Author: Jibril Qoobey

Madaxweynaha ayaa ugu horayn salaan ka qaatay ciidamada Madaxtooyada Puntland iyo sidoo kale ciidanka baanboydda, waxaana uu Madaxweynuhu kahadlay muhiimadda ay leedahay maalintani, sidoo kale waxa uu Madaxweynuhu falan qeeytey oo dib ugu laabtay tariikhdii gumaystaha. ”Waxay maanta ugu danbaysaa maalmo taariikhi ah Soomaaliya tariikhdeeda baal dahaba kaga yaala oo ku xusan  26 June oo ah maalintii ugu horeysey oo calan Somaaliyeed lasaaro goboladii la odhanjirey British Soomaalilandna ay qaateen xuriyadooda, calankii la sudhay calan kale ma’ahayne calankeenuu ahaa, waa calankii Cabdulaahi Timacade lahaa’sareeyow ma nusqaamow aan siduu yahay eegee kana-siib kana-saar” danbcan 27 June waxay ahayd maalinta xuriyadda Jabuuti…

Read More

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa caawa 01-July-2017 ugu hambalyeeyey guud ahaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan reer Puntland 57-sano guuradii ka soo wareegtey xilligii ay gobollada koonfureed ee dalka Soomaaliya xorriyadooda ka qaateen gumeystihii Talyaaniga 01-Luulyo-1960-kii, isla markaana ay midoobeen gobollada woqooyi iyo gobollada koonfureed ee dalku. Munaasibadda lagu weyneynaayey maalintaasi taariikhiga ah oo ka dhacday qasriga Madaxtooyada Garoowe ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Puntland Egn. Cadixakiin Xaaji Cadulaahi Cumar Camey, guddoomiyaha golaha wakiiladda  Puntland Mudane. Axmed Cali Xaashi, masuuliyiin ka tirsan goloyaasha dawladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, isimo, nabadoono, cuqaal, waxgarad,…

Read More

Wararka ka imaanaya magaalada Jannaale ee Gobolka Shabeella Hoose ayaa sheegaya in xaaladda magaalada ay caawa deggan tahay kadib dagaallo qaraar oo maanta halkaasi ku dhexmaray ciidamada AMISOM iyo kuwa dawladda iyo maleeshiyada Al-Shabaab.   Dadka deegaanka ayaa sheegaya in dagaalku ka dambeeyey markii ciidamada isbahaysanaya ay saaka weerar ku qaadeen magaalada iyaga oo halkaasi ka qabsaday Al-Shabab. Duhurnimadii ayaa la sheegay Al-Shabab inay soo rogaal celiyeen balse mar kale waxaa dib u riixay ciidamada AMISOM iyo kuwa dawladda.   Gelinkii dambe ee maanta ayaa la sheegay inay ciidamadaasi ay dib ugu soo gurteen degaanka Buufow oo ay hore dagaalka…

Read More

Maamulka degmada C/casiis ee gobolka Banaadir ayaa sheegay in 48kii Saac ee la soo dhaafay ilaa Lix dhalinyarro ah ku geeriyoodeen xeebta Liido kaddib markii sida la sheegay ay baddu liqday.   Guddoomiye ku xigeenka dhinaca amniga iyo siyaasadda ee maamulka degmada C/casiis oo warbaahinta kula hadlayay xeebta ayaa sheegay in le helay meydadka Lix dhalinarro ah ah oo ay baddu qaaday shalay kuwaasi oo ku dabaalanayey meel aan xeebta ka fogeyn.   “Meydadka Lix ayaan helnay waa la aqoonsaday waxaanna ku wareejinay waalidiinta dhalay, badda ayaa qaaday xili ay ku qubeysanayeen, maanta ayaana la helay meydadkooda waa arin xanuun…

Read More

Laba qarax oo loo adeegsaday miinooyin kuwaasi oo mid lala eegtay gaadiidka AMISOM kan kalena baabuur ay la socdeen xubno ka tirsan milatariga dawladda, ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.   Sarkaal ka tirsan ciidanka dawladda ayaa dhintay mid kalena wuu dhaawacmay kadib markii qarax loogu xiray baabuur ay la socdeen agagaarka isgoyska EX-Kontorool ee Afgooye.   Dad goob-joogayaal ah ayaa warbaahinta u xaqiijyay in qaraxa uu ahaa mid Baabuurka lagu soo xiray islamarkaasna qeybta darawalka ku aadan uu xoogiisa ka dhacay.   Sidoo kale Goob-joogayaasha waxeey xaqiijiyeen in markii uu qaraxa dhacay kadib ay arkeen mid kamid ah askartii…

