Halkan ka daawo muuqaalka 1aad https://youtu.be/fq7IaAVekxE Halkan ka daawo muuqaalka 2aad https://youtu.be/bptoR5cdmAs
Author: Jibril Qoobey
Todobo badmaaxayaal Mareykan ah oo sarnaa markab dagaal oo uu leeyahay Mareykanka, muddo laba maalmood na la la’aa ayaa la helay iyagoo meyd ah, ka dib markii markabkoodu uu ku dhacay midkale oo siday xamuul. Markabkan ayaa xiliga uu shilka dhacayay ku sugnaa meel ka baxsan xeebaha dalka Japan, waxaana dhimashada badmaaxayaasha xaqiijiyay saraakiisha ciidammada badda ee Mareykanka. Ciiidammada waxaa kale oo ay shegeen in kooxaha samata bixinta ay meydadka dadkani heleen, ka dib markii ay u suuragashay in ay gudaha u galaan qeybaha burburay e markabka, iyagoo intaa ku daray in meydadka haatan la geyay cisbitaal ku…
Kooxda Al Shabaab ayaa maanta lasoo sheegayaa in weerar culus ay ku qaadeen saldhig ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin degmada Buula-burde ee gobolka Hiiraan. Weerarka oo ahaa mid gaadma ah ayaa waxaa uu isku bedelay dagaal muddo socday, kaas oo la sheegay in khasaaro uu ka dhashay. Dhinaca kale waxaa maqan isgaarsiinta degmadda, waxaana adag in la oggaado tirada rasmiga ah ee khasaaraha ka dhashay dagaalka. Warbaahinta kooxda Al Shabaab ayaa baahisay in dagaalyahanno ka tirsan kooxda ay gudaha u galeen degmadda, balse warkaasi ayaa ah mid aan la xaqiijin karin. Xaaladda degmadda…
Agaasimaha guud ee hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda G/sare Maxamed Aadam Koofi, ayaa sheegay in dowladda Norway ay aqoonsatay baasaboorka Soomaaliga gaar ahaan diblomaasiga, isagoo xusay in dabayaaqada sanadkan Norway ay Soomaaliya u soo diri doonto khubaro eegeya qabka loo bixiyo baasaboorka Soomaaliga. “Baasaboorkiina waa baasaboor electronic ah oo lagu kalsoonaan karo oo ay cida mas’uul ka tahay ayaan u sharaxney waana nala qaateen, waxaana rajeynaynaa in ay imaan doonaan Soomaaliya sanadkan qolyo u qaabilsan aqoonsiga documentiyada kadibna ay qiimeyn ku sameyn doonaan,” ayuu yiri Koofi. Maxamed Aadan Koofi, agaasimaha guud ee hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa ka codsaday madaxda dowladda…
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 18 June 2017 ka qayb galay gunaanudka tartanka Quraanka Kariim ah ee heer Puntland oo lagu soo xidhay Masjidu Huda ee Magaalada Garoowe. Munaasimada lagu gudoonsiinayey ardayda kaalmaha hore ka gashay tartanka Quraanka Kariim ka ah Jaa’isooyinka ayaa waxaa madaxweynaha ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Cadaalada Saalax Xaabib Jaamac, Guddiga qaban qaabada tartanka, Masuuliyiin ka tirsan goloyaasha dawladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, mu’asasada Al-minhaaj, waalidiin, arday iyo marti sharaf kale. Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa ugu horayn uduceeyey guud ahan ardayda ka qayb gashay tartanka Quraanka Kariim ka ah, waxaana…
Garaad Jaamac Garaad Cali (Garaad Binti land) oo ah Garaad beesha hoose ee Cali Khaliif kasoo jeedo ee Bah Ararsame,ayaa si adag uga hor yimid heshiiska shalay la shaaciyay ee maamulka beesha Isaaq ee Somaliland iyo Cali Khaliif Galayr. Garaad Bintiland ayaa yiri”Heshiiskaa nama quseeyo nalaguma matalo masiirkayagana ma jaangooyo,inta wiil anaga ah nool yahayna wiil isaaq ah qori ku sidan maayo deegaamadayada” Garaadka oo hadalka siiwata ayaa sheegay in uu yahay wax aad looga xumaado oo bahdil ku ah halgankayaga heshiiska Hargaysa lagu galay. Hadalkan kasoo baxay Garaad jaamac ayaa dhabar jab xoog leh ku ah qorshihii Cali Khaliif,iyadoo…
Mahad Abib oo ahaa wiil somaliyed oo dhibane u ahaa dawlada Norway oo kala noqotay sharciga dalkaas,isagoo lagu eedeeyay in uu been ka sheegay dhalashadiisa,isla markaana uusan somali ahayn. Mahad Abib ayaa kula kulmay Norway Wasiirka arimaha dibada dawlada fadaraalka Yuusuf Garaad Cumar,isagoo ka codsaday in uu ka caawiyo dhibka haysta,gaar ahaan warqad Go home oo horay uu uga helay madaxda dawlada fadaraalka taasoo ay dawlada Norway diiday in ay aqbasho una ogolaato in uu dalka kaga baxo. Sida Mahad Abib sheegay waxaa si khaldan ula dhaqmay Yuusuf Garaad ,isagoo kala kulmay bahdil iyo fogayn Wasiir Yuusuf Garaad.hoos ka daawo…
