Author: Jibril Qoobey

Degaanka beenyaale ee u dhaw degmada maxaas ee gobolka hiiraan.ayaa waxaa ka dhacay dagaal sababay geerida 10 qof iyo dhaawac ka badan. Dagaalkan ayaa u dhaxeeya labo beelood oo daaqsin wadaag ah kana kala soo jeeda degmooyin ka maxaas iyo guriceel. Dhaawacyada dagaalka ayaa lakala geeyay magaalooyinka maxaas  iyo guriceel. Ilaa iyo hada majirto wax waan waan ah oo laga dhex sameeyay labada dhinac

Read More

Waxaa goor dhawayd kusooo dilaaday magaalada Gaalkacyo shirkii u dhaxeeyay Puntland iyo maamulka aan sharciyada buuxin ee Cadaado.   Shirkan oo looga xaajoonayay nabada Mudug ayaa waxaa kasoo baxay qodobo muhiim ah.   Qodobada soo baxay ee sida buuxda layskugu raacay ayaa waxaa laga xusi karaa:-     1.Nabad ku wada noolaansho 2. Nabad wadaag 3. Nabad diidka oo lala wada diriro       Hoos ka daawo muuqaalka shirka oo faahfaahsan. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/mq3OVDoykeY

Read More

Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland, ayaa maanta soo saarey war-saxaafadeed la xariira shir 11 bishan ka dhacay xarunta PDRC oo looga hadlayay hirgalinta nidaamka Dimuqraadiyadda Puntland.   TPEC, ayaa soo saartay 6 qodob oo ay ku jirto in la yareeyay khidmadii laga qaadi lahaa ururrada iyo Axsaabta la diiwaangalinayo, inkastoo aan war-saxaafadeedkaas lagu cayimin.     Hoos ka akhriso warmurtiyeedka:-     1.In la yareeyo khidmadaha diiwaan gelinta ururada iyo Axsaabta siyaasiga ah.   2.In la yareeyo tirada taageerayaasha ururada ku yeelanaayaan goboladda Puntland ( Tiradii hore 300 qof gobol kasta).   3.In la sameeyo Maxkamadii dastuuriga ahayd sida…

Read More

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda fadaraalka Soomaaliya Cabdiraxman Ducaale Bayle ayaa maanta soo xiray shir looga arinsanayey sidii loo midayn lahaa canshuuraha furdooyinka ee dalka,   Shirka ayaa waxaa ka soo qayb galay Wasiirada Maaliyada ee dawladaha xubnaha ka ah dawlada fadaraalka, Gudiga Baarlamaanka u qaabilsan arrimaha Maaliyadda, Gudiga dib u habaynta Maaliyadda, Bangiga Dhexe iyo khubaro ka socotay Wasaaradda Maaliyadda.   Shirka ayaa daba socday kulamo dhowr ah oo ka kala dhacay Muqdisho iyo Nairobi, ayaa diirada lagu saaray sidii wadanku u lahaan lahaa canshuur midaysan.   Wasiirka Maaliyadda fadaraalka Bayle oo gabagabadii shirka la hadlay saxaafada ayaa sheegay in qodobo…

Read More

Waxaa maanta si rasmiya ah uga furmay Gaalkacyo wadaxaajoodkii Puntland iyo maamulka aan sharciyada buuxin ee Cadaado.   Wada xaajoodkan oo si hordhac ah shalay ufurmay,ayaa maanta ku bilawday jawi degan oo ay ka muuqato isfahan.   Mid ka mid ah saraakiisha Puntland shirka umatalaysa oo ka gaabsaday in magaciisa lasoo xigto,ayaa warbaahinta idilnews u sheegay in shirku furmay,isla markaana si fiican ku socdo rajada ah in ay wax la taaban karo oo colaada Gaalkacyo ee soo noqnoqatay xal unoqda ay kasoo baxaan.   Ajandayaasha shirka horyaala ee labada dhinac ay shalay isla qaateen in ay kawada xaajoodaan ayaa kala…

Read More

Ra’iisul Wasaare ku -xigeenka XFS ahna ku simaha Ra’iisul Wasaaraha Mahdi Maxamuud Guuleed ayaa si rasmi ah maanta u daah furey shir ay dawlada fadaraalku ugu yeertay shirka wadatashiga Dib-u-heshiisinta Qaran,   Waxaa ka soo qayb galey Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha,Federaalka iyo dib u hushiisiinta Soomaaliya,Qaar kamid ah madaxda dalka,Xubno ka socday dawladaha xubnaha ka ah dawlada fadaraalka,Odayaasha dhaqanka,Abwaano.   Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha,Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya Cabdi Faarax Siciid (Juxa) ayaa sheegey in shirkan uu horudhac u yahey dib-u-heshiisiin dhab ah oo la qorshaynayo in la gaarsiiyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed meel kasto oo uu joogo.   Juxaa ayaa…

Read More

Waxaa la bilaabay sixida imtixaanka 4 bishii jun waxaana ka qayb galay 125 Macalin oo isku jiray Saxaayaal, Hubiyaal, kalkaaliyaal iyo Masuuliyiinta Xafiiska imtixaanka.   Agaasimaha Imtixaanka Puntland Axmed Maxamud Warsame (Axmed Saahid) ayaa ka warmay Maraxaladaha uu maro sixitaanka imtixaanka.   Waxaa uu yiri Agaasimaha “ Imtixaanka puntland waxa uu maraa heerar xasaasi ah oo dabayaal laga soo bilaabo aruurinta xogta ardayda, dajinta imtixaanka dib u habynta, Dabacaada, qaadista, coddingka, Saxida, standardizationka, iyo Marka ugu danabysa oo siidaynta Natiijda imtixaaka.   Waxaa wali socda sida loo hubiyo loona xaqiijiyo sugnaanta iyo diqada dhibcaha ardayda, ayaa waxaa xafiisku ka howlgalayey…

