Author: Jibril Qoobey

Shirkadda Microsoft ayaa sheegaysa in weeraradii jimcihii lagu qaaday computerada ilaa 150 waddan ay tahay in dowladaha caalamka ay u arkaan mid uun billow ah oo ay tahay in ay wax ka qabtaan. Microsoft waxa ay sheegtay in shirkado badan ay ku guul dareysteen in ay hannaankooda koombiyuutarada casriyeeyaan, arrintaas oo ay sheegayaan in ay sababtay in Virus-ku uu faafo. Sida ay sheegayaan khubarada farsamada casriga ah, Viruskan ayaa si gaar ah uu u beegsanaya qaybta gabowday ee aaladda Microsoft’s Windows, arrintaa oo markii hore ay shaaciyeen sirdoonka mareykanka. Waxaana hadda jirta cabsi ah in khatartu ay ka sii dari…

Read More

Masuuliyiin sarsare oo ka tirsan baarlamaanka dalka Maraykanka ayaa madaxweyne Donald Trump ugu baaqay in uu soo wareejiyo dhammaan cajaladaha laga duubay wada hadaladii dhexmaray isaga iyo hogaamiyihii hay’adda FBI-da James Comey ee uu shaqada ka tiray.   Hogaamiyaha xubnaha aqalka Senetka ee xisbiga Dimuqraadiga Charles Schumer ayaa ka digay in tirtiridda cajaladahaas ay sharciga ka soo horjeeddo.   Lindsey Graham oo isna ka tirsan Senate-ka kana mid ah xisbiga Jamhuuriga ayaa sheegat in loo baahan yahay in “Aqalka Cad” ee Maraykanka looga arrimiyo uu caddeeyo in cajaladaha la sheegayo ay jiraan.   Hadaladan ayaa yimid ka dib markii Trump…

Read More

Degaanka Labi-caanood ee Bariga Magaalada Dhuusamareeb ayaa weli halkaas ay ka jirto Xiisad Colaadeed oo u dhexeysa Labo Maleeshiyo Beelood oo Shalay halkaas ku Dagaalamay.   Dagaalkii Shalay ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 7 Qof halka ay ku dhaawacmeen in kabadan 10 kale.   Maleeshiyaadkii ku Dagaalamay Degaanka Labi-caanood ee Bariga Gobolka Galgaduud ayaa la sheegay in ay weli isku Hub Aruursanayaan,iyadoo Xilli kasta la filan karo Dagaal Labada Dhinac dhexmara.   Dagaalka ayaa la sheegay inuu Sababay Dhul Daaqsin ah oo ay isku qabteen Maleeshiyo Beeleedka ku Dagaalamay Bariga Gobolka Galgaduud,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka…

Read More

Dowlada Kuuriyada Waqooyi ayaa maanta oo Axad ah tijaabisay gantaal kuwa riddada dheer ah oo gaari kayara ilaa 4,500 kiilo-mitir. Aqalka Cad ee looga taliyo Mareykanka ayaa ugu baaqay dhamaan dalalka inay Kuuriyada Waqooyi saaraan cunaqabeyn adag. Goor sii horreysay oo maanta ah, dowladaha Japan iyo Kuuriyada Koofureed ayaa si kulul u cambaareeyey gantaalka ay Kuuriyada Waqooyi ridday. Waxay tallaabadaasi ku tilmaameen mid handadaad ku ah gobolka isla markaana ku xadgudbeysa qaraarki Qaramada Midoobay ee barnaamijka hubka Kuuriyada Waqooyi. Ra’isulwasaaraha Japan, Shinzo Abe ayaa ku amray dowladiisa inay heegan gasho. Shiinaha ayaa ku baaqay xasilooni si looga hortago xaaladda sii…

Read More

Emmanuel Macron ayaa loo dhaariyay xilka madaxweynaha cusub ee Faransiiska, todobaad ka dib markii uu ku guulaystay doorashadii dalkaasi ka dhacday. Macron ayaa ballanqaaday in uu isbedel ballaaran ku samayn doono siyaasadda dalkaasi, uuna soo nooleyn doono dhaqaalaha. Balse arrimahaasi ayaa ku xirnaan doona sida uu xisbigiisa cusub ee “The Republic on the Move” uu ugu guulaysto doorashada baarlamaanka ee dhacaysa bisha soo socota. Weriye ka tirsan BBC ayaa sheegaya in haddii uu Macron ku guuldaraysto isbedelka uu ballanqaaday, uu noqon doono sida madaxweynaha xilka ku wareejiyay, Francois Hollande, kaasoo waqtigiisu dhammaaday asagoo aan shacbiyad badan haysan. Boqolaal boolis ah…

Read More

Roobab xooggan ayaa ka da’ay dhulweynaha Puntland, waxaana roobabkaasi ay sababeen dhimashada illaa shan qof, sidoo kalena daadadka ka dhashay roobabku waxay hakad geliyeen isu-socodka gaadiidka.   Labadii maalmood ee u danbeeyay ayaa Puntland waxaa six oog leh uga da’ay roobab mahiigan ah,waxaana inta badan hada doogsaday deegaamadii abaartu sida daran u aafaysay.

