Author: Jibril Qoobey

IOM ayaa shaacisay Tiradii ugu badneed 6 bilood oo kaliya ku dhintay Xeebaha u dhaxeeya Liibiya iyo Talyaaniga taas oo noqotay Culees aduunka ku soo kordhay. Tirada Muhaajiriinta ku dhintay ama lagu la’yahay badda Medeiterranean-ka sanadkan 2017-ka ayaa kor u dhaaftay in kabadan 2,000 oo qof sida ay sheegtay hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Socdaalka ee IOM waxaana ay sheegtay in meesha ugu badan ee aad loogu dhinto ay tahay biyaha u dhaxeyeeya Libiya iyo Talyaaniga. Inkastoo hay’adda socdaalka qaramada midoobay warkan ay soo saaratay uu yahay mid kayar tirade la diiwan geliayay sanadii hore ayaa afayeenka IOM Joel…

Read More

Wasiirka arimaha dibedda ee Qadar, Sheekh Maxamed bin Cabdulraxman Al Thani, ayaa xaqiijiyay in uu soo gaaray liiska dalabaadka, ayna diyaarinayaan jawaabta ku haboon.   Dalalka Maraykanka iyo Ingriiska ayaa ku kala aragti duwan 13-ka qodob. Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa isla maalintii khamiista sheegay in Xulafada Sucuudigu ay soo gudbiyeen qodobo macquul ah oo talaabo laga qaadi karo. Xoghayaha Britain Boris Johnson ayaa tilmaamey in dalalka GCC la yimaadaan xujooyin caqli gal ah.   Wasiirka Arrimaha DIbadda ee Imaaraadka Carabta ayaa Qatar ku eedeeyey in ay 13 qodob u gudbiyeen warbaahinta, halka ay dhab ahaan u qaadan lahaayeen,…

Read More

Wasaarada arrimah gudaha ee dalka Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in ciidamada ammaanka ee dalkaasi ay fashiliyeen waxa ay ku tilmaameen argagixiso qorshaynaysay in ay bartilmaameedsadaan misaajidka barakaysan ee Maka. Wasaarada arrimaha gudaha ee Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in dhisma uu ku jiray qofka weerarka fulin rabay ay ciidammada hareereeyeen kadibna uu is qarxiyay.   Dhismaha ayaa burburay waxaana ku dhaawacmay 11 qof oo ay ka mid yiihiin askar booliiska ka tirsan .   Shan qof oo mintidiin ah oo looga shakisan yahay weerarka ayaa xabsiga loo taxaabay sida ay sheegeen saraakiisha.   Malaayiin qof oo Muslimiin ah oo ka kala…

Read More

Wasaarada Arrimaha Dibadda ee Mareyknaka ayaa shaley ku dhawaaqdey in ay ka saartey liiska dadka lacagta hore ay u dul-dhigtey kuxigeenkii Alshabab, Muqtaar Roobow Abu Mansoor oo wayadanba si gaar ah u joogay gobolka Bakool. Shan sano ka hor, bishii June ee 2012 ayaaa la saarey madaxa Abu Mansoor 5 Malyan oo doolarka Mareyka ah. Khuburada ka faaloota Al-shabab iyo arrimaha gobolka ayaa u arka tani in ay tahay, in dowlada Mareykanka aysan hab ciidan oo kaliya ku wajahaynini dagaalka ka dhanka ah Al-shabab. Dad badan oo siyaasadda Soomaalida aad u qiimeeya ayaa aaminsan in dawladda Qatar ay fududeysay heshiiska…

Read More

Milkiilaha Facebook, Mark Zuckerberg ayaa xalay casho afur ah magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota kula yeeshay qaar ka mid ah Soomaalida halkaas ku nool, sida uu ku sheegay farriin uu soo dhigay bartiisa Facebook. Zuckerberg, ayaa u mahad-celiyey Soomaalidii afurka ku casuumtay, wuxuuna sheegay inuu aad ula dhacay kartida iyo dhiiranaanta ay ku doonayaan in meel aysan aqoon ay dalkooda cusub uga dhigtaan. Waxa uu sheegay in qofka qaxootiga ah uusan lahayn ikhtiyaar uu ku doorto dalka uu ku noolaanayo. Waxa uu sheegau inuu nin ka mid ah Soomaalida oo 26 sano ku nool xero qaxooti weydiiyey, in hadda uu…

Read More

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Stephen Schwartz ayaa sheegay in Mareykanka uu mar kale howl-gal diblomaasiyeed oo rasmi ah ku yeelan doono Soomaaliya, marka ay Muqdisho ka furtaan xafiisyo dhammaadka sanadkan. Safaaraddii Mareykanka ee Soomaaliya ayaa waxaa la xiray sanaddii 1991-kii, markii dagaallada sokeeye ay ka qarxeen dalka. Xoghayihii hore ee arrimaha dibedda Mareykanka, John Kerry ayaa booqasho uu sanadii 2015 ku tagey Muqdisho ku sheegay in Mareykanka uu billaabi doono dib u aas-aasidda joogitaankii diblomaasiyeed ee Mareykanka uu ku lahaa Soomaaliya. Stephen Schwartz ayaa sheegay in xarunta cusub ee Mareykanka ee Muqdisho la furi doono bisha October ee sanadkan. Safiirka…