Read More

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 13 June 2017 qasriga madaxtooyada Garoowe kusoo dhoweeyey wefti uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Soomaaliya Cabdi Xoosh Jibriil, waxaana ay isugu jireen wedtigani masuuliyiin ka tirsan goloyaasha Dawladda Fadaraalka Soomaaliya. kadib kulan gaara oo ay wadda qateen madaxweynaha iyo waftigaasi ayaa waxay ay Wasiirka Wasaarada Dastuurka Soomaaliya Cabdi Xoosh JIbriil iyo Wasiirka Wasaarada Dastuurka Dawladda Puntland Cali Ciise Oogle ka hadleen muhiimada uu daraanaa socdaalka ay weftigani kusoo gadheen Puntland gaar ahaan caasimada Garoowe, Wasiirka Wasaaradda Dasruurka Puntland Cali Ciise Oogle aayaa ugu horayn ka warbixiyey muhimada ay u yimadeen…

Read More

Wasaaradda deegaanka, daaqa iyo duur joogta dowladda Puntland ayaa maanta magaalada Garoowe ka furtay shir lagu ansixinayo siyaasadda dhulka miyiga ah ee Puntland. Agaasimaha waaxda isbedelka Cimilada wasaaradda deegaanka dowladda Puntland Maxamed Ciise Maxamed oo ugu horayn ka hadlay siyaasaddaani ayaa sheegay inay soo martay heerar kala duwan haddii ay meel martana ay waxbadan ka qaban doonto dhibaatooyinka haysta deegaanka ee Puntland. Muno Daahir Dalmar, agaasimaha guud ee wasaaradda deegaanka Puntland oo si rasmi ah u daahfurtay shirka ayaa ku boorisey ka qaybgalayaasha inay si rasmi ah u falanqeeyaan siyaasaddaani si ay u noqoto mid miro dhal ah.

Read More

Urur goboleedka IGAD ayaa maanta ergay cusub u magacaabay arrimaha dalka Soomaaliya. Ergayga cusub ee IGAD u qaabilsan Soomaaliya ayaa lagu magacaabaa Maxamed Cali Guyo. Ergaygaasi ayaa la sheegay inuu xilligan hayo xilka ah madaxa xafiiska Geeska Afrika ee wasaaradda arirmaha dibeddda dalka Kenya. Maxamed Cali Guyo ayaa la sheegay inuu khibrad u leeyahay arrimaha Geeska Afrika isla markaana uu horey dawladdiisa ugu soo matalayey shirar kala duwan oo ku saabsan waddamada Bariga Afrika. Maxamed Cali Guyo waxa uu beddeli doonaa Ambassador Maxamed Cabdi Afey oo horey xilkaasi u hayey balse sanandkii hore loo magacaabay ergayga UNHCR u qaabilsan arrimaha…

Read More

Xukuumadda madaxweyne Trump ayaa markale ku guul dareysatay dadaalo ay ku dooneysay xayiraad ay kusoo rogto muwaadiniinta lix dal oo Muslimiin ah inay soo galaan wadanka Mareykanka muddo sagaashan cisho ah.   Maxkamad racfaan oo ku taala gobolka San Francisco ee dalka Mareykanka ayaa ayidday go’aan ay maxkamad horay u gaartay oo ahaa inaan wax xayiraad ah aan la saarin muwaadiniinta lix dal oo Muslimiin ah, balse maxkamadu waxaa kale oo ay sheegtay in dowlada Mareykanka loo ogolaaday inay dib u eegis ku sameyso hanaanka turxaan bixinta ee dadka soo galaya Mareykanka.   Waxaa lagu wadaa in kiiskani uu ku…

Read More

Mid kamid ah Imaamyada masaajidyada Hargaysa oo lagu magacaabo Ismaaciil ayaa ka qaybgalay tartanka quraanka Kariimka ah ee DIHQA kana socda dalka Imaaraadka carabta ,kaasoo sanad walba la qabto bisha Soon.   Ismaaciil oo ku matalayay soamliya tartankaas aya aka haray kadib markii xirfadiisa aqooneed oo aad uliidatay daradeed.   Ismaaciil oo ku matalaya tartanka quraanka kariimka ah ee DIHQA dalka Somaliya,ayaa waxaa tartanka kala haray oo iyagana lagu eedeeyay xirfad aqooneed liidasho 10 wadan oo kale kuwaasoo kala ah:-   1.China, 2.Ireland, 3. Georgia, 4.Serbia, 5.Macedonia, 6.Sweden, 7.Norway, 8.Mauritius, 9.Barbados, 10.New Zealand 11.Singapore,     Hadaba Ismaaciil markuu dib…

Read More

June 12, 2017 (ADDIS ABABA) – The leaders of the East African regional block – the Inter-Governmental Authority on Development (IGAD) Monday have decided to convene a meeting of the signatories of 2015 peace agreement to discuss ways to revitalise its implementation.     The IGAD leaders held an extraordinary summit on South Sudan in Addis Ababa with the participation of Sudanese and Ugandan presidents, South Sudan first vice president, Ethiopian and Somali prime ministers, Djiboutian and Kenyan foreign ministers.   The meeting which was attended by regional and international facilitators underscored that the Agreement on the Resolution of the…

Read More

Prof. Cabdirasaaq Cismaan Xasan (Juriile), oo ah Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibadda, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee golaha Aqalka Sare ee Barlamanka Federaalka Somalia, ayaa si faah faahsan uga hadlay muranka ka taagan waddamada Khaalijka.   “Waxaan qabaa mowqifka dowladdu qaadatay in dib u eegis lagu sameeyo, waana sheegayaa sababta; Aniga Somalia ahaan khasaaro ayaa iigu jirta dhex-dhexaadnimo marka aan eegin tooda ee aan fiirsho danteena, Aniga Imaraadku Jaal ayuu nagula yahay la dagaallanka Argagixisada, waana ogtihiin Ciidan Kun iyo Dhowr-ka Boqol ah oo ay tababareen gacantana ku hayaan ee Bosaso jooga, maalin kasta kuwo ayaa Muqdishu tababar loogu soo…

