Author: Jibril Qoobey

Qarax gaari ayaa goordhaw waxaa uu ka dhacay maqaahida Coffee Italia oo u dhaw xafiiska Immigration ee wadada Maka- Al-mukarama. Khasaare Dhimasho iyo Dhaawac ah ayaa lagu soo waramayaa in uu qaraxa ka dhacay, gawaariga gargaarka ayaa dadka u daad-gureeynaya Isbitaal Madiina iyo goobaha kale ee caafimaad. Shan Qof ayaa ku dhimatay Toban kalana Dhawac ayaa kasoo gaaray Sida ay kusoo waramayaan laamaha Caafimaadka Ee Magalada Muqdisho . Inta badan maqaayadaha ku yaalla Magaalada Muqdisho ayaa muddooyinkii u dambeeyay bartilmaameed u noqday qaraxyada loo adeegsado baabuurta oo ay mas’uuliyadiisa sheegato Al-Shabaab,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka…

Read More

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdi uu hogaaminayo oo ay ka mid yihiin Wasiiro,Taliyaasha Ciidamada iyo Madaxweynaha K/galbeed ayaa Safar dhanka Dhulka ah ku gaaray Maanta Magaalada Afgooye ee Gobolka Shabeelada hoose . Madaxweynaha soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa intaa kadib kulan la qaatay qeybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan Degamada Afgooye ee Gobalka Shabeelaha hoose,isagoo dhageystay Fikradahooda, Talooyinkooda iyo xaaladda ay ku jiraan dadka ku dhaqan Degamada,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/vVqEAIUeg-8

Read More

Qarax aad weyn ayaa goor dhow abaarihii 5:30 galabnimo ka dhacay magaalada Muqdisho. Qaraxan oo aad u xooganaa ayaa daryankiisa si weyn looga maqlay inta badan magaalada. Wararka hordhaca ah ee ku soo dhacaya ,ayaa sheegaya in qaraxan oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buxiyey uu ka dhacay maqaayad lagu magacaabo Italian Caffe oo ku taalla wadada Maka Al Mukarama kuna dhow gurigii hore ee shaqaalaha oo hadda xarun KMG ah u ah hey’ada socdaalka iyo jinsiyadaha dowlada Soomaaliya. Maqaayada oo aheyd goob shaaha laga cabo ayaa waxaa galabtii isugu imaan jiray dad fara badan waxaana la soo…

Read More

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama ayaa sheegay inuu rajeynayo in xubnaha aqalka congress-ka Mareykanka ay noqdaan kuwa ay ka go’an tahay “inay eegaan xaqiiqda, oo ay ka hadlanan runta, xitaa hadii taasi ay ka horimaneyso mowqifka xisbigooda”. Hadallada Obama ayaa yimid isaga oo magaalada Boston ku aqbalay biladda geesinimada ee John F. Kennedy, iyo maalmo kadib markii xubnaha aqalka wakiilada Mareykanka ee xisbiga Jamhuuriga ay ansixiyeen sharci beddel u noqon doona barnaamijka daryeelka caafimaad ee Obamacare. Obama ayaan soo hadal qaadin madaxweynaha beddelay ee Donald Trump iyo isku daygiisa uu ku doonayo in lagu baab’iyo oo lagu beddelo barnaamijka…

Read More

Ciidamada booliska Magaalada Boosaaso ayaa xabsiga dhigay nin muddo 25 sanno ku shaqaysanayay sixirka iyo nin kale oo kaaliye u ahaa, kaasi oo magaaladda yimid sanadkii 1992dii.   Talyaha Saldhiga bartamaha Boosaaso G/Sare Yuusuf Axmed ayaa sheegay in Labada nin ay ka soo qabteen guri ku yaal mid ka mid ah xaafadaha magaaladda, wuxuuna soo bandhigay alaabo kala duwan oo uu sheegay inay u adeegsan jireen sixirka, kuwasoo ka koobnaa Lafo Ari oo shiilan, Loox lagu dhajiyay Masaamiir, Caws, Baalka Xayawaanka loo yaqaan Caana-qubta, salool buskud iyo waxyaabo kale oo la isku tidcay.   ‘’Nimankaan waxaa soo qabtay ciidanka Booliska…

Read More

Xafiiska Madaxweyne Karzai Ashraf Ghani ayaa shaaciyay dilka hugaamiyihii ISIS ee gudaha dalka Afqaanistaan Cabdil Xasiib. Ghani ayaa sheegay in Cabdil Xasiib la dilay toban maalmood ka hor , ayna dileen hawlgal ay hugaaminayeen xoogaga gaarka ah ee Afqaanistaan ee gobolka bari ee Nangarhar. Waxaa loo malaynayaa in Cabdilxasiib uu ahaa madaxii ka danbeeyay weerar bishii marso ee lasoo dhaafay lagu qaaday isbitaal military oo ku yaala caasimada wadankaasi ee Afqaanistaan. Kaasoo sababay in ay ku naf waayaan dad gaaraya 3o qof. Bishii hore ayay ahayd kolkii ay wasaarada gaashandhiga ee Maraykanka ee bantagoonka ay baahisay, oo sheegatay in laga…