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fadaraalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo dalka Qatar uga qeyb galay shirweynaha Caalamiga ah ee looga hadlayo iskaashiga dhinacyada xasilinta dhaqaalaha iyo siyaasadda ayaa ka jeediyay khudbad uu kaga hadlayo xaaladda guud dalka, gaar ahaan daruufaha jira, horumarka dalka iyo sida ay lagama maarmaan u tahay in caalamka uu u soo jeesto sidii ay gacan uga geysan lahaayeen horumarinta amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha Qaxootiga.  “Adduunka intiisa badan waxaa heysto daruufo badan, balse Soomaaliya si gaar ah waxaan ka codsaneynaa adduunka inaysan indhahooda ka qaadin Soomaaliya, taasi oo daruufo badan soo daashaday oo ay hadda tahay…

Read More

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa daah furay shir looga hadlayo hanaanka dib u eegista dastuurka.  Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Wasaarada Dastuurka ee Xukuumadda Soomaaliya ayna ka qeyb galeen Wasiirada Dastuurka ee Maamul goboleedyada dalka ayaa socon doono muddo saddex cisho ah, kaasi oo looga hadli doono hanaanka dib u eegista qabyo qoraalka dastuurka ee dalka, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya,  Wasiirka Dastuurka, Xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale oo kulanka lagu casuumay. Wasiirka Dastuurka ee Xukuumadda Soomaaliya Avv.Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil ayaa sheegay in Wasaaraddu ay ka go’antahay…

Read More

ANIGA IYO YUUSUF: Hor-dhac (Preview): Ma garanaayo ilaa iyo haddatan la joogo oo muddo dheeri ka soo wareegatay sababta uu ninkaasi igu maagay, mana garanaayo waxa aan ka bi’iyey, wuxuuse iigu xadgudbay si weyn, wuu i ciilay anigoo weliba ku nool dal aan la isku ciili karin oo sharcigu ku xoog badan yahay, malaha Soomaalinimadaan ugu turayee, malaha dumarnimadaa i nugleysiisay, malaha shaqada ha waayin baan is lahaaye, malaha dalkaagi dagaal baa halakeeyey shaqana kama jirto ee halkaan isku dhaji baan is lahaa, malaha caruur baad korsataaye ceyr ha mudan baan is lahaa, malaha, malaha, malaha ma garan karo sababta…

Read More

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in Uu Warqad codsi ah u diray Gudoomiyaha Baarlamanka Puntland, Kana Codsaday in Uu Furo Fadhiga baarlamanka, si loogu soo daro Beelaha Ka maqan,   “Waxaan qoraal u gudbiyey Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland, waxaan ka codsaday inuu furo Baarlamaanka , si dadka ka maqan ee reer Puntland ay xubno ugu yeeshaan, Waxaana Hadda ka maqan 50 % qabiiladda Puntland ”   “Dad badan ayaa ka maqan xitaa beelaha dhexdooda , Majeerteenka dhexdiisa dad waa ku jiraan kuwana kuma jiraan, Waa Cadaalad Darro, maxay ku dhacday , marka awal xal haday ahayd sidan hada xaq baan raadinaynaa, Ayuu…

Read More

Weerar ballaaran oo dhanka internetka oo la rumeysan yahay in loo isticmaalay qalab laga soo xaday Hay’adda Ammaanka Qaran ee Mareykanka ee NSA ayaa waxaa lagu qaaday hay’ado ku kala yaal daafaha dunida.   Shirkadda Avast ee ka shaqeysa ammaanka internet-ka ayaa sheegtay in ay aragtay 75,000 oo kiis oo ah waxa loo yaqaan WannaCry oo lagu doonayo madaxfurasho oo ka dhacay caalamka oo dhan. Waxaa jira warar sheegaya in weerrarkan uu saameeyay 99 dal oo ay ka mid yihiin Ruushka iyo Shiinaha.   Meelaha sida weyn uu u saameeyay weerrarkan waxaa ka mid ah hay’adda Addeegga Qaran ee Caafimaad…

Read More

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa lagu waddaa in todobaadkaan Gudihiisa uu u safro Magaalada Qaahira ee Caasimadda dalka Masar.   Madaxweyne farmaajo ayaa Casuumad rasmi ah ka helay Madaxweynaha dowladda Masar Cabdulfitaax Al-siisi,   Labadda Madaxweyne ayaa kulankooda uga wada xaajoon doona xiriirka ka dhaxeeya labada dal iyo taageerada dowladda Masar ay siiso dowladda Soomaaliya.   Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay safaro ugu tagay dalalka Urdun, Imaaraadka Carabta, Kenya, Sucuudiga , Turkiga , Itoobiya iyo UK..waxuuna noqon doonaa safarkan kii sideedaad oo uu dalka uga baxo.

