Author: Jibril Qoobey

Maxkamadda Ciidamada dawlada fadaraalka ah,ayaa maanta dil toogasho ku fulisay askari ka tirsanaa nabadsugida dawlada fadaraalka kaasoo lagu magacaabi jiray Yuusuf Xuseen Maxamuud oo ahaa ninkii dilay Taliyihii Nabadsugidda Gobolka Shabeellaha Dhexe Marxuum Cabdiweli Ibraahim Maxamed.   Taliyihii Nabadsugidda Gobolka Sh/Dhexe ayaa la dilay 21-kii bishii June ee sanadkii hore, xilli lagu guda jiray bisha Ramadaan, waxaana dilka uu dhacay xilligii loo fadhiyay afurka.   “Taariikhdu markii ay ahayd 23/06/2016 ayay maxkamadda darajada Koowaad ee ciidamada qalabka sida ku xakuntay Yuusuf Xuseen Maxamuud oo 24 jir ah xakun dil ah, balse 26/06/2016 waxa uu racfaan ka qaatay xakunka dilka ah…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa caawa dhagax dhigay leerarka iftiimiya wadada ay ku ordaan Diyaaradaha ee Garoonka Aadan Cade Airport ee magaalada Muqdisho,waxuuna daaray laanbadii ugu horeysay ee laga mudo Garoonka Muqdisho.  Wasiirka Gaadiidka iyo  Duulista  Hawada ee xukuumada Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullahi Salaad (Oomaar) ayaa sheegey in qalabkan dowlada Soomaaliya ay soo gadatey ugana tala gashey in goroonka Aadan Cade Airport lagu xiro si ay diyaaradahu habeen iyo maalinba usoo dagaan una duulaan sidoo kalena ay qayb ka noqoto soo celinta bilicda garoonka iyo caasumadda. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa u mahad celiyey Wasiirka…

Read More

Wadamada Sacudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta ayaa ka mamnuucay wadamadooda taleefishinka caanka ah ee Aljazeera kadib markii dowlada Qadar ay taageertay dowlada Iran.   Taleefishinka laga leeyahay Sacudi Carabiya ee Al Arabiya ayaa baahiyay in laga bilaabo Arbacada in aan laga daawan karin labada dal taleefishinka Al Jazeera, warkan ayaa waxaa xaqiijiyay mas’uuliyiinta Al Jazeera balse ma bixin faahfaahino dheeri ah.   Al Arabiya ayaa sheegay in sababaha loo mamnuucay ay tahay kadib markii dowlada Qadar ay ku tilmaantay wadanka Iran “Dal Islam ah oo awood leh” ayna cambaareeyeen siyaasada Trump ee dowlada Tehran.   “Ma jiro xikmad ku jirto…

Read More

Haweeney ayaa noqotay qof lixaad ee loo qabto weerarkii ka dhacay Manchester, xilli ay booliska sheegeen in ay baarayaan “shabakad” la rumaysan yahay in ay ka dambeysay qaraxaasi. Boolisk ayaa sheegay in ay xireen haweeneydaasi, ka dib markii ay xoog ku galeen guri ay ka deganeyd Blackley, waqooyiga Manchester. Salman Abedi oo habeenkii Isniinta isku qarxiyay bandhig faneed ay dhigaysay gabadha heesaaga ah ee Ariana Grande, ayaa qaraxaasi ku dilay 22 qof, ayadoo ay ku dhaawacmeen 64 kale. Ramadan oo ah aabaha dhalay ninka qaraxa fuliyay, iyo Haashim oo ay ninkaasi walaalo yihiin ayaa lagu qabtay caasimadda Tripoli ee dalka…

Read More

Shan qof ayaa la xaqiijiyey inay qaraxa ku dhinteen, islamarkaana 6 qof oo kale ay ku dhaawacmeen. Al-shabaab ayaa sheegatay masuuliyada qaraxan, waxaana war kooxdan ay soo saartay oo lagu faafiyey baraha internetka ee taageera ay ku sheegeen iney ku dileen saraakiil sare oo ka tirsan dowlada Somaliya,hoos ka daawo muuqaalka sida uu dhacay qaraxa. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/bFyriOAX6aU

Read More

Madaxweynaha dawlada fadaraalka oo maalmahan booqasho ku joogay dalka jabuti,ayaa maanta soo gabagabeeyay booqashadisii isla markaana uga sii baqoolay dalka qadar oo uu ka helay casuumad rasmiya.   Madaxweyne farmaajo waxaa ku weheliya socdaalkiisa Qadar xubno ka tirsan golaha wasiirada,kuwaasoo kala ah wasiirrada Arrimaha Dibadda, Qorsheynta, Amniga iyo Gaashaandhigga,.   Sida qorshuhu yahay madaxweyne farmaajo waxuu joogi doonaa dalka qadar labada maalmood ee soo socota,waxuuna isla beri kulan kula qaadan doonaa Qasriga Boqortooyada dalka Qadar Amiirka Dalkaas Shiikh Tamiim Bin Hamad Al Thani..   Labada hogaamiye ayaa la filayaa in ay kawada xaajoodaan xiriirka labada dal iyo sidii Dawlada Qadar…

Read More

Booliska magaalada muhiimka u ah puntland ee Gaalkcyo,ayaa ugu danbayntii ku guulaystay gacan ku dhiiglihii dilay haweeneydii ka tirsanaan jirtay Boolis-ka puntland. Gacan ku dhiig laha ayaa baaris dheer kadib waxay ciidamada amaanku ka soo qabteen xaafad ka mid ah xaafadaha magaalada oo uu ku dhuumaalaysanayay. Isku soo wada duuboo ciidamada amaanka ayaa hada gacanta ku haya gacan ku dhiiglaha kuna wada baaris. Idilnews Galkacyo