Read More

Dawladda Soomaaliya ayaa wafti horu dhac ah,waxay u dirtay Magaalada London ee dalka Ingariiska ,halkaasoo 11-ka Bishaan uu ka furmi doono Shir Caalami ah oo looga hadlayo Arimaha Soomaaliya. Waftigan ayaa loogu tala galay in ay lasii kulmaan Mas’uuliyiinta dowladda Ingiriiska ee Shirkan Marti gelinaya. Waftigan ayaa waxaa hoggaaminaya Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Qorsheynta hadana ah Madaxa Qaban qaabada shirka London ee dowladda Fadaraalka Cabdiraxmaan Ceynte . Cabdiraxmaan Ceynte ayaa sheegay in Shirkaan ay Faa’ido badan ay ugu jirto umadda Soomaaliyeed , islamarkaana dowladda Soomaaliya ay codsan doonto in laga cafiyo deymo badan oo lagu leeyahay,hoos ka daawo muuqaalka. …

Read More

Madaxweyne Gaas oo ka duulaya codsi uga yimid qaar kamid ah beelaha Puntland oo ka cabanaya qoondadooda Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland,ayaa qoraal codsi ah udirey Gudoonka Baarlamaanka Puntland.   Qoraalka codsiga ah ee Madaxweyne Gaas u diray gudoonka Baarlamaanka ayuu kaga codsaday in dib u eegis lagu sameeyo tirada xildhibaanada Baarlamaanka Puntland oo haday suuragal tahay kororsiimo lagu sameeyo.   Beelaha cabshada soo gudbiyay ee madaxweyne Gaas wax la doonayo xiligan ayaa kala ah:-   A.Leelkase   B.Awrtable   C.Tumaalo   D.Dir.   E.Mareexaan.     Waxaa la filayaa hadii Baarlamaanku codsiga madaxweynaha iyo cabashada beelaha tixgaliyo,isla markaana uu ogolaado in…

Read More

Wararka ka imanaya magaalada Muqdishu ayaa sheegaya in qarax lagu xiray baabuur uu goor dhowayd ka dhacay waddada Maka Al-Mukarrama. Qaraxan ayaa la sheegay inuu ka dhashay xagga hoose ee baabuurka ayna u muuqato in loola dan lahaa qofka baabuurka watay oo la sheegay inuu soo gaaray dhaawac. Wararka ka imaanaya magaalada Muqdishu waxay sheegayaan in qofka la beegsaday uu ka tirsanaa ciidamada saraakiisha dhexe ee amniga laguna magacaabo Cabdulqaadir Dinix, waxaana uu qaraxu dhacay xilli uu marayey kasoo horjeedka Huteelka Maka Al-Mukarama.

Read More

Emmanuel Macron ayaa ku guulaystay doorashada madaxtinnimada Faransiiska, asagoo helay ku dhawaad 65.5% codadkii la dhiibtay, halka haweeneydii la tartamaysay ee Marine Le Pen, ay heshay ku dhawaad 34.5%. Macron ayaa ah 39 jir aan horay loogu dooran wax xil ah, waxa uuna noqonayaa madaxweynihii ugu da’da yaraa ee soo mara Faransiiska. Mr Macron ayaa sidoo kale noqday madaxweynihii ugu horeeyay ee tan iyo sanadkii 1958 ka soo baxa xisbi aan ahayn labada axsaab ee ugu waaweyn Faransiiska. Waxa uu sheegay in bog cusub uu u furmay taariikhda Faransiiska. “Waxaan dhagaystay carada, walwalka iyo shakiga aad muujiseen qaar badan oo…

Read More

Madaxweyne kuxigeenka Dawladda Puntland ahna ku simaha Madaxweynaha Eng Abdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey ayaa maanta 07 May 2017 kulan kula yeeshay qasriga Madaxtooyada Garoowe kuxigeenka madaxa ugu sareeya hay’adda Unicef Cumar Cabdi, madaxa xafiiska Unicef ee bariga Africa iyo koofurta Africa, madaxa xafiiska Unicefe ee Soomaaliya iyo madaxa is gaadhsiinta  hay’addaasi Unicef . Madaxweyne kuxigeenka Puntland ayaa waxaa kulanka ku wehelinaayey masuuliyiin ka tirsan golaha wasiirada dawladda Puntland iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada Puntland. Madaxweyne kuxigeenka dawladda Puntland ayaa sheegay in ay weftiga ka wada hadleen abaarta baaxadale ee shacabka Soomaaliyeed wax yeelada u geysatay  iyo sidii loo caawin…

Read More

Maxkamadda Ciidamadda Qalabka Sida ee Puntland ayaa maanta xoriyadoodii u soo celiyay 11 qof oo lagu eedeeyay inay ka tirsanayaan Kooxda Al-shabaab, islamarkaana ay howlo argagixiso ka fulin lahaayeen Degaamadda Puntland. Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamadda ee 5ta gobolka Cabdi Fatax Xaaji Aadan oo go’aanka Maxkamada ku dhawaaqay ayaa sheegay in Maxkamadu ay ku wayday wax dambi ah iyo inay ka tirsanaayeen kooxda Al-shabaab,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka dawo muuqaalka https://youtu.be/wF4B4hPrJnM

