Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Jubbaland oo kismaay ka bilowday qaadista Canshuurta Waddo marista (Daawo)
    Puntland

    Jubbaland oo kismaay ka bilowday qaadista Canshuurta Waddo marista (Daawo)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 13, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    KISMAAYO (IDIL NEWS)-Wasaaradda gaadiidka Dowlad-goboledka Jubbaland iyo Laanta nabadgelyada waddooyinka degmada Kismaayo ayaa maanta magaalada Kismaayo ka bilaabay qaadista canshuurta sanad laha ah ee waddo marista gaadiidka, kaddib markii guddiga dakhliga Jubbaland ay shalay iclaamiyeen arrintaasi.

    Ciidamada laanta Taraafikadda magaalada Kismaayo ayaa gaadiidleyda xusuusinaayey in la gaaray xilligii bixinta canshuuraha waddo marista ee sanad laha ah.

    Bashiir Xiis Khaliif Taliyaha laanta nabadgelyada waddooyinka ee degmada Kismaayo oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay si rasmi ah u bilaabatay qaadista canshuurta sanad laha ah ee waddo marista gaadiidka, wuxuuna wadayaasha gaadiidka ugu baaqay in ay bixiyaan canshuurta ku waajibtay.

    Waa sanadkii labaad oo ay wasaaradda gaadiidku qaaddo canshuuraha waddo marista gaadiidka, gaari kasta oo bixiya waxaa lasiinayaa waraaq caddeynaysa in uu canshuurta bixiyey oo aan muddo sanad ah lagu lahayn wax canshuur ah.

    Daawo.

    https://www.facebook.com/JLTVOfficial/videos/347036542557509/

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay dhismaha Hay’adda ururinta Taariikhda Puntland

    September 7, 2026

    Puntland’s Emerging Maritime Security Role in the Horn of Africa

    September 6, 2026

    XOG: Xubno katirsan NISA oo loo xiray lunsashada Malaayiin dollar

    September 6, 2026
    Latest Posts

    Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay dhismaha Hay’adda ururinta Taariikhda Puntland

    Puntland’s Emerging Maritime Security Role in the Horn of Africa

    XOG: Xubno katirsan NISA oo loo xiray lunsashada Malaayiin dollar

    Kacdoon ka dhan ah Turkey oo ka bilowday K/Soomaaliya

    GEDO: Itoobiya iyo Kenya oo Baarayaal u dirsaday Doollow

    XOG: Xassan Shiikh oo ku jira Isbitaal ku yaal Serbia

    Madaxweyne Deni oo gaaray Degmada Ufeyn

    Puntland iyo USA oo iskaashi militari u bilowday siday qortay warbaahinta Maraykanka

    DEGDEG: Ciidanka Laftagareen oo la wareegay qeybo kamid ah Baydhabo

    Maraykanka oo garaacis ku ekeeyay Xeebaha Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.