Read More

Waxaa kullankan shir guddoominayay Guddoomiye Taabit Cabdi Maxamed, waxaana kasoo qeybgalay Taliyaha ciidanka xoogga dalka Sareeye Gaas Axmed Jimcaale Geeddi, Taliyaha Ciidanka Nabad ilaalinta AMISOM iyo Taliya Qeybta Gobalka Banaadir ee Ciidanka Boliiska.   Duqa Magaalada Muqdisho waxuu saraakiisha uu la kulmay ka kala dalbaday in ay xoojiyaan sugida amniga iyo in ay garab siiyaan Gudiga golaha Amniga Gobalka Banaadir oo dhawaan la magacaabay si loo sugo Xasiloonida magaalada Muqdisho maadama ay fooda nagu soo heyso Bisha Barakeysan ee Ramadaanka.   Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed ayaa dhankiisa tilmaamay in saraakiisha uu la kulmay ay…

Read More

Somaliland ayaa faah-faahisay sida loo kala qeybsaday faa’iidada kasoo baxeysa dekedda magaalada Berbera. Maalmihii lasoo dhaafay waxa magaalooyinka Somaliland aad loo hadal hayay in 19% faa’iidada ka soo baxaysa dekedda magaalada Berbera qayb ahaan loo siiyay dawladda Itoobiya. Warkan ayaa soo baxay markii Shirkadda laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta ee Midoobay ee DP WORLD oo ballaadhin ku samaynaysa dekedda Berbera ay dorraad la wareegtay. Afhayeenka madaxweyne Siilaanyo, Xuseen Aadan Cige (Deyr) ayaa VOA u sheegay in saamiga la siiyay Itoobiya aanay ahayn mid ay Somaliland bixisay. Waxaanu sheegay in sharciyan ay shirkadda DP WORLD oo saamigaasi siisay Itoobiya ay xaq…

Read More

Madaxeynaha Soomaaliya iyo wafti uu hogaaminayo oo maalmahan ku maqnaa magaalada London ee dalka UK ayaa dalka dib ugu soo laabtay kadib markii ay kasoo qeyb galeen shirka looga hadlayey arrimaha Sooomaaliya ee halkaasi ka dhacay.  Madaxweynaha iyo waftigiisa waxaa garoonka kusoo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan dowladda.

Read More

Ra`iisal wasaaraha Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta waxa uu safar ku aaday dalka Kaasi Qadar halkaas oo si diirran ay ugu soo dhaweeyeen masuuliyiin ka tirsan dalkaasi oo garoonka diyaaradaha magaalada Doxa kaga hor tagay.   Rw Khayre ayaa magaalada Doxa kula kulmi doona madaxda dalka Qadar iyo kuwo kale oo ka socda beesha caalamka oo uu kala hadli doono arrimo khuseeya Soomaaliya.   Wafdiga Ra’isawasaaraha ayaa saakay waxa ay ka ambabexeen caasimadda Muqdisho.

Read More

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa uga digay agaasimihii FBI-da ee uu xilka ka qaaday, James Comey, in uu warbaahinta si qarsoodi ah xog u siiyo. Qoraal uu ku baahiyey barta uu ku leeyahay Twitter-ka ayuu ku yidhi Comey “waa inuu ogaadaa in aan wadahadalladii na dhex maray aan la duubin” hadalkaas oo ujeedada uu ka leeyahay tahay in hadii uu Comey hadal duuban soo badhigo uu noqon doono mid ka duwan hadaladii ay hore isku dhaafsadeen. Comey oo hormuud ka ahaa baadhitaan lagu hayo in ay suurto gal tahay in xafiiskii ololaha Trump iyo saraakiil Ruush ahi iska kaashadeen sidii…

Read More

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo weftigii balaadhnaa ee uu hogaaminayey ayaa kala qayb galay Jaaliyada Soomaaliyeed ee magaalada London habeenimadii Jimcaha 12/05/2017 xaflad soo dhawayn ah uu ay u sameeyeen madaxweynaha iyo weftigiisa. Xafladan soo dhawaeynta ah ee madaxweynha dawladda Puntland  iyo weftigiisa lagu maamuusayey ayaa waxaa soo qabanqaabisay jaaliyada Puntland ee magaalada London oo ah Jaaliyad aad u balaadhan marka loo eego jaaliyadaha kale ee Soomaalida ee ku sugan wadamada isutaga boqortooyda ingiriiska. Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa waxaa ku weheliyey safarkiisa shaqo wasiirka Qorshaynta iyo Xidhiidhka Caalamaiga Shire Xaaji Faarax, Wasiirka Dekadaha iyo Ladagaalanka Budhcad…

