Author: Jibril Qoobey

Xildhibaanno, mas’uuliyiinta xiriirkada kala duwan ee cayaaraha ayaa maanta sagootiyay Wafdi uu hogaaminayay Madaxweynaha Xiriirka kubadda Cagta ee Qaaradda Afrika Axmed Axmed, kaasi oo shalay soo gaaray Muqdisho, waxaana uu kulamo kala duwan la qaatay Madaxda dowadda.  Wasiir ku-xigeenka Dhallinyarada iyo Cayaaraha ee Xukuumadda Soomaaliya Axmed Cumar Islow ayaa sheegay in maanta ay garoonka Aadan Cadde ay ka sii sagootiyeen wafdi uu hogaaminayay “Guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta ee Qaaradda Afrika, runtii 16-ka bishii hore ayaa la doortay, waxaana uu balan qaaday in safarkiisa ugu horeeya uu ku imaanayo Muqdisho, runtiina waa uu ka dhabeeyay, haddana waxaan ka sagootinayeynaa garoonka diyaaradaha…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Fadaraalka Soomaaliya  Xasan Cali Kheyre ayaa kormeer ku tagay qaar ka mid ah xarumaha Wasaaradaha, isaga oo kormeeray Hannaanka shaqo ee hay’addahaasi.  Ra’iisul Wasaaraha ayaa mid mid u galay xafiisyada Wasaaradaha Warfaafinta, Wasaaradda Kalluumeysiga, Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Haweenka iyo xaquuqul insaanka, waxa uuna mid mid u wareystay agaasime waaxeedyada, waxa uuna ka wareystay horumarka iyo caqbadaha howlaha shaqada. Ra’iisul Wasaaraha ayaa booqday Xafiisyada Wasaaradda Haweenka, isaga oo ku kulmay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda haweenka Samra Ibraahim Cumar iyo agaasimaha Guud ee Wasaarada xilli ay ku howlanaayeen howlaha Wasaarada. “Sababta aan sida kediska ah idiinkugu soo booqday…

Read More

Madaxweyne Gaas iyo wafti uu hogaaminayo ayaa goor dhawayd dib ugu soo laabtay magaalada Gaalkacyo.   Madaxweynaha iyo waftigiisa waxaa garoonka diyaaradaha Cabdullaahi Yuusuf kusoo dhaweeyay wasiiro ka tirsan dawlada dhexe,maamulka Gobolka mudug iyo shacabka qaybihiisa kala duwan.   Waftiga Madaxweynaha ayaa hada loo galbiyay Qasriga madaxtooyada ee Galkacyo.   Madaxweyne Gaas iyo waftigiisa ayaa maalmahan ku sugnaa Muqdisho,iyagoo kaga qaybgalay shir socday labo maalmood oo ay halkaas ku yeesheen madaxda dawlada fadaraalka iyo kuw adawladaha xubnaha ka dawlada fadaraalka ah,kaasoo shalay lasoo gabagabeeyay lagana soo saaray warmurtiyeed ay ku midaysan yihiin madaxda somalidu.   Dhanka kale Madaxweyne Gaas ayaa…

Read More

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa dhigiisa dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ugu hanbalyeeyay guushii uu ka gaaray aftidii Axaddii, taasi oo siinaysa awoodo cusub. Madaxwayne Trump oo qadka taleefoonka kula hadlay Erdogan ayaa wuxuu sidoo kale uga mahad celiyay taageeradii ay turkiga taageereen weerarkii gantaalada ee ay Mareykanka ku qaadeen saldhigyo ay dawlada Suuriya leedahay . Bayaan ka soo baxay Aqalka Cad Isniintii, ayaa lagu sheegay in madaxweyne Trump uu kala hadlay dhigiisa Turkiga tilaabadii ay Maraykanka uga jawaabeen hubkii kimikada ahaa ee la sheegay in ay isticmaashay xukuuumada Suuriya 4 Abriil. Bayaanka ayaa lagu yiri ” labada hogaamiye waxa…

Read More

Abgaalow ayaa beeniyey warar ay warbaahinta qaarkeed qortay oo sheegayey in gobolka ay kajirto xiisad u dhexaysa Puntland iyo maamulka Galmudug. Guddoomiyaha Gobolka Mudug mudane Xasan Maxamed Khaliif ayaa shacabka ku sugan Gobolka Mudug ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan nabada iyo is dhexgalka,hoos ka dhagayso codka Gudoomiyaha. Halkan ka dhagayso codka Gudoomiyaha Mudug