Read More

Afar dal oo Carbeed ayaa dawladda Qadar ka dalbaday liis ay ku qoran yihiin 13 dalab oo ay waajibtahay in ay fuliyaan haddii ay rabto in laga qaado xayiraadda ay saareen, sida ay wakaaladuhu ku warramayaan.   Sacuudi Carabiya, Masar, Isutagga Imaaraadka Carrabta iyo Baxrayn ayaa waydiisanaya Qadar in ay xirto oo albaabada u laabto warbaahinta Al-Jazeera.   Waxaa kale oo ay qadar waydiisteen in ay yarayso calaaqaadka ay Iiraan la leedahay, ayna xirto saldhiga uu Turkigu ku leeyahay Qadar, shuruudahaas oo dhanna ay ku fuliso muddo 10 maalmood gudahood ah.   Dawladda Qadar ayaa diiday in ay maalgaliso argagixisada…

Read More

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo kamid ah madaxda ka qeyb galaysa Shirka Isgarab-taagga Uganda ee Qaxootiga, ayaa ku baaqay in qaxootiga Soomaaliyeed la siiyo fursado ay uga shaqeysan karaan dalalka ay martida u yihiin si ay noloshooda u hormariyaan. Madaxweynaha ayaa tusaale usoo qaatay sharciyada horumarsan ee ay dowladda Uganda u dejisay qaxootiga, kaas oo siiyay qaxootiga Soomaaliyeed fursado ay kula falgeli karaan dadka ay martida u yihiin. Madaxweynaha oo khudbad ka jeedinayay shirka labada malamood ka socda Kampala ayaa yiri “Waxaan maanta la kulmay ganacsato Soomaaliyeed oo deggan magaalada Kampala, kuwaas oo ii sheegay, in ay haystaan xornimo…

Read More

Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Fadaraalka Soomaaliya ayaa kulan ay Muqdisho ku yeesheen waxa ay ku go’aamiyeen xiliga uu furmayo Kalfadhiga 2aad ee Golaha Shacabka.   Kulanka Guddiga Joogtada ah waxaa shir guddoominayey ku simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad waxaana looga hadlay ajandeyaal dhowr ah oo ay ugu horeyso mudeynta xiliga uu furmayo Kalfadhiga 2aad ee Golaha Shacabka maadaama ay Mudaneyaasha hada ku maqan yihiin fasaxooda Dastuuriga ah.   Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux) oo ka hadlay qodobbada looga hadlay kulanka Guddiga Joogtada ah ee…

Read More

Xilli maalintii shalay golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya ay ansixiyeen xeerka isgaarsiinta dalka ayaa arrintaasi waxaa ka hadlay wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda dawladda Federaalka Soomaaliya Eng: Cabdi Canshuur Xassan. Mudane Canshuur ayaa sheegay in xeerkan uu leeyahay ahmiyad wayn, isagoo xusay in uu tiir dhexaad u yahay horumarka la doonayo in dalka uu ka sameeyo dhinaca Isgaarsiinta. “Xeerkan waxa uu kala caddaynayaa waajibaadka ay kala leeyihiin shirkadaha Isgaarsiinta iyo dawladda, sida loo maaraynayo amniga, qaabka loo wadaagayo dakhliga iyo arrima kale oo badan ayuu nidaaminayaa” ayuu yiri Mudane Canshuur. Xeerkan oo soo jiitamayay 9-kii sano ee ugu dambeeyay ayaa soo…

Read More

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta ka qeyb galay salaadda Janaasada ee lagu dukaday Allaha u naxariistee Marxuum Maxamed Yuusuf Awlibax oo ahaa Wasiirkii Dhalinyarada iyo Cayaaraha Jubbaland. Salaada Janaasaada ayaa ka dhacday Masjid Shuhaddaa ee Madaxtooyada, waxaana ka qeyb galay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda yo Xildhibaanada labada aqal. Ma’suuliyiintii kaso qayb galay Jinaasada ayaa waxay u duceeyeen marxuumka, waxanay Alle ugu baryeen inuu jannadii fardowso ka waraabiyo, eheladii uu ka tegey iyo ummada Soomaaliyeedna ka siiyo samir iyo Iimaan. Ra’iisal Wasaaraha ayaa la kulmay qaar kamid ah ehelka marxuumka iyo Wasiiro ka…

Read More

Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 23 June 2017 qasriga Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay Wasiirka Wasaarada Arrimaha Guddaha DFS iyo dib u heshiisiinta Dawladda Soomaaliya Mudane. Cabdi faarax Saciid Juxa, kaas oo saaka subax nimadii ka soo kici timay magaalada Gaalkacayo. Kahor kulanka ayaa waxaa duleedka magaalada Garoowe kusoo dhoweeyey Wasiirka iyo weftigiisa masuuliyiin ka tirsan goloyaasha dawladda Puntland, maamulka gobolka Nugaal kan degmada Garoowe, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, isimo, waxgarad, aqoon yahano iyo qaar kamida bulshada rayidka ah ee magaalada Garoowe. Soo dhoweyn kadib Wasiirka Wasaarada Arrimaha Guddaha DFS Mudane. Cabdi faarax Saciid Juxa…

