Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyay Shir ay habka fogaan aragga caawa ku yeesheen madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka oo diiradda lagu saaray habsami u socodka howlaha doorashooyinka dalka iyo in sida ugu dhaqsiyaha badan loo bilaabo doorasha xildhibaannada Golaha Shacabka ee BFS, iyadoo la tix raacayo jadwalkii doorashooyinka dalka. Guddoomiyaha Guddiga Maamulka Doorashooyinka Heer Federaal oo shirka qeyb ka ahaa, ayaa Golaha Wadatashiga Qaran la wadaagay warbixin ku saabsan howlaha guddiga ee ku aaddan hab sami u socodka howlaha doorashooyinka. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sidoo kale u sheegay Idilnews, in Madaxda Golaha…
Author: Jibril Qoobey
Guddoomiyaha Gobolka Bari mudane Senator Cabdisamad Yuusuf Maxamed Abwaan, ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad lagu la kala wareegayey qalab cafimaad oo ay yeelan doonan degmada Xaafuun iyo deegaanka hurdiye ee Gobolka Bari. Munaasabada ayaa lagu la kala wareegay qalab cafimaad oo ay ururka jaaliyada Puntland Diaspora ee Denmark ugu deeqeen hospital ka Degmada Xaafuun iyo hurdiye, qalabka ayaa waxa lagu la kala wareegay dekada magaalada Bosaaso oo uu ka soo dagay qalabku. Waxa ka soo qeyb galay munaasabada Guddoomiyaha Degmada Xaafuun iyo ku-xigeenkisa, Isuduwaha Wasarada Cafimaad Gobolka Bari, Guddoomiyaha jaaliyada Diaspora Puntland ee Denmark, Nabadoono, iyo cuqaal. Guddomiye Mudane…
Xukuumadda Soomaaliland ayaa sheegtay in wax shaqo ah ku laheyn howlaha doorashooyinka ee doadda Federaalka ah ee Soomaaliya, kuwaas oo ka socda Magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka. Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Somaliland ayaa waxaa lagu sheefay in ay ku wargelinayaan Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo guud ahaan Caalamka in Somaliland tahay dowlad madax bannaan oo aan wax Shaqo ah ku laheyn howlaha Maamulka doorashooyinka Somaliland. Sidoo kale Wasaaradda Arrimaha dibadda Somaliland ayaa sheegtay in ay uga digeeyso Maamulka iyo Siyaasiyiinta Soomaaliya sheegashada ay ku marin habaabinayaan caalamka sida hadalka loo dhigay. Warkaan kasoo yeeray Somaliland oo…
Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ayaa maanta Degmada Qardho kulan kula qaatay Ururadda Siyaasadda Puntland, maamulada heer gobol iyo degmo iyo taliska qaybta booliska. Ujeedka kulanka ayaa ahaa isxogwaraysi iyo qiimayn shaqada socota oo ay ugu horrayso qaybinta kaararka codbixinta. Dood dheer ka dib, waxaa la isla qaatay in la mideeyo farriimaha wacyigelinta ee la xiriira kaarar qaadashada laguna koobo in dadwaynaha lagu dhiirigeliyo qaadashada kaararka iyo in looga digo dadka in aysan kaararkooda cidna u dhiiban ee ay haystaan si ay maalinta codbixinta u adeegsadaan. Idilnews
Dhul-gariirka oo halbeegiisu ahaa 5.9 Rector Scale laga dareemay magaalladda Melbourne ee Caasimadda u ah Gobalka Victoria ee K/Galbeed ee Australia. Burbur dhismooyin ayaa la soo weriyey, iyadoo ruxunka dhulka laga dareemay Deegaanada deriska la ah Melbourne. Xuddunta dhul-gariirka ayaa ahaa Degmadda Mansfield, sida ay sheegeen Hay’addaha dalkaasi. Ilaa haatan, lama soo werinin Khasaaro soo gaaray dadka ku nool magaalladda Melbourne oo ah magaalladda 2aad ee ugu weyn dalkaasi. Saxafi Ali America oo ku nool Australia ayaa sheegay inay dadka dareemeen walaac ballaaran, kadib, markii uu dhulka la ruxmay. Idilnews
Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta dhaggax dhigay dib-u-dayactirka 40km oo ka mid ah Wadada Isku xirta Laascaanood iyo Garoowe. Qeybta dayactirka lagu sameynayo wadada Laascaanood-Garoowe, ayaa waxaa ku jira buundooyin, waxaana dhisaysa Dowladda oo ku fulinaysa hab-isku-tashi ah. Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa boggaadiyay Shaqada socota ee dib loogu dayactirayo Wadooyinka Gobollada Puntland, wuxuuna la wadaagay Bulshada in sidoo kale la dhisi doono Jidadka Gobolka Gardafuu iyo Degmooyinka Taleex, Boocame iyo Buuhoodle. Munaasabadda waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka kala qeybgalay Wasiirada Wasaaradaha Howlaha Guud, Qorsheynta , Maaliyadda , Saraakiil Madaxtooyo iyo Shirkadaha dhismaha fulinaya. Idilnews
Qarax xooggan ayaa maanta ka dhacay garaash ku yaalla magaalada Marka ee gobolka Shabelaha Hoose, kaas oo sababay khasaare nafeed. Jugta qaraxan ayaa laga maqlay inta badan xaafadaha magaalada Marka ayaa waxaa ku dhintey hal ruux halka burbur xoog leh uu u geystey goobtii uu ka dhacay. Qaraxa ayaa waxaa ku dhintey nin caan ka ahaa magaalada Marka oo magaciisa lagu sheegay Saciid Jalbow, Balse lama oga inuu ahaa qofka qaraxa diyaarinayay iyo in kale. Idilnews
Dowladda Puntland ayaa heshiis la gashay Shirkadda Shire oo ka mid ah shirkadaha ka hawlgala Deegaanada Puntland. Munaasabadda heshiiska lagu kala saxiixday, waxaa Dowladda Puntland uga qayb galay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Xasan Shire Cabdi, Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Wasiirka Wasaaradda Hawalaha Guud, iyo Xisaabiyaha Guud ee Dowladda. Heshiiska shirkadaha lala galay ayaa salka ku haya dib u dayactirka Waddada isku xirta Garoowe iyo Faleydhyaale. Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa sheegay in Dowladda Puntland ay ka go’antahay dib u dhiska Dalka iyo kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha. Todobaadkii hore ayaa la dhagax-dhigey : 1- Waddada…