Read More

Sideetan iyo laba ka mid ah gabdhihii iskuulayda ahaa ee sanadkii 2014 laga afduubtay magaalada Chibok, ayaa waxaa soo daayay ururka Boko Xaraam, waxaana hadda gacanta ku haya milateriga Nigeria, sida ay  sheegeen ila wareedyo.  Sii deyntan gabdhahan ayaa ka dhalatay wadaxaajood dhex maray dowladda Nigeria iyo ururka Boko Xaraam. Wararka ayaa intaa ku daraya in gabdhaha gawaari looga soo qaaday deegaan go’doon ah, ka dibna la geeyay saldhig ciidan oo ku yaalla Banki, taasoo u dhaw soohdinta ay Nigeria la leedahay Cameroon. Waa markii labaad oo ay dowladda Nigeria ku guulaysato soo celinta qaar ka mid ah gabdhihii laga…

Read More

Ciidanka dawladafadaraalka, ayaa dilay Hogaamiyihii Al-shabaab ee gobolka Shabeelaha Hoose iyo maleeshiyaad kale oo la socday, sida uu sheegay wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Eng: C/raxmaan Cumar Cismaan “Yariisow”  Hogaamiyaha la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Macalin Cismaan Cabdi Badil, waxaana Al-shabaab uu wakiil uga ahaa gobolka Shabeelada Hoose. “5tii May 2017 ayey Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ay dileen Hoggaamiyahii Al-Shabaab Maclain Cismaan Cabdi Badil iyo seddex maleeshiyaadka kooxdaas ah. Dhimashada hoggaamiyaha waxey wiiqeysaa awooda kooxda argagaxisada ah ee ka howlgasha Shabeelaha Hoose, taasoo ah guul weyn oo u soo hoyatay ciidanka iyo nabadeynta gobolkaas”ayuu yiri wasiirka Warfaafinta soomaaliya. Howlgalkan ciidanka ayuu sheegay…

Read More

Wasaaradda gaashaandhigga dalka Mareykanka ayaa sheegtay in askarigii dowladda Mareykanka looga dilay Soomaaliya la oran jiray Kyle Milliken.   Kyle, ayaa ahaa 38-jir ka soo jeeda Falmouth Maine kana soo dagaalamay wadamo kala duwan.   Qoraalka Wasaaradda gaashaandhigga, dhinaca kale waxaa lagu sheegay in Kyle uu ka tirsanaa ciidamada gaarka ah ee loo yaqaan Navy SEAL.   “Askariga waxaa uu ahaa nin qabiir ah, waxaa uu ahaa askari aad u wanaagsan, geeridiisa waxaa ay dhalisay wal-wal”, sidaasi waxaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay gaashaandhigga.   Davis afhayeenka ciidamada Maraykanka ayaa sheegay in illaa 50 askari oo Mareykan ah ay joogaan…

Read More

Codbixiyayasha Faransiiska ayaa maanta codkooda ka dhiibanaya wareegga ugu dambeeya ee doorashada madaxtinimada dalkaasi. Waxa ay kala dooranayaan Emmanuel Macron iyo Marine Le Pen, oo labaduba ballanqaaday in siyaabo kala duwan ay u wajihi doonaan dhibaatooyinka haysta Faransiiska. Doorashadan ayaa ah mid si weyn loogu tartami doono, afkaarta labada musharraxna ay isweyn isu diidan yihiin. Maalin un ka hor doorashada ayaa Emmanuel Macron waxaa laga jabsaday macluumaadka kombiyuutaradiisa, ayadoo xog badan oo ku saabsan ololihiisana baraha internet-ka lagu baahiyay. Madaxweynaha xilka ka degaya, Francois Hollande, ayaa sheegay in ay filayeen weerarro noocaasi oo kale, maadaama buu yiri “ay ka dhaceen…

Read More

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xafiis kiisa ka soo saaray digreeto xeer Madaxweyne Lr.49, kuna saabsan magcaabis Agaasimaha Guud ee Hay’adda Ladagaalanka AIDS Puntland (PAC). Madaxweynaha Dawladda Puntland.   Markuu arkay:             Dastuurka Dawladda Puntland. Markuu tixgeliyey.      Aqoontiisa iyo khibradiisa shaqo Wuxuu xeeriyey: Waxaa Cabdiqaadir Maxamed Axmed loo magcaabay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Ladagaalanka AIDS Puntland (PAC). Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madxweynuhu Saxeexo, wuuna saxeexay Madaxweynuhu.   –DHAMMAAD— XAFIISKA, WAR-FAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Read More

At least 29 schoolchildren and their teachers were killed in a bus crash in northern Tanzania on Saturday. Speaking to the Citizen, the Karatu District Commissioner Theresia Mahongo said, “Many, many school children have been killed. I can’t confirm the exact figures now.” According to eye witnesses and education officials in Karatu said out of those who died, 28 were school children and three adults. The bus was carrying the students from a primary school in Arusha for an examination on Saturday. Authorities are trying to recover the bodies trapped in the bus after it struck some trees.