Read More

Golaha wasiirada fadaraalka oo maanta oo khamiis ah yeeshay kulankoodii todobaad laha ahaa,ayaa ansixiayay sharciyo muhiim ah.   Goluhu waxuu ansixiyay sharciga isgaarsiinta iyo la dagaalanka argagixisada.     -Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayey Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Xasan Cali Khayre. Arrimaha diirada lagu saaray shirkan waxaa ka mid ahaa ansixinta Shuruucda Isgaarsiinta iyo La-Dagaalanka Argagaxisada iyo arrimo kale.   Ra’iisul Wasaaraha oo furay shirka ayaa sheegay in Xukuumadu ay ahmiyad gaar ah siineyso sidii dalka u yeelan lahaa shuruucda muhiimka u ah dowlad wanaaga.   Golaha Wasiirada ayaa ugu horeyn…

Read More

Golaha wasiirada Puntland oo maanta oo khamiis ah yeeshay kulankoodii todobaad laha ahaa.ayaa kaga hadlay arimo ay ugu weyn yihiin amaanka.   Goluhu waxuu soo saaray amar lagu adkaynayo amaanka guud ee deegaamada Puntland,sidoo kale waxuu cadeeyay in khatar amaan aysan ka jirin Puntland,   “shacabka Puntland inay ka dheeraadaan buunbuuninta wararka been-abuurka ah ee cadawga Puntland sheegaan, waxayna golluhu caddeeyeen in dhammaan deegaamadda Puntland aysan ka jirin wax khatar amni ah” ayaa lagu yiri War-murtiyeedkii ka soo baxay shirka Gollaha Wasiiradda. Halkan ka akhriso warmurtiyeedka Golaha wasiirada:-

Read More

Ugu yaraan siddeed qof ayaa ku geeriyootay, tiro ka badanna waa ay ku dhaawacmeen qarax maanta ka dhacay Saldhigga booliska degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho. Qaraxa oo loo adeegsaday baabuur nooca Surf loo yaqaan ayaa lala beegsaday saldhigga. Baabuurka ayaa waxaa watay qof aan weli la aqoonsan,kaasoo ku leexiyey saldhigga, kadibna saldhiga ku qarxay. Dadka dhintay ayaa waxaa ku jira haween badan oo marayey waddada iyo qaar ka mid ah ilaalada boolsika ah ee saldhigga,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/duWhZkLLh6I

Read More

Wasiirka arimaha gudaha fadaraalka Cabdi Faarax juxaa,ayaa soo gaaray magaalada galkacyo.   Waftiga wasiirka ayaa waxaa kusoo dhaweeyay magaalada Galkacyo maamulka Gobolka mudug.   Wasiirka ayaa la kulmay mas’uuliyiinta Gobolka Mudug iyo qaybaha bulshada,uxuuna u sheegay in dowladda fadaraalka Soomaaliya ay ka go’antahay nabad ka dhalata gobolka Mudug, gaar ahaan magaalada Galkacyo.   Wasiir Juxaa ayaa uga gudbi doona magaalada Galkacyo caasimada Puntland ee Garowe ,halkaas oo kulan kula qaadan doono madaxweyne Gaas,hoos ka dhagayso codka wasiir Juxaa. Halkan ka dhagayso codka wasiir Juxaa

Read More

WARMURTIYEED KU SAABSAN SAFARKII GUDDIGA DOORASHOOYINKA HEER QARAN AY KU TAGEEN PUNTLAND Muddada Safarka:         June 20th to 24th, 2017 UJEEDDADA SAFARKA GUDDIGA Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo ka duulaya istratijiyadiisa, waxaa uu billaabay safarro iyo kulama uu ku kala bixinaayoDawlad Goboleedyada Soomaaliyeed.  Kulammadan oo salka ku haya la tashiga iyo ka qayb galinta qorshaha shanta sano ah ee Guddiga, ka warbixinta sharciga xisbiyada siyaasada ee dhismaaya, wadashaqaynta Guddiga iyoDawlad Goboleedyada. Guddigu wuxuu qorsheeyey in uu la kulmo Madaxwaynaha Dawlad Goboleedka; Guddoomiyaha Baarlamaanka, Madaxweyne ku xigeenka, Golaha Wasiirada, Xildhibaanada,Guddiga doorashooyinka Puntland, Wasaaradda Dastuurka, Ururrada Bulshada iyo Haweenka, waxgaradka Puntland. SOO…

