Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Hayom ayaa warqad u qoray Wasiirka Amniga ee dawladda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow. Warqaddaas ayuu kaga hadlay saamaynta ka iman karta wararka sheegaya in ciidamo Soomaali ah oo ay taageerto Qaramada Midoobay inay ku lug lahaayeen qabashada Mukhtaar Roobow 13-kii bishan Diisambar, iyo dhimashada 15 rayid ah iyo dhaawaca laba qof oo kale oo dhaawacmay, iyo weliba qabqabashada 300 kale oo ku lug lahaa bannaanbaxyo dhacay saddexdaasi maalmood ee kala ahaa 13, 14 iyo 15-ka, dadkaasi oo 254 ka mid ah la hayey wax ka badan 48…
Author: Jibril Qoobey
Madaxweyne Prof Gaas ayaa dowladda federaalka ku eedeeyay inay faragelin ku hayso Dowlad Goboleedyada si ay u burburiso nidaamka federaalka ee ay Soomaalidu ku hershiisay Prof Gaas ayaa xusay faragelinta ay dowladda federaalka ku sameysay dawlada Goboleedayada Koonfur Galbeed, Galmudug iyo qorshaha guracan ee ay ka wadaan Jubaland Dhanaka kale Madaxweynaha ayaa ka hadlay hadalhayn ku saabsan madaxtinimada Puntland ee Dr Cali Ciise Cabdi oo horay ugu hawlanaa kala quybinta Puntland. Madaxweyne Gaas ayaa yiri “Cali Ciise waa nin u dhashay Punland laakiin ma qabo inuu aaminsan yahay jiritaanka Puntland. Waa nin aan weligiis ka shaqeynin midnimada iyo horumarka Puntland”…
Guddiga Xalinta Khilaafaadka Golaha Baarlamaanka Dawladda Puntland ayaa maanta ku dhawaaqay Liiska cusub ee Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Puntland. 66 Xildhibaan ayay Guddiga ku dhawaaqeen, 49 ka mid ah Xildhibaanada ayaa ah kuwa cusub halka 17 Xildhibaan ay yihiin kuwa horey uga tirsanaa baarlamaanki wakhtigiisu dhamaaday. Hoos ka akhriso Liiska oo dhameystiran.
Golaha Wakiilada Dawladda Puntland 2019 ayaa la filayaa in mar dhow la shaaciyo sida ay ii sheegeen Gudiga qaybo ka mid ah oo aan la xiriirayOgow Akhriste in Bulshada Puntland ukala qaybsantahay labo qaybood. 1. Xildhibaan Ku haminaayay in uu Xubinta Helo 2. Taagere Xildhibaan oo Farta Wadnaha ku haya Gudiga ayaa lafilayaa inay gelinka dambe ee maanta ilaa caawa si rasmi ah u shaaciyaan 66-da xubnood ee uu ka kooban yahay barlamaanka cusub ee Puntland oo ay ku yar yihiin xildhibaanadii hore ee Puntland. Maalinimada berri ah ayaa lafilayaa in barlamaanka cusub ee Puntland uu yeesho kulankiisii ugu horreeyey…
Miisaaniyadda sanadka 2019 ayaa ahaa tii ugu qarashka badneyd ee dowladda isticmaali doono muddo shan sano kaddib, laga soo bilaabo sanadkii 2013, xilligaasoo aheyd markii u horeysay ee uu dalka Miisaaniyad yeesho. 7-dii sano ee u dambeeyay ayay Miisaaniyadda dalka kor u sii kaceysay, waxaana sare ay u kacday 307%, sida ay soo shaxda Hey’adda Wakiil oo ka faaloota arrimaha dowlad wanaaga iyo Dimoqraadiyadda ee Soomaaliya. Haddaba waxaa halkan idin ku soo bandhigeynaa Miisaaniyadda sanadka 2019 iyo sida loo qorsheeyay:- Miisaaniyadda 2019-Ka Wadarta guud ee miisaaniyadda sannadka 2019-ka waa $340,060,149. Waxay dhowr milyan dheer tahay miisaaniyadda sanadkii hore oo gaaraysay…
Warar kala duwan oo safarka laga helay ayaa sheegaya in madaxweynaha uu halka u tagey booqasho la xiriirta qoyskiisa,iyadoo warbaahinta gudaha ay ku warrantay inuu madaxweynaha booqasho ugu tagey Hooyadii oo ku sugan galbeedka gobolka Mudug. Safarka deg deg ah ee madaxweynaha Puntland ayaa ku soo aadday xilli la filayo galinka dambe ee maanta in la shaaciyo xubnaha ka mid noqonaya Baarlamaanka cusub,iyadoo dhaqdhaqaaq arrinata la xiriira laga dareemayo magaalada Garoowe. Madaxweynuhu waxuu maalmahan kusii sugnaan doonaa deegaankaas oo ay dagan yihiin qoyskiisa gaarka ah.