Read More

Diyaarad sidda 67 Soomaali ah oo laga soo tarxiilay dalka Maraykanka ayaa kasoo degtay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho. Saraakiisha socdaalka ayaa sheegay in dadka lasoo tarxiilay haatan lagu diiwaangelinayo garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho. Waxa ay saraakiishu sheegeen in mas’uuliyiinta Maraykanku u sheegen Soomaalida in dadkan ay ku jireen xabsiyo ku yaalla Maraykanka halka qaar kalena ay ku guuldarraysteen inay magangelyo helaan. Waa kooxdii saddexaad ee muwaadiniin Soomaali ah ee laga soo tarxiilo Maraykanka tan iyo intii uu xukunka Maraykanka qabtay Madaxweyne Donald Trump. Bishii Jannaayo waxaa lasoo tarxiilay 90 qof, halka bishii Maarso lasoo tarxiilay 68 qof.hoos ka daawo…

Read More

Madaxweynaha Farmaajo iyo wasiirka socdaalka iyo jinsiyadaha Canada Axmed Xuseyn,ayaa kullan gaar ah magaalada London kula yeeshay Wasiirka Socdaalka, Qaxootiga iyo jinsiyadaha dalka Kanada. Madaxweyne farmaajo iyo Axmed Xuseyn waxyaabaha ay kawada hadleen,ayaa waxaa kamid ahaa:-   1.Xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, 2.Dardar gelinta iyo kordhinta taageerada Dowladda Canada siiso Soomaaliya,   Madaxweyne Farmaajo ayaa aad ugu amaanay wasiirka socdaalka Canada heerka uu ka gaaray siyaasadda Canada islamarkaana ay muujineyso dedaal dheeraad ah, waxa uuna uga mahadceliyey dowladda Canada taageerada joogtada ah oo ay la garab taagantahay shacbiga Somaliyed.   Dhanka kale Wasiir Axmed Xuseyn,ayaa dhankiisa ballanqaaday inay dowladda…

Read More

Cajam, Carab iyo Cuddoon   Maalin maalmaha ka mid ah ayaa Cajam iyo Carab lugabaxsi isu raaceen. Waxay arkeen inan gashaanti ah oo jaah iyo joog Eebbe u dhammeeyey oo Cuddoon la yidhaahdo oo aqalkoodii ku sii socota.   Carab ayaa yidhi: “Jeclaan lahaayaa in aan u tago oo la soo haasaawo.”   Cajam baa isna yidhi: ”Jeclaan lahaayaa in inantu ay ii timaaddo oo aan gurigayga ku casumo.”   Cuddoon ayaa wada maqlaysay hadallada labada nin ay is-weydaarsanayeen. Kolkaas ayay tidhi: ”Ninba kaskiisa ayuu hadlaa.”   Maxamed Xasan ”Alto”   Helsinki, 09.05.2017   xasan_maxamed@hotmail.com

Read More

Muqdisho, 11 May 2017 – Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Kheyre. Arrimaha kulanka looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Amniga iyo Xasilinta Dalka iyo Shirka London ka furmay shalay. Golaha Wasiirada ayaa ugu horreyntii soo dhoweeyey Shirka London isla markaasna u mahadceliyey Dowladda UK oo door hoggaamineed ka qaadatay sidii shirkaas u dhici lahaa oo shacabka iyo Dowladda Soomaaliya looga saacidi lahaa dhanka nabadeynta, sugida amniga, iyo sidii dalka looga hirgelin lahaa doorashooyin hal cod iyo hal qof ah. Sidoo kale Golahu waxey…

Read More

Madaxweynaha Puntland oo weli ku sugan Magaalada London, kana mid ahaa Madaxdii Somalida ee shirkaasi ka qaybgashay ayaa sheegay in loo baahan yahay in laga baaraandeggo meelmarinta qoddobadii ka soo baxay shirkaasi la’isugu yimid. Shirkan oo diiradda lagu saaray arrimaha Soomaaliya, ayaa waxaa shir guddoominayay Madaxweynaha Soomaaliya, Ra’iisal Wasaaraha Ingariiska iyo Xoghayaha Guud Qaramada Midoobey, waxaana ka qaybgalay afartan dal oo daneeya arrimaha Soomaaliya iyo hay’adaha caalamiga ah,hoos ka dhagayso codka Madaxweynaha. Halkan ka dhagayso codka Madaxweyne Gaas

Read More

Diplomaasi Maxamed Maxamuud Nuur Caalim oo ka faalooda arrimaha Soomaaliya, kuna sugan magaalada Helsinki ee caasimada dalka Finland ayaa ku tilmaamay shirka London mid  guuleysan kara maadaama buu yiri dawladda Ingiriiska ay waxbadan ka ogtahay xaalada Soomaaliya shirkana iyada ay wadato. Doplamaasi Caalim ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in madaxda Soomaalida ay ku heshiin doonaan qodobada ka soo baxa shirka,hoos ka dhagayso codka Caalim. Halkan ka dhagayso codka Caalim

