Munaasabada ayaa aheed mid ay xilalka kula kala waregayen maamuulka cusub ee degmada Qardho iyo kan gobolka Karkaar waxeyna ka dhacday hoolka dawlada hoose ee degmada Qardho munasibadan ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin ka tirsan dawlada Puntland iyo Nabadono ururada Bulshada qaybeheda kale duwan. Ee magalada qardho. Waxaana xilalka lo kala warejiyay gudoomiyaashi hore iyo kuwa cusub ee Dagmada qardho iyo gobolka karkaar oo uu dhowaan waregto ku soo magacabay madaxweynaha Dowladda Puntland siciid cabdulahi deni Munaasabadan ayaa intii ay socotay waxaa lagu soo bandhigay waxii u qabsomay intii uu xilka hayey gudoomiyihi hore ee degmada Qardho cabdi siciid…
Author: Jibril Qoobey
Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhimatay 19 kalena waa ay ku dhaawacmeen qaraxyo kala duwan oo Maanta ka dhacay magaalada Jalalabad ee bariga Afghanistan, sida ay sheegeen sarkaal caafimaad iyo warbaahinta maxalliga ah. Weeraradan oo lala beegsaday baabuur ay leeyihiin Taalibaan ayaa ah qaraxyadii ugu horeeyey ee dad ku dhintaan tan iyo markii Maraykanku ka baxay Afghanistan. Sarkaal ka tirsan waaxda caafimaadka ee Gobolka Nangarhar ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in saddex qof la dilay 18 kalena la dhaawacay, halka dhowr warbaahin oo maxalli ah ay weriyeen in weeraradaasi ay ku dhinteen ugu yaraan laba qof halka…
Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-715/092021 ku Magacaabay Guddida Hoggaaminta Siyaasadda Hay’adda Caymiska Qaranka. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Wareegto Madaxweyne MAGACAABID Markaan Arkay: Dastuurka Somaliland, Qodobkiisa 90aad; Markaan Arkay: Xeerka Hay’adda Caymiska Qaranka, Xeer Lr. 92/2020, Qodobkiisa 9aad; Markaan Arkay: Muhiimadda Guddida Hoggaaminta Siyaasadda Hay’adda Caymiska Qaranku u Leedahay Dhismaha Hay’adda Caymiska; Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda; Waxaan Go’aamiyey; In laga bilaabo taariikhda maanta aan Guddida Hoggaaminta Siyaasadda Hay’adda Caymiska Qaranka u magacaabo masuuliyiinta hoos ku xusan: 1. Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Sacad Cali Shire – Guddoomiye. 2. Guddoomiyaha…
Midowga Yurub ayaa ugu baaqay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble inay soo afjaraan khilaafka siyaasadeed ee maalmihii dambe ciirka isku sii shareerayay. Midowga Yurub ayaa sidoo kale bayaanka ay soo saareen ku sheegay in loo baahanyahay in geedi socodka doorashada aan la hakinin oo lagu wado si nabadgelyo leh, iyadoo la raacayo jadwalkii hore loogu heshiiyay ee 27 May. “Waxay tani fure u tahay bad qabka dadka Soomaaliyeed. Dhammaan daneeyayaasha arrimaha Soomaaliya waa inay xakameeyaan xasilloonida guud ee Soomaaliya iyo gobolka.” Ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay midowga Yurub. Beesha caalamka ayaa dhankeeda xalay sheegtay in…
Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyay shirka tiirka dhaqaalaha ayaa Xafiiska hantidhowraha guud ee Qaranku ku soo bandhigay xogta dhaqangalka mashaariicda horumarineed ee dalka,halka Wasaaradda qorsheyntuna soo jeedisay nidaamka keydinta mashariicda ee AIMS. Kulankaan ayaa waxa ka qeyb galay wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya iyo la taliyeyaal. Wasaaradda qorsheynta Soomaaliya ayaa dhankeeda soo bandhigtay nidaamka keydinta mashaariicda. Ra,iisul wasaare ayaa faray dhammaan hay,addaha kala duwan fulinta qorshaha qaranka iyo horumarintiisa. Idilnews
Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in saaka garoonka caalamiga ah ee diyaaradaha ee Aden Adde ay ka soo degtay diyaaradda Turkish Airlines oo shalay dib uga laabatay dalka Jabuuti, kaddib markii ay heshay amar ah in rakaabka saaran aysan Muqdisho iman karin. Ilo ku dhow garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ayaa VOA u xaqjiiyay in duulimaadkii maanta aanu la socon La-taliyaha Amniga Qaranka Fahad Yaasiin, oo ka mid ahaa rakaabkii duulimadkii shalay dib looga celiyay Jabuuti. Shalay, war saxaafadeed kasoo baxay Af-hayeenka madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dawlada Jabuuti ay Fahad Yaasiin ku xannibtay garoonka diyaaradaha ee Jabuuti,…
Waxaa magaalada Jowhar ee xarunta Dowlad Gobaleedka Hirshabelle ayaa maanta lagu wadaa in ay ka dhacdo Doorashada labo kursi oo ka mid ah 8-da Kuraas ee taala Dawlad Goboleedka Hirshabeelle. Musharaxiinta maanta tartamaya ayaa kala ah: Kursiga kowaad : Cali Shacbaan Ibraahim, 2. C/Qaadir Xanafi Sheekth Bashir, 3. Cabdullahi Axmed Tawaad, 4. Caasho Xuseen Abuukar, 5. Cabdalle Cabdi Xuseen Kursiga labaad : Xasan lidow Muxumed Kobac, 2. Cusmaan Axmed Macow, 3. Cabdinuur Ibraahim Nuur. Idilnews