Read More

Wafti balaaran oo uu hogaaminayo Wsaiirka Caafimaadka Puntland ayaa gaaray degmada Burtinle oo dhawaan uu ka dilaacay cudurka shuban biyoodka.   Wasiirka iyo waftigiisa waxaa kusoo dhaweeyay Degmada maamulka iyo qaybaha bulshada.   Waftiga ka socda Wasaarada Caafimaadka ayaa gaarsiiyay isbitaalka Burtinle dawo iyo agab kale oo caafimaad,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/pveDZLcg4f8

Read More

Gudoomiyaha degmada Qandala Jaamac maxamed Quurshe ayaa beeniyay warar ilaa shalay saxaafadu ay qoraysay,kaasoo sheegaya in tuulada Saan oo hoos timaada Degmada Qandala ay qabsadeen maleeshiyo taabacsan kooxda Daacish.   Gudoomiyaha ayaa warkaas ku tilmaamay been abuur sal iyo raad toona aan lahayn,hoos ka dhagayso codka Gudoomiyaha Qandala. Halkan ka dhagayso codka Gudoomiyaha Qandala

Read More

Madaxweynaha dawlada Jubaland Axmed Maxamed Islaam ,ayaa beesha caalamka kala dul dhacay dhaliil xoogan.   Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in beesha caalamku aysan bulshada somaliyed ee abaartu daashatay waxba u qaban,isla markaana ay rabaan in ay gurmad muujiyaan markii ay abaarta ku baaba’aan,hoos ka dhagayso codka madaxweynaha.     Halkan ka dhagayso codka Madaxweyne Axmed Madoobe

Read More

April 15 -16, 2017, ​Mogadishu – The national and regional level leaders of the Federal Government of Somalia held a National Consultative Forum in Mogadishu from the 15-16 of April 2017. The forum was presided over by the President of the Federal Republic of Somalia H.E. Mohamed Abdullahi Farmajo, and was attended by the Speaker of the National Assembly, H.E. Mohamed Sheikh Osman Jawari, the Prime Minister, H.E. Hassan Ali Kheyre, the president of Puntland State, H.E. Abdiweli Mohamed Ali Gaas, the President of Jubbaland State, HE Ahmed Mohamed Islaam, the President of Southwest State, HE Shariff Hassan Sheikh Aden,…

Read More

Magaaladda Minneapolis ee gobolka Minnesota ayaa waxaa ka jira nin sheegtey in uu dadka kala taliya xumaha, balse ay bulshada iyo hoggaanka Muslimiinta ah, qaasatan Soomaalidu u arkaan khatar hor-leh oo soo food-saartey Soomaalida. Cabdul Rashiid waa 22 jir caddaan ah oo ay u dhaxdo gabar Soomaaliyeed, waxaana uu isaga oo labis gaar ah oo muujinaya calaamad sheegashadiisa la xariirta oo ku wareegaa xaafadda Cedar ee ay Soomaalidu ku badan tahay. Cabdul Rashiid ayaa sidoo kale la sheegay in uu ciwaan ka dhigtey masjidka Imaamu Shaafici ee isla xaafaddaas, isaga oo aan idan ka haysan maamulka, waxna aan ka ogeysiin.…

Read More

Waa suldaan Mohamed qaan al-faatix Ibn muraad Waa ninkii furtay magaalada qusdhan-dhiiniyya ee kadib loo baxshay islam buul Haddana loo yaqaan Istanbul ee caasimadda turkiga . Waxa uu dhashay 835 tii hijriyada …waxaana uu ahaa suldaan kii dhidibada u taagay dowladii islaamka oo mid ah soo daadihineeysey in ka badan 600 sano ee cusmaaniyiinta loo yiqiinay …waana suldaankii ugu adkaa uguna firfircoonaa ee soomaray dowladaas…uguna dadaal badnaa …ahaana mujaahidkii weeynaa e caanka ahaa . Mujaahid meelo badan kasoo dagaallo galay buu ahaa laakiin jihaadkiisii kiisii ugu caansanaa abid waxaa uu ahaa kii uu ku furtay qunasdhandhiin kadib cunaqabateyn 51 casho…

Read More

Garoonka kubada Cagta ee magalada Kismaayo ayaa dhismihiisu marayaa heer gabagaba ah.    Dhismaha garoonka ayaa waxaa iska kaashaday qaar Ka mid ah hay’adaha Ka howlgala deegaanada jubaland. Garoonka kubada cagta ee Waamo ee sida casriaga ah dib u dhiska loogu sameeyay,ayaa dhawaan la filayaa in lagu qabto tartanka kubada Cagta Dawlad goboleedyada dalka. Deegaanada jubaland ayaa laga daremayaa amni Iyo ifafaalo nabadeed.