Read More

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump, ayaa wuxuu ka hadlay askariga ka tirsan dowladda Mareykanka ee lagu dilay hawlgalkii ka dhacay Gobolka Shabellaha Hoose, hal habeen ka hor. Askarigan ayaa lagu dilay deegaanka Bariire ee Gobolka Shabellaha hoose, xilli ciidamada Mareykanka ay fulinayen hawlgal qorsheysan oo lagu qaaday saldhigyo Shabaab ku leeyihiin Bariire. Madaxweyne Trump, ayaa sheegay askarigaasi dhintay inuu u dhintay isaga oo gudanaya waajibaadkiisa qaran, wuxuuna tacsi u diray eheladda askarigaasi. Madaxweynaha dalka Mareykanka, ayaa sidoo kale ku hanjabay inay sii wadi doonaan hawlgalka ka dhanka ah Ururka Al Shabaab ee ciidamada Mareykanku ka wadaan Somaliya. War ka soo…

Read More

Waxaa magaalada garowe laga furay Hotel casriya oo ay malagashteen ganacasato reer Puntland ah. Hotelkan oo lagu magacaabo Grand Hotel ayaa waxaa xarig jarkisii ka qaybgalay madaxweyne xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey,masuuliyiinta Gobolka Nugaal iyo marti sharaf kale,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/KqJc0h_6O4o

Read More

Kismaayo, Jubbaland_Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam,ayaa maanta si rasmi ah ugu amba baxay Shirka London ee kaalmada loogu yaboohayo Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa sii mari doona Magaalada Nayrobi oo uu maalmo kadib uga sii gudbi doono London oo 11 bishan uu si rasmi ah shirku uga furmayo. Mudane Axmed Maxamed Islaam Waxaa uu sheegay in Jubbaland ay ahmiyada koobad siinayso nabadgalyada oo ah waxa ugu badan ee maanta Soomaalidu ay u baahan tahay si gaar ahna Jubbaland ay dhawaan gali doonto hawlgalo saf balaadhan ah oo Al-Shabaab gobolka lagaga xorayn doono. Waxaa uu hoosta ka xariiqay…

Read More

Goobaha Waxbarashada ee kismayo,ayaa maanta si rasmi ah ugu fariisteen ardayda waxkabarata Dhamaan xarumaha Waxbarashada imtixaanka sanad dugsiyeedka waxaana lagu bilaabay ardayda dhigata Dugsiyada Hoose iyo dhexe. Wasiir kuxigen ka wasaarada Waxbarashada jubbland mudane Ahmed Handal ayaa kutagay goobaha Wax barashada kormeer uu ugu kuur galayay ardayda maanta u fariiisatay imtixaan ka sanad dugsiyeed ka 2016 -2017. wasiir handal inta uu kormeer kujiray waxuu mid mid u Dul istaagayay ardayda u fadhida imtixaankan ee guud haan goobaha imtixaanku saakay ka bilawady. Wasiir Hnadal ayaa muujiyay  in loo bahan yahay dhiira galin loo sameeyao aradayda oo ah  ubaxa rajada umada ee…

Read More

Wararka Ka Imaanaya Jasiirada Madhawa Ee Gobolka Jubadda Hoose Ayaa Sheegayo In Guri Ku Yaala Deegaankaas Ay Dhagxaan Ku Daadanaayaan Oo Aan La Aqoon Cida Tuuryeyneyso. Waxaa La Xaqiijiyay In Shalay Saacadu Markay Aheed Sideeda Saac (02:00 pm) Oo Duhurnimo Reerkan Tuuryo Lagu Bilaabay Oo Dhagaxa Reerka Ku Dhacaayo Uu Kasoo Daadanaayo Saqafka Kore Ee Guriga. Gurigan Ayaa La Sheegay Inuu Leeyahay Imaamka Masaajidka Ahna Macalinka Dhiga Ama Baraha Ka Ah Madarasada Kaliye Ee Ku Taala Jasiirada Madhawa. Reerkii Degenaa Guriga Ayaa Si Dirqi Ah Looga Soo Saaray Goobta, Lama Oga Halkey Xaaladu Ku Dambeyni Doonta.

Read More

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti balaadhan uu hogaaminayo ayaa maanta 06 May 2017 safar shaqo ugu ambabaxay dalka Ingiriiska gaar ahaan magaalada London oo uu 10 May 2017  ka furmi doono shir lagaga hadlayo arrimaha Soomaaliya kaas oo ay ka soo qayb gelayaan Madaxdda DFS iyo Dawladdaha kale ee xubnaha ka ah DFS. Weftiga Madaxweynaha yaa waxaa garoonka Abdulaahi Yuusuf Axmed ee magaalada Gaalkacayo kusii sagootiyey masuuliyiin ka tirsan goloyaasha dawladda Puntland, masuuliyiin ka tirsan Baarlamaanka DFS oo hawlo shaqo u jooga Gaalkacayo, saraakiil ka tirsan madaxtooyada dawladda Puntland, maamulka gobolka Mudug, kan degmada Gaalkacayo,…

Read More

Aniga waxaan aaminsanahay in sharciga dawladu yahay wax bulshadu Soomaaliyeed heshiis ku tahay. Markaa way adag tahay in Firkir siyaasadeed Go’aan dhaqso ah lagu Gaaro. Markaa ma saxbaa Go’aanka Gollaha wasiirada xukuumada federaalka Soomaaliya ay xilka u qaadeen Hanti-dhowrkii guud ee Qaranka Dr Nuur Faarax kadib dilkii Ilaaladiisu u gaysteen alle u ha naxariistee wasiirkii howlaha guud Cabbaas Siraaji. Arintan waxay tahay khalad weyn oo dhibaato ku ah in lagu kalsoonaado Dawlada Rajada shacabka ka sugayeen hogaanka Madaxweyne Farmaajo. Maaha sharci in Hanti dhawrka Dawlada laga dhigo inuu isagu wax dilay ama uu soo abaabulay. Madaxda Dowlada Federaalka Soomaaliya waxey…

