Author: Jibril Qoobey

BALLI-DOOGLE (IDIL NEWS)-Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay in weerarkii Madaafiicda ahaa ee ay ku qaaden Xerada Ciidamada Balli-doogle ee Gobolka Shabellaha hoose inay ku dileen saddex askari oo Ciidamada Mareykanka ka tirsan. Saldhiga Garoonka Diyaaradaha Balli-doogle ee Gobolka Sh/hoose, waxaa ku sugan Ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya ka hawlgala, kuwaasi oo Saldhig wayn halkaasi ku leh. Al-Shabaab ayaa sheegtay in madaafiicda oo gudaha Saldhiga ku dhacay inay ku dhinteen saddexdaasi Askari oo mid ka mid uu yahay Taliye sida ay hadalka u dhigeen. Waxay kaloo sheegeen in halkaasi dhaawac uu ka soo gaaray Shan askari oo ka tirsan Ciidamada Mareykanka ee Saldhigaasi…

Read More

GAROOWE (IDIL NEWS)-Golaha Wasiirada Cusub ee uu soo dhisay Madaxweyne Deni, ayaa maanta oo sabti ah la Hor-geynayaa Baarlamaanka Dowladda Puntland, si ay ugu qaadaan Codkooda Kalsoonida ah. Olale culus oo la doonayo in lagu ansixiyo Golaha Wasiirada cusub, ayaa maalmihii ugu dambeeyay ka socda magaalada Garoowe, kuwaas oo ay qeyb ka ahaayeen Xubno kamid ah Golaha Wasiirada ee uu dhowaan magacaabay Madaxweyne Deni. Sidoo kale, Olale looga soo hor-jeedo Golaha Wasiirada cusub, ayaa ka socday garoowe, kuwaas oo ay wadaan Xildhibaano iyo xubno kamid ah Musharaxiintii doorashadii Madaxweynaha ee 8 Janaayo. Wararka qaar ayaa Sheegaya in kulan dhex maray…

Read More

US military confirms Ballidogle airfield received indirect fire but rubbishes Al-Shabaab claim that 3 American soldiers died as a result of the mortar shelling. U.S. trains Somali forces at Ballidogle, 90km west of Mogadishu. Shabaab claims killing three US soldiers and five Somali Special Forces at #Baledogle Airbase base in #Somalia’s #LowerShabelle region in a shelling attack this morning. As of yet.

Read More

Xubin ka tirsan xildhibaannada Slovenian ayaa xilka ka dagay ka dib markii uu dukaan ka xaday rooti la jeexay oo la dhex galiyay wixii lagu cuni lahaa, xildhibaanka ayaa sheegay in shaqaalaha dukaanka ku yaalla Ljubljana ay u isku mashquuleen oo uu wax la hadla waayay. Darij Krajcic ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in uu ka xanaaqay “sida loola dhaqmay” uuna go’aansaday in uu tijaabiyo ilaalada dukaanka isaga oo rootigii iskala baxay. Xatooyadan ayaan la ogaanin, balse xildhibaankan ka tirsan xisbiga talada haya ee Marjan Sarec List ayaa markii dambe ku adkaystay in uu dukaanka ku laabtay si uu lacagta…

Read More

Wasiirka Maaliyadda Dowlada Fadaraalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle,ayaa sheegay in hay’adaha caalamka ay hadda u ololeynayaan sidii looga cafin lahaa deymaha lagu leeyahay Somaliya,taas oo ku timid hagaajinta maamulka Maaliyadda Dalka. Warbixin dhawaan la soo saaray oo la xiriirtay in Somaliya ay tahay Dalka ugu musuqmaasuqa badan caalamka ayuu soo hadal qaaday Wasiirku, wuxuuna ku tilmaamay Beyle, aragti qaldan oo laga badbadiyay. “Musuq maasuqa xagga hoose yaan ku jirnaa Somalidu waxay tiraahda “Been fakatay run ma gaarto” waa aragti qaadasha,waan ku daba jirnaa laakiin waxaan doonaynaa in Dadka Adduunyada in aan u sheegno in aanan sidii hore ahayn ee ay…

Read More

Saddex iyo toban Sarkaal oo bartay taliyenimada ciidamada badda ee dalka Itoobiya ayaa ka qalin jabiyey machadka Babogaya oo lagu tabbaro ciidamada Badda. Saraakiishan ayaa muddo lix bilood ah tababar ku qaatay Machadka hoos yimaadda wakaaladda adeegga Lojistikada iyo gaadidka badda ee dalka Itoobiya ee Babogaaya. 31 xirfadlayaal oo kale oo sidoo kale tababar dhanka ciidamada badda ah ku qaatay isla machadka ayaa qalin jabiyey. Itoobiya oo ah dal aan bad lahayn ayaa haddana wadda tabarka saraakiil iyo ciidamo kale oo dhanka badda ah. Sida ay sheegtay Warbaahinta afka dawladda ku hadasha ee FANA, Saraakiisha iyo xirfadlayaasha tababarku usoo dhammaaday…

Read More

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay xaalad deg deg ah oo qaran si uu uga maarmo in Kongreska uu u ansixiyo lacag uu doonayo in uu ku dhiso xadka Mareykanka iyo Mekisko. Trump oo shir jaraa’id maanta qabtay ayaa sheegey in xaalad cakiran ay ka jirto xadka Mareykanka iyo Meksiko, ayna tahay in lala tacaalo. Waxa uu sheegey in madaxweynayaal isaga ka horreeyay ay xaalado deg deg ah hore ugu dhawaaqeen, isaguna uun sidaasu sameynaayo. Dimuqraaddiyiinta ayaa si weyn uga hor yimid go’aanka Trump, waxayna ku eedeyeen in uu madaxweynuhu uu abuurayo xaalado aanan jirin,hoos ka daawo muuqaalka oo…

