Author: Jibril Qoobey

Gen. Cabdiqaadir Faarax Erag ayaa uga warbixiyey warbaahinta booqashadiisa,wuxuuna sheegay in uu u yimid sidii loo tayeyn lahaa ciidamada Booliska iyo sidii tababar loogu furi lahaa ciidamo ka tirsan Birmadka Puntland ee Qardho,Waaciye iyo Al-xamdulillaah kuwaasoo lagu tababari doono magaalada Carmo. Wuxuu sheegay in ciidamasa la bari doono xeerarka ciidamada iyo kuwa dalka  iyo sidii ay u wada shaqeyn lahaayeen ciidamada iyo shacabka,hoos ka dhagayso codka Talyaha oo faahfaahsan. Halkan ka dhagayso codka Ereg https://youtu.be/TjxMuxaJF7k

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho hal maalin ah ku jooga dalka Itoobiya ayaa ka la kulmay Ra’iisul Wasaaraha dalkaas Mudane Haile Mariam Desaglen. Labada masuul ayaa ka wada hadlay in la abuuro xiriir qoto dheer oo dhex mara labada dowladood iyo labada shacab kaasoo ku dhisan wax wadaqabsi iyo xushmeyn.  Waxaa la isla soo qaaday la dagaallanka Al Shabaab, iskaashi dhaqaale oo ay labada dal yeeshaan, shirka London ee Soomaaliya iyo arrimaha xuduudaha oo ay dadka xoolo dhaqatada ah ee labada dhinac ay dhibaatooyin badan ku qabaan,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya. Waxaa soo dhoweeyay wafdiga madaxweynaha Masuuliyiin sar sare oo ka tirsan dowladda Itoobiya oo uu ka mid yahay R/wasaaraha Wadanka Itoobiya,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/m9EugtieQQs

Read More

Wasiirkii Wasaaradda Howlaha guud iyo dib u dhiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Allaha u naxariistee Cabaas Sheekh C/laahi Siraaji ayaa goor dhow lagu dilay magaalada Muqdisho. Dilka Wasiirkii howlaha guud waxaa xaqiijiyey Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo hanuuninta dadweynaha Eng C/raxmaan Cusmaar “Yariisoow” oo isagu shaaciyey in baaritaan lagu hayo kooxihii falkan dilka ah ka dambeeyey kuwaasi oo ay hay’adaha ammaanku gacanta ku hayaan. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la filayaa inay si rasmi ah war faah faahsan uga soo saarto dilka Wasiirka iyo sida uu u dhacay. Marxuum Cabaas Sheekh C/laahi Siraaji ayaa sidoo kale ka mid ahaa Xildhibaannada Golaha Shacabka waxaana…

Read More

Donald Trump ayaa sheegay in uu moodayay in madaxweynenimadu “ay ka fududatay”sida ay hadda tahay, arrintaas ayuu ku sheegay waraysi lagu beegay markii uu xafiiska hayay boqol maalmood. “Noloshaydii hore aad baan u jeclaa. Waxyaabo badan ayaana isku waday,” ayuu ku kuri wakaaladda wararka ee Reuters. “Noloshaydii hore waan jeclaa, waxaanna is lahaa tan baa ka fudud.” Intii uu waraysigu socday waxaa kale oo uu sheegay in xogtiisa gaarka ah aysan qarsoonayn hadda marka loo eego markii uu ahaa ganacsadaha. “qof shabaq yar ku jira ayaad noqon, sababtoo ah ilaalo xaddhaaf ah ayaa jirta xaqiiqatanna meelna ma aadi kartid,” sidoo…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha ayaa yiri: “Waa inaan shacabka dhexgalnaa oo an dhageysanaa tallooyinkooda, waa inaan aqbalnaa isla xisaabtanka, waa inan ciidankeena dhiiri gelinaa, ciidankeena aniga xitaa waxaa ii qorsheysan inaan ugu tego meesha ay jogaan xitaa hadii aan naftayda ku waynayo”.   Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlayey Wasiirada madasha ka soo qeybgalay ayaa hadalkiisa ku daray “Maanta waxaad haysataan fursad Wanaagsan oo aad dalkiina uga saartaan dhibaatada, isla markaana aad samaysaan tariikh lagu xasuusto Xukumadda, taana waxaad ku samayn karaysaan in aad wada shaqayn wanaagsan yeelataan dhexdiina”,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/1VmgoH54cPU