Read More

Dadka ka soo jeeda lix dal oo Muslimiintu ku badan yihiin iyo dhammaan qaxootiga raba in ay Maraykanka u safraan ayaa hadda ka dib la kulmi doona shuruudo ka adadag sidii hore, arrintaas oo ka dhalatay xayiradda Trump ee muranka dhalisay.   Shuruudahan ayaa saamaynaya dadka ka imaanaya Soomaaliya, Liibiya Suuriya, Suudaan iyo Yemen. Xayiraaddaas socdaalka oo marun baday dhalisay waxaa markii hore hor istaagay maxkamado hoose.   Sida uu dhigayo sharcigan cusub oo BBC-da loo xaqiijiyay, 90ka maalmood ee soo socda looma ogolaan doono in ay dalka Maraykanka soo galaan dadka aysan qaraabo dhaw ka joogin.   Qaraabo dhaw…

Read More

OG: Beel-weynta HARTI   OG: Xildhibaanada Barlamaanka Jubaland   OG: Odayaasha dhaqanka Jubaland   OG: Taliyaha Ciidanka AMISOM/KENYA ee Jubaland   DEG-DEG: Akhriso bayaan: Beesha Harti oo kalsoonidii kala noqotay wasiirka arrimaha gudaha Jubbaland. Jun 30, 2017 – jawaab Waxaa Qoray: Mohamed Sheikh on June 30, 2017.   OG: Beel-weynta HARTI   OG: Xildhibaanada Barlamaanka Jubaland   OG: Odayaasha dhaqanka Jubaland   OG: Taliyaha Ciidanka AMISOM/KENYA ee Jubaland   OG: Taliyaha Ciidanka AMISOM/ETHIOPIA ee Jubaland   OG: Saxaafadda Madaxa Bannaan   Kismaayo – 07/02/2016   UJ: BEESHA HARTI/JUBALAND OO KALSOONIDA KALA NOQOTAY WASIIRKA ARIMAHA GUDAHA & AMNIGA JUBALAND GEN. M/ED…

Read More

Waxaa maanta magaalada Boosaaso lagu toogtay 7 rag ah oo dhalinyaro u badan oo horay maxkamada ciidamada Puntland ugu xukuntay dil toogasho. Dadkan ayaa lagu helay eedo ahaa in ay ka tirsanaayeen ururka Al-Shabaab iyo in ay dilal ka geysteen magaalooyin ka mid ah Puntland iyo qaar la sheegay in lagu qabtay iyagoo sida qaraxyo,hoos ka dhagayso codka oo faahfaahsan. Halkan ka dhagayso codka Gudoomiyaha maxkamada

Read More

Maanta waxaa ka dhacay dalka Canada xaflad Calan saar ahayd oo lagu maamusayay maalinta Qaranimada Soomaliya.   Kowda July waxaa wada wadaaaga wadamada Soomaaliya iyo Canada.   Waxaa xafladaas calan saarka ahayd ka qaybagaly xubno muhiim ah oo ka tirsan jaaliyada somalida ee Canada siyaasiyiin,fanaaniin.aqoon yahano  iyo madax ka tirsan dalkaas.   Agaasimihii hore ee xaafiiska Ra’isalwasaaraha somaliya Burhaan Dio Mio ayaa ka mid ahaa masuuliyiinta hormuud ka ahaa xaflada calanka saarka labada wadan ee Canada iyo Somaliya,.hoos ka daawo muuqaalka oo faahfaahsan. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/pck55I36ym4

Read More

Wararka naga soo gaaraya gobolka Bakool ayaa sheegaya ciidamo ka tirsan maamul K/galbeed ku sii jeedaan deegaanka uu ku sugan yahay Mukhtaar Rooboow Cali Abuu-Mansuur oo la sheegay ay siweyn ugu dhawaadeen xoogag ka tirsan Al-shabaab.   Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Al-shabaab damacsan yihiin ay qabtaan ama dilaan Mukhtaar Rooboow oo ka tirsanaa saraakiisha sar sare ee Al-shabaab, hasse ahaatee waayadii ugu danbeeyay aan warkiisa la maqlay, kaddib markii ay isku dhaceen hogaamiyihii la dilay ee Al-shabaab Abuu-Zubeyr.   Dowladda Mareykanka ayaa dhawaan sheegtay in ay liiska argagixisada ka saareen Abuu-Mansuur, taasoo keentay uu xujuum iyo guluf dagaal…

Read More

Wafdi uu hoggaaminayay Safiirka Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya ee fadhigiisu yahay Nairobi Stephen Schwartz, ayaa maanta socdaal ku tagay magaalada Hargeysa. Safiirka waxaa socdaalka ku wehelinayay madaxa hay’adda Maraykanka u qaabilsan caawimooyinka dibedda ee USAID. Wafdigan ayaa kulamo la yeeshay ku-simaha madaxweynaha Soomaaliland, ahna madaxweyne ku xigeenka Cabdiraxmaan Cabdillaahi (Saylici), golaha wasiirada iyo sidoo kale guddida doorashada. Kulankaa Kaddib ayeey warbaahinta u sheegeen ujeeddada socdaalku in ay la xiriirto doorashooyinka la filayo in ay qabsoomaan iyo arrimo kale,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/j9xIYm8GYzk