Read More

Dab ka kacay magaalada Gaalkacayo,ayaa waxaa ku burburtay hanti iskugu jirta guryo Dukaamo. Dabkaas,ayaa ka kacay goob Shidaal, welina si cad looma oga sababta kicisay Dabkaasi. Damak oo markii danbe lagu guulaystay damintiisa,ayaa waxaa iska kaashaday labada maamul ee magaalada ka wada jira Puntland iyo Galmudug,iyadoo uu Dabka bakhtiiyay Damdamsi kasoo gurmaday dhanka Puntland,hoos ka daawo muuqaalka oo faahfaahsan. Halkan hoose ka daawo muuqaalka

Read More

LONDON (IDIL NEWS)-Cabdinuur Sheekh Maxamed Isxaaq oo ka mid ahaa Wariyeyaashii ugu caansanaa ee laanta Afka Soomaaloga ee BBC-da ayaa shaqada ka tagaya, isagoo ku jira maalmihii u dambeeyay. Cabdinuur Sheekh Maxamed Isxaaq ayaa BBC-da ku biiray sanadkii 1989, waxaa uu ka mid ahaa wariyeyaasha mudada dheer u shaqeynayay laanta Afka Soomaaliga. Wariye Cabdinuur ayaa sheegay in markii uu ku soo biiray BBC-da ay ku adkaatay qalabka iyo farsamadii lagu shaqeynayay oo ka duwaneyd tii Radio Muqdisho, balse tababar kaddib uu la qabsaday ”Markii aan ku soo biiray BBC waxaa igu adkaa qalabka iyo farsamadii lagu shaqeynayey oo ka duwaneyd…

Read More

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa in ay Todobaadka soo socda billowdo Sanduukha dhismaha nabadda ee Soomaaliya, kaasoo ay ku bixi doonto 30 Milyan oo Doollarka Maraykanka ah. Hawl-galka Qaramada Midoobay ee Taageerada Soomaaliya (UNSOM) ayaa Khamiistii shalay shaaca ka qaaday si loo caawiyo dedaallada nabadeed ee ka jira Soomaaliya in la fulin doono mashaariic ay ka mid yihiin qorshaha horumarinta Qaranka iyo dhismaha dib u heshiisiinta. Qaramada Midoobay ayaa taageerayay geeddi-socodka nabadda Soomaaliya tan iyo 2009-kii, isaga oo Sanduuqeeda taakuleyntana uu ku yaboohay ku dhowaan 45 Milyan oo Doollar oo lagu fuliyay mashaariic kala duwan. IDIL NEWS

Read More

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow, ayaa magacaabay Agaasime ku-xigeen cusub oo ay yeelaneyso Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda. Xasan C/qaadir Maxamed, ayaa Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Amniga loogu magacaabay Agaasime ku-xigeenka Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, kaasoo noqonaya ku-xigeenkii 6-aad. Wararka ayaa sheegaya in Magacaabidan ay qeyb ka tahay Heshiis hoose oo dhex maray Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal iyo Madaxweyne Farmaajo, kaasoo si hoose lagu xaliyay mooshinkii Madaxweynaha laga keenay bishii December ee sanadkii hore. Madaxda ugu sareysa dalka ayaa xilal iyo dhaqaale ku xaliya dhibaatooyinka siyaasadeed ee soo wajaha, iyadoo heshiisyo hoose lagu kala…

Read More

Ilhan,ayaa aad uga soo hor jeensatay Nin uu Madaxweyne Trump u magacaabay in uu noqdo ergeyga u qaabilsan dalka Venazuela. Ilhaan Waxay su’aal gelisay sida loo aamini karo Elliott Abrams oo loo magacaabay dalka Venazuela oo qalalaaso siyaasadeed ay ka taagan yihiin. Elliott Abrams oo hor yimid guddiga arrimaha dibadda ee Kongres-ka oo Ilhaan ay ka tirsan tahay,ayaa waxay sheegtay in aysan garaneyn sababta guddigaasi iyo shacabka Mareykanku ay u aamini karaan Ninkan, maadaamabay tiri uu horay ugu lug lahaa dhibaatooyin ka dhacay dalka Elsalvador oo horay ay uga dhaceen dagaalo sokeeye iyo arrimo la xiriira dalka Iraan. Elliott Abrams…

Read More

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ay Muqdisho ku yeesheen waxa ay ku meel mariyeen Heshiiska Tababarrada Ciidamada ee ay horay u kala saxiixdeen dawladaha Soomaaliya Iyo Turkiga Wasiirrada xukuumadda ee kulanka goob joogga ahaa ayaa dood kadib waxa ay cod aqlabiyad leh ku meel mariyeen heshiiska oo horay wasaaradda difaaca dalku ay ugu soo gudbisay golaha wasiirrada si loo dardar-geliyo qorshaha dawladda Turkigu ay ku tababarayso ciidanka xoogga dalka, arrintaas oo qayb ka qaadanaysa in Soomaaliya ay hesho ciidamo tababaran, tayaysan oo tirsan, lana wareegi kara mas’uuliyadda ka saaran ilaalinta amniga guud ee dalka. Halbeegyada…