Read More

Xaalada magaalada bosaso ayaa degan kadib qaraxii ismidaaminta ahaa ee xalay ka dhacay halkaas. Ciidanka amaanka ayaa tan iyo xalay ka waday hawlgalo ay ku xaqiijinayaan amniga magaalada. Dhanka kale ilaa iyo hada waxaa iska soo daba dhacaya xogaha laga helayo qaraxaas. Mid ka mid ah xogaha ay ka helayso idilnews  masuuliyiinta amaanka puntland  ee lagu kalsoonaan karo, ayaa sheegaya in Ninka qaraxa fuliyay lagu magacaabo Abu qataata una u dhashay beesha Mareexaan,isla markaana waxuu ahaa xubin ka tirsanaa Daacishta Puntland ka hawlgasha. Laamaha amaanka puntland ilaa iyo hada war rasmiya oo ay ku faahfaahinayaan sida wax…

Read More

Qarax ayaa laga soo sheegayaa inuu goor dhow ka dhacay magaalada agagaaarka dekedda weyn ee magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Wararka ilaa hadda soo baxaya ayaa sheegaya in qaraxan uu ahaa mid ku xiran baabuur. Ilaa hadda ma cadda inuu qaraxa ahaa ismiidaamin iyo in uu ka dhashay baabuur la dhigay waddada dhinaceeda. Shan qof ayaa la xaqiijiyey inay qaraxa ku dhinteen, islamarkaana 6 qof oo kale ay ku dhaawacmeen. Warar is khilaafsan ayaa kasoo baxaya in qaraxa loola dan lahaa maqaayad meesha ku taalla iyo in loola dan lahaa mas’uuliyiin dawladda ka tirsan oo la sheegay inay meesha marayeen.…

Read More

Ladane waa mid kamid ah Gudoomiyayaasha Degmooyinka muqdisho ee shalay la magacaabay. Si gaar ah waa Gudoomiyaha Degmada Cabdicasiis ninka loo magacaabay, Ladane waxuu ka yimid Puntland ,waxaa dhalay siyaasi iyo halgamaa caan ahaa Ladane Saalax Deer rabi ha unaxariistee ee dhawaan ku geeriyooday. Ladane waa masuul aqoon iyo karti ahaanba u qalma masuuliyada loo igmaday sida ay idilnews uga xog ku siiyeen masuuliyiin kale oo aad u yaqaan Ladane. In loo dhiibo Ladane maamulka Xaafad xamar kamid ah waxay dib usoo bindhaaminaysaa rajo bilaw ah iyo caasimad lawada leeyahay. Gudoomiye Taabid waa dadaalay bilaw fiicana waa sameeyay lkn wali…

Read More

Wasiirka Kalluumeysiga Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Cabdi Xaashi, ayaa Puntland ku eedeeyay in ay diiday heshiis ay isku raaceen intooda kale, wuxuu sheegay in Puntland ay doonayso inay la maqaam noqoto dawlada Fadaraalka Soomaaliya. “Waa nasiib darro ah in Puntland ay diiday, iyadaa ka mas’uul guuldarada shirkaas, waxay isu aragtay in sadkooda uu yahay sidii dowladda Federaalka oo kale ama ay la mid tahayba”ayuu yiri Wasiirka Kalluumeysiga Soomaaliya. Shirkii lagu tagi lahaa Jaziirada Seychelles, ayaa baaqday, Dowladda Seychelles waxay yiraahdeen hadii Puntland diiday shirka ma qabsoomi karo maadama ay tahay meesha ay doonayaan in ey ka kaluumaystaan.waxaana dawlada Somaliya ay sheegtay…

Read More

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre iyo Xubno ka tirsan Laamaha ammaanka Soomaaliya ayaa maanta gaaray garoonka Bali-doogle ee gobalka Shabeellaha Hoose. Wafdiga ra’iisal wasaaraha ayaa waxaa ka mid ah saraakiil ka socota Laamaha Amaanka Soomaaliya iyo wasaaradaha amniga iyo gaashaan-dhigga ee dowladda. Booqashada wafdiga Ra’iisul wasaaraha ayaa ku soo beegmeysa iyadoo 48-kii saac ee la soo dhaafay ay gobolka ka dhaceen weeraro ay Al-Shabaab ku qaaday 14 tuulo. heyre ayaa u tagay halkaas si uu u dhiira geliyo ciidamo ka tirsan xoogga dalka iyo ciidan loo diyaariyay sugida amniga Muqdisho iyo la dagaalanka Shabaab. Waxaa uu sheegay in ciidamada…

Read More

Koox la aminsan yahay in ay ka tirsanaayeen xarakada Al-Shabaab ayaa gaari ay ciidamada Kenya leeyiin qarax ku weeraray inta u dhaxaysa dagmada Liboy iyo tuulada kulan ee xadka Soomaaliya iyo Kenya. Qaraxani ayaa waxaa ku geeriyooday sadax askari oo ciidamada ka mid ahaa, halka 5 kalena ay ku dhaawacmeen.hoos ka dhagayso codka oo faahfaahsan. Halkan ka dhagayso codka