Read More

In ka badan kun qof ayaa maalintii shalay laga soo badbaadiyay xeebaha bada Liibiya iyadoo la soo gaadhsiiyay jasiirada Sicily ee dalka Talyaaniga. Dadkan oo la sheegayo inay yihiin dad kasoo haajiray wadamdada saxaraha ka hooseeya ee qaarada Afrika ayaa uu soo badbaadiyay markab laga leeyahay dalka Jarmalka. Safaarada Soomaaliya ee dalka Liibiya ayaa sheegaysa in dadkan ay ku jiraan dad Soomali ah.hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/44DcZYvtTf4

Read More

Ugu yaraan 68 carruur ah ayaa ka mid ah 126 ruux oo ku dhintay qarax bam oo Sabtidii lagu bartilmaameedsaday basas waday dad laga soo daad gureeyay magaalooyinka go’doonsan ee Suuriya, sida ay sheegeen dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha. Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa lagu dhuftay kolonyo maraysay agagaarka Xalab. Qolyaha la socda xuquuqda aadanaha Suuriya oo fadhigoodu yahay UK ayaa sheegay in ay dhinteen 109 ruux oo ka mid ah dadkii laga soo daadgureeyay magaalooyinka ay dawladdu haysato, waxaana weheliyay oo iyagana dhintay shaqaale gargaar iyo askarta jabhadaha. Dad kale oo badan ayaa weerarkaas ku dhaawacmay, sida…

Read More

Natiijada aftidii doorashada ee madaxweynaha Turkiga awoodaha cusub siinaysa waa sharci, sida uu sheegay gudoomiyaha gudiga doorashada ee dalkaas. Sadi Guven ayaa hadalkan sheegay ka dib markii xisbiga CHP ee mucaaradka ugu wayn uu sheegay in wax isdabo marin ay ka jirtay habka tirinta ayna ka mid tahay in la adeegsaday waraaqo aan la shaambadaynin. Xisbiga madaxweyne Erdogan ayaa helay 51.37% halka garabka mucaaradkuna ay ka heleen boqolkiiba 48.63 guud ahaan codadkii la dhiibtay. Saddexda magaalo ee ugu waawayn dalka Turkiga ee Istanbul, Ankara iyo Izmir ayaa Maya u codeeyay oo diiday in isbadal lagu sameeyo dastuurka,hoos ka daawo muuqaalka.…

Read More

Wararka ka imaanaya degmada Qandala ee gobolka Bari ayaa sheegaya in koox ka tirsan ururka Daacish ay la wareegeen deegaanka Saan oo ka tirsan degmada Qandala   Wararku waxaa ay intaas ku darayaan in kooxdan taageersn Daacish ay degaankaas kula wareegeen dagaal la’aan, kadib markii ay ciidamada Puntland halkaas isaga baxeen.   Dawlada Puntland ayaan illaa iyo hadda ka hadlin la wareegista kooxda taageersan Daacish ee deegaanka Saan.   Dhamaadka Sanadkii la soo dhaafay ayay dagaalyahano taageersan Daacish waxa ay la wareegeen degmada Qandala ee gobolka Bari, hase yeeshee labo bilood kadib waxaa kala wareegay ciidamada Puntland.   Dagaalyahano hore…

Read More

17 April 2017, Mogadishu, Somalia – The Government and People of the Federal Republic of Somalia congratulate the Turkish Government and People on the positive outcome of Sunday’s referendum on their future political governance. We congratulate H.E. President Recep Tayyip Erdoğan on the referendum success which he led for a stronger and even more prosperous Turkey. We are confident under his proven leadership Turkey will continue to progress and prosper. Turkey is a valuable ally, friend and supporter of Somalia with whom we seek to strengthen our bilateral ties even further. The Government and People of Somalia wish the greatest…

Read More

Tuke iyo Xuunsho [Sheekaxariirooyinka Soomaalida] Waa waayada ka mid ah ayaa Tuke iyo Xuunsho wada sheekeeysteen. ”Goormaad, Xuunshooy, garataa oo aad dareentaa in la doonayo in lagu dilo?” Tuke ayaa weyddiiyey. Xuunsho waxay ku warcelisey: “Goorta leeb iyo qaanso is fuulaan.” Kolkaas ayaa tuke yidhi: “Naa bi’iwaydaye, lagu dilye! Shiishkii baa dushaada saaran, maxaa kuu hadhay? Waxay ila tahay goortaas, calaf iyo nasiib iyo Eebbe oo ku badbaadiya oo kuu gargaara mooyee, sidaad ku baxsataa way adagtay.” Sayte Xuunsho: ”Adiguna?” Kuye Tuke: ”Kolkii laba qof is dhugtaan ayaan gartaa in la ii tashaday oo laygu soo maqanyahay. Baqo ayaan dhabarka…