Read More

War murtiyeed oo ka kooban dhowr bog ayaa laga soo saaray shirkii arimaha Soomaaliya ee  London, ayadoo ay si wadajir ah shir gudoominayeen dowladda UK, madaxweynaha Soomaaliya mudane Maxamed C/laahi Farmaajo iyo xoghayaha guud ee qaramada midoobey ee Antonio Guteres.  Waxaa ka qeybgalay shirkaasi in ka badan 42 dowladood iyo ururo caalami ah oo daneynaya arrimaha Soomaaliya, ayadoo madaxdii ka qeybgashay ay isku raaceen is Soomaaliya uu ka jiro isbedel dhanka horumarka ah. Waxaa kamid ahaa qodobada ugu muhiimsan ee warmurtiyeedkaasi. (Humanitarian) Arrimaha bani’aadanimada; Ilaa shan qodob ayuu ka koobnaa waxaana ugu muhiimsanaa in walaac laga muujiyay xaaladda bani’aadanimo ee…

Read More

Waxaa goor dhow bilowday shirka caalamiga ee looga hadlayo Arrimaha Soomaaliya oo ka furmay Aqalka Lancaster House ee magaalada London. Shirka ayaa waxaa si wada jir u shir guddoominaya Madaxweynaha Soomaaliya, Ra’iisul Wasaaraha Britain Theresa May, iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey. Madax iyo wakiilo kala duwan oo ka kala socota illaa 50 dal ayaa ka qeyb galaya shirka, oo lagu wado in goor dhow khudbado ka jeediyaan. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa hada khudbad ka jeedinaya shirka, isagoo ugu horeyn u mahad celiyay dowladda UK, marti gelinta shirka London.hoos ka daawo muuqaalka shirka oo Toos ah. …

Read More

Munaasabadan oo aheyd mid si maamuus leh loo soo agaasimay, ayna ka soo qeyb galeen boqolaal dadweyne somaliyed oo ka kala yimdi gobolada dalka UK ,ayaa muujisay dareen isku soo dhawaansho madaxda somalida ah.   Waxaa xusid mudnayd sida ay u hadleen inta badan madaxda madasha ka hadashay.   Madaxweyne Gaas ayaa hadal kooban oo u badnaa kaftan waxuu ku yiri” “Waxaan ku raacsanahay Maryan Mursal oo waxaan leeyahay dhamaanteen waan wada farmaajeysanahay, waxaan leenahay farmaajo noo wada geeya, Laakiin farmaajo noogeeya waxay rabtaa in wax lagu daro, runtii waxa idiin muuqda waxaa waaye socodkayagu , tafararuq mahan, waa midnimo…

Read More

“Waxaan ku raacsanahay Maryan Mursal oo waxaan leeyahay dhamaanteen waan wada farmaajeysanahay, waxaan leenahay farmaajo noo wada geeya, Laakiin farmaajo noogeeya waxay rabtaa in wax lagu daro, runtii waxa idiin muuqda waxaa waaye socodkayagu , tafararuq mahan, waa midnimo Soomaaliyeed oo uu nagu hogaaminayo Madaxweynahayagu taasi ayaan u nimi london”ayuu yiri Madaxweyne Gaas.   Hadaladaas waxay qayb ka ahaayeen khudbadii madaxweyne Gaas ee xaflada London.hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/kI2TumJKG6U

Read More

”Waxaa laga hadlaa madaxweynayaal badan iyo Maamulo anigu waxaan ahay dadka aan rumeysneen Federaalism-ka, wax yar u kaadiya adeer, waxaa la yiri in kasta oo uu hadal fiican ahayn waxaa la yiric Nin dameer dabadiis ka degay dan buu mooday, in State-yo aan sameyno waxaan dan u moodnay inaan marka hore meel walbo lasoo dhiso kadibna hal meel isugu wada nimaadno , mahan inaan dan kale ka leenahay, madaxweynayaasha badan waa ka gudbi doonaa”.ayuu yiri Madaxweyne Axmed Madoobe.   Dad badan ayaa u arkay hadalkiisa mid waaqiciga ka turjamaya una dhawaa xaqiiqda ,sila markaana la oran karo ma ahayn hadal…

Read More

“Walalayaal waxaa ogtihiin 8dii Febraayo in Golaha shacabka oo metelaya shacabka Soomaaliyeed ay cod aqlabiyad ah ku doorteen madaxweynaha , meel walbo dal iyo dibadna la isaga soo baxay oo la taageeray,labo shay aan isweydiino maxaytahay ujeedada madaxweynaha aan taageernay , himiladda maanta maxaytahay, Soomaaliya nolol ayeey rabta , Soomaaliya waa tanaaday, qabiilkiina waa laga baxay , waxaana tusaale u ah sida sharafta ah ee doorashadaasi u dhacday.ayuu yiri Rw xigeenka fadaraalka.   Hadaladaas waxay qayb ka ahaayeen khudbadii Rw xigeenka fadaraalka uu ka jeediyay xafladii london ee madaxda soamlida ay u qabatay jaaliyada soamliyed ee Uk.hoos ka daawo muuqaalka.…

