Wasaaradda Amniga ee xukuumadda Soomaaliya ayaa amar ay soo saartay waxay ku sheegtay in loo baahanyahay inay isi soo diiwaan galiyaan Shirkadaha Ilaaladooda. Sidoo kale Wasaaradda Amniga waxay fartay dadka heesta Gawaarida aanan Xabada Karin inay ka soo diiwaan galiyaan Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Soomaaliya. Halkan ka akhriso:-
Author: Jibril Qoobey
Husseyn Aadan Cige Deyr Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland oo shir jaraaid qabtey ayaa waxaa uu ka Hadley warar la isla dhax mariyey oo ku saabsan in Madaxweyne Siilaanyo uusan caafimaad ahaan wanaagsaneyn. Afhayeen Deyr ayaa waxaa uu beeniyey in Madaxweyne Siilaanyo uu xaalad caafimaad xumo ku jiro, isagoona intaa ku daray in uu aad u wanaagsan yahay. “Madaxweynuhu waxaa uu ku jiraa mid kamid ah marxaladaha ugu wanaagsan ee uu ku jiro qof caafimaadkiisu taam yahay, wararka been abuurka ah sida aad u maqashaan ayunbaan u maqalnaa, madaxweynahana ilaahey caafimaadka ha u kordhiyo” ayuu yiri Afhayeen Deyr. Dhawanahanba waxaa suuqa ku…
Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxaa maalinkii labaad ka socda shirka Golaha Amniga Qaranka, kaasi oo shalay gelinkii dambe ka furmay Muqdisho. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fdaaraalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa shalay guddoomiyey shirka Golaha Amniga Qaranka oo muddo labo maalmood ah ka socon doona xarunta Madaxtooyada. Shirka Golaha Amniga Qaranka ayaa lagu wadaa in maanta la soo gaba gabeeyo, iyadoo laga soo saari doono go’aano ku aadan amniga dalka,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/oY00MNoI1Zw
Madaxweynaha Mareykanka Donald ayaa sheegay in Mareykanku ku howlan yahay la tacaalidda waxa uu ugu yeeray tallaabooyinka khalkhal gelinta ammaanka ee uu wada Ruushka. Trump ayaa jeediyay hadalkan ka dib markii uu la kulmay dhigiisa waddanka Poland, Andrzej Duda. Trump ayaa booqasho ku jooga caasimadda Poland ee Warsaw. Wuxuu sidoo kale sheegay in Mareykanka ay ka go’antahay in bartamaha iyo bariga Europe ay nabad ahaato. Waxa uu Trump ku ammaanay madaxweynaha Poland inuu tusaale u noqday ilaalinta waajibaadka dhaqaale ee NATO. Galinka dambe ee maanta, ayaa Trump waxa uu jeedinayaa khudbad ballaaran oo ku saabsan xiriirka Mareykanka iyo Yurub, waxaana…
Shirkadda diyaaradaha Qatar Airways ayaa sheegtay in rakaabka ay kombiyuutarada laptop-ka la kori karaan diyaaradaha duuliimaadyada tooska ku aadaya dalka Mareykanka. Shirkadda ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in garoonka ay ka duusha ee Hamad International Airport uu kasoo baxay shuruudo amni oo Mareykanka uu doonayey. Bishii March ayaa dowladda Mareykanka waxa ay mamnuucday in kombiyuutarada laptop-ka lala soo koro diyaaradaha Mareykanka soo aadaya ee kasoo baxaya 10 garoomo diyaaradeed oo ku yaalla Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika, sababo la xiriira walaacyo dhanka ammaanka ah. Qatar Airways waa diyaaraddii afaraad ee toddobaadkan ku dhawaaqday in Mareykanka…
Mareykanka ayaa wargeliyey Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay inuu qaadi doono tallaabo milatari si uu uga hortago khatarta ka imaneysa Kuuriyada Waqooyi, balse ay taasi ka doorbidayaan in arrinta lagu xaliyo hab diblamaasiyadeed iyo go,doomin dhinaca dhaqaalaha ah. Go,aanka Mareykanka ayaa yimid maalin kadib marki ay Kuuriyada Waqooyi tijaabisay gantaal nuuca ballistiga ah ee isaga kala gooshi kara qaaradaha. Safiirka Mareykanka u jooga Qaramada Midoobay Nikki Haley ayaa sheegtay in Mareykanka uu isu diyaariyey inuu dalkiisa iyo sidoo kale xulufadiisaba difaaco. Waxa kale oo ay intaasi raacisay in Mareykanka ay ka joogaan dalka Kuuriyada Koofureed ciidamo gaaraya 28,500, halka Japan…
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/td6l_geKlNk
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta guddoomiyey shirka Golaha Amniga Qaranka oo muddo labo maalmood ah ka socon doona xarunta Madaxtooyada. Shirkan ayaa lagu lafo gurayaa qodobo ay kamid yihiin dib u habeynta laamaha amniga, wada shaqeynta hay’adaha amniga ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada iyo mideynta qorsheyaasha lagu cirib tirayo kooxaha argagixisada ah. Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed oo warbaahinta la hadlay keddib furitaanka shirka ayaa sheegay in uu shirkan daba socdo shirkii bartamihii bishii Abriil ee sanadkan lagu qabtay Madaxtooyada Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya. shirkaas ayaa looga dhawaaqay Golaha Amniga Qaranka…