Read More

Muuqalkii ugu horeeyay ee laga soo duubay Saldhiga ciidamada difaaca Puntland ee Af-urur oo ay dhawaan kooxaha argagixisadu kusoo qaadeen weerar gaadmo ah,ayaa caawa hawada soo galay.   Muuqaalkan waxaa soo duubay wariyayaashii maanta sii raacay waftigii xaqiiqa raadinta ahaa ee wasiirada iyo saraakiisha ciidamada iskugu jiray ee u anba baxay Af-urur,hoos ka daawo muuqaalka oo faahfaahsan. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/6U4X_SvPvJQ

Read More

Waxaa maanta magaalada Gaalkacyo ka dhacay wadaxaajood dhexmaray maamulka Cadaado iyo wasiiro Puntland ka tirsan oo uu hogaaminayo wasiirka deegaanka Cali Cabdulaahi Warsame.   Kulanka oo ahaa gogol xaar loo gogol xaarayo wada xaajood u bilaabanaya labada dhinac maalinka berito ah,ayaa ka dhacay xaafada Baraxley.iyadoo looga xaajooday sidii loo adkayn lahaa amniga Gobolka Mudug gaar ahaan magalaada Gaalkacyo.   Maalinka beri foog ah ayaa waxaa furmi doona wada xaajood rasmiya oo labada dhinac dhexmari doona sida uu saxaafada u xaqiijiyay wasiir Cali Cabdulaahi Warsame,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/BVfKu-xXlMY

Read More

Waxaa maanta magaalada Gaalkacyo ka dhacay wadaxaajood dhexmaray maamulka Cadaado iyo wasiiro Puntland ka tirsan oo uu hogaaminayo wasiirka deegaanka Cali Cabdulaahi Warsame.   Kulanka oo ahaa gogol xaar loo gogol xaarayo wada xaajood u bilaabanaya labada dhinac maalinka berito ah,ayaa ka dhacay xaafada Baraxley.iyadoo looga xaajooday sidii loo adkayn lahaa amniga Gobolka Mudug gaar ahaan magalaada Gaalkacyo.   Maalinka beri foog ah ayaa waxaa furmi doona wada xaajood rasmiya oo labada dhinac dhexmari doona sida uu saxaafada u xaqiijiyay wasiir Cali Cabdulaahi Warsame,hoos ka dhagayso codka wasiirka. Halkan ka dhagayso codka wasiirka Deegaanka

Read More

Ra’isalwasaaraha Somaliya Xasan Cali khayre iyo wafti uu hogaaminayo ,ayaa goor dhawayd gaarya Adis-ababa.   Ra’isalwasaaraha waxaa garoonak diyaaradaha ee Bole kusoo dhaweeyay xubno ka tirsan xukuumada itoobiya.   Soo dhaweyn kadib Rw Khayre waxuu kulan la qaatay dhigiisa Ra’isalwasaaraha itoobiya Hyalu Maryum Disale.   Beri waxaa adis ka furmi doona shir madaxeed ay yeelan doonaan wadamada ku bahaoobay urur Goboleedka IGAD,kaasoo looga arinsanyo xaalada Suudaanta Koonfureed ee cakiran.   Madaxweyne Farmaajo oo ay ahayd in uu ka qaybgalo shirkan ayaa ka baaqday soona wakiishay Rw Khayre,kadib hawlo fara badan oo gudaha dalka u yaal sida uu sheegay madaxweynuhu.  …

Read More

Waxaa maanta oo taariikhdu tahay 12 June 2017 loo dhaariyey xilalka wasiirrnimo, Wasiirka Dib u Dhiska iyo Horumarinta Puntland Cabdikhadar Faarax Shaaciye iyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland Yaasiin Cabdi Seed, kadib markii madaxweynaha Dawladda Puntland uu kusoo daray Golaha Wasiirada Dawladda Puntland todobaadkii lasoo dhaafay .   Munaasibada dhaarinta oo ka dhacday qasriga Madaxtooyada Garoowe ayaa waxaa goob joog ka ahaa Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland.   Madaxweynaha Dawladda Puntland oo munaasibada dhaarinta ka dib la dardaarmay Wasiirdaaasi ayaa ku booriyey in maasuuliyadan ay qaadeen…

Read More

Maanta waxaa Magaalada Addis-ababa ee Caasimadda Itoobiya ka Furmi doona Shirka Urur Goboleedka IGAD oo ah Shir Deg Deg ah oo looga arinsan doono Xaaladda Suudaanta Koofureed iyo Wadamo kale oo dhowr ah.   Shirka IGAD ayaa ah Shir Deg Deg ah oo uu Iclaamiyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn waxaana looga hadlayaa intiisa badan Xaaladda Cakiran Ee ka jirta Suudaanta Koofureed.   Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre ayaa Soomaaliya uga qeyb geli doona,waxaana Maanta uu ka Duulay garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho ee Aadan cadde.   Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka mid ahaa Madaxdii Shirkaan Deg…