Mareykanka ayaa haatan qirtay in duqeyn dhanka cirka ah oo ka dhacday magaalada Kaabuul ee dalka Afqaanistaan maalmo uun ka hor inta aysan ciidamadiisu ka bixin dalkaasi ay ku dhinteen 10 qof oo aan waxba galabsan, sida uu CBS News u sheegay sarkaal Mareykan ah. Baaritaan ayaa lagu ogaaday in duqeyntaasi oo dhacday 29 -kii Ogosto lagu dilay shaqaale samafal oo aan waxba galabsan iyo sagaal xubnood oo qoyskiisa ka tirsan, kuwaa oo ay ku jiraan toddoba carruur ah. Cannuga ugu da’da yar ayaa la sheegayaa in uu jiray laba sano oo kaliya. Sirdoonka Mareykanka ayaa muddo siddeed saacadood ah…
Madaxweynihii hore ee Aljeeriya, Abdelaziz Bouteflika, ayaa geeriyooday kadib markii uu muddo dheer xanuunsanaa isagoo 84 jir ah. Bouteflika ayaa dalka Aljeeriya hoggaaminayey ku dhawaad labaatan sano, isaga oo xilka ka degay 2019 kadib markii uu u tartamay markiisii shanaad ee xilka uu sababay mudaaharaadyo waaweyn oo waddooyinka ka dhacay. Wuxuu kaalin muhiim ah ka qaatay dagaalkii xornimada ee Aljeeriya sanadihii 1950 -meeyadii iyo 60 -meeyadii. Sannadkii 1999 -kii, markii Aljeeriya ka soo baxday dagaal sokeeye oo arxan -darro ah oo ay ku dhinteen ku dhawaad 200,000 oo qof, ayuu madaxweyne ka noqday kadib markii ay Milatariga ka dalbadeen. Bouteflika…
Ciidammo kamid ah kuwa Amniga Puntland ayaa xalay lagu weeraray Buuraleyda Gobalka Bari, gaar ahaan agagaarka deegaanka Bali-khader iyo Sugure. Ciidanka ayaa xilliga la weeraray ku guda jiray howlgallo roondo ah, kuwaas oo looga hortagayay inay kooxda Argagixisada ah ay miinooyin ku aasaan waddooyinka. Wararka ayaa sheegaya in weerarkan lagu dilay askari kamid ah Ciidammada Puntland. Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha Amniga Puntland oo ku saabsan weerarkan xalay lagu qaaday Ciidanka ku sugan buuraleyda Gobalka Bari, kuwaas oo howlgallo joogto ah iyo dagaalo ka dhan ah Argagixisada ka wada dhulka buuraleyda ah ee Gobalka Bari iyo…
Guddoomiyaha Gobalka Mudug Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare), ayaa sheegay in degmadda Goldogob ay kamid tahay degmooyinka ugu amniga iyo hormarka badan deegaanada Puntland, balse laga faafiyo warar been abuur ah. Guddoomiye Sanyare ayaa sheegay in markii uu xafiiska yimid lagu wargaliyay in degmaddan ay kunool yihiin maleeshiyo badan oo kamid ah kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab, taasna ay keentay inuu digtooni fara-badan ka muujiyo Goldogob, uuna marka uu soo galayo akhristo qur’aan fara-badan, balse ay taas beenowday markii uu soo galay gudaha degmadan dhacda xuduudka Puntland iyo Itoobiya. Hadalkan ayuu Guddoomiyaha Gobalka Mudug ka sheegay xilli uu shalay furayay Kalafadhigii…
Dowlada Maraykanka ayaa markii ugu horeysay ka hadashay khilaafka sii socda ee u dhexeeya Madaxweynaha muddo xilleedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha muddo xilleedkiisu dhamaaday ee Maxamed Xuseen Rooble. Mareykanka ayaa ugu baaqay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble inay si nabad ah ku xaliyaan kala aragti duwanaanshahooda, ayna si buuxda diiradda gabagabeynta doorashada Soomaaliya, iyadoo aan dib u dhac kale jirin. Waxaa sii kordhaya baaqyada ku aadan in labada mas’uul ee khilaafku ka dhexeeya ay wadahadal ku xaliyaan. Wadamada iyo hay’adaha daneeya arrimaha dalka Soomaaliya ayaa si wadajir ah shalay warsaxaafadeed u soo saaray waxa ay ugu…
Bannaan-bax rabshado wata ayaa xalay ka dhacay magaaladda Laascaanood ee xarunta Gobalka Sool, kaas oo ay dhigayeen boqolaal shacab ah. Bannaan-baxan oo ahaa mid ka dhacay inta badan xaafadaha iyo bartamaha magaaladda Laascaanood, ayaa looga soo horjeeday Amni-darada iyo dilalka qorsheysan ee ka soconaya magaalaadda, Dadka bannaan-baxa dhigayay ayaana ku dhawaaqaya Erayo ka dhan ah Maamulka Somaliland. Goobjoogayaal ayaa u sheegay Idilnews in Ciidammada Somaliland ay rasaas ku kala eryeen bannaan-baxayaasha. Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay cuqaasha iyo waxgaradka Gobalka Sool kaas oo ku aadan xaalada magaaladda Laascaanood. Idilnews
War-saxaafadeed ay si wada jir ah u soo saareen UNSOM, IGAD iyo dalalka ku lugta leh siyaasadda Somalia ayaa labada mas’uul ee dalka Somalia ugu sareeya loogu baaqay in khilaafkooda ay dhinac dhigaan oo ay culeyska saaraan arrimaha doorashada. War-saxaafadeedka ayaa lagu yiri “Iyadoo dadka Soomalaiyeed ay xusayaan sannad-guuradii 1aad ee kasoo wareegtay Heshiiskii 17kii Sebteembar, ayaa saaxiibbada beesha caalamka waxay aad uga walaacsan yihiin in khilaafka sii kordhaya ee u dhexeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha uu wiiqi doono xasilloonida Soomaaliya isla markaana uu carqaladayn doono geeddi-socodka doorashada.” War-saxaafadeed ayaa madaxda Somalia ugu baaqay in helidda hanaan siyaasadeed oo loo…
Taliyaha Qeybta Booliska gobalka Mudug G/Sare Muumin Cabdi Shire, oo wareysi siiyay Idil TV ayaa ka warbixiyay xaalada amni ee gobalka mudug, howlgalada socda iyo arrimo kale. https://www.facebook.com/watch/?v=693438728282370&extid=CL-UNK-UNK-UNK-AN_GK0T-GK1C&ref=sharing Idilnews
