Author: Jibril Qoobey

ستثنت وزارة البيئة والمياه والزراعة البنك الإسلامي للتنمية من حظر مؤقت تفرضه على المواشي من الصومال، وبعد أن حددت عشرة اشتراطات صحية ومحجرية لضمان سلامة وصحة الحيوانات، نظرا لحاجة البنك لنحو مليون رأس من الماشية لمشروع الهدي لموسم حج هذا العام.   وتعمل الوزارة حاليا لتجهيز فريق فني سعودي من بيطريين ومساعدين بيطريين لإرساله بعد عيد الفطر مباشرة للإشراف المباشر على عمليات الحجر والفحص والتحصينات البيطرية اللازمة.   وقال لـ”الاقتصادية” الدكتور حمد البطشان وكيل الوزارة وزارة البيئة والزراعة والمياه للثروة الحيوانية، إنه لسريان الحظر على الاستيراد من الصومال رأت الوزارة السماح لموردي البنك الإسلامي للتنمية بالاستيراد من الصومال من خلال…

Read More

Maleeshiyo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa xalay saqdii dhex weerar culus ku qaaday saldhigyo ay ciidamada Kenya ee AMSIOM iyo kuwa Soomaaliya ay ku leeyihiin deegaanka Kulbiyoow ee Gobbolka Jubbada Hoose.   Goobjoogayaal ku suggan deegaanka Xaluuqo ee dalka Kenya oo u dhow deegaanka Kulbiyoow ayaa sheegay in maleeshiyaadkii Alshabaab ee weerarka ku qaaday Kulbiyoow ay iska caabin kala kulmeen ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Kenya ee AMISOM.   Ciidamada Kenya ayaa la sheegay inay ku jawaabeen madaafiic culus, taasoo sababtay in Maleeshiyaadkii Alshabaab ay dib u gurasho sameeyaan.   Ilaa iyo hadda ma cadda khasaaraha ka dhashay dagaalka xalay…

Read More

100-kii maalmood ee ugu horreysay ee uu talada dalka hayay, Madaxweyne Farmaajo wuxuu galay 10 safar, isagoo booqday 9 dal, wuxuuna dalka ka maqnaa 26 maalmood, taas oo celclis ahaan ka badan madaxweynayaashii ka horreeyay. Dhanka Amniga, waxaa dhacay 30 qarax, waxaana dhimatay 415 qof oo uu kamid yahay wasiir xukuumaddiisa ka tirsan. Tiradaas ayaa sidoo kale celcelis ahaan ka badan tirada qaraxyada iyo dhimashada rayidka taliskii madaxweynihii hore. Madaxweyne Maxamed Farmaajo waxa uu sameeyey ballanqaadyo fara badan maalmihii ugu dambeeyey ololihii doorashadiisa isaga oo sheegay in uu wax badan ka bedeli doono hab dhaqanka siyaasadeed ee dalka ay horey…

Read More

Wararka laga helayo Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in weerar lagu qaaday saldhigyo ciidan oo ay leeyihiin ciidammada Soomaaliya iyo kuwa Kenya oo ku yaal bannaanka magaalada Kulbiyow. Dhawr qarax ayaa laga maqlay saldhigaasi, ciidammada Kenya ayaa sheegay inay weerrarkaasi uga jawaabeen madaafiicda culus. Horraantii sannadkan tobonnaan ciidammada Kenya ah ayaa la dilay kaddib markii dagaalyahanno ka tirsan xooggaga Islaamiga ah ee Al-Shabaab ay guluf weerar ku ekeeyeen saldhigaas. Lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerrarkan maadaama ay weli go’an tahay isgaarsiinta deegaankaasi Kulbiyow.

Read More

Magaaladda Kabul ee caasimadda Afgaanistan ayaa ku jirta xaaladd cakarin maalin ka dib ciidamadda Booliiska ay rasaas ku fureen dad dibadbaxayaal ah iyagoo dilay shan qof. Dabaabadka dagaalka ayaa gaaf-wareegaya badi wadooyinka magaaladda iyadoo la xiray jidadka gala xarunta madaxtooyadda. Madaxweyne Ashraf Ghani ayaa shir gudoomiyana kulan deg deg ah oo uu la leeyahay saraakiisha sar sar ee xagga amaanka si baaritaan loogu sameeyo cidda masuulka ka ah dilkii dhacay Jimcihii. Ku dhawaad sadex boqol oo qof ayaa mar kale dibadbaxaya, kuwaasi oo Mr Ghani ka dalbanaya in uu iscaliso, waxay ka caraysan yihiin xasilooni la’aanta dalka ka jirta sadex…

Read More

Wafdi uu hogaaminayo wasiirka wasaaradda shaqada, shaqaalaha, dhalinyaradda iyo ciyaaraha dawladda Puntland ayna ka mid yihiin hay’adda shaqaalaha rayidka ah, jaamacadda PSU iyo kooxda xiriirka mashruuca tayeynta shaqaalaha dowladda oo baryahaan safar shaqo ku marayey dalalka deriska ah ayaa maanta waxay heshiis waxbarasho iyo tababarrada shaqaalaha Dowladda la sixiixdeen mac-hadka tababarka shaqaalaha ee dalka Tanzania (Tanzania Public Service College). Ujeedka Heshiiskaan ayaa ah Tababarka iyo Tayeynta Shaqaalaha Dowladda Puntland kaas oo qeyb ka ah  qorshaha dib u qaabeynta maamulka shaqaalaha (Civil Service Management Reform), taas oo mac-hadka tababarka shaqaalaha ee Tanzania uu kala shaqeyn doono jaamacadda PSU oo fulin doonta…