Read More

Wasiirka arrimaha dibedda Kuwait, Sheikh Sabah al-Khalid al-Sabah ayaa sheegay in dalka Qatar uu diyaar u yahay inuu dhageysto walaacyada ay qabaan afar dal oo kale oo carbeed ee dhaliyey in dalkaas xiriirka loo jaro. Xukuumadda Doha ayaa lagu eedeeyey inay taageerto kooxaha argagixisada. Qatar waa ay beenisay eedeymaha loo jeediyey. Amiirka dalka Kuwait Sheikh Sabah al-Ahmad al-Jaber al-Sabah ayaa illaa iyo hadda ku guul darreystay inuu xal u helo muranka dalka Qatar kala dhaxeeya dalalka Sacuudiga, Masar, Imaaraadka iyo Bahrain. La-taliyaha gaarka ah ee wasaaradda arrimaha dibedda Qatar Mutlaq al-Qahtani ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in xasaradahan…

Read More

Dacwad ooge sare oo isaga oo heer faderaal ka soo shaqeeyay magaalada Ney York ayaa shaaciyay in Trump uu shaqada ka tiray ka dib markii uu uu madaxweynuhu wakhtiyo kala duwan taleefoon aan caadi ahayn kula soo xiriiray isaga.   Preet Bharara ayaa warbaahinta ABC News u sheegay todobaadkan in uu dareemay in talefannadii Trump ay ka soo tallaabeen xayndaabkii caadiga ahaa ee u dhaxeeyay masuuliyiinta sare iyo dambibaareyaasha madaxa bannaan.   Bharara ayaa sheegay in shaqada laga eryay ka dib markii uu diiday in uu markii saddexaad taleefan ka qabto madaxweynaha.   Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Maraykanku…

Read More

Waxaa saakay ka anba baxay Bosaso gudigii heerka wasiir ahaa ee madaxweyne Gaas u magacaabay qiimaynta dhibaatadii ka dhacday Saldhiga Af-urur ee ay argagixisadu kusoo qaaday weerarka gaadmada ah.   Gudigan oo uu hogaaminayo wasiirka amniga Cabdi Xirsi Qarjab ,ayaa waxaa kaloo qayb ka ah wasiirka caafimaadka Cabdinaasir Cuuke,wasiirka dekadaha Siciid Maxamed Raage ,Wasiirka waraabka Cabdulaahi Tima Cade iyo Wasiiru Dawlaha maaliyada Maxamuud Beeldaaje.   Gudigan ayaa qiimayn kusoo samayn doona dhawr arimood oo kal ah:-   A.Xaalada deegaanka   B.Xaalada dhaawacyada   C.Sababta ufududaysay argagixisada weerarkaas gaadmada ah.   Dhawaan ayaa madaxweyne Gaas ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah…

Read More

Jaaliyada Puntland ee minisota ayaa iskugu timid kulan balaaran oo ay ku muujinayaan kalsoonida ,garab istaaga iyo bogaadinta ay u hayaan ciidamada difaaca Puntland.   Kulankan oo ay soo qabanqaabiyeen dhalinyarada jaaliyada oo ay hormuud u ahaayeen Cabdiweli Axmed Warsame iyo Cawil Nuur Shire, ayay jaaliyadu ku muujisay sida ay uga xun yihiin khasaarihii ka dhashay weerarkii gaadmada ahaa ee Af-urur,sidoo kale jaaliyadu waxay tacsi ka dirtay ciidamadii ku shahiiday weerarkaas.   Jaaliyada Puntland ee minisota waxay kaloo ku bogaadisay ciidamada guulihii isdaba jooga ahaa ee ay ka gaareen fashilinta qaraxyadii dhawrka ahaa ee argagixisadu la damacsanayd in ay ku…

Read More

Wararka ka imanaya magaalada Muqidishu ayaa sheegaya in qarax uu ka dhacay inta u dhaxaysa cisbitaalada Banaadir iyo Digfeer ee degmada Hodan.   Qaraxan ayaa la sheegay inuu ka dhashay walxaha qarxa oo lagu xiray baabuur uu watay sarkaal ka tirsan ciidamada xoogga dalka oo lagu magacaabo Jeneraal Cumar Jaamac.   Sarkaalka ayaa la sheegay inuu dhaawac fudud kasoo gaadhay qaraxaasi, mana jirto cid kale oo wax ku noqotay.   Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay toddobaadkan inay amniga magaalada ku wareejisay ciidan khaas ah oo lagu magacaabo “Ciidanka Xasilinta Amniga Caasimadda”.   Mas’uuliyiinta dawladda ayaa sheegay in ciidan aan ahayn kuwa…

Read More

Magaalada Muqdishu maanta waxaa tagay wafdi sare oo ka socda dawladda Qadar kaasi oo madaxda dawladda Soomaaliya la kulmay. Warar aanu ka helnay ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in wafdiga Qadar uu hoggaaminayo Wasiiru Dawlaha Arirmaha Dibedda Suldaan Bin Sacad Al-Muraykhi waxaana la sheegayaa in Wasiirku uu la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Xasan Cali Khayre. Toddobaadkii horena waxaa Muqdishu joogay wasiir isaguna ka socda dawladda Sucuudiga. Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay meel dhexe iska taagayso khilaafka u dhexeeya labada dawladood, waxayna ku baaqday in nabadgelyo lagu dhammeeeyo khilaafaadka.