Ciidanka Jubbaland ayaa maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ku laayay deegaanka Lugloow oo dhinaca Waqooyi magaalada Kismaayo ka xiga qiyaastii 17-KM. Saraakiisha Jubbaland ayaa warbaahinta u soo bandhigay Maydadka Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo lagu laayay dagaalka ka dhacay Duleedka Magaalada Kismaayo iyo Hubkii ay siteen. Sidoo kale Saraakiisha Jubbaland ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in dagaalkaas ay ku dileen 12-ka mid ah Maleeshiyada Nabad iyo Nolol diidka ah ee Al-Shabaab. Axmed C/laahi Ciise (Gaas) oo ah Taliye ku xigeenka hay’adda Nabadsugidda Jubaland ayaa sheegay in ciidamadu weerar qorsheeysan la beegsadeen maleeyshiyaad ka tirsan Shabaab oo isku abaabulay howdka…
Guddiyada Barlamaanka Puntland ayaa maanta bilaabay soo gudbinta warbixino ku aadan arrimaha ay kala qaabilsan yihiin waxaana maanta soo gudbiyey waxybaaha u qabsoomay caqabadaha haysta iyo talo soo jeedin guddiyada siyaasadda Qorshaynta arrimaha Federaalka iyo Jinsiydaha iyo guddiga Hawlaha guud gadiidka ganacsiga iyo kaabayaasha dhaqaalaha,hoos ka daawo muqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/CQwKwWga1jY
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo oo kamid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane Yuusuf Garaad Cumar iyo Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ayaa dalka dib ugu soo laabtay, kuwaas oo ka soo qeyb galay shirka hoggaamiyeyaasha Midowga Africa oo ka dhacay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia. Ajendaha ugu weyn Shirka waxa uu ahaa in la maalgeliyo dhalinyarada ku nool qaaradda afirka si ay u noqdaan dhalinyaro wax soo saar leh, ujeedkuna yahay sidii looga hortagi lahaa kooxaha xagjirka ah in ay ka faaiideystaan dhalinyarada shaqo la’aantu hayso, Sidoo kale waxaa shirka warbixin ku aadan…
Wafti balaaran oo uu hogaaminayo Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare Dawlada Federaalka ee Somalia Mudane C/raxmaan Daahir Cismaan iyo agaasimaha guud ee isla wasaaradaas Mudane Maxamed C/qaadir Nuur ayaa booqasho rasmi ah ku yimid caasimada Dawlada Puntland, kadib marti qaad ay ka heleen Wasaarada Waxbarashad iyo Tacliinta sare ee Puntland. Waftiga ayaa kala kulmay soo dhowayn balaaran Wasaarada Waxbarashad iyo Tacliinta sare ee Puntland oo uu hogaaminayo wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland Prof, Abshir Yuusuf Aw-Ciise, wasiir ku xigeenka wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare Dr, Maxamed Cali Faarax, agaasimaha guud ee wasaarada waxbarashada Maxamed C/qaadir Cusmaan iyo shaqaalaha kala duwan ee wasaarada Waxbarashada…
Fiqi Bashiir cabdulle Codweyn oo saacad ka hor ku geeriyooday dalka Sweden. Fiqiga ayaa waayahan danbe xanuunsanaa,kuna xanuunsanaa dalka Sweden oo uu maanta ku geeriyooday. Bahda idilnews waxay tacsi tiiraanyo leh udirayaan guud ahaan shacabka Puntland ,gaar ahaan qoyskii iyo eheladii uu ka baxay. Waxaan leenahay samir iyo imaan rabi hanaga wada siiyo janadiina haka waraabiyo Fiqi Bahiir Cabdulle Codweyn.
Guddiyada Barlamaanka Puntland ayaa maanta bilaabay soo gudbinta warbixino ku aadan arrimaha ay kala qaabilsan yihiin waxaana maanta soo gudbiyey waxybaaha u qabsoomay caqabadaha haysta iyo talo soo jeedin guddiyada siyaasadda Qorshaynta arrimaha Federaalka iyo Jinsiydaha iyo guddiga Hawlaha guud gadiidka ganacsiga iyo kaabayaasha dhaqaalaha. Xildhibaan Siciid Cabdi Samatar (Surcad) oo gudoomiye ku xigeenka guddiga qaabilsan Siyaasadda iyo Qorshaynta ayaa warbixinta u soo jeediyey wuxuu kaga hadlay caqabado badan oo ka haysta hay,adaha xukuumada gaar ahaan kuwo soo hoos galaya hawlaha guddigoodu u xilsaaran yahay. Madaxtooyada ,wasaaradaha Dastuurka iyo Qorshaynta ayuu sheegay in wadashaqayntoodu ay xuntahay wuxuuna soo…
Hoggaamiyaha Korea-da Waqooyi, Kim Jong Un, ayaa ku faanay tijaabadii guusha lahayd ee dalkiisa uu talaadadii ku sameeyey gantaal nooca riddada dheer ee qaaradaha isaga gudba ah. Kim Jong Un, ayaa koox saynisyahano iyo farsamo-yaqaano ah u sheegay in Mareykanka “aysan ku farxi doonin” wax uu ugu yeeray “xirmo haddiyad ah” oo ay u direen, xilli ay u dabbaal dagayeen maalinta xoriyaddooda, sida ay sheegtay waklaadda warraka dalkaas. Korea-da Waqooyi, ayaa gantaalkan oo looga magac daray Hwasong-14, waxa ay talaadadii ka tijaabisay garoon diyaaradeed oo ku yaalla meel ku dhow xuduudda dalkaas uu la wadaago dalka Shiinaha. Korea-da Waqooyi ayaa…