Read More

Deeqdan ayaa ka timid dowladda Shiinaha taas oo loogu talagalay in lagu caawiyo boqolaal kamid ah dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu saameeyeen kuwaas oo u baahan gargaar deg deg ah.   In ka badan 2,821 ton oo bariis ah ayaa Soomaaliya ay keeni doontaa hey’adda qaramada midoobay u qaabilsahn cuntada ee WFP, xilli wadanka Afrika dhinaceeda bari ku yaala uu wajahayo mid kamid ah xaaladaha bani’aadanimo tii ugu xumeyd taas oo ka dhalatay abaarta.   Deeqdan dowlada Shiinaha u soo dhiibtay WFP ayaa ka dambeysay balan qaadkii Shiinaha oo ahaa in kaalmo raashiin ah bixin doono kaas oo uu kaga dhawaaqay…

Read More

Is bedel weyn ayaa laga dareemayaa waddooyinka magaalada Muqdisho, iyadoo magaalada inteeda badan uu ka yaraaday hubkii iyo ilaaladii fara badnaa ee ay ilaalin jireen mas’uuliyiinta dowladda iyo saraakiisha ciidamada.   Go’aankii Golaha Wasiirada soo saareen ee ku aadanaa in amniga Caasimada ayaa intiisa badan dhaqan galay, iyadoo qodobka ugu muhiimsan oo ay shacabka u riyaaqeen uu yahay qodobka ilaalada mas’uuliyiinta dowladda iyo yareynta hubkii lagu ilaalin jiray   Wadadada Maka Al-Mukarama iyo waddooyinka kale ee magaalada ayaa waxaa ka yaraaday baabuurtii ciidanka aheyd ee saarnaa qoryaha dagaalka, taasoo nafis badan ay dareemeen shacabka, isticmaalka wadadana uu noqday mid si…

Read More

Wararka ka imaanaya magaalada Garbahaarey ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in diyaarad u rarneyd Hey’adda WFP ayaa ku bur burtay magaaladaas, iyadoo warar kala duwan ay ka soo baxayaan.   Diyaaradan oo ka kacday magaalada Muqdisho ayaa siday raashin gargaar ah oo u badnaa cuntada nafaqada iyo daawo, waxaana ay ku bur burtay meel ku dhow Garbahaarey.   Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Gedo ayaa sheegay in diyaaradan ay gebi ahaanba bur burtay, ayna gubatay.   Waxaa uu sheegay inay wadaan baaritaan ku aadan sababta keentay bur burka, waxaana goobta ay ku bur burtay gaaray ciidamo.   Labo qof oo…

Read More

Madaxa IGAD ayaa si dhaqso ah lugu wadaa inay ku gaaran xarunta dalka Itoobiya ee Addis Ababa,halkaas oo la filayo kulan ay hoggaamiyeyaasha ururka ay leeyihiin inuu ka furmo. Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya,Hailemariam Desalegn ayaa ku baaqay shir deg deg ah oo ay madaxda IGAD ka yeelanayan xaaladda cakiran ee ka jirta Koofurta Sudan. Kulanka deg dega ah ee ra’iisul wasaaraha Itoobiya uu ku baaqay,wuxuu ka dambeeyay markii qoraal uu ra’iisul wasaaraha Itoobiya u diray madaxweynaha Koofurta Sudan,Salva Kiir oo sheegay in wali uu sii socdaan dagaallada iyo rabashadaha ka jira dalkaas, iyadoo ay jireen xabad joojin horay loo gaaray.…

Read More

Inaa lilaahi wa inaa ileyhi raajicuun alle ha u naxariisto waxaa maanta ku geeriyooday magaalada garowe Agaasimihii maamulka ee wasaarada cadaalada iyo Arimiha Diinta Puntland.   Marxuumku wuxuu ka mid ahaa shaqaalihii lagu asaasay Dowlada Puntland 18 sano ka hor 1998-dii,wuxuuna ahaa shaqsi ku sifoobay hawl karnimo iyo cibaado.   Waxaan alle uga baryaynaa hadaan nahay bahda idilnews in uu Janatu fardowsa ka waraabiyo.   Wxaan Tcasi udiraynaa guud ahaan shacabka Puntland,gaar ahaan qoyskii iyo eheladii uu ka baxay.

