka Mareykanka, isaga oo ka hadlay arrimo dhowr ah. Madaxweyne Geelle ayaa khudbadiisa waxaa uu uga hadlay xaaladda Soomaaliya, dagaalka Itoobiya iyo sidii la iskugu soo dhaweyn lahaa Jabuuti iyo Eritrea. Waxaa uu sheegay in jabuuti ay ka go’an tahay sidii ay ugu tilaabsan laheyd wadamada geeska Afrika mustaqbal ku dhisan nabadgelyo iyo xasilooni leysku haleyn karo iyo maskax dhaqaalenoo ay ka wada faa’iideystaan dhamaan wadamada Geeska Afrika, sidoo kalena uu ka xun yahay…

Read More

Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee khilaafka Farmaajo iyo Rooble oo lagu guuldareystey in xal laga gaaro. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraal uu soo dhigey bartiisa waxa uu ugu baaqay shacabka,Beesha Caalamka iyo Madaxda Maamul goboleedyada inay ku garab istaagaan Ra’iisul Wasaare Rooble arrimaha doorashooyinka iyo kiiska Ikraan Tahliil Halkaan hoose ka Akhriso qoraalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Ujeedka ugu wayn ee uu Farmaajo ka lahaa wadahadalka waa in kiiska Ikraan la xagal daaciyo, waqti la iibsado, si uu uga soo kabto filasha waagii xilka looga qaaday agaasimihii hore ee NISA, iyo in la hakiyo dardarta RW…

Read More

Maxkamadda Caalamiga ee Cadaaladda Adduunka ICJ ayaa soo saartay qoraal lagu cadeeynayo waqtiga rasmiga ah ee go’aanka kama dambeysta ay ka soo saari doonaan kiiska dacwadda Baddeena ee Kenya nagu heesato. Warqad kasoo baxday Maxkamadda ayaa waxaa lagu sheegay in ay go’aan kama dambeysa ah ka gaari doonto dacwada baddeena ee Kenya nagu heesato marka lagaaro 12-ka October 2021-ka, 3:00-da galabnimo xilliga Hague. Idilnews

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta oo Jimce ah Qasriga Madaxtooyada kulan Qado sharaf ah ugu sameeyay Caruurta Agoonta ah ee ku jirta xarunta agoomaha ee Garoowe. Munaasabadda waxay isugu jirtay booqasho Caruurta loogu sameeyay Madaxtooyada iyagoo qeyb qeyb u booqday dhismeyaasha iyo xafiisyada Madaxtooyadu ka koobantahay, intaasi kadib waxay kulan la qaateen Madaxweynaha Dowladda Puntland oo xaladaada ka xogwareystay. Maamulka, macalimiinta xarunta Agoomaha iyo Caruurta Agoonta ahba waxay ka mahadceliyeen Qado Sharafta, Kulanka iyo in marwalbo uu xaaladooda si hoose ula socdo Madaxweynaha Dowladda Puntland, waana markii labaad ee uu kulan kula qaadanayo Madaxtooyada. Idilnews

Read More

Qarax ismiidaamin oo uu geystay qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa goordhaw ka dhacay goob maqaaxi ah oo ku taalla agagaarka Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho. Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa la sheegau in uusan geysan wax khasaaro ah marka laga reebo dhimashada qofka isqarxiyey, sida uu shaaciyey Taliska Booliska Soomaaliya. Afhayeenka Booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku yiri, “24-09-2021 Abaaro 15:03 PM waxaa Qarax ismiidaamin qof naftii halliga ah isku qarxiyey inta u dhaxaysa Isbitaal Madiina iyo Villa Baydhaba, ma jiraan wax khasaare ah ee…