Read More

Wararka aan ka heleyno xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta halkaasi ciidamo gaar ah oo katirsan dowlada Soomaaliya ka sameeyeen howlgal lagu baadi goobayo xubno la tuhmayo in ay xariir la leeyihiin ama la shaqeeyaan Al Shabaab. Ciidamada dowlada ayaa inta ay howlgalka wadeen waxa ay xireen rag ay tuhmayaan in wada shaqeyn hoose kala dhaxeyso Al Shabaab, waxaana dadka la xiray ku jiray askar katirsan ciidanka dowlada gaar ahaan kuwa ku sugnaa xarunta Madaxtooyada. Wararka aan heleyno ayaa sidoo kale sheegaya in howlgalka uu wali yahay mid socdo laguna baadi goobayo dad kale oo la tuhmayo, waxaana dadka…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ka qeyb galay Madal looga hadlayo dar-dar galinta Waxqabadka Xakuumadda Federaalka Soomaaliya iyo diyaarinta qorshaha Xukumadda ee wax qabadka 90-ka maaalmood.   Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka jeediyey qudbad uu kaga hadlayo qorshaha Xukumaddu ay doonayso inay dalka ku horumariso, gaar ahaan dhinacyada Siyaasadda, Arrimaha gudaha, Dhaqalaha, Waxbarashada, Caafimaadka Midnimada Ummadda, Siyaasad midaysan oo Soomaaliya kula macaamilayso Caalamka.   Ra’iisul Wasaaraha ayaa yiri: “Waa inaan shacabka dhexgalnaa oo an dhageysanaa tallooyinkooda, waa inaan aqbalnaa isla xisaabtanka, waa inan ciidankeena dhiiri gelinaa, ciidankeena aniga xitaa waxaa ii qorsheysan inaan ugu tego…

Read More

Dadka ku nool Magaalada Marka ee xarunta Gobalka Shabeelaha Hoose gaar ahaan deegaanka No: 50 ayaa ku soo waramaya in ay saakay arkeyn meydadka dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab oo ku dhintay dagaalka Xalay ka dhacay deegaankaasi.   Cabdullahi Cali Axmed oo ah Gudoomiyaha deegaanka No.50 ayaa sheegay in AlShabaab ay afar jiho kasoo weerareen deegaankaas laakiin ay iska difaaceen.   Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in isku dar dagaaladii labadii habeen ee lasoo dhaafay ka dhacay No.50 ay ku dhinteen labo carur ah halka haween badan ay ku dhaawacmeen.   Ugu yaraan 6 qof oo meyd ah ayaa saakay lagu arkay goobihii…

Read More

Maalmo yar uun kadib marki uu ku celceliyey inuu ka fakarayo tallaabo millatari oo ka dhan ah Kuuriyada Waqooyi, ayuu madaxweyne Donald Trump sheegay inuu doonayo inuu la kulmo hogaamiyaha dalkaasi Kim Jong Un. Hadalkaan lama filaanka ah ee kasoo baxay Mareykanka ee ku wajahan siyaasadiisa Qaarada Asia ayaa imaanaya xilli ay xukumada Pyongyang isu diyaarineyso inay tijaabiso gantaalki lixaad oo ah kuwa xambaara madaxyada niyukleerka. Wareysi uu siiyey Isniintii Telefeshinka Bloomberg, ayuu madaxweyne Trump ku sheegay inay sharaf u ahaan laheyd la kulanka madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi hadii uu helo waqti ku habboon. Wareysi kale oo uu Axadi siiyey TV-ga…

Read More

Gudoomiyaha Degmada Badhaadhe Maxamed Ibraamim Fanax ayaa xariga ka jaray Dekad yar oo ay Doonyaha qaada rakaabka ee Degmada Jawaay ay isticmaali doonaan .   Dekadaan yar ayaa waxaa dhismaheeda iska kaashaday dadka deggen jasiirada jawaay,waxayna kaga gudbi doonaan dhibaatoyinkii ay ku qabeen dadka deggen jasirada jawaay deked la’aantii mudada dheer soo haysay.    Munaasabad xarigga looga jarayo Dekadan yar ayaa waxaa sidoo kale kasoo qeyb galay gudoomiyaha rugta ganacsiga iyo warshadaha Jubaland ee (JCCI) Mudane Shaafi Raabi Kaahin. iyo qaar ka mid ah xildhibaanada jubaland ee ka soo jeeda kjasiirada Jawaay.   Munasabadan ayaa ahayd mid si heer sare…

Read More

Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey iyo wafti uu hogaaminayo ayaa saaka safar ballaaran ku gaaray magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn.   Camey ayaa socdaalkiisa Buuhoodle waxuu horay ugu sii qaaday sahay xoog leh oo sikugu jirta Raashin iyo Dawo,hoos ka daawo muuqaalka oo faahfaahsan. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/YQC6Zi7o7JY

