Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Goor Dhow Madaxtooyada Soomaaliya ka furay Shir u dhexeeya Dowladda Dhexe iyo Dawladaha xubnaha ka ah Dawlada Fadaraalka. Shirkan ayaa looga hadlayaa arimo ay ka mid yihiin:- 1. Abaaraha 2. Siyaasadda 3. Shirka London 4. Amniga. Kala soco wararkayaga danbe iyo furitaanka shirka.
Author: Jibril Qoobey
Dawlada Puntland ayaa amaro kasoo saartay urur-diimeedka Al-saadicuuna Bil-xaq. Kulan ka dhacay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland ayaa lagu faray laamaha amniga in ay soo xiraan shakhsiyaadka iyo xarumaha taageeray ururkaasi. Maamulka Gobolka Nugaal, maxkamadda ciidamada qalabka sida, taliska ciidamada la dagaalanka argagixisada iyo taliyayaasha qaybaha ee gobolka Nugaal ayaa kulanka ka qeyb galay,hoos ka dhagayso codka oo faahfaahsan. Halkan ka dhagayso codka Gudoomiye Omar Faraweyne
Shiinaha ayaa ka digay dagaal ka dhex qarxa dalalka Mareykanka iyo Kuuriyada waqooyi, iyadoo xiisada udhaxeysa labada dal ay cirka isku shareertay. Wasiirka arrimhaha dibadda ee Shiinaha Wang Yi ayaa sheegay in dagaalka aysan cidna ku guuleysaneynin. Hadalka Mr Wang ayaa yimid maalmo un kaddib markii dowlada Mareykanka ay walaac ka muujisay horumarinta hubka Nukleyrka ee Kuuriyada waqooyi, waxaana Mareykanka uu maraakiib dagaal u diray gacanka kuuriyada,hoos ka daawo muuqaalka. Halakn ka daawo muuqaalka https://youtu.be/As2VnHDXOmA
Kullan saddex-geesood ah oo magaaladda Moscow ay ku yeesheen wasiiradda Arrimaha dibada ee Ruushka, Iiran iyo Siiriya ayaa mar kale Maraykanka uga digay in weerar kale uu ku qaado dalka Suuriya, waxayna dalbadeen in baaritaan caalami ah lagu sameeyo weerarkii Hubka sunta ah loo adeegsaday ee 4tii bishan ka dhacay Dalka Suuriya,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/TDZ9vy0dSBM
Waa Calako Waa calako meel yuurartiyo, cunug aan weynaane Waa ciiryaamo roob da’ahayoo, ciiro iyo qiiqe Waa baradho ceeriin ah iyo, xuubka caarada’e. Cudud ma leh col kula weerar gala, ciidan iyo xooge Inkastooy cid kuu soo diraan, waa cidloo kale’e Caloosha iyo madaxay sidii, dumar cantuugaane Maandhow cayaayirka iga daa, Carabi waa naage! Sayid Maxamed Cabdille Xasan
Oday iyo Wiilashiisa Aabbe wiilashii uu dhalay oo qoyskiisa ka mid ahaa ayaa si joogta ah dhexdooda u cilaaqtami jirey. Maalin maalmaha ka mid ah ayuu u sheegey in ay u keenaan xirmo ulo ah. Kolkay u keeneen ayuu saf kala wada maray oo hadba mid faraha ka saaray, oo wiilashiisii midba mar ku amray in uu gabal-gabal u kala googooyo. Way iskuddayeen in ay jebiyaan intii karaankood ahayd, hayeeshee way u suurtaggeli wayday. Dabadeed xirmadii ayuu kala furfuray, mid ayuu ulihii uga soo saaray, oo mar kale gacmaha inammadiisii u wada saaray, taas oo keentey in ay si sahlan…
Xigmad 1. Naf iyo jaarkaaga xurmee! 2. Ehel iyo sokeeyaba xaqdhawr! 3. Xaas iyo ubadba xannaanee! 4. Dal iyo dadkaaga xafid! 5. Xigso diinta Furqaan! 6. Xaaraanta ka fogow! 7. Xalaal-cune noqo! 8. Xishoodka ku dadaal! 9. Naftaada xakamee! 10. Xan iyo ceeb ka dheerow! 11. Xaq iyo caddaalad u hiili! Summadlaawe