Dad gaaraya konton iyo todobo qof ayaa ku dhimatay, konton kalena waa ay dhaawacmen ka dib markii uu dab ka kacay keyn ku taala magaalada Pedrógão Grande ee bartamaha dalka Burtuqiiska. Inta badan dadka ay waxyeelada ka soo gaadhay dabkani ayaa dhintay iyagoo ku dhex jiray baabuurtooda, waxaana gudaha baabuurtii ay wateen ugu galay uuro iyo holaca dabka. Meydadka seddex qof oo kale ayaa laga helay meelo u dhaw xabaal ku taala magaaladaasi, kuwaas oo la rumesanyahay in ay u dhinteen dhaawac ka soo gaaray dabka. Boqolaal katirsan waaxda dab damiska ee dalka Burtuqiiska ayaa la tacaalaya xaalada, kuwaa oo…
Col. Gabre Egziaber ayaa xil cusub looga magacaabay Urur Goboleedka IGAD, kaddib markii laga buriyay xilkii uu ka hayay Xafiiska Fududeynta arrimaha nabadda iyo dib u heshiisiinta IGAD u qaabilsan Soomaaliya, isla markaana la baabi’iyay qandaraaskiisa. Warqad qoraal ah oo ka soo baxay Xoghayaha Guud ee Urur Goboleedka IGAD Maxbuud Macalin ayaa Col. Gabre waxaa loogu magacaabay La Taliye sare ee arrimaha Siyaasadda ee Xoghayaha Guud ee IGAD,Sidoo kale waxaa warqada ku cad mushaarka uu qaadanayo oo noqon doonta $7015.63 (Todobo kun iyo shan iyo toban dhibic lixdan iyo saddex oo dollar). Halkan ka akhriso wareegtada:-
Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika ayaa ka hadlay xiisada ka soo cusboonaatay dalalka Jabuuti iyo Eritrea, kaddib markii Ciidamada Eritrea ay qabsadeen dhulka lagu muransan yahay ee xuduuda labada dal ay wadaagaan. Afhayeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa sheegay in xiisada u dhaxeysa dalalka Khaliijka ay sababtay inuu dib u cusbnaado khilaafkii dhanka sohdimaha ee u dhaxeeyay dalalka Eritrea iyo Jabuuti. Guddoomiyaha Midowga Afrika Mousa Faki ayaa isna sheegay inuu ka walaacsan yahay xaalada ka soo cusboonaatay labada dal, waxaa uu tilmaamay in wafdi soo baara arrintan uu u dirayo Jabuuti. Jabuuti ayaa ku eedeysay in Ciidamada Eritrea ay…
Shirweynaha Wadatashiga Qaran ee Hannaanka Dib-u-heshisiinta Soomaaliya 17, June 2017 BISMILLAAHI RAXMAANI RAXIIM, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib-u-heshiisiinta iyo ergooyinkii shirka ka soo qaybgalay, waxay si wayn ugu faraxsan yihiin in Shirweynaha Wadatashiga Qaran ee Hannaanka Dib-u-heshiisiinta oo hal-ku-dheggiisu ahaa “isku daalnaye, maxaynoo dana!” si habsami leh u qabsoomay intii u dhexaysay 13 ilaa 17ka June 2017. Shirweynahan Qaran waxaa ka soo qayb galay ergo matalaysey dadka Soomaaliyeed oo ka kala yimid Dowlad Goboleedyada, Maamulka Gobolka banaadir iyo marti-sharaf ka kala socday qaybaha bulshada oo tiradoodu isku ahayd 220 xubnood. Ujeedooyinka ugu waaweyn ee shirwaynuhu waxaa…
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo weheliyo Wasiirka Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah Jamaal Xasan ayaa booqday qaar kamid ah dhaawacyadii ay wax yeeladu ka soo gaartay weeararkii ugu danbeeyey ee kooxaha argagixsadu ay ka geysteen muqdisho. Ra’isalwasaaraha ayaa mid mid u kor istaagay dhaawcyada wuxuna Alle uga baryey in uu siiyo caafimaad sareeca intii dhimatayna Naxariistiisa Janno uu ka waraabiyo, isagoona cadeeyey in Soomaaliya ay ku jirto xaalad dagaal oo u baahan in iskaashi guud laga yeesho,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/woHp2SM70vE
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo weheliyo Wasiirka Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah mudane Jamaal Xasan ayaa booqday qaar kamid ah dhaawacyadii ay wax yeeladu ka soo gaartay weeararkii ugu danbeeyey ee kooxaha argagixsadu ay ka geysteen Caasimadda iyo qaar kale oo dhaawacyo daran ay ku soo gaareen gobollada dalka, wuxuna Alle uga baryey in uu siiyo caafimaad sareeca intii dhimatayna Naxariistiisa Janno uu ka waraabiyo, isagoona cadeeyey in Soomaaliya ay ku jirto xaalad dagaal oo u baahan in iskaashi guud laga yeesho. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku soo wareegay qeybaha kala duwan ee ay yaalaan dhaawacyada, wuxuna…
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/u1OWyZJ2rmc