Hakadka ku yimid qeyb ka mid ah howlaha dowladda Mareykanka ayaa maanta galay maalintii tobanaad ayada oo aysan muuqaan xilli ay taasi dhammaan doonto. Waxaa weli la isku mari la’yahay wada xajaoodyada madaxweyne Donald Trump iyo sharci-dejiyayaasha ee ku saabsansan miisaaniyadda sanadda 2019. Trump ayaa weli ku adkaysanaya dalabkiisa dhowrka bilyan ee dollar ah, ee uu doonayo inuu ku dhiso darbi kala qeybiya xuduudda dalalka Mareykanka iyo Mexico. Sharci dejiyayaasha dimoqraadiga ayaa diyaar u ah in qarash dheeri ah loo qoondeeyo sugidda amniga xuduudda, hase yeeshee waxa ay gebi ahaanba kasoo horjeedaan in lacag lagu bixiyo dhismaha darbi. Miisaaniyadda rubac…
Jaaliyada Puntland ee cariga Maraykanka waxay umuujisay Madaxweyne Gaas garab istaag xoog leh . Xafad si heer sare ah loosoo abaabulay ayna kasoo qaybgaleen guud ahaan qaybaha bulshada,ayay kusoo bandhigeen taageerada ay u hayaan dib isu sharixida Madaxweyne Gaas ee kursiga Madaxtooyo Puntland. Dhamaan haldoorkii xaflada ka hadlay waxay ku dheeraadeen waxqabadkisii mudadii uu xilka hayay,waxayna ka midaysnaayeen sida ay muhiim ugu tahay dib u doorashadiisa horumarka Puntland. Masuuliyiinta,Culumada,Abwaanada ,dhalinyarada iyo Ururada haweenak ee kasoo qaybgalay xaflada lagu garab istaagay dib isu sharixida maadxweyne gaas waxay ka dalbadeen Golaha Baarlamaanka ee cusub in ay udooraan bulshaweynta Puntland hogaamiyahaaas la tijaabiyay.…
Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) waxa uu1965-tii ku dhashay Gobolka Mudug, Gaas, waxa uu 1969-1979-kii ka dhiganayay Dugsi Hoose, Dhexe & Sare magaalada Dhuusa Mareeb ee Galgaduud, Soomaaliya. 1980-1984-kiina, Heerka 1-aad ee Jaamacadda ayuu Jaamacadda Ummadda (SNU), Kuliyadeeda Dhaqaalaha, Muqdisho, Soomaaliya ka baxay. 1986-1988-kii, waxa uu Heerka 2-aad ee Jaamacadda ka qaatay Jaamacadda Vanderbilt, NshvilleTennessee, Mareykanka Halka uu markale1998-2000-dii Heerka 2-aad ee Jaamacadda ka qaatay Dugsiga Kennedy ee Dowladda oo ka tirsan Jaamacadda Harvard University Cambridge ee Dalka Mareykanka. Sanadkii 1999-kii, ayuu Gaas ka qaatay Shahaado ku saabsan Barnaamijka Caalamiga ah ee Canshuurta Jaamacadda Harvard University Law School Cambridge ee dalka…
Jubaland waxay ku jirtaa diyaar garow xoog badan oo ay ugu diyaargaroobayso hawlgal ka dhan ah Alshabaab. Ciidamada kala duwan ee jubaland,ayaa ku jira tabaabushaysigii ugu danbeeyay ee ay ku bilaabayaan hawlgal ka dhan ah Maleeshiyaadka Alshabaab. Shalay waxaa ka anba baxay kismaayo Ciidamo aad u hubaysan oo wata 8-gawaarida dagaalka ah,kuwaasoo gaaray Degmada Afmadow oo u jirta kismaayo 150-Km. Sidoo kale waxaa dhanka Cabdalla Biroole u anba baxay cutubyo kale oo xoojin unoqon doona Ciidamada Daraawiishta ee farisinkoodu halkaas yahay. Madaxweyne Axmed Madoobe,ayaa sidoo kale dhawrkii beri ee udanbeeyay ku mashquulsanaa abaabulka,waxuuna kormeer ku marayay farisimada Ciidamada kala duwna…
Xildhibaanadda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku ansixiyay miizaaniyadda dowladda ee sanadka 2019-ka. Guddoomiyaha Golaha Shacabka mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman oo shirgudoomiyaya kulanki maanta oo ka dhacay xarunta Golaha Shacabka, ayaa sheegay in dhamaan mudanayaashi fadhiyay kulanka ay wada ansixiyeen. 174 Xildhibaan ayaa haa ugu codeeysay ansixinta miisaaniyadda, ma jirin xildhibaan diiday am aka aamusay, sida uu sheegay guddoomiyaha.Sidoo kale Xildhibaanada, ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Xeer Hoosaadka golaha oo dib u eegis lagu sameeyay, hal Xildhibaan oo kaliya ayaa diiday isbedelka lagu sameeyay xeer hoosaadka, halka 170 Xildhibaan ay ogolaadeen.
Goobaha codbixinta ayaa la furay dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo oo ah dalka labaad ee ugu wayn qaaradda Afrika. Ku dhawaad 40 milyan oo qof ayaa xaq u leh in doorashadan ay codkooda ka dhiibtaan. Madaxwayne Joseph Kabila oo dalka Congo ka talinayay tan iyo 2001 ayaa hada xilka ka dagaya. Balse doorashadan waxaa hareeyay rabshado ka dhashay ka dib markii ay guddiga doorashada sheegeen in dad gaaraya 1.3 milyan oo qof aysan doorashada maanta ka qayb qaadan doonin. Sabtidii musharaxiin iska so horjeeda ayaa waxay ku heshiin waayeen bayaan wada jir ah oo looga gol lahaa in xiisadda lagu…
