Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Cabdinuur Sh. Maxamed Isxaaq oo ka tagaya BBC-da (Daawo)
    Puntland

    Cabdinuur Sh. Maxamed Isxaaq oo ka tagaya BBC-da (Daawo)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 15, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    LONDON (IDIL NEWS)-Cabdinuur Sheekh Maxamed Isxaaq oo ka mid ahaa Wariyeyaashii ugu caansanaa ee laanta Afka Soomaaloga ee BBC-da ayaa shaqada ka tagaya, isagoo ku jira maalmihii u dambeeyay.

    Cabdinuur Sheekh Maxamed Isxaaq ayaa BBC-da ku biiray sanadkii 1989, waxaa uu ka mid ahaa wariyeyaasha mudada dheer u shaqeynayay laanta Afka Soomaaliga.

    Wariye Cabdinuur ayaa sheegay in markii uu ku soo biiray BBC-da ay ku adkaatay qalabka iyo farsamadii lagu shaqeynayay oo ka duwaneyd tii Radio Muqdisho, balse tababar kaddib uu la qabsaday

    ”Markii aan ku soo biiray BBC waxaa igu adkaa qalabka iyo farsamadii lagu shaqeynayey oo ka duwaneyd tii Radio Mogadisho, balse tababar ka dib waa la qabsannay oo waxaa nala baray xataa wareysiga aad qaado sida aad u jarjari karto oo aad ugu habeyn karto waqtiga aad u haysato balse Radio Mogadishu ma jirin qof ama laba ka badan oo farsamada yiqiin oo waxaa xadidnaa qalabka” ayuu yiri Cabdinuur Sheekh Maxamed Isxaaq.

    Waxaa ay horay u soo wada shaqeeyeen Wariyeyaal caan ahaa oo soo maray BBC-da, sida C/llaahi Xaaji, Aadan Nuux Dhuule, Yoonis Cali Nuur, Maxamuud Sheekh Axmed Dalmar iyo kuwa kale.

    Cabdinuur Sheekh Maxamed Isxaaq ayaa ka mid ahaa wariyeyaasha codka halaasiga ah lahaa, waxaana uu noqon doonaa mid laga tabo laanta afka Soomaaliga ee BBC-da oo is bedel iyo dib u dhac badan ku dhacay sanadihii u dambeeyay.

    Daawo.

    https://www.facebook.com/BBCNewsSomali/videos/408622023217661/

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay dhismaha Hay’adda ururinta Taariikhda Puntland

    September 7, 2026

    Puntland’s Emerging Maritime Security Role in the Horn of Africa

    September 6, 2026

    XOG: Xubno katirsan NISA oo loo xiray lunsashada Malaayiin dollar

    September 6, 2026
    Latest Posts

    Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay dhismaha Hay’adda ururinta Taariikhda Puntland

    Puntland’s Emerging Maritime Security Role in the Horn of Africa

    XOG: Xubno katirsan NISA oo loo xiray lunsashada Malaayiin dollar

    Kacdoon ka dhan ah Turkey oo ka bilowday K/Soomaaliya

    GEDO: Itoobiya iyo Kenya oo Baarayaal u dirsaday Doollow

    XOG: Xassan Shiikh oo ku jira Isbitaal ku yaal Serbia

    Madaxweyne Deni oo gaaray Degmada Ufeyn

    Puntland iyo USA oo iskaashi militari u bilowday siday qortay warbaahinta Maraykanka

    DEGDEG: Ciidanka Laftagareen oo la wareegay qeybo kamid ah Baydhabo

    Maraykanka oo garaacis ku ekeeyay Xeebaha Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.