Read More

1. Waa waddanka ugu daqli badan adduunka marka la eeko shaqsi walba inta kusoo aadeysa, taas oo dhan qof walba iney kusoo aado $146 kun sanadkii. 2. Waa waddanka labaad ee ugu taajiriinta badan dunida, waxayna gaarayaan 30 kun oo milyaneero ah. 3. Waa Waddanka koowaad ee Carab ah iyo waddanka afaraad ee dunida xagga tayada waxbarashada. 4. Waa Waddanka koowaad ee Carab ah iyo waddanka lixaad ee dunida xagga tayada caafimaadka. 5. Waa Waddanka koowaad ee Carab ah iyo waddanka 20-aad ee dunida xagga la dirirka musuqa. 6. Waa waddanka labaad ee dunida ugu amni iyo nabad galiyo badan,…

Read More

Maamulka Somaliland wuxuu ku lug lahaa weerarkii 7da Jun, ay ku qaadeen deegaanka Af-urur maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab, sida uu fahansanyahay Warsidaha Faaqidaad.   Dad badan ayey la-yaab ku noqotay sida ay ugu suurtagashay inay qaadaan weerar xadigaas le’eg maleeshiyaadka ka dagaalama buuraha Galgala oo mudooyinkii dambe si weyn loo wiiqay.   Maleeshiyaadka taabacsan Al-Shabaab ee ku jira buuraha Golis waxay la daalaa dhacayeen khilaaf soo kala dhex galay oo u kala jebiyey labo kooxood oo feker ahaan kala irdhoobay.   Ma heli jirin sahay, saad iyo gurmad maadaama ay go’doomin saareen ciidanka Puntland, taas oo ku riixday inay…

Read More

Talyaha guud ee ciidamada difaaca Puntland Jeneral Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere), ayaa waraysi uu saxaafada siiyay maanta waxuu ku faahfaahiyay khasaaraha dagaalkii Af-urur. Talyaha oo hadlay markii koowaad tan iyo intii uu dhacay weerarkii alshabaab ee saldhiga Ciidamada Puntland ee Af-urur. Siciid Dheere ayaa sheegay in ciidamada Puntland ay argagixisada ka dileen 25-maleeshiyadooda ah oo ay ku jiraan saraakiishii hogaaminaysay,sidoo kale waxuu beeniyay in ay jiraan maleeshiyo afartameeyo ah oo horay uga soo goostay alshabaab oo lagu daray ciidanka Puntland iyagoon loo samayn dhaqan celin in ay qayb ka ahaayeen weerarkii Af-urur.   Talye Siciid Dheere oo hadalkiisa sii…

Read More

Gobolka Minnesota, banaanbaxyo ayaa ka dhacay banaanka hore ee xarunta maamulka gobolka ee magaalada Siant Paul.   Dadka ayaa ku qeylinayey erayo ka dhan ah Islaamka, halka kuwo kalana ay ku dhawaaqayeen erayo ay ku taageerayaan dadka Muslimka ah ee ku nool gobolkaas,   Tan iyo intii la doortay madaxweyne Trump waxaa kusii fidiya gudaha maraykanka nacaybka loo qabo dadka islaamka iyo diintoodaba.   Nacaybkaas sii badashadiisa ayaa loo aanaynayaa erayada aan ka fiirsiga lahayn islaam nacaybka xanbaarsan ee kasoo fara baxsada mar walba madaxweyne Trump,   Hoos ka dhagayso warbxinada mudaaharadayadaa iska soo horjeeda ay ak diyaarisay idaacada VOA…

Read More

Wilka ugu yar wiilasha uu dhalay hogaamiyihi hore ee dalka Liibiya Macamar Al-Qadafi ayaa la sheegay in xabsiga laga sii daayay. Koox maamusha gacan ku heynta magaalada Zintan ee galbeedka dalka Libya ayaa waxaa ay shegeen inay sii dayeen Seif Al-Islam, oo ay cafiyeen. Seif al-Islam ayaa muddo dhan 6 sanno ku jiray xabsiga ku yaala dalka Liibiya kaddib markii xilka laga tuuray aabihii sannadkii 2011-ka. Waxaana jiray warar hore oo sheegayay in la sii daayay Seif al-Islam balse markii dambe been noqday. Siideynta Saif al Islam Qadaafi ayaa waxaa ay dalka Liibiya kusoo kordhin karta xaalad kale oo kala…

Read More

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Maanta Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga  kula kulmay Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya. Madaxweynaha iyo Saraakiisha Amniga ayaa ka wada hadlayo Arrimo dhowr ah oo uu ka mid yahay Xoojinta Dagaalka lagula jiro Xarakada Al-shabaab iyo ka shaqeynta ammaanka Dalka. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in Ciidamada Xoogga dalka looga baahan yahay in ay Shabaab ka saaraan Guud ahaan dalka oo dhan,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/uDcjPlPjDbo

Read More

Kooxda loo yaqaan Mopile-ka ama kooxda wareegta ee wasaarada caafimaadka Puntland,ayaa ah koox u taagan har iyo habeen ka gurmashada xaaladaha caafimaad ee deg-deg ah goor walba iyo gobol walba oo Puntland ka mid ah.   Kooxdan ayaa aad loogu dirsaday waxayna ka gurmadeen oo door lixaad leh ka qaateen xaalado caafimaad oo deg-deg ah oo soo wajahay dalka.   Waxay ka qaybqaateen oo door muuqad ku lahaayeen ugurmashadii dadki abaaruha iyo caafimaad daridu saameysay,   Waxay ka gurmadeen oo garab taagnaayeen ciidamada difaaca Puntland xiligii ay dagaalada adag la galayeen kooxaha alshabaab iyo Daacis ee argagixisada ah.   Waxay…

Read More

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta magaalada Garoowe gaar ahaan xarunta PDRC kaga qayb galay shir wadda-tashi ah oo ku saabsan nidaamka xisbiyada badan ee Puntland.   Madaxweynaha ayaa waxaa shirkaasi ku wehelinayey guddomiyaha Baarlamaanka Puntland Mudane. Axmed Cali Xaashi, guddiga ku meel-gaadhka ah ee doorashooyinka Puntland, masuuliyiin ka tirsan goloyaasha dawladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, gudoomiyaha Maxkamada Sare, Madaxa xafiiska xaquuqul isnaanka Puntland, hay’adda daneeyayaasha aan dawlaga ahayn ee PUNSA iyo qaar kamid bulshada rayidka ah.   Madaxweynaha dawladda Puntland oo hadal ka jeediyey shirkaasi ayaa sheegay muhiimada shirkani loo qabtay ay tahay…