Read More

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa sheegay inay jiraan Shirkado waa weyn oo aan canshuurta dowladda bixin. Wasiir Beyle ayaa sheegay inay jiraan illaa 20 shirkado oo aan canshuur bixin, isagoo u digay shirkadahaa, kuna wargeliyay in haddii ay bixin waayaan ay sharciga ku kala baxayaan. Waxaa uu sheegay in aanay haatan sheegi doonin ganacsatada iyo shirkadaha aan canshuurta bixin, balse marka xiga ay soo bandhigi doonaan, Isagoona ugu baaqay inay bixiyaan canshuuraha ku waajibay. “Waxaa jira shirkado waa weyn oo labaatameeyo aan canshuur bixin, waa idin digeynaa…

Read More

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjirayaasha cusub ee dalalka India iyo Nigeria ee Soomaaliya. Danjiraha dalka India Rahul Chabbra oo Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Ra’iisal Wasaaraha India Mudane Narendra Modi ayaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyay soo dhaweynta diirran iyo ilaalinta xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya labada dal. Madaxweyne Farmaajo ayaa danjiraha cusub ee dalka India u rajeeyay inuu ku guulaysto gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed iyo inuu ka shaqeeyo xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ay wadaagaan labada dal. Danjire Chabbra iyo Madaxweyne Farmaajo ayaa ka wada hadlay…

Read More

GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa la filayaa in Sabtida soo socota oo taariikh-du ku began tahay 16 Febaraayo, uu hor geeyo Golaha Wasiirada cusub Baarlamaanka Dowladda Puntland si uu ugu raadiyo Codka Kalsoonida ah. Golaha Xukuumadda Cusub oo ka kooban 18 Wasiir, 21 Wasiir ku-xigeen iyo 9 Wasiiru dowle, ayuu Madaxweyne Deni Magacaabay 10 bishan, Iyadoona Magacaabistoodu ay aheyd mid si weyn isha loogu hayay, maadama Madaxweynaha ay horey Baarlamaanku ugu kordhiyeen Waqtiga Dastuurku farayo in uu kusoo dhiso Xukuumadda. Madaxweyne Deni ayaa bilaabay Kulamo gaar-gaar ah oo la qaadanayo xubnaha Guddoonka iyo Golaha Wakiilada,…

Read More

KAMPALA (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Uganda Yoweri Museveni, ayaa booqasho rasmi ah dhowaan ku imaanayo Magaalada Muqdisho, sida ay Shaacisay Madaxtooyada dalka Uganda. Madaxweyne Yoweri Museveni ayaa Casuumaad ka helay dhiggiisa Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, oo ay maalmo ka hor isku arkeen magaalada Addis Ababa, halkaasoo ay uga qeybgaleen shirkii 32-aad ee madaxda Midowga Afrika. Madaxweyne Farmaajo ayaa ka dalbaday Museveni inuu Muqdisho yimaado oo uu soo arko horumarka dhinaca siyaasadda ee uu dalka ku tallaabsaday sanadihii u dambeeyay, wallow aan si rasmi ah loo shaacin xiliga uu imaanayo. Qoraal ay faafisay Madaxtooyada dalka Uganda ayaa lagu sheegay in Museveni uu…

Read More

WASHINGTON (IDIL NEWS)-Ilhaan Cumar, oo ah haweeney Muslim ah tii ugu horeeyay ee kamid noqotay Congress-ka Mareykanka ayaa si adag uga jawaabtay hadal kasoo yeeray Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump. Madaxweyne Trump oo ka jawaabayay hadal horey ay u daabacday Ilhaan Cumar ayaa ka dalbaday inay iscasisho kadib markii uu difaacay Yahuuda oo wax badan ay dhaliilsaneyd Ilhaan. Xildhibaan Ilhan oo u jawaabeysay Trump ayaa sheegtay in haddii qof ay mudan tahay inuu isku casilo hadal la necbeystay inuu yahay Madaxweyne Trump inuu iska casilo xilka uu hayo, maadaama ay sheegtay in tan iyo noloshiisii inuu ku dhawaaqi jiray hadalo Naceyb…

Read More

GAALKACYO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, ayaa sheegay in dhawaan uu ku wajahan yahay degaanka Gelinsoor ee Gobalka Mudug. Madaxweyne Xaaf ayaa Sheegay in uu u tagayo Gelinsoor, sidii uu halkaasi shir dib u heshiisiineed uu ugu qaban lahaa, kaasi oo lagu dhex dhexaadinayo beelo dhawaan ku dagaalamay degaanka Galinsoor. Madaxweyne Xaaf ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday in shirkan ay soo qaban qaabiyeen dhamaan odayaasha dhaqanka ee ka soo jeeda degaanka Gelinsoor ee Gobalka Mudug. Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, ayaa Maalmihii ugu dambeeyay waxaa uu kulamo ka waday degaano hoostaga Koonfurta…

Read More

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indha-qarshe  ayaa Hambalyo u diray Ciidamada Cirka ee Xoogga Dalka Soomaaliya oo Maalinta u dabaal degaya Sanad guuradii 59-aad ee kasoo wareegtay Xilligii la aas-aasay. “Anigoo ku hadlayo Magaceyga iyo kan Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya waxaa Hambalyo u dirayaa Sarreeyayaasha, Saraakiisha, Saraakiil Xiggeenada, Alifleyda iyo Dableyda Ciidanka Cirka oo maanta u dabaal degaya Sanadguurada 59Aad ee Aaskooda” ayuu yiri Gen. Indha-Qarshe S/gaas Daahir Aadan Cilmi indha-qarshe ayaa Xusay in lagu hoolan yahay siddii Horumar loo gaarsiin lahaa Taliska Ciidanka Cirka, isaggoo xusay in Ciidankaasi Muddooyinkii Dambe ay kusoo…