Read More

Oraahdan waxan weydiiyey in badan oo dadka kamid ah, badidood waa ay igu waafaqeen, hase ahaatee qaar kamid ah waxa ay iigu warceliyeen “The brain is not a muscle. It is an organ” maskaxdu ma ahan muruq waxa weeye xubin/unug. Dabcan oraahdani waa sax, maskaxduna waa xubin (Organ) hase yeeshee waxa ay bahwadaag latahy murqaha dhanka jimicsaiga, tababarka, awood dhiska IWM. Kasoo qaad in aad igu waafaqsan tahay in maskaxdu muruq tahay, see baad ugu jimcin kartaa maskaxdaada waa su’aal meesha soo gashaye, si aad u heshid jawaadbta su’aashan raac ama samay Saddexdan Xirfadood: Awoodkar (Agility) Hal-abuur (Creativity) Xasuus (Memory)…

Read More

Madaxwaynaha Dawladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ,ayaa maanta oo taariikhdu tahay 06.05,2017 waxa uu Gaalkacyo ka dhagax dhigay mashaariic dhawr ah oo  iskugu jira iskuulo,isbitaalo,xarun Boolis, iyo xafiisyo cusub oo  Xarunta Dawladda hoose ee Gaalkacyo ah. Dhigax dhiga mashaariicdani ayaa waxaa madaxweynaha ku wehelinaayey masuuliyiin ka tirsan goloyaasha Dawladda Puntland, maamulka gobolka Mudug, kan degmada Gaalkacayo, saraakiil ka tirsan madaxtooyada dawladda Puntland iyo masuuliyiin kale oo kamida wax garadka magaaladaasi. Madaxweynaha Dawladda Puntland oo kahadlay mashaariicdan horumarineed ee laga hirgelinaayo magaalada Gaalkacayo ayaa sheegay in ay wax weyn ka bedeli doonaan waxbarashada, Caafimaadka, Amniga  iyo biyaha magaalada Gaalkacayo. Sidoo…

Read More

Ciidamada badda  ee  dalka Shiinaha ayaa dekeda Bosaso keenay saddex Nin oo burcad-badeed Soomaaliya , kuwasoo gacanta lagu dhigay ka dib markii ay isku dayeen inay afduubaan Markab sitay Calanka Dalka Lubnaan bishii hore. Saddexdan nin oo lagu kala magacaabo  Maxmed Cabdulahi Maxmed, Cabdikariin Saalax maxmed (Aw-koombe), iyo  Maxmuud Mahad Yuusuf, waxaa lagu wareejiyay Masuuliyiinta Ciidamadda Amniga Puntland, waxaa kaloo lagu wareejiyay masuuliyiinta  hubkii ay wateen burcad-badeeda,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muqaalka https://youtu.be/DTUVDVHRNmA

Read More

Sida laga arkay muuqaal lagu baahiyay barta intarneedka ee madaxtooyada Soomaaliya, ra’iisalwasaaraha Itoobiya waxa uu sheegay in isaga iyo Farmaajo ay ka wada hadleen sidii la isaga kaashan lahaayeen horumarka dhaqaale ee labada waddan iyo in wax laga qabto arrinta abaaraha oo uu sheegay in dhibaatada ugu xoogan ay haysato Soomaaliya. Wasiirka arrimaha dibedda ee Soomaaliya, Yusuf Garaad ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay soo dhoweyneyso horumarinta gobol kasta oo Soomaaliyeed, wuxuuse sheegay inay Itoobiya u sheegeen in loo baahan yahay ‘in aan horumarintaasi aanay noqon mid wiiqi karta Madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalka’. Ra’iisal Wasaaraha itoobiya Hailemariam Desaleng…

Read More

Kismaayo, Jubbaland -Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa caawa ka gudoomay shahaado Sharaf la taliyaha idman ee Arimaha Siyaasada Mudane Maxamed Cabdi Nuur oo ay soo wakiisheena Jaaliyada Jubbaland ee wadanka Denmark oo shahaado sharaftan u gartay Madaxweynaha.   Jaaliyadu waxay Madaxweynaha Shahaado Sharaftan ugu garteen Dadaalkiisa la xiriira hananka dhismaha Maamulka suuban iyo haykalka Dowladnimo ee uu ka hirgaliyay Jubbaland, amaanka iyo kala danbaynta deeganada xorta ah, doorkii wanaagsanaa ee uu ka ciyaaray wakhtigii kala guurka Siyaasada Soomaaliya, iyo dhismaha iyo kor u qaadista kaabayaasha shaqaalaha ee deeganka.   Mudane Axmed Maxamed Islaam Madaxweynaha…