Waxaa maanta Hargaysa ku kala saxiixday heshiis kooxdii khaatumo ee uu hogaaminayay Cali Khaliif Galayr iyo Maamulka Somaliland. Heshiiska Cali Khaliif iyo Somaliland dhexmaray maanta kama duwana kuwii horay u dhexmaray somaliland iyo kooxihii hore ee sheeganayay in ay matalaan beesha Dhulbahante masiirkeeda,markii si kala loo yiraahdo Cali uguma horayn ugumana danbayn doono siyaasiyiinta ama shaqsiyaadka ugala somaliland oo sheegta in ay matalaan masiirka beesha Dhulbahante oo aan waxba soo kordhin. Cali Khaliif ayaa mudaba ku mashquulsanaa sidii uu beesha Dhulbahante si buuxda ugu gacan galin lahaa maamulka beesha Isaaq ee Somaliland,balse waxaa fikirkaas si adag uga hor yimid waxgaradka,siyaasiyiinta…
Waxaa maanta Hargaysa ku kala saxiixday heshiis kooxdii khaatumo ee uu hogaaminayay Cali Khaliif Galayr iyo Maamulka Somaliland. Wada xaajood mudo usoo socday kadib ayuu ka dhashay heshiiska maanta dhexmaray labada dhinac. Heshiiska ayaa ka kooban qodobo dhawr ah oo intoobada badan ay ka dhex muuqdaan qodobo lagu qancinayo Cali kahliif iyo kooxdiisa. Waxaa ugu muhiimsan oo laga xusi karaa qodobadaas:- 1.In Burco lagu qabto shirweyne si rasmiya loogu soo afjarayo iska soo horjeedkii kooxda Khaatumo ee Cali Khaliif hogaamiyo iyo maamulka Somaliland ee beesha Isaaq. 2.In dib loo wada dhisto Somaliland lawada leeyahay oo cadaalad ku dhisan. …
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/l7X-OFrDuPk
Boqoradda dalka Britain ayaa booqatay dadkii ka badbaaday dab toddobaadkii hore ka kacay dhismo ku yaala galbeedka magaalada London. Boqorad Elizabeth II oo la kulantay dadkii ay dhibaatadu soo gaadhay ayaa sheegtay in ay tahay arrin adag in laga baaqsado in xanuunka lala qeybsado dadka, waxaana ay intaa ku dartay in dalka Britain ay soo wajahday mussiibooyin dhib badan toddobadyadii u dambeeyay. Boqoradda dalkaasi iyo amiir William ayaa markii ay booqdeen Westway Sports Centre oo ah halka ay ku suganyihiin dadkii ka badbaaday dabka waxaa ay la kulmeen dadkii degenaa halka ay musiibadu ka dhacday, wakiila ka socda…
Todobo kamid ah ciidamada badda ee Mareykanka oo sarnaa markab dagaal oo lagu magacaabo USS Fitzgeralds ayaa la la’yahay ka dib markii markabkoodu uu ku dhacay midkale kale oo siday xamuul oo ku sugnaa xeebaha dalka Japan. Dadka ku dhaawacmay shilkani waxaa la sheegay inuu kamid yahay taliyaha ciidammaadii sarnaa markabka oo markii dambe loola cararay cisbitaal. Wuxuuna shilkan ka dhacay meel 104 km dhanka koonfureed kaga began magaalada Yokosuka ee dalka Japan. ”Taliyaha ciidammadii sarnaa markabka xaaladiisu waa ay ka soo reyneysaa, waxaana la geeyay cisbitaal ay ciidammada Mareykanka ku leeyihiin magaalada Yokosuka”, waxaa sidaasi sheegay sarkaal…
Gudigii loo xilsaaray soo qiimaynta xaalada deegaanka Af-urur ee dhawaan uu ka dhacay weerarkii gaadmada ahaa ee slahabaab ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Bosaso. Gudigan oo iskugu jira wasiiro iyo saraakiil ciidan ayaa dhawaan madaxweyne Gaas magacaabay waxayna qiimayn kusoo sameeyeen xaalada deegaanka iyo sidoo kale Saldhigyada ciidamada,waxayna la tashiyo lasoo sameeyeen saraakiisha ciidanka ee ku sugan aaga Galgala. Gudigan ayaa hada soo gaaray Bosaso iyagoo wata xog buuxda oo ku saabsan xaalada deegaamadaas iyo sida ugu haboon ee looga adkaan karo ama lagu sifayn karo kooxahah argagixisada ah. Gudigu waxay maanta kulan la qaadan doonaa…
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 16 June, 2017 waxa uu ka qayb galay munaasabad lagu maamuusayay maalinta caruurta Africa oo ku beegan 16 June sanad kasta, waxaana munaasabaddaas si wada jir ah usoo qaban qaabiyay Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska iyo Wasaaradda Waxbarashada Puntland. Madaxweynaha Dawladda Puntland oo kahadlay Munaasibadaasi ayaa mahad balaadhan u soo jeediyey Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland iyo Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska oo siwadda jira u soo qaban qaabiya munaasibadani sanad walba markay ku aadan tahay ‘’16th June’’ , sidoo kale Madaxweynaha ayaa xusay in daryeelka iyo waxbarashadda…