Sirdoonka Mareykanka ayaa ka kexeystay garoonka diyaaradaha magaalada Jabuuti ee DJabuuti Fahad Yaasiin oo ahaa Agaasimihii hore ee sirdoonka Soomaaliya, udub dhaxaadna u ah khilaafka siyaasadeed iyo jahwareerka ka taagan Muqdisho. Booliska Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa kala degay saaka Fahad Yaasiin diyaaradda Turkish Airlines, kaddib markii diyaarada oo toos uga degi laheyd Muqdisho, lagu amray inay marto Jabuuti, maadama aysan Muqdisho keeni karin Fahad Yaasiin. Ilo dhanka sirdoonka ah ayaa u sheegay Idilnews in Sirdoonka Mareykanka ay Fahad Yaasiin u qaateen markab Ciidan oo taagan xeebaha Jabuuti, ayna u badan tahay in halkaas lagu xiro. Talaabadan ayaa la sheegay inay hordhac…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble, ayaa dabayaaqada bishan September kusoo wajahan magaaladda Garoowe ee caasimadda Puntland , halkaas oo ay isugu imaanayaan Madaxda Soomaalida. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Idilnews, in Ra’iisul wasaare Rooble uu magaalada Garoowe uga qeybgalayo Shirka Golaha Wada-tashiga Qaran ee Doorashooyinka, kaas oo looga arinsanayo dardar-gelinta doorashooyinka. Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada ayaa 21-23 bishan September, ku yeelanaya caasimadda Puntland ee Garoowe kulan gaar ah oo ay uga arinsanayaan doorashooyinka iyo xaalada dalka, sida lagu sheegay war-saxaafadeed wadajir ah oo xalay kasoo baxay Madaxtooyooyinka maamulada, kaddib kulanka khadka ZOOM-ta ah oo…
Wararkii ugu dambeeyay ee dayaaraddii (flight number TK686) oo uu saarnaa Fahad Yaasiin ayaa sheegaya in rakaabka dayaaradda loo sheegay haddana in ay dib ugu laabanayso Istanbul oo aanay tageyn Muqdisho maanta. Dayaaradda oo ilaa hadda 8 saacadood ka badan joogta garoonka Djibouti ayaanay ilaa hadda kala caddeyn in Muqdisho u ambabaxi doonto iyo in ay Istanbul ku laaban doonto. Arrinta ayaa imanaysa iyada oo goor dhaw ay Villa Soomaaliya ku eedeysay dowladda Djibouti in ay si sharci darro ah u xirtay Fahad Yaasiin. Wixii ka soo kordha kala soco Idilnews Idilnews
Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa ku eedeysay dowladda Jabuuti inay xirtay Agaasimihii hore ee Nabadsugida Fahad Yaasiin, kaasoo laga dejiyay diyaaradda Turkish Airlines oo Muqdisho u soo qaadi laheyd. Halkaan hoose ka Akhriso qoraalka kasoo baxay Villa Soomaaliya. Dawladda Federaalka Soomaaliya waxa ay ka xuntahay falka xadgudubka ku ah xuquuqda musaafiriinta iyo shuruucda caalamiga ah ee Dawladda Jabuuti ay garoonka diyaaradaha Jabuuti ku xannibtay Lataliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha JFS Mudane Fahad Yaasiin Xaaji Daahir iyo Saraakiisha Soomaaliyeed ee wehelisa. Waxaan u sheegeynaa Dowladda Jabuuti in ay masuuliyiintaas u fududeyso safarkooda, sidoo kale ay masuul buuxda katahay wixii dhibaato ah oo…
Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa kormeer ku tagay Kastamka Tuurdibi ee Degmada Galdogob ee Gobalka Mudug. Kulankan waxaa qayb ka ahaa Odayaasha Degmada Galdogob, kormeerka xarumaha kadib Gudoomiyaha ayaa warbixin ka ku saabsan kastamka ka dhagaystay Madaxda iyo laamaha Amniga Kastamka. Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa Ciidamada iyo Saraakiisha kastamka ku booriyey doorka ay ka qaateen isku socodka iyo Amniga Kastamka sidoo kalena ubalanqaaday in ay qayb ka noqon doonaan Ciidawada la diiwan galindoono si toosa Mushaaraadka Uqaadanaya. Idilnews
Warar soo baxaya oo aan ka helnay ilo kala duwan ayaa sheegaya in diyaaradda Turkish Airlines duulimaadkeeda saaka oo jimco ah imaan lahaa magaalada Muqdisho ay ku hakatay garoonka diyaaradaha Jabuuti. Wararka qaar ayaa sheegaya in diyaaradda uu saaran yahay Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin oo saaka ku soo wajahnaa Muqdisho. Dad kala duwan oo ku sugan Garoonka ayaa ii sheegay in Ilaalo xooggan oo ka tirsan Nabadsugida ay saaka soo gaareen garoonka diyaaradaha, iyagoo sugayay Diyaaradda Turkish Airlines, taasoo dhalisay tuhunka ah in diyaaradda uu saaran yahay Fahad Yaasiin. Sidoo kale waxaa iyana soo baxaya warar sheegaya sababta…
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta ka shiraya khilaafka awoodeed ee u dhexeeya madaxweynaha mudo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, kaas oo ka dhashay kiiska Ikraan Tahliil oo ka tirsaneyd hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsuggida Soomaaliya ee NISA. Shirkan oo ah mid ay albaabadu u xiranyihiin ayaa waxaa xubnaha Golaha Ammaanku warbixinta xaaladda loolanka siyaaseed ee madaxda dowladda ka dhageysan doonaan Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan sida uu xaqiijiyay afhayeenka Qaramada Midoobay Stephane Dujarric. Afhayeenka ayaa sheegay in James Swan uu ku boogaadiyay madaxweynaha Koofur-Galbeed Cabdicaziiz…
Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa cambaareeyay qoraalkii kasoo baxay Farmaajo ee lagu sheegay in la hakiyay awoodihii Ra’iisul Wasaaraha, iyaga oo sheegay in falkaas uu yahay mid dalka u horseedaya xasarad siyaasadeed iyo qalaalase amni, islamarkaana halis gelinaya qarannimada Soomaaliya, sidoo kalena uu caddayn u yahay in Madaxweynaha muddo-xileedkiisa idlaaday uusan weli ka quusan damiciisii ahaa in uu helo muddo-kororsi sharci-darro ah. Warsaxaafadeed ay soo saareen Midowga Musharixiinta ayaa waxaa ay sidoo kale ku sheegeen in Madaxweyne Farmaajo uu jebiyay Dastuurka dalka, waxaana ay soo bandhigeen Saddex qodob oo ay ku cadeeynayaan mowqifkooda qoraalkii kasoo baxay Farmaajo iyo kiiska Ikraan…
Madaxtooyadda Puntland ayaa sheegtay in shirka ay Madaxda Dowlad Gobaleedyada ay ku yeelanayaan magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland 21 ilaa 23-Sep uu gogal xaar u yahay Shirka Golaha Wada-tashiga Qaran ee Doorashooyinka. Af-hayeenka Madaxtooyadda Puntland Jaamac Deperani oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay in hoggaaminta Doorashooyinka dalka uu masuul ka yahay Ra’iisul Wasaare Rooble, sida ay qabaan Dastuurka Dalka iyo heshiisyadii Doorashooyinka. “War-murtiyeedka Dowladda Puntland ay wax kasoo saartay caawa, kama turjumayo sida dad badan oo adeegsanaya baraha Bulshada ay u marin habaabinayaan. Hoggaaminta Doorashada iyo amniga dalka waxaa leh Ra’iisal Wasaaraha XFS, sida ku cad Dastuurka iyo…
Madaxweynayaasha Shanta Dowlad Goboleedyada ayaa war saxaafadeed wadajir ka soo saaray xaalada siyaasadeed ee dalka, kaddib wada hadalo ay ku yeesheen khadka taleefanka. Madaxda dowlad Goboleedyada ayaa si aan la fileyn uga hadlay khilaafka siyaasadeed ee Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, iyagoo ku baaqay in wixii khilaaf ah lagu xaliyo tubta wada hadalka, lana ixtiraamo heshiisyadii doorasho ee horay u gaareen Madaxda dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada. Sidoo kale waxay iclaamiyeen shir ay isugu imaanayaan Dowlad Goboleedyada 21-23 September magaalada Garowe, iyadoo muuqata in dowlad Goboleedyada ay hoos u dhigeen meeqaamkii Ra’iisul Wasaaraha oo ahaa Guddoomiyaha Golaha Wadatashiga Qaran. Halkaan Hoose…
Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo bayaan ka soo saaray qoraalkii baal marsanaa dastuurka dalka ee ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha. Kadib markii uu Ra’iisul Wasaaruha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ka arkay Warbaahinta Warqad baalmarsan Shuruucda dalka oo ka soo baxday Xafiiska Madaxwaynaha, wuxuu soo saaray; A- Ku xadgudubka sharciga 1- Warqadda ka soo baxday Madaxwaynaha ee cinwaankeedu ahaa hakinta Awoodaha Wasiirka koowaad iyo dardargalinta Doorashada dalku, waa mid si cad u hareer marsan Dastuurka KMG ah ee Qaranka wuxuuna si cad ugu been abuurtay qodobada 87-aad iyo 90-aad ee Dastuurka oo aan meelna looga xusin in…
Fadhigii 79aad ee Golaha Wasiirrada Sonmaliland oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa war-bixino lagaga dhegeystay Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Horumarinta Caafimaadka iyo Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland. Ugu horrayn Golaha Wasiirrada ayaa war-bixin la xiriirta amniga, nabadgelyada guud ka dhageystay Wasiirka waxaana uu si gaara uga hadlay xaaladda amni ee gobolka Sool, waxaanu golaha la wadaagay dilalka soo noq-noqday ee gobolka sool, isla markaana waxa goluhu u saaray guddi ka kooban wasiiro sidii arrintaas xal loogu helo. Ugu danbayntii, Golaha Wasiirradu iyagoo maanka ku haya ahmiyadda balaadran ee ay dalka ugu fadhido warbaahintu iyo in…
Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen Mungaab ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay warqadii shaqooyinta lagu sheegay ee lagu daabacay barta Facebook ee Madaxtooyadda Soomaaliya. Waxaa uu sheegay in sababta uu u soo saaray in ay tahay in uu doonaayo in uu dalka galiyo khalalaalse siyaasadeed. “Tallaabada uu maanta qaaday Madaxweynaha muddo xilkeedkiisu dhammaaday ee Maxamed Farmaajo, waa sharci darro, mana jirto meel ay Dastuurka KMG ah uga qoran tahay inuu Madaxweyne shaqada ka joojin karo Ra’iisal Wasaaraha’Warqadda uu soo saaray Farmaajo waa is-miidaamin siyaasadeed, falaad iyo foori diiran, sii hurin khilaafkii siyaasadda iyo abuurista jawi keena qalalaase…
Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay inuu hakiyey awoodaha Wasiirka Koowaad iyo dhammaan warqadaha kasoo baxa, gaar ahaan xilkaqaadis ama xilmagacaabis, inta laga dhammeystirayo doorashooyinka dalka. War-saxaafadeedka ayuu Farmaajo ku sheegay inuu tallaabadan qaaday “Markuu arkay tallaabooyinka khilaafsan Dastuurka KMG ah ee uu qaaday Ra’iisul Wasaaraha, kana weecday waajibaadkii loo igmaday Xukuumadda ee ahaa ka shaqeynta doorashooyinka iyo amniga doorashooyinka.” Waxa uu sidoo kale sheegay in Ra’iisul Wasaaraha uu qaadanayo tallaabooyin aan laga fiirsanin oo dalka u jiheyn kara qalaase siyaasadeed iyo mid amni, uuna sameynayo isku day ku xadgudub xuquuqda…
