Author: Jibril Qoobey

Ciidamada amaanka ee magaalada Gaalkacyo ayaa wada baaritaano kale duwan oo lagu baadi goobayo kooxihii gaystay falkii lagu dilay Allaha ha u naxariistee Axmed Xasan C/raxmaan Gandi oo ahaa sarkaal katirsan ciidamada amaanka iyo ilaalada madaxwayne Cabdiwali Gaas. Marxuumkan ayay kooxo hubaysan ay ku toogteen magaalada Gaalkacyo fiidnimadii xalay. Ciidamada amaanka ayaa la sheegay dad badan inay usoo xirxireen falkaan iyagoona wali wado baaritaano falkaasi dilka , sida ay ku warameen saraakiisha amaanka.

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo ay wehliyaan Wasiirada Gaashaandhiga, Amniga Gudaha , Warfaafinta iyo  Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa  Muqdisho  oo manta  booqasho shaqo  ku tagey degmadda  Dayniile ee gobolka Banadir ayaa ugu horeyn ka qayb galay  qaybinta  raashin gargaar ah oo ay Dowladda Imaaraadka   u qaybinaysay   dadka  ku soo barakacay Dayniile  kuwaa oo ay abaaruhu ka soo baraciyiin  deegnadoodii .  Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna  Duqa magaalada  Muqdisho Mudane Tabid Cabdi Maxamed oo ka hadlay goobta  raashinka lagu qaybinayey  ayaa sheegay in maamulka gobolka Banadir ay ka go’an tahay  in ay soo dhaweyso oo ay…

Read More

Cali Cabdullaahi Cosoble Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada muqdisho ayaa eedeyn kulul usoo jeediyay Dowladda Soomaaliya oo joojisay diyaaradihii qaadka waday ee maalmihii lasoo dhaafay ka degay garoonka Magaalada Jowhar ee xarunta Hirshabeelle. Madaxweynaha ayaa sheegay markii uu maqlay amarka diyaaradaha qaadka lagaga joojiyay Jowhar in uu wacay Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre misana uu wax ka weydiiyay amarkani, Ra’isul wasaaruhuna uu sheegay in uu  wax ka ogeyn marka xafiisyo hoose oo Dowladda ah  ayaa arrintaa ka dambeeya baaritaan ayaana socda xafiiska ay ku cadaatana ayuu madaxweynuhu carabka ku adkeeyay in ay la xisaabtami…

Read More

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo waftigii uu hoggaaminayey ayaa maanta 22 April 2017 magaalada Bahar Daar ee dalka Itoobiya kaga qayb galay shirkii sannadlaha ahaa ee Madaxda Afrika ee Tana High Level Forum ee looga hadlayey xaaladaha dhaqaale,  amni iyo khayraadka dabiiciga ah ee qaarada Africa oo saaka ka furmay halkaasi. Sidoo kale shirka ayaa waxaa kasoo qayb galay madax tiro badan oo ka kala timi dalalka ay ka kooban tahay qaaraddani Afrika iyo wakiilo ka socda wadamada Maraykanka, Ingiriiska, Faransiiska, Belgium iyo wadanka Germany, iyadoo madaxweyne walba oo shirka kasoo qayb galayna uu khudbad halkaasi…

Read More

Madaxwaynaha Dawladda Soomaaliya Maxamed C.laahi Farmaajo ayaa wax laga waydiiyey Safaradii kala duwanaa ee dalka uu uga baxay Wakhtii la doortay kadib, Wuxuuna siwayn uga hadlay waxyaabaha ku dhaliyey Safaradaasi iyo Sida ay u midho dhaleen, isagoo Sharaxay Wixii ka qabsoomay Safaradii Kenya iyo  Sucuudiga,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/KMZ6lhmXvJQ

Read More

Waxa caaway gashay habeenkii lixaad nadwo cilmiyeedii sanad laha ahayd ee ka socotay magaalada Boosaaso, caaway waxay isugu jidhay nadwadu labo qaybood ,qaybta hore waxaa lagu qaatay labo muxaadaro oo oo ka mid ahaa duruusta nadwada, muxaadarada hore ee nadwada oo kusaabsanayd ”Burburka Akhlaaqda ” waxaana soo jeediyay Dr Xasan Sh. Cali Warsame , muxaadarada labaad oo iyaduna kusaabsanayd ”Deegaanka iyo wanaajinta iyo xumaynta uu ku hayo bini aadamku ”, waxaana soo jeediyay Shiikh Maxamuud Xaaji Yusuf. Intaa kadib waxa loo gudbay qaybtii danbe ee nadwaa oo ku saabsanay soo xiritaanka nadwada, waxayna ka koobnayd kalmado ay soo jeediyeen qaar…