Guddiga tiro koobka iyo tayaynta shaqaalaha dawladda Puntland oo kujira olole ballaaran oo lagu tiro koobeyo shaqaalaha rayidka ah ee dawladda Puntland ayaa gaarey magaalooyinka Badhan iyo Dhahar ee gobollada Sanaag iyo Highland si’ ay halkaasi uga soo suubiyaan tiro koobka shaqaalaha rayidka ah ee dawaladda. Masuuliyiinta gobolladaasi yo guddoomiyayaasha degmooyinka ayaa ka hor intaan tiro koobku bilaaban waxa ay siweyn uga qayb qaateen sii diyaarinta iyo abaabulidda shaqaalaha rayidka ah ee ku kala sugan degmooyinka iyo tuulooyinka iyagoona ugu dambayn ku guuleystey inay shaqaalaha isugu geeyaan magaalo Madaxyada labadaasi gobol si’ay guddiga ugu fududaato shaqada tiro-koobku. Muddadii uu socdey…
Waxaa maanta oo ay taarikhdu tahay 17 June 2017 loo dhaariyey xilka Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga Puntland Cadirashiid Cali Geelle oo dhowaan uu Madaxweynaha Dawladda Puntland u magcaabay xilkaasi. Munaasimada Dhaarinta Wasiiru Dawlaha oo ka dhacday qasriga Madaxtooyada Garoowe ayaa waxaa goob joog ka ahaa Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, xibin ka tirsan Maxkamadda Sare ee Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Garoowe. Dhaarinta Wasiiru Dowlaha kadib ayaa waxaa Madaxwynaha Dawladda Puntland uu Xasuusiyey Wasiiru Dawlaha in xilkaasi loogu gartay aqoon tiisa iyo khibaradiisa waaya aragnimo, loona baahan yahay in uu si daacad ah uu ugu adeego…
Sida ay ii xaqiijiyeen dad kala duwan oo ku sugan deegaano aan sidaas uga fogeyn hadaaftimo waxaa caawa halkaas lagu arkay ciidan ka tirsan alshabaab oo la sheegay inay kasoo laabteen dhanka buuraha galgala oo dhawaan ay kula dagaalameen ciidanka daraawiishta ee dowlada puntland. Ciidankaan oo tiradiisa lagu qiyaasay ilaa 100 nin ayaa caawa markay saacadu ahayd 10:00 kii fiidnimo iyagoo lugaynaya waxaa arkay dad aagaas ku sugan. Ciidankaas oo umuuqday kuwo aan deegaanka kala aqoon ayaa dadka weydiiyey dhinaca ay ka jirto cerigaabo waxayna ku hubaysnaayeen qoryo ubadan qoriga loo yaqaan BKM Baasuukayaal iyo qoriga AK 47 ka loo…
Qaybta Afraad Afartii galabnimo ayay saacaddu garaacday. Daruurtu aaggii wali kama dulteginnin oo sidii iyo si xoog badan ayuu roobkii u da’ayay. Shaqaalihii goobta waxay iclaamiyeen in aanu jiri doonnin wax tareemmo ah oo London u bixitima ilaa iyo amar dambe. Daadad baa qadhaarkii tareemmada ee Cheltenham ku soo fatahmay. Rugtii wax tareen ah oo ka baxa ama soo gala ayaa la waayay. Biyihii maxaddada ku soo rogmay ayaa lugihii tareemmada kor u dhaafay. Rakaabkii rajobbeel ayaa heshey. Qaar waxay isku dayeen in ay qabtaan rugta basaska. Qaar kale taksiyo ayaa la doontay. Kuwii magaalada martida ku ahaa waxay raadsadeen…
Dowladda Soomaaliya ayaa ugu baaqday Qaramada Midoobay in waddanka Soomaaliya laga saaro madaxa Hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay Richard Trichard. Richard Trichard ayey dowladdu ku eedeysay inuu gaystay dhaqan ka baxsan xirfadda oo meel uga dhacaysa hay’baddii iyo sharaftii wakiilnimo ee Soomaaliya. Dhinaca kale Af-hayeen u hadlay Qaramada Midobay ayaa VOA u sheegay inay socdaan wadahadallo u dhexeeya dawladda iyo madaxda Qaramada Midobay oo arrintan lagu xallinayo,hoos ka dhagayso codka . Halkan ka dhagayso codka oo faahfaahsan
Ka bixitaankii dhulka ay ku muransan yihiin jabuti iyo ereteriya ciidamadii nabad ilaalinta ee dalka qadar waxaa toos ula wareegay jasiirada dumayra iyo buuraha u dhaw dhaw ciidamada eretereya. Wasiirka arimaha dibada jabuti oo ka hadlay arintaas ayaa sheegay in dumayra ay sI toos ah u maamulaan ciidamada eretereya. Wasiirku waxuu sheegay in ay hee gan sare galiyeen ciidamada jabuti,sidoo kale waxuu baaq udiray qaramada5midoobey,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/fEiP5aGGk-o
Wararka Naga soo gaaraya degmada Xarfo ee Gobolka Mudug,ayaa sheegay in uu degmada ka dilaacay shuban biyood. Ilaa iyo hada waxaa geeriyooday 10 qof,sidoo kale waxaa ujiifa 40 qof oo kale sida uu noo xaqiijiyay qof deegaanka ah. Dadka shubanka la ildaran ayaa la seexiyay Mch-ka magaalada madaama aysan degmadu lahan isbitaal. Dhanka kale wali degmada masoo gaarin wax gurmad ah oo ka yimid wasaarada caafimadka puntland.
Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa maanta shir jaraa’I’d ku qabtay magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan. Ugaaska ayaa uga hadlay shirkiisa jaraa’id dagaalka hiiraan ee u dhaxeeya beelaha Cayr iyo Xawaadle. Ugaasku waxuu ku baaqay in shuruud la’aan dagaalka la joojiyo. Dagaalkan ayaa waxa keenay abaarta ku dhufatay gobolka Galgaduud iyo Hiiraan ‘Dad abaar kasoo qaxay ayaa lagu soo dhaweeyay hiiraan, kadib iyagii ayaa dagaal ku bilaabay dadkii soo dhaweeyey, hoos ka daawo muqaalka oo faahfaahsan. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/n80KLvN79z8
Mahad ayaa dabaqa afaraad ee dabka uu ka kacay deganaa, isagoo la ilmeeyay dhacdooyinkii naxdinta badnaa ee uu arkay, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen aabo labadiisa caruur ah dhismaha dabaqa afaraad ka tuuray, hooyadoodna ay ku dhimatay, dad waayeelo ah oo guryaha kasoo bixi waayay iyo dhacdooyin kale,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/6h2GMBzjeUM
Booliiska magaalada Britain ayaa ka digay in laga yaabo in aysan waligood u suurtagalin in ay aqoonsadaan dhammaan dadkii ku dhintay dabkii waynaa ee qabsaday dabaqa dheer ee magaalada London. Shaqaalaha gurmadka degdega ah ayaa maalintii saddexaad ku jira iyaga oo baaraya maydad ku dhex jira dhismaha gubtay ee Grenfell Tower. Toddobo iyo toban ruux ayaa hadda la og yahay in ay ku dhinteen balse waxaa la filayaa in dhimashadu ay intaas ka sii badato, waxaana laga cabsi qabaa in ay dhimashadu gaari karto 60 ruux. Saraakiisha dabdamisku waxay sheegeen in aysan filaynin in dad nool oo kale la helo.…
Ciidamada Ruushka ayaa maanta sheegay in mid ka mid ah duqeymaha ay ka fuliyeen dalka Syria dabayaaqadii bishii May oo lala beegsaday taliyayaasha kooxda Daacish, laga yaabo in lagu dilay hoggaamiyaha kooxdaas. Bayaan maanta ay wasaaradda gaashaandhigga Ruushka ay ku daabacday Facebook ayay ku sheegtay in duqeynta oo ka dhacday caasimadda kooxda Daacish ee Raqqa lala helay kulan uu ka qeyb galay Abu Bakr al-Baghdadi. Ruushka waxa ay sheegeen in duqeynta ay burburisay taliyayaal xil sare ka haya Daacish, 30 taliyeyaal deegaan iyo qiyaastii 300 oo ah mintidiin ilaalo u ahaa taliyayaasha. Milatariga Ruushka waxa ay sheegeen inay dhinacyo badan…
Qaybta 3aad … Sabti, 14kii Luulyo 2007dii, ayuu Raabbi telefoon ka heley rafiiqiisa London deggan, Rafle Carraale, qabanqaabiyaha roobdoonta. Wuxuu u sheegey in goorta ballanta roobdoontu tahay Jimcaha, bisha 20da, saacaddu markay tahay 20:00 (Siddeedda fiidnimo). Goobtu waa Masaajidka Qaaddiriyada ee Jaylaani, waddada uu ku yaallo waa 12 East Avenue. Maxaddada Underground-ka u dhow waa Walthamstow Central Station [Victoria Line]. Wuxuu kaloo Rafle raaciyey in boqol-ku-dhowaad qofood la filayo in ay ka kala yimaaddaan magaalooyinka waaweyn ee BM. Raabbi si kal iyo laab ah buu arrinkaas u soo dhoweeyey saaxiibkiisana wuu u mahadceliyey. Wuxuu ballanqaaday in, Eebbe Idankiis, uu ka…
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/cyL0PLpH0UU
Dambi baaraha gaarka ah ee baaraya saameyntii Ruushka ku lahaayeen doorashadii madaxweyne ee sanadkii tagay ka dhacday dalka Mareykanka, ayaa baaritaanka ballaariyey kuna daray inuu eego haddii madaxweynaha uu is-hortaag ku sameeyey caddaaladda. Warkan ayaa waxaa shaaca ka qaaday wargeysyada Washington Post, New York Times iyo Wall Street Journal, oo la hadlay dad aad ula socda baaritaanka. Wargeysyadan ayaa sheegay in Robert Mueller uu qorsheynayo inuu wareysto agaasimada Sirdoonka Qaranka Dan Coats, agaasimaha hay’adda amniga qaranka ee NSA Michael Rogers iyo agaasime ku xigeenkii hore Richard Ledgett,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/trxdFlwQ5QM
Dowladda Qadar ayaa heshiis uu ku baxayo kharash gaaraya 12 bilyan oo doolar la saxiixatay dowladda Mareykanka. Lacagtaasi ayaa dowladda Qadar waxa ay Mareykanka uga soo iibsaneysaa diyaaradaha dagaalka ee F-15. Heshiiskaasi ayaa lagu gaaray kulan magaalada Washington ku dhex maray wasiirka gaashaandhigga Mareykanka Jim Mattis iyo dhiggiisa Qadar, waxa uuna ku soo beegmayaa maalmo uun kaddib markii madaxweyne Donald Trump uu dalka Qadar oo ay xulufo yihiin uu ku eedeeyay in uu maalgeliyo argagixisada. Dowladda Qadar ayaa beenisay dhammaan eedeymahaasi. Waddamada kale ee Khaliijka ayaa dhawaan xiriirka u jaray dalka Qadar, waxa ayna ku eedeeyeen in ay xasilooni darro…