Read More

Wadankii nasiib u yeesha in laga helo, lagana soo saaro Khayraadka dabiiciga ah (KD), sida batroolka, gaaska-dabiiciga ah (natural gas), dhuxusha dhulka laga soo saaro (coal), iyo macaadinta, waxaa dhici karta in ay laba mid noqoto: a) In dakhligii laga helo KD si hufan loo maamulo, si cadaalad ah loo qaybsado, oo markaas ummadda oo dhani ka wada faaidaysato; b) ama in dakhligii si khaldan loo maamulo, si an cadaalad ahayn wax loo qaybiyo, inta xukunka haysata iyo inta ka agdhow ka faaidaysataan, ummadda inteeda kalena ka gaajaysnaadaan, taaso wadanka u horseedi karta khilaaf, colaad, iyo burbur. Si looga badbaado…

Read More

Ciidamada Jubaland ayaa dagaal kulul waxuu ku dhexmaray duleedka magaalada kismaayo qiyaas ahaan meel u jirta 25km maleeshiyada alshabaab.   Maleeshiyada alshabaab ayaa weerar qorshaysan kusoo qaaday fariisin ay fadhiyeen ciidamada jubaland duleedka Kismaayo sida ya soo bandhigeen Ciidamada jubaland ayaa dharbaaxo adag ku dhiuftay maleeshiyada alshabaab dibna u jabiyay.   Saraakiisha ciidamada Jubaland ayaa soo bandhigay maydadka afar maleeshiyada alshabaab ah oo ay ku dileen dagaalkaas,hoos ka daawo muuqaalka oo faahfaahsan. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/C16brQE-oO8

Read More

Ururka Al-Shabab ayaa la sheegay inuu xilligan kaga horreeyo ururrada Boko Haram iyo Daacish marka ay noqoto dadka ku dhinta gacan ka hadalka iyo dagaalka ay wadaan. Warbxiintan uu qoray wargayska Newsweek ayaa lagu sheegay in sanadkii hore gacanta Al-Shabaab ay ku dhinteen 4,281 halka gacanta Boko Harama ay ku dhinteen 3,499, ururka Daacish-na 2350. Col.Cabdullaahi Cali Macow oo madaxa Machadka Daraasaadka Amniga iyo Istiraatijiyada oo ku sugan Gobolka North Carolina,ayaa arintaas uga waramaay VOA.hoos ka dhagayso codka Col Macow. Halkan ka dhagayso codka Col Macow

Read More

Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horraysay sheegtay inay kordhaya dakhliga usoo xarooda, gaar ahaan kan kasoo gala dekedda weyn ee magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Haddaba barnaamijka faaqidaadda ee idaacada VOA laanteeda afka soamliga ayaa arintan lagu falanqeeyay, waxaana soo jeedineysa Sahra Cabdi Axmed,hoos ka dhagayso codka … Halkan ka dhagayso codka barnaamijka

Read More

Madaxweyne Trump ayaa caddeeyey in Maraykanku ka baxayo heshiiskii Paris ee la dagaalanka isbedelka cimilada aduunka. Isagoo taagan kaabadda Aqalka Cad ayaa Trump, oo la hadlayey warbaahintu, wuxu sheegay in Maraykanku uga baxayo heshiiskaa culayska dhaqaale ee uu dalkiisa saarayo awgii,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/K9HOXbgGQIA

Read More

Mid ka mid ah Ragii dhaawacay Xaaji Cariish oo xalay ku geeriyooday xaafada Baraxley ee magaalada Gaalkacyo.   Ninka geeriyooday ayaa sababsaday dhaawac ay gaarsiiyeen shacab ka agdhawaa goobta ay ka fulinayeen dilka Xaaji Cariish.   Ilaa hada lama qaban labadii kale ee dhagarqabayaasha ahaa,waxyna gudaha ugu jiraan Xaafada Baraxley oo ay ku carareen xalay markay falka fuliyeen.

Read More

Maleeshiyada ururka al-Shabaab ayaa la sheegayaa inay qof ku dileen, sidoo kalena macallin ay ku afduubteen weerar ay xalay ku qaadeen tuullada FAFI oo 90 km u jirta magaalada Gaarissa ee gobolka Waqooyi Bari Kenya. Maleeshiyadan ayaa sidoo kale weerarkaasi ku gubay dugsi halkaasi ku yaalla, sidoo kalena burburisay anteennooyin ay lahayd shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom. Weerarkan ayaa imaanaya ayada oo maalmihii ugu dambeeyey dhowr qof lagu dilay qaraxyo ku dhacay deegaano ku yaalla gobolka waqooyi bari Kenya ee ku dhow xuduudda Soomaaliya,hoos ka dhagayso codka. Halkan ka dhagayso codka

Read More

Madaxweyne Trump ayaa caddeeyey in Maraykanku ka baxayo heshiiskii Paris ee la dagaalanka isbedelka cimilada aduunka. Isagoo taagan kaabadda Aqalka Cad ayaa Trump, oo la hadlayey warbaahintu, wuxu sheegay in Maraykanku uga baxayo heshiiskaa culayska dhaqaale ee uu dalkiisa saarayo awgii. Wuxu sheegay inuu yahay tusaalihii u dambeeyey ee muujinaya in Washington gasho heshiisyo dalalka kale faa’iido u leh laakiin uu diyaar u yahay heshiis kale oo xeerarkiisu u cadaalad falayaan Maraykanka. Madaxweynihii hore, Barack Obama, oo heshiiskan wada xaajood ka galay markii dambena saxeexay ayaa sheegay waxa maamulka Trump diidanyahay waa mustaqbalka fiican. Obama waxa kale oo uu sheegay…