Taalibaann ayaa weydiisatay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay inay khudbad u jeediso madaxda adduunka ee ka qeybgalaya shir golaha loo dhanyahay ka socda New York, waxayna u magacowday afhayeenkooda fadhigiisu yahay Doha, Suhail Shaheen, inuu noqdo safiirka Afghanistan ee Qaramada Midoobay. Sida lagu sheegay warqad ay aragtay Reuters Talaadadii, Wasiirka arrimaha dibadda ee Taalibaan Amir Khan Muttaqi ayaa codsigan ku ku gaarsiiyay warqad uu u diray Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres Isniintii. Muttaqi ayaa codsaday inuu hadlo inta lagu guda jiro shirka sanadlaha ah ee Golaha Guud, kaas oo la soo gabagabeeyo maalinta Isniinta ah. Afhayeenka Xoghayaha Guud,…
Booliska magaalada Ankara ee dalka Turkiga ayaa 16-kii bishan waxaa ay xireen ganacsato Soomaaliyeed oo isugu jira rag iyo dumar, kuwaas oo shalay oo talaada ah lasoo daayay,. Ganacsatada ayaa waxaa loo qabtay in muddo 30 maalmood gudahood ah ay kaga baxaan dalka Turkiga. Safiirka Soomaaliya ee magaalada Ankara Ambassador Jaamac Caydiid ayaa sheegay in Ganacsatada Soomaaliyeed ay dacweeyeen dadka Xaafada ay ku Ganaxsanayeen, balse dadaal farabadan ay sameeyeen kusoo daayeen. Safiirka oo la hadlay voa-da waxaa uu sheegay in sababaha dadkaan loo xiray ay aheyd in ay dalkaasi ku tageen Viisooyin Dalxiis iyo kuwa Ardaynimo, isla markaana dalka Turkiga…
Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa manta kulanka amniga la qatay Taliyahasha Saldhigyada iyo Gudoomiyaasha Xaafadaha Bosaaso si loo dardargaliyo amniga Bosaaso iyo isku xiritaanka Booliska iyo bulshada xafadaha magaladda. Taliye Xuseen ayaa si wada jir ah warbixino ka dhageystay Taliyaasha Saldhigyada si ay uga warbixiyaan sida ay amniga uga shaqeyeen xaafadihii loo igmaday. Gudoomiyaasha Xafadaha Bosaaso ayaa Taliska Booliska ku Amaanay wada shaqeynta Buuxda iyo isku xiritaan markii ay u baahdaan laamaha amaanka si ay uga jawabaan cabashoyinka timaada xafadaja ay xukumaan. Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa ku dhiirigaliyay Sarakiisha…
Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Khudbad ka jeediyey Meertada 76-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa kaga hadlay Geeddi socodka arrimaha doorashooyinka Soomaaliya, Xakamaynta iyo ka soo kabashada cudurka COVID-19, Dardar gelinta iyo dib-u-habaynta Qaramada Midoobay, Ilaalinta deegaanka iyo isbeddellada cimilada adduunka. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo bandhigay qorsheyaasha ka hirgalay dhammaystirka geeddi-socodka doorashooyinka Qaran ee ka socda dalka, isaga oo hoosta ka xarriiqay sida ay dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay ka miro-dhalinta himilada shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan doorasho xor ah oo loo wada dhan yahay. “Waxaa hadda meel…
Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Qaali Maxamuud Guhaad oo ah hooyada dhashay Ikraan Tahliil Faarax iyo xubno kale oo ka tirsana qoyska Ikraan Tahliil. Wasiirka amniga iyo qoyska Ikraan Tahliil ayaa ka wada hadlay sidii cadaalad ay u heli laheyd Ikraan tahliil oo ay sheegeen qoyska iney ku tabayaan gacanta hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Wasiir Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa sheegay in qoyska Ikraan Tahliil ay qabsan karaan bannaanbax nabadeed, isagoona intaas ku daray in cidii hor istaagta banaanbaxaasi nabadeed aysan waxba ka duwanaan doonin dadka lagu tuhunsan yahay kiiska Ikraan…
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Mudane Aadan mukhtaar suuriye umagacaabey xeer ilaaliyaha Guud ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya. https://youtu.be/AZYqQOboWhk Idilnews
Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Nugaal Gaashaanle Sare Maxamed Aadan Jaamac ayaa ka qayb galay shir looga hadlayay Amniga Guud ee Caasimadda. Shirka ayaa waxaa goob-joog ah Duqa Dagmada Garowe,Masuuliyiinta Maxkamaddaha, xeer ilaalinta, Taliyayaasha saldhigyada, iyo guddoomiyayaasha xaafadaha Magaladda. Muhiimadda Shirka ayaa ahaa sidii loo Dar-dar galin lahaa wada shaqaynta hay’addaha Amniga iyo Gudoomiyasha Xafadaha iyo sidii meel looga soo wada jeesan lahaa cid kaste oo qatar ku ah Amniga Caasimada Puntland. Uga danbayntii Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Nugaal Gaashaanle Sare Maxamed Aadan Jaamac ayaa shacabka uga baaqay in ay ka qeyb qatan sugida Amniga lan shaqeyn Ciidamadda. Idilnews