Read More

Wasiiru dowlaha madaxtooyada dowlad goboleedka Galmudug Cumar Shido ayaa xaqiijiyay inay fashilantay waan-waantii madaxweynaha Galmudug uu maalmihi la soo dhaafay ka dhex waday madaxda Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Rooble oo khilaaf weyni uu soo kala dhexgalay. “Sidaad lawada socoteen Madaxweyne Galmudug Ahmed Abdi Kaariye (Qoorqoor) oo maalmahan ah ku howlanaa xalinta khilaafka ka dhashay kiiskii Ikraan Tahliil, oo sababay muran aad u balaaran, oo u dhaxeeyo Madaxweyne Farmaajo iyo Raisal wasaare Rooble. Dadaal badan oo uu bixiyay Madaxweynaha Galmudug oo marxalado badan soo maray iyadoo xiliyada qaar ay shirarku qaadanayeen ku dhawaad 18 saac, ayaa gunaanadkii wuxuu caawa kusoo…

Read More

Waxaa maanta Aqalka Madaxtooyada Jubbaland ka dhacay shirka Todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirda Dowlad Goboleedka Jubbaland oo uu shir guddoominayay Madaxweyne ku xigeenka 2-aad ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane Suldaan Cabdiqadir Xaaji Maxamuud. Shirkan oo ay soo xaadireen inta badan xubnaha golaha wasiirada Jubbaland ayaa waxaa ugu horreyn warbixin ku saabsan xaaladda Siyaasadda iyo arrimaha doorashooyinka looga dhagaystay Mudane Cabdiqadir Xaaji Maxamuud Madaxweyne ku xigeenka 2-Aad ee Jubbaland. Waxaa sido kale inta uu shirka socday warbixinno laga dhagaystay Wasaaradaha kala ah Amniga gudaha, Maaliyadda iyo horumarinta dhaqaalaha, Deegaanka iyo dalkiiska iyo Wasaaradda Kalluumaysiga iyo khayraadka badda Jubbaland, dhamaantood waxay soo bandhigeen…

Read More

Booliska caasimadda Puntland ee Garoowe ayaa kala eryay dad buuq ka abuuray afaafka hore ee laga galo garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee Garoowe, kuwaas oo la sheegay inay soo dhaweyn lahaayeen Wasiirka Qorsheynta DFS Jamaal Maxamed Xasan. Dadkan oo u badnaa Dhalinyaro iyo Haween la siiyay lacag ayaa la sheegay in jahawareer ka abuureen kantaroolka kowaad ee laga galo garoonka caasimadda Puntland, iyadoo qaarkood la dagaalameen Booliska. Wasiir Jamaal Maxamed Xasan oo bixiyay dhaqaalaha lagu soo kireeyay dadkan, si ay u soo dhaweeyaan ayaa si buuq la,aan ah uga soo degay garoonka diyaaradaha Garoowe, waxaana la sheegay inuu u…

Read More

Boqorka Sacuudi Carabiya Salman bin Abdulaziz ayaa Golaha Guud ee QM u sheegay in boqortooyada ay taageereyso dadaalalda looga hortagayo in Iran ay hesho hub Nukliyeer, xilli ay hogaamiyayaasha caalamka isku diyaarinayaan in dib loo billaabo wada-hadallada Tehran dib loogu soo celinayo heshiiska Nukliyeerka ee 2015. “Boqortooyada waxay ku adkeesaneysaa muhiimadda ay leedahay in Bariga Dhexe uu ka madax-banaanaado hubka sida weyn wax u burburiya, sababtan darteed waxaan taageereynaa dadaallada caalamiga ah ee looga hortagayo in Iran ay hesho hub Nukliyeer ah,” ayuu boqor Salman ku yiri khudbad horey loo duubay oo laga baahiyey shirka QM. Iran iyo Sacuudi Carabiya…

Read More

Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee (AMISOM) iyo Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee (SNA) ayaa Muqdisho ka furay Xarunta Isku-duwidda Hawlgallada Wadajirka ah (Joint Operations Coordination Centre JOCC)” si loo xoojiyo dadaallada socda ee lagu wiiqayo Al-Shabaab laguna dejinayo xasilinta Soomaaliya. Xaruntan oo laga hirgaliyay waaxda AMISOM ee Xerada Xalane, ayaa si rasmi ah looga daahfuray xaflad ay ka qeyb galeen taliyaha guud ee ciidamada xoogga dalka, Gen. Odowaa Yuusuf Raage iyo taliye ku xigeenka ciidamada AMISOM ee qaabilsan howlgallada iyo qorshayaasha, Maj.Gen.William Kitsao Shume . Xaruntan oo ay si wadajir ah u maamulaan saraakiisha ciidamada AMISOM iyo kuwa xogga…