Read More

Sarkaal Sare oo ka tirsan ciidamada Puntland ayaa caawa lagu dhaawacay  magaalada Gaalkacyo.   Dilka ayaa ka dhacay xaafada Faluuja ee magaalada Gaalkacyo, iyadoo sarkaalkaas oo lagu magacaabo C/risaaq Jaamac Xasan (Xaaji Cariish).   Kooxdii ka dambeysay dilka Sarkaalka ayaa Goobta isaga baxsatay waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Puntland kuwaasoo meesha ka qaaday  dhaawaciisa.   ”Dilka waxaa gaystay laba nin oo uu afku u duuban yahay,waxayna u carareen dhanka Baraxley,shacab caraysan oo cayrsaday ayaana mid dhaawacay ugu danbayna xaafada Baraxley ayay gudaha ugaleen”sidaa waxaa noo xaqiijiyay goobjooge.   Dhanka kale Gudoomiyaha Gobolka Mudug Xasan Abgaaloow ayaa saxaafada u…

Read More

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Fadaraalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Kheyre. kulanka ayaa waxaa warbixino looga dhageystay qaar ka mid ah Wasaaradaha iyo Hay’adaha ammaanka.   Ugu horeyn, Golaha ayaa warbixin ka dhageystay Taliyaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Mudane Cabdullaahi Sanbaloolshe oo ka hadlay howlgallo ay ciidamada amnigu ka sameeyeen Caasimadda inta lagu guda jirey bishan Ramadan, wuxuna tilmaamay in la fashiliyey lana fuliyey qorshe-yaal badan oo cadowgu doonayeen in ay ku qal-qalgeliyaan amniga Muqdisho.   Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta masiibooyinka, Marwo Maryam Qaasim ayaa ka warbixisay safaro…

Read More

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu wareysigan uu kaga hadlayaa waxyaaba badan oo ay ka mid tahay, waxa u qabsoomay boqolka maalin ee uu xilka hayo, safaradii uu dibadda ugu baxay, dhismaha ciidamada, cunaqabateynta hubka, qaraxyada Muqdisho ka dhaca inuu maqlo iyo in kale, isbedelkii uu ballan qaaday halka uu maray, taariikhdiisa, noloshiisa qoyska, xaaskiisa sida ay isku barteen, kooxda kubbadda cagta ee uu taageero, magaca Farmaajo sida uu ugu baxay, iyo farriinta uu u dirayo dalalka carbeed. Wareysigan waxaa daabacday wargeyska Sharq-Alawsat ee London ka soo baxa ee afka Carabiga lagu qoro. Halkan ayaa idin ku soo gudbineynaa su’aalihii…

Read More

Dowlada Soomaaliya ayaa waxaa ay markii ugu horeysay ku fariisatay kursiga Agaasime ku xigeenka shirguddoonka hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan Caafimaadka WHO kadib muddo 30 sano ah. Wasiirka Caafimaadka dowlada federalka Soomalaiya Dr Fawziya Abiikar Nuur ayaa noqotay agaasime ku xigeenka shirguddoonka hay’ada WHO waxayna ka qeybqaadatay codeynta Madaxa guud ee Caafimaadka Adduunka ee WHO oo dhowaan loo doortay Dr. Tedros Adhanom Asbuucii hore. Soomaaliya ayaan codeynin muddo dheer, kadib markii dhaqaalo lagu yeeshay ay ka hor istaagtey inay cod yeelato. Laakinse dowlada Soomaaliya oo bixisey dhaqaalahaasi qeyb ahaan ayaa suurtagalisey in dowlada Somalia ay cod yeelato.hoos ka dhagayso…

Read More

Ergeyga gaarka ah ee xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay u jooga Soomaaliya Michael Keating ayaa soo dhoweeyay heshiiskii magaalada Cadaado ay dhawaan kula saxiixdeen madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug.   War- saxaafadeed ka soo baxay xafiiska ergeyga gaarka ah ee xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa labada madaxweyne maamul goboleed loogu amaanay heshiiska ay kala sexiixdeen ,waxaana looga codsaday labada dhinac in ay ka shaqeeyaan in ay ka mira dhaliyaan hishiiskaas.   “Beesha caalamka waxay soo dhaweyneysaa heshiiska nabadeed ay gaareen labada Madaxweyne waxaana loo baahanyahay labada dhinac in ay meel mariyaan heshiiskaas, anagana waxaan ka shaqeyneynaa in aan…

Read More

Hogaamiyeyaasha Shiinaha iyo Midowga Yurub ayaa la filayaa inay isku raacaan soo saarista war cad oo ku aadan heshiiska Paris ee cimilada Aduunka, kaasi oo leh waa “lagama maarmaan mana jirto muhiimad ka wayn abid”. Qoraalkaas oo qabyo ah oo ay BBC-du aragtay ayaa ku nuuxnuuxsaday “ka go’naanshaha siyaasadeed ee ugu sarreeya” ee lagu fulinayo heshiiskaas.   Waxaa loo arkayaa tallaabadan mid liddi ku ah madaxweynaha Mareykanka Donald oo isku diyaarinaya in uu ku dhawaaqo Khamiista [maanta] haddii Mareykanku uu ka baxayo hehsiiska Paris.   Warsaxaafadeedka Shiinaha iyo Midowga Yurub ayaa la filayaa in la daabaco maalinta Jimcaha ee beri…