Read More

Madaxweyne Gaas iyo waftigisii oo si weyn oo maqaabkeedu sareeyo loogu soo dhaweeyay Adis-ababa caasimada Itoobiya. Socdaalka Madaxweynaha ee itoobiya ayaa iskugu jira ka labao arimood oo kala ah.:- A.Ka qayb galka shirka Tana Forum oo ay kasoo qayb gelidoonaan madax badan oo ka kala imaan doona dalalka Africa iyo caalamka kale B.Kulamo u dhexayn doona Dawladda Puntland iyo Dawlada Itoobiya, kuwaas oo la xiriira iskaashiga labada dal .ee dhinacayada:- 1Ganacsiga 2.Amaanka 3.Mashaariicda horumarineed. Shirka Tana Forum ee u dhexayn doona madaxda Qaarada Africa iyo kuwo caalamka kale ka socda,ayaa waxaa lagaga hadli doonaa xiriirada wadamada Qaarada Africa,ee dhinacayada:- A.Siyaasada,…

Read More

Mogadishu, 21 April 2017 – The Federal Government of Somalia has wholeheartedly thanked the government and the citizens of the United Arab Emirates, which has announced today, Friday that there will be live TV campaign in the UAE in which the citizens in the UAE will fund-rais for the drought in Somalia. The Minister for Information of the Federal Government of Somalia H.E. Abdirahaman Omar Osman [Eng: Yarisow], has yesterday, Thursday had special meeting with the UAE ambassador to Somalia H.E. Mohamed Al-Othman, and thanked the constant support of the UAE to the Somali government and its citizens, and in…

Read More

Dowladda Fadaraalka ee Soomaaliya ayaa si kal iyo laab ah uga mahadcelisay Dowladda iyo Shacabka Isutaga Imaaraadka Carabta (UAE) oo maalinta Jimcaha aheyd iclaamiyey u gurmadka abaaraha dalka ka jira oo dhammaan TV-yada Imaaraadka ay si toos ah (live) ugu ololeynayaan in shacabka Imaaraadka uu lacago u ururiyo Abaaraha Soomaaliya.  Wasiirka Warfaafinta Dawalada fadaraalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) oo kulan gaar ah la qaatay Safiirka Imaaraadka  u fadhiya Soomaaliya Mudane Maxamed Al-Othman ayaa ugu horeyn uga mahadceliyey taageerada joogtada ah ee dalka Imaaraadku uu u fidiyo Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, iyo weliba gaar ahaan qorshaha ololaha lacag ururinta…

Read More

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa khadka teleefoonka kula hadlay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan. Madaxweynaha ayaa ugu horreyn ugu hambalyeeyay Madaxweyne Erdoğan iyo Shacabka Turkigaba natiijada aftida dhacday maalintii Axadda 17 April 2017, taas oo ay shacabka Turkigu si aqlabiyad ah ugu codeeyeen nidaamka siyaasadeed ee dalka. Madaxweynaha ayaa sidoo kale u sheegay dhiggiisa Mudane Erdoğan in najiitda aftidu ay sii xoojin doonto cilaaqaadka ka dhexeeya labada dal iyo iskaashiga labada dhinac. Labada Madaxweyne ayaa si kooban ugu wadahadlay sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka labada dal, iskaashiga dhinacyada badan iyo taageerada arrimaha bini’aadannimo oo ay Dowladda Turkigu…

Read More

Axmed Maxamed Islaam  Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ayaa Maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ah halkaas oo Safar shaqo maalmahan uu kaga maqnaa. Madaxweyne ku xigeenka koobad Mudane Maxamuud Sayid Aadan iyo xubno katirsan labada gole ee Dowlada ayaa Madaxweynaha kusoo dhaweeyay garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Magaalada Kismaayo. Mudane Axmed Maxamed Islaam oo Saxaafada la hadlay ayaa ka warbixiyay Safar shaqo oo maalmahan uu ugu maqnaa Magaalada Muqdisho gaar ahaan shirkii wadatashiga ee Dowlada Dhexe iyo Dowladaha xubnaha ka ah. Madaxweynahu wuxuu sheegay in shirkaas uu guul kusoo dhamaaday isla markana uu ahaa kii u horeeyay…