Murtida Maanta [Thought of the Day] Qofka waxgaradka ihi go’aammadiisa ayuu qaataa, aqoondarranese ra’yiga guud ee dadweynaha ayuu raacaa. Maahmaah Shiine A wise man makes his own decisions, an ignorant man follows the public opinion. CHINESE PROVERB Tifaftiraha puntlandobserver@gmail.com 14.04.2017
Waxaa la filayaa sida qorshaysan in maalinka beri ah uu furmo shirka Madaxda Somalida . Shirkan waxaa iskugu imaandoona Madaxda Fadaraalka iyo Madaxda Dawladaha xubnaha ka ah dawlada Fadaraalka. Shirkan ayaa ah mid muhiim sida ay noo xaqiijiyeen ilo ku dhaw dhaw qabanqaabada shirka. Arimaha ugu muhiimsan ee kulanka beri furmi doona looga xaajoon doono, ayaa waxaa ka mid ah :- 1. Abaaraha 2. Siyaasadda 3. Shirka London 4. Amniga Kala soco wararkayaga danbe iyo furitaanka shirka.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 14 April 2017 kulan kula yeeshay xafiis kiisa uu ku leeyahay magaalada Muqdisho safiirka wadanka ingiriiska u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Ambassador Divid Concar. Kulanka uu Madaxweynuhu layeeshay danjiraha wadanka Ingiriiska Mr. Divid ayaa waxaa ku wehelinaayey Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada dawladda Puntland Cabdinaasir Biixi Soofe. Muhiimada kulanka lagu lafaguray ayaa waxaa ka mid ahaa wanaajinta xidhiidhka lada dhinac, abaarta baaxadale ee ka jirta Soomaaliya gaar ahaan Puntland, taageerada horumarineed ee wadanka Ingiriisku ka fuliyo Puntland iyo shirka dhowaan ka dhicidoona magaalada London ee dalkan Ingiriiska kaas oo lagaga…
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 14 April 2017 kulan kula yeeshay magaalda muqdisho gaar ahaan xafiiskiisa wakiilka qaramada midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Ambassador Michael Keating. Kulanka ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey Agaaasimaha guud ee Madaxtooyada dawladda Puntland iyo sidoo kalena waxaa iyaguna qayb ka ahaa kulanka qaar kamida shaqaalaha xafiiska Ambassador Michael Keating. Kulanka Madaxweynaha iyo Ambassador Keating ayaa waxaa lagaga wadda hadlay arrimo ay ka mid ahaayeen abaaraha, shirka Lodhon ee wadanka UK, Amaanka iyo sidii loo dhisilahaa ciidan qaran oo hanankara amniga guud ee Soomaaliya. Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa ugu…
Sidaan la socono maalinta Axada waxaa waddamada Reer galbeedka ka dhacaya waxa ay u garanayaan Easter Day, midaasi oo ay ku sheegaan in ay u dabaal dagayaan, geeridii Nabi Ciise,a ama dib usoo noolaanshihii Nabi Ciise, midaasi oo Islaamkalay si cad ugu hadlay. Sidaasi oo kale manta oo jimco ah waxaa ay u garanayaan, Holy Friday, Great Friday, Black Friday Ama Easter Friday, midaasi oo ay ku bilaabayaan dabaal dagyadii ciidaasi Easter-ka. Hadaba waxaa halkaan ku daawan doontaan halka ay kazoo alifeyn ciidaasi Easter-ka, iyo waxyaabaha ay aaminsan yihiin dhamaantood,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka…
Ammaanka dalka Kenya ayaa la adkeeyay inta lagu gudo jiro munaasabadaha Easterka iyadoo booliskana ay ka codsanayaan dadka inay taxadaraan oo wixii ay ka shakiyaana ay u soo sheegaan. Warar ay qoreen saxaafada Kenya ayaa sheegaya in ay jirto cabsi laga qabo rag hore ay liiska argagaxisada ugu dartay dowlada Kenya kuwaasoo tababaro ku soo qaatay dalka Soomaaliya inay gudaha u soo galeen dalka Kenya ayna qorsheynayaan inay weeraro ka geystaan gudaha dalka Kenya. Raggan oo sagaal ah ayaa sawiradooda la soo bandhigay waxaana la aaminsan yahay in ay ka tirsan yihiin ururka Alshabaab. Magacyada raggan ayaa lagu kala sheegay…