Dalalka Baxreyn, Masar, sacuudi Carabiya iyo dalka Isu taga Imaaraadka ayaa ka wadaxaajoonaya xaaladda dalka Qadar ,bil uun ka dib markii ay xiriirka u jareen. Kulanka wasiirada arrimaha dibadda ee dalalkan ay ku yeelanayaan magaalada Qaahira ayaa imanaya maalin uun ka dib markii uu dhamaaday waqtigii kama danbaysta ahaa ee loo qabtay Qadar in ay ku aqbasho shuruudaha loo soo bandhigay haddii kale ay wajihi doonto cunaqabtayn dheeraad ah . Waxyaabaha laga dalbaday dowladda Qadar ayaa wax ka mid ah in ay albaabada isugu dhufato oo ay xirto talafeeshinka Al Jazeera ayna xiriirka u jarto dalka Iran. …
Warbixin ay soo saartay hay’ad samaysa daraasaadka ayaa Sacuudi Carabiya ku eedeysay inay tahay meesha ugu weyn ee ay ka soo baxaan Islaamiyiinta xagjirka ah ee Britain. Warbixintan xambaarsan eedeyntan culus ee ay sameysay hay’adda the Henry Jackson Society ayaa ku soo beegmaysa xilli wasiirka arrimaha dibadda ee Qatar laga filayo inuu gudbiyo jawaabta dalkiisa ee ku aaddan dalabkii Sucuudiga ee ahaa in Qatar ay joojiso taageeridda argagixisada. Wasiirrada arrimaha dibada ee dalalka Masar, Sucuudi Carabiya, Imaaraadka iyo Baxrayn ayaa maanta magaalada Qaahira uga shiraya muranka Khaliijka, afar usbuuc uun ka dib markii ay xiriirka u jareen Qatar.…
Ciidamada Jubaland iyo kuwa dawlada fadaraalka qaybtooda Jubaland, ayaa xalay kula dagaalamay duleedka deegaanka Lugloow oo qiyaastii 17 km dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Kismaayo dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab , waxaana labada dhinac halkaasi ku dhexmaray iska horimaad xooggan. Dagaalka ayaa la sheegay in uu qarxay kadib markii ciidamo ka tirsan daraawiishta Jubaland iyo kuwa xoogga dalka oo ku sugnaa saldhig ku yaal deegaanka Lugloow ay weerar qorsheeysan ku qaadeen dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab oo isku abaabulayay duleedka deegaankaasi. Saraakiisha ciidamada Jubaland ayaa soo bandhigay meydadka 13 askari oo ka tirsan Al-shabaab oo ay sheegeen in ay ku…
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Boqortooyada Sacuudi Carabiya Caadil Al-Jubeir. Kulankan oo ahaa mid saacado qaatay, albaabadana ay u xirnaayeen ayaa looga hadlay xiriirka labada dal ee Sacuudiga iyo Soomaaliya. Ra’iisul Wasaaraha ayaa bartiisa Twitter-ka soo dhigay in isaga iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga ay ka wada hadleen xiriirka labada dal. Wararka qaar ayaa sheegaya in labada dhinac ay ka wada hadleen xiisada diblomaasiyadeed ee u dhaxeysa Xulafada Sacuudiga hoggaamiyo iyo dowladda Qatar iyo go’aankii dowladda Soomaaliya ka qaadatay. Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga…
Shirka Golaha Amniga Qaranka oo Maanta Ka furmaya Magaalada Muqdisho ayaa waxaa shir gudoominaayo Madaxweynaha Somaaliya Maxamed C/llaahi farmaajo. Shirkaan ayaa waxaa ka soo qaybgalaya Madaxda dowladda federaalka iyo Madaxda dowladaha xubnaha ak ah dawlada fadaraalka,waxaana looga xaajoon doonaa xaalada amaan ee dalka iyo sida ugu haboon ee lagu sugi karo amniga Qaranka. Shirkaan ka furmaya magaalada Muqdisho ayaa wuxuu socon doonaa mudo labo maalmood ah,
Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Mudane Axmed Max’ed Islaam ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Kismaayo kadib safarro uu mudooyinkii u danbeeyay ugu maqnaa dalka dibadiisa. Axmed Madoobe oo saxaafada la hadlay kadib soo laabashadiisa ayaa ka warbixiyay safarkisii uu ku marayay dalal dhawr ah iyo waxa uga soo qabsoomay,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/OpOi330F5Vo
Wasiirka Wasaaradda Maalliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa uga hadlay xiisadaha ka aloosan gobollada dhexe ee ku aadan diidmada lacagta Shilinka Soomaaliga ah. “cabashooyinka aan hada maqleyno waa in lacago cusub oo lasoo daabacay ay dadku ka biyo diidsan yihiin anaga lafteenu waa ka biyo diidsannahay waxa aan u sheegeyno dadka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa soo daabacay lacagtan waa iney ka waantoobaan ficiladan oo shacabka Soomaaliyeed lagu dhibaataynayo waana nasiib daro talaabooyinka noocaan ah”ayuu yiri Wasiirka Maalliyadda Soomaaliya. Wasiirka Maalliyadda Soomaaliya Dr C/raxmaan Ducaale Bayle oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in daabacaada lacagahan oo…
Guddoomiyaha Midowga Afrika, Muusa Faki Maxamed ayaa shalay ku baaqay deganaan isagoo dhinaca kale tilmaamay in wafdi ay u diri doonaan Jaziiradda Dumeyra oo ay ku muransan yihiin labada dal ee dariska ah ee Jabuuti iyo Eritrea. Eritrea ayaa lagu eedeeyay in ay degdeg ciidamo ugu dirtay deeganka buuraha ee Dumayra kaddib markii Qadar ay kala baxday ciidamadii nabad ilaalinta ee halkaas ka joogay. Qadar ayaa labada dal dhexdhexaadineysay muranka u dhexeeya Jabuuti Eritrea, waana tan keentay in ay ciidamo geyso Jaziiradda Dumayra kaddib markii uu dhacay heshiiskii xabbad joojinta sannadkii 2010-ka. Dalka ku yaalla Khaliijka ayaa…