Read More

Ninka gaystay weerarkii Manchester waxay u “badan tahay” in uusan kaligii soo maleegin weerarka, sida ay sheegtay wasiirka arrimaha gudaha ee Britain Amber Rudd. Salman Abedi ayaa dilay 22 ruux dhaawacayna 64 kale ka dib markii uu isku qarxiyay goob wayn oo ku taala Manchester oo lagu hayay bandhig faneed habeenkii Isniinta – labaatan ruux oo ka mid ah dadka ku dhaawacmay qaraxa ayay xaaladdooda caafimaad aad u liidataa lana dabiibayaa. Heerka feejignaanta ee Britain ayaa la gaarsiiyay meeshii u saraysay, taas oo ka dhigan in ay macquultahay in weerarro kale qarka soo saaran yihiin Dowlada Britain ayaa sheegtay in…

Read More

Madaxweyne kuxigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Egn. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey ayaa manta 24, May, 2017 ka qayb galay xaflada ololaha daawaynta xoolaha Puntland oo ka qab soontay wasaarada xanaanada xoolaha Dawladda Puntland ee magaalada Garoowe. Kusimaha Madaxweynaha ayaa waxaa kuwehelinayey xafladani Wasiirka wasaarada xanaanada xoolaha Puntland iyo kuxigeenadiisa,  masuuliyiin ka tirsan Baarlamaanka dawladda Puntland, saraakiil ka tisan Madaxtooyada Puntland, shaqaalada wasaarada xanaanada xoolaha ee Dawladda Puntland, dhakhaatiir iyo masuuliyiin kale. Madaxweyne kuxigeenka Puntland oo kahadlay muhiimada ay leedahay daawaynta iyo sugida caafimaadka xoolaha Puntland ayaa sheegay in ay ka kooban yihiin shaqaalaha loo xilsaarayn daawaynta xoolaha 43…

Read More

Madaxweyne kuxigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey ayaa saaka subax nimadii 24, May, 2017, qasriga Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay madaxa xafiiska UNOCHA ee Soomaaliya Mr. Justin Brady oo uu wehelinayo madaxa xafiiska UNOCHA ee  Puntland Mr. Francis Lenoh. Kusimaha Madaxweynaha iyo madaxda ka socotey hay’adda UNOCHA ayaa waxa ay kawada hadleen wadashaqayntii wanaagsanayd ee dhex martay Dawladda Puntland iyo hay’adda UNOCHA xiligi abaaraha baaxadale ay ka jireen Puntland. Madaxweyne kuxigeenka Dawladda Puntland ayaa ku amaanay hay’adda UNOCHA doorkii wanaagsanaa ee ay ka qaateen gurmadka loo fidinaayey dadka Soomaaliyeed ee abaartu saamaysay xiliyadii adkaa ee…

Read More

Xarunta Jaamacadda PSU ee magaalada Garoowe ayaa maanta waxaa lagu qabtay munaasabad qalin jebin ah oo loo qabtay 159 arday oo dhammaystay lix kulliyadood oo kamid ah kulliyadaha waxbarashada heerka 1aad ee Jaamacadda Puntland State University (PSU). Munaasabadda ayaa waxaa ka qaybgalay gudoomiyaha barlamaanka dowladda Puntland, wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare, xildhibaano, maamulka Jaamacadda, macaliin, xubno ka socdey jaamacadaha Puntland, ardayda Jaamacadda, waalidiin, ganacsato, qurba joog iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. Gudoomiye ku-xigeenka Jaamacadda PSU Axmed Shire oo ugu horayn munaasabadda ka ahdlay ayaa sheegay in ardaydaani ay soo dhammaysteen dhammaan wixii looga baahnaa, isla markaana 102 kamid ah…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed C/llahi Farmaajo oo maalintii labaad ku sugan Wadanka Jabuuti oo uu booqasho rasmi ah ku joogyo ayaa maanta ka qeyb galay Dhagax dhiga dekad cusub oo ay yeelaneyso Dowladda Jabuuti.  Madaxweyanaha ayaa sidoo kale kulamo la yeeshay Madax sare ee Wadanka Jamhuuriyadda Jabuuti , kulamadaas oo looga hadlayey iskaashiga labada Wadan iyo adkeynta Xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeeya Jabuuti iyo Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa la filayaa markii ay xafladda furitaanka Dekadda cusub ee Jabuuti dhamaato in asaga iyo wafdiga uu hogaaminaayo ay dalka dib ugu soo laabtaan,hoos ka daawo muuqaalka. …

Read More

Wariyaha caanka ah Cabdisalaan Hareri oo maalmahan ku sugnaa caasimada Puntland ee Garowe,ayaa barnaamij uu ka sameeyay socdaalkiisa waxuu waraysi kula yeeshay madaxweyne xigeenka Puntland Eng camey. Madaxweyne xigeenka ayaa waraysigaa uag hadlay arimo dhawr ah oo ay ka mid yihiin abaartii ba’anayd ee lasoo maray,dagaalka puntland ay kula jirto kooxaha argagixisada ah ee alshabaab iyo daacish. Waxaa xusid mudan Hareri oo garowe si qurux badan oo niyad wanaaga loogu soo dhaweeyay ayaa sooryada gobeed ee loo sameeyay waxuu abaal marin uga dhigay garowe in uu u quuri waayo caasimadnimadeeda,waxuuna waraysigiisa ku bilaabay in ay tahay caasimada Gobolka Nugaal,isagoo hoos…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fadaraalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka qayb-galey kulan lagu taageerayey Xukuumadiisa.   Kulankan oo ay ka soo qayb galeen qaar kamid ah Golaha Wasiirada, Madaxwaynaha Maamulka aan sharciyada buuxin ee Cadaado,Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, Dhalinyaro iyo ururada Bulshada rayidka ah   Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka mahadceliyey xafladan lagu taageerayo xukuumadiisa waxuuna tilmaamey in ay ka turjumayso rabitaanka dawladnimada, maadaama ay bulshada Soomaaliyeed soo mareen dhibaato badan isla markaana u baahan yihiin Nabad iyo Nolol.   “Waxaan rabnaa mar walba in ay nala xisaabtamaan shacabka Soomaliyeed si ay u helaan waxey xaqa noogu leeyihiin taasoo ah…