Read More

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Prof: Abshir Yuusuf Aw ciise iyo iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarshada iyo Tacliinta sare Dr Maxamed Cali Faarax iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarshada iyo Tacliinta sare Maxamed C/qaadir Cismaan ayaa shir jaar’id  kuwada Qabtay hoolka Wasaaraddda Waxbarshada ee Dowlada Puntland. Waxaan maanta Shir-saxaafadeedkaan u qabanay inaan caddayno in Manhajka waxbarasho ee Wasaaradda Waxbarashada ee Dawladda Federaalka ahi ay horgaysay Golaha Xukuumadda Dawladda Federaalka ah uu yahay mid gaar ku ah Gobollada Koofureed iyo Muqdisho, Puntland na uusan khusayn, waxaan arrintaan ku sababaynaa sida soo socota,hoos ka daawo muuqaalka. …

Read More

11/jun/ 2017-  Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Prof: Abshir Yuusuf Aw ciise iyo iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarshada iyo Tacliinta sare Dr Maxamed Cali Faarax iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarshada iyo Tacliinta sare Maxamed C/qaadir Cismaan ayaa shir jaar’id  kuwada Qabtay hoolka Wasaaraddda Waxbarshada ee Dowlada Puntland. Waxaan maanta Shir-saxaafadeedkaan u qabanay inaan caddayno in Manhajka waxbarasho ee Wasaaradda Waxbarashada ee Dawladda Federaalka ahi ay horgaysay Golaha Xukuumadda Dawladda Federaalka ah uu yahay mid gaar ku ah Gobollada Koofureed iyo Muqdisho, Puntland na uusan khusayn, waxaan arrintaan ku sababaynaa sida soo socota: Puntland waxay leedahay Manhaj Waxbarasho…

Read More

Talyaha guud ee ciidamada difaaca Puntland Jeneral Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere), ayaa waraysi uu saxaafada siiyay maanta waxuu ku faahfaahiyay khasaaraha dagaalkii Af-urur.   Talyaha oo hadlay markii koowaad tan iyo intii uu dhacay weerarkii alshabaab ee saldhiga Ciidamada Puntland ee Af-urur.   Sicii dheere ayaa sheegay in ciidamada Puntland ay argagixisada ka dileen 25-maleeshiyadooda ah oo ay ku jiraan saraakiishii hogaaminaysay,sidoo kale ay sii wadaan hawlaglka sifaynta argagixisada ilaa iyo inta ay ka xaqiijinayaan amniga Puntland,hoos ka dhagayo codka Talyaha. Halkan ka dhagayso codka Siciid Dheere

Read More

Taariikhda maalintii ugu kululayd gobolka Minnesota waxay ahayd. July 29, 1917 xaraaraddu waxay gaartay 115 F oo u dhiganta 46C. Maanta Boosaaso waxay gaartay 104 F oo u dhiganta 40 C, laakiin kuwa saadaashu waxay leeyihiin Boosaaso xaraaraddu waa 104 F laakiin ( It Feels like 115 F ). Oo mararka qaarkood xaraaraddu intay tahay iyo kulaylka la dareemayaa way Kala bataan, anagu waxaan maanta dareemaynaa record kii minnesota ee ahaa 115 F, waxaan ka kulul nahay magaalada inta badan lagu asteeyo inay dunidda ugu kulushahay ee El Azizia, Libya. Oo maanta iyadu waa 95 F. Laakiin waxaan ka fiicanahay…

Read More

Waxaa markii ugu horaysay ka hadlay isla markaana taageeray ciidamada iyo shacabka Puntland xubno ka tirsan baarlamaanka fadaraalka kuwooda kasoo jeeda Puntland.   Xildhibaanadan oo uu hogaaminayo Sadiiq Warfaa,ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabteen Nayrobi waxay tacsi ugu direen guud ahaan shacabka iyo dawlada Puntland,si gaar ah waxay tacsi ugu direen ehelada ciidanka iyo shacabka argagixisadu ku gaaday saldhiga Af-urur   Xildhibaanadu waxay baaq udireen dawlada fadaraalka,kaasoo ay kaga codsanayaan in Puntland lagu taageero hiil iyo hooba,si ay usii wado la dagaalanka argagixisada   Xildhibaanadan baarlamaanka fadaraalka kuwooda kasoo jeeda Puntland,ayaa noqonaya kuwii ugu horeeyay ee ka hadla dhibaatadii…

Read More

Msuuliyiinta maamulka Somaliland ee Beesha Isaaq ayaa sheegay in ay xiriirka ujareen dawlada Qadar,isla markaana khilaafka soo kala dhexgalay Qadar iyo xulufada Sacuudigu hogaaminayo ay la safan yihiin dhanka xulufada Sacuudiga. Dad badana ayaa is waydiinaya xiriir ujarida maamulka Somaliland ee Beesha Isaaq maxay u dhimi kartaa Qadar mase og tahayba Qadar in maamul beeleedka Somalialnd uu xiriirka ujaray,sidoo kale garabka xulufada sacuudiga maka warqabtaa taageerada ay sheegtay in beeshaasi ay la garab istaagtay mawqifkooda. ”Beesha Isaaq in ay xiriirka ujarto Qadar ma xuma ee iswaydiintu waxay tahay marka hore xiriir mala lahaayeen”,hoos ka daawo muuqaalka wasiirka maamulkaas u qaabilsan…