Mudanayaasha Baarlamaanka Fadaraalka ah ee Soomaaliya oo kulan ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho ayaa doortay qaar ka mid ah Guddoomiyeyaasha Guddiyada joogta ah ee golaha Shacabka. Kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee golaha Shacabka Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudeey iyo Guddoomiye ku-xigenka labaad ee golaha Mahad Cabdalla Cawad ayaa waxaa lagu doortay ilaa iyo saddex guddi iyo ku-xigeenadooda. Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre waxaa loo doortay Guddoomiyaha Guddiga Kheyraadka dabiiciga, Xildhibaan Sagal Isxaaq Biixi waxaa loo doortay Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Baarlamaanka halka Xildhibaan Malaaq Dhaayow loo doortay Guddoomiyaha Guddiga Beeraha, iyadoo sidoo…
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed islaam oo soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa kulan la qaatay Danjiraha Dowlada ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Divid Concar. Kulankan oo ahaa kii u horreeyay oo ay yeeshan Madaxweynaha Jubbaland iyo Danjiraha Cusub ee UK ayaa looga hadlay Xaaladda abaaraha ee Soomaaliya gaar ahaana Jubbaland iyo sidii Dowladda Ingiriisku ay gacan uga gaysan lahayd gurmadyada socda, sidoo kale waxaa diiradda lagu saaray Arrimaha ammaanka, iyadoo Danjirahu Madaxweynaha Jubbaland uu ku ammaanay sida ay uga go’antahay in la burburiyo kooxaha Argagixisada ah ee dhibaatada ka wada Soomaaliya. Dhinaca Siyaasadda ayay sidoo kale Mas’uuliyiintu ka wada hadleen…
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud oo ay hadda Maamulaan Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusunna ayaa sheegaya in Manata Ciidamadii ugu badnaa oo Itoobiyaan ah ay ka baxeen Xeryihii ay ka degenaayeen Magaalada. Ciidamada Itoobiyaanka ah ayaa isla Maanta ka gudbay Xadka Gobolka Galgaduud uu la leeyahay Itoobiya,waxaana Ciidamadu ay wateen Gaadiid Dagaal oo aad u fara badan. Ciidanka Maanta ka Guuray Magaalada Dhuusamareeb ayaa ah kuwii Degenaa Magaalada,iyadoo Maalmihii dambe Ciidamada Itoobiyaanka ah ay wadeen Qorshe ay uga baxayaan Soomaaliya. Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa laga dareemayaa Cabsi ku aadan in Shabaabka ku sugan…
Qaar ka mid ah Jaamacadaha magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay shaqada ka fariisiiyeen shaqaale ka tirsanaa jaamacadahaas oo shaaciyey inay xubno ka yihiin urur diimeed la magacbaxay Al-Saadicuun Bil-Xaq oo dhowaan looga dhowaaqay waddamo Islaam ah oo ay Soomaaliya ku jirto. Mas’uuliyiinta jaamacadahan ayaa sheegay in xeerarkooda ay ka mid yihiin in shaqaalaha jaamacadda aysan xubno ka noqon karin koox diimeed gaar ah,hoos ka dhagayso codka oo faahfahasan. Halkan ka dhagayso codka