Qaybta 2aad Xilligu waa Xagaa. Waa waqtiga ruuxa nasiinada u baahani uu nafta latacaalo oo madaddaaliyo. Wuxuu shakhsigu inta badan, waa qofkii awooda’e, gaar ahaan dadka ku dhaqan waddammada horumaray, iskuddayaa in uu daalka iyo shaqadii badnayd ee sannadka ka carraggeddisto, ka fasax-qaato oo ka dhoofo ama ka socdaalo halkii uu markaa degganaa oo ka shaqeeynayay. Waxay dadku qaar ka helaan in ay tagaan meel xeeb, cadceed iyo cimilo kulul leh. Kuwana waxay jecelyihiin kob jaanta iyo jabaqu ku yaryahay, aan qaac, qiic iyo ur naftu kahato lahayn, dhul dabeeci ah oo aanu cagtu ku badnayn. Raabbi Rooraaye iyo Rati…
PRESS STATEMENT 09/2017 The Special Representative of the UN Secretary-General (SRSG) for Somalia, Michael Keating, condemned in the strongest possible terms last night’s attack on the Pizza House restaurant and Posh Hotel in Mogadishu that reportedly killed at least 19 people. Al-Shabaab has claimed responsibility for the attack, which was triggered by a suicide car bomber and targeted customers who frequent the restaurant and adjacent hotel. Five militants who seized control of the restaurant were subsequently killed by Somali security forces. “Last night’s attack was clearly aimed at civilians who were breaking the fast,” said Mr. Keating. “There can be…
Golaha Wasiirada ee Xukuumada Fadaraalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa kaasoo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Xasan Cali Kheyre, iyadoo kulankan looga hadlay qodobo ay ka mid yihiin Amniga dalka iyo weerarkii kooxaha argagixsadu ay ku qaadeen maqaayadda Pizza House oo ka mid ah goobaha ay ku caweeyaan shacabka Muqdisho. Ugu horeyn Wasiirka Amniga ayaa golaha warbixin ka siiyey khasaaraha ka dhashay weerarkii Pizza House, wuxuna tilmaamay in falkaasi ay ku dhinteen dad gaaraya 20 ruux oo kamid yihiin kooxihii weerarka geystay, isagoo tilmaamay in 7 kamid ah dadkaas ay yihiin haween ku sugnaa halkaas waqtigii…
Dambi baaraha gaarka ah ee baaraya saameyntii Ruushka ku lahaayeen doorashadii madaxweyne ee sanadkii tagay ka dhacday dalka Mareykanka, ayaa baaritaanka ballaariyey kuna daray inuu eego haddii madaxweynaha uu is-hortaag ku sameeyey caddaaladda. Warkan ayaa waxaa shaaca ka qaaday wargeysyada Washington Post, New York Times iyo Wall Street Journal, oo la hadlay dad aad ula socda baaritaanka. Wargeysyadan ayaa sheegay in Robert Mueller uu qorsheynayo inuu wareysto agaasimada Sirdoonka Qaranka Dan Coats, agaasimaha hay’adda amniga qaranka ee NSA Michael Rogers iyo agaasime ku xigeenkii hore Richard Ledgett. Sida ay sheegeen Washington Post iyo Wall Street Journal, Ledgett…
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 15 June 2017 si rasmi ah u furay kal-fadhiga 39aad ee Baarlamaanka Dawladda Puntland. Furitaanka Kalfadhigani ayaa waxaa goob joog ka ahaa Gudoomiyaha Baarlaanka Puntland Mudane. Axmed Cali Xaashi iyo kuxigeenkiisa koowaad, Masuuliyiin ka tirsan goloyaasha dawladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland, guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Puntland, Wasiirka Dastuurka DFS, hay’addaha ka hawlgala Puntland, xildhibaano ka tirsan Barlamaanka DFS, Masuuliyiin ka socdey beesha caalamka, hay’addaha ka hawlgala Puntland, gudoomiyaha daladda PUNSA, ururka saxafiyiinta Puntland ee MAP, Isimo, cuqaal, waxgarad, Aqoon yahano iyo marti sharaf kale. Madaxweynaha Dawlaada Puntland…
Makhaayada Pizza House ayaa kamid ah goobaha sida weyn loogu caweeyo magaalada Muqdisho, kana mid ah makhayaadaha ugu bilicda wanaagsanaa oo ay inta badan booqdaan shacabka. Kooxaha argagixisada ah ayaa inta badan beegsada goobaha muhiimka ah ee ay bulshadu iskugu timaado,si ay u niyad jabiyaan umada una hor istaagaan horumarka dalka ksuoo siyaasadaya. Piza House waa mid ka mid a xarumaha lagu caweeyo ee Muqdisho,waxaa la filayaa in aan loo niyad jabin weerarada bahalnimada ah ee argagixisada dibna loo hawlgalin doono maqaaxida iyo goobta caweyska xili aan fogayn.
Waxaa hada si toos ah usocota xafladafuritaanka xarunta cusub ee baarlamaanka Puntland. Furitaanka xaruntan oo ay goobjoog ka yihiin masuuliyiin fara badan oo uu ugu horeeyo madaxweyne Gaas ayaa waxaa kaloo ka qaybgalay marti sharaf kala duwan. Xaruntan cusub ee maanta xariga laga jaray ayaa ah xarun uu yeelanayo baarlamanaka Puntalnd,taasoo ah mid si casriya loo dhisay loona qalabeeyay. Goor dhaw naga filo sawirada iyo muuqaalka furitaanka xarunta cusub ee baarlamaanka Puntland.