Read More

Waxaan rabaa inaan halkan idiinka cadeeyo Soomaali waa midowday, Shacabkeenu waa midoobey, qabiil iyo qurunkiisa waa tuurnay, waxaan rabnaa caawa inaan heshiis halkan ku galno. Anaguna waxaan ka shaqeyn doonaa Midnimo , dowlad wanaagsan, horumar iyo umadd Soomaaliyeed oo walaalo ah, midnimo waa wixii aan kusoo gaarnay 60kii ilaa 91dii”ayuu yiri madaxweyne farmaajo.   Hadaladaas waxay qayb ka ahayeen khudbad uu madaxweyne Farmaajo ka jeediyay xalay xafladii london loogu qabtay madaxda somalida.   Inkastoo khudbad aad u taabatay waaqiciga taagan aysan hayan hadana madaxweyne farmajao waxuu ku celceliyay oo la xusi karaa midnimo soamliyed iyo dawladnimo dib usoo laabata,hoos ka…

Read More

”Habaar in uu i haysto baan ka baqsanahay. Haddaan ahay Waraabe, maxay tahay musiibadani oo Maalig kelidey uun igu salliday?” Dhurwaa ayaa su’aalay, isagoo la warramaya Naftiisa. ”Duurjoogta kale hooggani ilama qabaan. Maxaan taa ku galabsaday oo ku mutaystay?” Waxay ugu jawaabtay: ”Ma jiro, innaba ha yaraatee, waxaad kaga duwan tahay dugaagga kale. Ma garan karo, anigu, oo iima muuqdaan waxa kelidaa ugu fongoran tahay. Iyada cuqubo, warkeeda daa! Waalidkaa inuu kuu duceeyo mooyee, abidkii kuma habaarin. Inanyahow, waxaad wadatid waa daandaansi iyo kibir! Is qaboojiyoo shayddaanka iska naar!” ”Naa, ma ismagangadaysaa?” Sayte, ”war isyeelyeeli maayee, iga dhab weeye. Waad…

Read More

Madaxweynaha Dawlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo waftigiisa ayaa booqasho ku tagi doona Dalka Norway.   Madaxweynaha ayaa casuumad ka helay dawlada Norway,waxuuna kula kulmi doonaa caasimada dalkaas madax ka tirsan dalkaas.   Dhanka kale Madaxweyne Gaas ayaa kulan balaaran la qaadan doona Jaaliyada Puntland ee Norway.   Madaxweynaha ayaa ku aadan Norway 15-ka bishan.     isha ku hay idilnews

Read More

President Uhuru Kenyatta Monday held talks with the President of the United Nations General Assembly, Mr Peter Thomson, on the need for the UN to increase funding for efforts to stabilise Somalia. President Kenyatta said the UN should do more to support the African Union Mission in Somalia (AMISOM) so that the force can play a bigger role in supporting the government of Somalia and neutralise terrorist threats in the country. The President said the UN also needs to give more funds to the government of Somalia so that it can do more to ensure the safety of her people.…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fadaraalka ee Somaliya Xasan Cali Kheyrre ayaa maanta shir guddoomiyey shirka Amniga, kaasoo ay ka qeyb galeen madaxda laamaha amniga dalka,waxaana lagu falanqeynayey sidii loo xasilin lahaa ammaanka Muqdisho.   Ra’iisul Wasaaraha oo shirka hadal ka jeediyay ayaa u soo jeediyey madaxda laamaha amniga in-ay dardar-geliyaan hawlaha sugidda amniga iyo xasilinta muqdisho.   Madaxda laamaha amniga qaranka ,ayaa iyaguna shirka ka hadley kana warbixiyey waxqabadka iyo qorshe hawleedkooda, iyagoo dhanka kalena ka dalbadey shacabka inay taageeraan barnaamijyada muqdisho lagu xasilinayo.   Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in amniga uu yahay muhiimadda koowaad ee dawladda ay…

Read More

On May 11, Somalia will be marking one of the most important milestones in the history of the country since the efforts to reconstruct the country begun in the year 2000. The Somalia International Conference will be held in London on 11 May 2017, after the United Kingdom galvanised the international community to bold on the new enthusiasm brought about by the election of the new government and to help maintain the momentum of a “New Somalia”. UK has taken a leading role towards Somalia and is the only western country that has a functioning embassy in Mogadishu, which shows…