Read More

Askari boolis ah ayaa toogasho lagu dilay, mid kalena waa lagu dhaawacay badhtamaha magaalada Paris, sida ay sheegeen booliska Faransiisku. Wararkuna waxay intaa ku dareen in ninkii dableyda ahaa ee askarta toogtay isna markii dambe la dilay. Champs Elysees oo ah goobta toogashadu ka dhacday ayaa boolisku xidheen. Ilaa haatanna lama sheegin ujeedada weerarkan. Weerarkani wuxu dhacay iyadoo musharaxiinta u tartamaya madaxtinimada dalku ay doodoodii ugu dambaysay ee Telefishanka ku dhex maraysay ka qayb galayeen ka hor maalinta codbixinta loo dareerayo oo ah Axadda soo socota. Arimaha doodda ba’ani ka taagantahay ayaa waxa ka mid ah mitidnimada Islaamiyiinta, ka dib…

Read More

Warsaxaafadeed uu soo saaray Wasiirka Warfaafinta hiddaha iyo dalxiiska Hirshabeelle Mahad Xasan Cismaan ayaa lagu sheegay in dowlad goboleedka Hirshabeelle ay soo dhoweyneyso ganacsatada dooneysa inay maalgashadaan Hirshabeelle lana macaamilaan dowlad goboleedka. Sidoo kale warsaxaafadeedkan ayaa lagu sheegay in dhowaan la dhamaystirayo dayactir lagu sameynayo dekeda Ceel-Macaan iyo garoonka diyaaradaha Cisaley. Haddii ay suurtogal noqoto in dib loo howlgaliyo dekeda dabiiciga ah ee Ceel Macaan ayaa waxa ay dhabarjab ku noqon kartaa dhaqaalaha ka soo galaya dowlada federalka dekeda Muqdisho,iyadoo ka soo dejinta qaadka magaalada Jowhar maanta ay dowlada Federalka ku weyday kumanaan dollar oo hore ugaga soo xeroon jirey…

Read More

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta Cismaan Aadan Dhuubow ayaa War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaahinta u qariyay Warbaahinta waxaan uu xusay in kooxdaas laga mamnuucay Soomaaliya. Wasiirku waxaa uu sheegay in Dolwadda Federaalka ah ay go’aankaas qaadatay kaddib markii ay la xiriirtay Waddamo kale oo looga dhawaaqay,sidoo kalena aragtay go’aanka cad ee culimada Soomaaliyeed ka qaateen ururkan. Waxaa uu intaas ku daray in kooxdan laga mamnuucay Soomaaliya oo aysan soo saari karin bayaanad Maqal,Muuqaal iyo Qoraal ah,sidoo kalena qaban karin shirar iyo Muxaadarooyin la xiriira ujeedadooda. Halkan ka akhriso go’aanka:-

Read More

Dowladda Somaliya ayaa cambaareysay digniin uu soo saaray ururka Al-Shabaab oo uga digaya waalidiinta Soomaalida inay carruurta u diraan Iskuullada iyo Jaamacadaha aan Islaamiga ahayn. Wasiirka warfaafinta dowladda Somalia Cabdiraxman Cumar Cusmaan ayaa sheegay in talaabada Al-Shabab ay muujineyso mas’uuliyad darada madaxdooda iyo sida ay uga soo horjeedaan jiritaanka dadka Soomaaliyeed. “Al-shabaab waxay isku dayaysaa inay carruurta ka hor istaagaan waxbarashada quman, waxayna rabaan inay maskaxda ka badalaan si ay u noqdaan kuwo iyaga taabacsan oo aan su’aal ka keenin afkaartooda dagaalka iyo qarbudaada ku dhisan” ayuu yiri Wasiirka. Digniinta Al-Shabaab ayaa waxaa jeediyay afhayeenkooda Sheekh Cali Maxamuud Raage oo…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa si kal iyo laab ah ugu mahadceliyey Dowladda Turkiga oo ka dhabeysay ballanqaadkeedii ahaa inay kabto miisaaniyada Dowladda Federaalka. Dowladda Turkiga ayaa Dowladda Federaalka ku wareejisey kabka miisaaniyada 5 bilood oo ay bishiiba kab uga dhigeyso miisaaniyada 2 milyan oo dollar. Deeqdan kabka miisaaniyada ee Dowladda Turkiga ugu talo gashay Soomaaliya ayaa lagu shubay Khasnada Dowladda Dhexe ee Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, tanoo la waafajinayo nidaamka Maamulka iyo Maareynta Maaliyada Dalka. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo ka hadlayey arrinkan ayaa yiri “Dowladda Turkiga waa wallaal dhab ah oo…

Read More

Waxaa war hadda na soo gaaray uu sheegayaa in uu deb ka kacay qeyb ka mid ah suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, halkaas oo xaalad cakiran ay ka jirto.   Gawaarida ambalaaska ee deb-damiska ka shaqaysa ayaa qeyladooda laga maqlayaa xaafadaha ku dhaw suuqa, iyaga oo ku dadaalaya in ay wax ka qabtaan debka kacay.   Debka ayaa waxa uu u muuqda mid meela badan ku sii faafaya. Mana la oga sababta uu debku ku dhashay.