Read More

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 01 May 2017 magaalada Gaalkacayo  kulan muhiima kula yeeshay maamulka gobolka Mudug, kan degmada Gaalkacayo,  Isimada, nabadoonada iyo waxgaradka gobolkaasi. Kulanka ayaa waxaa madaxweynaha ku wehelinaayey masuuliyiinka tirsan golaha wasiirada dawladda Puntland, maamulka gobolka Mudug, kan degmada Gaalkacayo, saraakiil ka tirsan madaxtooyada dawladda Puntland, Saraakiisha ciidamadda gobolka Mudug, nabadoonada iyo waxgaradka gobolkaasi, urrurada haweenka iyo kuwa dhalinyarada. Madxweynaha Dawladda Puntland oo ka hadlay kulan ka ayaa sheegay waajibaadka koowaad ee saran dawladda uu yahay inay ilaaliso oo difaacdo qofka muwaadinka ah nabadiisa, maalkiisa, naftiisa iyo sharaftiisa, waxaana uu xaqiiyey madaxweynuhu…

Read More

Hay’ada maaraynta masiibooyinka Puntland ee HADMA ayaa ku dhawaaqday inay kooxo qiimeeya u dirtay deegaamada ay xalay ilaa saaka ka curteen roobabka dayrta. HADMA ayaa waxa ay sheegtay in 24-ka saac ee soo socota ay qiimayn ballaaran ku samayn doonto xaaladda roobka, saamaynta uu geysto iyo haddii khasaare uu kadhashay. Agaasimaha Hay’ada HADMA Cabdullaahi Cayrow ayaa waxaa uu sheegay in ilaa ay ka helaan xog dhammaystiran aysan wax faahfaahin dheeraad ah bixin doonin,hoos ka dhagayso codka agaasimaha. Halkan ka dhagayso codka Cayroow

Read More

Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey iyo wafti uu hogaaminayo ayaa saaka safar ballaaran ugu baxay magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn. Wasiiru dowlaha madaxtooyada iyo xiriira caalamiga ah oo waftigaani qayb ka ahaa ayaa ka warbixiyey u jeedka socdaalkooda maray ku hakadeen magaalada Burtinle ee gobolka Nugaal,hoos ka dhagayso codka Camey. Halkan ka dhagayso codka Camey

Read More

Wafti ka socday Gudiga Madax Banaan ee Doorashooyinka Qaranka Soomaaliya muda 10 maalin ah ku sugnaa Puntland ayaa waxa ay ka warbxiyeen ujeedka ay u soo gaareen Puntland iyo waxyaabihii uga hirgalay kulamadii ay la qaateen Madaxda Sare Puntland iyo Bulshada Qaybaheeda kala duwan.   Siciid Xaashi Warsame oo kamid ah Gudiga Madax Banaan ee Doorashooyinka Qaran ayaa dhankiisa waxa uu sheegay in Puntland ay u soo gaaray shaqooyink ku aadan arimaha Doorashooyinka Qaran ujeedka ugu wayn ay Puntland u soo gaarayn ay tahay ka gudbida nidaanka 4.5 iyo dalkaan uu helo doorashooyin xaq iyo naxaal ah qof kastana oo…

Read More

Dowladda Fadaraalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan heer sare ah kula qaadatay saaxiibada beesha caalamka si loogu diyaar garoobo Shirweynaha London ee arrimaha Soomaaliya kaas oo dhici doona 11ka bisha May 2017.   Shirku wuxuu madaxda sare ee DFS siiyay fursad ay ku soo bandhigaan arrimaha siyaasadda ee mudnaanta u leh ugana doodaan waxyaabaha asaaska u noqonaya heshiis iskaashi oo heer sare ah oo ay Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamka ku wada gaari doonaan magaalada London. Heshiiskan wuxuu ka koobnaan doonaa arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin heshiiska amniga; taageerada ku aaddan gurmadka abaaraha iyo soo kabashada dhaqaalaha;…