Read More

Waxaa magaalada Barakeesan ee Makka lagu qabtay munaasabad balaaran ay xilka kula kala wareegayeen Amiirka cusub ee Boqortooyada Sacuudiga Mohammed Bin Salman iyo Amiirkii hore ee Boqorooada Mohammed bin Nayef. Munaasabada waxaa kasoo qeyb galay xubno badan oo kamid ah Qoyska Boqortooyada Sacuudiga waxaana taageero xoogan loogu muujinayay Amiirka cusub ee Boqortooyada Sacuudiga Mohammed Bin Salman oo ah nin 31-sano jir ah uu dhalay Boqorka dalkaasi. Amiirka Cusub ee Boqorooada Sacuudiga Mohammed Bin Salman ayaa la arkayay isaga oo xushmad weyn u muujinaya ina adeerkiisa xilka looga qaaday, waxa uuna gacmaha iyo qeybo kalaba ka dhunkaday Dhaxal sugihii hore ee…

Read More

Masjidkii caanka ahaa ee al-Nuri iyo minaaraddiisii dhinaca u janjeertay ee al-Hadba ee magaalada Mosul, ayaan hadda kadib jiri doonin, kadib markii ay burburisay kooxda Daacish. Sarkaal ka tirsan milatariga Iraq ayaa sheegay in ciidamada Iraq ay 50 meter u jireen masjidka markii mintidiinta Daacish ay burburiyeen arbacadii. Wakaaladda wararka Dacaish ee Amaq ayaa soo saartay bayaan ay ku sheegtay war kaas ka duwan, oo ah in diyaardaaha dagaalka Mareykanka ay burburiyeen masjidka. Saraakiisha Mareykanka iyo xulafadooda ayaa durba diiday sheegashada kooxda Daacish. Masjidkan oo loo yaqaan Masjidka Weyn ee Mosul ayaa dhisnaa in ka badan 800 oo sano, waxaana…

Read More

Qarax baabuur oo aad u weyn oo ka dhacay gobolka ku yaalla koonfurta dalka Afghanistan ee Helmand, ayaa dilay ugu yaraan 29 qof, islamarkaana dhaawacay in ka badan 60 kale. Goobjoogeyaal ayaa sheegay in askar iyo shaqaale dowladeed ay isugu soo baxeen dibedda bankiga New Kabul ee magaalada caasimadda u ah gobolka ee Lashkargah, si ay mushaharkooda u qaataan markii qaraxa lagu weeraray. Afhayeen u hadlay maamulka gobolka, Omar Zwak, ayaa VOA u sheegay in qaar ka mid ah kuwa dhaawacmay “ay ku sugan yihiin xaalad liidata”. Waxa uu intaas ku daray in shaqaale milatari iyo kuwo rayid ah ay…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda, kaddib markii uu casuumaad rasmi ah uu ka heley dhigiisa Uganda Yoweri Museveni.  Madaxweynaha iyo wafdiga la socda oo booqashada ay qaadan doono muddo labo cisho ah ayaa inta uu ku sugan Uganda, waxa uu kulan la qaadan doonaan dhigiisa Dalka Uganda Yoweri Museveni oo ay ka wada hadli doonaan arrimo badan oo ay ka mid tahay xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii la isaga kaashan lahaa ladagaallanka argagixisada.

Read More

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta ka qeyb galey kulan Todobaad la ah oo ay iskugu yimaadaan gudoomiyayaasha degmooyinka gobolka Banaadir kaasoo looga hadlayey xaalada magaalada Muqdisho. Waxaana kulankan shir gudoominayey gudoomiyaha gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed.  Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo lagu marti qaadey kulanka ayaa madaxda gobolka Banaadir ka dhagaystey qorshayaal la doonayo in lagu hormarinya magaalada Muqdisho si ay ula jaan qaado caasumadaha caalamka sidoo kalena intii uu socdey shirku waxaa lagu falanqeeyey xaalada amaan ee gobolka iyo sidii loo sugey amnaanka caasumada bisha Ramadaan. Ra’iisul Wasaaraha oo la dar daarmey maamulka gobolka…

Read More

Gudoomiyaha Gobalka Bari wuxuu ku hadlay hadal xigmad leh iyo dhiiri galin ku socota reer Baay iyo Bakool. Guddoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamed Waays (Dhedo) ayaa baaq udiray shacabka ku nool gobolada Baay iyo Bakool, baaqaas oo ah inay celiyaan dadkooda loosoo adeegsanayo inay lagu wiiqo nabad gelyo Puntland. ” Reer Baay iyo Bakoolow waxaan idiin sheegaynaa Bosaso kaliya waxaanu ku haynaa oo ku nool 29,800 oo dadkiina ah, kuwaas oo leh xuquuqda kan Puntland u dhashay, Marka miyaanu idinka istaahilnaa inagoo sidaas idiin soo dhoweynay inaad noogu abaalgudaan inaad baabuur noo soo saartaan kuwa ina qarxinaya oo cadow ku…

Read More

Ra’isul Wasaaraha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa kulan deg deg ah la qaatay saraakiisha Amniga Dalka ka dib qarixii shalay lagu weeraray xarunta Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.   Ra’isul Wasaare Kheyre ayaa saraakiisha amniga u sheegay in aan loo dulqaadan karin in kooxda nabad diidka ah ee Al-shabaab ay helaan Fursad ay Shacabka ku waxyeeleyn karaan asaga oo xusay in ciidamada amaanka laga doonayo in ay si adag uga hortagaan dhacdooyinka nuucaan ah oo ay kooxda shabaab shacabka ku waxyeeleynayaan.   Saraakiisha amniga Dalka ayaa Ra’isul Wasaare kheyre uga warbixiyey sida uu dhacay qarixii ka dhacay xarunta degmada…