Duqa magaalada Gaakacyo Maxamed Yaasiin Tumey iyo Maamulka Gobolka Mudug ayaa maanta dhagax dhigay labo wado oo Laamiya,kuwaasoo loogu kala magac daray ala ha unaxariistee Cumar Dheere iyo Jazeera Hotel. Wadooyinkan cusub ee laamiga casriga ah noqon doona ayaa isku xiri doona qaybo muhiim ah oo magaalada Gaalkacyo ka mid ah sida wadada Fooneeyaha iyo wadada aljazeera Hotel ee laamiga wayn gasha. Gaalkacyo ayaa dhawrkii sano ee u danbaysay si wanaagsan uga faa’idaysanaysay barnaamijka JLPG ee horumarinta magaalooyinka ee Puntland. Duqa hada hogaanka magaalada haya ee Maxamed Yaasiin Tumey ayaa mudadii uu xilka uu hayay waxuu ka…
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in dawladda Itoobiya ay oggolaatay inay xorriyaddooda usoo celiso maxaabiis gaaraya 120 qof oo ku xidhnaa waddankaasi. Waraysi gaar ah oo uu siiyey idaacadda VOA isaga oo ku sugan dalka Itoobiya ayuu ku sheegay inay sidoo kale ay ka shaqeynayaan in dawladda Soomaaliga lagu soo wareejiyo maxaabiis kale oo ku kala xiran waddamada Siishilis iyo Muurishiyas. Dhanka kale Ra’isalwasaare Khayre waxuu ka waramay shir madaxeedkii Africa ee ay uga qaybgaleen isaga iyo wafti matalayay Somaliya waxay kala kulmeen iyo guulaha ay kasoo gaartay dawlada Somaliya. Waxan Xarunta Midowga Afrika kula…
Kuuriyada Waqooyi ayaa bilooyinkii dhawaa sare u qaaday tijaabinta kantaalaada, taasoo gobolka ka dhalisay xiisad. War qoraal ah oo ay soo saartay xukumadda Kuuriyada Waqooyi ayaa lagu sheegay in dalkaasi “ uu hadda noqday quwad nuyukliyeer oo leh gantaallo gaari kara dunida oo dhan“. Waxaa sidoo kale qoraalkaasi lagu sheegay inay dalka u suurtagelin doonto ” soo afjaridda handadaada iyo khatarta nuyukliyeerka Mareykanka“. Telefishinka dalka Japan ee NHK News oo soo xiganaya wasaaradda gaashaandhigga Japan ayaa sheegay in ay suurtagal tahay in gantaalkaasi uu ku dhacay biyaha dhul lahaanshihiisu uu sheegto dalka Japan. Mas’uul ka tirsan dowladda Japan…
Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo horey u soo noqdey Raysalwasaare Dowladii kumeelgaarka ahayd ee Soomaaliya ayaa xilka Madaxweynaha loo doortey 08.Janaayo 2014. Doorasho mucjiso ah oo la dhihi karo nasiibka ayaa u hiiliyey kadib markii uu helay 33 cod wareegii saddexaad, iyada oo musharaxa ka soo horjeeday uu helay 32, halka codka barbaro ka dhigi lahaa uu xumaadey, taas oo ka dhigtey in Cabdiweli Cali Gaas uu guul mucjiso ah gaaro. Ka hor Doorashadii 2014, Puntland waxay soo martey sanad qalalaase, mudaaharaadyo iyo weliba iska hor imaad hubeysan uu Puntland ka dhacay, kadib markii xukuumaddii markaas jirtey…
Madaxweynaha faashilka ah ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa gaaray Muqdisho. Madaxweynaha hanka yar ayaa waxaa garoonka kusoo dhaweeyay Juxaa iyo shacab reer Puntland oo diifaysay ayna ka muuqato dayac baahsan oo Xamar ku haysta iyo kuwo sheegta in ay Puntland ku matalaan dawlada fadaraalka,balse aysan Puntland waxba ku qabin. Dhanka kale Madaxweynaha hanka yar ee Gaas ayaa waxaa garoonka Aadan-cade dhexdiisa ku qaabilay safiirka Masar ee Somaliya iyo Wakiilka Xoghayaha Guud Keating. Diblomaasiyiintan shisheeye ee ku qaabilay Garoonka Gaas ayaa horay u ahaa kuwii ugu imaan jiray fadhigiisa si haybad leh Madaxweynaha Puntland ka hor…
Following al-Shabaab attacks, Kenya vowed to build a wall along its border with Somalia – Photos have now emerged of the wall Kenya has built. The wall is about 700 kilometres long and, unlike said before, the wall is made of barbed wire and an electric fencing Following a spate of al-Shabaab attacks in the country, the Jubilee government vowed to build a massive wall along the border of Kenya and Somalia. The wall was meant to keep off al-Shabaab militants and their followers from infiltrating into the country to cause havoc. The government said the wall would…
Jeneral Saacid talyaha Booliska fadaraalka waxuu dhex jiifaa fadeexad ku saabsan lunsasho mushahaarkii Ciidamada. Jeneral saacid sida xogtu sheegayso waxaa ku lumay mushahaarkii ciidanka Booliska ee bishii dhamaatay,kaasoo ciidanka loosoo hormariyay si ay ula ciidan qoysaskooda,balse Jeneralka ayaa amar ku hakiyay bixinta mushahaarkaas,ilaa iyo hadana ciidanku mushahaar ma qaadan bishan. Arintan waxay gaartay madaxda sare ee dawlada Fadaraalka waxaana shaqo joojin iyo xabsi guri deg-deg ah lagu sameeyay Jeneral Saacid. Saacid ayaa horay usoo qabtay xilkan Talyaha Booliska xiligii dawladii Xasan Culusow ,inkastoo markii danbe xilka looga qaaday sababo la xariira dayac masuuliyadeed. Dad badan ayaa dhaliilay dib umagacaabista Jeneral…