Read More

Maxamed C/llaahi Maxamed Madaxweynaha Soomaaliya oo xalay ka qeyb galay xaflad lagu soo Xeraayay Kalfadhigii 1aad ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa Xildhibaanada usheegay in ay been iyo waxbo kama jiraan ay tahay hadalka maalmahan ay wadaan qaar ka mid ah siyaasiinta iyo xildhibaanada Soomaaliya ee ahaa in la yareenayo tirada Ciidamada Soomaaliya.   Madaxweynaha Farmaajo ayaa sheegay in tirada Ciidamada Xoogga ay noqon doonaan ugu yaraan 18,000 oo askari laguna Cabiray Dhaqaalaha iyo awoodda Dowladda balse tirada intaasi laga badan karo hadii uu dhaqaalaha iyo awoodda Dowladda is badasho.   Farmaajo ayaa sheegay in ay niyadiisa ka guuxeyso sidii dalka u…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa munaasabada 1da May, 2017 oo ah maalinta shaqaalaha Adduunka ugu hambalyeeyey dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed.   “Waxaan hambalyo ku aadan maalinta shaqaalaha adduunka u dirayaa dhamaan shaqaalaha Soomaaliyeed ee udub-dhexaadka u ah dhaqaalaha iyo horumarka dalka guud ahaan” ayuu yiri Ra’iisul Wasaarahu.   Ra’iisul Wasaaraha ayaa iftiimiyey qiimaha weyn ee ay ummadda u leedahay shaqada iyo wax soo saarka shaqaalaha, dawladuna ay ahmiyad siinayso in munaasadaan shaqaalaha Soomaaliyeed ay ku xusaan dabaal dagyo ka turjumaya dareenkooda si ay u muujiyaan muhiimadda shaqada iyo shaqaalaha.   “Shaqadu waa nolosha iyo sumacada qofka,…

Read More

Isku dhaca labadaas gaari ayaa sababay dhimashada 4 qof oo dhammaantood rag ahaa, halka dhawaacu uu gaarayo 6 qof. Dadka dhintay ayaa la xaqiijiyay inay saarnaayeen gaari yar oo nooca Dhaynaha Somalidu u taqaano kaasoo la sheegay inuu ka baxay magaalada Garowe. Dad ka agdhawaa goobta ayaa u gurmaday dadka waxyeelladu kasoo gaartay gaarigaas, waxaana Baabuur Ambalas ah oo goobta marayay la saaray dhaawacyadii, halka dadweynuhu awood u yeelan wayeen inay goobta ka saaraan 4 qof oo mayd ah kuwaasoo markii dambe loo adeegsaday Wiish. waxaa goobta soo gaaray mas’uuliyiin katirsan Maamulka degmada Garowe ee caasimadda Puntland, Ciidamada ilaalada waddooyinka…

Read More

Xarakada Al-Shabaab ee Soomaaliya ayaa xukun dil ah ku fulisay labo nin oo dhallinyaro ah oo lagu eedeeyay kufis iyo dil la sheegay in uu ka dhacay magaalda Beledweyne ee gobolka Hiiraan. Dhallinyaradaan ayaa lagu eedeeyay in ay kufsi u gaysteen gabar ku nooleyd magaalda Beledweyne iyo in midkood uu dil u geystay wiil ay walaalo ahaayeen gabadha la kufsaday. Wiilashan ayaa dilkoodu waxa uu oo ka dhacay meel fagaare ah oo ku taala deegaanka Buq-Aqable oo ka tirsan gobolka Hiiraan. Mid ka mid ah wiilashaasi oo la oran jiray Axmed Ibrahim Raagow oo 29 jir ahaa ayaa lagu dilay…

Read More

Magaalada Muqdisho waxa maanta gaaray wafdi uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda ee Jarmalka Sigmar Gabriel. Gabriel waxa uu kulamo kula qaatay garoonka diyaaradaha ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo wadahadal dhex maray. Wadahadalka dhex maray labada dhinaca ayaa diirada lagu saaray arrimaha dib u dhiska, abaaraha, iyo shirka loo ballansan yahay ee magaalada London. Dhanka abaaraha, ayaa wasiirka arrimaha Jarmalka waxa uu sheegay in dowladdiisa ay ku yaboohday 70 milyan oo Euro oo wax looga qabanayo abaaraha ba’an ee ka jira dalka, ayna diyaar u tahay in ay labo laabto. Sidoo kale waxa uu soo hadal qaaday shirka London oo…

Read More

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuusan faraxsanaan doonin haddii Dowlada Kuuriyada Waqooyi ay tijaabiso gantaal kale oo Niyukleer ah, kaasoo noqon doona kii lixaad oo ay riddo. Waretsi uu siiyey barnaamijka “Face the Nation” ee ka baxa telefishinka CBS ee dalkan Mareykanka ayuu madaxweyne Trump ku sheegay in xitaa uusan arrintaasi ku farxi doonin madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping oo uu ku tilmaamay inuu yahay nin xushmad badan. Mar la weeydiiyey inuusan ku farxi doonin gantaalada soo socda ee Kuuriyada Waqooyi inay micnaheedu tahay inuu qaadi doono tallaabo milatari oo ka dhan ah xukumada Pyongyang, ayuu madaxweyne Trump ku adkeystay…