Read More

Ciidamada dalka Belgian ayaa toogtay nin looga shakiyay inuu damacsanaa inuu isku qarxiyo goob tareenada laga raaco bartamaha magaalada Brussels ee caasimada dalka  Belgian. Booliska ayaa toogtay ninkan kadib markii uu qarxiyay qalab uu watay kaasoo aan waxyeelo geysan sida ay ciidamada Booliska sheegeen. Sida uu daabacay wargeyska La Libre oo soo xiganayay xeer ilaaliyaasha ninka la toogtay ayaa xirnaa suunka la isku qarxiyo qalab kale. Qaar ka mid ah saxaafada wadanka Belgian oo ay ku taal xarunta ururka Midowga Yurub ninka la toogtay ayaa ku qeylinayay “Allahu Akbar” kahor inta uusan qaraxu dhicin. Illaa iyo hadda lama xaqiijin in…

Read More

Maalmihii u danbeeyey waxaa soo baxaayey warar sheegaya in ay jiraan Xildhibaano ku kacsan Raysalwasaare Xasan Cali Kheyre kuwaas oo doonaya in ay xilka ka tuuraan isaga oo aan sanad shaqeyn!. Inkasta oo Mooshinada badanaa Xildhibaanadu keenaan ay siyaasiyiin gadaal ka riixaan kuna dhisan tahay dano shakhsiyadeed iyo loolan awood iyo dhaqaale ayaa la is weydiinayaa, maxaa hadda keenay in hadal hayn mooshin soo baxdo?, maxaa laga faa’idey mooshinadii hore 2007-2014?, maxaase loo qoonsadey Raysalwasaare Xasan Cali Kheyre?.   Xasan Cali Kheyre ayaa dad badan aanminsan yihiin in uu yahay Raysalwasaare shaqeyn kara, garanaya shaqadiisa oo isbeddel deg-deg ah xukuumadiisu…

Read More

Guddiga tiro koobka iyo tayaynta shaqaalaha rayidka ah ee dawladda Puntland ayaa gaarey gobollada Sool iyo Cayn si’ ay halkaasi uga soo sameeyaan  tiro koobka shaqaalaha rayidka ah ee dawaladda eek a hawl gala gobolladaasi. guddoomiyayaasha gobolladaasi yo degmooyinkaasi ayaa ka hor intaan tiro koobku bilaaban waxa ay si weyn uga qayb qaateen sii diyaarinta iyo abaabulidda shaqaalaha rayidka ah ee ku kala sugan degmooyinka iyo tuulooyinka iyagoona ugu dambayn ku guuleystey inay shaqaalaha isugu geeyaan magaalo Madaxyada labadaasi gobol si’ay guddiga ugu fududaato shaqada tiro-koobku. Muddadii uu socdey tiro koobku ayaa  waxaa lagu diiwaan geliyey dhammaan shaqaalihiii saxda ahaa…

Read More

Madaxweynaha fadaraalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Wafdi u hogaaminayo,ayaa Maanta u dhoofaya wadanka Uganda.   Madaxweyne Farmaajo ayaa Casuumad ka helay Madaxweynaha Wadanka Uganda Yoweri Museveni,   Uganda ayaa waxaa somaliya ka jooga Ciidamo ka badan 5 Kun oo askari,kuwaasoo ka mid ah Howlgalka Midawga Afrika ee AMISOM.   Safarka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ah Safarkii 12-aad ee Dalka uu uga baxo,sidoo kale safarka Madaxweynaha,ayaa ah kii Afraad oo uu ku tago Wadamada Dariska ah,isagoo horay u tagay dalalka Kenya,Itoobiya iyo Jabuuti oo dhamaan ay Ciidamo ka joogaan gudaha Wadanka Soomaaliya.

Read More

Kulamo looga xaajoonayo xaalka gobalka Mudug oo u dhaxeeyey mas’uuliyiin ka kala tirsan Puntland iyo maamulka ana sharciyada buuxin ee Cadaado, ayaa laga soo saaray qodobo horudhac u ah xasilinta Gaalkacyo iyo deegaanada miyiga Mudug oo mudooyinkaan ay ka dhacayeen dilal iyo kala dhac xoolo.   Inkastoo wadahadalka labada dhinac aysan jirin cid garwadeen ka ahayd, haddana waxaa wada xaajoodka dhinacyada soo dadajiyey is araggii madaxweyne Gaa iyo Xaaf ee Cadaado oo ay kaga wada hadleen nabad kusoo dabbaalidda Gaalkacyo.   Xubnaha kala matalayay labada dhinac waxaa ka mid ahaa wasiiro, saraakiil ciidan iyo odayaasha dhaqanka.     Hoos ka…