Madaxweynaha kusoo baxay doorashada sida weyn loogu muransanaa Laftagareen,ayaa booqashadisii oo uga baxo baydhabo ku tagay magaalada Xudur. Laftagareen waxaa kusoo dhaweeyay magaalada markuu gaaray maamulka Gobolka,saraakiisha amniga iyo shacab. Lafatagareen,ayaa doorashadisii muranka dhalisay,kadib waxuu sheegay waxa ugu horeeyo ee uu ku dhaqaaqayo in ay tahay dib u heshisiin uu ka dhaex bilaabayo reer koonfur-Galbeed.hoos ka daawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale oo warbaahinta la hadlayay,ayaa qaylo dhaan kasoo saaray faragalinta Dowlada Fadaraalku ku hayso maamulkiisa. ”Faragalinta Dowlada fadaraalku nagu hayso waxaan ka baqaynaa in sidii Mukhtaar Rooboow ay qoorta nasoo qabato”ayuu yiri Madaxweyne Xaaf. Dowlada Fadaraalka,ayaa maamulada xubnaha ak ah Dowlada Fadaraalka ah waxay ku haysaa faragalin qarsoon iyo mdi banaanka taala ,waxaana ugu danbeeyay faragalintaas tii ay ku sameeyeen maamulka Koonfur-galbeed Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Kulankan oo ahaa mid xasaasi ah,ayaa warbixin looga dhageystay xildhibaannada labada gole oo odayaasha soo gaarsiiyey qeylo dhaan ku saabsan xaaladda dalku marayo iyo siyaasadda hoggaanka dowladda hadda jirta, iyadoo sheegay in dalku ku socdo keli-talisnimo, taasoo halis gelin karta dowladnimada dib loo dhisayo ee Soomaaliya. Xildhibaannda ayaa kulanka u sheegay in dowladda ay hoggaamiyaan Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ay qaadatay dariiq halis badan leh oo ah inay awood u adeegsado dowlad Goboleedyada iyo mucaaradka ka soo horjeeda, ujeedkeeduna yahay inay talada sii heysato, waxayna digniintooda ku sheegeen in haddii aan wax laga qaban xaaladda…
Xildhibaanadda Golaha Wakiilada Somaliland ayaa maanta ansixiyey odoroska miisaaniyadii qaranka ee 2019-ka, waxaanay ka kooban tahay lacag dhan: 2,334,320,463, 251 (Laba tiriliyan, saddex boqol Afar iyo soddon Bilyan, saddex boqol iyo labaatan milyan, Afar boqol iyo saddex iyo lixdan kun, laba boqol iyo kow iyo konton) Somaliland shilling oo u dhigma 420 milyan oo dollar. Kalfadhigan waxaa shirgudoominayey gudoomiyaha golahaasi Baashe Maxamed Faarax, waxaana ka soo xaadirey lixdan xildhibaan oo ka mid ah 82 xildhibaan ee golahaasi ka kooban yahay. Xildhibaanada golaha ayaa cod gacan taag ah ku meel mariyey miisaaniyada, waxaana u codeeyey 46 xildhibaan, 12 xildhibaana way diideen,…
Dowlada Puntland waxay mamnuucday masuuliyiinta Xukuumada fadaraalka,gaar ahaan golaha fulinta in aysan imaan karin Puntland ilaa ay ka dhamaanayso Doorashada Madaxtooyo. Talaabadan,ayaa Puntland u aragtaa qorshe uu ku xakamayn karo faragalinta Dowlada Fadaraalka ee doorashada. ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Kismaayo, 27, Dec, 2018- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo ka hadlay furitaanka kulankan caadiga ah ayaa ka hadlay Arimaha Amniga iyo dib u xoraynta deegaanada Jubbaland kuwaas oo wali ay haystaan Kooxaha Argagixisada ah waxaa Madaxweynahu uu sharaxay diyaar garoowga iyo howlaha isku xirka howlgalka lagu xoraynayo Degmooyinka iyo deegaanada wali aan gacanta ku jirin. Madaxweynahu wuxuu sheegay in hanaanka dib u xoraynta Jubbaland gaar ahaan deeganada Gobolka Jubada Dhexe ay miiska saaran yihiin isla markana sidoo kale la isku furayo Magaalooyinka xorta ah isku dubaridka howlahana ay yihiin kuwo u baahan Midnimo iyo gacmaha oo la is qabsado.…
Boqorka Sacuudiga Salmaan Bin Cabdalla ayaa maanta isku shaandheyn uu ku sameeyay golihiisa wasiirrada waxaa xilkii looga baddalay mid ka mid ah xubnihii ugu caansanaa uguna awoodda badnaa xukuumadda. Caadil Al Jubeyr oo ahaa wasiirkii arrimaha dibadda ee dowqladda Sacuudiga ayaa hadda laga dhigay wasiiru dowlaha arrimaha dibadda, xilkaas oo ka hooseeya jagadiisii hore. Tallaabadan oo u muuqata mid ciqaab ah ayaa la rumeysanyahay iney salka ku heyso dilkii qunsuliyadda Sucuudiga ee magaalada Istambul loogu geystay wariye Jamaal Khaashuqji, oo ku caan baxay dhaleeceynta xukuumadda Riyaad. Khaashuqji ayaa la dilay horaantii bishii Oktoobar, xilli uu xarunta qunsuliyadda eek u taalla…
Shacabka Puntland ee caasimada garowe uma kala harin soo dhaweynat iyo muujinta rabitaanka ay u hayaan Madaxweyne gaas. Shacab lagu qiyaasay Kumanaan oo wata calanka Puntland iyo sawirka maadxweyne Gaas,ayaa sia soo tubay garoonak ilaa Barxada ay caanka ku tahay caasimada. Ciyaaraha hidiyo dhaqanka,iyo salaan sharaf ay siiyeen cutubyo ka tirsan ciidanka Banbayda Booliska,ayaa kamid ahaa soo dhaweynta la yaabka lahayd ee maanta loo sameeyay Madaxweyne Gaas. Farxad rayn rayan aan lasoo koobi karin,ayaa wajigiisa ka muuqatay Madaxweyne Gaas markuu maanta dalka dib ugu soo laabtay. Waa umahadnaqayaa dhamaan Gudoonka Baarlamaanka,Xildhibaanada,Gudoonka Gobolka iyo shacabweynaha garowe”ayuu yi Madaxweyne Gaas. Isagoo hadalkiisii…
Sida ay dad goobjoogayaal ah xaqiijiyeen gaariga qarxay waxaa la ahaa Agaasime qeybeed ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya,kaasoo lagu Magacaabo Cismaan dheere. Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, waxaana ay damiyeen gaariga qarxay oo gubanayay. Waxii kasoo kordha kalas oco idilNews.