Read More

Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa lagu dilay Labo Askari oo Xiran Tuutaha Ciidanka Milatariga .   Labadan askari ayaa agu dhex dilay Gaari Caasi ah oo ay Shirka hore ka saarnaayeen,waxaana Toogtay Labo Nin oo Bastooladley ah,kuwaas oo la sheegay in ay Gaariga la saarnaayeen.   Dilka ka dib ayaa waxaa Goobta soo gaaray Ciidan ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya oo halkaas Baaritaano ka sameeyay.   Dhowr jeer ayaa Magaalada Muqdisho waxaa lagu dilay Askar ka tirsan Ciidamada Dowladda iyadoo wata Hubkooda,waxaana dhacdadaas ay noqotay mid soo noq noqotay.

Read More

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xasan Cali Kheyre. Arrimaha kulanka looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Maareynta Maaliyadda, Amniga Qaranka, Xuquuqda Shaqaalaha, Qorshaha ka hortaga Musuqmaasuqa iyo arrimo kale.  Ugu horeyn Ra’iisul Wasaaraha ayaa hoosta ka xariiqay muhiimada maareynta maaliyadda si shaqaalaha rayidka iyo ciidamada ay u helaan xaquuqdooda, isla markaasna loo labo jibaaro aruurinta canshuuraha, iyadoo lala dagaalaayo waxii musuqmaasuq ah ee jira. Warbixin dheer ka dib Golahu waxey isla garteen in si deg-deg ah loo mideeyo nidaamka dakhli uruurinta, si shaqo abuur loogu…

Read More

Diyaarado dagaal ayaa lagu soo waramayaa in xalay duqeyn ay ka geysteen degmada Ceel-waaq ee Gobolka Gado ee koonfurta Soomaaliya.   Ugu yaraan saddex ruux ayaa la sheegay in duqeynta ay ku dhinteen.   Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in diyaaradaha duqeynta fuliyay ay ahaayeen kuwa dowladda Kenya.   Duqeynta ayaa si gaar ah loola beegsaday tuulooyinka Garilay iyo Daarul-salaam oo hoostaga Degmada Ceel-waaq ee Gobalka Gado.   Lama shaacin khasaaraha ka dhashay duqeynta, mana jiraan war kasoo baxay wadamada laga leeyahay diyaaradaha duqeynta fuliyay.   18-kii bishan, April, Taliska howlgalka Mareykanka ee Qaarada Africa ayaa sheegay in aysan…

Read More

Markii ugu horeysay 7 Sano kadib ayaa Magaalada Muqdisho qaad waxaa looga keenayaa Garoon aan aheyn Aadan Cadde tan iyo markii la xeray Garoonkii NO: 50 oo ay kasoo wareegatay 7 Sano. Dhowr diyaaradood oo wada qaad ayaa saakay ka degey Garoonka Magaalada jowhar sida ay KNN u xaqiijiyeen Mas’uuliyiinta Garoonka Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle. Diyaaradahan ayaa ahaa kuwii subax walba ka degi jiray garoonka diyaaradaha Muqdisho, ganacsatada qaadka ayaa qaatay go’aan adag oo ah in aysan qaad ka dejin garoonka diyaaradaha Muqdisho, kadib markii canshuuro dheeraad lagu kordhiyay. Baabuur fara badan ayaa ku sugan garoonka diyaaradaha Jowhar, kuwaasoo…

Read More

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Cosoble iyo taliyaha ciidamada Amisom ee dalka Jabuti ayaa goor dhow gaaray magaalada Buuloburte ee gobolka Hiiraan. Ujeedada booqashada mas’uuliyiintan ee magaalada Buuloburte ayaa lagu sheegay inay la xiriirto dil shalay loo geystey mid kamid ah ciidamada AMISOM ee dalka Jabuti ee ka howlgala magaalada Buuloburte. Dilka askarigan oo ka dhalisay xiisad magaalada Buuloburte ayaan jirin illaa iyo hadda cid loo qabtay,waxayna wararka ka imanaya magaalada Buuloburte ay sheegayaan in haatan ay socdaan kulamo albaabada loo xirtey. Sidoo kale waxaa magaalada Buuloburte saakay gaaray guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jayte iyo saraakiil ka tirsan ciidamada…

Read More

Madaxweyne Gaas iyo wafti uu hogaaminayo ayaa goor dhawayd usoo anba baxay Dalka Itoobiya.   Madaxweynaha iyo waftigiisa,ayaa kaga qaybgalay magaalada Bahar-dar shirka sanadlaha ah ee TANAFORUM.   Shirkaas oo ay kasoo qaybagalan Madaxweynayaal,Ra’isalwasaarayaal iyo marti sharaf heer caalamiya oo kale.   Madaxweyne Gaas ayaa sanad walba ka qaybgalaya shirkaas,isla markaana ku matala guud ahaan Somaliya.   Kala soco idilnews warka safarka madaxweynaha.