Read More

Wasiirka amniga Puntland Cabdi Xirsi Qarjab,ayaa si adag uga hadlay qaraxyadii Bosaso lagu qabtay.   Qarjab ayaa amar ku siiyay dhamaan talyayaasha ciidamada in ay xilalka ka qaadaan saraakiisha hogaamisa kayntaroolada Puntland ee ay soo dhaafeen Gaadiidka waday qaraxyada lagu qabtay Kayntaroolka Bosaso.   ”Qarjab waxaan wacad ku maraynaa in uusan Puntland soo galin Gaadiid xamuulka saaran aan dhulka la dhigin oo la baarin,kharshka dajinta iyo raridana waxaa sika bixinaya cida gaadiidku u raran yahay”ayuu yiri Qarjab.   Dhanka kale Wasiirka amnigu waxuu u hanbalyeey ciidamada amniga ee Gobolka Bari ee qabtay dhawr jeer oo isku xiga qaraxyo waa weyn…

Read More

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobalka Hiiraan ayaa KNN u xaqiijiyay in uu maanta isku soo dhiibay nin ay ku sheegeyn in uu ka tirsanaa Taliyaasha Sare ee Al-shabaab. Saraakiisha Milatariga Soomaaliya ee G/Hiiraan ayaa Sheegay in maanta uu isku soo dhiibay Sarkaal sare oo ka tirsanaa Al-shabaab oo kaas oo ka mid ahaa Hogaamiyaasha Ciidanka ee Al-shabaab. Milatariga Soomaaliya ee Gobalka Hiiraan ayaa sheegay in Sarkaal isku soo dhiibay lagu  Magacaabo Bishaar Muumin Faarax kaas oo meelo badan ka soo hogaamiyay Dagaalamayaasha Al-shabaab. Ma jirto cid Dowladda Ka Madax-banaan oo Arintaasi xaqiijin karta sidoo kale Ma jirto Wax war ah…

Read More

Madaxweynaha Fadaraalka Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa u magacaabay agaasimaha guud ee madaxtooyada Villa Somaliya Fahad Yaasiin.   “Waxaan xilka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u magacaabay Mudane Fahad Yaasiin oo ah nin dhallinyaro ah, karti iyo hufnaan aan ku bartay, kana soo dhalaali kara shaqada qaran ee loo igmaday. Waxaan Eebe uga baryayaa inuu masuuliyaddan culus u fududeeyo.”   Madaxweynaha oo hadalkisiii sii wata,ayaa u mahadceliyay Agaasimhii hore Madaxtooyada Abuukar Daahir Cismaan Balle ”Waxuu Abuukar shakhsi waqti badan galiyay u khidmeynta dalkiisa iyo dadkiisa,waana uga mahadcelinayaa shaqadii wanaagsanayd ee soo qabtay”ayuu yiri madaxweyne farmaajo.   Fahad Yaasiin,ayaa ah…

Read More

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 31 May 2017 qasriga Madaxtooyada Garoowe kulan kula yeeshay madaxda Hay’addaha UN-ka iyo kuna NGO-ga ee ka hawl -gala Puntland. Madaxweynaha ayaa waxaa kulanka ku wehelinaayey Madaxweyne kuxigeenka Puntland Egn. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey ahna guddomiyaha guddiga abaaraha Puntland, Wasiirka Qorsheynta Iyo Xidhiidhka Caalamiga ah Dr. Shire Xaaji Farax  iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland. Muhiimada kulankan maata uu madaxweynaha Dawladda Puntland la yeeshay Hay’ada UN-ka iyo Kuwa NGO-yada ayaa waxay ahayd la xisaabtanka Hay’adahaasi shaqada dalka ay ka qabtaan iyo sidii wax looga qaban lahaa  waxyeelada ay reebtay…

Read More

Qiimayn lagu sameeyay awooda ciidamada Milatariga ee wadamada Africa ,ayay somaliya ka gashay kaalinta 29aad. Qiimayntan ayaa sheegtay in dalka ugu tayada iyo qalabka fiican yihiin ciidmadiisu ee guud ahaan Africa uu yahay dalka Masar. Somaliya oo qiimayntan ka gashay booska 29aad ayaa dad badani laba yaabeen in maanta la qiimeeyo ciidanka milatariga somaliya,madaama ay soomartay somaliya 26 sano oo burbur iyo dagaal sokeeye ah walina aysan soo kaban,sidoo kale aysanba jirin ciidan qaran oo dhisan xiligan. Waa tilmaan fiican in somaliya ay xataa hesho mdunaan qiimayan loogu samayanayo ciidankeeda,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/BHlamtaB_gc

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada fadaraalka somaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta kormeer ku tagey Xarunta Booliiska iyo Akademiyada Jeneral Kaahiye ee Muqdisho si uu ugu kuurgalo xaalada Booliiska ay ku howlgalaan iyo inuu dardargeliyo dadaalka ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed.   Ugu horeyntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa Salaan sharaf ku qaatay Xarunta Booliiska Soomaaliyeed halkaas oo uu xafiisyada kormeeray si uu ugu kuurgalo howlaha shaqo ee booliiska. Qeybaha uu booqday waxaa ka mid ahaa qeybta CCTV, qeybta InterPol, iyo qeybaha kale ee Booliska,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/HDIS5zr9WkE