Read More

Xoghayaha gaashaandhigga ee Maraykanka, James Mattis, ayaa sheegay in ciidanka dalkiisa uu si degdeg ah uga soo baaxay dalka Afghanistan, oo ay haboonaan lahayn inuu muddo sii joogo dalkaasi. Waxa uu kala hadlayay dalalka xubnaha ka ah gaashaanbuurta NATO istaraajiyadda mustaqbalka ee Maraykanka, xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in dalkaasi uu qorshaynayo xoojinta askarta ka joogta Afghanistan. Maraykanka ayaa si weyn u dhimay ciidanka ka joogay Afghanistan, waxaana dabayaaqadii 2014 uu ammaanka dalkaasi gacanta u geliyay ciidamada loo tabababary. Wixii markaa ka dambeeyay ayaa waxaa soo xoogaystay Taliban iyo weliba ururka isku magacaabay dowladda Islaamka oo dalkaasi xarumo ku…

Read More

Masuul sare oo Sucuudi ah yaa beeniyey warbixin uu qoray wargeyska New York Times oo sheegaysay in Sucuudigu xabsi guri ku soo rogay Amiir Maxamed Bin Naayif isla markaana laga mamnuucay inuu dalka dibaddiisa u safro ka dib markii Boqorka Salmaan-ka Sucuudigu ka qaaday xilkii dhaxal sugenimo kuna bedelay wiilkiisa Maxamed Bin Salmaan. Wakaaladda wararka Reuters ayaa masuulkaa Sucuudiga ah ka soo xigatay inuu yidhi “Maxamed Bin Naayif, wasiirkii hore ee arimaha gudaha ee ruug caddaaga ahaa weli sidii buu u qaabilaa martida u timaad mana jirto wax xayiraad socdaal ah oo lagu soo rogay isaga iyo qoyskiisa toona”. Wargeyska…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Arrimaha Dibedda Norwey Børge Brende iyo wafdi uu horkacayo oo maanta booqasho ku yimid magaalada Muqdisho, iyagoo kawada hadlay xiriirka u dhexeeya labada dal iyo taageerada Norway ee dib-u-dhiska Soomaaliya. Waxana kulanka goob-joog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya iyo Wasiiru dawlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.  Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa soo dhoweeyay sida ay dawladda Norway xilligan ugu heelan tahay inay gacan ka gaysato dadaallada lagu xasilinayo dalka iyo sidoo kale dhismaha dawladnimada Soomaaliya oo maraya meel aad muhiim u ah. Wuxuna tilmaamay in…

Read More

Xarunta wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowladda Puntland ayaa maanta waxaa lagu qabtay munaasabad lagu soo bandhigayey natiijada imtixaankii kama dambaysta ahaa ee fasalka 12aad ama form fourka ee dugsiyada sare ee Puntland. Munaasabadda ayaa waxaa goob joog ka ahaa wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare, agaasimaha guud ee wasaaradda, agaasimaha waaxda imtixaanaadka, maamulayaal, macalimiin iyo marti sharaf kale. Agaasimaha waaxda Imtixaanaadka Puntland Axmed Maxamuud Warsame, ayaa sheegay in xafiiskiisu uu sanadkaani dedaal dheeraad ah geliyey hirgelinta imtixaanka, isagoona goobta ka sheegay qaabkii imtixaanku u dhacay bilow ilaa dhammaad Warbixin kooban oo ku saabsan Imtixaankii 2016/2017  …

Read More

Amarki uu Madaxweynaha Donald Trump uu uga mamnuucay inay soo galaan dalkaan Mareykanka, qaxootiga iyo muwaadiniinta kasoo jeeda lix waddan oo ka mid ah dalalka Islaamka ayaa dhaqan galaya saacadaha hore ee maanta oo Khamiis ah.   Saraakiisha Socdaalka Mareykanka ayaa sugaya tilmaamo ku saabsan habka ay u fulin doonaan amarka madaxweye Trump, iyadoo madaxda Waaxaha Arrimaha Dibadda, Cadaaladda iyo Amniga gudaha aysan wali u kala caddeyn shakhsiyaadka loo ogolaan doono in ay soo galaan iyo kuwa laga celin doono xuduudaha iyo garoomada diyaaradaha Mareykanka ee kasoo jeeda dalalka Iran, Libya, Somalia, Sudan, Syria and Yemen.   Waaxda Amniga Gudaha…

Read More

Hey’adda cunada iyo beeraha ee QM FAO ayaa sheegtay Soomaaliya ay wali ka jirto abaarta taas oo loo sababeeyay roobabkii gu’ga oo yeraaday qeybo kamid ah dalka Soomaaliya, sida lagu sheegay warbixin hey’adda soo saartay.   Dhulka miyiga ah dadka ku nool ayay hey’addu sheegtay in ay yihiin kuwo ugu daran oo biyo la’aanta heysato marka loo eego dadka magaalooyinka ku dhaqan.   FAO ayaa sheegtay sidoo kale, in si looga gudbo xaaladaha abaaraha ee ku soo laa laabta Soomaaliya loo baahan yahay in la sameeyo qorshe waqti dheer ah oo lagu hirgelinayo mashaariic abaarta looga hor tagayo.   Xilli…

