Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/H8pH2NfOuz8
Author: Jibril Qoobey
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/YynpIUeMdjI
Deegaano Hoos yimaada magaalada Buuhoodle ee Xarunta Gobolka Cayn ayaa waxaa Xalay ka Curtay Roobabkii gu’ga ,deegaamada Buuhoodle ayaa ahaa kuwa ugu darnaa ee ay ka jirtay. GOBOLKA BARI:- Taageer Xamur Deelwacato Bali dhidin Timirshe Washiton Ufeyn Dharoor Qalwo GOBOLKA KARKAAR:- Adin gari Cambaaro Xabaal Hawdka & Galbeedka Laas-caano ee Gobolka Sool :- Qabri bayax Xidhxidh Shululux ilaa Yagoori. GOBOLKA MUDUG:- D.Towfiiq.deegaamo hoos taga D.Jariiiban deegaamo hoostaga D.Xarfo deegaamo hoostaga D.Goldogob deegaamo hoostaga.
Madaxweyne kuxigeenka dawladda Puntland ahna Kusimaha Madaxweynaha Eng Cabdixakiim Xaaji Cumar Camey ayaa shir jaraaid ku qabtay Qasriga Madaxtooyada Puntland ee garowe. Shir saxaafadeedkan oo ay kala qaybgalay Madaxweyne xigeenka Wasiirka Amniga iyo Wasiirka Howlaha guud, Gaadiidka,ayuu kaga dhawaaqay go’aan kama danbays ah oo Puntland ay ka qaadatay Ururka cusub ee Saaciduun bil Xaq. Camey ayaa shirkiisa jaraa’id ku sheegay in aysan marnaba Puntland wada hadal iyo wada xaajood la yeelan doonin kooxaha Argagixisada ah iyo cid kasta oo katirsan kooxda la baxday Saaciduuna Bil Xaq. Madaxweyne xigeenka Puntland Eng Camey meesha ka saaray shaki laga muujiyay hadal ay…
Tv-ga caalamiga ah Idil Tv oo waraysi dhinacyo badan leh la yeeshay Duqa magaalada Gaalkacyo Maxamed Yaasiin Tumey. Tumey ayaa kaga warbixiyay waraysigiisa xaalada guud ee magaalada Gaalkacyo,si gaar ah waxuu taabtay dhinacyada amniga,ganacsiga iyo horumarinta bilicda magaalada,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/KFIUhkAQ_VM
Qarax weyn ayaa ka dhacay meel u dhaw garoonka caalamiga ah ee Dimishiq ee dalka Suuriya. Qaraxaasi waxaa xigay dab xoog leh oo goobta ka kacay, mana jira ilaa iyo hadda wax war ah oo ku aadan khasaaraha ka dhashay dabkaasi. Waxaana sidoo kale wali caddeyn waxa sababay qaraxa. Telefishinka Al-Manar oo ay leedahay kooxda Shiicada ah ee Xusbullaah ayaa ku warramay in qaraxaasi uu ka dhashay duqeyn ay Israa’iil ka dambeysay. Wasiirka sirdoonka Israa’iil, Israel Katz, ayaa sheegay in duqeyntaasi looga gol lahaa ka hortagida in kooxo argagaxiso ah hub lagu wareejiyo. Wasiirka oo wareysi siinyay raadiya uu leehay…
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta u magaacabay Maareeyaha Guud ee Hey’adda Saadaasha iyo Duulista Hawada Yuusuf Cabdi Cabdulle (Yuusuf Jaalle). ninkan ayaa mar la sheegay in loo magacabay Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho. Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu shaaciyay in Yuusuf Jaalle si rasmi ah loogu magacaabay xilka Maareeyaha Guud ee Hey’adda Saadaasha iyo Duulista Hawada, iyadoo xilka laga qaaday Mr C/waaxid Sheekh Cumar oo xilkan hayay. Yuusuf Jaalle ayaa horay u soo noqday Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Shabellada Dhexe, waxaana uu ka soo jeedaa magaalada Jowhar ee xarunta u ah Gobolkaas.…
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay xarunta Villa Hargeysa kulan gaar ah kula qaatay Gudoonka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Guddiga Difaaca iyo Arimaha Gudaha Baarlamaanka. Kulankan ka dhacay Villa Hargeysa ayaa ku saabsanaa su’aalo Ra’isul Wasaaraha laga weediinayay qorshaha dhismaha ciidanka Qaranka, oo Xildhibaano katirsan Baarlamaanka kasoo horjeesteen kana keeneen mooshin. Qaar kamid ah Xildhibaanada baarlamaanka Federaalka ayaa dood ka keenay qorshe dhawaan lagu heshiiyey kaas oo daba socdey heshiis hore oo dhacay sanadkii 2015 oo ahaa in in la dhiso 18000 oo askeri oo isku dhaf ah oo laga kala keeno maamul goboleedyada…
Deegaamada ay raxmaddai gu’gu ku hoortay saacadihii ugu dambeeyey ee ka tirsan Puntland waxaa ka mid ah Gobollada kalaah:- 1.Sanaag, 2.Haylaan 3.Karkaar 4.Bari, 5.Mudug 6.Sool. Roobkan ayaa la tilmaamayaa in uu iskugu jiro doogsin baraagaha buuxiyey iyo xareed dhacmo kookooban. Inta badan gobollada Puntland wararkii ugu dambeeyey waxaa ay sheegayaan jiritaan cusboonaan xagga cirka ah iyo jawi roobaad, iyadoo daruuraha biyeysan ay saameeleen cirka, lagana arkayo meelo badan iyo hillaaca roobka.
Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed, ayaa amar uu soo saaray waxaa uu ku faray Waaxyaha kala duwan ee dowladda inay wax ka bedel ku sameeyaan qaab qoraalka Banaadir. Wareegto ka soo baxday Xafiiska Guddoomiyaha ayaa lagu sheegay in Guddoomiyuhu uu isku bedelay xarfaha A iyo E. magaca “Banaadir”, kaasoo dhamaan waaxyaha dowladda Hoose la faray inay adeegsadaan “Benaadir”. Wareegatada oo uu ku saxiixnaa Agaasimaha Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa lagu faray in dhamaan waaxyada kala duwan ee dowladda hoose Xamar ay wixii hadda ka dambeeya adeegsadaan qaab qoraaleedka “Benaadir”
Murtida Maanta [Thought of the Day] Beddelidda dunida ayuu qof walba ku fekeraa, hayeeshee beddelidda naftiisa qofna kuma fekero. Everyone thinks of changing the world, but no one thinks of changing himself.
Dowladda Puntland ee Soomaliya iyo dowladda Itoobiya ayaa isku afgartay heshiiskii ugu dambeeyey ee lagu doonayo in lagu furo kastam ganacsi ee Tuurdibi ee isku xiraya Puntland iyo dowladda Itoobiya , waxaana heshiiskan saxiixay guddiyo kala matalaya labada dhinac. Dowladda Itoobiya ayaa u xilsaartay agaasimaha guud ee arimaha Afrika iyo IGAD Mr.Berhane Fisseha , halka guddiga Puntlandna uu hogaamiye u yahay wasiirka ganacsiga iyo warshadaha Puntland Cabdiwali Indho-guran. Waxaa madasha goob joog ka ahaa wasiiru dowladaha arimaha dibadda Itoobiya iyo madaxwaynaha Puntland. Kastam-ka Tuur Dibi waxaa laga hirgelinaya meel u dhow magaalada Galdogob, waxaana lagu micneeyay inuu halbowle u noqonayo…
Dawladda Shiinaha ayaa soo bandhigtay Markab diyaaradaha xambaara, arrintaas oo xoojinaysa awoodda milatari iyadoo bartanka lagaga jiro xiisadda sii kacaysa ee gobolka ka taagan. Waa markabkii labaad ee dalku yeesho ee awooda in uu diyaarado xambaaro. Laakiin kani wuxuu kii hore kaga duwan yahay waa midkii koobaad ee lagu sameeyo dalka Shiinaha gudahiisa. Warbaahinta dawladdu waxay sheegtay in markabkan oon wali magac loo bixinin “in laga qaaday meel dhul ah oo la galiyay biyaha dekedda Dalian. Wararkii hore waxay sheegayeen in uusan hawlgali karin inta ka horaysa 2020ka. Arrintani waxay ku soo aadaysaa iyadoo maalmihii u dambeeyay ay sii kululaatay…
Hay’adaha socdaalka ee Mareykanka ayaa ku wargeliyay safaaradda Soomaalida inay joojinayaan qabqabashada dadka Soomaalida ee sharci darada ah oo aan guryahooda ama goobahooda shaqo loogu tagi doonin. Laanta socdaalka dalka Mareykanka ayaa warqad wargelin ah u dirtay safaaradda Soomaaliya ee Washington. Warqaddan ayaa la xiriirta Soomaalida laga masaafurinayay dalka Mareykanka. Warqadda ayaa waxaad ku qornaa in laanta socdaalka Mareykanka ay joojisay qab qabashada Soomaalida sharci la’aanta ku jooga Mareykanka oo maalmihii lasoo dhaafay la qab qabanay. Laamaha amaanla Mareykanka ayaa 4,800 oo Soomaaliyeed ah gacanta ku dhigay waxaana ay doonayaan in ay dib ugu celiyaan Soomaaliya. Laantu…
Shacabka turkiga iyo shacabka soomaaliyeed Taariikh dheer ayaa ka dhaxaysa sanadahii laga soo bilaabo 2010 ilaa hada 2017 xiriirka turkiga iyo soomaaliya wuxuu gaarayaa meel wanaagsen labada wadan madaxdooda ayaa booqasho joogta ah ku taga labada wadan. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa booqasho rasmi ah ku jooga dalka Turkiga wuxuu caawa la kulmay dhigiisa waddanka Turkiga Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan. Madaxweynaha Turkiga ayaa xarunta madaxtooyada dalkaasi ee caasimada Ankara ku qaabilay Madaxweyne farmaajo,waxayna ka wada hadlaya xiriirka iyo Iskaashiga ka dhaxeeya Waddamada ee Turkiga iyo Soomaaliya. Wadanka Turkiga ayaa saxiib ama walaal yar ka dhigtay shacabka soomaaliyeed…
Taliska Qeybta Booliska ee gobolka Bari ayaa magaaladda Bosaso ku soo Bandhigay 5 nin oo La sheegay iney wateen waxyaabaha Qarxa islamarkaana ay gacanta ku soo dhigeen ciidamada Madaxtooyada Nimankan ayaa sidoo kale lagu soo qabtay Agabka laga sameeyo waxyaabaha qarxa, Gaari ay wateen iyo 5 Nin, Taliyaha Qeybta Booliska ee Gobalka Bari Gaashaanle Dhexe C/Xakiin yuusf xusen ayaa fahfahiyay qaraxyadaas ladamaqsanaa in bosaaso laga fuliyo, Isagoona sheegay iney oga mahadnaqayaan ciidamadii Howgalkaasi fuliyay Taliyaha qeybta boliska ayaa ka gaabsaday in uu ka waramo halka qaraxyadaas laga fulin lahaaa, waxaana uu shegay in lamaha Amaanka ay wadaan warbixino kadibna ay…