Read More

Wasiirka Warfaafinta & Hannuuninta Dadweynaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa si kulul u cambaareeyey falkii maanta ay kooxaha argagaxisada ah ee Al-Shabaab ay qarax miino ugu geysteen gaari ay saarnaayeen xubno ka socda Guddiga Abaaraha Qaranka iyagoo maraya deegaanka Garasbaaley si shacabka barakacayaasha ah loogu gurmado. Gaari ay saarnaayeen xubno ka mid ah Guddiga Abaaraha Qaranka, Guddi ka socday Gobolka Banaadir iyo gawaari kale oo ay saarnaayeen Saraakiil ka socday Bisha Cas ee Imaaraadka oo ay ku sii jeedeen deegaanka Garasbaaley si ay ugu kuurgalaan xaalada dadka barakacayaasha ah ee deegaankaas si loo gaarsiiyo…

Read More

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Eng Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey ayaa faahfaahin ka bixiyey diyaarad ku wajahnayd Buuhoodle oo lagu amray inay Garoowe soo cagadhigato. Eng Camey ayaa sheegay in diyaaraddaasi aysan wax ogaysiin ah siin Puntland, taasina ay sababtay inay ku amraan inay Garoowe soo cagadhigato si baaritaan loogu sameeyo. Madaxweyne ku-xigeenka ayaa sheegay in baaritaan lagu sameeyey diyaaradda kadib markii la ogaadey inay gargaar ka keentay Maraykankana ay u fasexeen deegaamadii ay ku socotey. Dhanka kalena madaxweynaha ayaa tilmaamay in u jeedkoodu uusan ahayn siyaasadaynta gurmadka abaaraha laakiin waajib ka saran yahay sugidda ammaanka iyo xitaa bad qabka gargaarka lakeenayo…

Read More

Dhagarta Faraska [Sheeko Gaaban] Faras ayaa duur cidlo ah, maalin maalmaha ka mid ah, calaf iyo nasiib, ka heley nirig ay uubato markaas dishay. Durbadiiba salaafnimo u qalay, raran iyo dab saarsaaray, jarjaray hilbaheedii oo bislaysay. Muddo intii aanu fadhiyinnin, ayaa Wiyil u timid. Kute, ”Farasow, nabad ma sheegtey?” ”Belo ma sheeginnin, barwaaqo ayaan ku jiraa,” ayuu ku warceliyey. ”Saaxiib waannu is naqaanne, sidee bay kuugu suuraggashay in nirig aad dilato?” Irkig iyo amakaag ayay Wiyishii la noqotay sida Farasku geesinnimada iyo awoodda intaas le’eg oo caynkaas ah uu ku heley. Kuye, ”Allah, sahal weeye!  Nirig, duleedka degsiimada  geed laamihiisa…

Read More

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku amray Golaha Amniga Qaranka inay dib u eegaan heshiiska caalamiga ah ee barnaamijka nuclear-ka Iran, iyo in hakinta cunaqabateynta la saaray dalkaas “ay muhiim u tahay danaha amniga qaran ee Mareykanka”. Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Rex Tillerson ayaa dib u eegistan shaaca ka qaaday talaadadii markii uu la hadlay afhayeenka aqalka wakiilada Paul Ryan. Tillerson ayaa sheegay in Iran ay u hoggaansameyso mas’uuliyadda ka saaran fulinta heshiiskii la gaaray 2015-kii, kadib wada-xajaoodyo ay la gashay Mareykanka, Britain, France, China, Russia iyo Germany. “Si kastaba Iran weli waa dal argagixisada ku taageera meelo iyo habab…

Read More

Dood dheer kadib Baarlamaanka UK ayaa maanta ansixiyay soo jeedintii Raysulwasaaraha UK Theresa May.Baarlamaanka ayaa cod uqaaday in doorasho la qabto 08/06/2017,waxaana ucodeysay 522 xildhibaan 13 xildhibaan way ka diideen halka xisbiga SNP ay ka aamuseen,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/QG7VsxR35yA