Baydhabo:16/9/2021Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Xarunta Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku qaabilay Wafdi uu hoggaaminayey Wakiilka Xoghayaha guud Qaramada Midoobey uqaabilsan Arimaha Soomaaliya Amb James Swan sidoo kalena ay qeyb ka ahaayeen Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha soomaaliya iyo diblomaasiyiin kale. Kulanka Madaxweynaha iyo Saaxiibada Beesha Caalamka inta uu Socday waxaa looga hadlay arrimaha Doorashooyinka, Amniga & sidii loo dardar gelin lahaa Doorashada Xubnaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaliya. Amb James Swan ayaa sidoo kale Madaxweyne Mudane Cabdi Casiis Xasan Maxamed Laftagareen ku amaaney kaalinta dhex dhexaadineed ee uu ka dhex wado Khilaafka Madaxda…
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Gudoomiye Abdirashid Yusuf Jibril ayaa si rasmi usoo xiray Aqoon-isweydaarsi ku saabsanaa Habraacyada Dastuurada. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL oo ugu horeyn ka hadlay xiritaanka Aqoon-isweydaarsiga ayaa xusay in Golaha Wakiillada DPL ayaa uga mahadcelinayaan Hay’adda UNDP doorka ay ka qaadatay Isbarbardhiga Dastuurada dalka, Baarlamaanka Puntland uu yahay mid muddo dheer jiray loona baahan yahay in laga faa’iidaysto khibrada uu leeyahay. Muddada uu socday aqoon isweydaarsigu ayaa looga dooday hannaanka wax-ka-bedelka ee Dastuurka DFS, sooyaalka taariikheed ee Geedi-socodka Dastuurka DFS iyo kala aragti-duwanaansha Arrimaha Dastuurka DFS. Idilnews
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay Guddodomiyaha Aqalka Sare ee BFS Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed. Kulanka waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Dalka Mudane Baashi Yuusuf Axmed, ayaa looga Arrinsanayay u diyaar garowga doorashada xildhibaannada Aqalka Sare ee Gobollada Woqooyi (Somaliland) iyo in sida ugu dhaqsiyaha badan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha loogu soo gudbiyo liiska musharaxiinta Aqalka Sare. Idilnews
Hogaamiyeyaasha Pakistan iyo Russia ayaa ka wada hadlay mowqifkooda xaaladda dalka Afghanistan, sida lagu sheegay bayaan ka soo kala baxay labada dowladood ka hor shirka iskaashiga Shanghani oo dhici doono todobaadka dambe. Madaxweyne Vladimir Putin iyo Ra’iisul wasaaraha Pakistani Cimran Khaan ayaa telefoon ku wada hadlay tallaadadii, sida lagu sheegay war saxaafadeedka. “Wada hadalka wuxuu ku saabsanaa xaaladda Afghanistan iyo sidii mowqif mid ah uga yeelan lahaayeen isla markaana loo heli lahaa waddadii lagu raadin lahaa xasiloonida,” sidaa waxaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Russia. Sidoo kale, war saxaafadeedka ka soo baxay Pakistan ayaa lagu yiri “Wada tashi iyo…
Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa waxaa ay xalay meel kamid ah dalkaas kudileen muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ahaa Soomaalida ku Ganacsata dalkaas. Muwaadinka Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Mahad Dheere ayaa Kooxaha Burcadda ah waxaa ay ku dileen dukaankiisa oo kuyaala Degmada Mamelodi ee hoos tagta Magaalada Pretoria ee Dalka Koonfur Afrika, iyaga oo dilka kadib Goobta ka baxsaday. Ciidama ka tirsan Booliska Koonfur Afrika ayaa gaaray goobta uu falkaasi dilka ah ka dhacay, iyaga oo sameeyay howlgal ay ku baadi goobayeen dableeydii ka dambeeysay dilka muwaadinka Soomaaliyeed walow ay ku guuleysan inay soo qabtaan. Mid kamid ah Soomaalida…
Waxaa lagu wadaa in maalintii saddexaad ay maanta ka dhacdo magaaladda Jowhar ee caasimadda dowlad-gabaleedka Hirshabelle doorashada Senator kamid ah Golaha Aqalka Sare ee BJF. Xalay ayaa magaaladda Jowhar waxaa lagu doortay hal kursi, kaas oo uu kusoo baxay Sanoter Cismaan Maxamed Dufle, iyadoona maanta la filayo inay lagu doorto Jowhar labo kamid ah kuraasta Aqalka Sare, waxaana ku tartamaya musharixiinta kala ah. 1. Cali Shacbaan Ibraahim 2. C/Qaadir Xanafi Sheekth Bashir 3. Cabdullahi Axmed Tawaad 4. Caasho Xuseen Abuukar 5. Cabdalle Cabdi Xuseen 1. Xasan lidow Muxumed Kobac 2. Cusmaan Axmed Macow 3. Cabdinuur Ibraahim Nuur. Amaanka magaaladda Jowhar…
Ciidammada Booliska Gobalka Nugaal ayaa fagaare ku yaalla magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland waxaa ay ku gubeen 550 dhalo oo khamri ah iyo kiilooyin xashiish ah, kuwaas oo lagu soo qabtay howlgallo ay sameeyeen Ciidammadu. Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Nugaal G/Srae Maxamed Aadan Jaamac, ayaa sheegay in khamridan lagu qabtay howlgallo ka dhacay deegaano kamid ah Gobalka Nugaal, sida deegaanka Kalabeyr, isagoona Ciidanka Booliska uga mahadceliyay dadaalkooda naf hurnimada leh. Sidoo kale G/Sare Maxamed Aadan Jaamac ayaa uga digniin u diray dadka ku howlan ka ganacsiga maandooriyaha khamrida iyo xashiiska, oo deegaanada Puntland laga soo galiyo xaduudka Itoobiya, waxaana uu…