Read More

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle, oo maanta shir saxaafadeed ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo badan oo ay tahay waxqbadka Wasaaradda labadii bilood ee la soo dhaafay, kordhinta dakhliga dowladda, sare u qaadista isla xisaabtanka, deymaha dalalka caalamka ay Soomaaliya ku leeyihiin iyo hanaanka canshuuraha dalka.  Dr. C/raxmaan Beyle, Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay in dowladda cusub ay ku dhowdahay in ay gaarto isku filnaansho maareeynta kharashka ku baxay dowladda.. “ Waxaan dooneynaa in wadanka uu ku filnaado kharashaadka ku baxaya dowladda sida bixinta mushaaraadka iyo running cost oo ah, waxyaabaha shaqada ku soconeyso, labadii bilood…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada fadaraalka somaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta kormeer ku tagey Xarunta Booliiska iyo Akademiyada Jeneral Kaahiye ee Muqdisho si uu ugu kuurgalo xaalada Booliiska ay ku howlgalaan iyo inuu dardargeliyo dadaalka ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed.   Ugu horeyntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa Salaan sharaf ku qaatay Xarunta Booliiska Soomaaliyeed halkaas oo uu xafiisyada kormeeray si uu ugu kuurgalo howlaha shaqo ee booliiska. Qeybaha uu booqday waxaa ka mid ahaa qeybta CCTV, qeybta InterPol, iyo qeybaha kale ee Booliiska.   Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale booqday Akademiyada Booliiska Soomaaliyeed ee Jeneraal Kaahiye oo uu halkaas kula hadlay ciidanka…

Read More

Ciidamada amaanka magaalada Boosaaso ayaa markale ku guuleystay qabashada Gaari candho-maydle nooca ay Soomaalidu u taqaan oo siday qudaar.islamrkaana lagu soo dhex qariyey Qaraxyo waaweyn iyo laba nin oo sida ay saraakiishu sheegeen ah nimankii watay qaraxyadaa .   Lix sanduukh oo lamid ah sanduukhyadii qaraxyada dhawaan la qaban jiray lagu wadey oo lagu diyaariyey qaraxyo, dusha sarana laga saaran bambooyin, taarikooyin gaadiid oo laga isticmaalo Soomaaliland iyo Muqdisho.   Ciidamada amaanka dawladda Puntland,ayaa ku qabtay gaari waxyaabaha qarxa sidda oo ladoonayey in lagaliyo gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka…

Read More

Ugu yaraan 80 qof ayaa ku dhimatay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay caasimadda Afqaanistaan ee Kaabuul. Qaraxa oo dhacay saaka aroornimadii ayaa loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa. In kabadan 350 qof ayaa sidoo kale ku dhaawacantay weerarkaasi. Qaraxa ayaa ka dhacay goob aad loo ilaaliyo oo ay ku yaalaan safaarado shisheeye. Dhismaha safaaradda dalka Faransiiska ayuu qaraxaasi waxyeello soo gaarsiiyay. Ilaa iyo haatan ma cadda cidda rasmiyan ka dambeysay weerarkaasi, balse Taalibaan iyo kooxda la baxay Dowladda Islaamka ayaa labaduba kal hore weerarro ka geystay magaaladaasi. Bishii la soo dhaafay ayaa kooxda Taalibaan waxay ku dhawaaqday…

Read More

Ciidamada amaanka magaalada Boosaaso ayaa markale ku guuleystay qabashada Gaari candho-maydle nooca ay Soomaalidu u taqaan oo siday qudaar.islamrkaana lagu soo dhex qariyey Qaraxyo waaweyn iyo laba nin oo sida ay saraakiishu sheegeen ah nimankii watay qaraxyadaa .   Lix sanduukh oo lamid ah sanduukhyadii qaraxyada dhawaan la qaban jiray lagu wadey oo lagu diyaariyey qaraxyo, dusha sarana laga saaran bambooyin, taarikooyin gaadiid oo laga isticmaalo Soomaaliland iyo Muqdisho.   Ciidamada amaanka dawladda Puntland,ayaa ku qabtay gaari waxyaabaha qarxa sidda oo ladoonayey in lagaliyo gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.   Ciidamada ayaa soo bandhigay gaarigan oo sidda waxyaabaha…

Read More

President Uhuru Kenyatta today takes the inaugural ride aboard the high-speed Standard Gauge Railway train to Nairobi. The symbolic journey will bring to an end the use of the adjacent 100-year-old line and a fleet of aged, rickety and unreliable locomotives whose services were associated with delay, unpredictability and costly breakdowns. The maiden ride brings to an end a 42-month journey that began on November 28, 2013 when President Kenyatta and Deputy President William Ruto graced the ground-breaking ceremony for phase one of the new SGR railway in Mombasa. Semi-concessional loans The 472km line is Kenya’s largest infrastructure project since…

Read More

Haweeney uur laheyd iyo seygeeda ayaa ku dhintay toga Balikhadar oo u dhow deegaanka Galgala gobolka Bari Puntland shalay gelinkii dambe, kadib markii gaari ay la socdeen uu dul marey miino dhulka dhinaceeda lagu aasay, sida ay saraakiil sheegeen.   Saraakiil ka tirsan ciidamada maamulka Puntland, ayaa xaqiijiyay warkan ku saabsan in qaraxaasi uu dhacay abbaaro 5 30-kii gelinkii dambe ee shalay, ka hor xilliga afurka.   Baabuurka qarxay aya ku socday buuraha Galgala.   Deegaannada u dhow dhow buuraha Galgala, waxa tiro dhowr jeer ku dagaallamay ciidamada difaaca Puntland iyo maleeshiyaad ururka argagixisada ah ee al-Shabaab,   Mleeshiyadaas ayaa…