Waxaa maanta degmada Godobjiiraan ee gobolka Nugaal si diiran loogu soo dhaweeyey wafi balaaran oo uu hogaaminayo Kusimaha Wasiirka ahna Wasiiru-dawlaha wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Dowladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Cali Geelle iyadoo waftigaas uu kamidyahay agaasimaha guud ee wasaaradda Mudane, Cabdicasiis Nuur Cilmi “Koor” iyo Injineerka wasaaradda Eng, Cabdiweli Yuusuf Aadan. Waftigan oo degmada Godobjiiraan kutagay diyaarad ayaa waxaa si heersare ah usoo dhaweeyey maamulka degmada Godobjiiraan, waxgaradka Deegaanka, ardayda iyo qaybaha kaladuwan ee bulshada waxaana ay halkaas u tageen fulinta mashaariic ay horey wasaaraddu degmadaas ugu balanqaaday. Idilnews
Wasiirka wasaarada Ganacsiga Dowladda Puntland Mudane Cabdullaahi Cabdi Xirsi, iyo Guddoomiyaha Gobolka Bari Mudane Senator Cabdisamad Yuusuf Maxamed Abwaan, ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland. Kulanka ayaa waxa looga hadlay dar-dargalinta arrimaha Ganacsiga ee Gobolka iyo sidii loo taageeri lahaa ganacasatada maal gashaneysa dalka. Waxa qeyb ka ahaa kulanka Agaasimaha Fayadhoorka Dowladd Puntland Iyo isuduwaha wasaraada Ganacsiga Gobolka Bari. Guddomiye mudane Senator Cabdisamad Abwaan, ayaa wasiirka iyo wafidigiisa kusoo dhoweeyey xafiiska waxa uuna uga warbixiyey xaalada guud ee Gobolka Iyo hormarka socda sidii loo xoojin lahaa. Idilnews
Wasaaradda Amniga iyo DDR ee Dawladda Puntland ayaa qabatay shir ku saabsan ka doodida Siyaasada Daryeelka Ciidamada Dawladda Puntland. Shirkan ayaa waxaa shir gudoomiyay Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR ee Dawladda Puntland waxaana kasoo qeyb galay Wasiir xigeenada Wasaaradda Amniga iyo DDR, Agaasimaha Guud, Agaasimaha Waaxda Qorsheynta iyo Siyaasadaha, la taliyayaasha Wasaaradda Amniga iyo taliyaayaasha talisyada Ciidamada kala duwan ee Dawladda Puntland. Sidoo kale waxaa lagu marti qaaday shirka Wasaaraddaha Cadaaladda, Waxbarashada, Caafimaadka, Qorsheynta. Siyaasadan ayaan waxay xooga saari doonta sidii ay ciidamadu u heli lahayeen iyaga iyo qoysaskooda daryeel ku filan dhanka Waxbarashada, Caafimaadka, kor u qaadida nolosha qoysaskooda,…
Dowladda Mareykanka ayaa ugu baaqday Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble inay xalliyaan khilaafka haatan ka dhex taagan si loo ilaaliyo xasiloonida dalka. Mareykanka ayaa sheegay in wadashqeynta Farmaajo iyo Rooble ay tahay arrin muhiim u ah dardangelinta dhameytirska hanaanka doorashada dalka. “Waxaan ugu baaqeynaa Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha inay ka fogadaan qoraallada iyo ficilada xaaladda sii kicinaya si ay u xalliyaan khilaafka ka dhashay magacaabista saraakiisha dowladda” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda. Khilaafka madaxda dowladda Soomaaliya ayaa sii xoogeystay ka dib markii madaxweyne Farmaajo…
Warbaahinta Maxaliga ee dalka Sudan ayaa sheegay inay Koox ka tirsan Milliteriga dalkaasi isku dayeen inay Talada dalkaasi la wareegaan. Afhayeenka Golaha KMG ee haya Talada dalkaasi Suudaan Qorsal ayaa soo dhigay Bartiisa Facebook in dadka Reer Sudan uu ugu baaqayo inay isku soo baxaan, si ay u difaacaan dalka iyo inay badbaadiyaan Xilliga Ku-meel-gaarka. War haatan ka soo baxa Golaha haya Talada dalkaasi ee TSC ayaa lagu sheegay inay fashiliyeen Isku-dayga Afgembiga, isla markaana ay iyaga si buuxda gacanta ugu hayaa Talada dalka. Lama sheegin khasaaraha ka dhashay Isku-dayga Afgembiga fashilmay iyo Saraakiisha hoggaaminaysay Hawlgalka Afgembiga fashilmay. Idilnews
Waxaa maalintii labaad ka soconaya degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn qaadashada kaararka cod-bixiyayaasha Doorashooyinka hordhaca ah ee Puntland, kuwaas oo la siinayo dadkii horey isku diiwaangeliyay. Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ayaa sheegay in bixinta kaararkan oo soo bilaabatay Isniintii shalay aheyd ay socon doonto ilaa 27 bishan September. Dadka qaata kaararkan ayaana codeyn doona Doorashooyinka lasoo hormariyay ee Puntland oo ay ku loolami doonaan 9 Urur siyaasadeed. Deegaanada Puntland ayaa 25 bisha soo socota ee October, markii ugu horeysay ay ka dhacaysa doorasho qof iyo cod ah, waxaana si hordhac ah loogu qaban doonaa sddexda degmo ee kala ah Qardho,…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah DFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa liiska musharraxiinta xildhibaannada Aqalka Sare ee Gobollada Woqooyi ( Somaliland) ka guddoomay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS waqtigiisu dhamaaday Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed. Liiska Musharaxiinta Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi ee loo gudbiyay Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka kooban 25 musharax, oo uu ku jiro Guddoomiye Cabdi Xaashi oo aan lagula tartameyn Kursiga. Sidoo kale Musharaxiinta ayaa waxaa ka mid ah Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare Ibraahim Iidle Suleymaan, Prof, Cabdi Ismaaciil Samatar, Wasiirka Warfaafinta Cismaan Dubbe iyo Wasiirka Dastuurka Saalax Axmed Jaamac.…