Militariga dalka Mareykanka ayaa bamkii ugu weynaa oo aan nukliyer ahayn, markii ugu horeysay ku dhuftay gobolka Nangarhar ee bariga dalka Afghanistan. Weerarka loo adeegsaday bamkan oo loo yaqaanno ‘hooyada bambooyiinka’ waxaa la fuliyay xalay. Waxaa la sheegay in lala eegtay qadad dhulka hoostiisa ah oo ay adeegsadaan dagaalyahannada ururka la baxay Khilaafada Islaamka ee degmada Achin. Isticmaalka bamka noocan ah oo aan nukliyer ahayn uma baahna in madaxweynaha Mareykanka uu fasaxo. Waa hub aad u culus oo dhererkiisa gaarayo 30ft, culeyskiisuna yahay 9,800kg. Waxaa lagu hagaa GPS-ka Internetka, waxaana xambaara diyaaradaha xamuulka ee MC-130. Waxayna qarxdaa waxyar ka dib…
Dowladda Maraykanka ayaa ciidan u dirtay Soomaaliya si ay gacan uga gaystaan tababaridda ciidamada dagaalka kula jira kooxda Al-Shabaab. Waa markii ugu horraysay oo uu Maraykanka ciidamo caadi ah u diro Soomaaliya tan iyo 1994-kii, inkastoo ciidamo kooban oo ah kuwa la dagaalanka argigixisada ay dalka ku sugnaayeen. Warka ku saabsan in ciidanka Maraykanka loo diray Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya iyadoo dhammaadkii bishii hore uu madaxweyne Donald Trump uu wax ka badalay qaabka hawlgalka ciidamada ka hortaga argigixisada. Trump ayaa waxa uu saxiixay amar cusub oo ciidanka Maraykanka u oggolaanayo in ay si toos ah uga qeyb qaadan karaan…
Bamkan oo loo yaqaan “Hooyada bambada” GBU-43/B MOAB ayaa markii ugu horeeyay la tijaabiyay sanadkii 2003 balse si rasmi ah howlgal looguma isticmaalin. Wasaarada Gaashaandigga Maraykanka ayaa sheegay in bamkan lagu ridey gobolka Nangarhar yahay bamkii ugu cuslaa ee abid la rido marka laga reebo bambooyinkii niyukliyerka ahaa ee lagu isticmaalay dagaalkii labaad ee dunida. Weerarkan ayaa yimid kadib toddobaad markii lagu diley askari Maraykan ah oo ka mid ah ciidamo si gaar ah u tababaran ee kula dagaalamaya ururka IS gobolka Nangarhar. Bamkan oo culeyskiisu gaarayay 9,800kg dhererkiisuna 9m ayaa lagu tuuray degmada Achin iyadoo saraakiil u hadashay ciidamada…
Suuqyada waawayn ee magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera ayaa maanta gebi ahaanba xidhnaa, kadib markii ganacsatadii suuqyadaasi ay sameeyeen shaqo joojin. Ganacsatadan ayaa ka cabanaya hoos u dhac ku yimi lacagta Shilinka Somaliland iyo sicir-barar baahay, waxaanay sheegeen in sarrifka lacagta doollarku ay gaadhay halkii ugu sarraysay. Dadka danyarta ah iyo shaqaalaha dawladda ayaa iyaguna sheegay inay si ba’an u saamaysay arrintani.hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/JvIzox8fEfw
Madaxweynaha dalkan Maraykanka Donald Trump ayaa arbacadii shalay ku dhawaaqay in isbahaysiga NATO uu yahay mid muhiimaddiisu ay weli taagan tahay. Hadalkan ayuu sheegay xilli uu saddex bilood ka hor sheegay in Isbahaysiga NATO uu yahay mid xilli badan jiray oo aan u taagnayn inuu wax ka qabto muhiimadaha horyaalla qaarkood oo ay ka mid tahay difaacidda weerarada argagixiso. Madaxweyne Trump ayaa sheegay in kulan uu kula qaatay aqalka cad ee dalkan Maraykanka, Xoghayaha isbahaysiga NATO, uu ahaa mid ay waxyaabo badan isla afgarteen oo ay ka mid tahay in NATO ay ka qayb qaadato la dagaallanka Argagixisada. Trump ayaa…
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/oTMy7rt7WHw