Read More

Boqorka Sacuudiga, Salman ayaa wiilkiisa 31 jirka ah ee Mohammed bin Salman u dallacsiiyey dhaxal-sugaha boqortooyada, isaga oo ka dhigay ninka ugu horreeya liiska qofka xiga ee noqonaya boqorka.   Mohammed Bin Salman ayaa sidoo kale sii ahaan doona wasiirka gaashaandhigga, isaga oo dushana kala socon doona dadaallada isbedellada loogu sameynayo dhaqaalaha dalkaas.   Tallaabadan ayaa loogu dhawaaqay digreeto kasoo baxday boqorka oo ay baahisay wakaaladda wararka Sacuudiga ee SPA.   Dhaxal-sugihii hore, islamarkaana uu adeer u yahay boqor Salman, Mohammed bin Nayef ayaa laga qaaday dhammaan xilalkii uu hayey, oo uu ku jiro wasiirkii arrimaha gudaha, sida digreetada lagu…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa si kulul u cambaareeyey falkii argagaxisada ay ku bartil-maameedsadeen dad rayid ah oo ku sugnaa xarunta degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.  Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu tacsi u diray dhammaan dadkii ku dhintay weerakan lagu qaaday dadka rayidka ah, waxana uu EEBBE uga baryey inuu janadii Fardowsa ka waraabiyo isagoo intii dhaawacantayna u rajeeyey iney ka bogsadaan dhaawaca. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in weerarkan lagu soo beegay xilli ay dadka Soomaaliyeed ku jireen diyaar garowga ciida iyo maalmihii u danbeeyey ee Bisha barakeysan ee Ramadan, sidaas awgeedna ay tallaabadani ka tarjumeyso…

Read More

Waxaa Maanta kadhacay magaalada Muqdisho Qarax khasaaro geystay, kaas oo ay mas’uuliyiin dawladda ahi ku waxyeeloobeen.   Warar hoose,ayaa sheegaya in qaraxa lagu soo diyaariyay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, islamarkaana uu soo galiyay magaalada darawal aan ahayn kan isqarxiyay.   Dhawr jeer oo ayeey ciidanka xasillinta caasimadda siyaabo kala duwan u istaajiyeen, balse mar walba waxa qaraxa uu ka hooseeyay khudaarta lagu soo raray gaariga.   Markii usoo galay magaalada hal habeen ayuu ku beryay degmada Wadajir, subixii hore ayaa loo kaxeeyay dhanka Suuqa wayn, mana jirin qof ka shakiya gaariga, maadaama uu waday qudaar, suuqana uu ka…

Read More

Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo ah mid ka mid ah isimada loogu tixgalinta badan yahay  deegaamada Puntland,ayaa si cad uga hor yimid heshiiska dhexmaray Cali khaliif iyo Somaliland. Garaad Saleebaan oo saxaafada kual hadlayay isaga iyo Boqor Cabdulaahi Dabagooye magaalada Garowe ee caasimada Puntland ayaa yiri”Nama quseeyo heshiiskaas shaqo kuma lihin anaga iyo beeshaas waxba isku darsan mayno hadii dadku ehel iyo xidid ahaana iyagaa diiday oo soo dhaafay”hoos ka daawo muuqaalka oo faahfaahsan. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/P5abdwqrJ94

Read More

Dawladda Puntland ayaa magaalada Boosaaso saxaafadda ugu soo bandhigtay Sideed nin oo horay uga tirsanaa Al-shabaab ,balse goor dambe ku biiray kooxda daacish ee ku dhuumaalaysta buuraha Calbari ,kuwaas oo isu soo dhiibay Dawladda.   Sideedaan nin ee isa soo dhiibay ayaa badankood yihiin saraakiil sare oo kooxahaasi katirsanaa,waxaana ay sheegeen in fikradii ay horay u haysteen ay aheyd mid khaldan ,iyagoona shacabka Soomaaliyeed ka codsaday inay cafiyaan,maadama ay qirteen in dagaalo badan ka soo qeyb qaateen.

Read More

Ugu yaraan toddoba qof ayaa ku dhimatay tiro kalena way ku dhaawacmeen, qarax ismiidaamin ah oo duhurkii maanta ka dhacay xarunta degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.   Weerarka, ayaa loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga buuxiyey, waxaana uu burbur xooggan u geystay xarrunta degmada.   Wariyaha idilnews ee Muqdisho,ayaa sheegaya in uu arkay meydadka illaa lix ruux oo daadsan halka qaraxa uu ka dhacay.   Ma jirto illaa iyo hadda cid ka tirsan maamulka degmada ama dowladda oo ka hadashay qaraxan oo dhacay abaare kowdii duhurnimo ee xilliga Muqdisho.   Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, oo ay sheegeen inuu…

Read More

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa xilka ka qaaday Wasiirkii Maaliyadda Maxamed Maxamuud Cabdulle, kaasoo xilkan hayay tan iyo horaantii sanadkan markii uu magacaabay Golihiisa wasiirada.   Xil ka qaadista ayaa lagu tilmaamay inay qeyb ka tahay qorshayaasha uu Maamulka Hirshabeelle ku doonayo inuu ku yeelanayo ilo dhaqaale.   Wasiirka cusub ee Maaliyadda ayaa waxaa loo magacaabay Zakiriye Cabdi Xaraare oo horay u ahaa Guddoomiyihii Guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Hirshabeelle.   Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa saacadihii la soo dhaafay la hadal hayay inuu isku shaandheyn ku sameeyo Golihiisa Wasiirada, hase ahaatee ugu dambeyn xafiiska Madaxweynaha waxaa…