Masuuliyiinta Wasaraadda Maaliyadda ee gobolka Gardafuu, ayaa kormeer shaqo ku tagey xeebaha Degmada Bareeda, iyagoo indha-indheyn ku sameeyay dakhliga Xeebaha ee Wasaaraddu qaado. Koormeerka, waxaa hogaaminayay Xisaabiyaha Wasaarada Maaliyada gobolka Gardafuu Maxamed Axmed Jeeg, Taliyaha Qeybta gobolka.Gardafuu Gaanshaanle sarre Shire Cabdi Ismaacil iyo maamulaha Dakhliga ee gobolka Cumar Jaamac Juusuf. Masuuliyiintan, waxey digniin u direen Kalluumeysatada si sharci daro ah ugu Kalluumeysata Xeebaha Puntland gaar ahaan gobolka Gardafuu, waxeyna sheegeen ciddii lagu helo iyagoo si sharci darro ah u kalluumeysaneysa sharciga la hor keeni doono. Xeebta Puntland, ayaa aad u dheer, waxaana ceegaaga kheyraad farabadan, waxaana la sheegaa in ay…
Shir is xog waraysi iyo wax wada qabad ah oo dhex maray Wasaaradda Amniga iyo DDR ee Dawladda Puntland iyo madax ka socota Xafiiska Caawinta Soomaaliya ee Qaramada Midoobay (UNSOM) ayaa ka qabsoomay xarunta dhexe ee Wasaaradda Amniga iyo DDR ee DPL. Waxaa shirkan shir gudoomiyay Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR ee Dawladda Puntland waxaana wehliyay Wasiir xigeenada Wasaaradda iyo Agaasimaha Guud. Sidoo kale waftiga UNSOM waxaa hogaaminayay Marco oo ah hogaanka ROLS-UNSOM. Shirkaan ayaa lagu gorfeeyay shaqooyin horey ugu qabsoomay labada dhinac kaas oo ay iska kaashanayeen sida Hormarinta Booliiska Puntland iyo barnaamijyada hormarinta ah ee Puntland. Waxaa sidoo…
Agaasimihii hore ee Hay’adda NISA kana mid ah eedeysaneyaasha loo heysto dilkii Ikraan Tahliil Fahad Yaasiin ayaa saaka dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kaddib markii diyaarad khaas ah ay kasoo qaaday dalka Turkiga. 17-kii Bishaan diyaarad uu la socday Fahad Yaasiin ayaa laga celiyay dalka Jabuuti, iyada oo tallaabadaas Madaxtooyada Soomaaliya ay ku eedeysay inay ka dambeeyso dowladda Jabuuti, halka dowladda Jabuuti Warkaasi ay beenisay. Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa dhawaan xilkiisii ahaa Agaasimaha Hay’adda NISA ku waayay kiiska maqnaanshaha Ikraan Tahliil, waxaana taasi ay sababtay in khilaaf xoogan oo aan weli xal loo helin uu ka dhex billaawdo…
Waxaa ka dib uga bilowday magaaladda Muqdisho waan-waan lagu heshiisiinayo Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, kuwaas oo muddooyinkii ugu dambeeyay uu khilaafkoodu taagnaa. Dadaaladan ayaa waxaa horkacaya Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka waqtigiisu dhamaaday iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, kuwaas oo xalay kulamo is xig-xiga la qaatay Farmaajo iyo Rooble. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Idilnews in weli wax natiijo ah aan laga gaarin kulamadan, ayna labada nin isku hayaan cida noqonaysa Agaasimaha KMG ah ee Hay’adda NISA, maadama ay kala magacaabeen Labo Agaasime. Khilaafka Farmaajo iyo Rooble…
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu qabtay munaasabad ay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay Qaramada Midoobay dib ugala soo wareegeysay masuuliyadda Hay’adaha Falanqeynta Sugnaanta Cuntada iyo Nafaqo-darrada (FSNAU) iyo hay’adda xog ururinta biyaha iyo dhulka Soomaaliya (SWALIM). Munaasabadda la wareegitaanka oo ka dhacday Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay Madax ka socotay Hay’adda FAO oo dhamaan ay wada hoostagayeen, kaaliyaha xoghayaha Wakiilka Qaramada ee Soomaaliya iyo Wasiiro uu kamid yahay Wasiirka qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan, waxaana hehiiska lagu go’aamiyay in Soomaaliya ay si buuxda ula soo wareegtay maamulka Hay’adaha (FSNAU) iyo (SWALIM). Madaxa Hay’adda FAO ee Soomaaliya…
Dowlada mareykanka ayaa si rasmiya ugu dhawaaqday inah cunaqabateyn hubka ah kusoo rogtay Ethiopia & Eritrea laga bilaabo axadii. taas oo u muuqata in la dadajinayo cunaqabateynaha kala duwan ee la saarayo Ethiopia & Eritrea. Kaliyana maaha Shirkadaha maraykanka ee wadan kasta oo maraykanka iskaashi military la leh ayeey mamnuuc katahay inuu hub ama technology hub ka iibiyo ama ugu deeqo Ethiopia & Eritrea. Waxaa la sheegaya in ujeedka ugu weyn yahay Turkey oo katirsan NATO ayna iskaashi Ciidan & qalab leeyihiin maraykanka in la rabo in lagu xakameeyo si aysan Drones ugu gaynin dowlada Ethiopia. Dhanka kale erayga bariga…
Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo saartay Habraaca Xakameynta Covid-19 ee Dowladda Federaalka Somaaliya kaasoo faraya mujtamaca Soomaaliyeed, dadka safraya, iyo kuwa u soo safraya Soomaaliya dhaqangelinta nidaamka caalimaga ah ee ka hortaga iyo xakameynta caabuqa COVID-19 iyo Talooyinka Wasaardda Caafimaadka si loo badbaadiyo bulshada Soomaaliyeed. Qoraal dheer oo kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka ayaa waxaa lagu sheegay in Dowladda Federaalka Somaaliya, iyadoo ka duuleysa xogta caafimaadka ee la socoshada isbedellada Caabuga COVID-19 ee gudaha dalka iyo dunidaba, ay cadeyneysO in cudurka COVID-19 uu markii sadaxaad dib ugu soo laabtay dalka, Walow weli Baaritaan xaqijin ah ee nooca Viruska aan la…