Read More

Wafti ka socday shirkadda duulimaadka Turkish Airlines oo shalay magaalada Hargeysa booqday ayaa waxay la kulmeen wasiirka duulista hagada maamulkaasi Farxaan Aadan Heybe iyagoo ka wada hadlay suuragalnimada in shirkadda Turkish ay duulimaad ka bilowdo geronka Hargeysa iyo dib u dhis lagu sameeyo garoonka oo terminal casri ah yeesho. Wada hadaladaasi ayaa qaar la isku afgartay halka qaar kale dib loogu balamay in lasii amba qaado, waxaana ka mid ah in duulimaadka diyaaraddii ka tata Hargeysa inaysan sii mari doonin Muqdisho, tan ka Xamar ka timaadana aysan soo mari karin Hargeysa, qodobkaasi oo dib u dhigay in Turkish Airlines ka…

Read More

Madaxweynaha CAF Ahmed Ahmed oo u dhashay dalka Madagascar oo dhowaana si layaab ah leh uga guuleystay Madaxweynihii xilkan mudada hayay Isse Hayatu, kaddib doorasho dhacday,ayaa maanta soo gaaray magaalada muqdisho. Waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay Wasiirka Dhalinyarada iyo isboortiga Khadiija Maxamed Diiriye, Guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed iyo Mas’uuliyiin kale. Madaxweynaha cusub ee CAF ayaa lagu wadaa inuu booqdo xarumaha ciyaaraha ee ku yaalla Muqdisho, si uu u dhiira geliyo ciyaaraha Soomaaliya. Waxaa sidoo kale la filayaa inuu balan-qaad u sameeyo horumarinta kubadda cagta Soomaaliya oo ah mid aad u hooseysa, bur burkii dowladdii dhexe kaddib. Xiriirka Soomaaliyeed…

Read More

Wasiir ku xigeenka wasaarada warfaafinta Puntland Cabdiraisaaq Shiikh Aduunyo ee uu dhawaan magacaabay Madaxweyne Gaas,ayaa maanta lagu dhaariyay xafiiska madaxweyne xigeenka Puntland ee garowe.   Cabdirisaaq Shiikh Aduunyo ayaa ah saxafi mudo badan saxaafada kusoo jiray ,waxaan rajo badn laga qabaa in uu isbadal muuqda kusameeyo wasaaradan muhiimka u ah dalka iyo dadka.   Wasaarada warfaafinta Puntland ayaan idhowaale lahayn wax wasiir ah tan iyo intii uu jagadaa iska casilay wasiir soocade.

Read More

Magaalada Cleveland gobolka Ohio ee dalka Mareykanka waxaa ka dhacday arin ay dad badan ka caroodeen kadib markii nin magaaladaasi kunool uu Facebook si toos ah uga baahiyay dil uu u geesanayay Nin Da’ ah. Ciidamada booliiska magaalada Cleveland ayaa baadi goob xoogan ugu jira ninka dilka geestay oo lagu magacaabo Steve Stephens, waxaana ninkan la sheegay in uu ku dhumaaleesanayo qeybo kamid ah gobolka Ohio. Madaxa booliiska ee Cleveland Calvin Williams ayaa sheega in ninkan ay baadi goobayaan ciidamada booliiaska uu sameeyay fal argagax leh kadib markii muuqaalka dilka uu geesanayay ka baahiyay barta Facebook,hoos ka daawo muuqaalka. …

Read More

MARXALADAHII AY SOO MARTAY (JIJA) Ururka Saxafiyinta gobbolada Jubbooyinka iyo Gedo (Jubba Independent Journalists Association) ( JIJA) Jija Waa urur ka howlgala goboladda jubbooyinka iyo gado waxaa la asaasay dhamaadka sanadkii 2004 waxaana asaasay masuuliyiin uu ka mid ahaa allaha u naxariistee wariye nasteex daahir faarax oo 7 june 2008 gacan ka xaqdaran ay ku dishay magalada kismaayo wixii xilligaa ka danbeeyayna ururka waxa uu yeeshay hogaan kala duwan Ururka waxaa uu soo maray marxalado kala duwan asagoo u soo dhabar adeegay lashaqeynta maamuladii kala duwanaa ee soo maray jubooyinka qasatan Magalada kismaayo Ka dib lawaregidii maxaakiimta iyo shabaab ayaa…