Read More

Raysalwasaaraha xukuumada Fadaraalka Somaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Mareykanka ee Somaliya . Inkastoo ay saxaafadu dibad joog ka ahayd kulanka ,hadana ilo ku dhaw xaafiiska Raysalwasaaraha ayaa sheegaya in ay ka wada hadleen Ra’isalwasaare Khayre iyo safiirka maraykanka dhawr arimoood oo ay ugu muhiimsanaayeen:- 1.Tayeynta ciidamada 2.La dagaalanka argagixisida 3.Ka gurmadka abaaraha

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa mar kale maanta kormeer kedis ku tagay xarunta Wasaaradda Maaliyadda, waxaana kormeerkan qeyb uu ka yahay kormeero Ra’iisul Wasaaruhu ku sameynayo xarumaha Wasaaraddaha. Ra’iisul Wasaaraha ayaa u kuur galayay shaqada Wasaaradda Maaliyadda, maadaama Wasaaraddan ay tahay mida ku shaqada leh dhaqaalaha soo gala dowladda. Waxaa uu Ra’iisul Wasaaraha mid mid u booqday xafiisyada waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda, isagoo agaasimayaasha ka wareysanayay sida shaqada u socdaan. Sidoo kale waxaa uu Ra’iisul Wasaaraha warbixin shaqada Wasaaradda ka dhageystay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda. Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa bilaabay kormeerka xafiisyada Wasaaraddaha, si uu u hubiyo…

Read More

Baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta kullan ka yeeshay arrinta muranka badan dhalisay ee saldhigga milatari ee Imaaraadka Carabta ay ka dhisayaan magaalada Berbera. Doodda ka dib ayaa xildhibaanada waxey dowladda ku wareejiyeen mooshinkii laga keenay saldhigga si ay faahfaahin uga bixiso eedaha ku qoran. Arrintan ayaa sidoo kale imaneysa ayada dhowaan wafti uu hogaaminayo madaxweynaha Soomaaliya ay tageen dalka Imaaraadka Carabta, inkasta oo aan la ogeyn in labada dowlad ay ka wada-hadleen arrintan,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/UnChPcqDqZA

Read More

Askari ka tirsan ciidamada Amisom ee qeybta Jabuuti ayaa duhurnimadii maanta lagu dilay magaalada Buuloburte ee gobalka Hiiraan. Sida ay  xaqiijiyeen dad deegaanka ku sugan, askariga oo ku sii jeeday xero ciidan oo ku taalla dhinaca galbeed ee magaalada ayaa waxaa si gaadmo ah ku toogtay rag sida la tilmaamay bistoolado ku hubeysnaa. Howlgal ay ciidamado ka sameyeen goobta ay toogashadu ka dhacay ayey ku soo qabteen dad ka ag dhowaa halka lagu dilay askariga Amisom. Saraakiil ka tirsan madaxtooyada Djibouti ayaa xaqiijiyay dhimashada askarigan, iyagoo sheegay in la soo qabtay nin hubeysan oo loo maleynayo inuu ka mid ahaa…

Read More

Dajnirihii hore ee safaaradda Soomaaliya u fadhiyay Wadanka Kenya, haatanna ah Wasiirka Qosheynta, Maalgashigga iyo Horrumarinta dhaqaalaha  Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa maanta xilka safiirnimo si KMG ah ugu wareejiyay qunsulka safaaradda mudane Cali Maxamed Sheekh Cali Bagadi, kaddib munaasabad lagu qabtay xarrunta safaaradda.  Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qeybgalay Xasan Abshir Faarax, safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya wadanka Indonesia, Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, diblomumaasiyiin iyo shaqaalaha Safaaradda. Jamaal Maxamed Xasan ayaa galka safaaradda ku wareejiyay Mudane Cali Maxamed Sheekh Cali Bagadi oo ah ku simaha safiirka ahna qunsulka safaaradda, waxaana warbaahinta si wadajir ah ula hadlay safiirkii hore…

Read More

Markabka qaado diyaaradaha dagaalka iyo mid ka ciidamada ee Mareykanka ayaa la sheegay in aysan aadin dhanica Kuuriyada Woqooyi. Waxaa soo baxayo warar sheegaya in maraakiibtaasi dagaal ay aadeen dhinac kale oo ka duwan meeshii uu sheegay Donald Trump. Ciidamada badda ee Mareykanka waxay sideedii bishan sheegeen in ay u jiheysteen dhanka gacanka Kuuriya, si Kuuriyada Woqooyi ay cadaadis u saaraan. Isbuucii tagay, madaxweyne Trump wuxuu sheegay in ciidamadooda loo yaqaano ‘armada’ uu u diray Kuuriyda Woqooyi. Laakiin Waxaa lagu warramayaa in maraakiibta dagaalka ee Mareykanka ay aadeen dhanka Sunda ee badweynta Hindiya. Mareykanka hadda wuxuu sheegayaa in marka hore…