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/ATVf8qlkI7k
Dhul Daaqsimeedka Dooxada Dharoor ee gobolka Bari oo maamulka Puntland xirmeeyey oo hadda dib loogu fasaxay xoolaha,hoos ak daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/QUSciBTVc2k
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya ahna ku simaha Ra’iisul Wasaaraha Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo ay waheliyaan Wasiirka Cadaalada Xasan Xuseeen Xaaji, Wasiir ku-xigeenka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xildhibaan Cilmi Cumar Ceynsane iyo Gudiga Abaaraha Soomaaliya ayaa si wadajira maanta u booqdey bakhaarada ay ku jiraan raashin mucaawino ah oo ay ku deeqdey Hay’adda Bisha cas ee dalka Turkiga,taasoo loogu tala galay in la gaarsiiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen. Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Gargaarka Cilmi Cumar Caynsane ayaa warbaahinta u sheegay in raashinkan oo dhan 12500 oo tan kana kooban noocyo kala duwan, ayaa loogu tala galay in loo qaybiyo dadka…
Ra’isulwasaaraha Soomaaliya ayaa ku guuleystay in maxaabiis Soomaaliyeed oo ku xirnaa xasabsiyada dalka Ethiopia lagu Soo wareejiyo Dowladda Soomaaliya,isagoo dhinaca kalena kulammo kula qaatay qaar ka mid ah madaxda Africa magaalada Addis Ababa ee caasimadda Dalka Ethiopia. Ra’isulwasaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo safar shaqo ku jooga dalka Ethiopia ayaa ku guuleystay in xabsiyada dalkaasi laga sii daayo maxaabiis Soomaaliyeed oo sanado kala duwan ku xirnaa xabsiyada dalka Ethiopia islamarkaana lagu soo wareejiyo Dowladda Soomaaliya,iyadoo dowladda Ethiopia fulinaysay heshiis horay uu Ra’isul wasaaraha Xasan Cali Khayre la galay. Maxabiistan oop danbiyo kale duwan loo haystay ayaa…
Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa soo dhaweeyey liiska argagixisada ee Mareykanka uu ka saaray Mukhtaar Roobow Abu Mansuur, oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab. Sharif Xasan ayaa sheegay in tallaabadaas ay wax weyn ka beddeli karto in amni lagu soo dabbaalo gobollada Koonfur Galbeed. Shariifka ayaa dhinaca kale sheegay in haddii Abu Mansuur uu la shaqeeyo dowladda Soomaaliya ay noqon lahayd arirn wanaagsan, wuxuuna sheegay inuu la xiriir doono uu la hadli doono,hoos ka dhagayso waraysiga Madaxweyne Shariif Xasan. Halkan ka dhagayso codka Shariif Xasan
Hay’adda qaxootiga Norway ee NRC ayaa war-saxaafeed ay soo saartay ku sheegtay in ay dad boqollaal ah ugu dhinteen cudurrada daacuunka iyo shuban biyoodka dalal dhowr ah oo ay Soomaaliya ka mid tahay. War-saxaafeed ay hay’addaasi soo saartay iyo wareysi ay idaacadda VOA siisay agaasimaha hay’addaasi ee gobolka Gabriella Waaijman, waxa warbixintan nooga diyaariyaya Jamaal Axmed Cismaan,hoos ka dhagayso codka. Halkan ka dhagayso codka oo faahfaahsan
Magaaladda Bosaso ee xarunta gobolka Bari waxaa soo Gaaray wasiirka Arimaha Gudaha iyo Dib Heshiisiinta ee Xukuumada Somaliya, Cabdi Faarax Siciid Juxa. “Marka hore waxaan idiin soo gaarsiinaya salaan aan idiinka wado madaxweynaha federaalka Maxamed cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Xasan Cali Khayre, Madaxweynuhu Safar ayuu ku imaan doono degaamadda Puntland haddii alle idmo, annigu safarkaasi ayn hordhac u ahay, ujeedadu waxaa weeye inaan dadka isasii waraysano, aan ogaano dareenka ay qabaan oo aan u warano, iyaguna noo waramaan” ayuu yiri wasiir juxa,hoos ka daawo muuqaalka oo faahfaahsan. Halkan ka daawo…
Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare, waxay soo bandhigaysaa liiska ardaydii ugu sarraysay sanad dugsiyeedka 2016/2017 ee ka baxay dugsiyada sare ee Puntland, kuwaasoo loo soo sharraxay inay noqdaan ardayda u sharraxan inay ka faa’iidaystaan deeqaha Waxbarashada ee ay wasaaraddu u soo heshay sanadkaan. Aradaydan nasiibka u yeelatay inay ka mid noqdaan liiska ugu sarreeya ee ka baxday sanad dugsiyeedkan 2016/17, waxaa lala socodsiinayaa in ay u sii diyaar garoobaan, siina diyaarsadaan dhammaan dekumentiyada looga baahan karo iyo baasabooradooda, sidoo kale waxaa la ogeysiinayaa waaridiinta iyo cid kasta oo ku taxaluqda ardaydaan inay sidaa ula socdaan, wixii faah faahin intaasi…