Waxaa baaqday kulan dhexmari lahaa Madaxweynaha maraykanka Donald Trump iyo ra’isalwasaaraha Ciraaq,kaasoo ka dhici lahaa Saldhiga Ciidamada maraykanka ee dalkaas. Baaqashada kulanka waxaa lagu sababeeyay arimo amaan dartood,waxayna labada hogaamiye kuwada hadleen khadka Taleefoonka. Ra’isalwaaraha Ciraaq,ayaa lagu wargaliyay imaanshaha Trump goor danbe oo uu ku sugan yahay gudaha dalka. Madaxweyne Trump ayaa safar aan la shaacin ku gaaray dalkaas,isagoona kusii hakaday dalka Jarmalka,kadibna uga sii gudbay Ciraaq. Tru,isagoona waxuu joogay Ciraaq mudo 3-saac ah ku sugnaa saldhiga Ciidamadiisa gaaraya 5000- ee askarr,Ciidamada ayuu ukhudbeeyay kulan kaftanana la qaatay. Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta kulan deg deg ah la qaatay Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka BFS, kuwaas oo shalay uun dib u habeyn lagu sameeyay. Kulanka oo ka dhacay xarunta Guddiyada ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa shir Guddoominayay Maxamuud Siraaji oo Shalay loo doortay Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka Soomaaliya. Si rasmi ah looma oga waxyaabaha ay kawada hadleen, ha yeeshee wasiir Beyle ayaa bartiisa Facebook ku soo qoray, “waxaan maanta kulan looga hadlayo dar-dargelinta Howlaha Maaliyadda la yeelanay Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka Soomaaliya, waxa uuna ku soo dhamaaday Guul iyo isfaham”. Guddoonkan cusub…
Ruushka ayaa cambaareeyey duqyemo ay diyaaaradaha dagaalka Israel ka gaysteen meel ku dhow magaalada Dimishiq ee caasimadda dalka Suuriya. “Ficilladan daan-daansiga ah ee ciidamada cirka Israel waxa ay halis geliyeen labad diyaarad oo rakaab ah” waxaa sidaas tiri wasaaradda arrimaha dibedda Ruushka. Warbaahinta dowladda Suuriya ayaa sheegtay in duqeymaha Israel lala beegsaday bakhaar rasaasta lagu kaydiyo, laguna dhaawacay saddex askar. Israel weli ma aysan xaqiijin weerarkan. Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga Ruushka, Igor Konashenkov ayaa sheegay in lix ka mid ah diyaaradaha F-16 ee Israel ay “weerar daan-daansi ah” billaabeen xilli laba diyaaradood oo rakaab ah ay isku dayayeen inay cago dhigtaan…
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo haweeneyda koobaad Melania Trump ayaa booqasho aanan la shaacin waxa ay ugu tageen ciidammada Mareykanka ee ku sugan waddanka Ciraaq. Waxa ay halkaas u safrene “xilli dambe habeenkii loo dabaaldegaayay Kirismas-ka” si ay ciidammada uga mahadceliyaan “adeegooda, guushooda iyo sida ay naftooda u hurayaan”, Aqalka Cad ayaa sidaasi sheegay. Mr Trump ayaa sheegay in Mareykanku uusan qorshaynayn inuu isaga baxo waddanka Ciraaq. Safarkan ayaa yimid maalma un kaddib markii uu iscasilay wasiirka Gaashaandhigga ee Mareykanka Jim Mattis kaas oo xilkiisa ka tegay markii ay madaxweyne Trump isku maandhaafeen istiraatiijiyaddiisa gobolka. Mareykanka weli waxaa dalka Ciraaq…
Ku dhowaad 10 qof ayaa ku geeriyootay dagaal maanta ka dhacay deegaanka Kaxandhaale ee Gobalka Galgaduud. Wararka ayaa sheegaya in dadka dhintay ay yihiin dhinacyadii uu dagaaalka dhex-maray. Dagaalka ayaa u dhaxeeyay laba Maleeshiyaad oo kasoo kala jeeda beelaha Mareexaan iyo Habargidir oo wada degan deegaanka, Wararku waxay intaas ku darayaan in dadka geeriyooday ka sokow ay jiraan dhaawacyo,kuwaas oo lagu sheegay tiradooda in ay gaarayaan ilaa afar qof. La soco wararka ugu danbeeya ee dagaalkaas idilnews.
Madaxweynaha Dowlada Jubbaland ee xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka Somaliya Axmed Maxamed Islaam oo safar shaqo ku tagay deegaanka Cabdalla Biroole ayaa booqday Saldhiga Ciidanka Daraawiishta ay halkaas ku leeyahiin. Madaxweynaha ayaa halkaas kulan kula qaatay Odayaasha dhaqanka iyo Maamulka Deegaanka isagoo u kuur galay baahiyaha halkaas ka jira iyo sidii deegaanada ku dhow looga xorayn lahaa kooxda Al-Shabaab. Madaxweynaha oo kulankaasi kadib la hadlayay ciidamada ayaa sheegay in muddo dheer ay wadeen qorsheyaal loo dhanyahay oo la doonayo in lagu xoreeyo dhulka ay Shabaab maamulaan ee Jubbaland, kuwaa oo uu xusay in ay kusoo koobmeen hadal oo qura. Waxa…
Guddiga Maaliyadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta doortay Guddoon cusub, kaddib markii laga saaray xubnihii Guddoonka guddigaas. Kulan xubnaha Guddiga ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa ayaa waxaa uu Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda loogu doortay Maxamuud C/llaahi Siraaji, halka Guddoomiye kuxigeen loo doortay Aamino Sheekh Cali, waxaa Xoghayaha Guddiga loo doortay Aadan Cali Xasan. Xubnaha Guddiga Maaliyadda iyo Guddoonkooda cusub ayaa laga sugayaa inay 30ka bishan horgeeyaan Baarlamaanka Miisaaniyadda Sanadka 2019, waxaana la filayaa isla maalintaas cod loo qaado, lana ansixiyo Miisaaniyadda. Guddoonkan cusub ayaa sida muuqata taageersan Xukuumadda, maadaama xubnaha laga saaray Guddiga ee Guddoonka ahaa ay ahaayeen kuwii…