Ruushka ayaa codka diidmada qayaxan ku horjoogsaday qaraar qabyo ah oo ay soo diyaariyeen Maraykanka, Britain iyo Faransiiska, kaasoo lagu dalbanayay in xukuumadda Suuriya ay ogolaato in baaritaan lagu sameeyo weerarkii kimiikada loo adeegsaday ee dhacay todobaadkii tegay. Weerarkaasi ayaa ku dhawaad 90 qof ku dilay degmada ay mucaaradka haystaan ee Khan Sheikhoun. Dood kulul oo Golaha Ammaanka ka dhacday ka hor inta aan codka loo qaadin qaraarka qabyada ah, ayaa safiirka Maraykanka, Nikki Haley, waxa ay sheegtay in mar hore la rabay inuu Ruushka joojiyo difaacidda madaxweyne Assad. Balse ergeyga Ruushka u fadhiya Qaramada Midoobay, Vladimir Safronkov, ayaa sheegay…
Gudoomiyaha Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabkasida G/sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ku dhawaaqay xukunka ayaa sheegay in raga la xukamay ay ka mid ahaayeen maleeshiyada Al-shabaab isla markaana ciidamada amniga ay ka soo qabteen deegaanka Gudinlabe iyagoo wata gaari hoomey ah oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay. Gudoomiyaha Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabkasida G/sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay xukunka labada eedaysane ee kala ah Maxamed Cali Kadiye iyo Xuseen Xaashi C/laahi wuxuuna sheegay in lagu xukumay min 10 sano oo xabsi ciidan ah. Maxkamada Ciidamada Qalabsida ayaa mudooyinkan waxa ay xukuno kala duwan ku…
Madaxweyne Gaas iyo wafti balaaran oo uu hogaaminayo ayaa saakay u anba baxay Magaalada Muqdisho. Madaxweynaha oo ay garoonka kusii sagootiyeen Madaxda iyo qaybaha bulshada Gobolka Mudug,ayaa la filayaa in uu saacadaha soo socda gaaro Magaalada Muqdisho. Madaxweyne Gaas ayaa socdaalkiisu ku salaysan yahay dhawr arimood oo muhiim ah oo uu kala xaajoon doono madaxda Fadaraalka,kuwaasoo ay ugu waa weyn yihiin:- A.Heshiiskii Dekeda Bosaso ee Puntland iyo imaaraadka B.Shirka London ee loo qabanayo Somalida. C.Dib u dhiska Ciidamada Somaliya ee la qorshaynayo. Waxaa la filayaa in Madaxweynuhu uga gudbi doono Muqdisho,kadib marka…
Guddoomiyaha cusub ee gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Thaabid Cabdinayaa waxa uu goor dhaw ka soo degay garoonka diyaaradaha Aadan-cadde, waxaana soo dhaweeyay sii-hayaha xilka guddoomiyaha gobalka Banaadir, ku-xigeennadiisa, xildhibaanno ka tirsan labada gole ee dowladda, saraakiisha amaanka ee gobalka, ururka haweenka iyo mas’uuliyiin kale. Thaabit Cabdi Guddoomiyaha cusub ayaa saakay diyaarad gaar ah ay kasoo qaaday garoonk Juma Kenyatta ee Magaaladda Nairobi, iyadoona gudoomiyaha cusub uu socdaalkiisa kasoo bilaabay cariga Maraykanka,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/y7FwyLjM_mU
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/N_j8mmUV0qc
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/7njfzVEwksU
The Special Representative of the UN Secretary-General (SRSG) in Somalia, Michael Keating strongly condemned the recent spate of terrorist incidents that have caused carnage among Somali communities. In the past ten days, at least a dozen attacks have been claimed by or attributed to Al-Shabaab and resulted in 28 civilian deaths and 31 injured. These were launched in civilian areas, turning restaurants, markets and minibuses into scenes of bloodshed and suffering. “Attacks on civilians are unjustifiable. It is particularly upsetting that so many women and children have lost their lives. This is a perverse and inhumane way to make a…