Saudi Arabia and three allies boycotting Qatar have agreed to a request by Kuwait to extend by 48 hours Sunday’s deadline for Doha to comply with a set of demands, according to a joint statement on Saudi state news agency SPA. Kuwait had received a response by Qatar to a list of 13 demands presented to it by a Saudi-led bloc of Arab countries, Kuwait’s state news agency KUNA said on Monday. Without stating whether Qatar had rejected the ultimatum as was widely expected, KUNA said Kuwait’s Emir Sheikh Sabah Al Ahmad Al Jaber Al Sabah asked Saudi Arabia and three other countries that have boycotted Qatar to…
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/b3zPvQpfpZ8
Sacuudi Carabiya iyo saddex dal oo kale oo Carab ah ayaa 48 saac ku kordhiyay wakhtigii kama dambaysta ahaa ee ay Qadar u qabteen si ay u aqbasho shuruudaha ay u gudbiyeen. Wakhtigii markii hore loo qabtay Qadar si ay u aqbasho shuruudahan ayaa ku ekaa Axaddii. Shuruudahaas 13ka ah waxaa ka mid ah in Qadar ay xirto warbaahinta Al Jazeera iyo saldhigga milatari ee Turkiga. Qadar waxay sheegtay in ay jawaabaheeda rasmiga ah oo waraaq ku qoran u diri doonto dalka Kuwayd Isniinta. Qadar ayaa diiday eedaymaha uga yimid dalalka ay dariska yihiin ee sheegaya in…
Wararka ka imaanaya degmada Baraawe ayaa sheegaya in dukheyn diyaaradeed oo shalay gelinkii dambe ka dhacday inta u dhaxeysa Baraawe iyo Kuunyo Barow lagu dilay Sarkaal ka tirsna Al-Shabaab. Gudoomiye ku xigeenka dhanka ammaanka Degmada Baraawe Bashiir Maxamed Yuusuf, ayaa sheegay Sarkaalka duqeynta lala beegsaday inuu madax u ahaa maleeshiyada shabaabka ah ee ka dagaalanta Buuraha Galgala. Magaca Sarkaalkan ayaa waxaa lagu soo koobay Dheereeye, waxaana lala dilay Afar nin oo ilaalo u aheyd. Duqeynta ayaa waxaa fuliyay diyaarad Drone ah, waxaana ay dhacday shalay galab sida masuuliyiinta Maamulka Degmada Baraawe ay sheegeen. Bashiir Maxamed Yuusuf Gudoomiye…
Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa digniin u diray dadka mushaarka ka qaata hey’adaha dowladda ee ku diiwaan gishan inay shaqaale yihiin, balse aanay soo xaadirin shaqooyinkooda. Dr. Beyle ayaa sheegay inay soo ogaadaan dad mushaarka ka qaata, balse aanay aheyn shaqaale dowladda ka tirsan, kuwaasoo uu xusay inay qoreen rag siyaasiyiin ah sida uu hadalka u dhigay. “Waxaa soo ogaanay kuwa meelo kale ka shaqeeya, ee mushaarka dowladda qaata, kuwa dibadaha jooga ee mushaarka qaata, kuwo suuqa bakaaraha iska fadhiya oo mushaar qaata, oo aan soo xaadirin shaqada”ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda,hoos ka daawo muuqalka. …
Ciidamada Dowladda federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa Booliska ayaa gacanta ku soo dhigay Xasan Axmed cismaan oo la sheegay in uu ka tirsan yahay Al-shabaab islamarkaana uu yahay shaqsigii shalay bam gacmeedka ku tuuray Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho Gaar ahaan qeybta Qudaarta lagu iibiyo. Afhayeenka wasaaradda amniga Dowladda federaalka Soomaaliya Axmed carab oo warbaahinta kula hadlay gudaha xarunta dembi barista waxaa uu sheegay in shaqsigaani uu yahay kii shalay bam gacmeedka Khasaaraha dhimadasha iyo dhaawaca dhaliyay ku tuuray suuqa bakaaraha ee magaalada muqdisho oo ah meel aad u mashquul badan. Afhayeenka wasaaradda Amniga Dowladda Soomaliya Axmed Maxamed Maxamuud (Sayid…
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/KB8sH9NDOV8
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafti uu uhoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya. Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa ka qeyb galaya shir ay leeyihiin midowga Africa, kaasoo looga hadlayo arrimo kala duwan. Arrimaha shirka looga hadlayo ayaa waxaa ka mid ah dib u habeynta Ururka Midowga Afrika iyo bajadka uu ku shaqeynayo. Ilo ku dhow dhow Madaxtooyada ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu ka cudur daartay shirkaas, waxaana bedelkiisa uu udiray Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre. Madaxweyne Farmaajo ayaa muddooyinkii u dambeeyay wajahayay dhaliilo dhanka safarada ah, tan iyo markii…
Kooxda Al-Shabaab ayaa lagu soo waramayaa inay toogteen labo nin oo u dhalatay dalka Hindiya ,kuwaasoo ka tirsanaa dagaalyahanada Al-Shabaab. Sida ay xaqiijiyeen dadka degaanka labadaasi nin ayaa Al-Shabaab waxa ay uga shakiyeen in ay ka tirsan yihiin sirdoonka dalalka reer Galbeedka, halka warar kale ay tilmaamayaan in labadaasi nin damceen in ay ku biiraan kooxda Daacish ee Soomaaliya. Dilkaan oo ka dhacay degmada Jilib ee gobolka J/Dhexe halkaasi oo Al-Shabaab ay ku xoogan yihiin, iyadoo aysan aheyn markii ugu horeysay ee ajaaniib ka tirsan Al-Shabaab toogtaan. Waxaa horay ay u qaarijiyeen Abuu Mansour Al-Amriiki.