Read More

Marka danaysiga iyo diintu ay is meher xadaan, waxaa aad u gadma been fara badan oo dadka qaar aduun iyo aakhiraba seejiya, qaarna aduunkooda camira, aakhirana yeel kood Waxaa ka mid ah:- 1-muslinku waa kan muslimiinta afkiisa iyo adinkiisa ka nabad geliyay WAXAA ka haboon muslinku waa kan ilma Aadan oo dhan amaan geliya 2 – waxaa la ii soo diray gawrac WAXAA sax ah in Nabiga scw loo soo diray Naxariis 3-irsiqayga waxaa la geliyay waranka caaradiisa (boob) WAXAA sax ah irsiqayga waxaa la galiyay shaqo iyo tacab xalaal ah 4- muslin gaal looma dilo, WAXAA gar ah qofkii qof…

Read More

Maamulka Somaliland ayaa ka raadiyay aqoonsi meel uusan ka jirin,kadib markii golaha wasiirada ee maamulkaas kulan ay yeesheen ay kasoo saareen warmurtiyeed lagu taageerayo mawqifka sacuudiga kagana hor imaanayaan dawlada Qadar.   Golaha wasiirada Somaliland ayaa qoraalkooda ku xusay in hawada somaliland aysan isticmaali karin cid ay iyagu aysan u fasixin,taasoo ay ula jeedaan diyaaradaha Qadar Airways oo maalmahan isticmaalaysay hawada somaliya kadib markii xayiraad ay kusoo rogeen dalal dhawr ah oo carbeed.   Hadaba go’aanka somalland ayaa lagu tilmaami karaa mid aan macno badan iyaga usoo kordhinayn,isla markaana haba yaratee aan waxba ka tarayn aqoonsi raadiska ay u baahi…

Read More

Wasiirka cusub wasaarada dib udhiska iyo horumarinta Puntland Cabdiqaadir Faarax Shaaciye ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay caasimada Puntaldn ee garowe.   Cabdiqaadir Faarax Shaaciye wasiirka dib u dhiska iyo horumarinta Puntland oo uu dhawaan madaxweyne gaas ku magacaabay digreeto kasoo baxday xaafiiskiisa ayaa la filayaa in uu maalmaha soo socda lagu hor dhaariyo maadaxweynaha.   Wasaarada dib u dhiska iyo horumarinta Puntland,ayaa ah wasaarad cusub oo lagu siyaadiyay wasaaradihii horay ujiray ee Puntland,waxaana xusid gaar ah mudan in wasaaradan wasiirka loo magacaabay uu kasoo jeedo mid kamid ah beelaha muhiimk ah ee Puntland,taasoo ah beesha Reer Maxamuud oo…

Read More

Mid kamid ah xubnihii ugu firfircoonaa Xisbigii ama Ururkii awooda badnaa SSDF,ayaa warbixin dheer oo uu siiyay Tv-ga Puntland waxuu kaga waramay halgankii Ururkaas.   Cadirashiid Aadan seed Qoor uu waraysi la yeeshay wariye daljir ayaa ka waramay hadafyadii loo aas-aasay Ururkaas iyo guulihii uu ka gaaray hadafkisii,hoos ka daawo muuqaalka oo faahfaahsan. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/ehspUPkbZ1I

Read More

Culumada xaafada Baraxley ama Koonfurta Mudug ayaa ka dhiidhiyay oo kasoo saaray qaylo dhaan adag dhibaato xoog leh oo lagu hayo Xoolaha ku dhaqan deegaamadaas. Culumadu waxay qaylo dhaantan kasoo saareen dhaqan fool xun oo ay sameeyaan dadka Xoolaha qala oo ku iibsha kawaanka Xaafada Baraxley,kuwaasoo inta aysan Neefka qalin ka hor isagoo nool qoraxda u dhiga oo qalajiya. ”Waa dhaqan laga aragagaxo oo laga naxo oo aan meelna uga jirin diinta islaamka,dhaqanka wanaagsan iyo damiirka bini”aadanimo”hoos ka daawo muuqaalka arintaas. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/vyCCCBCmXpU

Read More

Wasiir kuxigeenka cusub ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland Abdisalam Bashiir ayaa maanta 10 June 2017 xilka la wareegay Wasiir kuxigeenkii hore Ahmed Yaasiin Saalax. Xaflad labada masuul ay xilalka kula kala wareefgayeen waxaa kasoo qeyb galay qaar ka mid ah Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Puntland,Sida Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Maxamuud Beeldaaje,Agaasimaha guud ee canshuuraha beriga Cali Jaamac Gaashaan,Xisaabiyaha guud ee Dowlada Puntland iyo Kuxigeenkiisa iyo Shaqaalaha Wasaaradda. Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane Maxamuud Beeldaaje ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay kasoo qeybgalka munaasabadaan,wuxuuna ku amaanay Axmed Yaasin shaqadii wanaagsanayd oo uu ka qabtey Wasaaradda mudadii uu xilka hayay, halka uu isna…

Read More

Dowladda Sacuudiga ay la sheegayaa inay dowladda Soomaaliya ku cadaadinayso sidiii ay xirirka ugu jari lahayd Qatar.   Warar aan ka helnay ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in dhaqaale Sacuudigu uu u balanqaaday inuu siinayo Soomaaliya uu dib u dhac ku iman karo haddii ay Somalia ay mowqifkeeda ku adkaysato oo aysan Sacuudiga taageerin.   Wasiirro ka socda dowladda Somalia ayaa ka soo noqday safar ay ku tageen Sacuudiga, waxaana la sheegay inay la kulmeen oo kaliya agaasimayaal, halkii markii hore qorshuhu ahaa inay la kulmaan wasiirada dhigooda ee Sacuudiga,hoos ka dhagayso codka. Halkan ka dhagayso codka Safiirka

Read More

Wariye Cabdisalaan Hareri ayaa waraysi xiiso leh la yeeshay  madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed islaam. Waraysigan oo dhinacyo badan taabanaya ayuu madaxweynuhu kaga hadlay ,la dagaalanka argagixisada,ka gurmashadii abaarta,dib u dhiska ciidanka qaranka somaliya,nidaamka fadaraalak ah iyo guud ahaan  xaalka dalka,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/pfAvs5OeUPQ