Ugu yaraan 18 ruux ayaa ku dhimatay qarax baabuur loo adeegsaday iyo weerar dabo socday oo ka dhacay magaalada Muqdisho. Booliska ayaa sheegay in baabuur lagu soo raray walxaha qaraxa uu duqeeyey albaabka laga galo hudheelka Posh Treats oo ku yaalla badhtamaha caasimadda. Ilaalada hudheelka ayaa iyaguna rasaas furay qaraxa ka dib, qof goob jooga ayaa isna sheegay inuu arkay dhawr mayd oo goobta yaalla. Al-Shabaab ayaa sheegtay in dagaalyahannadeedu weerarkaa qaadeen, ayna sidoo kale galeen makhaayada Pizza House. Waa weerarkii ugu waynaa ee ay kooxda Al Shabaab qaaddo bishan barakaysan ee Ramadaan. Laamaha ammaanka hadda sheegay in ay soo…
Ku dhawaad 200 oo xildhibaan oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga ah ee dalka Maraykanka ayaa maxkamad geeyay dacwad ka dhan ah madaxweyne Donald Trump, iyaga oo ku eedeeyay in uu lacago ka helay dowlado shisheeye iyaga oo u sii marinaya ganacsigiisa. Waxay ku eedeeyeen madaxwayne Trump in uu ku tuntay dastuurka gaar ahaan qodobka ka mamnuucaya in uu helo hadiyad iyada oo aysan ogolaanin Aqalka Congresku. Waxaa sheegeen in xildhibaannadii ugu badnaa ee abid dacwad ku soo ooga madaxweyne Maraykan ah. Saraakiil ka tirsan dowlada iyo ganacsato ayaa dhankoodana ka wada kiis kan la mid…
Stephen Scalise oo ka tirsan aqalka wakiilada Mareykanka ayaa goordhow lagu toogtay magaalada Alexandria ee gobolka Virginia, oo dhinaca koonfureed waxyar ka xigta magaalada Washington DC, sida ay sheegeen saraakiisha gurmadka deg degga ah. Scalise ayaa waxaa laga toogtay sinta, xilli isaga iyo xubno kale oo ka tirsan sharci dejinta Mareykanka ay isku diyaarinayeen cayaar baseball oo sanadle ah oo la qorsheeyey inay khamiista dhacdo. Waxaa la sheegay in xaaladdiisu tahay mid degan. Wararka ayaa sheegaya in ugu yaraan shan qof oo kale la dhaawacay. Dadka dhaawaca ah ayaa waxaa ka mid ah kaaliyaha Scalise iyo xubno ka…
Booliska ayaa sheegay in laba iyo toban qof ay ku dhinteen dhisme dheer oo dab qabsaday oo ku yaal galbeedka magaalada London. Waxaana la filayaa in ay tirada dhimashadu korodho. Shaqaalaha dab demiska oo lagu wargeliyey masiibadan abaaro 12:54 habeenimo saacadda London, ayaa ka badbaadiyey 65 qof dhismaha dheer ee Grenfell Tower oo ku yaal woqooyiga Kensington. Dad goob joog ahaa ayaa sheegay in dadku ku go’doomeen dhismaha dheer oo ay u qayshanayeen in caruurtooda loo soo gurmado oo la badbaadiyo. Wasiirka booliska iyo dab demiska, Nick Hurd, ayaa sheegay in ay hada qorshaynayaan in ay baadhaan dhismeyaasha dhaadheer ee…
Ciidamada gaarka u tababaran ee loo yaqaano Gaashaan ayaa gudaha u galay dhismaha Maqaayadda Pizza House, iyadoo wali la maqlayo rasaas goos goos ah oo ka dhaceysa gudaha maqaayada. Howl galka oo illaa iyo hada qaatay saacado, tan iyo markii uu qaraxa dhacay caawa fiidkii ayaa la sheegayaa in ciidamada ay la dagaalamayaan dabley hubeysan oo gudaha maqaayada ku jirta. Afhayeenka Wasaaradda Amniga Axmed Carab ayaa sheegay in howl galku socdo, isla markaana ciidamada gaarka ay gudaha ku jiraan, ayna nadiifiyeen qeybo ka mid ah dhismayaasha. Waxaa uu sheegay in inta howl galka socday ay ciidamada soo…
Shacabka ku nool Jasiirada Madhawa ee Jubaland,ayaa cabasho xoog leh usoo jeediyay maamulka jubaland,cabashadaas oo ku aadan Nolosha deegaanka Madhawa oo aad u liidata. Dadka deegaanka madhawa,ayaa cabashadoodu ku salaysan tahay adeegyadii aas-aasiga ahaa oo aysan helin sida Caafimaadka,Biyo nadiif ah iyo Waxbarasho,hoos ka daawo muuqaalka oo faahfaahsan. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/jcEo2Rzs4RY
Wakiilka xoghayaha guud ee qaramada midoobey ee Somaliya Michael Keating,ayaa caawa kulan la qaatay jaaliyada somalida ee dalka Sweden. Wakiilka xoghayaha guud Michael Keating,ayaa jaaliyada uga xog waramay xaalka guud ee dalka,sidoo kale jaaliyada ayaa su’aalo ku waydiisay wakiilka. Kulanka oo hada socda ayaan idinku soo gudbin doonaa wararkayaga danbe barnaamijkoo dhamaystiran,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/AXebgE956Mo
Ardeyda soomaliyeed ee kunool dalka Pakistan gaar ahan kuwa reer Puntland,ayaa tan iyo markii isbadalku ku dhacay madaxda safaarada soomaliyeed ee dalka Pakistan sanadkii 2016 bilowgiisii,ayaa caadaadis dheeraad ah iyo dhaqaalo abuuris lacageed dusha laga saarey. Safaarada Somalida ee Pakistan oo doorkeeda laga rabay in uu ahaado garabgalka ardayda iyo ufududaynta adeega ay ubaahan yihiin,ayaa waxay isku badashay xarun dhaqaale laga sameeyo adeega ardayda. Halkaan waxaan idiinku soo gudbinaynaa qaybo kamid ah dhibaatooyinka safaardu ku hayso ardeyda : 1. Visa-yaasha oo halkii markii hore lagu xareyn jirey wasaarada arimaha gudaha ee Pakistan loo soo wareejiyay safaarada…