Labada Madaxweyne ayaa qaatay kulan gaar ah oo ay uga wada hadleen xiriirka labada dal, Madaxweynaha Fadaraalka Somaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa xaaladda abaaraha iyo midda guud ee dalka uga warramay dhiggiisa Turkiga, waxa uu ka mahadceliyey dadaallada dowladda iyo shacabka Turkiga ay uga qeyb-galaan gurmadka dadka Soomaaliyeed ee ay abaaraha saameeyeen. Sidoo kale Madaxweynaha Turkiga,Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in booqashada Madaxweyne Farmaajo uu ku faraxsan yahay, isla markaana labada dowladood ay mar walba ka wada shaqeyn doonaan sidii horumar iyo degnaasho loo gaarsiin lahaa dadka iyo dalka Soomaaliyeed, dowladda Turkiga waxa uu sheegay in aysan marnaba ka daali…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fadaraalka Soomaaliya iyo wafti uu hoggaaminayo oo ku sugan magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay Qasriga Madaxtooyada dalkaas.. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaa soo dhoweeyey Madaxweynaha dalka Turkiga mudane Recep Tayyip Erdogan , labada Madaxweyne ayaa salaan ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka qaranka ee dalka Turkiga,hoos ka daawo muuqaalka. …
Kismaayo, Jubbaland,idilnews.. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta oo Arbaco ah si rasmi ah u furay garoonka kubada Cagta ee Waamo kaas oo dib u dhis heer sare ah lagu sameeyay isla markaana la dhigay rooga macmalka ah. Madaxweynaha oo uu dhinac taagan yahay Madaxweyne ku xigeenka koobad ayaa sidoo kale furay Ciyaartii u horaysay oo lagu ciyaaro garoonka Waamo oo roog uu yaalo taas oo muujinaysa sida dar darta leh ay ku socdaan adeegyada dhinaca Hormarka ee Dowladu ay Kismaayo ka wado. Ciyaarta ugu horaysay ayaa waxaa ay dhex martay Ciyaartoyda Xulka…
Maxaa Deeqa Bulshada Dal-udug? WAXAA QOREY; Axmed Cabdirisaaq Raajucuun. Nairobi, Kenya. Mudada labaatanka sano ku dhow ee Bulshada reer Dal-udug ay ahaayeen kuwo Maamulo & Madax kala dambeeyay ay soo mareen waxay ahayd mid ay ka heli karaan khibrad ku filan, oo ay ku ogaadaan waxa ay tahay baahidooda dhabta ahi. Waxaa xaqiiq ah in aanay maanta hayn waayo-aragnimo yari ku kalifta in bulshadu kala sooci wayso waxa danta u ah & waxa dalaw ka ridaya, oo muddadaa dheer & maamuladaa kala dambeeyay waxa aanu ka dhaxalnay khibrad nagu filan oo ah dhaxal gal, ayna tahay inaan si weyn uga…
Hay’ada Psaweyn oo Puntland uqaabilsan Biyaha iyo Macdanta, ayaa markale soo bandhigtay lix Gaari oo ah nooca loo yaqaan booyadaha,kuwaasoo loogu tala galay biyo dhaamiska gurmadka abaarta. Gaadiidkan ayaa lagu soo gaday dhaqaale horay loogu deeqay abaarta,kaasoo ka yimid dhanka gudiga gurmadka abaarta ee heer fadaraal.. Madaxweyne Camey ayaa ka qaybgalay munaasabada lagu soo bandhigayay Gaadiidkan,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/j094pa3cYSs
Wakiilka Ethiopia uqaabilsan urur goboleedka IGAD Jen.Gabre,ayaa madaxweynaha Somaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ku eedeeyay inuu ixtiraam daro umuujiyay ciidamada Ethiopia ee ku sugan magaalada Baydhabo booqashadii madaxweynuhu ku tagay magaalada Baydhabo dhowr beri kahor. Jeneral Gabre wax faahfaahin ah kama bixinin ixtiraam darada uu ku eedeeyay madaxweyne Farmaajo. Jeneraal Gabre ayaa madaxweyne Farmaajo weydiiyay su’aal udhignayd sidan:- “Farmaajo miyuu iloobay kulankii uu la qaatay Raysulwasaaraahigii geeriyooday Meles Zenawi,kulanka ayaan isku aragnay markii uu Meles Zenawi ii yeeray,” ayuu yidhi General Gabre. Ujeedada qoraalka Generaal Gabre ma cadda iyo sababta uu xusay kulanka uu sheegay inuu dhexmaray Meles Zenawi iyo Madaxweyne…