Read More

Xubno ka mid ah wasiirada Somaliland ayaa furay biyo-xireen cusub oo laga hirgaliyay duleedka magaalada Hargeysa kaas oo ay dhismahiisa fulisay Hay’adda Khaliifa ee laga leeyahay dalka Isutagga Imaaraadka Carabta. Biyexireenkan ayaa waxaa ujeedadiisu tahay sidii loo kobcin lahaa biyo yarida ka jirta magaalada Hargaysa iyo hoos u dhaca Biyaha xilliyada abaaraha ee ay roob yaridu jirto. Bedka Biya xireenkan waxaa uu la egyahay 150 Mitir halka dherarkiisu uu yahay 11 Mitir,waxaana uu keydin karaa Biyo dhan 350,000 Cubic Mitir. Dhismaha mashruucan ayaa waxaa uu qaatay 13 bilood sida uu sheegay mas’uul katirsan Hay’adda Khaliifa, waxa ii intaas…

Read More

Shir uu soo qaban qaabiyey Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha qaybtiisa Tayeeynta Hay’adaha Dowladda ayaa lagu qabtay magaalada muqdisho, waxaana shirka ka soo qayb galay dhamaan wasiirada iyo wakiilo ka kala socday Hay’adaha ka fa’iidaysanaya Mashruuca Tayeeynta Hay’adaha dowlada (Capacity Injection Program CIP) oo uu maalgaliyo Bangiga Aduunka.  Ugu horayntii Isku duwaha Mashruuca Maxmed Farax ayaa ka warbixiyey heerarka kala duwan ee uu soo maray iyo sida looga fa’iisaydatay mudadii uu jiray iyo mustaqbalka sida looga fa’iidaysan karo. “Waxaa kulankaan u jeedkiisu yahay inaan la wadaagno Hay’adaha ka fa’idaysta mashruuca warbixina kasiino halka uu ka soo bilowday, hadafka laga leeyhaya iyo doorka…

Read More

Banaan bax looga soo horjeedo Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeelle iyo Xariga Agaasimaha Isbitaalka Intersos ayaa saaka ka socda magaalada Jowhar, iyadoo dadweyne careysan ay taayaro ku gubeen agagaarka xarunta maamulka Hirshabelle. Banaan baxan ayaa ka dambeeyay, kaddib amar ka soo baxay Wasiirka Arrimaha Gudaha, kaasoo ahaa in laga guuro Isbitaalka Jowhar ee ay gacanta ku heyso Hey’adda Intersos, si dhismaha uu xafiisyo ugu noqdo Wasiirada tirada badan ee Hirshabeelle, kuwaasoo aan heysan xafiis iyo deegaan midna. Qaar ka mid ah dadweynihii isugu soo baxay ayaa sheegay inay ka soo horjeedaan Tallaabada Wasiirka uu qaaday iyo xariga Agaasimaha Isbitaalka Jowhar Xasan…

Read More

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa xalay la kulmay Hoggaamiyaha Ahlusuna Wal-jameeca Sheekh Maxamed Shaakir iyo Wafdigiisa ee ku sugan magaalada Muqdisho. Kulankan ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirada Arrimaha Dibadda, Arrimaha Gudaha oo ka mid ah Guddiga qeyb ka ah wada hadalada Ahlusuna iyo Galmudug, Wasiiru dowlaha Madaxtooyada, iyo Xildhibaano. Kulankan ayaa looga hadlay dar dar gelinta wada hadalada Muqdisho uga socda Galmudug iyo Ahlusuna, waxaana kulanka laga soo jeediyay talooyin kala duwan oo ku aadan wada hadalada iyo sidii uu u guuleysan lahaa. Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Juxa oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in dowladda ka go’an…

Read More

Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed (NSA) waxay noqon doonaan 18,000 oo askari. kuwaasi oo kala joogaya xeryihii ciidanka qaranka (12-aad, 21-aad, 43-aad, 49-aad, 48-aad, 54-aad, 26-aad iyo 60-aad).   Ciidamada gaarka (Special Forces) Waxay noqon doonaan 4,000 oo askari waa ciidanka (Danab), sida qorshuhu yahay waxaa xaro kasta oo ciidanka qaranka saldhig u ah waxa joogi doona 500 oo askari oo ciidamada gaarka ah .   Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed (Police), waxay noqon doonaan 32,000 oo askari. oo iskugu jira Heer Federaal iyo mid maamul goboleed.   Dhameystirka qorshan iyo diyaarintiisa waxaa la sheegay in la doonayo in lagu dhameystiro lix bilood…