Read More

Madaxweyne Farmaajo ayaa khudbada uu shirkaan ka jeediyay ku amaanay kaalinta qurbaha joogta ee dib u dhiska dalka iyo kaalinta ay ka qaateen kobcinta dhaqaalaha, wuxuuna ku dhawaaqay in dowladda dhisi doonto hay’ad qaabilsan qurba joogta qaranka. Shirkan oo saaka ka dhacay London ayaa looga hadlayay doorka Qurba joogta ee kaga aadan dib u dhiska dalka, kobcinta dhaqaalaha iyo arrimo kale. Khudbado kala duwan waxaa shirka ka jeediyay qurbo joog ka kala yimid Yurub iyo Ameerika oo ka hadlayay kaalinta qurba-joogta ee labaatankii sano ee la soo dhaafay. Maalinta berri ayaa lagu wadaa inuu furmo shirka arrimaha Somalia looga hadlayo,…

Read More

Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Ahna Sii Hayaha Xilka Madaxweynaha Eng. Cabdixakiim Xaaji Cabdullahi Cumar Camey ayaa maanta waxa uu caasimadda Garoowe kaga qayb galay munaasabad ay soo qaban saabisay Wasaaradda Caddaalada Puntland oo lagu dah-furayey xeerka Da’yarta Puntland. Munaasabassa waxa sidoo kale ka qayb galay Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi iyo sidoo kale masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan Golayaasha Dawladda Puntland, saraakiisha ciidamada, ururada haweenka iyo dhalinyarada, ardayda dugsiyada iyo jaamacadaha, xubno ka socday beesha caalamka iyo xubno kale oo muhiim ah . Wasiirka Caddaaladda Saalax Xabiin Jaamac ,Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caddaaladda Maxamed Cali Faarax iyo xubno…

Read More

Maalinta Khamiista ah ee 11-bishan ayaa waxaa Magaalada London ee dalka Ingiriiska ka Furmi doona shir looga xaajoonayo arrimaha Soomaaliya oo ay ka qeyb galayaan in ka badan 40 dowladood iyo ururo caalami ah.     Qorshayaasha hsirka horyaala ee looga doodi doono ayaa kala ah:-   1- Amniga, 2- kobcinta iyo dib u soo nooleynta dhaqaalaha 3-siyaasada iy dib u eegista dastuurka 4- Qaabka wada shaqeyneyd ee Soomaaliya iyo Beesha Caalamka.     Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo Ra’iisul Wasaaraha dalka Britain iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa si wadajir u shir guddoomin doona shirka.   Dhanka kale…

Read More

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa xilkii ka qaaday madaxii hay’adda dambibaarista ee FBI-da, James Comey. Aqalka Cad ayaa sheegay in Madaxweyne Trump uu go’aankiisa ku saleeyey talo cad oo uu ka helay xeer ilaaliyaha guud Jeff Sessions iyo ku xigeenkiisa. Go’aankan ayaa soo baxay ka dib markii Comey uu macluumaad khaldan oo ku saabsan baaritaannada iimeylada Clinton uu la wadaaagay koongareeska Mareykanka. Warqadda uu xilka kaga qaaday ee uu u diray Comey ayaa madaxweyne Trump uu ugu sheegay in uu ku guul darraystay in uu si haboon u hogaamiyo hay’adda FBI-da, isla markaasna ay lagama maarmaan u tahay in hogaan…

Read More

Gudiga dib u dhiska isbitaalka guud ee Gaalkacyo ayaa ka hadlay halka uu marayo dhismaha isbitaalka iyo waxa u qabsoomay . Gudiga ayaa sheegay in dhismaha isbitaalku uu heer gabagaba ah marayo,isla markaana dhaqaalaha lagu dhisayay oo gaarayay lix boqol oo kun oo dolar ay ka hayaan oo kaliya labo boqol oo kun dolar. Gudiga ayaa intaas ku daray in hada la joogo wajigii labaad ee la siin lahaa dhaqaalaha shirkada dhisaysa isbitaalka. Gudigu wxauu ka codsaday shacabka iyo xukuumada Puntland in ay qayb ka qaataan dib u dhiska isbitaalka oo kharashka la bixiyaan.hoos ka daawo muuqaalka oo faahfaahsan. …

Read More

Waxaa xilkii uu ka qaaday talyaha Booliska Puntland Jeneral Ereg,talyihii qaybta Booliska ee Gobolka Mudug Cismaan Xasan Cuuke (Afdalow). Afdalow oo xili aan fogayn loo dhiibay hogaaminta Booliska mudug ayaa waxuu warbaahinta u cadeeyay in xilkaas laga qaaday,isla markaana uu ku wareejiyay masuul kale oo talyuhu usoo magacaabay hogaaminta Booliska Mudug.   Col Afdalow ayaa mudadii yarayd ee uu xilka Booliska Mudug hayay waxuu qabtay hawlo badan ,isla markaana wax weyn ka badalay amnigii Gobolka iyo gaar ahaan kii magaalada Galkacyo oo xiligaas aad u liitay. Mahan markii ugu horaysay oo xilka qaadsi lagu asmeeyo Col Afdalow,balse waxaa la oran…