The Commander of Puntland presidential guard Abdirashiid Abdirahim Ismail:”Security forces in Bossaso have followed up on information for the past 24 hours, regarding three explosives. The explosives were hidden inside three barrels intended to be placed inside three vehicles that would target three locations. Security forces have caught the car carrying the explosives and arrested 5 passengers”
Howlgal xoog leh oo ay sameeyeen ciidamada amaanka ee Magaalada Boosaaso ayey u suurta gashay caawa inay gacanta ku soo dhigaan Fuustooyin lagu diyaariyey Qaraxyo saddex gaaraya oo la qorsheeyey in la kala saaro saddex gaadiid. Ciidanka Howlgalka Fuliyey ayaa gacanta ku soo dhigay Gaari iyo shan nin oo waday qorshaha diyaarinta Qaraxyadaas. Laamaha amaanka Puntland ayaa waday maalmihii lasood haafay hawlgalo isdaba joog ah oo lagu adkaynayo amaanka guud ee Puntland.
Murtida Maanta [Thought of The Day] Isbeddelku waa huriweydo. Isbeddelku waa joogto. Benjamin Disraeli Change is inevitable. Change is constant.
Labadii Diiq ee Dirirayay iyo Gallaydhka Waxaa jirey laba Diiq oo deyrbeereed qudha ku wada noolaa oo aan indhaha iska qaadi karinnin. Kama dambeeyntii dharaar ayay isku boodeen oo gafuurka iyo ciddiyaha isla dhaceen oo si ba’an u dirireen. Waxay dirirtu socotay ilaa midkood dhulka la dhigey oo dabadeed midkii laga taag roonaaday inta baxsaday oo gurguurtay ayuu meel cirif oo gees ah ku dhuuntay. Kii bartii is-hardigu ka dhacay ku itaal roonaaday ayaa u duulay dhakada sare ee aqaldigaagga oo si kibir iyo isla weyni ku jirto isu qaadqaaday oo baalasha gargaraacay oo intii taagtiisa ahayd dhawaaq dheer yeedhey,…
Guddiga difaaca ee baarlamanka Soomaaliya ayaa kasoo horjeestay qorshaha dhismaha ciidamada qaran ee Soomaaliya ee dhowaan ay isku raaceen dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada dalka. Guddiga ayaa qoraal ay maanta soo saareen oo ay u gudbiyeen guddoonka baarlamanka ku sheegay in kadib markii ay darseen go’aanadii ay dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ku gaareen shirkii Muqdisho ka dhacay 15 illaa 16-kii April ay usoo baxday in qaabka ciidanka loo dhisayo uu yahay, sida ay hadalka u dhigeen, mid lagu wiiqayo awooddii ciidanka xoogga dalka, islamarkaana si ula kac ah awoodihii dawladda dhexe loo weecinayo dawlad goboleedyada dalka ka jira,…
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/wsmYzX8uzFM
Waxaa magaalada Garowe lagu qabtay shir looga tashanayo xaalada amni Puntland. Shirkan oo shir gudoominayay wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xirsi Qarjab,ayaa looga xaajooday xaalada amniga ee dalka,iyadoo markii danbe la magacaabay gudi amni oo ka kooban dhamaan laamaha amniga. Wasiirka amniga cabdi Xirsi ayaa saxafada uga waramay shirkaas iyo gudiga la magacaabay,hoos ka dhagayso codka Wasiirka. Hakan ka dhagayso codka Wasiirka
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/uwTOKcRSDbI
Madaxweyne xigeenka Dawlada Puntland Cabdixakiin Xaaji Cumar Camey ,ayaa maanta daahfuray shirka horumarinta magaalooyinka ee loo yaqaan JLPG. Camey oo ka hadlay furitaanka shirka ayaa niyad jab ka muujiyay gaabis xoog leh oo ku yimid hirgalka barnaamijkan ee sanadihii lasoo dhaafay. Madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng Camey, ayaa xusay in 2014-kii ay Puntland ka heshay deeq bixiyayaasha caalamka sideed milyan oo dolar,balse waxii ka danbeeyay sanadkaas ilaa iyo maanta aysan waxba ka helin,waxuuna xusay in hada muranba ka taagan yahay dhaqaalihii lagu maalgalinayay barnaamijkaas,iyadoo doodu hada taagan tahay waxaan idin haynaa afar milyan oo dolar,,hoos ka daawo muuqaalka.…
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi “Farmaajo” iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa u duulay Waddanka Turkiga. Waftiga Madaxweynaha waxaa ka mid ah mas’uuliyiin ka tirsan golaha Wasiirrada iyo Xildhibaanno, waxaana halkaasi ay kula kulmi doonaan madax kala duwan oo ka tirsan dowladda Turkiga. Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar oo warbaahinta kula hadlay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in Madaxda labada dowladood ay ka wada hadli doonaan xiriirka labada dal iyo iskaashiga,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/wdP4096q_UY
Gudoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Cabdullaahi Faraweyne ayaa Garoowe kaga qaybgalay kulan lagu soo bandhigayey Cabdirasaaq Cabdiraxmaan Kulan oo kamid ahaan jirey ururka Takfiirka ee laga mamnoocay Puntland, islamarkaana ku dhawaaqay inuu ka baxay,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/azdXEuy9Yhk
Kismaayo,Jubbaland,idilnews. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Qado sharaf u sameeyay Sarakiisha Qaybta 43 ee Ciidamada qalabka sida. Kahor qadada Madaxweynaha ayaa kulan la qaatay Sarakiisha isagoo oo ku amaanay sida hagar la’aanta ah ee ay heeganka ugu jiraan Xasilinta Dalka gaar ahaan qaybta 43 oo uu xusay in la joogo xiligii ay bilaabi lahayeen hawlgalka Jubbaland lagaga xoraynayo kooxda Al-Shabaab. Madaxweynaha ayaa sheegay in dhamaan tasiiladka ay Ciidamadu u baahan yihiin la dhamaystirayo sida ugu dhakhsiyaha badan wixii xiligaas ka danbeeyana ay hawlgaladu bilaabanayaan. Si loo helo hawlgal wada jir ah…
Mid ka mid ah xubnaha xisbiga Takfiirka oo shaaciyay in uu isaga baxay ururkaas. Cabdirisaaq Cabdirixmaan oo ka mid aha ururkaas mudo lix sano ah ayaa maanta shaaciyay in uu isaga baxay oo rabi uga towbad keenay fikradii khaldanayd ee uu ku jiray mudadaas,hoos ka dhagayso codka xubintaas. Halkan ka dhagayso codka
Madaxweyne Farmaajo ayaa Turkiga aadaya kadib maalin un markii ay Ankara sheegtay in 10 Milyan oo Dollar ay ku kabi doonto miisaaniyadda Soomaaliya. Sida ay sheegayaan wararka booqashada Madaxweynaha ee Turkiga ayaa ka dhalatay wada hadaladii labada Madaxweyne ee todobaadkii hore khadka taleefanka ku dhex maray, kaddib markii Turkiga uu afti u qaaday wax ka bedelka dastuurka dalkaas oo awoodo dheeraad siinayay Madaxweyne Erdogan. Ilo ku dhow dhow Madaxtooyada ayaa sheegaya in safarka Madaxweyne Farmaajo ku tagayo Turkiga ay noqon doonto mid sii xoojisa xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya. Booqashadan ayaa noqoneysa tii 5aad oo dal dibadda ah uu ku tago…
Kismaayo,idilnews, Jubbaland Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta oo Isniin ah tababar usoo xiray dufcadii Sadexaad ee Ciidamada Booliska Jubbaland kuwaas oo mudo Sadex bilood ah uu tababar uga socday Akadeemiyada tababarka Ciidanka Booliska Jubbaland ee Kismaayo. Ciidankan oo la baray dhamaan casharada layliga Askari iyo dhamaan waxyabaha uu u bahan yahay Askariga Booliska ah ayaa waxaa ay tiradoodu gaaraysa 201 Askari oo isugu jira wiilal iyo Gabdho si wanaagsan loo carbiyay. Dhamaan Casharada ay barteen ayay madasha kusoo bandhigeen iyagoo sidoo kale geedo ka ciyaar ku hor maray Madaxada hortooda. …
Xoghayaha Gaashaandhiga Maraykanka Jeneraal James Mattis ayaa Axadii shalay gaaray dalka Jabuuti oo ay ku taal xerada ugu weyn ee uu Militariga Maraykanka ku leeyahay qaarada Afrika. Booqashada Jeneraal Mattis ayaa lagu soo beegay wakhti ay xukuumada cusub ee Maraykanka sheegtay inay dardar gelin doonto dagaalka ay kula jirto kooxda Al Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/MThd–fNgyU
Murtida Maanta [Thought of the Day] Winners must have two things: definite goals and a burning desire to achieve them. Anonymous
Shan Inammood iyo Aabbahood [Sheekaxariirooyinka Ciid iyo Ceelcad] Waxaa jiri jirey oday xoolo badan oo dabjoog ah lahaa oo afadiisa iyo shan inammood ay dhaleen Ciid iyo Ceelcad kula noolaa. Inkastoo odaygu carruurtiisa dhammaan uu wada jeclaa, misana midka dhexe ayuu hawllaha iyo talooyinka reerka ku aammini jirey. Wiilasha kalese arrinkaas kuma faraxsannayn. Aad bay uga masayreen kalsoonidaa gaarka ah ee aabbahood walaalkooda saddexaad uu siiyey. Maalin maalmaha ka mid ah ayay afartoodii oo wada socda aabbahood u tageen. Waxay kala doodeen sababta uu iyaga ugu aammini waayay arrimaha iyo talooyinka reerka. Odaygii arrinkaas lagu eedeeyey kama cadhoonnin jawaabna kama…