Read More

Heshiiska oo ka dhici lahaa Jaziirada Seychelles, ayaa fashilmay ka dib markii Puntland ay diiday inay saxiixdo.   Qorshaha Heshiiskan ayaa ahaa in shirkad shisheeye oo kalluumeysi la siiyo ruqso kalluunka Tuunaha xeebaha somaliya,isla markaana dhaqaalaha ka soo baxa ay wada qeybsadaan dowladda federaalka iyo dawladaha xubnaha ka dawlada fadaraalka.   Wasiirka Kalluumeysiga Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Cabdi Xaashi, ayaa Puntland ku eedeeyay in ay diiday heshiis ay isku raaceen intooda kale, wuxuu sheegay in Puntland ay doonayso inay la maqaam noqoto dawlada Fadaraalka Soomaaliya.   “Waa nasiib darro ah in Puntland ay diiday, iyadaa ka mas’uul guuldarada shirkaas, waxay isu…

Read More

Halkan hoose ka aqriso Beelaha ay kasoo kala jeedaan: Gudomiyaasha cusub e Degmooyinka 1- Gudoomiyaha Degmada C/casiis Sharmaarke Maxamed Ladane, Majeerteen 2- Gudoomiyaha Degmada Kaaraan C/fataax Nuur Cali Yaanyo, Abgaal, Reer Mataan 3- Gudoomiyaha Degmada Shibis Safiyo Sheekh Cali Jimcaale, Xawaadle 4- Gudoomiyaha Degmada Yaaqshiid Axmed Xasan Maxamuud, Abgaal, Cabdulle Caroone 5- Gudoomiyaha Degmada Howlwadaag C/kariin Cali Kaar, Murusade 6- Gudoomiyaha Degmada Hodan Maxamed Cantoobo, Habargidir, Cayr 7- Gudoomiyaha Degmada Dayniile C/wali Nuur Faarax, Murusade 8- Gudoomiyaha Degmada Wadajir Cumer C/llahi Xassan, Abaal, Daa’uud 9- Gudoomiyaha Degmada Dharkeynley C/raxmaan Siid Cali, Dir 10- Gudoomiyaha Degmada Shangaani Basmo Cumer Axmed, Reer…

Read More

News release 23 MAY 2017 | GENEVA – Today the Member States of WHO elected Dr Tedros Adhanom Ghebreyesus as the new Director-General of WHO. Dr Tedros Adhanom Ghebreyesus was nominated by the Government of Ethiopia, and will begin his five-year term on 1 July 2017. Prior to his election as WHO’s next Director-General, Dr Tedros Adhanom Ghebreyesus served as Minister of Foreign Affairs, Ethiopia from 2012-2016 and as Minister of Health, Ethiopia from 2005-2012. He has also served as chair of the Board of the Global Fund to Fight AIDS, Tuberculosis and Malaria; as chair of the Roll Back…

Read More

Caawa fiidkii ayaa xilka laga qaaday 15 ka mid ah gudoomiyayaashii degmooyinka gobolka Banaadir, iyadoo la magacaabay 15 gudoomiyayaal cusub ah kuwaasoo bedelaya kuwii xilka laga qaaday.   Halkan hoose ka akhriso magacyada gudoomiyayaasha cusub ee hadda la magacaabay:-   1- Degmada C/casiis: Sharmaarke Maxamed Ladane   2- Degmada Kaaraan: C/fataax Nuur cali yaanyo   3- Degmada Shibis: Safiyo Sheekh Cali Jimcaale   4- Degmada Yaaqshiid: Axmed Xasan Maxamuud   5- Degmada Howlwadaag: C/kariin Cali Kaar   6- Degmada Hodan: Maxamed Axmed Cantoobo   7- Degmada Dayniile: C/wali Nuur Faarax   8- Degmada Wadajir: Cumar C/llaahi Xasan   9- Degmada…

Read More

Qaraxa ayaa ah mid ismiidaamin ah,goobta qaraxa lala eegtay ayaa ah isgoys u dhexeeya Dawladda Hoose iyo Rugta Ganacsiga, waxaana halkaas ku geeriyooday illaa shan qof oo uu ku jiro qofka isqarxiyey.   Taliyaha Qaybta Booliska ee gobolka Bari Gaashaanle Sare Cabdixakiin Yuusuf Xuseen oo la hadlay wsaxaafada,ayaa sheegay in hal askari uu ka mid ahaa dadka qaraxa ku dhintay, sidoo kalena laba qof oo rayid ahi ay ku jireen dadka dhintay.   Taliyaha ayaa sheegay in illaa haatan la xaqiijin karo dhaawaca shan qof, hase ahaatee weli waxaa socota qiimaynta khasaaraha ka dhashay qaraxan.   Warar soo baxaya ayaa…