Xiddiga dunida ugu caansan ee kubadda cagta Lionel Messi ayaa guursaday gabdhii ay yaraantiisii isbarteen, waxaana arooskaan uu noqday arooskii qarniga ugu shidnaa. 250 qof oo lagu casuumay ayaa ka qeybgashay oo u badan ciyaartooy caan ah, qoyska labada aroos iyo marti sharaf kale. Messi ayaa markii uu 13 sano jir ahaa isbarteen Antonella Roccuzzo, waxayna u dhashay labo caruur ah iyagoona jacleystay in guurkooda hadda dhaco. Laacibiinta ka qeybgalay xaflada waxaa ka mid ahaa Luis Suarez, Neymar, Fabregas, Di Maria, Piqué iyo xaaskiisa Shakira iyo laaciibiin badan,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/fmqQ7mWiS50
Sansaan xornimo – Cismaan Yuusuf Keenadiid AUN Arar: Sansaan xornimo (ama.Samow Maxamadow), waa gabayga ugu dheer, gabayadii Allaha u naxariistee Cismaan Yuusuf Keenadiid (1899 – 31.08.1972). Gabayga wuxuu tiriyay xornimadii ka hor, kolkii ay qaramada midoobay guddoomiyeen in 1960ka soomaalidu xor noqoto oo qaran noqoto. Gabayga gudihiisa waxaa Cismaan ku soo qaaday tolal iyo qarammo badan oo adduunka, taasoo uu ula jeedo in bishaarada wanaagsani meel walba saabatay. Haddaba, waxaan halkaan idinku soo gudbinayaa keliya baydadka uu ku sheegayo meelaha khabarka suubani gaaray iyo gunaanadka gabayga. ******** Safka Meheri sayxuud inta leh, amase reer Suurka Mukulliga sawaacigu galiyo, suuqa Cadan…
Qaraxyada ay ururka Al Shabaab ka gaystaan gudaha dalka Soomaaliya iyo Kenya ayaa la ogaaday inay u adeegsadaan hubka ay ka furtaan ciidamada Amisom, xilliyada ay weeraraan Saldhigyada ay ku sugan yihiin ciidamadaasi. Warbixin laga soo saaray Baaritaan ay sameeyeen Saraakiil reer Galbeed ah ayaa lagu xaqiijiyay in badi aaladaha qaraxyadaasi ay ka sameeyaan Shabaabka ay yihiin bambooyinka kala duwan ee ay ka qaataan xeryaha Amisom. Greg Robin oo ka mid ah Saraakiisha sameysay Baaritaankaan ayaa Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa dalka Kenya u sheegay in Baaristooda ay ku ogaadeen aaladaha kala duwan ee Shabaabka ay…
Wakiilka xog-hayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya danjire Michael Keating ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay wali heystaan caqabado waa weyn oo u baahan in laga taageero. Micheal Keating ayaa sheegay in ay wali taagan yihiin muranka ku saabsan xuduudaha iyo isku dhacyadda bulshadda Soomaaliyeed. Waxaa uu sheegay in dowladaha caalamka laga doonaayo in ay si dhaw ula shaqeeyaan dowladda Soomaaliya. Wakiilk ayaa qiray in Soomaaliya ay sanadyadii la soo dhaafay ay gaartay horumaro la taabankaro , inkastoo wali ay taagan yihiin caqabadii ugu waa weynaa. Waxaa uu tilmaamay in kumanaan qof ay wali ku…
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/TFixlwMG0UI
Wargeyska Al siyaasa ee ka soo baxa Dalka Kuwait ayaa soo qoray hindise cusub oo dawli ah kaas oo lagu doonayo in lagu soo afjaro xiisada Khaliijka Wargeysku waxa uu sheegay in labada wasiiro dibadeed Maraykanka iyo Qadar ay hindisahan kawada xaajoodeen,wargeysku waxa uu intaa raaciyay in Maraykanka uu dhaqan gelin doono halka Kuwait ay kormeere ka noqon doonto waa hadii ayuu wargeysku sheegay ay isbahaysigu ogalaadaan Shanta qodob ee hindisahan ayaa ah 1 In Sheekh Yusuf al Qardaawi iyo Xamas laga saaro dalka Qadar 2 In ciidamada Turkigu ayku laabtaan dalkoodii 3- in dusha…
Qaramada Midoobay ayaa isku raacday dhimista ku dhawaad lix boqol oo milyan oo doolar oo ah miisaaniyadda sannadlaha ah ee hawlgaladda nabad ilaalinta. Mareykanka oo ah taburacaha ugu badan ee miisaaniyada nabad ilaalinta ayaa soo dhaweeyey tallaabadan, laakiin wuxuu ku baaqay in la sameeyo dhimis kale oo dheeraad ah. Miisaaniyada hoos loo dhigay ee 7.3 bilyan oo doolar ayaa waxaa isku af-gartay Golaha loo dhan yahay iyadoo lagu maalgalin doono 14 hawlgallo nabad illaalin oo laga wado daafaha aduunka. Afhayeenka Qaramada Midoobay Stephane Dujarric, ayaa sheegay in dadaal kasta loo sameeyey in lagu fuliyo socodsiinta nabadda inkastoo miisaaniyadda hoos loo…