Read More

Shirkan oo socday labo maalin ayaa waxaa ka soo qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, Madaxda Maamulada Jubbaland, Puntland, Koofur Galbeed, Hirshabelle iyo Madaxweyne kuxigeenka Galmudug. Akhriso War Murtiyeedka laga soo saaray Shirka; Madaxda Dawladda Federaalka iyo kuwa Dowlado Goboleedyada ayaa kulan wadatashi ah ku yeeshay magaalada Muqdisho intii u dhaxeysay Abriil 15-16, 2017. Waxaa kulanka shir guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana ka soo qayb galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Mudane Xasan Cali Khayre, Madaxweynaha…

Read More

Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa markii ugu horeysay ka hadlay koox diineedka cusub ee la magac baxay “Al-Saadicuuna bil xaq” oo ka firqamay kooxda kale ee Takfiir Wal Hijra. Madaxweyne Geelle ayaa kooxdaan ku sheegay koox islaamka khilaafsan oo aan is qarineyn, wuxuuna tilmaamay in khilaafkii Cusmaan binu Canaan dilkiisa ka dhashay ee Islaamka dhex galay ayaa ilaa maanta socdo, taasoo uu ku tilmaamay ayaandaro,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/dfkbOKsM88w

Read More

Xisbiga madaxweyne Erdogan ayaa ku guuleystay aftidii ka dhacday dalka Turkiga oo waxaa ay heleen 51.37% halka garabka mucaaradka iyaguna ay heleen boqolkiiba 48.63 guud ahaan codadkii la dhiibtay, labada dhinac oo aad isugu dhawaa ayaa waxaa ay guddiga doorashada ku dhawaaqeen in qolyaha taageersan ”HAA” ay ku guuleysteen aftda. Natiijada aftida ayaa ka dhigan in madaxweyne Erdogan uu xafiiska sii joogi doona ilaa iyo sannadka 2029-ka. Xisbiga mucaaradka ee ugu weyn dalkaasi ayaa sheegay in wax isadabamrin ay hareesay codbixinta. Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa isaguna meel fagaara ah ka sheegay in si aqlabiyad ah lagu meel…

Read More

Waxaa Xalay ka bilowday Masjidka wayn ee Al-Rawda  Nadwo Cilmiyeedkii  15-aad ee Sannadlaha ahayd  oo ka dhici jirtay magaalada Boosaaso.  Nadwadan oo ciwaankeedu ahaa Gundhigga Islaaxa Ummadda iyo Caqabadaha Hortaagan. Kadib markii Aayadaha Quraanka lagu furfurtay, waxaa hadalka qaatay Boqor Burhaan Boqor Muuse oo bogaadiyay Nadwada iyo culumada soo qabanqaabisay, intaa kadib waxa uu boqorku  ka hadlay waddanka xaaladda uu ku jiro iyo abaaraha ka jira,  oo uu ku tilmaamay in ay abaartan tahay tii ugu darnayd oo abid nasoo marta,  waxa uuna tilmaamay in dhibaatadaas looga bixi karo Cabsida Alle iyo ummaddu in ay Ilaaheed u noqoto. Waxaa Intaa…

Read More

Gudiga gurmadka abaaraha ee heer qaran ayaa maanta la wadaagay waxii uqabsoomay ,Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka iyo Madaxda  dawladaha xubnaha ka ah dawlada fadaraalka.  Shiikh Nuur Baaruud oo ku hadlayay magaca Guddiga gurmadka abaaraha ayaa tilmaamay in muddadii saddexda bilood ee guddiga shaqeynayay lacagihii ay qabteen badan keeda ay gaarsiiyeen dadka dhibaataysay, wuxuna si gaar ah mahad uga celiyey cid walba oo gacan ka geystay gurmadka. Madaxweyne Gaas oo oo kamid ahaa masuuliyiinta goobta ka hadlay ,ayaa ku ammaanay Guddiga gacanta ku haya gurmadka Abaaraha sida ay u dhawrayaan ammaanada loo dhiibay, waxayna sheegeen in loo baahan yahay guud ahaan…

Read More

Madaxweynaha Maamulka Gobollada dhexe ee ay tagaeeraan culumada Ahlu Sunna Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo wafdi uu horkacayo ayaa maanta yimid magaalada Muqdisho. Wafddiga Shiikh Maxamed Shaakir ayaa waxaa ka mid ahaa Guddoomiyaha Baarlamanka Maamulka gobollada dhexe Saadaq Shiikh Yuusuf, Madaxweyne ku-xigeenka maamulkaasi Xasan Gaboobe iyo xubno kale. Wafdiga waxaa Garoonka Dayuuradaha Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarx Juxa. Sheekh Maxamed Shaakir waxaa la filayaa inuu Muqdisho uga qeyb galo shir lagu mideynayo Maamullada Gobolada dhexe, ka hor doorashada Madaxweynaha Goboladaas ee la qorsheeyay in ay dhacdo 30-ka Bishan April. Madaxweyne ku-xigeenka…