Read More

Milatariga Mareykanka ayaa sheegaya in mid ka mid ah ciidamadooda khaaska ah lagu dilay gudaha Soomaaliya, labo kalena lagu dhaawacay xilli uu socday hawlgal ka dhan ah Al-Shabaab.   Warbixin laga soo saaray taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in askarigani uu ku dhintay meel qiyaastii 60 KM dhanka galbeed ka xiga magaalda Muqdisho.   Warbixintu waxaa lagu sheegay in ciidamada Mareykanka ay caawinayeen ciidamada milatariga Soomaaliya oo hawlgal fulinayay.   Bishii la soo dhaafay ayaa tiro ciidamo ah oo Mareykan ah waxaa la geeyay gudaha Soomaaliya si ay u tababaraan isla markaana u qalabeeyaan ciidamada Soomaaliya iyo…

Read More

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  ayaa soo saaray Xeer Madaxwayne oo uu ku aqbalay xilka qaadistii Hanti dhawrka ee Golaha Wasiirada ku sameeyeen.  Sidoo kale Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa wuxuu si rasmi ah xilka kaga qaaday Hanti dhowrkii Guud ee Qaranka Dr. Nuur Faarax. Hase ahaatee, hanti dhowrka guud ayaa xil ka qaadista lagu sameeyay ku gacan seyray isagoo sharci daro ku tilmaamay qaabka loo maray xil ka qaadistiisa.

Read More

Madaxweynaha waddanka Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay inuu ku kalsoon yahay in sharciga meesha looga saarayo barnaamijka daryeelka caafimaad ee Obamacare uu meelmarin doono Senate-ka dalkaasi, kaddib markii uu qodob sharciyeedkaasi si dirqi ah ku meelmariyay Aqalka Wakiilada. Mr Trump ayaa hadlayay kaddib markii uu u dabaaldegay guusha uu ka gaaray codbixinta. Jamhuuriyiinta ayaa Senate-ka ku leh aqlabiyad aan sidaa u buurnayn, oo waxaa ka mid ah Senaterro doonaya in wax badan laga badelo sharcigan cusub ee la soo jeediyay. Codadka lagu mariyay hindisahan ayaa ahaa afar cod oo keliya, ayadoo ay u codeeyeen 217 halka ay diideen 213, waana…

Read More

Wasiirka arrimaha dibeda dowlada Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar Axmed ayaa faahfaahin ka bixiyey heshiisyo muhiim ah oo magaalada Addis ababa ay ku kala saxiixdeen madaxda dowladaha Somalia iyo Itoobiya. Qoraal uu baraha internetka iyo kuwa xiriirka bulshada ku faafiyey Yuusuf Garaad ayuu heshiiskaas si qoto dheer ugu faahfaahiyey, wuxuuna u qornaa sidatan;- Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo oo ay ka mid yihiin Wasiirro iyo Xildhibaanno ayaa booqasho Qaran oo qaadatay 24 saacadood ku tegey dalka Ethiopia. Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa si diirran oo ugub ah gegida dayaaradaha ee Addis Ababa ugu soo dhoweeyay Ra’iisal…

Read More

Hanti Dhowraha Guud ee Soomaaliya, Dr Nuur Faarax Jimcaale, ayaa sharci-darro ku tilmaamay xil ka qaadis ay xalay magaalada Muqdisho kaga dhawaaqeen Golaha Wasiirada Soomaaliya. Xil ka qaadista ayaa daba socotay dilkii habeenkii Arbacada Muqdisho loogu gaystay Wasiirkii Howlaha Guud iyo Dib-u-Dhiska Soomaaliya, marxuum Cabaas Cabdullaahi Sheekh Siraaji, kaas oo la sheegay inay dileen ilaalada Hanti Dhowraha Guud. “Habka Golaha Wasiirada u mareen xil ka qaadista waa mid sharci darro ah, xil igama qaadi karaan, baarlamaanka ayaa iga qaadi kara”ayuu yiri Dr. Nuur Faarax. Gabagabadii, wuxuu sheegay in  dastuurka uu kala saari doono isaga iyo golaha Wasiiradda ee xilka ka…

Read More

Garaad Saleebaan garaad Maxamed oo in mudo ah caafimaad ugu maqnaa dalka dibadiisa ayaa shalay waxaa si weyn loogu soo dhaweeyay caasimada Puntland ee garowe. Soo dhaweynta Garaad oo aan loo kala harin ayaa waxaa ka qaybgalay Madaxda Puntland,maamulka Gobolka Nugaal iyo qaybaha bulshada ee caasimada,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/RvVfeewCRVY

Read More

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa caawa yeeshay kulan deg-deg ah oo uu shir-guddoominayey Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Kheyre. Arrimaha kulanka looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Geeridii Wasiirkii Howlaha Guud iyo arrimaha Amniga dalka.  Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre iyo xubnaha golaha wasiirada ayaa ugu horreyn ka tacsiyadeeyey geeridii naxdinta laheyd ee ku timid Marxuum Cabaas Siraaji oo ahaa wasiirka Howlaha Guud & Dib-u-Dhiska oo xalay ku geeriyooday Muqdisho. Golahu waxey qireen in marxuum Cabaas Siraaji uu ahaa iftiin soo baxaya, lahaana hiraal iyo aragti dheer oo mustaqbal fiican leh. Cabaas waxuu ahaa shaqsiga ugu…