Read More

GARACAD (IDIL NEWS)-Wjiga Kowaad ee Dekedda Degaanka Garacad oo ahaa mid lagu dhisayay Birriga, ayaa lasoo gabagabeeyay, sida ay Shaaciyeen Guddiga Dhismaha Dekedda Garacad. Guddiga dhismaha Dekadda Garacad ayaa sheegay in ay guul ugu soo dhamaadeen howlo u dhimanaa oo ku aadana dhameystirka Wajiga Kowaad, iyagoona xusay in dhawaan la bilaabayo howlaha ugu muhiimsan. Guddiga ayaa tilmaamay in dhowaan si toos ah loo bilaabayo Wajiga labaad ee dhismaha Dekedda, kaas oo loogu gudbayo gunta hoose ee Badda. Sidoo kale, Guddiga Dhismaha Dekedda ayaa sheegay in la jeexayo naqshada deegaanka Garacad iyo dhismaha Wadada isku xirta Jariiban iyo Garacad. Xildhibaanno ka…

Read More

KISMAAYO (IDIL NEWS)-Wasaaradda gaadiidka Dowlad-goboledka Jubbaland iyo Laanta nabadgelyada waddooyinka degmada Kismaayo ayaa maanta magaalada Kismaayo ka bilaabay qaadista canshuurta sanad laha ah ee waddo marista gaadiidka, kaddib markii guddiga dakhliga Jubbaland ay shalay iclaamiyeen arrintaasi. Ciidamada laanta Taraafikadda magaalada Kismaayo ayaa gaadiidleyda xusuusinaayey in la gaaray xilligii bixinta canshuuraha waddo marista ee sanad laha ah. Bashiir Xiis Khaliif Taliyaha laanta nabadgelyada waddooyinka ee degmada Kismaayo oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay si rasmi ah u bilaabatay qaadista canshuurta sanad laha ah ee waddo marista gaadiidka, wuxuuna wadayaasha gaadiidka ugu baaqay in ay bixiyaan canshuurta ku waajibtay. Waa…

Read More

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS)، mudane Xasan Cali Khayre, ayaa munaasabad maanta lagu qabtay xarunta tababarka ciidanka booliiska ee General Kaahiye waxa uu tababar ugu soo xiray 1,400 ciidamo booliis ah oo kamid ah 3,000 oo askari oo loogu tala galay fulinta qorshaha sugidda amniga caasimadda dalka. Ciidamada tababarka loo soo xiray oo laga soo xulay degmooyinka gobalka mudda afar bilood ahna la barayay sharciyada booliiska iyo la dhaqanka bulshada ayaa la geynayaa degmooyinka uu ka koobanyahay gobalka Banaadir si loo dardar geliyo qorshaha sugidda amniga caasimadda. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dhallinyarada booliiska ah ee…

Read More

BOOSAASO (IDIL NEWS)-Taliska Ciidamada Booliska Dowladda Puntland, ayaa Magaalada Boosaaso kusoo Bandhigay Dhalinyaro ku eedeysan Dilka Nin ganacsade ah oo habeen ka hor lagu dilay Xaafadda Raf Iyo Raaxo ee Boosaaso. Taliyaha Ciidamada Booliska Dowladda Puntland Gen. Muxyadiin Axmed Muuse, ayaa Sheegay in Dhalinyaradan oo ah, kuwii ka dameeyay Dilka nin ganacsade ah loogu geystay boosaaso, ay Boolisku kusoo qabteen Howlgallo culus oo ay sameeyeen kaddib. Gen. Muxyadiin ayaa tilmaamay in Dhalinyaradan oo 3 ah ay qeyb ka yihiin Kooxaha argagixisada ah ee Ammaan darada ka waday Boosaaso, Isagoona sheegay inay hor-keenayaan Cadaalada. Taliyaha Ciidamada Booliska Dowladda Puntland Gen. Muxyadiin…

Read More

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qaraxyo 3 ahaa oo duhurnimadii maanta ka dhacay Magaaladda Muqdisho. Qaraxa 1-aad ayaa ahaa mid Gaari lagu dhajiyay, waxaana uu ka dhacay laami Yaraha Zoobe ee Magaalada Muqdisho, Iyadoona qaraxan lagu xiray gaari kuwa raaxadda ah oo hal ruux saarnaa. Qof ku sugnaa goobta Qaraxu ka dhacay, ayaa sheegay in qofkii saarnaa gaari uu ku dhintay, islamarkaana ay ku dhaawacmeen 3-ruux kale oo Mooto bajaaj saarnaa. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Gaariga la qarxiyay uu lahaa Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo Magaciisa lagu sheegay Cali Cartan Bidaar. Dhanka…

Read More

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhaweysay go’aanadii kasoo baxay Shirkii Madaxda Midowga Afrika, ee lagu soo gaba-gabeeyay Magaaladda Addis Ababa ee Caasimadda dalka Ethopia. Qoraal kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda ay xushmeynayso in Midowga Afrika ay muhiimad siinayaa dowrka Soomaaliya ee Midowga iyo wax wada qabsiga,iyo taageerada ay Soomaaliya u muuiyeen “Dowladda Soomaaliya waxaa ku howlantahay oo ay ka shaqeynaysaa dadaalada horumarinta iyo dib u habeynta hanaanka maamul maaliyadeed ee dalka,si loogu guuleysto qorshaha deyn cafiska ee Soomaaliya,si loo helo horumar waara,go’aanka Midowga Afrika waxaa uu iftiiminayaa xiriirka iskaashi iyo taageerada ka dhexeysa…