Waa afartii aroornimo, Saacadda Kulaylaha Biritaaniya [British Summer Time], waaberi Jimceed, taariikhduna ahayd Luulyo 20dii 2007dii. Circaddaa weeye, roob lixaad leh oo mahiigaan ah ayaa billowday. Agagaarkii oo dhan baa shanqadhmay oo isla diryaamay, isagoo waliba watay dhibicyo waaweyn, waqalloo daruuro ah, onkod iyo hillaac. Dabaysha la socotay ma ahayn mid xooggan. Hase ahaatee, hanqarkiisa iyo guguciisaba kala go’ ma lahayn. Cir muddo gaaxsanaa ayaad mooddaa in uu daruuraha soo jabsaday. Doc allaale iyo dhankii la dhugtaba, dhinaca kale waa ka darroor badnaa. Afarta jiho – bari, galbeed, koonfur iyo waqooyi – intay ishu gaadho, buu roobku is-qabsaday. Dhowrkii cisho…
Gudi iskugu jira wasiiro iyo saraakiil ciidan oo madaxweyne Gaas u xilsaaray soo qiimaynta dhibaatadii ku dhacday shacabka ee Deegaanka Af-urur ,ayaa halkaas gaaray waxayna kulamo la qaateen bulshada ku dhaqan deegaankaas. Hadaba kulankaas iyo xaalada guud ee deegaanka Af-urur waxaad uga bogan kartaan muuqaalka hoose. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/ALCyDuvsadM
Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Fadaraalka Somaliya,ayaa kulan wadatashi oo ka dhacay Xarunta Cilmibaarista ee Nabadda iyo Horumarinta Puntland u qabatay qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ee deegaanada Puntland. Kulanka ayaa waxaa ka soo qaybgalay bulshada qaybaheeda kala duwan iyo masuuliyiin katirsan dawlad Puntland oo ay kamid ahaayeen Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee Puntland iyo Gudoomiye Ku-Xigeenka Baarlamaanka Puntland. Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil wasiirka wasaaradadastuurka fadaraalka oo kulanka khudbad ka jeediyay,ayaa sheegay in uu aad ugu farxasanyahay kulanka maanta. “Aad ayaan ugu farxsanahay aniga iyo waftiga ila socday wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee dawladda Federaalka in aan maanta kulamadii…
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamuud Guuleed ( Khader) oo maanta xafiiskiisa kula kulmey Wasiir ku xigeenka Wasaarada Cadaalada Soomaaliya Ciise Weheliye Macalin ayuu kala wareegey Hindise Sharciyeedka la dagaalanka Musuq-maasuqa kasoo la qorsheynayo in la horgeeyo maalinta beri ah Golaha Wasiirada Somaliya si ay uga doodaan Sharcigan cusub ka dibna ay u ansixiyaan. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Somaliya Mahdi Maxamuud Guuleed ayaa u mahad celiyay madaxda iyo shaqaalaha Wasaarada Cadaalada, maadaama ay wakhti badan galiyeen sidii loo dhameys tiri lahaa sharciga la dagaalanka Musuq maausaqa oo baahi badan loo qabo inuu shaqeeyo,sidoo kalena waxuu tilmaamey iney turjumeen sharcigii…
Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa magaalada Addis Ababa kula kulmay dhigiisa Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Dessalegn. Labada Ra’iisul Wasaare,ayaa ka wada hadlay iskaashiga labada dal ee dhinacyada Amniga,Dhaqaalaha iyo Horumarka. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa dhiggiisa Rw Itoobiya ka codsaday in dalkiisu kordhiyo taageerida la dagaalanka argagixisada ee ay dawlada somaliya sida adag ugu jirto. “Waxaan leenahay dalka Itoobiya iskaashi iyo xiriir qoto dheer. Waxaan uga mahad celinaynaa dalka Itoobiya sida wanaagsan oo uu mar walba noogu garab taagan yahay dadaalka aan ugu jirno xasilinta iyo nabadeeynta Soomaliya. Ayuu yiri R.W Kheyre. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda F. Soomaaliya Xasan Cali Kheyre,ayaa magaalada Addis-Ababa kula kulmay Madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan Albashiir. Labada hogaamiye ayaa kawada hadlay xiriirka soo jireenka ah ee labada dal Ra’iisul Wasaare Khayre, ayaa sheegay in Soomaaliya muddo dheer oo ay colaad ku jirtay kadib, ay haatan hayso dhabbada dib-u.soo kabashada iyo wax wada qeybsiga dalalka gobolka iyo caalamka intiisa kale. Waxaana uu intaasi sii raaciyey in Sudan ay kamid ahayd dalalkii garab taagnaa mudadaa dheer dalkeena isla markaana ay Soomaaliya diyaar u tahay in iskaashiga labada dal ay xoojinayaan. “Soomaaliya iyo Suudaan waa laba dal oo walaalo…