Read More

Allaha Unaxariistee waxaa gelinkii dambe ee Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya lagu Aasy Wasiirkii Holwaha Guud iyo Dib u dhiska Xukuumadda Soomaaliya Cabaas C/laahi Sheekh Siraaji, oo xalay fiidkii Afaafka hore ee Madaxtooyada Soomaaliya ay ku dileen Askar ka tirsan Ciidanka Dowladda Federaalka, isaga oo wata Gaarigiisa. Aaska Marxuumka ayaa waxaa ka qeyg galay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre (Xasan Bile), Ra’iisul Wasaare ku xigeenka, Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Federaalka C/wali Sheekh Ibraahim Muudey, Wasiiro, Xildhibaano, Saraakiil Ciidan, Ehelada Marxuumka oo ka kala yimid gudaha dalka iyo dibbadiisa, iyo xubno kale,hoos ka daawo muuqalka. Halkan ka daawo…

Read More

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 04 may 2017 ku qaabilay magaalada Gaalkacayo wefti uu hogaaminayo kuxigeenka safiirka dalka Turkiga u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mr. Alican Aksoy. Kahor inta aanu Madaxweynuhu ku qaabilin xafiiskiisa weftigani ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Abdulaahi Yuusuf Ahmed ku soo dhoweeyey masuuliyiin ka tirsan goloha wasiirada dawladda Puntland, saraakiil ka tirsan madaxtooyada dawladda Puntland, maamulka gobolka Mudug, kan degmada Gaalkacayo iyo masuuliyiin kale. Weftigani uu hogaaminayey kuxigeenka safiirka dalka Turkiga u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mr. Alican Aksoy ayaa u socdey kormeer ku aadan maashaariico horumarineed oo ay ka hirgelin doonaan Puntland…

Read More

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Cosoble ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Jowhar kadib markii toddobaaydadii la soo dhaafay uu ku sugnaa magaalada Muqdisho. Madaxweyne Cosoble iyo Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeele Cali  Cabdulaahi Xuseen ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar ku soo dhoweeyay guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeele Shiikh Cismaan Barre iyo labadiisa ku xigeen iyo madax ka tirsan labada gole ee dowlad goboleedka Hirshabeelle,. Dhanka kale Madaxweyne Cosoble ayaa sheegay in aysan Hir-shabelle ka qaybgali doonin shirka london,hoos ka daawo muuqalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/Om6TYvG_IKg

Read More

Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi,ayaa ku kulmayadis-ababa xarunta itoobiya.   Kulankan dhexmaray farmaajo iyo Muuse Biixi ayaa wararku waxay sheegayaan in uu qabsoomay shalay,   Ilaa iyo hada si dhab ah looma oga waxa ay uga wada hadleen kulankooda Madaxweyne farmaajo.   Hadaba kulankaas oo soo shaac baxay maanta ayaa waxaa ka hadlay xubno ka tirsan isla xisbiga Kulmiye,hoos ka daawo muuqaalka. https://youtu.be/Gc1ozsmf1wU

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo ayaa goordhaw kasoo degay garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxa uuna kasoo laabtay safar uu ku tagay dalka Itoobiya. Madaxweynaha ayaa soo gaabiyay safar uu shalay ku gaaray magaalada Adis-ababa ee caasimada dalka Itoobiya , si uu uga qeyb galo aas qaran oo magaalada Muqdisho loogu sameenayo Wasiirkii howlaha Guud iyo dib u dhiska Cabaas Shiikh Siraaji oo xalay Muqdisho lagu dilay. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka qeyb galaya salaada janaasada iyo aaska loo sameenayo Wasiirkii howwlaha guud iyo Dib u dhiska sidoo kale ahaa Xildhibaan Qaran oo xalay Ciidamo katirsan…

Read More

Madaxweynaha maamulka Gobolada Dhexe Shiikh Maxamed Shaakir Cali ayaa sheegay in doorashadii ka dhacdey Cadaado aysan iyaga khuseyn isla markaana aysan aqoonsaneyn waxa ka soo baxay. ”Waxaan ogaa Xaaf oo ganacsade ah, waxa Cadaado ka dhacayna nama khuseeyaan anagu ma aqoonsanin sida aysan iyaba noo aqoonsaneyn…:”ayuu yiri madaxweyne Shaakir. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/aYwBvSbqCDk

Read More

Allaha u Naxariistee waxaa caawa agagaarka xaruna Madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho lagu dilay Wasiirkii howlaha guud iyo Dib u dhiska Xukuumada Soomaaliya Xildhibaan Cabaas Cabdulaahi Sheekh Siraaji. Wasiirka la dilay ayaa ahaa ninkii ugu dhalinta yaraa Xukuumada Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre, waxa uu sidoo kale Cabaas Cabdulaahi Sheekh Siraaji kamid ahaa Xildhibaanada golaha Shacabka ee lagu soo doortay magaalada Kismaayo. Cabaas Cabdulaahi Sheekh Siraaji ayaa ku dhashay degmada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose sanadkii 1986-dii, waxa uuna inta badan noloshiisa kusoo qaatay waxna kusoo bartay Xeryaha qaxootiga dalka Kenya.hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/p0g3CGfOwt0