Read More

Iyadoo waayahan danbe aad layskula dhexmarayo in dhismihii garoonka diyaaradaha garowe uu hakad galay, kadib markii dhaqaale yari ay soo wajahday,ayaa dhanka kale warbaahinta idilnews qaybteeda muuqaalka ee idil Television waxay booqatay maanta garoonka.   Waxaa si buuxda usocota hawshii dhismaha garoonka,iyadoo aysan jirin habayaratee wax hakada oo ku yimid,islamarkaana dhaqaale yari soo wajahday dhismaha garoonka aysan jirin.   Hadaba hoos ka daawo muuqaal hordhac ah oo ku saabsan  dhismaha garoonka iyo heerka gabagabada ah ee uu marayo hada.   Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/yShy-a2lzrE

Read More

Wafti balaaran oo ka socda Dalka Cumaan ayaa labo maalmood ka hor soo gaaray caasimada Puntland ee garowe.   Weftigan oo ka soo kicitimay Dalka Cumaan ayaa isugu jirey masuuliyiin ka kala socotey rugta gacansiga Dalka Cumaan, wasaarad Ganacsiga ee Cumaan iyo saraakiil ka socotey Madaxtooyada Cumaan.   Waftigan ayaa kala ahaa:-   1.Gudoomiyaha rugta ganacsiga Cumaan Cabdulahi Salem Rawas.   2.Maamulaha guud ee hay’ada maalgalinta Cumaan . Ahmrd Saleh baabood.   3.Sarkaal ka socda qasriga madaxtooyada Imad yousuf Hassan .   4.Mohamed faarax Xaaji Miire madaxa waftiga .   Waftigan ayaa booqashadiisu waxay daba socotaa booqasho kal hore ay…

Read More

Madaxweynaha iyo waftigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ee caasimada jabuti si diiran ugu soo dhaweeyey madaxweyne Geelle iyo xukuumadiisa. Madaxweyne Farmaajo ayay uga bilaabatay booqasho rasmiya oo qaadan doonta labo maalmood jamhuuriyada jabuti.hoos ka daawo muuqaalka hab maamuuska sare ee loosoo dhaweeyay madaxweyne farmaajo. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/_CARcMpOUEo

Read More

Inta u dhaxaysa Hotel Juba iyo daarta caanka ah ee Gaaca Bosaso ayaa waxaa goordhawayd ka dhacay qarax.   Qaraxan ayaa sida ay xogta ku helayso idilnews waxa uu ka fashilmay nin sitay walxaha qarxa oo si lama filaan ah isagoon gaarin goobtii uu la beegsanayay uga qarxay.   Ilaa iyo hada waxay wararka hordhaca ah ee ay helayso idilnews sheegayaan in 5-qof oo shacab ah ay ku dhaawacmeen qaraxa.   Waxaa goobta soo gaaray ciidanka amaanka Bosaso oo hada goobta xiray baarsina ka bilaabay.     La soco wararkayaga danbe.

Read More

Burcad badeed reer puntland ah ,ayaa afduubtay dooni kaluumaysi oo laga leeyahay dalka Iran. Doonta ayaa hada burcadu la aaday dhanka xeebaha bari ee puntland. Gudoomiyaha gobolka gardafuul ayaa cadeeyay in doonida kaluumaysi ee laga leeyahay dalka Iran ay burcadbadeed afduubtay. “Ujeedka ay ka  leeyihiin afduubka doonidan ayaa ah in ay u isticmaalaan afduubashada maraakiibta haatana bada ayay la galeen doonidii”ayuu yiri gudoomiyaha gardafuul. Gudoomiye Maxamuud Axmed Caynte ayaa ku daray intaas in kooxda burcada ah ee afduubtay doonida ay yihiin kooxo dib iskaga abaabulay deegaamada Murcanyo iyo Xaabo oo khatartooda leh. Ilaa iyo hada wasaarada kaluumaysiga iyo agaasinka ciidanka…

Read More

Madaxweyne farmaajo iyo waftigisii maalmaham ku  sugnaa dalka sacuudiga ayaa wax yar ka hor ka dagay dalka Jabuti. Madaxweynaha iyo waftigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ee caasimada jabuti si diiran ugu soo dhaweeyey madaxweyne Geelle iyo xukuumadiisa. Madaxweyne Farmaajo ayay uga bilaabatay booqasho rasmiya oo qaadan doonta labo maalmood jamhuuriyada jabuti. Madaxweyne farmaajo ayas kullan gaar ah la qaadan doonaa madaxweyne Geelle,kulankaas oo ay labada madaxweyne ku gorfayn doonaan xaalada somaliya iyo xiriirka labada dal. Dhanka kale madaxweyne farmaajo inta uu ku sugan yahay jabuti waxuu khudbad ka hor jeedin doonaa baarlmaanka dalkaas. Ugu danbayn madaxweyne farmaajo ayaa ka qaybgali doona…

Read More

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa maanta wacad ku maray inuu sameyn doono wax kasta oo uu awoodo, si uu nabad uga dhaliyo Bariga Dhexe, isaga oo ku celinaya ballan-qaayadii ay horey u sameeyeen madaxweynayaashii ka horeeyey, oo haddana ku fashilmay inay hadafkaas gaaraan. “Waxaan si dhab ah ugu rajo weynahay in Mareykanka uu Israel iyo Falastiin ka caawin doono inay nabad gaaraan oo ay rajo cusub u keenaan gobolka iyo dadkiisa” ayuu yiri Trump kadib kulan saacad qaatay oo uu maanta magaalada Bethlehem kula yeeshay madaxweynaha mamaulka Falastiiniyiinta Mahmoud Abbas. Trump ayaa intaas ku daray inuu rumeysan yahay “Haddii Israel…