Read More

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Puntland (PSF) ayaa 19-kii June, 2017-ka oo shalay aheyd ka bilaabay buuraha Calmadow hawlgalo ay ku sifaynayaan argagixisada alshabaab ee ku dhuumaalaysata Buurahaas.   Hawlgaladan ay ciidamada Amniga Puntland ka fuliyeen Buuraha Calmadow,ayay ciidamadu khasaare xoog leh oo iskugu jira dhaawac iyo dhimasho ,waxay ugu geysteen argagixisada alshabaab.sidoo kale waxay kuburburiyeen godod ay ku dhuumaalaysanayeen argagixisada.   Ciidamada difaaca Puntland ayaa wada hawlgalo joogta ah oo ay mar walba ku sifeeyaan argagixisada ku dhuumaalaysata buuraha waa weyn dhibka badan ee Calmadow.

Read More

Saraakiil ka tirsan laamaha amaanka oo ku sugan Degmada wadajir ayaa goor-dhaw idilnewsu xaqiijiyay in Qarax Culus uu ka dhacay Xarunta Degmada Wadajir ee Gobalka Banaadir.   Qaraxa ayaa la sheegay in uu ka dhacay Barxadda hore ee Xarunta Degmada lamana oga qasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay.   Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya nooca uu ahaa,wararka ugu badan ayaa sheegaya in uu ahaa Qarax Ismiidaamin ah oo gaari loo adeegsaday.   Magaalada Muqdisho ayaa maanta ilaa xalay waxaa ka taagnaa xaalad cabsi ah iyadoo ay heegan buuxa ku jireen Ciidanka Dowladda fadaraalka kadib markii ay soo…

Read More

Wasiirka Wasaaradda Dastuurka ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil ayaa maanta xafiiskiisa kula shiray Guddoomiyaha Guddiga Madaxbanaan ee Doorashooyinka Xaliima Ismaaciil Ibraahim, waxa ayna kawada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo wadashaqaynta ka dhaxeeysa Wasaaradda iyo Guddiga.   Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh oo shirka ay ku wehliyeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda iyo Qaar kamid ah La taliyayaasha Wasaaradda ayaa u ballanqaaday Guddiga in ay la yeellan doonaan wadashaqayn joogta ah.   “Wasaaradda iyo Guddiga waxa ay dalka u hayaan hawl muhiim u ah gaarista doorashada Qof iyo Cod ee la doonayo in dalka ay ka dhacdo 4ta sanno ee…

Read More

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta Faadumo dayib oo ka mid aheyd Murashaxiintii Madaxweyne ee Soomaaliya u magacaabay in ay noqoto Madaxa Haweenka Soomaaliyeed ee Q.M.   Faadumo Dayib ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo kula kulantay Xarunta Madaxtooyada, iyadoo ka mahad celisay qaabilaada iyo soo dhoweynta uu Madaxweynuhu u sameeyay.   Qoraal ay soo dhigtay Barteeda Facebook ayaa ku sheegtay inay ku faraxsan tahay la kulanka Madaxweynaha Waxaa ay sheegtay inay si dhow ula shaqeyn doonto Madaxweynaha iyo dowladdiisa, waxayna sheegtay inay sharaf u tahay in Madaxweynaha ku wareejiso nuqul ka mid ah qorshaha waajibaadkeyga ee Xafiiska ay madaxda ka tahay.…

Read More

Madaxweyne Gaas maanta waxuu qabtay kulan balaaran oo uu iskugu yeeray bulshada qaybaheeda kala duwan. Kulankaas oo ka dhacay caasimada bilicda iyo amaanka badan ee Garowe,waxuu madaxweynuhu ku shaaciyay dadkaas hortooda iyo saxaafada oo markhaatiya lacag dhan sadex milyan iyo shan boqol oo kun oo dolar. Lacagtan waxaa kala helay oo madaxweynuhu sheegay in lagu dhamaystirayo labo mashruuc oo muhiim u ah dalka iyo dadka. Labadaas mashruuc ayaa kala ah:- 1.Mashruuca dhismaha garoonka diyaaradaha Garowe. 2500.000. dolar ayuu helay. 2.mashruuca dhismaha wadada Ceeldaahir ilaa Ceerigaabo.1000.0000 oo dolar ayuu helay. Hadaba in madaxweynuhu mashaariicdan awalba uu isagu dhagax dhigay hadana dhamaystiro…