Read More

Ku-simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa soo xirey kulan looga hadlayey dar-dargelinta waxqabadka Xukuumadda, kaasi oo socday muddo labo cisho, waxaana soo qaban qaabiyay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, iyadoo ay ka soo qeyb galay Xubnaha Golaha Wasiirada.  Barnaamijkan oo hal Ku dhiggiisu ahaa “Kororka kalsoonida shacabku waa dakhliga Xukuumada” ayaa si ballaaran looga dooday rajada dadka Soomaaliyeed iyo daruufahooda gaar ka ah,waxana intii uu socda baahidooda laga dhagaystay qaar Ka mid ah shacabka kuwaa soo lagu marti qaaday shirka. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa gudnaanadka Shirka faah faahin dheer ka bixiyay qorshaha horyaala Xukuumada iyo…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegay in uu soo gaabiyay safarkiisa uu ku joogo dalka Ethiopia si uu uga qayb galo aas Qaran oo loo sameynayo Wasiirkii howlaha guud ee xalay lagu dilay Muqdisho.  War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ugu horeyn waxaa shacabka iyo ehelada marxuumka looga tacsiyadeeyay geerida naxdinta leh ee ku timid Wasiirkii howlaha guud iyo dib u dhiska ee Xukuumadda Marxuum Cabaas Siraaji oo xalay lagu dilay Muqdisho. Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo wafdiga la socda ee ku sugan magaalada Adis Ababa ayaa soo gaabiyey booqashadii ay ku joogeen dalka Ethiopia, waxaana lagu wadaa…

Read More

Maamulka Jubbaland, ayaa waxa ay ka dalbadeen dowladda Federalka Somaliya in si adag loo baaro dilkii xalay Magaalada Muqdisho loogu gaystay Wasiirkii hawlaha Guud ee Xukuumadda Somaliya Cabaas Sheekh Siraaji. Qoraal ka soo baxay madaxtooyadda Maamulka Jubbaland, ayaa lagu sheegay in dowladda laga doonaayo baaritaan baahsan arintaasi ay ku sameyso si loo helo dambiilayaasha falkaasi ka dambeeyay. Wasiir Siraaji oo sidoo kale ahaa Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Federalka Somaliya ayaa laga soo doortay deeganada Jubbaland, isaga oo doorashadii Xildhibaanimada kaga adkaaday Wasiiru dowlihii hore ee Wasaaradda Warfaafinta Beekos. “Dowlada Jubbaland waxay ku boorinaysaa dhamaan Laamaha kala duwan ee Dowlada Federaalka…

Read More

Madaxweyne Farmaajo si burhaan leh ayaa loogu soo dhaweeyay caasimada itoobiya ee Adis-ababa. Hogaamiyayaasha Itoobiyada maanta waxay muujiyeen in ay aqbalsan yihiin Qaranimada Somaliya,isla markaana waxii xarig jiid siyaasadeed ah ay ka dhacaan miiska hoostiisa. itoobiya waxay muujisay soo dhaweyn qaran iyo qadarin qaranimo somaliyed,sidoo kale waxay soo bandhigtay midnimada iyo wada lahaanshaha dawladnimada itoobiyada maanta ee guud ahaan Qawmiyadaha dalkaas. Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar iyo kooxaha fanka ee Somalida itoobiya waxay qayb ka ahaayeen itoobiyada soo dhawaysay madaxweyne Farmaajo. Waa fariin ku socota farmaajo iyo somalida oo idil,si gaar ah kuwa wali ay maskaxdooda ay ka dhex guuxayso shantii…

Read More

Wasiirka Amniga Puntland Cabdi xirsi Cali qarjab ,Agaasimaah Hya’ada Socdaalka iyo Jinsiyadaha Puntland ,Guddoomiyaha Gobalka Nugaal iyo Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha Garoowe ayaa kormer iyo u kuurgalid ku sameeyay halka uu marayo dhismaah Garoonka iyo baahiyaha dhanka qalabka socdaalka ah ee Garoonku u baahan yahay sida uu sheegayo Agasimaha Hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyada Puntland Maxamed Faarax Ashkir.  Guddoomiyaha Gobalka Nugaal Cumar C/laahi Farwayne waxa uu sheagay in kormeerkoodu ahaa sidii loo dhammaystiri lahaa baahiyaha garoonka ee dhanka socdaalka siina raaciyay in garoowe yeelanayso Garoon calami ah oo soomali kawada dhaxeya kuna baaqay maalgashi. Wasiirka amniga Puntland C/xirsi Cali Qarjab ayaa xusay…

Read More

Mid ka mid ah hogaamiye kooxeedyadii Muqdisho ayaa noqday madaxweynaha maamulka aan sharciyada buuxin ee cadaado.  Doorashada Madaxweynaha maamulka aan sharciyada buuxin ee Cadaado,ayaa Saaka ka bilaabatay Magaalada Cadaado.   Waxaa doorashadaa ka qaybgalay sadex musharax oo kala ah Axmed Ducaalle Geelle Xaaf iyo Cabdulqaadir Maxamed Shirwac iyo sidoo kale Axmed Cali Hilowle.   Doorashada oo wareegii koowaad uu ku haray cabduqaadir Shariif ayaa loo gudbay wareegii,kaasoo ay usoo gudbeen labada Musharax ee kala ah Xaaf iyo Axmed Shariif .   Ugu danabyntii waxaa tartankii doorashada ee wareega labaad ay kala heleen 24 cod oo ah Axmed Shariif iyo 57…

Read More