Read More

Talye ku xigeenkii hay’adda sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka Soomaaliya ee dhanka howlgallada Cabdisalaan Yuusuf Guuleed ayaa waraysi uu bixiyay  ku sheegay in uu iska casilay xilkaasi. Waxa uu sheegay inuu go’aankan qaatay kadib markii uu sheegay in laga gaabiyay isbeddel lagu sameeyo hay’adaha amniga Soomaaliya. Cabdisalaan Guuleed ayaa sidoo kale sheegay in musuq-maasuq iyo ku takrifal awoodeed ay ka dhex jiraan hay’adaha amniga ee dalka. Wariyaha VOA-da ee London ayaa ugu horrayn weydiiyay sababta uu isku casilay.hoos ka dhagaysoc doka talyaha is casilay. Halkan ka dhagayso codka Talyaha

Read More

Xarakada Al-Shabaab ayaa tababar u soo xiray dagaalyahano ka soo jeeda Kenya, kuwaasoo ka mid noqonaya dagaalamayaasha Al-Shabaab oo weeraro ku qaadaya gudaha Kenya.   Muuqaal Video ay baahisay garabka warbaahinta Al-Shabaab ee loo yaqaano Al-kataib ayaa waxaa ka soo muuqday dagaalyahano xirnaa dharka milateriga, wajigana u duubnaa, kuwaasoo dhoolatus ku sameynaya goob howdah oo ay beero ku yaallaan.   Afhayeenka Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere ayaa la hadlay dagaalyahanadan Kenyanka ah, waxaa auu sheegay inay ku soo biireen Al-Shabaab.   Waxaa uu sheegay in wixii hada ka dambeeya ciidamadan cusub ay weeraro ku qaadi doonaan gudaha Kenya, waxaana uu kula…

Read More

More than 30,000 Somali refugees have apparently returned to Somalia from Yemen, the United Nations refugee agency said, and an increasing number are seeking aid to return home.   Babar Baloch, spokesperson at the Office of the UN High Commissioner for Refugees (UNHCR), today told reporters at the UN’s Geneva Office that Somali refugees are approaching the agency for assistance to return “citing safety and security concerns and limited access to services in Yemen.”   The UN agency can assist up to 10,000 Somalis who voluntarily want to return to their home country. Their assistance would include documentation, travel and…

Read More

Labo iyo labaatan ruux oo ay ka mid yihiin carruur ayaa hadda la ogyahay in ay ku dhinteen 59 kalana ay ku dhaawacmeen weerar argagixiso looga shakisan yahay oo ka dhacay magaalada Manchester ee dalka Britain.   Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay inay maqleen dhawaq xooggan markii ay dhamaadeen heeso ay goobtaasi si toos ah uga qaadeysay Ariana Grande, oo ah fanaanad caan ah oo u dhalatay dalka Mareykanka. Manchester explosion.   Goobjoogayaasha ayaa sheegay inay maqleen qarax ka dhacay albaabka hore ee laga galo goobta uu bandhig faneedku ka socday. Boosteejada tareennada Manchester Victoria oo u dhaw goobta…

Read More

Cali ayaa maalmahan ku joogay socdaal dhuumaalaysi ah magaalada Hargaysa,waxuuna maanta kula kulmay Siilaanyo iyo Muuse Biixi.   Kulanka dhexamaray Cali Khaliif iyo madaxda beesha Isaaq,ayaa looga xaajooday codsi markale uu la tagay Haragysa Cali.   Hadaba qodobada Cali Hargaysa la tagay ee laga wada xaajooday maanta, ayaa waxaa ka mid ah:-     1. Wuxuu weydiistay dhaqaale iyo in loo hubeeyo 200 oo ciidan ah uu ku qabsado Laasanod iyo Buuhoodle.   2. In xilka laga qaado Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Somaliland.   3. In Khatumo lagu taageero lacag dhan 1 million oo dollar   Maamulka Somaliland ayaa ku…

Read More

Madaxweyne xigeenka Dawlada Puntland Eng Cabdixakiin Xaaji Cumar Camey,ayaa dib ugu fasaxay shaqadiisii agaasimihii hay’ada socdaalka iyo jinsiyadaha Puntland oo maalmo ka hor uu shaqso joojin ku sameeyay.   Ma cada sababta dhabta ah oo markii hore shaqada looga joojiyay agaasimaha,sidoo kale si cad looguma qeexin waxa loo cuskaday dib u fasixida shaqadiisa agaasimaha hay’ada socdaalka iyo jinsiyadaha Puntland wareegtada maanta soo baxday. Halkan ka akhriso:-

Read More

Wararka ka imaanaya Magaalada Gaalkacyo,ayaa sheegaya in Nin Ku Hubeeysan Qoriga loo yaqaano Ake-47 uu Toogasho ku dilay mid kamida Saraakiisha Ciidamada Booliska Puntland.   Warsan Faarax Yacquub oo ah Gabar ka tirsan Saraakiisha Ciidamada Booliska Puntland ayaa lagu dilay Weerarka Hubeeysan ee ka dhacay Magaalada Gaalkacyo,waxaana la sheegay inuu baxsaday Ninkii Falka Dilka ah geystay.   Lama oga falkan inuu xiriir la leeyahay kuwii hore ee ay magaalada Galkacyo ka gaysan jireen kooxo loo malaynayo inay xiriir la leeyihiin Al Shabaab iyo in kale.   Toogashada ayaa ka dhacday Taliska qaybta gobolka.