Laftagareen oo hanaan ay Dowlada Fadaraalku dabada ka riixaysay loogu doortay Madaxweynaha Koonfur-Galbeed,ayaa maanta xilkii kala wareegay. Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulkaas Shariif Shiikhunaa oo xilka Madaxweyne sii haye sii ahaa kadib markii uu iscasilay Madaxweyne Shariif Xasan,ayaa xilka ku wareejiyay maanta. Munaasabada xil wareejinta,waxaa kasoo qaybgalay Xildhibaano iyo shaqsiyaad kale oo lagu casumay mana jirin wafuud beesha caalamka,madaxda Dowlada Fadaraalka iyo madaxda Dowladaah xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka Somaliya ka socda oo goob joog ka ahaa,taasoo cadaynaysa sida loo saluugsan yahay doorashadii uu kusoo baxay Laftagareen. C/ Casiis Xasan Mohamed Lafta gareen oo doorashadii lagu doortay ay ahayd mid looogu shubay…
Talyaha Liyuu Booliska maamulka Somalida Jigjiga ee cusub.Talyaha cusub waxaa laga soo dhex xushay Ciidamada milatariga,Itoobiya waana Col darajadiisa. Lama garankaro sida ay ula shaqayn doonaan Ciidamada Liyuu Booliska iyo kuwa Jamhada ONLF ee hada soo xarooday,balse dad badan ayaa ku tilmaamaya Nin hogaamin leh. Dhanka kale bulshada Deegaanka,ayaa is waydiinaya khatarana ka muujinaya xulashada Col.Milatariga ah,inkastoo Dadka la socda siyaasada iyo xaalada amaan ee Deegaanku ay sheegayaan in ay sababtay magacaabistiisu khibrad iyo tababar xumida Ciidanka Liyuu Booliska. Magacaabista sarkaalkan,ayaa imaanysa iyadoo wararka hoose ee laga helayo Deegaanku ay tilmaamyaan in uu jiro khilaaf u dhaxeeya Madaxweyne Mustafe iyo…
Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole oo kusoo laabtay Garowe,ayaa sheegay in uusan ahayn musharax utaagan kursiga ugu sareeya. Faroole waxuu yiri”Anigu waa soo laabtay waxaana ka imid Nayrobi oo aan ujoogay dano ii gaar ah,hadaan garowe imid caasimada Puntland oo aniga ii ah wax gaar ah Somaliyana u ah,Hooyadii nidaamka Dowladnimo ee dalka” Faroole oo hadalkisii sii wataa waxuu sheegay in Nidaamkii Fadaraalka uu hada xoogaysatay oo waagii hore Puntland kaliya meeshay uga taagnaan jirtay ay hada Somalidii kale uga horayso ,waliba kuwii diidanaan jiray oo la eedayn jiray ay hada difaacayaan. Dhanka Doorashada Puntland ayuu sheegay in uu xog…
”Is Badalka Uu Wado Prime Minister Dr abiye Ahmed Cid Walba oo Isku Dayda Inay Caqabad Ku Noqoto Wa Inaan Shacabka Ka Qabanaa. Is Badalka Aan Ku Samaynay Hogaminta Liyuu police Iyo midka Aan Maalmaha Nagu so Wajahan Ku Samayn Doono Maamulka DDS Wa waajib Anaga Na Saaran. SI Ay Dadka Shacabka Ah Uhelaan Hogaamin Dhan Walba Ka Dhamaystiran” Hadalkan waxaa bartiisa fc-ga soo dhigay Wasiir Shido. Lama garan karo isbadalka uu sheegayo heerka uu gaarsiisan yahay,balse shaki ayaa soo baxay tilmaamaya in Dowlada Dhexe ay wax ka badal markale ku samayn doonto hogaanta Deegaanka Somalida,iyadoo uu jiro khilaaf dhexyaal…
Waxaa kulmay sadex musharax oo kala ah Madaxweyne Xasan Shiikh,Cabdiqaadir Cosoble iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Kulankoodu waxuu daarnaa in ay wax iska waydiiyaan xaalka dalka,sidoo kale ay ka tashtaan haday isbahaysi samaysan karaan. Sida uu ku qoray bartiisa Facebook Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxay falanqayn dheer kadib isla garteen in ay bilaabaan habka ugu wnaaagsan ee ay isku kaashan karaan,isla markaana kulamo iyo wada xaajood joogta ah ka yeeshaan xaaladaha dalka. Kulankan,ayay dad badan u arkaan mid looga midoobayo saamaynta Ra’isalwasaare Khyre oo siyaasiyiin badan oo beesha Hawiye u dhashay ay u arkaan khatar kusoo fool leh hankooda Mustaqbal. Ra’isalwasaare Khayre,ayaa noqday siyaasi…
Guddiga joogtada ah ee Aqalka Sare ee baarlamaanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa kulan ku yeeshay xaruntooda magaaladda Muqdisho. Guddiga ayaa war bixin ku aadan safaradii guddoomiyaha aqalka sare, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi ee Magaaladda Kismaayo iyo dalka Turkiga oo looga hadlayay arrinta falastiin kulankaas oo ay ka soo qeyb galeen wufuud ka kala socotay ilaa 70-dal. Kulanka maanta waxaa shir guddoominayay guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi, waxaana kulanka looga hadlay ansixinta hadal qoraalkii fadhigii 10-aad ee guddiga joogtada ah iyo diyaarinta ajendaha kulanka 13-aad ee golaha Aqalka sare.
Hay’adda Ka-hortagga Xasaradaha Caalamiga ee ICG ayaa warbixin dheer ka qortay doorashadii dhowaan ka dhacday magaalada Baydhabo iyadoo warbixintana cinwaan ugaga dhigtey “K/Galbeed: Madaxweyne la caleemo-saaray iyo Xiisad Holacday”. Warbixintan ayaa qoraalkeeda lagu bilaabay in 19kii December ay xildhibaano daalan ee Maamulka KoofurGalbeed u doorteen Cabdicasis Maxamed Laftagareen madaxweyne codeyn khilaaf badan uu hareeyay taasoo sal u noqon karta amni darro cusub. ICG ayaa aaminsan in uusan Laftagareen uusan doorashadan ku guuleysan lahayn haddii uusan ka heli lahayn kaalmo dowlada federalka,kadib markii ay ugaga faa’ideysay inay xabsiga dhigto musharaxii la tartami lahaa Muqtaar Roobow oo hore ugaga mid ahaa madaxda…
Duqa caasimada Puntland ee Garowe oo shir jaraa’id uu qabtay,ayaa ku sheegay in ay dhawaan bilaabayaan dhismaha 4-wado oo dhexmara Magaalada. Duqa,ayaa yiri”Wadooyinkaas dhimsahoodu dhawaan ayuu bilaabanayaa,waana soo dhamaatay waa noo farxad ,,waxaa ku guulaystay shirkada Turkiga ah ee dhistay wadada Warshadahadhawaan ayaana uqaban doonaa munaasabad aan ugu saxiixayno qandaraaska.”. Sidoo kale Duqu waxuu sheegay in ay Magaalada ka bilaabi doonaan olalae lagula dagaalamayo bacaha,isla markaana bilicda kor loogu qaadayo. Ahmed Siciid Muuse Duqa caasimada waxuu kaloo ku dhawaaqay olale loogu beerayo Magaalada Dhir,kaasoo loogu bixiyay ”Hal Geed iyo Hal Qof” Garowe waxay kusii siqaysaa in ay noqoto mid ka mid…