Saadaasha hawada ayaa tilmaantay in maalmaha soo socda ,gaar haaan maalmaha Khamiista ,Jimcaha iyo sabtida ay ka da’i doonaan Puntland roobab xoog badan oo sidaba joog ah. Magaalooyinka uu ka da’idoono roobkaa xooag badan ee saadashu tilmaantay ayaa kala ah ,Galkacyo,garowe iyo Bosaso. Hadaba waxaa digniin laga siiyay guud ahaan shacabka Puntland in ay ak digtoonaadaan uand iyaar garoobana Roobabkaas,hoos ka dhagayso codka. Halkan ka dhagayso codka roobka
Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ayaa saakay xukun dil ah ku fulisay afar nin oo lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen qarax dad badan lagu laayay oo sanadkii hore ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed. Xukunka dilka ah ee ragan saakay lagu fulia ayaa ka dhacay fagaare kuyaala magaalada Baydhabo, waxaana goob joog ka haaa goobta uu dilku ka dhacay masuuliyiin katirsan maamulka Koonfur Galbeed , Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida iyo saraakiil kale. Afarta nin ee saakay Xukunka dilka ah lagu fuliyay ayaa lagu magacaabi jiray Xasan Aadan Mursal , C/ladiif Macalin Aadan C/raxmaan ,…
Waxaa goor dhow lagu dhawaaqay Guddoomiye Kuxigeenada Gobolka Banaadir uu yeelanayo iyo Xoghayaha Cusub ee Gobolka, iyadoo la bedelay afar Kuxigeen oo uu lahaa Gobolka iyo Xoghayihii Guud. Is bedelka lagu sameeyay Kuxigeenadii hore ee Gobolka Banaadir iyo Xoghayaha Guud ayaa ahaa mid soo socday labadii todobaad ee u dambeeyay, waxaana ay qeyb ka aheyd is bedelkii uu ku yimid Guddoomiye Taabid. Labo Haween ayaa ka mid ah Guddoomiye kuxigeenada cusub iyo Xoghayaha Guud, taasoo noqoneysa markii u horeysay oo Haween ka mid noqdaan Mas’uuliyiinta sare ee Maamulka Gobolka Banaadir. Halkan hoose ka akhriso magacyada Kuxigeenada cusub…
Emmanuel Macron oo siyaasaddiisu dhexdhexaad tahay iyo Marine Le Pen oo siyaasaddeedu midig fog tahay ayaa isugu soo haray wareegga ugu dambeeya ee doorashada madaxtinimada Faransiiska oo dhacaysa 7 bisha May, sida ay muujinayso natiijada wareegga koobaad oo inteeda badan la tiriyay. Iyadoo la tiriyay 96% ka mid ah codadkii la dhiibtay doorashaddii wareegga koobaad ee Axaddii dhacday ayaa Macron wuxuu helay 23.9% halka Le Pen ay ka heshay 21.4%. Aragti aruurrinnadii la sameeyay ayaa si joogto ah u muujinayay in Macron uu ku guulaysan doono wareegga labaad. Labadan murashax ee isu soo haray ayaa hardan adag la soo galay…
Madaxweynaha Dawladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo maalintii labaad ka qayb galaya shirka Madaxdda Africa ee Tana High Level Forum ayaa khudbad muhiima ka jeediyey shirkaasi oo ka dhacayey magaalada Bahar Daar ee dalka Ethiopia. Madaxweynuhu wuxuu khudbadiisa kaga hadlay khayraad dabiici ah ee cagaaga qaarada Afrika , isagoo kula taliyey madaxdda ka soo qayb gashay shirka inlaga Faa’iidaysto khayraadkaasi. ‘’Macdanta Africa waa qani dhinaca khayraadka dabiiciga ah sida saliidda ceedhiin oo ay ka mid yihiin shidaalka iyo gaaska, laakiin waxaan u baahanahy inaan helno hogaamiyayaal wanaagsan oo fahmi kara khayraadka faa’iidadiisa, hadaynaana hada ka faa’iidaysan oo la soo bixin, waxaa dhici karta…
Ciidanka Dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa la sheegay inay weerar ku qaadeen deegaanada Mareerey iyo Bariire oo ay gacanta ku hayaan Ashabaab, waxaana halkaasi ka socda dagaal u dhaxeeya labada dhinac. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/nEHcVa0zszE
Askar ka Tirsan Daraawiishta Puntland ayaa ku dhintay Qarax ka dhacay Buuraleyda Galgala ee Gobolka Bari, halkaas oo Ciidan ka tirsan Puntland ay marayeen, Kadib markii mid ka mid ah Gaadiidkii ay wateen ku qarxay Miino dhulka lagu aasay,waxaana halkaas ku dhintay 9 ka mid ah Askarta iyada oo Shan kale ay ku dhaawacmeen,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/NKa3-DJMeec
https://youtu.be/2LPniZGU0Bc