Read More

Xasan Cali Kheyre ayaa tilmaamay muhiimadda ay ciidamadani u leeyihiin Amniga Caasimadda, isagoo kula dar-daarmay in gacan buuxda lagu qabto cid walba oo dhibaato ku ah amniga iyo kala danbeynta. Waxana uu ka dalbaday qeybaha kala duwan ee bulshada in ay la shaqeeyaan hay’adaha ammaanka, oo ay garabsiiyaan ciidamada si looga guuleysto cadowga had iyo jeer dhibaatooyinka u geysanaya Shacabka Soomaaliyeed.   “Maanta maalin ay Soomaaliya idiinka baahi badan tahay ma jirto, sugida amniga iyo xaqiijinta dawladnimadda Soomaaliya waa mid ku xiran tayadiina ciidan iyo hadba sidaad isu xilqaantaa,” Ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha oo intaas ku daray.   “qaranimadu maahan…

Read More

1- Waa in dhammaan gaadiidka Plka ah ee loo yaqaan Caasiga, Dhikilooyinka iyo Taksiyada (Probox) loo sameeyo tirakoob lambaro u gaar ah, lana diiwaan geliyo milkiilaha iska leh gaadiidka iyo dareewalkaba lana helo damaanad adag. 2- Waa in Baaritaan Deg deg ah lagu sameeyo xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada Boosaaso, loona sameeyo 50-kii guriba guddi ka shaqeeya xaafadaha, lana helo wacyigelin joogto ah. 3- Waa in la sameeyo lambaro taleefoon oo ay si bilaash ah shacabku u soo wici karaan. 4- Waa in Dawladda Hoose ay xakamayso bixinta ruqsadda gaadiidka dadweynaha ee ka howlgalaya Degmada, tan iyo inta lagu…

Read More

April 28, 2017 Excellency, Mr. Prime Minister Binali Yildrim Excellency, Professor Alpha Conde, President of Guinea and Term President of the African Union, Excellencies, Ministers, Distinguished Guests, Ladies and Gentlemen It is a great honor and privilege to be blessed with the opportunity to open this crucial Ministerial level conference on Agriculture and Agribusiness here in this beautiful city of Antalya. I would like to take this opportunity to thank the Mayor of Antalya, the Turkish Government and its people for their warm hospitality and hosting this important and historical conference. There has never been a greater time and more…

Read More

Waxaan ku bilaabayaa magaca Allah ee naxariis oo dhan iska leh…. Suaal… Jaalle Madaxwayne waddanka waxaa ka jirta colaad ah weerar lagusoo qaaday shacabkii adigiina waad ka maqantahay rinkaas sharaxaad dheeraad ah naga sii….? Jawaab…. Adeer Gacanna waxaan ku difaacaynnaa shacabkeenna sharafta badan, gacanna waxaan ugu adeegaynaa sidii aan horumar la taaban karo ku gaarsiin lahayn… Sidaad ogtahay waddanku ciidan u tababaran difaaca ayuu leeyahay amarkoodana waa qabaan inay gutaan waajibaadkaas ay u xilsaaran yihiin… Suaal….. Jaalle Madaxwayne Siyaasiyiiintu waxay kugu eedeeyaan inaad safar badan xilligaagii ku qaadatay maxaad arintaas ka leedahay….? Jawaab…. Adeer Xaglo Laaban Xoolo Kuma Yimaadaan…. Suaal……

Read More

Maxkamadda Gobolka Banadir ayaa soo saartay amar lagu soo xidhayo Agaasimihii hore ee Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Cabdirisaaq Cali Yuusuf Bahlaawi iyo xubin kale oo ka mid ahaa shaqaalaha wasaaradda oo lagu magacaabo Xasan Samatar Cali. Qoraalka ka soo baxay maxkamadda oo lagu socodsiiyey Taliska booliska ee gobolka Banadir isla markaana ogaysiin la siiyey xeer ilaalinta, ayaan wax faahfaahin ah lagaga bixinin eedaha loosoo jeedinayo agaasimihii Wasaaradda Warfaafinta. Ilo ku lagu kalsoonaan karo ayaa xaqiijinay jiritaanka waraaqdan hase ahaatee faahfaahin intaas ka badan lama bixinin. Bilawgii bishan April ayay ahayd markii Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmana Cumar CusmaanYariisow uu shaqada si ku…