Read More

BOOSAASO (IDIL NEWS)-Taliyaha Ciidamada Booliska Dowladda Puntland Gen. Muxyadiin Axmed Muuse, ayaa ka hadlay Howl-gallo culus oo ciidamada ammaanka Puntland maalmihii lasoo dhaafay ay ka wadeen Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Dowladda Puntland. Muxudiin Axmed Muuse, ayaa sheegay dadka dilalka ka gaysta Boosaaso ay wax ka bartaan Jaamacadaha, Macaahida iyo dhamaan goobaha kale ee waxbarashada. “Argagixisadu waxay gashay Jaamacadaha, waxay gashay macaahida, waxay gashay iskuulada, waxay gashay, meel kasta ayay gashay, marka meel kasta oo ay gasho waa lala gelayaa, cid kastoo shaki laga qaadana waa la baaraya.”Ayuu yiri Taliyaha Ciidamada Booliska Dowladda Puntland. Sidoo kale, Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland…

Read More

WASHINGTON (IDIL NEWS)-Maqaawiirta Xisbiga Dilmuquraadiga iyo Hoggaankooda sar sare, ayaa si buuxda u garab istaagay Xildhibaanad Ilhan Cumar, kaddib dhaleecayno isdaba joog ah oo Ilhan kala kulantay dhanka Xisbiga Jamhuuriga iyo Madaxweyne Donald Trump oo isku dhan ah. Hoggaamiyaha Aqlabiyada Xisbiga Dilmuquraadiga ee Aqalka Congres-ka Nancy Pelozy, ayaa ka codsatay Ilhan Cumar inay raali-gelin ka bixiso gef ka dhacay oo ku aadanaa Tageerada loo jeediyo Yuhuuda. Dhanka kale, Guddoomiyaha Arrimaha Dibedda Aqalka Congres-ka Aliot Engel oo Aqalka kasoo gala New York District, ayaa mar uu ka hadlayay arrinta Ilhan, waxaa uu tilmaamay inay aheyd arin argagax ah oo aan uusan…

Read More

GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweynaha dawladda Puntland Siciid Cabdulaahi Deni habeenkii Axadda ee ay bishani ahayd 10ka ayuu ku dhawaaqay gollaha cusub ee xukuumaddiisa, kuwaas oo ka kooban 18 wasiir, 21 wasiir ku xigeen iyo 9 wasiirul dawle. Xukuumadda cusub ayaa ah tii ugu badnayd ee madaxweyne la doortay soo dhiso intii ay Puntland jirtay waana 48 xubnood gole ka kooban. Madaxweyne Deni waxa taageeray ololihiisii uu xilka ku doonayey Kooxda Aaran Jaan iyo madaxweynihii hore Puntland Cabdiraxman Faroole, waxayna lasoo dhiseen madaxweynaha xukuumada cusub ee uu ku dhawaaqay Axaddii, iyadoo uu aad xoog badnaa qalinka Maxamuud Shido oo ah guudimaya kooxda…

Read More

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Kooxda Al-Shabaab ayaa Warbaahintooda ku soo bandhigay gaari nooca dagaalka oo ay sheegeen inay ka qabsadeen Ciidamada Militariga Dowladda Federalka Somaliya. Dagaal ka dhacay deegaanka Jaziira ee duleedka dhanka Koonfureed Magaalada Muqdisho ayeey sheegteen Shabaab inay kula wareegeen gaarigaan. Baabuurka Shabaab ay soo bandhigeen ayaa waxaa ku xirnaa qoriga wayn ee dagaalka ee loo yaqaan Dhashiikaha, sidoo kalena waxaa ku buufsanaa astaanta Ciidanka Xoogga dalka. Saraakiisha Militariga Somaliya kama aysan hadlin baabuurkaan Ciidan ee Shabaab ay soo bandhigeen oo ay sheegeen inay ka qabsadeen Ciidamada Xoogga dalka. Al Shabaab ayaa dhawr mar sidan oo kale u soo bandhigay…

Read More

Waxay ahayd 19kii Juun 1992, waa Garoowe, xilligaas waxay ahayd xarunta gobolka Nugaal, ma ahayn magaalo dhismo badan leh, waxaa camiray kumanaan qoys oo ka soo barakacay collaaddii qabiil ee ka taagnayd gobollada koonfureed iyo Waqooyi ee wadanka, waxaase markaas xarumo ku lahaa ururkii Al-itixaad oo ahaa ururkii Islaami ah ee ugu horeeyey xarumo askareed ku yeesha gudaha Soomaaliya. Ururkaasi wuxuu fadhiisin ku lahaa xeradii ciidamada ee 54aad ee duleedka toga Garoowe, shir madaxdii ururkii SSDF uga socday xarunta gobolka ayaa ay weerar ku soo qaadeen, iyagoo gacanta ku dhiggay 28 xubnood oo ka mid ahaa madaxdii ururkaas. Waxaase halkaas…

Read More

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay Bella Bird oo ah Madaxa Bangiga Aduunka ee qaar ka mid ah Wadamada Bariga Afrika sida, Soomaaliya, Tanzania, Burundi iyo Malawi. Wasiir Beyle ayaa sheegay in Bella Bird ay ka wada hadleen horumarka iyo isbadalka Maaliyadeed ee dalka iyo sidii aan u xoojin laheyn wada shaqeynta aan la leenahay World Bank. “Waxaa sharaf ii aheyd inaan maanta xafiiskeyga ku qaabilo Bella Bird oo ah Madaxa Bangiga Aduunka ee Wadamada bariga Afrika qaar sida, Somaliya, Tanzania, Burundi iyo Malawi, Waxaan ka wada hadalnay horumarka iyo…