Read More

Wararka ka imaanaya Gobolka Baay ayaa sheegaya in Qarax Miino loo dhigay Gaari Nooho ah oo Qaad ka soo qaaday Degmada Bardaale ee Gobolka Baay una socday Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay. Qaraxa ayaa Gaariga ku Haleelay inta u dhaxeysa Degmada Bardaale iyo Awdiinle,waxaana la sheegay in ay ku dhinteen illaa Afar Askari oo Saarnaa Gaariga Qaadka u siday Magaalada Baydhabo. Saraakiisha Ciidamada Maamulka Koofur Galbeed ayaa Xaqiijiyay Dhimashada Afarta Askari ee ka tirsan Ciidamada Maamulka Koofur Galbeed.

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta booqday xarunta Ciidamada wadajirka ah ee fulinaya Qorshaha Xasilinta Caasimada Muqdisho ka dib howlgal ay saakay sameeyeen oo ay ku soo qabqabteen hub iyo aalado kale. Sidoo kale Ra’isul Wasaaraha ayaa shacab iyo arday la fariistay goobaha shaaha lagu cabo ee Wardhiigley isagoo la sheekeystay dhalinyaradii iyo ardeydii halkaas ku sugneyd.  Ra’iisul Wasaare Khayre oo hadal dhiirigelin ah u jeediyey ciidamada howlgalka Muqdisho ayaa ku ammaanay doorkooda geesinimada leh oo ay u istaageen inay shacabka Soomaaliyeed amnigooda iyo xasilloonidooda sugaan. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in maanta la joogo waqtigii…

Read More

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa maanta tagey Israel, halkaasi oo uu ku bixinayo booqashadiisa ugu horeysay isaga oo madaxweyne ah, wuxuuna doonayaa inuu dib usoo nooleeyo dadaallada heshiiska nabadeed ee muddo loo raadinayo Israel iyo Falastiin. Safarka Trump uu kaga yimid magaalada Riyadh ee dalka Sacuudiga ee uu ku tagay Tel Aviv ayaa ahaa mid taariikhi ah, ayada oo diyaaradda Air Force One ay markii ugu horeysay duulimaad toos ah isaga gudubtay labada dal. Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu iyo madaxweyne Reuven Rivlin ayaa ka mid ah kuwa kasoo qeyb galay xafladdii soo dhoweynta ee Trump loogu sameeyey garoonka diyaaradaha…

Read More

Madaxweyne ku xigeenka Puntland C/Xakiin Cumar Cameey ayaa sheegay in Dhallinayro ka tirsanaa Al-shabaab oo ay dagaal ku qabteen islamarkaana ku wareejiyeen Xarun ku taalla Muqdisho la siidaayay. Waxaa uu Sheegay Madaxwene Cameey in Dhallinyaradaas dhaqan celin ahaan loogu wareejiyay xarunta Elman ee Dhallinyarada lagu dhaqan celiyo. Dhallinyaradaas ayuu sheegayaa in qaarkood la siidaayay kaddibna ay dib ugu laabteen Al-shabaab,iyaga oo mar kale dagaallamayana ay gacanta ku dhigeen. Camey ayaa sheegay in mar kale Dhallinyaro ka tirsan Al-shabaab oo ay gacanta ku dhigaan asyan u wareejin doonin Muqdisho,taas beddelkeedana ay iyagu heyn doonaan. Waxaa uu xusay in Puntland aysan markii…

Read More

Wararka aanu ka helayno degmada Ufayn ee gobolka Bari ayaa sheegaya in halkaas maanta si rasmi ah loogu soo doortay gudoomiyaha iyo gudoomiye ku-xigeenka golaha deegaanka degmadaasi. Munaasabadda doorashada ayaa waxaa goob joog ka ahaa gudoomiye ku-xigeenka labaad ee gobolka Bari Axmed Xaaji iyo mas’uuliyiin kale, shacabka degamdaasi iyo xildhibaanada golaha deegaanka. Doorashada ayaa timid kadib markii xilkii laga xayuubiyey gudoomiyihii hore ee degmada islamarkaana uu xilka iska casiley gudoomiye ku-xigeenkii hore ee degmadaasi.

Read More

Madaxweyne kuxigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Egn. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey ayaa maanta subaxnimadii 22 May 2017 qasriga Madaxtooyada Garoowe kulan kula yeeshay  wefti uu hogaaminayo Madaxa xafiiska xaquuqul insaanka qaramada midoobey ee Soomaaliya Mr. Bahame Tom. Kulanka uu kusimaha Madaxweynuhu laqaatay Weftigani ayaa waxaa ku wehelinaayey Masuuliyiin ka tirsan golaha wasiirada Dawladda Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland. Kulan gaar ah oo ay wadda qateen madaxweyne kuxigeenka iyo weftiga uu hogaaminayey Mr. Bahame Tom kadib ayaa waxa ay si wadajira ula hadleen warbaahita, waxaana uu sheegay madaxweyne kuxigeenku inay ka wada hadleen weftigani ilaalinta xaquuqda…