Waxaa saxmad aad u sareysa laga dareemayaa dekedda magaaladda Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, kaddib markii uu dhamaaday waqtigii bad xiranka oo saameyn ku yeeshay shaqada dekedda. Maraakiib iyo doomo sida badeecaado kala duwan ayaa dekedda kusoo xiranayay maalmihii ugu dambeeyay. shaqada baaxada leh ee ka socota dekedda magaaladda Boosaaso ayaa kusoo aadaysa xilli dib-u-dayactir balaaran uu ku socda dekedda oo qeybo kamid ah ay ku jirto xafaarad ciida ka saaraysa marinada loo soo maro dekedda. Dekedda magaaladda Boosaaso ayaa ah isha ugu weyn ee dhaqaalaha Puntland, waxaana sanadkii 2017-kii la wareegtay shirkadda P&O oo qeyb ka ah shirkadda DP…
Roobab dabeylo wato ayaa ka bilowday deegaano kamid ah Gobalka Bari, kuwaas oo saameyn ku yeeshay dadka iyo duunyada. Deegaanka Xariiro ee degmadda Isku-shuban ayaa kamid ah meelaha ay ka da’een roobabkan dabeylaha wata, waxaana dadka deegaanku ay sheegeen in roobabkan ay ku burbureen ilaa 40 guri, iyadoona sidoo kalena ay ku dhinteen duunyo fara-badan. Jaylaani Maxamed Ismaaciil, Isku-duwaha Wasaaradda deegaanka Puntland ee gobalka Bari ayaa sheegay in roobabka dabeylaha wata ee ka da’ay Xariiro ay geysteen khasaare weyn, ayna ugu daran tahay in dadkii qaarkood ay waayeen hoyigoodii. Idilnews
Prof. Cusmaan Maxamuud Dufle, ayaa mar kale loo doortay Senatorka kamid ah Golaha Aqalka Sare ee BJFS, kaddib doorasho goor-dhaweyd ka dhacay magaaladda Jowhar ee Caasimadda Hirshabelle. Prof. Dufle ayaa helay 68 cod, halka musharaxa la tartamayay oo lagu magacaabo Raagge Xasan uu helay 28 cod, waxaana doorashadan oo aheyd mid adag la aaday wajiga saddexaad, iyadoona wareegii kowaad uu ku haray Danjire Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo ahaa Musharax ka socday Villa Soomaaliya. Idilnews
Waxaa maanta xafiiska wasaaradda caafimaadka Puntland ee Gobolka Mudug ka dhacay shir ay iskugu yimaadeen iskuduwayaasha wasaaraddaha dawlada ee Gobolkaasi sidoo kale waxaa joogay gudoomiyaha ururka dhakhaatiirta Puntland (PMA) iyo qaar kamid ah dhakhaatiirta gobolka iyo shaqaalaha wasaaradda. Kulankaan ayaa looga wada hadlay sidii shaqaalaha dawlada iyo bulshadaba looga wada shaqayn lahaa inay talaalka qataan si loo yareeyo saamaynta xanuunku yeelanayo. Shirkaan ayaa kusoo aadaya iyadoo magaalada Galkacyo iyo guud ahaan gobolka Mudug ay ka socdo talaalka Covid19 kaasoo laga helayo qaar kamid ah xarumaha caafimaadka. Sidoo kale waxaa maalmihii ugu danbeeyay magaalada Galkacyo laga dareemayay inuu kor ukacay dadka…
Doorashada Kursi ka mid kuraasta Aqalka Sare ee laga soo doorto Hirshabelle ayaa goordhow ka bilaabatay magaalada Jowhar, iyadoo ay ku tartamayaan saddex Musharax oo kala ah Prof Cismaan Dufle oo difaacanaya Kursiga, Raagge Xasan Xuuti iyo Safiir Maxamuud Tarsan. https://www.facebook.com/sntvnews/videos/535485827557824 Idilnews
Wasiirka Haweenka iyo Hormarinta Xuquuqda Aadanaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xaniifa Maxamed Ibraahim “Xaabsade , ayaa ku eedeysay ciidanka nabad sugidda maamulka Koonfur Galbeed iney hooyadeed kasoo xiri gaareen hoygeeda. Wasiir Xaniifa ayaa intaas ku dartey iney jireen waayadan kala fikir duwanaansho u dhaxeeya iyada iyo Madaxweynaha maamulka koonfur Galbeed, Cabdulcasiis Xasan Maxamed “Lafta Gareen”. Idilnews
Waxaa maanta magaalada Garowe ugu soo gabagaboobay xubnaha sare iyo shaqaalaha xarunta dhexe iyo xafiisyada heer Gobol iyo Degmo ee TPEC shirkoodii sanadlaha ahaa oo socday muddo saddex bari ah. Mudadii shirku socday waxa ay qaateen shaqaalaha kala duwan ee Guddigu tababaro la xariira Geedi socodka hanaanka Axsaabta badan ee Puntland, sidoo kale hawlwadeenada TPEC ayaa soo bandhigay caqabadihii ay kala kulmeen diiwaangalintii saddexda dagmo ee Qardho, Eyl iyo Ufayn, waxaana goobjoog ka ahaa soo bandhigida caqabadaha wakiilo ka socda Ururadda Siyaasadda oo iayaguna ku darsaday talooyin ku aaddan casharadii laga bartay diiwaangelinta. Ugu danbeyn Gudoomiyaha Guddiga Guuleed Saalax Barre…
Burhaan Dio Mio, oo kamid ah musharixiinta Golaha Shacabka BJFS ayaa wareysi uu siiyay Idil TV kaga hadlay Taariikh nolaleedkiisa, loolanka ugu jiro kursi kamid ah Golaha Shacabka oo deegaan doorashadiisu tahay Puntland, qorshaha u yaalla haduu ku guuleysto, Hanaanka Dilmuquraadiyeynta Puntland iyo arrimo kale. https://youtu.be/Fz7y3xYBKpU Idilnews