Read More

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kaddib ka qayb-galkiisii Shir Madaxeedka 32-aad ee Midowga Afrika oo shalay lagu soo gabagabeeyay magaalada Addis Ababa. Shir Madaxeedka Midowga Afrika ee sannadkan waxaa diiradda lagu saaray arrimaha qaxootiga iyo barakacayaasha iyo sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaatooyinka ay la nool yihiin. Madaxweyne Farmaajo oo Shirka khudbad ka jeediyay ayaa soo bandhigay qorshaha dowladda ee ku aaddan qaxootiga iyo barakacayaasha, isaga oo dalalka Afrika u soo jeediyay inay qaxootiga u fududeeyaan xuquuqda lahaanshaha dhulka, isu socodka, adeegyada waxbarashada iyo caafimaadka iyo sharciyada…

Read More

GAROOWE (IDIL NEWS)-Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland ee uu dhowaan soo magacaabay Madaxweynaha Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu dhaariyey qasriga Madaxtooyada dowladda Puntland ee Garoowe. Dhaarinta Golaha Xukuumadda cusub ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweynaha dawladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Puntland Dr.Yuusuf Xaaji Nuur, xubno ka tirsan Maxkamadda sare ee Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, Waxaa goob joog u ahaa dhaarta 44 Wasiir, 4 Wasiir oo qaarkood dalka dibaddiisa jiraan kuwona cudurdaar shaqo sheegteen ayaan joogin dhaarta. Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan…

Read More

GALDOGOB (IDIL NEWS)-Wararka naga soo gaaraya Degmada Galdogob ee Gobalka Mudug, ayaa Sheegaya in Kooxo hubeysani ay weerar Khasaaro dhaliyay ka geysteen xalay Degmadaas. Dableyda Weerarka geysatay oo ahaa kuwo aan heebtooda la garanaynin, ayaa Rasaas ku furay Goob ganacsi oo ku taalla Bartamaha Galdogab, Iyadoona weerarkaas uu ku geeryooday Hal Ruux oo rayid ah, halka Afar kalana ay ku dhaawacmeen. Nabadoon Faarax Bashiir Yuusuf oo kamid ah waxgaradka Goldogob, ayaa Sheegay in Kooxdii weerarka geysatay oo ahaa kuwo si dhuumaaleysi ah Degmada u soo galay ay u baxsadeen dhinaca Xadka Itoobiya. Nabadoon Faarax oo la hadlayay VOA-da ayaa xusay…

Read More

GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa maanta kulan deg deg ah isigu yeeray Golaha Xukuumadda Cusub ee uu soo Magacaabay 10 Bishan. Kulanka oo ah mid aan Xog badan laga heyn waxa looga hadlayo, ayaa la Sheegay in uu yahay mid is barasho iyo Xog wareysi ah, maadama xubnaha Golaha Wasiirada Cusub kasoo muuqday ay yihiin kuwo ku cusub Saaxada Siyaasadda ee Puntland. Sidoo kale, Wararka ayaa Sheegaya in kulanka deg deg ah uu daaran yahay Dhaarin Xubnaha Golaha Wasiirada Cusub, kuwaas oo Maalmaha soo socda la hor-geynayo Baarlamaanka Dowladda Puntland, waxaana laga hor istaagay kulankan…

Read More

ADDIS ABABA (IDIL NEWS)-Midowga Africa Ayaa Shaaciyey Inay Taageeri Doonaan Qorshaha Dowladda Somalia Ku Doonayso In Loo Cafiyo Lacagaha Daymaha Caalamiga Ee Lagu Leeyahay, Taasi Oo gaareyso  4.6 Billion Oo Dollar. Midowga Africa ayaa Sheegay in Haddii Soomaaliya Laga Cafiyo Lacagaha Daymaha Inay Taasi U Oggolaan Karto Sonalia Inay Helaan Kaalmayn Caalami Ah. Hadalkaasi Ayaa So Obaxay, Kadib, Markii Ay Saraakiisha DFS, Ururadda Bulshadda Rayidka, Ururadda Horumarinta Caalamiga Ayaa Ugu Baaqay Ururka Midowga Afrika Inay U Ololeeyaan Sidii Somalia Looga Cafin Lahaa Daymaha Lagu Leeyahay. Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga Iyo Dhaqaalaha Ee DFS, Jamaal Maxamed Xasan Ayaa Sheegay Inay Somalia U…

Read More

JAMAAME (IDIL NEWS)-Ciidamada Daraawiishta Dowlad-goboleedka Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka ee Taliska 43-aad ayaa xoojiyey holwgalada ay ka wadaan furimaha hore ee aagga degmada Jamaame. Ciidamada ayaa saacadahii lasoo dhaafay ee saaka waxay weerar ku qaadeen saldhig ay kooxda Al-shabaab ku lahayd meel howd ah oo u dhow deegaanka Kobon. Weerarka oo ahaa mid qorsheysan oo ay si wanaagsan u diyaariyeen ciidanka Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka, waxaa cagta lagu mariyey saldhiggii Al shabaab, waxaana lagu gaarsiiyey khasaare ballaaran. Ciidanku waxay halkaasi ku dileen tiro malayshiyaad ah, waxayna kusoo furteen hubka noocyadiisa kala duwan oo ay ku jiraan qoryaha garabka…

Read More

WASHINGTON (IDIL NEWS)-Ilhaan Cumar oo ah gabadh Soomaali ah oo dhawaan ka mid noqotay Aqalka Congresska ee dalka Maraykanka ayaa raali galin ka bixisay Twitter ay qortay oo tilmaamaya in xildhibaannada Maraykanku ay Israa’iil u taageeraan ururrada u ol’oleeya awgeed. Cambarayn ballaaran ayay kala kulantay in ay tilmaantay in ururka Aipac ee ay Yuhuuddu leeyihiin uu lacag ku bixiyo taageerada Israa’iil. Xusbno ka tirsan xisbiga Jamhuuriga iyo kan dimuqraadiga ayaa sheegay in Twitterkaasi uu sii hurinayo Yuhuud nacaybka. Xildhibaannadan oo laga soo doorto Minnesota ayaa horay loogu eedeeyay Yuhuud nacayb. Ilhaan ayaa baahisay qoraal ay “si cad” raali galin uga…