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Faderalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland mudane Cabdiweli Mire Xirsi ayaa maanta xilka u kala wareejiyay Guddoomiyaha hore iyo Guddoomiyaha Cusub ee Gobalka Cayn Mudane Cabdifitaax ciise maxamed. Munaasibada xil wareejinta waxaa goob joog ahaa Xidlhibaano Ka tirsan Golaha Wakiillada Puntland, Maamulka Degmada, sarakiisha ciidanka, isku duwaayaasha Wasaaraddaha, iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada degmada Buuhoodle. https://www.facebook.com/Puntlandstatetv/videos/2334831079982804 Idilnews
Wasiirka duulista hawadda iyo garoomada dawlada Puntland, Ilyaas Cumar Lugatoor iyo wafti uu hogaaminayo oo ay ka mid yihiin xildhibaan Axmed Daad jaamac diiriye, Saraakiil ka tirsan wasaarada ayaa maanta soo gaaray magaalada Qardho. Ujeedada safarkooda ayaa ahayd u kuur-galida xaalada garoonka oo dhawaan lasoo gaba-gabeeyay dayactir lagu samaynayay, waxayna u kuur-galeen shaqada laga qabtay garoonka. Wasiir luga-toor ayaa xusay in garoonkaan ay hadda ka dib duulimaadku imaan karaan, uuna furan-yahay. Waxa uu sidoo kale tilmaamsy in shaqooyinka dhiman marka la dhamayartiro si rasmi xariga looga jari-doono. Intaas ka dib gudoomiyaha Gobolka Karkaar Cabdi Saciid Cismaan iyo Wasiir luga-toor ayaa…
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in go’aanka Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda ee ku aadan dacwadda badda Soomaaliya iyo Kenya lasoo saari doono 12-ka October 2021. Mahdi Guuleed, oo ka mid ah guddiga Soomaaliya ku matalaya dacwadda, ayaa qoraal uu soo dhigay twitter-ka ku yiri “Alxamdulillaah,Waxaa farxad ii ah in aan Ummadda Soomaaliyeed la wadaago in Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ay xukunka dacwaddii Badda ee Soomaaliya iyo Kenya soo saari doonto 12ka October, 2021.” Dhul badeedka la isku haysto ayaa dhan 100,000 oo isku wareeg KM ah. Dowladda Soomaaliya ayaa dacwadda badda gudbisay sanadii 2014, xilligii…
Guddiga KMG ee Doorashooyinka Dowladda Puntland ayaa si rasmi ah maanta uga bilaabay Degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn qaybinta kaararka codbixiyayaasha doorashooyinka hordhaca ah ee golayaasha deegaanka. Guddiga TPEC ayaa sheegay in qeybinta kaararka codbixiyayaasha saddexdan degmo ay socon doonto ilaa 27 september 2021. Degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn ayaa loo madlan yahay in 25 bisha soo socota ee October ay ka dhacdo doorashada hordhaca ah ee Golayaasha deegaanada Puntland, waxaana ay noqonayaan deegaanadii ugu horeeyay ee kamid ah Puntland oo ay dhacdo doorasho qof iyo cod ah. https://www.facebook.com/TPECPuntland/videos/697852758273467 Idilnews
Iyadoo uu heer gebogebo ah marayo u diyaar garowga doorashada Aqalka Sare ee Xildhibaannada Gobollada Woqooyi (Somaliland), ayuu Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble la kulmay Guddoomiyaha Aqalka Sare, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare. Ra’iisul Wasaaraha ayaa mas’uuliyiintan ku boorriyay in ay soo gudbiyaan liisaska musharaxiinta Aqalka Sare, isagoo u xaqiijiyay in uu gacan ku siinayo in doorashadu ku dhacdo si hufan oo caddaalad ah. Idilnews
Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa dhaggax dhigay dayactir lagu sameynayo Buundooyinka wadada u dhexaysa Garoowe iyo Sin-u-jiif. Qeybta dayactirka lagu sameynayo Wadadan waxaa ku jira 56 Buundo oo isugu jira kuwo yaryar iyo waaweyn, Munaasabadda dhaggax dhiga waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka kala qeybgalay Wasiirada Wasaaradaha Howlaha Guud, Qorsheynta , Maaliyadda , Saraakiil Madaxtooyo iyo Shirkada dhismaha fulinaysa. Ugu danbeyn Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa booqasho ku tegay magaalada Sin-u-jiif halkaasi oo uu inta uu joogay uu wakhti kula qaatay bulshada magaalada. https://www.facebook.com/plstatehouseofficial/videos/179661944306934 Idilnews
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka UK ee Soomaaliya Keta Foster. Kulanka oo uu ka qeybgalay Wasiirka Amniga gudaha XFS ayaa looga hadlay xiriirka labada dal iyo habsami u socodka iyo amniga doorashooyinka dalka ee uu hormuudka ka yahay Ra’iisul Wasaaruhu. Idilnews
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibril oo uu wehliyo Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Wakiillada Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa shir-guddoomiyey fadhiga 2-aad ee Guddiga Joogtada ah, waxaana Guddiga hor yimi Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Mudane, Dr. Jaamac Faarax Xasan oo ay weheliyaan saraakiil ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka si wax looga weydiiyo arrimaha Caafimaadka Puntland gaar ahaan xaaladda caabuqa COVID19. Wasiirka ayaa ugu horeyn waxa uu Guddiga uga warbixiyey xaaladda guud ee Caabuqa COVID19 ee Puntland, la tacaalidda Wasaaradda ee ku saabsan Caabuqa Covid 19, caqabadaha jira iyo dedaalada ku aaddan wacyigelinta bulshada si kor…