Read More

Dawladda Soomaaliya ayaa maanta shaaca ka qaaday in ciidamada amniga ay howlgal ay ka sameeyeeen suuqa bakaaraha ee Muqidsho ay ku qabteen madaxii Amniyaadka Kooxda Al-Shabaab ee gobolka Banaadir C/Wahaab Khaliif Axmed oo loo yaqaan (Ciise Tarabuun).   Bayaan kasoo baxay wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayuu ku sheegay in howlgalkan uu ahaa mid qorsheysan islamarkaana uu dhacay maanta.   “Waxaa maanta qabanay C/Wahaab Khaliif Axmed oo loo yaqaan (Ciise Tarabuun) oo dhibaatooyinkii ka dhacayay caasimadda masuuliyadeeda lahaa, hadda wuxuu ku jiraa gacanta dawladda oo caddaaladda ayaa la horgeynayaa” ayuu yiri Wasiirka Amniga.   Ducaale ayaa sheegay in…

Read More

أصدر، الأحد، الملك برهان ملك موسى، ملك قبيلة “الدارود” الصومالية ذي الأصول العربية بيانا حول الأزمة الخليجية -حصلت “عربي21” على نسخة منه. وأبدى الملك برهان قلقه من أن تتطور الأمور “إلى ما لا يحمد عقباه” جراء تباعد المواقف واتخاذ قرار المقاطعة من قبل بعض الدول الخليجية. ودعا الملك الأطراف الخليجية كافة إلى “الجلوس إلى طاولة المفاوضات لحل الخلافات البينية وفق الأعراف والتقاليد العربية الأصيلة، وتغليب لغة الحوار بدل نهج المقاطعة والتصعيد”. وأبدى الملك برهان استعداده لاستضافة حوار خليجي تتولى قبيلته أمر تنظيمه “لتقريب وجهات النظر، والعمل أيضا من أجل خليج موحد الرؤى والأهداف، متعاونيين فيما بينهم”. وذكر الملك برهان في…

Read More

Wasiirka difaaca dowladda Qatar ayaa shaaciyay in ciidamadii ugu horeeyay ee ka socda dowladda Turkiga ay soo gaareen magaalladda Doha ee caasimada dalka Qatar, si ay uga qeyb-qaataan dhoola tus military oo wada jir ah.   Ciidamada ayaa tababaradoodii ugu horeeyay ka bixinaya saldhiga military ee lagu magacaabo Tariq bin Ziyad base.   Tababarkan ayaa waxaa uu yahay mid muddo la qorsheynayay, waxaana uu qeyb ka ahaa heshiis laba dhinac ah oo dowladdaha ay wada gaareen, kaas oo lagu adkeynayo awooda labada waddan iyo sidii deganaashaha iyo xasiloonida loo darsi lahaa.   Heshiiskaasi ayaa la wada saxiixay bishii April ee…

Read More

Maxkamadda Darajadda Kowaad ee Ciidanka Qalabka Sido ee fadaraalka Soomaaliya,ayaa saakay xukun dil ah ku riday mid ka mid ah eedeysanayaashii loo heystay dilkii wasiirkii Howlaha Guud iyo dib u dhiska Marxuum Cabaas Siraaji.   Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Darajada Kowaad Gashaanle Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay xukunka labo eedeysane oo loo heystay dilka Wasiir Siraaji Cabaas ,   Xukunka labada eedeysane ayaa u kala dhacay Dable Ciidanka Xooga Axmed Cabdullahi Ceydiid oo lagu xakumay dil toogasho ah halka Seddex Alifle Cusmaan Salaad Barre ay maxkamadda xukuntay in lasii daayo.   Kiiska Dacwadaan ayaa soo socday tan iyo…

Read More

Xulafada uu Maraykanku hogaaminayo ee Suuriya ayaa soo riday diyaarad dagaal oo ay leeyihiin milatariga Suuriya oo maraysay gobolka Raqqa.   Milatariga Suuriya ayaa sheegay in diyaaraddaasi ay u socotay hawlgal ka dhan ah kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka marka iyada laftirkeedii la weeraray Axaddii, sida uu ku warramay telefishinka xukuumadda Suuriya.   Dawladda Suuriya waxay sheegtay in dhacdadani ay “cawaaqib xun” ku reebi doonto dadaalladii lagula dagaalamayay argagixisada.   Maraykankuna wuxu sheegay in uu is dicaafay ka dib markii ay diyaaraddaasi bambooyin ku soo ridday meel u dhaw dagaalameyaal ay taageerto.   Arrintani waxay ka dhacday magaalada Ja’Din oo…

Read More

Nin ayaa dhintay siddeed kalena dhaawac ayaa soo gaaray ka dib markii gaadhi ladulmariyay dad ku sugnaa hareeraha wado ka agdhaw masaajid ku yaalla waqooyiga magaalada London.   Nin 48 jir ah ayaa loo xiray shil ka dhacay agagaarka masaajidka degmada Finsbury Park.   Dhacdadan ayaa boolisku ay ku tilmaameen shil aad u weyn. Shilkan wuxuu ka dhacay Wadada Seven Sisters.   Ciddamada booliska ayaana goobtaas isku gadaamay. Guddiga Muslimiinta ee Britain ayaa sheegay in gaari si qasad ah loo jiirsiiyay dad cibaadeysanayay.   Dadka dhacdadaasi ku waxyeeloobay ayaa la aamminsan yahay inay kasoo laabteen salaada tahajudka.   Adeega gawaarida…

Read More