Read More

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, oo ka hadlayey isku soo bax loogu dabaal degayey boqolkii maalmood ee ugu horeeey ee uu xilka hayey, ayaa si kulul u dhaliilay warbaahinta. Wuxu taageerayaashiisa oo uu kula hadlay Pennsylvania u sheegay in uu ka dhabeeyay qaar badan oo ka mid ah “ballan qaadyadii uu galay” isla markaana wuxu ku gacan saydhay dhaliilaha loo soo jeediyo oo uu ku sheegay “war been ah” oo ay tebiyaan warfidiyeen aan “waaqica la haysani”. Trump wuxu go’aansaday in uu baajiyo xaflad casho ah oo loo sameeyo suxufiyiinta wararka ka tebiya Aqalka Cad, waxaanu sidaa ku noqonayaa madaxweynihii u…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fadaraalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo weheliyo Wasiirka Amniga Mudane Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) iyo Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mudane C/laahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), ayaa kula hadlay Ciidamo iyo saraakiil ka tirsan Hay’adda NISA xaruntii hore ee Xisbiga kuwaas oo ka howlgeli doona sugidda amniga Muqdisho.   Xasan Cali Kheyre ayaa tilmaamay muhiimadda ay ciidamadani u leeyihiin Amniga Caasimadda, isagoo kula dar-daarmay in gacan buuxda lagu qabto cid walba oo dhibaato ku ah amniga iyo kala danbeynta. Waxana uu ka dalbaday qeybaha kala duwan ee bulshada in ay la shaqeeyaan hay’adaha…

Read More

Madaxweyaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa warqadaha Aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Dowladda Itoobiya usoo magacaabatay Soomaaliya.  Mudane Maxamed Cabdulahi Farmaajo ayaa Jamaaludiin Mustafa Cumar waxa uu ka guddoomay warqadihiisa Aqoonsiga danjire Jamaaludiin Mustafa Cumar kadib markii ay dowalda Itoobiya ay dhawaan usoo magcaawaday in uu noqdo Safiirka ku matala Soomaaliya. Dowladda Itoobiya ayaa ka mid ah dalalka dariska la ah Soomaaliya gaar ahaan kuwa ay ciidamadu nabad ilaalinta ka jogaan Soomaaliya. Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa horay u qaabilay danjirayaal cusub oo qaarkood loo soo magacaabay Ssoomaaliya si loo xoojiyo Xiriirada Soomaaliya kala…

Read More

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo saacado kahor soo daahfuray mashruuca dhismaha jidka Garoowe iyo Eyl ayaa magaalada Gaalkacayo ka dhagax dhigay dhismaha gaaroonka diyaaradaha Abdulaahi Yuusuf Axmed,  isla markaana ka qayb galay xafladda daahfurka mashruuca dhismaha garoon kaasi. Weftiga Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Abdulaahi Yuusuf Axmed ku soo dhoweeyey masuuliyiin ka tirsan goloyaasha dawladda Puntland, maamulka gobolka Mudug kan degmada Gaalkacayo, masuuliyiin ka tirsan madaxtooyada Puntland, saraakiisha ciidama Puntland iyo qaar kamida shacabka  magaalada Gaalkacayo. Madaxweynaha ayaa waxaa safarka ku wehelinaayey madaxdda shirkada CCECC oo Puntland ka hirgelinaysa laba mashruuc oo waaweyn oo kala ah…

Read More

Kismaayo,idilnews,Iyadoo ay qayb ka tahay dadaalka ay Dowlada Jubbaland ugu jirto xoraynta Dalka ayuu Maanta mar kale Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam tababar usoo xiray Ciidamo katirsan kuwa Darawiishta oo Tababar kala duwan indhawaale ku qaadanayay Magaalada kismaayo.   Ciidamadan oo ka kooban qaybo kala duwan ayaa waxaa kamid ah Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska, Ciidamada Lugta, iyo kuwa gadiidka.   Ciidamada Kumaandooska ayaa goobta kusoo bandhigay xirfadooda is difaacista shaqsiga ah iyadoo Ciidamada kalana ay geedo ka ciyaar iyo xubka culus munaasabada kusoo bandhigeen.   Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa…

Read More

Kismaayo,idilnews,Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Maanta oo Sabti ah tababar usoo xiray Ciidamo katirsan Xooga Dalka qaybta 43 ee Magaalada Kismaayo.   Munaasabada Tababarkan lagu soo xirayay waxaa ka qayb galay Wasiiru Dowlaha Wasaarada Difaaca Soomaaliya iyo Sarakiil ka socotay Dowlada Federaalka ah iyo Hawlgalka AMISOM.   Ciidamadan oo noqonaya dufcadii ugu horaysay ee ka qalin jabisa Qaybta 43 ee Ciidamada Xooga Dalka ayaa waxaa ay geedo ka Ciyaar kusoo bandhigeen Madaxda hortooda iyagoo soo bandhigay hababkii loo tababaray iyo Casharadii ay barteen.   Ciidamadan ayaa ka kooban qaybta kumaandooska iyo Ciidamada Lugta waxaana…