Dhowr iyo Laabatan ka mid ah Musharraxiinta Puntland oo Garowe shir ku yeeshay,ayaa shir jaraaid oo ay qabteen kadib kulankooda waxay ku sheegeen in ay isku raacen in si wadajir ah ay uga hortagaan Musuq-maasuqa doorashada,sidoo kale ay umidoobaan iisabadal ka dhalinta hogaanka Puntland. Musharraxiiintan waxay ka digeen faragalin lagu sameeyo doorashada Puntland jiho walba oo ay ka timaado.inakstoo aysan tilmaamin halka ay ka imaanyso faragalintaas. Musharraxiinta 24-ka ah waxay ku baaqeen in la tago goobaha fagaarayaasha ah, si su’aalaha dadweynaha looga jawaabo loogana qayb-galo Doodaha furan,loona qanciyo Dadweynaha. Musharaxiinta soo saaray baaqan marka laga reebo dhawr musharax waxay ubadan yihiin…
Guddoomiyihii Degmada Yaaqshiid Axmed Maxamed Xasan (Geedow) ayaa la sheegay in lagu sameeyey shaqo joojin ka dib amar ka soo baxay Maamulka Gobolka. Axmed Maxamed Xasan (Geedow) ayaa waxaa lagu eedeeyay musuq-maasuq iyo wax isdaba marin sida ku xusan qoraalka shaqada looga joojiyey oo soo baxay 23-ka December oo shalay ku beegneyd. Guddoomiye ku-xigeenka dhinaca Maaliyadda Maamulka Gobolka Banaadir Xuseen Maxamed Nuur ayaa la sheegay inuu soo saaray qoraalka shaqada looga joojiyey gudoomiyaha degmada Yaaqshiid. Sii-hayaha xilka gudoomiyaha degmada Yaaqshiid ayaa waxaa si KMG loogu magacabay Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada ee degmadaasi Maxamed Deeq. Labo bilood ka hor ayey aheyd…
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump yaa sheegya in Turkey ay tirtiri doonto mintidiinta kooxda Daacish ee ku hara dalka Syria kadib marka milatariga Mareykanka ay kasoo baxaan dalkaas. Qoraal uu xilli dambe oo axaddii ah soo dhigay bartiisa twitter-ka ayaa Trump waxa uu ku yiri “Madaxweyne Erdogan waxa uu si xooggan iigu war-geliyey inuu baabi’in doono wixii Daacish ah ee ku haray Syria…waana nin awooda inuu sameeyo, waxaa taas dheer in Turkiga deris la yihiin Syria” “Ciidamadeena way soo guryo noqonayaan” ayuu Trump sii raaciyey. Trump ayaa goor sii horeysay sheegay in labada hoggaamiye ay ka wada hadleen qorshaha ciidamada Mareykanka…
Ururada shaqaalaha iyo dadka u oleelaya bulshada rayidka ee dalka Suudaan ayaa ku baaqay dibadbaxyo loo wada dhan yahay oo lagu codsanayo inuu iscasilo madaxweynaha Suudaan Cumar Al Bashiir. Dadkan waxay codsanayaan inuu xilka ka dego madaxweynha isla markaasna la sameeyo dowlad kumeel gaar ah. Waxay qorsheynayaan inay dibadbaxyo ka dhigaan agagaarka xarunta madaxtooyada ee magaalada Khartuum.Dhaqaatirta Suudaan ayaa Isniintii dibadbaxyo ka dhigay dalkaasi, waxayna ka qeyb yihiin dadka ka careysan qiimaha shidaalka iyo rootiga oo sare u kacay.Isniintii, madaxweyne Cumar Al Bashiir ayaa ballan qaaday inuu isbaddallo dhab ah sameyn doono isla markaasna uu wax ka qaban doono nolosha…
Madaxweyne Axmed Maxamed islaan oo maalmahan ku sugnaa Dalka Kenay,gaar ahaan caasimada Nairobi,ayaa halkaas kawada kulamo isdaba joog ah oo ku aadan intooda badan hawlgalka sifayanta argagixisada ee sanadka cusub. Madaxweyne Axmed Madoobe waxuu la kulmay,Masuuliyiinta ugu saraysa Dalka Kenya,saraakiil ka socota Wasaarada Gaashaandhiga kenya iyo diblomaasiyiinta shisheeye ee dalkaas fadhiya. Qorshaha ugu weyn ee Madaxweynuhu utagay Nairobi,ayaa ah sidii loo dardargalin lahaa hawlgalka sifaynta argagixisada. Guud ahaan kulamadii uu la qaatay Madaxweynuhu masuuliyiinta kala duwan waxaa kasoo baxay go’aamo wax ku ool ah,. Sanadka cusub waxay jubaland udiyaar garoobaysaa hawlgal balaaran oo lagu sifaynayo argagixisada wali gacanta ku haysa…
Madaxweynaha Dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo maalmahan booqasho shaqo ku joogay dalka kenya,gaar ahaan caasimada Nairobi,ayaa Kulumo muhiim ah ku leh halkaas. Madaxweynuhu waxuu kulamo isdaba jooga ah la qaatay madax kala duwan,kuwaasoo ay ka mid ahaayeen:- 1. Madaxda ugu saraysa dalka Kenya 2. Diblomaasiyiin muhiim ah oo American ah3. Xildhibaanada Baarlamaanka Kenya 4.Madaxweynaha Dowlada Jubaland. Madaxweyne Gaas waxuu maalinkii shalay ahaa kulankii ugu horeeyay la qaatay Diblomaasiyiin sar-sare oo ka socday Dowlada Maraykanka,kuwaasoo ay kawada xaajoodeen arimaha Puntland iyo guud ahaan Somaliya.kulankaas waxuu kusoo gabagaboobay isfahan buuxa. Sidoo kale Madaxweynuhu waxuu la kulmay Madaxweyne Axmed Madoobe,iyagoona qaatay kulan dheeraa…
President Donald Trump claimed on Monday that Saudi Arabia has agreed to pay money to rebuild Syria amid criticism of his plan to remove U.S. troops from Syria. ‘Saudi Arabia has now agreed to spend the necessary money needed to help rebuild Syria, instead of the United States. See? Isn’t it nice when immensely wealthy countries help rebuild their neighbors rather than a Great Country, the U.S., that is 5000 miles away. Thanks to Saudi A!,’ he tweeted. He offered no details, such as how much money they will spend, what it will be spent on, who exactly it will…