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fadaraalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo oo si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG u ah dowlad goboleedka Koonfur galbeed ayaa sheegay in dowladda ay ahmiyadda koowaad siineyso sidii gurmad deg deg ah loo gaarsiin lahaa dadka ay abaartu saameysay. Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ah Wasiirka Difaaca Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed, Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Drs Maryan Qaasim Axmed, Wasiirka Caafimaadka Drs Fawziya Abiikar Nuur, Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Gudaha Xaaji Cali Sheekh Maxamed Nuur, Wasiir ku-xigeenka caafimaadka Mudane Xuseen Cismaan Xuseen iyo Wasiiru dowlaha Ganacsiga Mudane Cabdicasiis Xasan…
Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo iyo Xubno katirsan labada Golle ee dowlada ayaa goordhaw gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya . Garoonka Diyaaradaha magaalada Baydhabo waxaa si diiran ugu soo dhaweeyay wafdiga Madaxweyne Farmaajo Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Amaanka magaalada Baydhabo ayaa si weyn loo adkeeyay , ciidamada amaanka Maamulka Koonfur Galbeed iyo kuwa AMISOM ayaana lasoo dhoobay wadooyinka magaalada kuwaa oo si weyn u adkeenaya amaanka inta uu Madaxweynaha joogo. Madaxweyne Farmaajo iyo Masuuliyinta kale ee la socda ayaa lagu wadaa in ay…
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. C/xakiin Daahir Saciid (Saacid) ayaa dib ugu celiyay Taliska Qeybta Ciidanka Ilaalada Waddooyinka Jen, Cali Xirsi Barre (Cali Gaab), oo horay xilkan u soo qabtay. Jen. Cali Gaab ayaa saddex maalin ka hor loo magacaabay xilkan, waxaana durbaba lagu arkay, isagoo labisan dharka Ciidanta Taraafikada, isla markaana taagan waddooyinka, isagoo amaro siinaya gawaarida kala duwan ee waddooyinka mara. Taliye Cali Gaab ayaa lagu tilmaamaa inuu yahay nin howl kar ah, waxaa uu horay isaga casilay xilka Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir. Ciidamada Taraafikada oo hoos taga Booliska Soomaaliyeed ayaa maalmahan lagu arkayay waddooyinka Muqdisho, iyagoo howl…
Amaanka iyo dhismaha ciidanka Soomaaliya ayaa galay marxalad cusub, kadib marki dhawaan ay madaxda Dowlada ku dhawaaqday qorshe cusub oo dib u habeyn dhinaca ciidanka ah. Si ciidamada Somalia ay amaanka ugala wareegaan kuwa Amison oo bishan ay u buuxsantay 10 sano oo ay Somaliya joogeen, waxaa dar dar ku socda qorshe isugu jira tababarid iyo isku dhaf ciidanka Somalia. Mareykanka ayaa dhawaan u diray Soomaaliya ciidan, ka duwan kuwi horey tababarka u siinayay ciidamada Soomaaliya, Britain ayaa iyana sidaa oo kale u direysa ciidan Soomaaliya. Hadaba xaguu marayaa amaanka Soomaaliya iyo dhismaha ciidanka. Wariyaha VOAda Maxamed Colaad Xassan ayaa…
Codbixiyayaasha Faransiiska ayaa saaka u dareeray in ay u codeeyaan madaxweynahooda xigga, ayadoo si weyn loo adkeeyay guud ahaan ammaanka dalkaasi. Ku dhawaad 50,000 oo boolis ah iyo 7,000 oo milateri ah ayaa la geeyay goobaha codbixinta ee Faransiiska oo dhan, si ay ammaanka u sugaan. Kow iyo toban musharrax ayaa u tartamaya madaxtinnimada dalkaasi, waxaana wareegga labaad u gudbi doona labada ugu codka badnaata doorashada maanta dhacaysa. Afar ka mid ah musharraxiintaasi ayaa hadda u muuqda kuwa ugu cadcad, waxaana ay kala yihiin, François Fillon oo hogaaminaya xisbiga muxaafadka ah, Marine Le Pen oo hogaamisa xisbiga National Front, Emmanuel…
Boqor Salman ka Sacuudi Carabiya ayaa dib u soo celiyey gunnooyinkii la siin jiray shaqaalaha dawladda iyo ciidanka dalkaas ee laga gooyey bishii Sebtember ee sannadkii hore, markii dalku qaatay tallaabooyinka lagu dhimayo kharashaadka dawladda sababtuna ay ahayd sicirka saliidda oo hoos u dhacay. Sidoo kale qaraaro boqortooyo oo uu soo saaray boqorku ayuu xilkii kaga qaaday wasiirkii shaqada waxaanu amar ku bixiyey in la baadho in wasiirku ku takri falay awoodda xafiiskiisa iyo in kale. Qaraarada kale ee uu soo saaray Boqorku waxa ka mid ah inuu dan jirihii dalkiisa u fadhiyey Maraykanka ku bedelay wiilka uu isagu dhalay…