Read More

Madxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti uu hogaaminayo ayaa maanta 29  April 2017 dalka dib ugu soo laabtay kadib shirkii Madaxdda Africa ee Tana High Level Forum, waxaaana uu madaxweynuhu daahfuray dhismaha mashruuca wadada isku xidhidoonta Garoowe iyo Eyl. Weftiga Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaarahadaha Kanooko ee magaalada Garoowe ku soo dhoweeyey Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey, Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi iyo ku xigeenadiisa, masuuliyiin ka tirsan goloyaasha dawladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland iyo qaar kamida bulshada magaalada Garoowe. Soo dhoweyn kadib Madaxweynaha Dawladda…

Read More

Halkani waa #juwaay waa Jaziirad ku taala xeebaha Jubada hoose waxay u dhawodahay Magaalada Kismaayo maanta mar an booqday waxan ku arkay sawiradaan idinmuqda oo ah in Guri kasta uu ka taagan yahay #Calan durba waxaa maskaxdeyda kusoo dhacay suu’aalo badan oo ah waa maxay #Calamadan oo mid mid u eg uusan jirin waxan weydiiyay mid ka mid ah odayaasha Deegaanka Waxaa uuna ii sheegay in ay #Calamadani dadka deeganka ay taagtaan Maalmaha Farxada Maantana Waxa jaziirada Xariga laga jarayay Biriij cusub oo dadka jaziirada ay Doomaha oga soo Degaan Xiliyada Ay Bada Buuxdo Marka Waxan is iri Jaziiradaan Maa…

Read More

Madaxweynaha Dawlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo waftigisii ayaa soo gaaray caasimada Puntland ee garowe.  Madaxweyne Gaas ayaa isla markiiba Garowe uga gudbay dhanka Degmada Eyl,waxuuna hada ka dhagax dhigay halkaas wadada isku xiri doonta Eyl iyo Garowe ,taasoo laga dhigi doono wado laamiya oo casriya. Madaxweynaha ayaa sidoo kale isla maanta u safri doona dhanka Gobolka Mudug ,gaar ahaan magaalada Gaalkacyo, Gaas ayaa Galkacyo ka dhagax dhigi doona dhismaha Garoon cusub oo casriya oo diyaaraduhu isticmaali doonaan.   Hadaba hoos ka dhagayso khudbadii Madaxweynaha ee dhagax dhiga wadada iyo soo laabashadisi oo uu kaga hadlay arimo badan, …

Read More

Madaxweynaha Dawlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo waftigisii ayaa saacado kadib waxaa laga sugayaa Magaalada garowe ee caasimada Puntland.   Madaxweynaha oo qorshuhu ahaa in uu shalay kasoo dago Magaalada Gaalkacyo ayaa ka baaqday.   Madaxweyne Gaas ayaa isla maanta Garowe uga gudbi doona dhanka Degmada Eyl oo uu ka dhagax dhigi doono wadada isku xiri doonta Eyl iyo Garowe ,taasoo laga dhigi doono wado laamiya oo casriya.   Madaxweynaha ayaa sidoo kale isla maanta u safri doona dhanka Gobolka Mudug ,gaar ahaan magaalada Gaalkacyo,   Gaas ayaa Galkacyo ka dhagax dhigi doona dhismaha Garoon cusub oo casriya oo…

Read More

Kuuriyada waqooyi ayaa gantay gantaal kale oo ah nooca Ballistica , Saacado uun kaddib markii xoghayaha arrimaha dibada ee Mareykanka Rex Tillerson uu ku baaqay in si adag loo wajaho xukuumada Kim Jong-un. Saraakiisha Kuuriyada Koonfureed iyo Maraykanka ayaa waxa ay sheegeen in tijaabada gantaalka Kuuriyada Waqooyi uu guul daraystay ,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/Zr9ZJxAoNZc Madaxweyne Trump ayaa isna ka hadlay gantaalkan ay tijaabisay Kuuriyada Waqooyi, Waxaana uu sheegay in taasi ay ixtiraam daro ku tahay wadamada gobolka, gaar ahaan dalka Shiinaha. Tillerson oo ka hadlayay xarunta Golaha Ammaanka ee Qaramada…

Read More

Roobab wanaagsan oo ay ku diirsadeen duunyada ay abaartu samaysay ayaa ka da’ay deegaano kala duwan oo kamid ah Gobalada Karkaar, Bari,iyo Haylan 24 Saac ee ugu danbeyey.   Gobalka Karkaar waxa uu ka Da,ay Magaalada Qardho, Bandar Bayla, Dhuudo, Rako, Xubeys, Meygaag, Qodxan, Sarmaan iyo Deegano kale.   Gobalka Bari, waxa sida oo kale ka Da,ay Roobab iyadoona gobalkaasi uu ahaa dhulka ay Reer guuraga ugu badan ay ku soo hayaamen, Degmada iskushuban, Balidhidin iyo Deegano kale ayaa lasheegay in Roobab fiican oo dadku ku diirsadeen ay qabteen.   Dhinaca kale Gobalka Haylan ayaa ka mid ahaa dhulka ay…