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/ScOpbpAFV0c
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/uM4pM8EN6Kc
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Ra’iisul wasaaraha, Wasiirka Difaaca, Wasiiru dowlaha, Wasiir ku xigeenka, Taliyaha ciidanka Xoogga dalka, talyeyaasha ciidamada Qalabka sida, Wasiirro, Xildhibaanno, Diblomaasiyiin kala duwan iyo ciidammada Xoogga dalka qeybahooda ayaa ka qeyb galay munaasabad loogu dabaaldegayo sanad-guurada 57-aad ee ka soo wareegtay aas-aaska ciidanka xoogga dalka oo ku beegan 12-ka April, iyadoo munaasabaddu lagu qabtay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya. Ciidammada Xoogga qeybahooda kala duwan ayaa goobta ku soo bandhigay Fantasiyo qurux badan, waxaana fannaaniinta kooxda Horseed ee ciidanka Xoogga ay xafladda dhankooda ku soo bandhigayaan heeso iyo Riwaayada ka turjumaya xuska lagu weyneynayo sannad-guurada 57-aad ee ciidammada Xoogga dalka…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidammada Qalabka Sida, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, ayaa munaasabadda xuska sannad-guurada 57-aad ee ka soo wareegtay aasaaska Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku began 12-ka April, hambalyo u diray sareeyayaasha, saraakiisha, saraakiil xigeennada, Aliflayda, dableyda iyo xaasaskooda. Waxaa uu Madaxweynaha sheegay Soomaaliya ay ku jirto xaalad ay dib u dhis ku sameyneyso ciidankeeda, dhanka kalena ay dagaal kula jirto cadow. “Ciidankeena waxaa uu ku tallaabsadey guulo waaweyn, iyagoo duruufo adag ku shaqeynaya. Waxaan awoodnay inaan wiiqno awoodda cadowga argagixisada, taasina waxay muujineysaa niyadda, geesinimada iyo waddaninimada ciidanka. Waa hubaal in waddamo badan oo inaga xaalad…
Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Muqdisho wada hadalo uga furmaan Maamulka Gobolada dhexe ee ay tagaeeraan Culumada Ahlusuna iyo maamulka aan sharciyada buuxin ee Cadaado. Wada hadalada u furmaya Cadaado iyo Dhuusamareeb ,ayaa waxaa garwadeyn ka ah dowlada Fadaraalka Soomaaliya,iyadoo wada hadalada diirada lagu saari doono sidii ay u midoobi lahayeen labada dhinac. Wada hadalada ayaa labada dhinac waxaa ukala matalaya Carabey iyo Madaxweyne Sh,Shaakir. Wada hadaladan ayaa soconaya mudo 5 maalmood ah waxaa la doonayaa in xal looga gaaro kala aragti duwanaashaha labada dhinac. Wada hadalada ayaa hadii ay guul iyo is afgarad ksuoo…
Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in sanadkan ay kordheen weerarada u badan qaraxyada ay dagaalyahanada Al Shabaab ka fulinayaan magaalada Muqdisho, waxaana weeraradan dadka ugu badan ee lagu dilay lagu tilmaamay in ay shacab ahaayeen. War kasoo baxay Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in weerarada Kooxda Al Shabaab ka geesanayaan magaalada Muqdisho ay kordheen sanadkan 2017-da marka loo eego sanadihii hore. Qaramada Midobay ayaa si kulul u camnbaareysay weerarada Al Shabaab ka geesanayaan magaalada Muqdisho , waxa ayna sheegtay Qaramada Midoobay dadka ugu badan ee dhibka kasoo gaaro weeraradaasi ay yihiin shacabka . Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan…