Waxaa xarunta dhexe ee wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka cimilada DPL ka furmay shir kusaabsan dib u eegis lagu samaynayo xeerka ilaalinta iyo maareynta deegaanka Puntland. Furitaankii shirkan waxaa ka qaybgalay madaxda wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka cimilada dawlada Puntland, wasiirka Deegaanka iyo dalxiiska Jubbaland, gudiga dhowrista Deegaanka iyo Khayraadka dabiiciga ah u qaabilsan golaha wakiilada ee Puntland, Waxaana kasoo qayb galay wakiilo ka kalasocday maxkamada darajada koowaad, Wasaaradaha maaliyada, arimaha gudaha, caddaalada, jaamacada PSU, jaamacada bariga Afrika, khuburo ku takhakhustay arimaah Deegaanka iyo qayb kamid ah shaqaalaha wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka cimilada Dawlada Puntland. Idilnews
Wafdi uu hogaaminayey Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa lagu soodhaweeyey Degmada Saaxo ee Gobolka Mudug, Wafdigan waxaa qayb ka ah Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Mudug, Taliyaha Aaga Ciidanka Daraawiishta Gobolka Mudug, Isuduwaha Wasaarada Arimaha Gudaha, Saraakiil iyo Masuuliyiin kale. Maamulka Degmada Saaxo, Nabadoono iyo shacabka Deegaanka ayaa soodhaweeyey Wafdiga uu gudoomiyuhu Hogaaminayo, Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa uga mahadceliyey Maamulka iyo bulsada qaybaheeda kala duwan soodhawaynta ay usameeyeen. https://www.facebook.com/MudugRegionAdministration/videos/248538530486688 Idilnews
Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Mohamed Abdullahi Farmaajo, ayaa xilka ka qaaday Guddoomiyaha Maxkamadda darjada 1-aad ee Ciidammada qalabka sida ee DFS G/Sare Xasan Cali Nuur (Shuute), sida ay u xaqiijiyeen Idilnews ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay. G/sare Shuute ayaa dhowaan qabtay gal-dacwadeedka kiiska Ikraan Tahliil, waxaana hadii Farmaajo xilka ka qaado ay cadeyn u noqon doontaa inuu hortaagan yahay kiiska Ikraan ee Maxkamadda yaalla. Idilnews
Agaasimaha KMG ah ee NISA ee uu Magacaabay Ra’iisul Wasaare Rooble ee Bashiir Goobe ayaa xilkii waxaa uu ka qaaday Taliyaha NISA ee G/Banaadir Yasiin Fareey, isaga oo taliye Cusub Magacaabay. Warqad kasoo baxday Xafiiska Bashiir Goobe ayaa waxaa xilka Taliyaha NISA ee Gobolka Banaadir loogu Magacaabay Muxudiin Maxamed Jimcaale (Warbac). Sidoo kale Wareegtada Magacaabista ayaa waxaa lagu xusay in uu ogyahay xilka qaadistan iyo Magacaabista Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Filish). Xilka qaadistan uu ku sameeyay Agaasimaha KMG ah ee NISA ee uu Magacaabay Ra’iisul Wasaare Rooble Taliyihii NISA ee Gobolka Banaadir ee Yaasiin Fareey ayaa waxaa uu…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Tina Intelmann. Labada dhinac ayaa ka wada-hadlay mashaariicda horumarineed ee Midowga Yurub ka taageero Soomaaliya iyo horumarrada laga sameeyey geeddi socodka doorashooyinka dalka ee uu hormuudka ka yahay Ra’iisul Wasaaruhu. Idilnews
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta xukun min 15 sano ah ku ridday, Maxamed Cali Cabdi Isxaaq iyo Axmed Yaasiin Xaaji Gaabow oo lagu heley dambi ah in ay dadka ku baadiyeen, ayagoo sheegan jirey magaca argagaxisada Alshabaab, sida uu ku dhawaaqay garsooraha maxkamadda. Labada nin waxay dadka lacagaha kaga qaadi jireen SIMCARD Shirkadda SOMNET ah, sidoo kale waxay sameyn jireen afduub. Meel kamid ah degmada Kaxda ama Masjid ku yaala suuqa Bakaaraha ayay ku balamin jireen dadka qaar marka ay kala wareegayaan lacagaha kaash ah. Bishii May ee sanadkan, ayaa gabar Soomaaliyeed ku wargelisay sirdoonka ka dibna dabagal dheer,…
Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane, Axmed Cilmi Cismaan Karaash Wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Degmada Buurtinle ee gobolka Nugaal, wuxuuna dhagax-dhigay dib u dhiska iyo dayactirka waddada Xarfo illaa Jalam. Wadadan dib u dhiska iyo dayactirka lagu sameynayo ayaa dhararkeedu dhan yahay.65KM, waxaana bixiyay dhaqaalaha ku baxaya Midawga Yurub (EU). Dhawaan ayay Wasaaradda Maaliyadda ay Shirkadda Isxilqaan oo horey u hagaajisey qeybo ka mid ah Wadadan ay siisey $750,000 oo horu dhac u ah $1,800,000, waana midda fududeysay in Midawga Yurub uu ku baxsho dhaqaale lagu hagaajiyo Wadadan. Idilnews
Dowladda Turkiga ayaa si kulul uga hadashay qarixii ismiidaaminta ahaa ee lala beegsaday maqaaxi ku taalla degmada Wadajir, kaas oo ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen dad u badan Askar ka tirsan Ciidamada dowladdda Soomaaliya. Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Turkiga oo la soo marsiiyay Safaaradda Turkiga ee Muqdisho ayaa lagu sheegay inay aad uga xun yihiin qaraxa oo ay ku dhinteen in ka badan 10 Ruux. “Waxaan si adag u cambaareyneynaa weerarkan argagaxa leh, waxaanan u fidinaynaa qaddiyadeena shacabka iyo dawladda Soomaaliyeed ee saaxiibada ah iyo walaalaha ah. Waxaan u rajaynaynaa Allaah u naxariiso kuwa naftooda waayey iyo…