Read More

War murtiyeedka oo uu ku saxiixnaa Madaxweynaha Maamulka Gobolada Dhexe ee ay taageeraan culumada Ahlusuna Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa lagu sheegay in maamulka gobolada dhexe  ay weli diyaar u tyihiin in la wada dhisto Dowlad Goboleed loo wada dhan yahay. Sidoo kale qodobada war murtiyeedka kasoo baxay xaafiiska madaxweyne Shaakir waxaa ka mid ahaa in uusan khuseyn wixii ka soo baxa shirka Doorashada la xiriira ee ka socda Magaalada Cadaado,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/_Q4bK8NRwCk

Read More

Dalka Turkiga, waxaa uu mashaariic badan ka fuliyaa Soomaaliya, waana dal ay Soomaalida ku tilmaamaan in uu indhaha caalamka ku soo jeediyay Soomaaliya. Hor-u-dhac: August 19, 2011: Xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga waxaa uu si fiican u soo ifbaxay kadib imaashiyahii ra’isulwasaaraha Turkiga Rajeb Tayib Erdogan ee Soomaaliya 19-kii Agoosto 2011-kii, si wax looga qabto baahi iyo abaarro ka jiray, wixii maalintaas ka dambeeyay wax walbo waa is badaleen. Booqashada Erdogan kadib, shirkadaha gaarka ah iyo dadweynaha Turkiga waxa ay Soomaaliya u ururiyeen kaalmo gaareysa $360 Malyuun oo doolar ,  Hey’adda Bisha Cas ayaa 3 sano gudahood dalka keentay…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fadaraalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hoggaamineyey ee booqashada ku tagay dalka Turkiga ayaa dib ugusoo laabtay magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.   Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo wafdiga la socday ayaa intii ay ku sugnaayeen magaalada Ankara ee xarunta Dalka Turkiga waxa uu Madaxweynuhu la kulmay dhigiisa Turkiga mudane Recep Tayyip Erdogan oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal.   Madaxweynuhu wuxuu kaloo ka qaybgalay shirkii Madaxda Afrika iyo Turkiga ee Wax soo saarka Beeraha ee ka dhacay dalka Turkiga, waxayna booqashadan ay labada dal u aheyd fursad ay ku…

Read More

Qoraal cusub oo la soo bandhigay ayaa lagu sheegay in lataliyihii hore ee amniga qaranka Maraykanka Micheal Flynn inuu lacago ka badan $500,000 ka qaatay dalka Turkiga, halka uu Ruushkana ka helay tobannaan kun oo dollar, ka dib xilligii uu shaqada ka fadhiistay, sannadkii 2014, xilligaas oo looga digay inaanu wax lacago ah ka qaadanin dawladaha debedda. Xubinta ugu sarreeya xisbiga Dimoqraadiga ee ku jira Guddida Korjoogtaynta ee Aqalka Wakiillada Maraykanka, Elijah Cummings, ayaa sheegay inaanay haynin wax caddayn ah oo muujinaya in Micheal Flynn uu ogolaansho ka helay xoghayaha difaaca iyo xoghayaha arrimaha debedda, xilligii uu lacagaha ka qaadanayey…

Read More

Madaxweyne Donald Trump ayaa markale ka digay in uu billaaban karo dagaal wayn oo lala galo Kuuriya Waqooyi kaas oo salka ku haya hubka nukliyeerka ah. Trump oo la hadlayay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa waxaa kale oo uu sheegay inuu door bidayo in arrintani ay noqoto mid lagu xaliyo qaab dublomaasiyadeed, balse buu yiri ay adagtahay in laga guul gaaro. Madaxweyne Trump waxaa kale oo uu bogaadiyay dhigiisa dalka Shiinaha Xi Jinping oo isku dayay buu yiri inuu cadaadis saaro dalka Kuuriyada Waqooyi. Horaanna xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Rex Tillerson oo la hadlayay telefishinka Fox news ayaa sheegay…

Read More

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland ayaa dalka Itoobiya uga qeybgalay shir arrimaha Afrika iyo kheyraadkeeda looga hadlayo. Gaas ayaa BBC-da uga warramay arrimaha shirkaasi looga hadlay iyo heshiiskii dhisamaha dekada Boosaaso Wuxuuna khadka teleefoonka ee magaalada Addis Ababa ugu warramay weriyaha BBC-da Cabdirisaaq Xaaji Catoosh,hoos ka dhagayso codka Madaxweynaha. Halkan ka dhagayso codka Madaxweyne Gaas

Read More