Read More

Kooxda AlShabaab ayaa jawaab adag ka bixisay go’aankii uu madaxweyne Farmaajo xaalada deg deg ah ku geliyay dalka, iyagoo sheegay in go’aankaas uu u fududeyn doono iney la dagaalamaan ciidamada Dowladda Fededaalka Soomaaliya iyo kuwa Amisom.   Afhayeenka Kooxda ALShabaab Sh Cabdi Casiis Abuu Muscab ayaa sheegay in Farmaajo uu yahay nin ka liita madaxdii hore isla markaana ay kaga adkaan doonaan dagaalka,hoos ka dhagayso codka afhayeenka oo faahfaahsan. Halkan ka dhagayso codka afhayeenka

Read More

Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed ayaa habeenkii xalay ahaa si rasmi ah ula wareegay xilka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, kadib xaflad xalay lagu qabtay xarunta dowladda hoose ee Muqdisho. Xafladani xil wareejinta ayaa waxaa ka soo qayb galay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya mudane, Xasan Cali Khayre, xubno ka tirsan Golahiisa Wasiirada, Gudoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo marti sharaf kale.hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/jqkK6oHiB98

Read More

Ciidammada  Nabad Sugidda ee dowladda Soomaaliya ayaa maanta toogasho ku dilay labo nin oo madaafiic ka ridday degmada Wadajir, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha ammaanka. Labada Nin ee la toogtay ayaa la sheegay in mid ka mid ah uu isku dayay inuu ciidanka iska caabbiyo kaddibna uu galay Guri ku yaalla degmadaasi Wadajir, iyadoo markii danbe ay toogteen Askartu. Saraakiisha Ammaanka ayaa sidoo kale sheegay in gaari ay wateen raggaan oo ay ku xirnaayeen walxaha Qarxa  ay ciidamadu  qabteen hayeeshee markii danbe uu qarxay gaarigaas. Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa sheegay in shacabka ay la shaqeeyeen ciidanka ammaanka…

Read More

Codayntaan maanta dhacaysa ayaa waxay awood dheeraada siinayasaa Madaxwaynaha waa haddii lagu guulaysto..   Dadka wadanka u dhashay waxay ka codaynayaan 167.000 goobood oo guud haan dalka Turkiga ku kala yaal . Maanta oo axada codbixayaashu waxay wataan laba kalar.   Dadka Haa ku codaynaya waxay wataan Kalar ¨¨Cad” Kuwa Maya ku codaynaya waxay wataan kalar ”brown”   Madaxweyne Erdagon wuxuu yiri”maanta waxaan dhammaystiraynaaa wixii dhacay 15/7”, hadalkaas ayuu ka jeediyay xaafad Istabuul ku taal ee Tuzla.   Madaxweyne Erdagon ayaa taageerayaashiisa ka codsaday in maallinta axadda aan codaynta loo kala harrin.   Halka goobaha layskugu soo baxay ay taageeraayaasha…

Read More

Guddoomiyaha Gobalka Mudug ee maamulka aan sharciyada buuxin ee Cadaado Cabdirashiid Xaashi Cartan oo wareysi gaar ah maanta siiyay Warbaahinta dawlada Fadaraalka, ayaa faah faahin dheer ka bixiyay xaaladda amaan ee guud ahaan Gobalka Mudug, gaar ahaan magaalada Galkacyo ee xarunta Gobalka, waxaana uu sheegay in xaaladda Nabadgelyo ee magaalada Gaalkacyo ay tahay mid aad u wanaagsan isla markaana Ciidamada Amaanka iyo shacabk ay si wadajir ah isaga kaashadaan sidii loo adkeyn lahaa amniga magaalada. Guddoomiye Cartan dhanka kale waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay in laga been sheego xaaladda magaalada Gaalkacyo, isla markaana ay wax kama jiraan yihiin…

Read More

Madaxweyne Gaas iyo wafti uu hogaaminayo ayaa maalmahan u jooga magaalada Muqdisho shir ay iskugu yimaadeen Madaxda Fadaraalka iyo madaxda Dawladaha xubnaha ka ah Dawlada fadaraalka. Madaxweyne Gaas ayaa sidoo kale kulamo la qaatay wakiilada beesha caalamka ee Somaliya ,waxaana ka mid ah diblumaasiyiinta uu la kulmay :- 1.Safiirka ingiriiska ee Soomaaliya. 2.Wakiilka xoghayah guud Qaramada mdioobey ee Soomaaliya. 3.Safiirka dawlada Turkiga ee Soomaaliya. Hadaba waraysi uu siiyay Radio Daljir ayuu Madaxweyne Gasa ku faahfaahiyay arimihii ay kawada hadleen isaga iyo diblumaasiyiintaas,hoos ka dhagayso codka madaxweynaha. Halkan ka dhagayso codka Gaas