Iyadoo doorashadii Madaxtooyo ee Puntland ay ka harsan tahay 15-cisho,ayay Dowlada waxay diyaar garow dhan walba ah ugu jirtaa hirgalinta hawshaas. Maanta waxaa si toos ah loo hawlgaliyay Ciidamadii amaanka caasimada sida gaarka ah usigi lahaa,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka.-
Ra’isalwasaaraha Itoobiya Abiye Axmed oo ay weheliyaan saraakiisha ilaalada amaankiisa iyo sidoo kale kuwa xaafiiskiisa,ayaa tababar usoo xiray Ciidan ka tirsanaa miltariga,balse hada loo raray Ciidan cusub oo loo bixiyay (Ciidanka Difaaca). Ciidankan oo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin cadadkooda,ayaa qiyaas ahaan lagu tilmaamay 400 ilaa 500 oo askari si adag oo casri ahna loo tababaray. Ciidanakan waxay si khaas ah u ilaalin doonaan madaxda sar sare ee dalka,gaar ahaan Xaafiiska Ra’isalwasaaraha,hoygiisa iyo xarumaha kale. Ra’isalwasaare Abiye ayay Ciidamadu usoo bandhigeen awooda ay u leeyihiin iyo sida ay diyaar ugu yihiin in ay difaacaan madaxda dadka iyo dalka.…
Maxkamada Darajada koobaad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta oo ku beegan 24/12/2018 waxa ay xukun dil toogasho ah ku fulisay nin lagu eedeeyay in uu ka tirsanaa Al-Shabaab. Xeer ilaalinta Maxkamada ayaa Ninkaasi ku eedeysay in Al-Shabaab uu u qaabilsanaa Qeybta Qaraxyada, isla markaana sahmin jiray goobaha ay kooxdu rabaan in ay ka fuliyaan qaraxyada. Taariikhdu Markay ahayd 30/11/2017, Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida waxay markii saddexaad u fariisatay Dacwad Ciqaabeedkii loo haystay C/qaadir Abuukar Shaacir Max’ed 41 jir ah ina Shoobto Shaacir ku dhashay Xamar, kaasoo Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka sida ku soo eedeeyey in uu…
Wararka anu ka haleyno Degmada Yaaqshid ee Gobolka Banaadir,ayaa sheegaya in Banaan bax Xooggan oo ay ka soo qeyb galeen Shacabka ku Nool Degmada Yaaqshid uu hadda ka socdo Halkaasi. Dadka Banaanbaxa dhigaya oo iskugu Jira Haween, Dhalinyaro,iyo Caruur, ayaa waxa ay shegeen Banaanbaxa iney uga soo horjedaan Maamulka Degmada Yaaqshid iyo Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Degmadaasi ka howlgala,kuwaas oo ay tilmaameen iney ku guuldareysteen in Gacanta ay ku soo dhigaan Askarigii ka dambeeyay dil Xalay Xaafadda Fagax ee Degmada Yaaqshid loogu geystay Wiil Bajaaj la ahaa oo ka mid ahaa Dad Degaanka. Wali ma jiro wax war ah oo…
Halkan ka daawo muuqaalka
Doorashada madaxtinimada Puntland ee 2019 ayaa maraysa meel xasaasi ah waxaana maalmihii ugu dambeeyey isa soo tarayey cabashada musharixiintu ka gudbinayeen ciidamada sugaya ammaanka doorashada Puntland. Isimada dhaqanka ee ugu waaweyn deegaamada Puntland ayaa maanta Garoowe kulan albaabadu u laaban yihiin isla markaana lagu gorfayeynayey ammaanka guud ee Puntland gaar ahaan doorashada,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa xarunta Villa Hargeysa ee Muqdisho kula kulmay guddiga maaliyadda, miisaaniyadda iyo qorsheynta ee Golaha Shacabka. Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa looga hadlay sida lagu xalin karo khilaafka xubnaha guddiga u dhaxeeya iyo sida ay ku wada shaqeyn karaan. Guddoomiyaha ayaa dhageystay talooyinka xubnaha guddiga maaliyadda ee kulanka ay ku soo bandhigeen. Xubnaha guddiga ayaa si wadajir ah u qiray in howlo badan ay guddiga u yaallaan. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BFS mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa sheegay in howlo muhiim ah guddiga maaliyadda horyaallaan, loona…
Ciidamada Burundi ayaa si cad u diidey kana hor yimid qorshaha Ciidamada AMISOM ay wadanka uga baxayaan 2020. Qrshahaan ayaa ahaa in lagu bilaabo ciidamada Burundi, sababa la xiriira tacadiyo dhanka aadanaha ah oo ay ka geysteen Koonfurta Soomaaliya,ciidamadan oo ah ciidamo aan anshax “Discipline” laheyn, xirfad ahaanna kuwa kale ka liita,ayaa lagu qiyaasaa 5,400 oo askari cadadka guud. Waxaa la aaminsan yahey aragtidan diidmada ah in uu fikirkeeda leeyahay Madaxweynaha Burundi oo dhaqaale fiican howlgalkan ka hela.Burundi,ayaa ku doodaysa hadii Uganda oo 6,200 oo askari ay ka joogto ay diido in lagu bilaabo qorshaha ka bixitaanka Ciidamada Amisom guud…
The Burundi army on Sunday said it opposed a request by the African Union that it withdraw 1,000 soldiers serving in an African peacekeeping force in Somalia by February 28. Burundi army spokesman Colonel Floribert Biyereke said in a statement that the military would ask the government to argue for a proportionate number of troops be withdrawn from each AU member country, rather than solely Burundian soldiers. Burundi is the second biggest contributor to the 21,500-strong peacekeeping force with 5,400 soldiers, behind Uganda with 6,200 but ahead of Djibouti, Kenya and Ethiopia. The African Union is gradually scaling back its…
Cali Ciise Cabdi oo ah aqoonyahan mudo dheer kasoo shaqeeyay hay’ada lacagta Aduunka,hadana ah agaasimaha hay’ada HESPI ee fadhigeedu yahay Magaalada adis-ababa,ayaa maalmaha soo socda kusoo aadan Magaalada Garowe. Cali Ciise,ayaa qorshihiisu yahay in uu isku sharaxo xilka Madaxweynaha Puntland ee 2019. Sida xoguhu sheegayaan Cali Ciise waxaa soo abaabulay Vila-Somaliya oo hada u yahay madaxa gudiga dhaqaalaha,isla markaana u aragta siyaasi miisaan leh oo kasoo jeeda Gobolka Sool ugu yaraana kala dhantaali kara codadka Xildhibaanada beesha Dhulbahante. Cali waxuu kamid ahaa masuuliyiintii abaabulay maamulkii Khaatumo ee uu hogaaminayay Cali Khaliif,sidoo kale waxuu ahaa shaqsiyaadka miisaanka leh u dhashay beesha…