Read More

BOOSAASO (IDIL NEWS)-Ciidamada amniga Dowladda Puntland ee PSF-ta, ayaa Shaaca ka qaaday inay gacanta ku dhigeen Xubno ku biirayay Kooxda Argagixisada ah ee Daacish. Qoraal lagu daabacay barta Facebook ee Ciidamada PFS-ta Puntland, ayaa lagu sheegay in Howlgal ay ka sameeyeen Ciidamadu Buuraleyda iyo Toggaga Gaaca, Guban iyo Moqor ee Koonfurta Bari ee Magaalada Boosaaso, ay kusoo qabteen xubno doonayey in ay ku biiraan ururka argagixisada Daacish ee ka dagaalanta Buuraha Cal Miskaat ee gobolka Bari. Sidoo kale, Ciidamada amniga ee PSF-ta ayaa Sheegay inay gacanta ku dhigeen Saad la doonayay in la gaarsiiyo Kooxdaas, oo ay la socdeen xubnaha ay…

Read More

NAIROBI (IDIL NEWS)-Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamed Nuur Tarsan, ayaa shaaca ka qaaday in safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya aysan lahayn wax miisaaniyad ah, oo ku filan. Tarsan oo wareysi siiyey Taleefishinka Universal, ayaa sheegay in aysan jirin wax dhaqaale ah oo ku filan oo lagu socodsiiyo howlaha safaaradda Soomaaliya ee Nairobi. Sidoo kale, Danjire Tarsan ayaa intaas ku daray, in inta badan ay isku dabaraan lacagta laga helo baasaboorka Soomaaliga ee ay u sameeyaan dadka Soomaalida ah ee ku sugan dalka Kenya, Isagoona qiray in xitaa uusan haysan guri uu dego oo uu ku noolaado safiir ahaan.…

Read More

ADDIS ABABA (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya. Labada Masuul ayaa kulankooda yeeshay saacado kadib markii uu soo dhamaaday Shirka 32aad ee ururka Midowga Afrika, kaasoo Axadii shalay furmay. Farmaajo iyo Abiy ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada Dowladood, si gaar ah waxey iskula soo qaadeen Amniga, dagaalka ka dhanka ah Shabaab iyo howlgalka AMISOM. Warbaahinta dalka Itoobiya ee FANA ayaa ku warantay in labada hoggaamiye ay sidoo kale isla soo qaadeen sidii looga faa’ideysan lahaa horumarka…

Read More

VALLETTA (IDIL NEWS)-Qoyska Maamulihii la dilay ee dekadda Boosaaso Paul Farmosa, oo wareysi siiyey jariirada Independent ee Malta ayaa difaacay shacabka Soomaalida iyagoo ka digay qoraalo ay internetka ku baahiyeen cunsuriyiinta Malta oo lagu weerarayey dadka Soomaalida ah. Sarah Formosa oo ah gabarta uu dhalay Paul Farmosa ayaa sheegtay inay yihiin Soomaalida dad wanaagsan, sidaan uu mar walba u sheegi jiray aabaheed intaanan la dilin. “Wuxuu mar walba noo sheegi jiray in 10kii qof ee Soomaali ah oo uu arko ay 8 kamid ah yihiin dad wanaagsan, halka laga yaabo 2 qof oo xun inay ku jiraa” ayey tiri Sarah…

Read More

GAROOWE (IDIL NEWS)-Qaar kamid ah shacabka Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, ayaa Aragtidooda ka dhiibtay Golaha Wasiirada cusub ee uu xalay Magacaabay Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni. Shacabka ayaa ku kala argtiyo duwan Golaha Wasiirada iyo habka awood-qeybsiga ee loo magacaabay, iyadoona ay u qabsameen kuwo soo dhaweeyay iyo kuwa dhaliilsan soo xulista Madaxweyne Deni. Daawo. IDIL NEWS

Read More

GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa soo Dhisay Gole Wasiiro oo ka kooban 18 Wasiir, 18 Wasiir ku-xigeen iyo 9 Wasiiru dowle, kuwaas oo Maalmihii ugu dambeeyay si weyn loo hadal hayay Magacaabistooda. Golaha Wasiirada Cusub ee Puntland ayaa loo qeybiyay Beelaha Degaanada Puntland, Iyadoona 7 kamid ah la siiyay Beesha Majeerteen, Halka 5 kamid ahna ay yihiin Dhulbahante, waxaana labo kamid ah heshay Beesha Warsangeli. Hadaba Hoos ka Akhriso Liiska Golaha Wasiirada iyo Qabiilada ay kasoo Jeedaan. 1. Wasiiirka Wasaaradda Cadaaladda Cawil Sheikh Xaamud (Ciise Maxamuud, Muuse Ciise) 2. Wasiirka Arimaha Gudaha Federalka Mohamed Abdirahman…