Read More

Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato. Geesinimada Gaas waxaa muujinaya ka-degitaankiisii Cadaado si uu uga qeybqaato caleemo-saarka Xaaf! Dad badan waxay soo xasuusisay markii C/laahi Ciise la rabay inuu ka qeybgalo shir dibadda ah oo UN-ku qabanayeen dabadeedna loo sheegay inuusan C/Laahi Ciise bixi karin illaa uu is tallaalo! Weli waxaa waddanka sii maamulayey Talyaaniga! Muure oo xoogaa u ekaa C/Laahi baa goostay inuu inta C/Laahi iska dhigo isa soo tallaalo soona qaato warqaddii caddeyneysey in C/Laahi is tallaalay sidaasna C/Laahi Ciise isagoo Soomaali metelaya ugu safray dibadda. Waxaa laga baqayey in Talyaanigu sun…

Read More

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in dawladda Sucuudiga ay lacag badan ugu yaboohday Soomaaliya.   Madaxweeynaha oo shalay ka hadlayey magaalada Cadaado ayaa sheegay in dawladda Soomaaliya ay weydiisatay Sucuudiga lacag badan oo dhan $4 bilyan oo doollar, waxaana uu intaasi ku daray in Sacuudigu aysan ka diidin codsiga ay soo jeediyeen.   Madaxweynaha ayaa sheegay in mudnaanta ugu horraysa ee lacagtaasi ay tahay dhismaha garoon diyaaradeed iyo dib u dhiska xarrumaha dawladda.   Dhinaca kale mas’uuliyiinta garoonka diyaaradaha Muqdishu ayaa sheegay in garoonka haatan uu leeyahay nalalka waddada garoonka kuwaasi oo diyaaradaha u saamaxaya inay habeenkii soo…

Read More

Ciidanka PSF-ta Puntland ayaa howlgal ay ka sameeyeen magaalada Gaalkacyo waxay kusoo qabteen 15 nin oo katirsan kooxaha masoomayaasha ah.   Gudoomiyaha degmada Gaalkacyo Maxamud Yaasiin Tumey ayaa ka hadlay natiijada howlgalkaan oo si gaar ah looga Fuliyay xaafadaha magaalada.   Hawlgan ayaa diirada lagu saarayay ma soomayaasha iyo dadka cuntada kariya xiliga soonka,sidoo kale waxaa hawlgalka qayb ka ah xoojinta amniga magaalada.   

Read More

Warar goor dhow naga soo gaaray degmada Wadajir ayaa sheegaya in iska hor imaad kooban uu agagaarka Suuqa weyn ku dhex maray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee ka qeyb qaadnaaya howl galada xasilinta Muqdisho iyo ciidan kale oo hubeysan.   Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan oo watay labo ka mid ah gaadiidka dagaalka ay istaajiyeen labo nin oo hubeysan, marayay agagaarka Suuqa weyn, waxaana ay ku amreen inay hubka dhigaan.   Labada nin ee hubeysan ayaa la sheegay inay ka biya diideen amarka, waxaana kaddib dhex martay is rasaaseyn kooban.   Is rasaaseynta ayaa xaalad qal qal ah iyo…

Read More

Agaasimaha warfaafinta Aqalka Cad ee Mareykanka, Mike Dubke, ayaa xilkaasi iska casilay saddex bilood kaddib markii jagadaasi loo dhiibay. Mike Dubke oo ah khabiir xisbiga Jamhuuriga u qaabilsanaan jiray dhanka qorsheynta ayaa saddex bilood ka hor xilkaasi loo magacaabay si uu u boorka uga jafo qaybta warfaafinta ee Aqalka Cad. Xoghayaha qaybta warfaafinta ee Aqalka Cad, Sean Spicer, ayaa lagu soo waramayaa in uu xilkaasi sii qabanayo balse la yareyn doono shirarka jaraa’id ee lagu qabto madaxtooyada. Arrintan ayaa ku soo beegmayso xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in jahawareer xoggan uu ka dhex jiro kooxda Aqalka Cad u qaabilsan…

Read More

Laba qarax oo kala duwan oo ka dhacay waddooyin aad u mashquul badan oo ku yaalla magaalada Baghdad ee caasimadda Ciraq ayaa dilay ugu yaraan 27 qof, waxaana ku dhaawacmay tobaneeyo kale. Qaraxa koowaad ayaa ka dhacay meel ku dhow dukaanka jalaatada laga iibsado ee caanka ah ee ku yaalla degmada Karrada, halkaasi oo 16 qof ay ku naf waayeen. Waxaa sidoo kale ku dhaawacmay 75 kale. Kooxda Daacish ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxaas. Saacado kadib ayaa qaraxa labaad waxa uu ka dhacay meel ku dhow xafiis dowladda ay ku leedahay xaafadda Shawaka. Ugu yaraan 11 qof ayaa ku dhintay qaraxaas.…