Read More

Madaxweynaha Mareykanka Dolland Trump ayaa Riyadh kula kulmaya madaxda Carabta iyo Islaamka, isaga oo hadlakiisa ku bilaabay mahadcelin uu u jeediyay Sacuudiga. Mr. Dolland Trump waxaa uu madaxda Carabta iyo Islmaaka u sheegay in maanta ay bilaabayaan bog cusub oo weligii jiri doona.   Madaxweynaha Mareykanka waxaa uu sheegayaa in heshiiska uu la galay Riyadh gaarayo 400 Bilyan Dollar oo shaqo abuur u sameyn doona Sacuudiga iyo Mareykanka iyo Sacuudiga oo heli doona taageero militari oo wax badan ka badali doona awoodda Sacuudiga.   Trump waxaa uu dalalka Carabta iyo Islmaaka u sheegay in dadka Muslimiinta ay hoggaamiyaan iska dhicinta…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa kormeer ku tagey qaar kamid ah Dugsiyada ay ka socdaan Imtixaanka Shahaadiga ah oo guud ahaan maanta dalka oo dhan ka dhacaya. Iyadoo ay soo diyaarisay Wasaaradda Waxbarashada ee xukuumadda Soomaaliya.  Mudane Xasan Cali Kheyre oo weheliyo Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Mudane Cabdiraxmaan Cusmaan Daahir ayaa ugu horeyn tagey Iskoolka 15 May oo kamid ah goobaha lagu qaadayo Imtixaanka, wuxuuna boggaadiyey Ra’iisul Wasaaruhu sida habsamida ah ee u soconayo Imtixaanku. Iyadoo guud ahaan Imtixaankan ay geli doonaan 27,000 oo arday kuwaas oo ku kala sugan Gobollada dalka. Ra’iisul Wasaare…

Read More

Shirkan ayaa waxaa maalgalinaya inta uu socdo Urur goboleedka IGAD waxana uu socon doonaa mudo laba maal mood ah. Cabdiwaxaad Maxamed Xirsi oo Ah Sargaal ka socday IGAD Oo Furay Shirkan ayaa sheegay in Shirkan uu hordhac u yahay Shirweyne Balaaran oo Loo Qaban doono Guud ahaan Dadka somaliyeed, wuxuuna sheegay in muhiimada ay ka leeyihiin ay tahay in La helo Xog u ruurin saxa oo La xiriirta Baahiyaha ay qabaan Maamuladu, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dekedaha gadiidka badda iyo La dagaalanka Burcad badeeda Puntland Cabdimajiid samatar Maxamud Jaafaan, ayaa xusay in inta uu socdo Tababarkan in wax badan la…

Read More

Furitaanka khadkan cusub waxaa loo qabtay munaasabad ballaaran oo ay ka qaybgaleen Masuuliyiin ka socday dowlada Puntland, Ganacsatado, Isimo, Culuma’udiin iyo madaxda shirkadda Daalo Airline ee Puntland.   Jadwalka cusub ee shirkadda Daallo wuxuu noqonaya in Maalin kasta oo sabti ay rakaabka ka qaadi doonto Bosaso, toosna u gayn doono Dubai, Maalinta Axadda waxay ka soo qaadi doontoo Dubai-Bosaso oo toos ah,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/VzgXq-Aoj2o

Read More

Madaxweynaha Dawlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo waftigisii oo maalmahan booqasho ku marayay dalal kamid ah qaarada Yurub ayaa maanta soo gabagabeeyay socdaalkoodii Sweden ay ku joogeen,   Madaxweyne Gaas iyo waftigiisa ayaa hada u jihaystaydalka Finland oo uu maalmaha oo socdo kulmao kula qaadand oono masuuliyiin ka tirsan dawlada Finland iyo qurbajoogta somaliyed ee ku nool dalkaas.   Qabanqaabada soo dhaweynta madaxweynaha ayaa hada si weyn uga socota Finland,hoos ka daawo faalada idil tv ee socdaalka madaxweynaha. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/vD0WX2VyIEE

Read More

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa xalay oo ay taariikhdu ahayd19/5/2017 loogu sameeyey xaflad soo dhoweyn ah magaalada Guthenberg ee dalkaasi Sweden.   Xafladan lagu soo dhoweynayey Madaxweynha Dawladda Puntland oo ahayd mid si wanaagsan loo soo agaasimay ayaa waxaa soo qabanqaabisay jaaliyada Puntland ee magaalada Guthenberg, xafladaasi oo ay ka soo qayb galeen dhamaan soomaalida ku dhaqan magaalada Guthenberg.   Sidoo kale madashii lagu qabtay xaflada soo dhoweynta ah ee lagu maamuusayey Madaxweynaha Dawladda Puntland iyo waftigiisa ayaa iyana waxaa kasoo qayb galay jaaliyadaha iyo wakiilada Dawladda Puntland ee wadamo…

Read More

Madaxweynaha Dawlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo waftigisii oo maalmahan booqasho ku marayay dalal kamid ah qaarada Yurub ayaa maanta soo gabagabeeyay socdaalkoodii Sweden ay ku joogeen,   Madaxweyne Gaas iyo waftigiisa ayaa hada u jihaystaydalka Finland oo uu maalmaha oo socdo kulmao kula qaadand oono masuuliyiin ka tirsan dawlada Finland iyo qurbajoogta soamliyed ee ku nool dalkaas.   Qabanqaabada soo dhaweynta madaxweynaha ayaa hada si weyn uga socota Finland.     Lsoco idilnews wararka socdaalka madaxweynaha.

Read More

Madaxwenaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goordhaw ka dagay garoonka diyaaradaha magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sacuudiga.   Farmaajo ayaa dalka Sacuudi Carabiya kaga qeyb galaya shirka ay halkaasi ku yeelanayaan Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Turum iyo Hogaamiyaasha Wadamada Islaamka, shirkan ayaana looga hadli doonaa arimo kala duwan.   Arimaha Muhiimka ah ee looga hadli doono shirkaasi ayaa waxaa kamid ah xoojinta xariirka Dowlada Mareykanka iyo wadamada Islaamka iyo sidii dagaal mideysan loola gali lahaa Kooxaha loogu yeero argagaxisada.   Soomaaliya ayaa kamid ah goobaha ay ka jiraan dagaalada ay wadaan kooxaha islaamiyiinta, waxaana Shirkaasi laga yaabaa…

Read More