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wasiirka arrimaha dibadda dalka Ethiopia Dr. Workneh Gebeyehu ayaa maanta 23 April 2017 kulan ku yeeshay magaalada Bahar Daar ee dalka Ethiopia oo uu ka dhacayo shirka madaxda Africa ee Tana High Level Forum. Kulankan u dhexeeyey Madaxweynaha Dawladda Puntland iyo Wasiirka arrimaha dibadda dalka Ethiopia ayaa waxa ay kaga wada hadleen arrimo la xidhiidh ammaanka labada dhinac madaama ay Puntland iyo Ethiopia leeyihiin xuduud dhuleed aad u ballaadhan, Abaaraha baaxaddaleh ee ka jira Soomaaliya Gaar ahaan Puntland, iyo iskaashiga dhanka ganacsiga iyo ammaanka ee labada dhinac Madaxweynaha Dawladda…
Safiirka dalka Isutaga Imaaraadka Carabta (UAE) ee Soomaaliya Mudane Mohamed Al-Othman oo booqasho ku yimid xafiiska Wasiirka Warfaafinta ee Soomaaliya ayaa la kulmay Wasiir Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) oo ay ka wada hadleen arrimo fara badan. Wasiir Eng. Yarisow ayaa ugu horeyntii uga mahadceliyey safiirka booqashadiisa Wasaarada Warfaafinta, isagoo lagu soo wareejiyey xarunta SNTV iyo Keydka Raadiyo Muqdisho. Sidoo kale Eng. Yarisow ayaa safiirka uga mahadceliyey dadaalka dalka Imaaraadka ee ku aadan u gurmadka abaaraha oo Bisha Cas ee Imaaraadka ay maalmahan dalka gudihiisa ku qeybinayeen raashin gar-gaar ah oo la gaarsiiyey dadka abaarahu ay saameeyeen. Eng. Yarisow “Waxaan…
Madaxweynaha Jamhuuriyada Fadaraalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta lagu wadaa in uu gaaro magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa saakay si weyn loo adkeeyay, waxaana waddooyinka magaaladaasi gala lagu arkayay dadweyne aad u farabadan kuwaasi oo isku diyaarinaya soo dhaweynta Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo. Madaxweynaha waxaa socdaalkiisa ku wehliyo Wasiirka gargaarka iyo arrimaha beni’aadanimada Marwo Maryan Qaasim Axmed waxayna kulamo la qaadan doonaan Madaxda dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo qeybha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaaladaasi, waxaana socdaalka Madaxweynaha la xariirtaa u…
Madaxweynaha Dowlada Jubbaland ayaa socdaal dhinaca dhulka ah ku tagay deeganka oo ay dagan yihiin Ciidamada qalabka sida waxaana uu Kismaayo u jiraa 45 KM. Madaxweynaha ayaa kormeer ku sameeyay xayndaabka Xerada milateri ee ay Ciidamadu halkaas ku leeyahiin waxaana uu Warbixino ka dhagaystay Sarakiisha iyo Hogaanka Ciidanka ee halkaas ku sugnaa waxaana uu kulan gaar ah oo lagaga hadlayay Abaabulka Hawlgalka Jubbaland lagaga xoraynayo Al-Shabaab uu la yeeshay Sarakiisha isagoo intaas kadibna ku dhiiri galiyay in ay ka qayb qaatan gurmadka abaaraha gaar ahaan in ay caawiyaan dadka Barakacayaasha ah ee ku nool deeganka maadama ay dhibaatadii…
Wararka laga helayo Galgala Buuralayda Ciidamada Difaaca Puntland ay kala dagaalamaan argagixisada Alshabaab,ayaa sheegaya in lala beegsaday mid kamid ah gaadiidka dagaalka ee ciidamada difaaca Puntland,kaasoo marayey xiliaga qaraxa lla eeganayo mid kamid ah wadooyinka Galgala. Ilaa hadda lama xaqiijiyin khasaaraha ka soo gaaray ciidamada difaaca Puntland. Saraakiisha ciidamada difaaca dawladda Puntland oo aan la xariirnay ayaa ka gaabsaday ka hadlida qaraxan, waxayna sheegeen in ay war ka soo saari doonaan. Kooxahan Argagixisada ah ayaa marar badan falalka noocaan oo kale ah ka fuliya Buuraleyda Galgala, xili ay ciidamada dawladdu si adag ula dagaalamaan, loogana guuleystay dagaalka…
Xukun dil ah ayaa saaka maxkamada ciidamada qalabka sida ay ku fulisay nin lagu magacaabo Axmed Cabdi Maadeey oo 28 sano jir ah kana mid ahaa Ciidamada Booliska Soomaaliyeed. Ninkaan ayaa degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha hoose ku dilay nin la oran jirey Maxamed Cali Cabdalla 05-01-2016 dii. Xeer ilaalinta maxkamadda ciidanka qalabka sida ayaa sheegtay in ninkaan lagu helay dambiyadda lagu soo oogay,islamarkaana uu si bareer ah u toogtay qof Shacab ah. Inta badan Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa xukuno kala duwan ku rida Askarta dilka u geysta dadka Shacabka ah,hoos ka daawo muuqaalka Halkan ka…