Maxamuud faarax Ashkir Farasle agaasimaha cusub ee laanta socdaalka Jinsiyadaha Puntland ee dhawaan madaxweyne Gaas u magacaabay,ayaa xilkii kala wareegay agaasinkii hore ee shaqadans oo waday sanado badan. Maxamuud Faarax Ashkir Farasle ayaa ah nin dhalinyaro ah oo aqoon leh laguan han weyn yahay in uu horay usii wado xaafiiskaas dalka iyo dadka muhiimka u ah,hoos ka daawo muuqaalka oo faahfaahsan. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/IeIvObHiOd8
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fadaraalka Soomaaliya Maxamed C/laahi “Farmaajo” ayaa dalka dib ugu soo laabtay keddib markii uu soo dhameystay safar shaqo oo uu ugu maqnaa dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta. Madaxweyne Farmaajo ayaa intuu uu booqanayay dalka isutagga Imaaraadka Carabta waxa uu kulamo la qaatay qaar ka mid ah mas’uuliyiinta ugu sarreeysa dalkaasi isagoo kala hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashi dhinacyo badan leh oo ay yeeshaan labada dal. Xogo hoose oo laga helayo ilo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in laysku afagaran waayay kulamadii dhacay ilaa iyo hada. Madaxweyne farmaajo ayaana dib ugu soo laabtay Muqdisho isagoon wax is afgarad…
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/TyU-bCygmKM
Halkan ka akhriso war Saxafadeedka:- Ku: Xiriirka Kubbadda Cagta Puntland Garoowe Ku: Agaasimaha Dhaliyarada iyo ciyaarah Puntland Garoowe Ku: Wasiirka Wasaaradda Sh, Sh, Dh iyo Ciyaarah Puntland Garoowe Og: Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya Fadhigooda Og: Gudoomiyaha dhalinyarada iyo Ciyaarah G.Mudug Gaalkacyo Og: Gudoomiyaha Gobolka Mudug Gaalkacyo Og: Gudoomiyaha Dagamada Gaalkacyo Gaalkacyo Ujeedo: War galin. Anagoo ah kooxaha heerka koowaad ee Puntland oo kala ah, Comed Fc, Hombobor Fc iyo Somtel Fc, anaga oo tix galinaya xeerka uyaal koobka Horyaalka Puntland, sidoo kalana ilaalinaya Nidaamka Koobka, waxaan gaareen Go’aan. Kadib markii ay arkeen sida loogu tuntay Xeerkii u yaalay…
Gudoomiyaha Midawga jaaliyadaha Puntland ee Yurub (Spedu) Siyaad Cali Jaamac ayaa si weyn usoo dhaweeyay heshiiska Puntland iyo Shirkada DPWorlad ee ku saabsan dekeda Bosaso. Gudoomiye Siyaad ayaa sheegay in uu yahay heshiiskaas mid dhaxalgal ah oo taariikhiya,hoos ka dhagayso codka Siyaad Cali Jaamac. Halkan ka dhagayso codka Gudoomiyaha
Waxaa maanta Duqa Gaalkacyo daahfuray barnaamij dhiraynta magaalada ah iyo 2-Beerood oo lagu nasto . Mahsaariicdan ayaa lagu fulin doona Gudaha Magaalada Gaalkacyo si kor loogu qaado bilicda iyo dalxiiska magaalada,sidoo kale wadada garoonka Diyaaradaha aada ayaa mahsruucan ka faa’idaysan doontaa,iyadoo la dhirayn doono,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/2MW7vtqZve8