Kullanka maanta ayaa ayaa diirada lagu saaray Qaraxii shalay ka dhacay Xaawo Taako iyo Qubaro kulanka looga dhageystay nidaamka Federaalka. Mowliid Xuseen Guhaad oo kullanka ka dib warbaahinta la hadlay ayaa marka wuxuu tacsi u diray ehalada iyo asxaabta dadkii ku geeriyooday Qaraxii shalay argagixisadu ay ka fuliyeen isgoyska Xaawo Taako ee magaalada Muqdisho,isagoona dhinaca kale caafimaad rabi uga baryayay dadkii dhaawacmay. Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Golaha Aqalka sare ayaa Xukuumadda,Baarlamaanka iyo shacabkuba ugu baaqay in loo gurmado dadka waxyeelada ka soo gaareen Qaraxyadii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho. Sidoo kale,Senator Cabdkaafi Macallim Xasan oo ah Hab-dhowraha Golaha Aqalka sare…
Ciiidamada nabad ilaalinta ee midowga afrika ayaa sheegay in ay qorsheenayaan bilaabida weeraro ay ku qaadaan goobaha ay dagaalamyaasha A-shabaab ka suganyihiin gudaha dalka. Hawlagaldan ayaa lagu wadaa sida ay Amisom sheegtay in laga fuliyo goobaha ay Al-shabaab kaga suganyihiin gobolka jubadda dhexe waxaana hawlgaladaasi si wadajir ah u fulinayo sida uu qorshuhu yahay ciidamada maamul gobaleedka Jubbaland kuwa faderaalka iyo kuwa nabad ilaalinta midowga afrika.waxuuna bilaaban doonaa bilowga sanadka cusub ee 2019. Sida uu sheegay afhayeenka ciidamada Amisom Col Richard Omwega, hawlgalkan ayaa qayb ka ah qorshaha xaalada galaguurka ay amisom dalka kaga baxayso amnigana ay gacanta ugu galinayso Dowlada…
Wararka inaga soo gaaraya Duleedka Degmada Balad weyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan,ayaa sheegaya in Kolonyo uu la socday Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan,Yuusuf Axmed Xagar (Dabageed) ay jidka u galeen Dagaalamayaal ka tirsan Kooxda Al-shabaab. Guddoomiyaha ayaa la tilmaamay in uu ka soo amba baxay Magaalada Balad weyne,isla markaana lagu weeraray xili uu marayay inta u dhaxeeysa Balad weyne iyo Maxaas,waxaana la sheegay in halkaasi uu ku dhexmaray Dagaal Xooggan oo Khasaaro dhimasho iyo dhaawac geystay labada dhinac. Dhanka kale Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan,Yuusuf Axmed Xagar (dabageed),ayaa la sheegay in socdaalkiisa ay ku wehelinayeen Saraakiil ka tirsan Ciidanka Dowlada Fadaraalka hoostaga,waxaana ay ku…
Waxaa shir jaraa’id qabtay Xildhibaanadii keenay Mooshinka ka dhanka ahaa Madaxweynaha,kuwaasoo udigay madaxweynaha isla markaana hogo tusaaleeyay kuna baaqay in uu wax ka badalo siyaasadiisa una turo dalka oo uu badbaadsho. Xildhibaanadu waxay sheegeen in ay Mooshinka ula noqdeen dalka badbaadadiisa iyagoo xeerinaya madaama Duqii dalka ugu weynaa uu durduriyay. ”Dowlada Soomaaliya ee looga fadhiyay ilaalinta shacabka ay maamusho ayaa ku mashquulsan mooshino,siyaasado isdiidan iyo olole lagaga soo horjeedo Dowlad Goboleedyada, halka howshii looga fadhiyay ee lahayd mudnaanta koobaad ahaydna amniga ay Gabtay.”ayay ku yiraahdeen Xildhibaanadu shirkooda jaraa’id. Baaqa kasoo baxay Xildhibaanada,ayaa ah midkii ugu adkaa ee ka yimaada golaha…
Sidee u arkaa madaxweyne Mustafe Cagjar midnimada Somaliya iyo Calamadii kala duwanaa ee lagu soo dhaweeyay maalmo ka hor markuu booqday magaalada Togwajaale. Dad badan,ayaa wax iska waydiiyay kulankii Madaxweyne Cagjar uu la qaatay Madaxweyne Biixi-ga Somaliland,kulankaas oo hadalo is khilaafsan uu ka jeediyay.” Sidoo kale waxaa shaki abuuray calamo lagu soo dhaweeyay Madaxweynaha xili uu booqanayay Kaamamka dadkii kasoo barakacay Somaliya ee ku yaala gudaha Itoobiya. Halkan ka daawo muuqaalka
Ugu yaraan 27 qof ayaa ku dhimatay ku dhawaad afartan kalena waa ay ku dhaawacmeen laba qarax oo maanta lala beegsaday agagaarka madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.Sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan maamulka gobolka Banaadir, qaraxyada ayaa muddo aanan kala fogeyn ka kala dhacay agagaarka Tiyaatarka Qaranka oo aad ugu dhaw madaxtooyada iyo fagaaraha Daljirka Dahsoon.Khasaaraha ayaa la sheegay inuu intiisa badani ka dhacay agagaarka Tiyaatarka oo ah halka uu ka dhacay qarraxa hore. Dadka dhintay waxa ku jira Allaha u raxmadee Wariye Cawil Daahir Salaad oo ahaa saxafi rug caddaa ah, kana tirsanaa telefishanka Universal xafiiskiisa Muqdisho. Waxa sidoo…
Dabayaaqadii siddeetanmeeyadii ayuu weriye Cawil Daahir Salaad ka shaqeynayay raadiyaha dowladda ee Radio Muqdisho oo ahaa halka raadiye ee dalka jiray. Markii uu dalka burburka galay wuxuu weriyaha ka mid ahaa dhalinyaradii isku dayay dib u soo nooleynta warbaahinta.Wuxuu soo saari jiray mid ka mid ah wargeysyadii tirade yaraa ee gacanta lagu daabici jiray. Sanadkii 2000 ayuu Cawil ku biiray idaacaddii iyo telefishinkii Horn Afrik oo ahayd warbaahintii ugu horreysay ee madax bannaan ee dalka ka hirgasha. Wuxuu sidoo kale qori jiray sheekooyinka gaagaaban. Wuxuu weriyuhu caan ku ahaa barnaamijka Dood-wadaag oo looga hadli jiray arrimha bulshada iyo xaaladaha taagan.…