Qarax miino ayaa lala eegtay Taliyaha Hay’adda NISA ee degmada Buurhakaba ee Gobalka Baay oo lagu Magacaabo Xuseen Dhuubow iyo Guddoomiye kuxigeenkii hore ee degmada Buurhakabo Nuurow Ibraahim & askar, kuwaas oo uu soo gaaray dhaawac. Ciidamo ka tirsan Booliska Koonfur Galbeed ayaa tegay halka qaraxa uu ka dhacay, iyaga oo goobta ka qaaday dhaawaca mas’uuliyiintaan oo la sheegay in uu yahay mid fudud. laamaha Amniga degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay weli si faah faahsan ugama hadlin qaraxa ay ku dhaawacmeen mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka degmada. Idilnews
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa saakay xafiiskiisa ku qaabilay Masuuliyiin ka soctay Xafiiska Qaramada Midobay u qaabilsan Soomaaliya (UNSOM). Masuuliyiinta oo uu hogaaminayey Agaasimaha hay’adaha amniga iyo sharciga Mr Marco Carmignani, uuna weheliyey La taliye Sare ee arrimaha amniga Mr Jeffrey Sims, Madaxda UNSOM ee Puntland Mr Guy iyo Sarkaalka arrimaha Siyaasadda ee UNSOM Puntland Mr Abdiazis. Waftiga ayaa uga warbixiyey Wasiirka ujeedka safarkooda ay ku yimaadeen Puntland, halka Wasiirkuna uga warbixiyey xaaladda gudaha Puntland; horumarka laga gaarey dhinacyada, amniga, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, dib u habeynta hay’adaha dowladda iyo hirgelinta barnaamijka…
Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa dhaggax dhigay dayactirka 8-buundo oo ku yaalla inta u dhexaysa Garoowe iyo deegaanka Birta dheer. Dayactirka lagu sameynayo 8-da Buundo ayaa qeyb ka ah qorshaha dowladdu ku dayactirayso Wadooyinka isku xira Gobollada Puntland, waxaana Madaxweyne Ku-xigeenka kala qeybgalay Wasiirada Wasaaradaha Howlaha Guud, Qorsheynta , Maaliyadda , Saraakiil Madaxtooyo iyo Shirkadaha dhismaha fulinaya. Idilnews
Beesha Caalamka ayaa aad uga walaacsan khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo & Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, kaas oo saameeyay Hay’adaha kala duwan ee dowladda. Wakiilada Beesha Caalamka ayaa tiro laba jeer ah waxaa ay soo saareen qoraalo ay uga dalbanayeen Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble in ay khilaafka xaliyaan si uusan saameyn ugu yeelan howlaha doorashooyinka ee socda. Xogaha la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Wakiilada Beesha Caalamka ee ku sugan Xerada Xalane ay cadaadis xoogan saarayaan Madaxda is khilaafsan ee dowladda, iyaga oo ka dalbanayay inay wax…
Waxaa dib-u-dhac kooban uu ku yimid Shir gaar ah oo u dhexeeyay Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada, lana filayay inuu maalinimada berrito ah uu ka furmo magaaladda Garoowe ee caasimadda Puntland. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Idilnews in Shirka loo bedelay Shirka Golaha Wada-tashiga Qaran ee Doorashooyinka, uuna kasoo qeybgalayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble, kaas oo ah guddoomiyaha Golaha Wada-tashiga. Wararka ayaa intaas ku daraya in Shirkan uu qabsoomayo ilaa 25 bishan September, waxaana la sheegay inuu iclaamin doona Ra’iisul Wasaaraha. Shirka gaarka ah ee dhexmari lahaa Madaxweynayaasha Dowladaha xubnaha DFS ayaa lagu go’aamiyay…
Mudane Madaxweyne, Mudane, marka horaysa waxaad naga guddoontaa Salaan Sharaf badan, waxaannu inta aannu dulucda qoraalkayaga u daadegin kaaga mahadcelinaynaa fulinta mashaariic badan oo wax badan ku siyaadiyey horumarka Puntland. Waxaannu sidoo kale kaaga mahadcelinaynaa sida aad Puntland had iyo goor uga difaacaysid cadowyo badan oo rabba inay wiiqaan jiritaankeeda iyo haykalkeeda dawladnimo. Mudane, waxaa waayaddaan soo baxay cadow cusub oo nooc kale ah, kaasoo rabba inuu wiiqo jiritaanka dadnimo iyo waliba dawladnimo ee Reer Puntland. *Cadowgaasi waa aafadda Khamriga*. *Puntland waxaa ka jirta dhibaato weyn oo ah dhinaca KHAMRIGA*. Waxaa aad Puntland ugu soo batay iibinta iyo ka ganacsiga…
Waxaa goor-dhaweyd soo dhamaaday kulan u dhexeeyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), kaas oo xal loogu raadinayay khilaaf ka dhex taagnaa labada Nin. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Idilnews, kulanka oo ahaa dhexdhexaadinta labada nin ay hormuud u ahaayeen Siyaasiyiin kasoo jeeda deegaanada Galmudug, Ra’iisul Wasaare Rooble ayaana ku eedeeyay Qoorqoor inuu dibin daabyo ku hayo howlaha Qaran ee uu hoggaanka hayo, sidoo kalena uu la safan yahay Farmaajo iyo Fahad Yaasiin, oo khilaaf adag kala dhexeeyo. Dhinacyo kala duwan oo isugu jiray siyaasiyiin iyo dad kale ayaa ku dhaliilayay Maadaxweyne…
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa wadajir u soo saaray habraaca doorahada xubnaha aqalka sare ee gobolada Waqooyi. Habraacan ayaa waxa uu sal u noqonayaa doorashada kuraasta Aqalka Sare ee 11 xubnood ah,kuwaasoo ay soo dooran doonaan ergo ka kooban 46 xubnood. Idilnews
Ganacsade Xasan Iidow Muxumad “Koboc”ayaa ku guuleystey doorasho goordhow a dhacday magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle. Xasan Koboc ayaa waxa uu helay codad gaaraya 69 cod,halka uu musharaxii la tartamayay Cabdinuur maxamed Ibraahin uu ka helay codad gaaraya 22 cod. Senator Xassan Koboc ayaa noqonaya Senatarkii lixaad ee lagu doorto magaalada Jowhar toddobaadkan waxaana dhiman labo kursi oo kamid ah kuraasta baarlamaanka Hirshabelle. Idilnews