Read More

Wafti ka socda dowladda Norway oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Waddankaas ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.   Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Norway Børge Brende iyo Wafdigiisa ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo uu ka midyahay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar.   Waxaa lagu wadaa in xubnaha Wafdigaan goor dhow ay madaxtooyada Soomaaliya kula kulmaan madax ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.   Dowladda Norway ayaa waxay ka mid tahay dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya isla markaana ka mid ah Dalalka Danjirayaashooda ay joogaan dalka.…

Read More

madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kormeeray Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland, isla markaana kulan gaara laqaatay Masuuliyiinta kala duwan ee Wasaaradaasi, waxaana uu soo kormeeray dhismaha cusub ee wasaaraddu yeelandoonto oo dhismihiisi meel wanaagsan marayo,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/hz3ALNR_88Y

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa shir guddoomiyay kulanka guddiga amniga Badaha, kaasoo looga hadlayay arrimo dhowr ah oo la xiriira badda Soomaaliya. Guddigan ayaa waxaa loo sameeyey in xiriir joogto ah ay la yeeshaan hay’adaha kala duwan ee dawladda ee ka shaqeeya arrimaha badaha. Kulanka ka soo qeyb galay Wasaaradaha Arrimaha Dibadda, Amniga, Maaliyadda, Gaashaandhigga, Kaluumeysiga, Caddaaladda iyo Xeer ilaaliyaha Qaranka , waxaana dood dheer laga yeeshay qodobadii looga hadlayay. Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Isloow (Ducaale) ayaa faah faahin ka bixiyey qaabka ugu haboon ee loo sugi karo amniga xeebaha dalkeena, isagoo tilmaamay muhiimadda ay leeyihiin ciidamadda Ilaalada…

Read More

Madaxseynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 28 June 2017 magaalada Garoowe ka dhagax dhigay  waddooyin laamiya kuwaas oo halbowle u ah bilicda iyo isu socodka caasimada, intaasi kadib waxaa uu Madaxweynuhu kormeeray Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland. Munaasibada  dhagax dhiga wadadooyin kaasi ayaa waxaa iyaguna kasoo qayb galay Wasiirka Wasaarada Hawlaha Guud iyo wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arimaha gudaha dawladdaha hoose  iyo horumarinta ree miyiga, duqa degmada Garoowe,iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyadda dawladda Puntland. Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa ugu horayn dhagax dhigay wadada Fadhi Samo oo dherer keedu dhan yahay 1KM iyo 400M ( hal-kiloo mitir iyo afarboqol…

Read More

Juxaa waxuu fariin udiray kuwa kasoo jeeda Puntland ee Xamar ka haya kuraasta ee aan saamaynta ku lahayn dhulkooda. Juxaa fariintiisu waxay si cad ugu socotaa ama u taabanaysa wasiirada,wasiir xigeenada,Agaasimayaasha iyo xildhibaanada kasoo jeeda Puntland ee aan dib usoo eegin dhulkii laga doortay uguna danbayso subaxii ay dantoodii gaareen marka xigta ee ay kusoo laabtaana ay tahay subaxa ay dib u doorasho rabaan. Juxaa waxuu muujiyay in uu yahay nin dhul iyo dad leh oo aan ahayn masaafursi Xamar ujooga muquunin. Juxaa waxuu muujiyay nabada,nidaamka iyo kala danbaynta ka jirta Puntland. Juxaa waxuu muujiyay bilicda iyo sida dhulweynaha Puntland…

Read More

Ayadoo warar soo baxayey ay sheegayeen in qarax laga maqlay markab taagnaa meel ku dhow xeebta degmada Caluula ee gobolka Bari ayaa Puntland waxa ay faah faahin ka bixisay jiritaanka warkaasi iyo ilaa hada xogta laga hayo.   Maxamed Axmed Caynab oo ah Guddoomiyaha gobolka ay ka tirsan tahay Caluula ee Puntland oo wareysi uu bixiyay,ayaa sheegay in dadka deegaanku ay kusoo war geliyeen in markab kuwa dagaalka ah oo taagnaa xeebta Caluula uu markab kale oo dagaal gantaal ku dhuftay ayaga oo taasi ka duulayana ay tageen goobta.   “waxaan tagnay goobta naloogu sheegay in markabka uu ku qarxay,…

Read More

Five years after hitting the one billion mark, the social media giant founded in 2004 hit another milestone.   The social media network giant Facebook says its ranks of monthly active users have hit the two billion mark -or more than a quarter of the world’s population.   “As of this morning, the Facebook community is now officially 2 billion people!” co-founder and chief executive Mark Zuckerberg wrote in a post on his Facebook page marking the milestone.   “We’re making progress connecting the world, and now let’s bring the world closer together,” he wrote. “It’s an honor to be…