Read More

Wakaalladda Wararka Shiinaha ee XINHUA ayaa shaacisay in ka badan 100 Dagaalyahano Alshabaab ah lagu dilay Duqeyn ay geysteen Diyaaradaha Maraykanka ka geysteen Koonfurta Somalia. Wakaalladda ayaa ka so oxigatay Saraakiil iyo Dadka Deegaanka in Duqeyntaasi oo dhacday Waaberigii hore ee shalay  ay Diyaaradaha beegsadeen Fariisimo ay Alshabaab ku lahaayeen Deegaanadda War-gaduud iyo Ceel-cade oo ah goobntii ay Alshabaab in ka badan 180 Askar Kenyan ah ku dileen bishii January 15-dii ee sannadkii hore. Sarkaal ka tirsan Ciiddanka Dowladda oo la hadlay Wakaalladda Wararka ee XINHUA ayaa sheegay in Weeraradaasi lagu dilay 20 Taliyayaal Alshabaab iyo Ku-dhawaad 85-Dagaalyahan, waa sida…

Read More

Gudoomiyaha Baarlamaanka Dawladda Puntland Axmed Cali Xaashi ayaa soo dhaweyn loogu sameeyey maanta garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso . Soo dhaweynta labada masuul waxaa ka qeyb-qaatay madaxda maamulka Gobalka Bari, Maamulka Degmada Boosaaso, Taliska qeybta Booliska Puntland , masuuliyiin iyo dadweyne kale,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/Aq7eQ-7WgX4

Read More

Dawlada Puntland ayaa amaro kasoo saartay urur-diimeedka Al-saadicuuna Bil-xaq.   Kulan ka dhacay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland ayaa lagu faray laamaha amniga in ay soo xiraan shakhsiyaadka iyo xarumaha taageeray ururkaasi.   Maamulka Gobolka Nugaal, maxkamadda ciidamada qalabka sida, taliska ciidamada la dagaalanka argagixisada iyo taliyayaasha qaybaha ee gobolka Nugaal ayaa kulanka ka qeyb galay,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/r32JKWKhziw

Read More

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan,ayaa jeediyey khudbaddii gabagabada isu soo baxyadii ugu dambeeyey ee ku aadan aftida Axada dhacaysa ee ku aadan in isbadal ballaaran lagu sameeyo dastuurka taasi oo isaga siinaysa awooddo cusub. Wuxuuu sheegay taageerayaasha in isbadalka uu keeni doono in Turkigu uga wareegayo Jamhuuriyada Baarlamaniga ah mid madaxtooyo , taasi oo uu sheegay inay wadanka ka dhigayso mid xoogan. Wuxuu saadaaliyey in codeynta “Haa” ay Turkiga siinayso isku kalsooni Yurub dhexdeedda ah, kuwa isaga [Erdogan] ka soo horjeeda ayaa iyaguna qabanaya dibadbaxyo inta aanay soo gabagaboobin dhacdooyinka ugu dambeeyaa, waxayse ka digeen isbadal yimaada kaasi oo horseed…

Read More

Emma Morano, who at 117 was believed to be the world’s oldest person and the last surviving child of the 19th century, died on Saturday, swearing to the end on her diet of two raw eggs a day. “She reached an incredible finish line,” said Silvia Marchionini, mayor of the town of Verbania in northern Italy where Morano lived on the shores of Lake Maggiore. Morano, who lived 117 years and 137 days, was born on Nov. 29, 1899, four years before the Wright brothers first took to the air. Her life spanned three centuries, two World Wars and more…

Read More

Xaflad Ballaaran oo xil wareejin ah ayaa caawa ka socota xarunta maamulka gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho taasoo ay ka qeyb galayaan qeybaha bulshada. Munaasabadan oo aheyd mid si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa xilalka ku kala wareegaya guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale iyo gudoomiyaha cusub ee dhowaan loo magacaabay maamulka gobolka Taabit Cabdi Maxamed. Waxaa ka qeyb galaya munaasabad marti sharaf kala duwan iyo masuuliyiin ka tirsan dowlada Soomaaliya, waxaana sidoo kale lagu soo bandhigayaa waxqabadkii guddoomiyihii hore ee gobolka Yuusuf Xuseen Jimcaale. Waxaa sidoo kale laga jeedin doonaa xafladan khudbado kala…