Read More

Janaraalka hoggaamiye kooxeedka ah ee Liibiya, Khalifa Haftar, ayaa qaaday tallaabo u suurtagalin karta inuu ka qayb galo tartanka doorashada xilka madaxweynaha ee la filayo inay dhacdo bisha December. Khalifa Haftar ayaa sheegay inuu ka tanaasulayo doorkiisa dhinaca militariga, sidaasna uu ku joojin doono dhammaan “waajibaadkii ciidannimo”. Waxa uu u muuqdaa inuu ka faa’iideysanayo shuruucda cusub ee muranka dhaliyay. Dadka falanqeeya arrimaha Liibiya ayaa sheegay in qabsoomidda doorashada ay shaki gelinayaan ismaandhaafka u dhaxeeya dhinacyada siyaasadda ee dalkaas. Haftar oo doonayay inuu Liibiya ku qabsado ciidamo xoog leh oo taageero ka heystay Ruushka iyo dalal ka tirsan carabta ayaa la…

Read More

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Khaliif Cabdi Cumar, ayaa kulan la qaatay Danjiraha cusub ee dawladda Indonesia ay u soo magacowday Soomaaliya Amb. Dr. Mohamad Hery Saripudin oo ay ka wada-hadleen xoojinta xidhiidhka labada dal. Dhinacyadu, waxay sidoo kale ka wada-hadleen kor-u-qaadista, fududeynta iyo iskaashiga dhinacyada Ganacsiga iyo Maal-gashiga maadaama dalka Indonesia uu ka mid yahay wadamada ugu horreeya ee ay Soomaaliya wax-u-dhoofiso sidoo kale na aynnu muddo dheer la lahayn xidhiidh soo jireen ah oo la xidhiidha dhinacyada Ganacsiga. Idilnews

Read More

Makamada darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida ee dowladda Soomaaliya ayaa min 15-Sano oo Xabsi ciidan ah ku xukuntay, Daren Antonia Brnes oo u dhashay dalka Ingiriiska iyo Axmed Mustaqiim Cali oo kasoo jeeda wadanka Malaysia. labadaan nin ayaa sida ay Maxkamaddu sheegtay loo heystaa kamid ahaansha kooxda ka dagaalanta Soomaaliya, iyagoo sifo sharci-darro ah dalka kusoo galay. https://www.facebook.com/sntvnews/videos/876398639713036 Idilnews

Read More

Laamaha amniga degmada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa Maanta si KMG ah u joojiyay gaadiidkii kasoo bixi jiray Magaalada ee usoo Safri jiray Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho. Ma jiro waqti rasmi ah oo laamaha amniga Marka ay u qabteen dib u fasixida gaadiidkii kasoo bixi jiray Magaaladaas ee soo aadi jiray Muqdisho, waxaana gaadiidley safarka lagu wargeliyay in la joojiyay ka bixitaanka Marka. Taliyaha Ururka 14-aad ee Guutada 14-ka Octoober ee xoogga dalka Gaashaanle Cabdiraxiin Muunye oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in baaritaano iyo Tirakoob ku sameeyn doonaan gaadiidka ay raacaan…

Read More

Abaar iyo biyo la’aan balaaran oo saameyn ku yeelatay dad xoolo dhaqatada ah ayaa ka taagan degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubbada Hoose ee Dowlad-gobaleedka Jubbaland. Abaarta ka jirta Badhaadhe ayaa waxaa ku le’day xoolihii ugu badnaa oo ay lahaayeen dad xoolo dhaqato oo kunool degmadaas iyo tuulooyin hoostega, waxaana la sheegay in dadka deegaanka ay ku adkaatay nolosha, kadib markii la waayay cunto iyo biyo. Dad ku sugan Badhaadhe ayaa waxaa ay kusoo warrameen in xaalad adag oo abaar baahsan ah ay ka jirto degmada oo ay ugu daran tahay biyo la’aan saameysay dadka iyo xoolaha, iyagoona sheegay in Jiirgaanki…