Read More

Waxaa si caadi ah ku soo laabtay howlihii ka socday garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde , kadib markii uu xoogaa hakad ku yimid howlihii garoonka, taasi oo ka dambeysay diyaarad ku bur burtay wadada diyaaradaha ay adeegsadaan (Run way).  Diyaaradda oo ay leedahay Shirkada Bancroft ayaa la xaqiijiyay  inaysan ka dhalan wax qasaaro ah, maadaama ay waday cargo, ayna ka badbaadeen howlwadeenadii diyaaradda saarnaa. Diyaaradda ayaa markii hore soo gudbisay Fariin deg deg ah oo ay ku sheegeyso cilada heysata oo aheyd in diyaaradda ay lugaha u bixi waayeen, balse ugu dambeyn waxay ku burburtay garoonka. Shirkadda Bancroft…

Read More

Madaxweynaha Dawlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Axmed Ducaale Geelle Xaaf madaxweynaha maamulka aan sharciyada buuxin ee Cadaado,ayaa Maanta sheegay in ay heshiis ku gaareen Magaalada Cadaado.   Inkastoo aan lasoo bandhigin ama aan saxaafad la tusin heshiis qodobaysan oo rasmiya oo ay kala saxiixdeen labada dhinac,hadana waxay Gaas iyo Xaaf ksuoo koobeen hadalkooda in ay heshiiyeen.   Madaxweyne C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa yiri”iWaxaa jiri doona kulamo kale oo lagaga arinsanayo sidii loo soo afjari lahaa Colaada Gobolka Mudug,isla markaana waxaan dhisi doona Guddiyo kasoo shaqeeya Nabadaynta bulshada walaalaha ah ee kunool Gobolka Mudug”   Axmed Ducaale Geelle…

Read More

Hada ka hor ayaa waxaa is guursaday wiil iyo gabar. Guurka ka sokow waxay ahaayeen wiilka iyo gabadhu ilma abti iyo ehel dhow. Maalintii danbe ayaa reerkii wiilka iyo reero kale dagaal dhex maray oo waxaa dhacay dagaal sokeeye. Wiilkii ayaa dagaalkii ku dhintay. Gabadhii aad bay u murugootay maadaama saygeedii ay jacelayd oo marna walaalkeed ah uu ka geeriyooday. Laakiin hadana dadka oo waayadaas aad u xishood badnaa awgeed kor uma ooyin iyadoo ka baqaysa in ceeb looga dhigo ninkii bay ka samriwayday. Maalintii la gaaray tacsidii marxuumka ayaa waxaa lagu qalay tacsidii orgi weyn oo reerka u joogay.…

Read More

Safarka madaxweyne Gaas ee Cadaado ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee loo qaaday dhinaca nabada aniga waxay ilatahay in inta nabada jecel ku amaani doonaan madaxweyne Gaas in uu ka soo baxay balanqaadkii ahaa in dadka iyo dadka soomaaliyeed Nabadeyn teeda uu ka shaqayn doono. Wuxuu si shaqsi ah u aaminsan yahay wax Nabad lagu waayey colaad laguma helo karo Taasna waxaa Mar khaati ka ah waqtiga uu xilka Madaxweyn puntland hayo waxaa aad u yaraadey dagaalada dhex mara Qabaa’iilada dega puntland. Iyo xukumadiisa. Waxaa magaalada Cadaado ku sugan wufuud badan oo ka qaybgalaya Caleema saarka Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale…

Read More

Sidaanoo kale Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf rabi ha unaxariistee oo markaas ka mid ahaa madaxdii SSDF,ayaa diyaarad ka raacay Galkacyo isaga iyo wafti door ah. Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf waxuu toos uga dagay Xamar waxuuna marti u noqday Jeneral Caydiid. Xiligaa waxaa taagnaa dagaal sokeeye ,Galkacyo waxaa kasii muuqday diiftii iyo burburki ay ugaysteen maleeshiyadii uu hogaaminyay Jeneral Caydiid ee USC. Waxaa sii muuqday 630 qof oo haldoorkii reer Puntland u badnaa oo ay xasuuqeen maleeshiyadii USC hal habeen oo ay Galkacyo gacantooda gashay. Waxaa labada ciidan ee SSDF iyo USC markaas dagaalkoodu ka socdaa Wargalo iyo Wisil, Galkacyo waa furin ciidan…

Read More

Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa khudbad xasaasi ah ka jeediyay xaflad caleemo saarka Axmed Geelle Xaaf. Gaas ayaa khudbadiisa si gaar ah uga soo qaatay arimaha dhexyaala Puntland iyo maamulka aans harciyada buuxin ee Cadaado,sidoo kale madaxweyne Gaas ayaa ka hadlay nabada iyo dib suoo kabashada Somaliya,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/zhd2tb5MUtg

Read More

Xubnaha golaha Wasiirada ee Xukuumada Fadaraalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulan aan caadi aheyn oo uu shir-guddoominayey Ra’iisal Wasaare Ku xigeenka Xukuumada Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), iyadoo Ra’iisul Wasaaraha uu ku soo biirey shirka intuu socday oo uu dardaaran u jeediyey Wasiirada. Arrimaha kulanka looga hadlay ayaa ahaa dardargeinta Hindise Sharciyeedyada muhiimka u ah howlaha Dowlada.  Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa hoosta ka xariiqay muhiimada dardargelinta shuruucda dalka bacdamaa ay Dawladan tahay tii Sharciga iyo Shacabka, shacabkana ay naga sugayaan waxqabad dhan walba ah. Xubnaha golaha ayaa dhageystay warbixino ku aadan shuruucda ay gacanta ku hayaan wasaaradaha qaar si loogu…

Read More