Read More

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Danjire Yuusuf Garaad Cumar ayaa maanta si kala gooni gooni xafiiskiisa ugu qaabilay Danjiraha Turkiga u fadhiya Somaaliya iyo Danjiraha Sweden. Wasiir Yuusuf Garaad ayaa ugu horeyn la kulmay Safiirka Turkiga Olgan Bekar, isagoo ugu mahadceliyay taageerada uu Turkigu siiyo Soomaaliya, isagoo xusay in Turkiga ay Umadda Somaliyed abaal u heyso. “Danjiraha waxaan ugu hambalyeeyay natiijada Aftida Axaddii laga qaaday dadweynaha Turkiga, waxaanan u sheegay in ay Soomaaliya rajeyneyso in ay taasi sii xoojiso iskaashiga labada dal ee saaxiibka ah”ayuu yiri Yuusuf Garaad. Mr Yuusuf Garaad ayaa tilmaamay in Danjiraha Turkiga u sheegay mashruuc…

Read More

Haddii aad eegto baraha bulshada, waxa ugu badan ee isbuucan laga hadlayay ayaa ah in lagu dhowyahay in Dagaal Seddaxaad uu dunida ka bilowdo. Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump iyo hogaamiyaha Kuuriyada Woqooyi, Kim Jong-un waxay waqtigooda ugu badan ku bixiyeen isu hanjabaad u muuqata in militari la isu adeegsanayo. Xiriirka labada dal ayaa aad u xumaa tan iyo markii uu dhammaday Dagaalkii Labaad ee dunida. Laakiin Isbuucan xiisadda weji cusub ayey yeelatay. Madaxweyne Donald Trump ayaa amray in labo markab oo dagaal iyo mid diyaaradaha dagaalka qaada ay u dhaqaaqaan dhanka Kuuriyada Woqooyi Kuuriyada Woqooyi ayaa dhowr jeer sameysay tijaabo…

Read More

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti balaadhan uu hogaaminayo ayaa maanta si diiran loogu soo dhoweeyey magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug, kadib shirkii Madaxdda DFS iyo Dawladdaha xubnaha ka ah oo muqdisho ka dhacay 15-16 April 2017. Weftiga Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaarahada  Abdulaahi Yuusuf Axmed ee magaalada Gaalkacayo ku soo dhoweeyey masuuliyiin ka tirsan goloyaasha Dawladda Puntland, maamulka gobolka Mudug, kan degmada Gaalkacayo, saraakiisha ciidamada Puntland, saraakiil ka tirsan madaxtooyada Puntland, cuqaalka iyo qaar kamid bulshada magaalada Gaalkacayo. Madaxweynaha oo lahadlay warbaahinta soo dhoweynta kadib ayaa sheegay in shirkii uga soconayey madaxda…

Read More

Shan qof oo rayid ah ayaa ku geeriyootay, 7-kalena waa ku dhaawacmeen hoobiyayaal lagu garaacay xaafado kamid ah magaalada Muqdisho.   Hoobiyayaasha ,ayaa qaybtood ku dhaceen Iskuul lagu magacaabo Xasan Qariidi, oo ku yaalla Xaafadda shanta-Geed, ee degmada Howlwadaag, waxaana uu dilay 5-qof oo 4-kamid ah ay arday yihiin..   Gaadiidka Gurmadka deg deg ah,ayaa gaarey goobta hoobiyayaasha lagu garaacay,waxayna daadgureeyeen dhaawacyadii.   Halka hoobiyayaasii kale ay ku dhaceen xaafad ku dhaw xarunta Madaxtooyada Villa Somaliya,lamana soo sheegin khasaaro ay sababeen.   Wali ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada weerarka, oo noqonaya midkii labaad oo mudo Todobaad ah ka dhacay magaalada…

Read More

In times of crisis, credibility is an American president’s most valuable currency. It’s one thing for a foreign partner to doubt a president’s judgment; it’s entirely more debilitating when that partner doubts the president’s word. As President Trump confronts the twin challenges of North Korea and Syria, he must overcome a credibility gap of his own making. His insistence on remaining the most prominent consumer and purveyor of fake news and conspiracy theories is not only corrosive of our democracy — it’s dangerous to our national security. Every fact-averse tweet devalues his credibility at home and around the world. This…

Read More