Read More

In kabadan afar meeloodow meel ka mid ah dadka dunida ayaa bil kaste isticmaala Facebook, sida ay sheegtay bartaasi ay bulshadu ku xiriirto.   “Subaxan saaka ah laga billaabo bulshada Facebook isticmaasha labo bilyan ayay noqdeen,” ayuu soo qoray Mark Zuckerberg oo ah ninka aasaasay Facebook oo madaxdana u ah.   Arrintan ayaa imanaysa markii uu Zuckerberg aasaasay bartan 13 sano ka hor isaga oo arday ka ahaa jaamacadda Harvard. Waxbarashadii jaamacadda ayuu isaga haray markii uu aasaasay bartan bulshada caalamku ku xiriirto.   Shirkadan wayn ayaa sannadkii 2012kii sheegtay in dadka adeegsada bilkaste ay noqeen hal bilyan.   Koritaanka…

Read More

Madaxweyne Gaas ayaa maanta ka qaybgalay xaflad qalanjabin ahayd oo ka dhacday Garowe,xafladaas ayaa loo qabtay Ardayda Dugsiga sare ee  Ganbool Garowe. Madaxweynaha ayaa halkaas ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanaysay,waxuu madaxweynuhu dardaaran iyo dhiiraglin usoo jeediyay ardayda qalanjabisay,sidoo kale waxuu ardayda uga waramay ama u sharaxay khataraha horyaala ee ay ka mid yihiin ku biirida Argagixisada ,Tahriibka iyo Burcad badeeda,si gaar ah waxuu madaxweynuhu ugu dheeraaday u sharaxida ardayda ee kooxaha argagixisada ah sida alshabaab. ”Alshabaab waa dhamaanayaan,waa dabayl na dhaafaysa,waxayna la mid yihiin kuwo badan oo horay noo soo maray,waa laynaynaa oo waliba karkarinaynaa,haku habsaamina ee iska…

Read More

Sababaha Fashilaadda Ganacsiyada Maxaa Sababa Fashilaadda Ganacsiyada? Mid ka mid ah waxyaabaha sideedaba ay adagtahay in la garto waa weyddiinta ah: Maxaa sababa fashilaadda ganacsiyada? Su’aal weeye maskaxda daalinaysa. Haddii maammulayaasha ganacsiyadu ka warqabi lahaayeen in khalad ay sameeyaan, waxaa laga yaabi lahaa dhibaatada in xal ay u raadin lahaayeen. Badi maammulayaashu, xitaa haddii ay dhibaato jirto waa dafiraan, ama waxay ku andacoodaan in ayan ka warqabinnin. Waxay ahayd xogogaal in ay ganacsiyadooda u noqdaan. Haddii ayan maammulayaasha ahayn, waa ayo cidda xogogaalka u noqonaysa? Macaamiisha ayaa marar badan ka xogogaalsan maammulayaasha cilladaha (weakness) ganacsiga ku jira. Kolkay fashilmaan waxay…

Read More

Ciidamada Milateriga Soomaaliya, oo ay wehliyaan Ciidamada AMISOM iyo Ciidamo Mareykan ah ayaa saaka weerar ku qaaday tuulooyin ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe, iyadoo la soo sheegayo in dagaalo culus ay ka socdaan tuulooyinka qaar.   Wararka ayaa sheegaya in ciidamada huwanta ay weerareen tuulooyin dhinaca bari ka xiga Gobolka Shabeellaha Dhexe, kuwaasoo hoos taga degmada Mahadaay   Howlgalka ayaa ku jiheysnaa inta u dhaxeysa degmada Mahadey iyo deegaanka Biyo-Cade, illaa iyo haddana lama oga heerka uu gaarsisian yahay khasaaraha ka dhashay howlgalka.   Tuulada Cal Fooldheere oo ka mid ah deegaanadii lagu dagaalay ayaa la sheegay in ay guryo…

Read More

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa hambalyo ku aadan 40 guuradii ka soo wareegatay markii xornimada ay qaadatay Jabuuti u diray dowladda iyo shacabka reer Jabuuti. Madaxweynaha ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay farxada la qeybsanayaan walaalaha Jabuuti oo u dabaal dagayay maalintan qiimaha badan ee markii xornimada ka qaateen gumeystihii Faransiiska. “Waxaan hambalyo u dirayaa dowladda iyo shacabka Jabuuti ee walaalaheena ah, oo u dabaal degaya maalintan qiimaha badan oo ah markii xoriyadda ka qaateen gumeystihii Faransiiska”ayaa lagu yiri war qoraal ah oo uu soo saaray Madaxweynaha. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa dhambaal u diray dhiggiisa Jabuuti, isagoo ugu hambalyeeyay…