Read More

Waxaa istaagay wada-hadaladii loogu kala dabqaadayay Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, oo uu ka dhextaagan yahay khilaaf weyn. wada-hadaladan ayaa ahaa kuwii saddexaad oo xal loogu raadinayay khilaafka Farmaajo iyo Rooble. Waan-waantan oo ay wadeen Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka waqtigiisu dhamaaday Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, ayaa socon weyday kaddib labada nin ay ku kala adkeysteen mowqifkyadooda. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Idilnews, in Farmaajo uu dalbaday in hoggaanka Hay’adda NISA loo daayo Agaasimaha KMG ah ee dhowaan uu magacaabay, halka Rooble uu ku adkeystay in hoggaanka…

Read More

Golaha amniga ee dalka Algeria ayaa Arbacadii go’aamiyay in hawada dalkeeda laga xiro dhammaan diyaaradaha rayidka iyo kuwa militariga ee waddanka Morocco, sida ay sheegtay madaxtooyada Algeria, wax ka yar bil kadib markii ay xiriirka diblomaasiyadeed u jartay dalka ay deriska yihiin ee Morocco. Bayaan ay soo saartay dowladda Algeria ayaa lagu sheegay in go’aankan uu ka yimid “daandaansiga sii socda iyo dhaqamada cadaawadda leh ee dhinaca Morocco”. Xiritaanka hawada Algeria ayaa sidoo kale wuxuu saameynaya diyaarad kasta oo sidata numberka diiwaangelinta Morocco, sida ay sheegtay madaxtooyada dalkaas, kaddib kulankii golaha Amniga Qaranka. Wakaalada wararka ee Reuters ayaa qortay inaysan…

Read More

Maxkamad fadhigeedu yahay dalka Yemen ayaa xukun dil ah ku ridday 10 qof oo ay ku jiraan madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump iyo dhaxal-sugaha boqortooyada Sacuudiga, Amiir Maxamed Bin Salmaan. Sidoo kale boqorka Sacuudiga, Salmaan Bin Cabdulcasiis Aala Sacuud ayaa ka dhex muuqda liiska dadka lagu xukumay dilka toogashada ah oo loo heysto inay “mas’uul ka ahaayeen” xassuuq labo sano ka hor loo geystay arday reer Yemen ah. Shakhsiyaadka xukunka lagu riday ayay garsoorka maxkamaddu sheegeen in lagu helay dambi la xidhiidha ku lug lahaamshaha duqeyn ay fuliyeen diyaaradaha xulafada Sacuudiga oo sanadkii 2018-kii lagu beegsaday bas ay saarnaayeen…

Read More

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo u hoogamiyay Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Mudane Cumar Xasan Fiqi ayaa ka qayb galay shir looga hadlaayay waxqabadka mashaariicda, qorshayaasha Dowladda taasoo ay si wadajir ah ay u wadaan Bangiga Adduunka iyo Dowladda Puntland. Wasaaradda Maaliyadda Dowldda Puntland ayaa soo bandhigtay waxqabadka iyo guulihii laga gaaray mudadii ay socdeen mashaariicda PFM-DRM taasoo ay kala shaqeynayso Bangiga Adduunka. Mas’uuliyiinta Maaliyadda Puntland ayaa ku adkeeyay Bangiga Adduunka in mar kasta dhankooda ay xoojiyaan wada shaqeynta iyo xiriirka tooska ah, taasoo qayb ka ah dardar gelinta mashaariicda ay si wadajirka ah u wadaan Wasaaradda Maaliyadda Puntland iyo Bangiga Adduunka.…

Read More