Read More

Madaxweynaha dawlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafti uu hogaaminayo ayaa si balaaran loogu soo dhaweeyay magaalada London waxyar ka hor.   Madaxweyne Gaas iyo waftigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ee Hethrow kaga hortagay oo si weyn ugu soo dhaweeyay jaaliyada Puntland ee dalka ingiriiska iyo masuuliyiin ka mid ah dawlada Uk.   Madaxweyne Gaas ayaa u tagay London ka qaybgalka shirweynaha looga xaajoonayo arimaha somaliya ee dawlada ingiriisku qabanayso,kaasoo qabsoomi doona maalinka khamiista ah,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/1TVVT8ngnDY

Read More

Sida uuu sheegay talyaha qaybta Booliska Gobolka Nuugaal Cabdirashiid Awmaxamuud in hawlihii Booliska ay faraha kula jiraan maamulka Gobolka. Talye Cabdirashiid ayaa intaa ku daray in ay maamulka Gobolka kala hadleen cabashadooda si cadna ugu sheegeen in ay faraha kala baxaan hawlaha booliska,balse maamulka gobolka ayuu sheegay in ay ka dhaga adaygeen walina sii wadaan faragalintoodii,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/Qr91U1c8CYA

Read More

Warar Dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Dagaal Maanta Al-shabaab iyo Ciidamada Dowladda ku dhexmaray Degaanka Goof-gaduud ee Gobolka Baay. Inta la Xaqiijiyay 12 Qof oo Dhinacyadii Dagaalamay u badan ayaa ku dhintay Dagaalkii ka dhacay Degaanka Goof-gaduud ee Gobolka Baay,waxaana la sheegay in 6 ka mida Ciidamada Dowladda oo Gurmad ahaan uga baxay Magaalada Baydhabo Qarax lala Eegtay ay ku dhinteen. Sidoo kale Dagaalka Maanta waxaa ku dhaawacmay in ka badan 15 Ruux oo labada Dhinac ee Dagaalamay u badan.   Shabaab ayaa Maanta Barqadii Weerar kusoo qaaday Degaanka Goof-gaduud ee Gobolka Baay,waxaana weli Goof-gaduud ka jirtaa Xiisad Dagaal,hoos…

Read More

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Axmed Maxamed Islaam iyo wafti hogaaminayo ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay London.   Madaxweynaha iyo waftigiisa ayaa waxaa si weyn ugu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Hethrow jaaliyada Jubaland ee dalka ingiriiska.   Madaxweyne Axmed madoobe,ayaa u tagay London ka qaybgalka shirweynaha looga xaajoonayo arimaha somaliya ee dawlada ingiriisku qabanayso,kaasoo qabsoomi doona maalinka khamiista ah. isha ku haya idilnews wararka safarka madaxweynaha.

Read More

Madaxweynaha dawlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafti uu hogaaminayo ayaa si balaaran loogu soo dhaweeyay magaalada London waxyar ka hor.   Madaxweyne Gaas iyo waftigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ee Hethrow kaga hortagay oo si weyn ugu soo dhaweeyay jaaliyada Puntland ee dalka ingiriiska iyo masuuliyiin ka mid ah dawlada Uk.   Madaxweyne Gaas ayaa u tagay London ka qaybgalka shirweynaha looga xaajoonayo arimaha somaliya ee dawlada ingiriisku qabanayso,kaasoo qabsoomi doona maalinka khamiista ah.     isha ku haya idilnews wararka safarka madaxweynaha.  

Read More

Wafti uu hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa saakay ka dhoofay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde isagoo ku sii jeeda Dalka Britain, halkaas oo uu Madaxweynuhu ku shir gudoomin doono shir Caalami oo laaga hadlayo Arimaha Soomaaliya.  Safarka madaxweynaha waxaa ku wehliyey R/wasaare ku-xigeenka Dalka, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda iyo Madaxweynaasha Dowlad Gobaleedyada Koonfur Galbeed, Hirshabelle iyo Galmudug. Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya C/nuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in shirkaas ay Dowladdu la hortagi doonto Qorshoyaal ku saleysan Baahida Soomaaliya Xiligan ay qabto. Ajandayaasha Shirka  London looga hadli doono ayaa kala ah Arrimaha Amaniga ,Kobcinta dhaqaalaha,Siyaasada ,Dib u eegista…

Read More

Madaxda Wasaaradaha Warfaafinta ee Dowlada Federaalka ee Soomaaliya iyo dawlad goboleedyada xubnaha ka ah Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya, oo ay wehliyaan ururadda weriyayaasha iyo warbaahinta gaarka loo leeyahay ee Soomaaliya, ayaa ku yeeshay Hoteelka Coconut Resort Beach ee magalada Muqdisho 6dii ilaa 8dii May 2017 Kulan wadatashi ah oo uu gudoominayey Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya. Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Mudane Mahdi Maxamed Guled (Khadar), ayaa furay shirka 6da May 2017, waxaana ka soo qaybgalay Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska (WWDHD) ee Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow), Wasiir…

Read More