Read More

Wasiiru dowlaha wasaaradda Warfaafinta,Isgaarsiinta,hiddaha iyo dhaqanka Puntland C/fitaax Nuur Axmed (Ashkir) ayaa shir Saxaafadeed uu maanta ku qabtay Garoowe, wuxuu ku sheegay in dowladda Puntland ayan qayb ka ahayn Xeerka Isgaarsiinta federaalka ee laga ansixiyay golaha Wasiirada Federaalka maalintii khamiista ahayd Ee la soo dhaafay bishuna ahayd 21-kii bishaan socota. Wasiiru dowluhu Wuxuu sheegay in loo baahnaa ka hor intaan la ansixin xeerka in lagala tashado dowladdaha xubnaha ka ah dowladda federaalka, waxaana uu ku tilmaamay talaabadaasi mid baal-marsan Dastuurka iyo Dowlad nimada Soomaaliyeed, ” sida ku cad Distuurka Federaalka ah qodobkiisa 54-Aad Awoowdaha dowladda Federaalka ah waa: difaaca Qaranka,Jinsiyadda,Xiriirka…

Read More

Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 27 June 2017 ka qayb galay xafladda qalin jebinta ardayda dugsiga sare ee Ganbool, kuwaas oo ah dufcaddii 15 aad ee ka baxda dugsigaasi. Madaxweynaha ayaa waxaa xafladda ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Puntland Abshir Aw yuusuf Ciise iyo ku xigeenkiisa, masuuliyiin ka tirsan goloyaasha dawladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, ardayda iyo macalimiinta dugsiga Ganbool, waalidiin iyo marti sharaf kale. Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa  hambal iyo bogaadin u soo jeediyey ardayda qalin jebisey, maamulka iyo macalimiinta dugsiga Ganbool iyo sidoo kale waalidiinta ku soo tabcday ardaydaasi, waxaana uu…

Read More

Waxaan xaqiijinaynaa in wax shil ah uusan ka dhicin maraakiibtayada dagaalka ee ilaalisa xeebaha Soomaaliya.   Dhammaan shaqaalaha maraakiibtayadu waa badqabaan, wax dhib ahna ma jiraan” Sidaas waxaa lagu yiri qoraalka howlgalka Ciidamada Midowga yurub ay soo dhigeen bartood twitterka. Qaar ka mid ah dadweynaha degan Degmadda Murcanyo ee gobolka Gardafuu ee xeebaha Puntland ayaa idaacada VOA u sheegay  inay arkeen markab weyn oo ay u malaynayaa inuu yahay midka dagaalka oo qarxaya  ka dibna biyaha quusay

Read More

PRESS STATEMENT 11/2017 The Special Representative of the UN Secretary-General (SRSG) for Somalia, Michael Keating, congratulates all Somalis on the occasion of Eid-al-Fitr. “On behalf of the entire United Nations family in Somalia, I wish you a festive and peaceful Eid,” said SRSG Keating. “We join you in welcoming the sighting of the new moon that signals the end of the holy month of Ramadan. May the blessings of Eid bring families and friends together to celebrate in a spirit of goodwill and reconciliation. We hope this special time of the year will bring much happiness to Somalis at home…

Read More

Maxkamada Sare ee Mareykanka ayaa sheegtay inay dib u eegeyso kiiska amarki uu madaxweyne Donald Trump uga mamnuucay inay Mareykanka soo galaan qaxootiga iyo muwaadiniinta kasoo jeeda lix wadan oo ka mid ah dalalka Islaamka. Dikareetada madaxweyne Trump ayaa dhigeysay in mudo 90 cisha aysan imaan karin Mareykanka muwaadiniinta dalalka Somalia, Sudan, Iran, Libya iyo Yemen. Sido kale qaxootiga ayaanan soo gali karin mudo 120 maalmood ah. Hadaba go,aanka Maxkamadda siduu u saameyn doonaa qaxootiga, muxuuse kaga duwanyahay kuwi hore. Warbixintaan waxaa ka diyaariyey Nur Hassan Nur,hoos ka dhagayso codka oo faahfaahsan. Halkan ka dhagayso codka warkaas

Read More

Munaasabad Balaaran oo loogu dabaal dagayay Xuska 26-ka June ayaa ka dhacday Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar, waxaana ka qaybgalay qaar ka mid ah Madaxda Qaran iyo Marti sharaf badan,  Qaar ka mid ah dadka Soomaaliyeed ee Waaya jooga ah oo ka hadlay Munaasabadda ayaa sheekeeyay Taariikhada Halganka Soomaaliya, iyaga oo aad u xasuusiyay dadka ka soo qaybgalay munaasabadaan dadaalka dheer ee laga soo maray in la gaaro Soomaaliya oo xor ah. Wasiirka Warfaafinta iyo Hanuuninta Dadweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Eng. C/rixmaan Cumar Cusmaan “Yariisow” ayaa ku hadlay Afka Guddiga Qaban qaabada Munaasabadaha Qaranka ayaa sheegay in shacabka iyo madaxda…