Wasiir Arrimaha Gudaha Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa maantay xafiiskiisa kula kulmay Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) u fadhiya Puntland Mr Guy iyo Madaxa Sarkaal arrimaha Siyaasadda ee Xafiiska UNSOM Puntland Mr Abdicasiis. Kulanka ayaa looga wada hadlay arrimaha doorashada Degmooyinka Puntland iyo arrimaha Qaxootiga Dalka Yemen ka yimaada iyo Muhaajiriinta Ethiopian ka ah. Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa wadda qorshe lagu xakameynayo Qaxootiga Yemen ka yimaada iyo sidii loo xakameyn lahaa Muhaajiriinta ka yimaada Dalka Ethiopia. Idilnews
Waxaa degmadda Burtinle ee gobalka Nugaal lagu qabtay shir looga hadlayay Amniga iyo hormarinta Burtinle, kaas oo uu ka qeybgaleen Taliye kuxigeenka Booliska Dowladda Puntland Gen. Caydiid Axmed Nuur, Taliska Booliska degmadda iyo Maamulka degmadda Burtinle. Shirkan ayaa intii uu socday si gaar ah diirada loogu saaray dardar-gelinta Amniga magaaladda Burtinle oo kamid ah degmooyinka sida xowliga ah u kobcaya ee Puntland. Guddoomiyaha degmadda Burtinle Sayid Maxamed Xirsi, oo saxaafadda la hadlay shirka kaddib ayaa sheegay in lagu go’aamiyay shirka qodobo ay kamid yihiin in la kordhiyo tirada Booliska degmadda, iyo goobaha ay ku howlgalaan iyo in lagu xiro CCTV…
Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka cimilada Dowladda Puntland ayaa maanta magaalada Garoowe kuqabatay shir wadatashi iyo isku diyaarin ah oo ku saabsanaa sidii dawlada Puntland laamaheeda kaladuwan iyo bulshada ay isugu diyaarin lahaayeen ulana wareegi lahaayeen wajiga koowaad ee barnaamijka dhirtaynta dawlada Puntland iyo dawlada Ethiopia ay iska kaashanayaan. Shirkaan waxaa kasoo qaybgalay wasiiro, agaasimeyaal iyo xubno ka kalasocda wasaaradaha arimaha gudaha, Waxbarashada, Duulista Hawada, duqa caasimada Garoowe, maamulada xaafadaha kaladuwan ee Garoowe, gudiyada ardaydada jaamacadaha, shirkadaha kaladuwan ee adeegyada iyo masuuliyiin kale waxaana halkaas lagu soo bandhigay qorshaha wasaaradda ee kusaabsan udiyaargarowga dhirtan oo ka koobnaan doonta Shanmilyan oo…
Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka dowladda Puntland ayaa maalinta berri ah bilaabaya qeybinka kaararka cod-bixiyayaasha doorashada hordhaca ah ee Golayaasha deegaanka degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn. Afhayeenka Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland Cabdinuur Sheekh Maxamed Isxaaq ayaa sheegay in la 20-ka September 2021 oo ku beegam birii oo Isniin ah ay bilaami doonto Kaarar bixinta saddexda Degmo, sidoo kale afhayeenku waxa uu sheegay in qofna qof kale kaarkiisa uqaadi Karin. Degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn ayaa loo madlan yahay in 25 bisha soo socota ee October ay ka dhacdo doorashada hordhaca ah ee Golayaasha deegaanada Puntland, waxaana ay noqonayaan deegaanadii ugu…
Saraakiil kamid ah Ciidanka Booliska Dowladda Puntland ayaa maalmihii ugu dambeeyay tababar uga socday magaalooyinka Boosaaso iyo Garoowe, kaas oo lagu baranayay sugida Amniga Doorashooyinka BJFS. Tababaradan ayaa lagu siinayay Saraakiisha casharo ku aadan sugida Amniga Doorashooyinka iyo sidii ay ula macaamili lahaayeen dhinacyada ka qeybqaadanaya Doorashooyinka, sida musharixiinta xildhibaanada iyo ergada codeynaysa. Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Nugaal Gaashaanle Sare Maxamed Aadan Jaamac, oo maanta tababar ugu soo xiray Garoowe saraakiil Boolis ah ayaa kula dardaarmay in casharada sugida Amniga doorashooyinka ee ay qaateen ay noqdaan kuwo ku dhaqma waqtiga lagu jiro doorashada. https://www.facebook.com/PuntlandPoliceHQ/videos/3092394851037608 Magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso ayaa ah…
Dowladda Puntland ayaa Heshiis la gashay Shirkadaha Albaashi, Ceelhaahir iyo Kebarco oo ka mid ah shir kadaha ka hawl gala Deegaanada Puntland. Munaasbada heshiiska lagu kala saxiixday waxaa Dowladda Puntland uga qayb galay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta,Wasiirku xigeeno, Guddoomiyaha Banggiga iyo Xisaabiyaha Guud ee Dowladda. https://www.facebook.com/mof.puntland/videos/256900996314789 Heshiiska shirkadaha lala galay ayaa salka ku haya dib udayac-tirka wadooyinka; 1- Wada Midi-gar 2- Buundada Qayaad same 3- Wadada kalabayr Boosaaso Iyo sideed buundo oo u dhexeeya Garoowe iyo birta dheer, Dowladda Puntland ayaa bixisay dhammaan lacagihii lagu bilaabayey dhismaha wadooyinka oo ay Dowladdu ku wareejisay shirkadaha ka hawl galaya. Wasiirka…
Guddoomiyaha Gobolka Bari Mudane Senator Cabdisamad Yuusuf Maxamed Abwaan, ayaa maanta kulan la qaatay guddiga warshada Ogsijiinta sameeysa. Kulanka ayaa waxa looga hadlay sidii loo dhisi lahaa warshada Ogsijiinta guddiga ayaana waxa ay balan qaadeen in ay dhisi doonan warshada, iyadoo ayna dhawaan la bilaabi doono dhismaha warshada. Guddoomiye Mudane Senator Cabdisamad Abwaan, ayaa uga mahadceliyey guddiga kulankan waxa uuna ku bogaadiyey sida wanaagsan ay uga qeyb qaadanayaan hormarka dalka. Kulanka ayaa waxa ka soo qeyb galay Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Gobolka Bari, Guddoomiye ku-xigeenka Degmada Bosaaso, Iyo Isuduwaha Wasaarada Cafimaadka Dowladda Puntland. Idilnews
Kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab ayaa burburisay qeybo kamid ah garoonka diyaaradaha degmadda Buulo-burde ee gobalka Hiiraan. Burburinta ayaa Ururka Al-Shabaab uu adeegsaday miinooyinka lagu aaso dhulka, waxaana dhamaan dhulka tagay qeybaha hubinta iyo diyaarad sugida rakaabka ee garoonka diyaaradaha Buula-burde. Garoonka diyaaradaha degmadda Buula-burde ayaa waxaa saldhig ku leh Ciidammada DFS iyo kuwa AMISOM, waxaana sidoo kale uu muhiim u ahaa Ciidammada oo kala dega saadkooda iyo bulshada kunool degmadda oo ku jirta go’doon ay saartay Al-Shabaab. Idilnews
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Aqalka Madaxtooyadda ee Magaalada baydhabo ku qaabilay Safiirka Dowlada Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Mudane AMP Cabdifataax Sheekh Cabdullaahi. Kulanka ayaa looga hadlay Arimaha Doorashooyinka iyo Amniga, Madaxweyne Laftagareen ayaana uga mahadceliyay Itoobiya gacanta ay ka siiso Koonfur Galbeed la-dagaalanka Argagixisada. Ciidammada Itoobiya ayaa ku sugan inta badan deegaanada uu ka arimiyo Maamulka Koonfur Galbeed ee Gobalada Baay iyo Bakool, waxaana ay saldhigyo ku lee yihiin garoomada diyaaradaha magaalooyinka Baydhabo, Xudur, iyo degmooyin kale. Idilnews
Dowladda cusub ee Taalibaan ee dalka Afghanistan ayaa sida muuqata xirtay wasaaradda arrimaha haweenka, waxayna ku beddeleen wasaarad ujeedkeedu yahay kor u qaadista akhlaaqda iyo ka-hortagga xumaha. Iridda hore ee dhismaha ay deganeyd wasaaradda arrimaha haweenka ee Kabul, ayaa Jimcihii laga taagay calaamad cusub oo sheegaysa in wixii hadda ka dambeeya ay xarun u noqoneyso “Wasaaradda Wacdigalinta, Hanuuninta, Faafinta Wanaagga iyo Ka-hortagga xumaha.” Taalibaan ayaa sidoo kale dhismaha wasaaraddan ka saartay shaqaalihii barnaamijka xoojinta dhaqaalaha haweenka, kaas oo 100 milyan oo dollar uu ku maalgalliyay Bangida Adduunka, sida uu xaqiijiyay Sharif Akhtar oo ka mid ahaa dadkii sida khasabka ah…
Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda dowladda Puntland Cabdi Ibraahim Warsame (Qawdhan) ayaa sheegay in khilaafka u dhaxeeya Farmaajo & Rooble uu salka ku haayo Dastuur jabin, hor usocod la’aan Doorasho iyo Khilaaf soo jiitama oo soo laab laabtay. Wasiir Qowdhan ayaa xusay in khilaaf kasta oo siyaasadeed ee dhaca lagu xaliyo Caasimadda Puntland ee Garoowe, haatana uu rajeeynayo in lagu dhameeyo khilaafkaas. Ugu dambeyn Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda dowladda Puntland ayaa sheegay inay soo dhaweeynayaan Madaxda Dowlad Goboleedyada ee dhawaan ku shiraya Magaalada Garoowe, isaga oo cadeeyay in Puntland ay diyaar u tahay doorasho. Khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu…
Golaha Amaanku waxay walaac xooggan ka muujiyeen khilaafka socda ee ka dhex taagan Dowladda Soomaaliya iyo saameeynta taban ee uu ku yeelan karo jadwalka geedi-socodka doorashada. Waxay ku boorriyeen dhammaan saamilleyda inay isxakameeyaan, iyagoo hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay ilaalinta nabadda, amniga iyo xasilloonida Soomaaliya. Xubnaha Golaha Amaanku waxay ku boorriyeen dhammaan dhinacyada inay khilaafkooda ku xalliyaan wadahadal sida ay ku jirto danta Soomaaliya ayna hortabinta siiyaan qabsoomidda doorasho daah-furan, lagu kalsoonaan karo, loo dhan yahay, oo ku dhacda waqtigii lagu heshiiyey si waafaqsan heshiisyadii 17-kii Sebtembar iyo 27-kii Maajo. Golaha Amaanku waxay ku boorriyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo…
Madaxweynihii hore ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa goor-dhoweyd ka hadlay xaaladda uu dalka ku jiro iyo xaaladihii u dambeeyay ee dhanka siyaasadda iyo amniga ee dhacay. Xasan Sheekh ayaa sheegay in dalku ay ka jirto xaalad cabsi iyo walwal xambaarsan, isagoona ku bogaadiyay Ra’iisul Wasaare Rooble doorkiisa xasilooni u raadinta dalka, waxaana uu ugu baaqay shacabka inay la taageero Ra’iisul Wasaaraha. Madaxweynihii hore ee DFS ayaa sheegay in faa’idooyinka nidaamka Federaalka ay Soomaaliya qaadatay ay kamid tahay in waxa Villa Somalia ka dhacaya aysan saameyn doorashooyinka ka socda caasimadaha Dowlad Gobaleedyada iyo in aysan jirin hal meel…
Wakiilka Xogahaya Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa xubnaha Golaha Amniga ee QM warbixin ka siiyay xaaladda guud ee Soomaaliya ay xilligan ku sugan tahay. Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa muujiyay sida weyn ee ay uga walaacsan yihiin khilaafka joogtada ah ee ka dhex taagan madaxda dowladda Soomaaliya iyo saamaynta ay ku yeellan karto jadwalka doorashada iyo hannaanka doorashada. Goluhu wuxuu ku booriyay dhammaan dhinacyada in ay is-xakameeyaan, wuxuuna hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay ilaalinta nabadda, amniga iyo xasilloonida Soomaaliya. Xubnaha Golaha Ammaanku waxa ay ku boorriyeen dhammaan dhinacyada in ay ku xalliyaan khilaafaadkooda wada-hadal dan u…