Wasiirka Arimaha Dibadda Qadar ayaa sheegay in dalkiisu diiday dalabaadka ay u soo jeediyeen dhawr dal oo Carbeed, laakiin wuxu intaa ku daray in ay diyaar u yihiin wadahadal jawi caafimaad qaba lagu kulmo. Iyadoo ay hal maalin ka harsantahay mudadii ay u qabteen dalalkaas oo Sucuudiga iyo Imaraadka Carabtu ka mid yihiin, ayaa Maxamed Bin Cabdiraxmaan Bin Jassim Al Thani, wuxuu ku celiyey in Qatar aanay aqbali doonin wax kasta oo qaranimadeeda faro gelin ku ah. Berito oo Isniin ah ayey ku eg tahay ballantii goodiga ahayd ee ay dalalka Carbeed u qabteen inay kaga jawaab celiso liiska ay…
Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya Stephen M. Schwartz ayaa warbixin uu ku soo aadiyay sanad guuradii 57 ee xoriyadda Soomaaliya waxaa uu ku sheegay in dalka uu ka soo kabaneyo burburkii soo maray isla markaana uu hadda hayo waddadii dib u dhiska. “Tani iyo imaatankeyga Soomaliya sanad ka hor anigoo ah safiirka Mareykanka ee Soomaaliya waxaan goobjoog u ahay horumar balaaran oo Soomaaliya sameysay, hase ahaatee wali ay jirto khataro ku hor gudban horumarkaas waxaana kamid ah abaaraha ka jira dalka, dagaalka Al-shabaab dowladda kula jirto, dhaqaalaha dowladda uu yar iyo hey’addaha cadaalada oo wali sidii la rabay u shaqeynin,”…
Munaasabad ballaaran oo xalay ka dhacday xarunta aqalka Dowladda Hoose ee Muqdisho oo lagu maamuusayay muhiimadda maalintaan ku astaysan midowgii labada gobol iyo ka xuroobiddii gumaystihii Talyaaniga gobollada koonfureed, ayaa waxaa ka qayb galay madaxda dalka sida, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, Guddoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka, xubno ka tirsan golaha Wasiirrada, Guddoomiyaha gobolka iyo mas’uuliyiin kale. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in mar kasta laga maarmi doonin in dib ay u midoobaan Ummadda Soomaaliyeed isla markaana dib loo soo celin doono wada hadallada dowladda Federaalka Soomaaliya ay kula jirto Maamulka Soomaaliland. …
Madaxweynaha ayaa ugu horayn salaan ka qaatay ciidamada Madaxtooyada Puntland iyo sidoo kale ciidanka baanboydda, waxaana uu Madaxweynuhu kahadlay muhiimadda ay leedahay maalintani, sidoo kale waxa uu Madaxweynuhu falan qeeytey oo dib ugu laabtay tariikhdii gumaystaha. ”Waxay maanta ugu danbaysaa maalmo taariikhi ah Soomaaliya tariikhdeeda baal dahaba kaga yaala oo ku xusan 26 June oo ah maalintii ugu horeysey oo calan Somaaliyeed lasaaro goboladii la odhanjirey British Soomaalilandna ay qaateen xuriyadooda, calankii la sudhay calan kale ma’ahayne calankeenuu ahaa, waa calankii Cabdulaahi Timacade lahaa’sareeyow ma nusqaamow aan siduu yahay eegee kana-siib kana-saar” danbcan 27 June waxay ahayd maalinta xuriyadda Jabuuti…
Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa caawa 01-July-2017 ugu hambalyeeyey guud ahaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan reer Puntland 57-sano guuradii ka soo wareegtey xilligii ay gobollada koonfureed ee dalka Soomaaliya xorriyadooda ka qaateen gumeystihii Talyaaniga 01-Luulyo-1960-kii, isla markaana ay midoobeen gobollada woqooyi iyo gobollada koonfureed ee dalku. Munaasibadda lagu weyneynaayey maalintaasi taariikhiga ah oo ka dhacday qasriga Madaxtooyada Garoowe ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Puntland Egn. Cadixakiin Xaaji Cadulaahi Cumar Camey, guddoomiyaha golaha wakiiladda Puntland Mudane. Axmed Cali Xaashi, masuuliyiin ka tirsan goloyaasha dawladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, isimo, nabadoono, cuqaal, waxgarad,…
Wararka ka imaanaya magaalada Jannaale ee Gobolka Shabeella Hoose ayaa sheegaya in xaaladda magaalada ay caawa deggan tahay kadib dagaallo qaraar oo maanta halkaasi ku dhexmaray ciidamada AMISOM iyo kuwa dawladda iyo maleeshiyada Al-Shabaab. Dadka deegaanka ayaa sheegaya in dagaalku ka dambeeyey markii ciidamada isbahaysanaya ay saaka weerar ku qaadeen magaalada iyaga oo halkaasi ka qabsaday Al-Shabab. Duhurnimadii ayaa la sheegay Al-Shabab inay soo rogaal celiyeen balse mar kale waxaa dib u riixay ciidamada AMISOM iyo kuwa dawladda. Gelinkii dambe ee maanta ayaa la sheegay inay ciidamadaasi ay dib ugu soo gurteen degaanka Buufow oo ay hore dagaalka…