Read More

Waa markii u horeysay ee muuqaal lagu arko wajiga Hoggaamiyihii hore ee Al-Shabaab Abuu Zubeyr, iyadoo aan wali lagu arkin fagaare ah, intii uu qeybta ka ahaa dagaaladii Al-Shabaab ka waday Soomaaliya, waxaa uu ahaa nin is qarin jiray.   Muuqaalkan oo soconaya 1:24 ayaa waxaa lagu arkayaa Abuu Zubeyr oo xiran dhar madow, kuna hubeysan qoriga AK47, sidoo kale waxaa looga hadlayaa taariikhdii Islaamiyiinta Soomaaliya, laga soo bilaabo sagaashameeyadii iyo sida ay ku aas aasmeen iyo bilaabashadii Maxkamadihii Islaamiga,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/BFtznTMYGtI

Read More

Afhayeenka madaxtooyada Somalialnd oo shir jaraa’id oo uu ku qabtay hargaysa waxuu ku sheegay in 26-ka June ay tahay maalin ay leedahay Somaliland oo aysan ahayn maalin Somaliya ay leedahay. Afhayeenka ayaa fariin udiray madaxweyne Farmaajo,taasoo uu ugu sheegayo in uu iska daayo sheegashada maalintaas”26-ka June anagaa leh ee hanoo daayo farmaajo”hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/iFrG5kg1xMg

Read More

Dadka ku dhaqan deegaanyo Murcanyo oo qiyaastii 44 km u jirta degamada Caluula ee xeebaha Puntland ayaa ku soo waramaya inay arkeen Markab weyn oo ay u maleeyeen kuwa dagaalka oo qarxaya muddo ka dibna biyaha quusay. Qaar ka mid ah kaluumeysata iyo dadka deegaanka oo ay VOA-du la hadashay ayaa sheegay inay u maleynayaan in qaraxa uu ka dhex dhacay markabka oo nooca dagaalka ah. Waxey sheegeen in laba Markab oo kale oo kuwa dagaalka ah oo u soo gurmaday ay illaa iyo hadda taagan yihiin halka uu markabka ku degay oo Murcanyo u jirta ilaa iyo afar mile.…

Read More

Maxkamadda ugu sarreysa dalka Mareykanka ayaa fasaxday in la dhaqangeliyo qeyb ka mid ah amarkii xayiraada socdaalka ee Trump inta ay maxkamaddu ka baaraandagaysa sharci ahaanshaha amarkaasi.   Amarkaasi ayaa ka mamnucaya muwaadiniinta lix dal oo Muslimiin u badan oo ay Soomaaliya ku jirto inay u safraan Mareykanka muddo 90 maalmood ah. Wuxuu sidoo kale si ku meel gaar ah u hakinayaa barnaamijka qaabilaada qaxootiga muddo 12 maalmood ah.   Amarkan ayaa waxaa horay u diiday maxkamadaha hoose ee Mareykanka, taasoo ku qaaday in Aqalka Cad uu racfaan ka qaato.   Maxkamadda ugu sarreysaya ayaa haseyeeshee amarkan sheegtay inuusan khuseyn…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa maanta Ubax Dhigay taalada Daljirka Daahsoon ee magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.  Ubax dhiga ka dib ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda halkaas wuxuu kula hadlay boqolaal dadweyne ah oo isku soo baxay, wuxuuna sheegay in loo baahanyahay in Nabada iyo Midnimada laga wadashaqeeyo. Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa sidoo kale tilmaamay in loo baahanyahay in loo midoobo sidii looga soo horjeesan lahaa dadka Nabada diidka ah ee doonaya inay kala qaybiyaan dadka Soomaaliyeed. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in sanadkaan sanadkiisa uu rajaynayo in la gaaro Soomaaliya oo ku jirta Xaalad sidaan ka wanaagsan,hoos…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa dadka Soomaaliyeed iyo dhammaan shucuubta kale ee Muslimiinta adduunka ugu hambalyeeyey munaasibadda Islaamiga ah ee Ciidul Fidri. Mudane Xasan ayaa farriintan hambalyada ah ugu rajeeyey dadka Soomaaliyeed iney nabad ku ciidaan, kuna gaaraan ciidan ciideeda horumar, nabad, barwaaqo iyo midnimo. “Waxaan halkaan hambalyo ku aaddan CiiddaFidriga uga soo jeedinayaa shacabka Soomalaiyeed meel kasta oo ay joogaan iyo dhammaan Muslimiinta adduunka. Waxaan dadka Soomaaliyeed ku leeyahay ku ciida nabad iyo farxad. Waxaan Illaah ka baryayaa in aynu ciiddan ciideeda ku gaarno, nabad iyo horumar.ayuu yiri R.Wasaare Khayre. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay…