Maleeshiyaad ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay inay weerar madaafiic ah ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Burundi oo ka tirsan AMISOM ku leeyihiin degaanka Buurane oo hoostaga degmada Mahadaay Gobolka Shabeellaha Dhexe. Dad Goobjoogayaal ah ayaa waxaa ay sheegeen in marqura ay ka warheleen madaafiic kusoo dhaceysa degaanka, waxaana la sheegay inay ku dhaceen in ka badan 10 madfac Gudaha xerada iyo Agagaarkeeda. Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in weerarka madaafiicda ah ay ku darayaan inay jiraan khasaarooyin ka dhashay madaafiicda, balse ilaa iyo hadda aan si rasmi ah loo ogeyn, sidoo kalena aysan faah faahin ka…
Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa wajahaya jahwareer iyo walaac daran, kaddib digniin adag oo ay gaarsiiyay Beesha Caalamka. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Idilnews, in Wakiillada Beesha Caalamka oo maalmihii ugu dambeeyay shirar ku lahaa xerada Xalane ee Muqdisho ay talaadadii gaarsiiyeen Farmaajo dhambaal xambaarsanaa digniin kulul, iyagoona hordhigay labo qodob. Wakiiladda Beesha Caalamka ayaa u sheegay Farmaajo inuu ‘caqabada ka daayo howlaha doorashooyinka iyo Amniga dalka ama inay ka qaadi doonaan talaabo adag, waxaana ay ugu hanjabeen in hadii uu faraha kala bixi waayo ay kusoo rogi doonaan cunaqabateyn dhaqdhaqaaqyadiisa, sidoo kalena ay…
Madaxweyne kuxigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash), ayaa maanta dhagax-dhigaya Wadada xariirisa magaalooyinka Gaalkacyo – Garoowe, taas oo sanado badan burbursaneyd. Wadadan ayaa horey loo joojiyay dhismaheedu, kaddib markii Hay’adda GIZ oo gacanta ku heysay dhaqaalaha lagu dhisayay wadadan ay Musuq-maasuq ku eedeysay shirkadii dhisaysay “Isxilqaan”, balse Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Deni ayaa ku guuleysatay dib u soo celinta mashruucan oo dhaqaalihiisa la hosgeeyay Hay’adda UNOPS. Idilnews
Xildhibaannada Golaha Wakiilada doad Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa Maalintii labaad oo xiriir ah waxaa ay yeelan doonaan kulan lagu dooranayo Xildhibaano ka tirsan Aqalka Sare. Sbalay waxaa Magaalada Jowhar lagu doortay Saddex Sanoter oo kala ah, Muuse Suudi Yalaxoow, Fartuun Cabduqaadir Karaama iyo Nuur Maxamed Geeedi (Canjeex). Maanta ayaa waxaa la filayaa in sidoo kale la doortay Saddex Sanoter, si Maalinta Berito ah loo soo geba-gabeeyay doorashada Aqalka Sare ee degaannada Hir-Shabeelle, waxaana musharixiinta Maanta ku tartami doona Saddex kursi ay kala yihiin. Waxaa Maanta Markale Xildhibaanada Hirshabeelle Dooran doonaan ilaa Sadex kursi waxaana ku tartami doonna. 1:Musharax Xasan Iidow Muxumed…
Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabduweli Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay khilaafka xoogan ee u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, kaas oo salka ku haaya kiiska maqnaanshaha Ikraan Tahliil. Cabduweli Gaas oo la hadlay BBC-da waxaa uu sheegay inay nasiib darro tahay in khilaafka Madaxweyne Farmaajo & Ra’iisul Wasaare Rooble, isaga oo sheegay in labadaba ay xeyndaabkii dowladnimada ay iskala baxeen. Waxaa uu Cabduweli Gaas hadalkiisa uu intaasi ku daray in is qabqabsiga uu dhibaato ku yahay dowlwdnimada, socod siinta howl maalmeedka dowladda, howlaha doorashooyinka ee loo wada jeestay iyo Shaqooyinka kale ee dowladda. ” Is qabqabsiga hoggaanka dalka…
Ra’iisul Wasaaraha XFS waxa uu ka digayaa isku day kasta oo lagu marin habaabinayo Kiiska Ikraan Tahliil. Sidoo kale Ra’iisul Wasaaruhu wax uu farayaa Taliyayaasha Ciidamada Qalabka Sida in ay ka fogaadaan talaabo kasta oo wax u dhimi karta sumcadda ciidamada, dhaawicina karta kalsooni shacabka Soomaaliyeed . “Gal dacwadeed maxkamad horyaalla in loo magacaabo guddo baaris ah waa arrin baal marsan Dastuurka iyo shuruucda dalka, saxna ma ahan in hey’ad xubno ka tirsan oo dacwad loo heysto ay qeyb ka noqdaan baarayaasha kiiska” Idilnews
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble, ayaa si kulul u cambaareeyay qarax maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, kaas oo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Ra’iisul Wasaare Rooble oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa alle uga baryay dadkii ku dhintay qaraxa inuu u naxariisto. “Waxaan cambaareynayaa qaraxii maanta argagixisada Alshabaab la beegsadeen maqaaxi ku taalla degmada Wadajir, kaas oo dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad aan waxba galabsan.” “Allaha u naxariisto intii dhimatay eheladoodiina Samir Allaha ka siiyo inta dhaawacantayna Allaha u boogo dhayo.” “Falkan bahalnimada ahi waxa uu muujinayaa sida…
Xaaji Muuse Suudi Yalaxow ayaa noqday Senatorkii ugu horreeyay ee ka soo baxa HirShabeelle, kadib tartan adag oo caawa ka dhacay Jowhar. Senator Muuse Suudi oo mar kale dib loo doortay ayaa wareegga 3-aad kaga guuleestay Axmed Daaci, waxaana magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar ka socda dabaaldagyo u badan rasaas kor loo ridayo, kuwaas oo lagu soo dhaweynayo Senator Muuse Suudi oo kamid ahaa Aqalka Sare ee waqtigiisu dhamaaday. Idilnews