Read More

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa guddoomiyay shirka tubta amniga iyo cadaaladda oo lagu qabtay xarunta wasaaradda amniga gudaha, loogana hadlay dhammaystirka hab-raaca cusub ee maamulka iyo maaliyadda ciidanka, qaab dhismeedka ciidanka sugaya amniga doorashooyinka, halka ay marayso diiwaan gelinta ciidanka, qorshaha ciidanka hawl-gabka ah, naafada iyo agoonta. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa shirka ka sheegay in hadafka guud ee tubta amniga iyo cadaaladda uu yahay in dalka laga hir-geliyo hay’ado amni iyo caddaaladeed oo aad u hagaagsan, xasiloon oo leh siyaasado, sharciyo iyo hannaan maamullo saxan oo xaqiijin kara himilooyinka ummadda Soomaaliyeed. Halbeegyada wasaaradda difaaca…

Read More

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Wasiirka Batroolka iyo macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay dadaal ugu jirto sidii loo soo saari lahaa Kheyraadka dabiiciga ah ee dalka. Wuxuu sheegay Wasiirka Batroolka iyo Macdanda Dowladda Federaalka in arrintaan loo marayo shuruuxda dalka iyo xeerarka caalamiga ah. Wasiirka ayaa hadalkaan ka sheegay magaalada Lodon halkaasi oo uu kula hadlayay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Ingiriiska,isagoona faah faahin buuxda ka siiyay shirkii arrimaha shidaalka Soomaaliya ee lagu soo gabagabeeyay magaalada London. Isagoo hadalkiisa sii wato ayuu Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed wuxuu xusay in ahmiyadda…

Read More

BRAZZAVILLE (IDIL NEWS)-War ay soo saartay Hay’adda Save The Children ayaa lagu sheegay in Ku dhawaad boqol carruur ah oo ku nool bariga dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo ay ugu dhinteen cudurka Ebola,iyadoo laga cabsi qabo in ay sii kororto. Save the Children oo ah Hay’adda samafalka ee ka shaqeysa arimaha caruurta ayaa ka digaysa in haddii aan degdeg wax looga qaban xanuunkaasi ay qaadan doonti ilaa sanad in lala tacaalo,waxaana soconaya dadaalo xoogan oo looga hortagayo fiditaanka cudurkaasi. Dalka Conga ayaa la sheegaya In guud ahaan tirade dhimashada ah ay gaarayso ilaa shan boqol oo qof oo la xaqiijiyay…

Read More

ADDIS ABABA (IDIL NEWS)-Shir madaxeedka Dowladaha xubnaha ka ah Ururka Midowga Afrika (AU)-da ayaa la filayaa in maanta lagu so ogebagebeeyo Xarunta Dhexe ee Ururkaasi oo ku taalla caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Abeba. Furitaankii shalay ee Kulankaasi waxaa Madaxweynaha dalka Masar, C/Fataax Al-siisii loo doortay Hoggaaminta Sannadlaha ee Ururkaasi, isagoo xilkaasi kala wareegay dhigiisa dalka Ruwanda, Paul Kigambe. Madaxda Dowladaha Afrika waxay kulankii shalay kaga wada hadleen Arrimaha Ammaanka, Qaxootiga, Suuqa Xorta ee Afrika, Maalgashiga iyo Iskaashiga Guud ee dalalka Afrika. Madaxweynaha Masar o oka hadlay Kulankaasi waxa uu tilmaamay in Argagixisadda yihiin Kansar. Isla markaana ay doonayaan inay…

Read More

BOOSAASO (IDIL NEWS)-Taliyaha Ciidamada Booliska Dowladda Puntland Gen. Muxyadiin Axmed Muuse, ayaa Mar kale ku dhawaaqay in Degaanada Puntland laga Mamnuucay Tahriibka, Isagoona digniin culus u diray Kooxaha dadka tahriibiya, Gadiidleyda iyo laamaha ammaanka Puntland. Gen. Muxyadiin ayaa Sheegay in Dowladda Puntland ay Xoojineyso Amaradeedii cuslaa eek a dhanka ah Tahriibka, kuwaas oo sida uu sheegay muddooyinkii ugu dambeeyay la iska dhaga-tiray, lana baalmaray. Waxaa uu Sheegay in Tilaabo aan la mahdin ay ka qaadi doonaan Dadka ka shaqeysta Tahriibinta Dadka, kuwaas oo uu xusay in ay yihiin kuwo caadeystay inay dhinac maraan amarada Dowladda eek a dhanka ah Tahriibka.…

Read More

GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa Soo dhisay Golaha Xukuumadda, kuwaas oo Maalmihii ugu dambeeyay si weyn loo hadal hayay Magacaabistooda. Madaxweyne Deni ayaa soo Dhisay Gole Wasiiro oo ka kooban 18 Wasiir, 18 Wasiir ku-xigeen iyo 9 Wasiiru dowle, waxaana ay u badan yihiin xubno si weyn loo hadal haayay Magacaabistooda. Liiska Golaha Wasiirada Cusub ee Dowladda Puntland ayaa waxaa kasoo muuqday Cabdisamad Gallan oo loo Magacaabay Wasiirka Amniga iyo Xasan Shire Abgaal oo loo Magacaabay Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland, kuwaas oo ah saaxibada dhow ee Madaxweyne Deni. Akhriso Liiska Magacyada Golaha Wasiirada Cusub ee…

Read More

GAROOWE (IDIL NEWS)-Liiska Golaha Wasiirada ee uu Magacaabay Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa Haatan lagu Dhawaaqay, Iyadoona laga Baahiyay Warbaahinta Dowladda. Liiska Golaha Wasiirada Cusub ee Dowladda Puntland ayaa waxaa kasoo muuqday Xubno si weyn loo hadal hayay, kuwaas oo ay kamid yihiin Cabdisamad Gallan oo loo Magacaabay Wasiirka Amniga iyo Xasan Shire Abgaal oo loo Magacaabay Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland. Daawo. IDIL NEWS

Read More