Read More

Fiidnimadii caawa ayaa kooxo hubeysan waxaa ay ku toogteen qof shacab ah degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir kuwaas oo watay gaari, hase ahaatee ciidanka amniga oo goobtaas ka ag dhowaa ayaa qabtay kooxdii dilka geysatay, sida uu sheegay guddoomiyaha degmada.  Guddoomiyaha ayaa intaa ku daray in kooxda dilka fulis ah ay tiro ahaan gaarayeen labo ruux oo bastoolado ku hubeysanaa, iyadoo ciidanka amniga degmada ay hadda wataan baaritaano arinta la xiriira. Talaabadan ayaa keeni karta in ay yeraadaan fal dambiyeedyada abaabulan ee ka dhaca magaalada Muqdisho, maadaama kuwo badan oo horey dil u geystay ay baxsadeen

Read More

Madaxwaynaha dowladda Fadaraalka Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta warqaddaha aqoonsiga safiirnimo ka gudoomay Safiirka dowladda Shiinaha u fadhiisan doonna Soomaaliya. Qin Jian ayaa dhowaan dowladda Shiinaha u soo magacowday Danjiraheeda Soomaaliya isagoo bedelay danjirihii hore. Madaxweyne Farmaajo iyo danjire Qin Jian ayaa ka wada hadlay xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dowladood ee Somalia & Shiinaha iyo sidii loo xoojin lahaa. Farmaajo iyo danjire Qin Jian ayaa gebagebadii kulankaas isku dhaafsaday hadiyado kala duwan oo ka turjumaya dhaqanka labada dal, waxaana qabiladaas ay ku soo dhamaatay jawi aad u dagan,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka…

Read More

Madaxweynah Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta ka qayb galay shirka ay yeshaan  madaxda DFS iyo Dawladdaha Xunbinta  ka ah, shirka ayaa ka dhacay madaxtooyada magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Shirka waxaa Madaxweynaha  ku wehelinaayey Madaxweynaha Dawladda Fadaraalka Soomaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, Guddoomiyaha Baarlamaanka DFS Ra’iisul wasaaraha Soomaliya, Madaxda maamul goboleedyada dalka iyo masuuliyiinka tirsan goloyaasha dawladda Puntland. Shirka ayaa waxaa lagaga hadlay arrimo ay ka mid ahaayeen marxalada siyaasadeed ee dalku ku sugan yahay, sii xoojinta xidhiidhka DFS iyo dawladdaha xunbinta ka ah, Abaarta baaxadale ee ka jirta Soomaaliya, qaab-dhismeedka iyo dhisida ciidanka qalbka…

Read More

Shirkan ayaa waxaa arimaha ugu muhiimsan waxaa kamid ahaa:-  1. Abaaraha 2. Siyaasadda 3. Shirka London 4. Amniga. Madaxwaynaha jamhuuriyadda fadaraalka,Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa furitaanka shirkan ka sheegay in waxa ugu weyn ee lagaga wada hadlayo ay tahay sugidda amniga qaranka, wuxuu madaxwayne Farmaajo cadeeyay muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya ay yeelato hagista hawlaha ammaanka dalka. Madaxwaynaha oo ka hadlayay qorshaha shirka London ayaa tilmaamay in dowladda dhexe iyo Dawladaha xubnaha ka ah dawlada Fadaraalka ay la tagayaan shirkaas wax ay ku midaysan yihiin, caalamkana ay tusayaan sida dadka Soomaaliyeed isugu duubanyihiin. Shirkan ayaa la filayaa…

Read More

Roobdoon iyo Xadradda Xerta [Sheeko Gaaban] Tuulada Jawaarey, u dhexeeysa degmooyinka Baardheere iyo Saakow, ayaan muddo laba iyo toban bilood (sannad) ah dhibic roob ah ka di’innin. Waxaa rayidkii goobtaas ku noolaa ku dhacay biyo la’aan, dallaggii beeraha oo ka xumaaday iyo xoolihii oo waayay baad ay daaqaan. Dadkii deegaanka deggannaa, intoodii badnayd, waxay u yaaceen xagga tuulooyinka iyo magaalooyinka u dhow-dhowaa. Maalin maalmaha ka mid ah, niman xer Saalixiya ah oo lugeeynayay, tuulada Daarasalaan oo ka tirsan degmada Baardheere ka yimid, oo magaalada Kismaayo ku sii socdaal ah, goor cadceeddu sii dhacaysay, ayaa tuulada Jawaarey u soo…

Read More