Read More

Saraakiil ayaa sheegay in ugu yaraan 123 qof ay dhinteen ka dib markii booyad shidaal siday ku qaraxday meel u dhaw magaalada bariga Pakistan ku taal ee Ahmedpur. Dad ayaa ku soo ururay meesha ay booyaddu ku qallibantay oo doonayey in ay dhurtaan shidaalka, ka dibna waxa dab qabsaday booyaddii sidaas ayayna dad badani ku dhinteen. Tobanaan kale ayaa isbitaallaada lagu dawaynayaa. Dad sigaar cabayey oo goobta joogay ayaa loo malaynayaa in ay sababeen dabka qabsaday shidaalkii daatay iyo booyaddaba, sidaa waxa ku waramay TV-ga Geo ee Pakistan laga leeyahay isagoo soo xiganaya dad goob joog ahaa. Wadooyinka dalkaas ayaa…

Read More

Madaxweynaha Dowlada Federaalka ah ee  Soomaaliya ,Ra’sul wasaaraha Xukuumadda Dalka  iyo qaar kamid ah Golaha Wasiiradda XFS  ka tirsan ayaa Shacab aad u tiro badan  kula tukaday salaadda ciidda Masjidka Isbaheysiga Islaamka ee magaaalada Muqdisho.  Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya  Mudane Maxamed C/llahi Farmaaji ayaa salaada ka dib waxa uu masjidka isbaheysiga ka jeediyey Qudbad dhinacyo badan taabaneyso oo uu madaxweynaha kula dardaarmayey Shacabka Soomaaliyeed,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/ShRDUKZ01D0

Read More

Madaxweynaha Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa isna ku nuux-nuuxsaday waxyaabo ay kamid ahay ammaanka, isagoo ballan qaaday in Puntland amnigeedu muddo soo jiray hadana uu jiri doono, isagoo wacad ku maray in gacan bir ah lagu qaban doono ciddii isku dayda inay waxyeelleyso. Madaxwayne Gaas waxa uu baaq u diray maamul uu sheegay inay xilli walba taageeraan kooxda Firxadka ah ee Al-Shabaab isagoona tilmaamay in loobaahan yahay ka waantoobida taageerada kooxdaasi, Madaxweyne Gaas digniinta uu diray waxay si dadban ugu wajahantay maamulka somaliland oo isagu si toos ah u taageera kooxaha argagixisada ah ee Alshabaab iyo Daacish,hoos ka daawo…

Read More

Salaada Ciida oo Lagu tukadey garoonka kubada cagta Mire Awaare ee magaalada Garoowe ayaa waxaa Madaxweynaha kala qayb galay Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey, Gudomiyaha Baarlamaanka Puntland Mudane. Axmed Cali Xaashi iyo ku xigeenadiisa, masuuliyiin ka tirsan goloyaasha dawladda Puntland, saraakiisha ciidamada Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, isimo, cuqaal, nabadoono, waxgarad, siyaasiyiin, aqoon yahano, Culumo iyo shacab weynaha Casimada Dawladda Puntland. Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa ugu horayn hanbalyo u diray ummaada Soomaaliyeed iyo shacabka reer Puntland meelkastay joogaan munaasibada ciidul fidriga darteed, waxaana uu madaxweynihu sheegay in Puntland ka jirto nabad gelyo sugan…

Read More

QM ayaa sheegeysa in tirada kiisaska loga shakisan yahay cudurka daacuunka ee dalka Yemen ay kor u dhaaftay labo boqol oo kun. War ka soo baxay ururka caafimaadka adduunka ee WHO iyo hay’adda carruurta ee UNICEF ayaa lagu sheegay in dalku uu wajahayo xaaladda daacuunkii ugu xumaa ee dunida soo mara.’ Labadan hay’adood ee Qaramada Midoobay ayaa sheegaya in ay si weyn ula tacaalayaan joojinta xanuunka daacuunka ee ka dillaacay Yemen, kaasi oo si xowli ah u faafaya,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/mVe0pMO1XVg

Read More

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa caawa 24 June 2017 shaaciyey in maalinimada berrito 25 June 2017 ay tahay ciid, hanbalyona u diray ummada Muslim ka ah iyo shacabka Soomaliyeed munaasibada ciidul Fidriga darteed. Madaxweynaha ayaa si gaara ula wadaagey  farxada ciidul fidriga shacabka reer Puntland meelkastay joogaaan, waxaana u dhammaantood ilaahay uga baryey inuu sanadka sanadkiisa ku gaadh siiyo farxad, caafimaad qab, nabad gelyo, horumar iyo wajir. ‘’Ciid Mubaarik, Ciid Mubaarik, kullu caam wa antum bikhayr, aad iyo aad ayaan ugu hanbalyay nayaa ciida soon fureed dad weynaha Soomaliyeed meelkastay joogaan gaar ahaan shacab weynaha reer…

Read More

Maalinka beri ah hadii eebe idmo waa maalin ciid,waxaa go’aankaas ku dhawaaqay culumada islaamka ah ee ee Copenhegen Danmark ,gaar ahaan masaajidka waaqifka. Warbaahinta caalamiga ah ee idilnews waxay umada islaamka leedahay Ciid wanaagsan meel kasta oo ay joogaan. Waxayna usoo xulaysaa heestan macaan,hoos ka daawo muuqaalka. https://youtu.be/hYlKrGgiA_g

Read More