Read More

Wasiirka amniga iyo taliyeyaasha ciidamada oo caawa shir jaraa’id oo ay si wadajir u qabteen ayaa waxay ugu hadleen qorshaha xasilinta amniga Muqdisho iyo in caasimada lagu dhex wadan karin hub, askarigii lagu qabtana sharciga lala tiigsan doono, sidoo kale waxaa la mamnuucay in dareeska ciidamada xoogga dalka ciddii lagu arko tallaabo sharciga waasaqsan lagu qaadi doono.   Awaamiirta ay ku dhawaaqeen taliyeyaasha ciidamada wasaaradda amniga ayaa waxaa ugu mihiimsan qodobadaan:.   1. Askarigii Magaalada Muqdisho qori ku dhex wataa tallaabo Sharci ayaa laga qaadaya waana la xiraya.   2. In Talaabo Sharci ah laga qaadayo cidii lagu arki dharka…

Read More

Ra’iisul wasaaraha Britain, Theresa May, ayaa soo dhisaysa xukuumad cusub, ka dib markii ay ogolaansho ka heshay boqorada, xilli xisbigeeda uu hoos u dhac kala kulmay doorashadii guud ee shalay dhacday. Xisbigeeda muxaafidka oo aan helin aqlabiyadda uu u baahnaa si uu dowlad usoo dhiso, ayaa hadda taageero ka helay xisbiga DUP ee Northern Ireland. Theresa May ayaa rajeynaysay in doorashada xilligeeda laga soo hormariyay ay ku xoojin doonto awoodda xisbigeeda, balse taa bedelkeeda waxa uu xisbiga lumiyay qaar ka mid ah kuraastii uu ku lahaa baarlamaanka. Tafaftiraha arimaha siyaasadda ee BBC ayaa sheegaya in Theresa May ay noqon doonto…

Read More

Agaasimihii hore ee hey’adda dambi baarista Mareykanka James Comey ee shaqada laga eryay ayaa sheegay in Madaxweyne Trump uu weydiistay inuu u balan qaado inuu daacad u noqonayo , isla markaana uu ku booriyay inuu meesha ka saaro baaristii ay FBIdu ku heysay, La taliyihii Amniga Qaranka Michael Flynn, gaar ahaan xiriir uu la sameeyay Ruushka,hoos ka dhagayso codka. Halkan ka dhagayso codka garyaqaan Cabdiwaaxid

Read More

Madaxweynaha Puntland Prof Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Madaxtooyadda Puntland ee Garoowe, wuxuu iclaamiyay dagaal ka dhan ah kooxda Al-shabaab oo shalay askar iyo dad shacab ku laayay deegaanka Af-urur ee Galgala.   Madaxweynaha ayaa hanjabaad adag udiray alshabaab,balanqaadayna in ay ka sifayn doonaan argagixisada,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/Oyl_inAmkxM

Read More

Warbixinta iyo sawirada aad hoos ka arki doontaan ayaa ah ciidamada dawlada fadaraalka ee saldhiga Ruunnirgood ee Shabeelada hoose kal hore ay ku laayeen maleeshiyada alshabaab.   Mareegyada laga leeyahay koonfurta somaliya ee ay qoraan wariyayaasha u dhashay Beesha Hawiye,ayaa warkan iyo sawirada ka dhigay ciidamo Puntland leedahay oo lagu laayay dagaalkii habeen hore Af-urur.   Mareegaha ayaa soo bandhigay sawiradaan ,iyagoo leh Puntland waxaa looga xasuuqay dagaalkii Af-urur 50-askari.   Hadaba warbaahinta idilnews oo ka daba tagtay warkaas ayaa soo heshay xaqiiqda dhabta ah ee sawirada iyo warbixintaba.       Halkan ka akhriso warbixinta been abuurka ah:-  …

Read More

Ayaan darro waa marki ugu horraysey oo guul ay ku naaloodaan ay ka gaaraan dagaal dhex maray ciidamada PL iyo maleeshiyaadka al shabaab. Dagaalkoodu wuxuu ahaa mid gaadmo iyo qarax meel lagu aaso ah. Haddab maxaa sahlay in ciidanki PL ee geesinimada iyo feejignaanta lagu yaqaaney in loo gumaado sidii ciidankii AMISOM ee Ceelcade, jannaale iyo walla-weyn xeryohoodi loogu dhacay ee lagu jaray, qalabkiina laga qaatay. Ogaw iyagu waa AJINEBI oo xogta askariga somaliga ahi heli karo ma heli karaan. SABABAHA SAHLAY GUUL-DARRADA AF-URUR: 1-Ciidanka oo u badnaa maleeshiyo beeldeeyo la qarameeyey oo aan lahayn tababar ciidan oo fiican. 2-tirada…

Read More

Ciidamada kala duwan ee difaaca Puntland oo ilaa shalay si xoog leh u waday hawlgalka sifaynta argagixisada soo habawday,ayaa waxay hawgalkoodaas ku dileen in ka badan 48 maleeshiyada alshabaab ah.   Ciidanka ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay 23 ka tirsan maleeshida alshabaab halka dhaawaca alshabaab ee gacanta lagu hayo uu gaarayo 13-maleeshiyadooda ah.   Waxaa xusid mudan in 23-ka maleeshiyada alshabaab ka tirsanayd ee ciidanku gacanta ku dhigay ay 17-ka mid ah u dhasheen beesha Isaaq.   Dhanka ciidanka difaaca puntland,ayaa waxaa hawlgaladaas ilaa shalay kaga geeriyooday 1-askari halka dhaawacuna yahay 3-kale.   Hawlgalkan ayaa ka dambeeyay weerarkii alshabaab…

Read More