Madaxweynaha sida lama filaanka ah lagu doortay ee farmaajo ayaa ka war wareegaya ama aananba fahansanayn waxa dhabta ah ee Qaranimada somaliya hor taagan. Somaliya malahayn dawlad dhexe oo xoog leh 26-kii sano ee lasoo dhaafay,marka laga saaro mida lagu ilaaliyo Villla Wardhiigley xiligan. Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf ayaa ahaa bud dhigihii Villa wardhiigley Dawlad Somaliyed 15 sano kadib,isagoo kaashanaya dawladaha dariska la’ah Somaliya,gaar ahaan dawlada Itoobiya. Inkastoo Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf dib u furay Villa Somaliya 15-sano kadib ,isla markaana dib uga yagleelay Dawladnimadii hadana kama danbayn Madaxweynayaal halkaa kasii wada dadaalkiisii. Waxaa ka danbeeyay laba dawladood oo ay kala hogaaminayeen…
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/fh7Dq_oW_sQ
Duqeyntii uu Maraykanka uga jawaabayay weerarka laga shakisan yahay in loo adeegsaday kiimikada, ayaa waxaa ku burburay 20% diyaaradaha dagaalka ee Suuriya, sida ay sheegtay xukuumadda Washington. Xoghayaha difaaca ee dalkaasi, James Mattis, ayaa sheegay “talo-xumo ay tahay haddii markale hubka kiimikada ah lagu adeegsado Suuriya”. Suuriya ayaa beenisay in todobaadkii tegay ay weerar kiimiko ah ku qaaday degmada Khan Sheikhoun ee ay mucaaradka haystaan, halkaasoo ay ku dhinteen 89 qof. Mr Mattis ayaa sheegay in “jawaab celinta xadidan” ay dhalisay in ay burburaan goobo shidaalka iyo rasaasta lagu keydiyo, difaaca cirka iyo weliba 20% diyaaradaha dagaalka ee Suuriya.” Waxa…
Ciidanka Booliska Somaliland ayaa xabsiga dhigay saddex ka mid ah Kooxda Al-Saaddicuuna Bil-xaq ee dhawaan looga dhawaaqay dalal ay ka mid tahay Soomaaliya. Taliyaha Booliska Somaliland Cabdullahi Fadal Iimaan ayaa u sheegay warbaahinta in maxkamad ay go’aamisay in la soo xiro hoggaamiyayaasha kooxdan cusub qeybtooda ku sugan Hargeysa. Koox-diimeedka cusub ayaa todobaadkii hore waxaa looga dhawaaqay dalal ay ka mid yihiin Masar, Soomaaliya, Kuweyd iyo Liibiya. Waana koox soo bandhigtay aragtiyo diineed oo aaminsan in Muslimiinta hadda jira ay ku sugan yihiin gaalnimo, loona baahanyahay in ay dib u islaamaan,hoos ka daawo muqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka…
Madaxweyne Farmaajo oo kulamo la qaatay madaxda Imaaraadka Carabta, ayaan ilaa iyo hada faah faahin laga hayn waxay kawada hadleen, inkastoo wakaalada wararka ee Imaaraadka carabta ay ku warantay in looga wada xaajooday kulankaas xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii Imaaraadka u taageeri lahaa dowladda fadaraalka somaliya. Madaxweyne farmaajo iyo waftigiisa ayaa la filayaa in maalmaha soo socda soo gabagabeeyaan kulamada ay la leeyihiin madaxda Imaaraadka Carabta. Xogo hoose oo laga helayo ilo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in laysku afagaran waayay kulamadii dhacay ilaa iyo hada,sidoo kale la filayo in Madaxweyne farmaajo dib ugu laabto Muqdisho…
Socdaalka Keating uu ku tagay Imaaraadka Carabta ayaa ka dambeeyay,markii Madaxweyne Farmaajo iyo wafti uu hoggaaminayo ay booqasho rasmi ah ku aadeen magaalada Abu Dhabi. Waxaa jiray cabasho horay dowladda Soomaaliya u gudbisay dowladda Sacuudiga iyo Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, kaasoo ahaa saldhiga Milateri ee Imaaraadka ka dhisanayo Berbera. Socdaalka Keating ayaa sidoo kale la sheegayaa in uu qeyb ka yahay safarka Madaxweyne farmaajo uu ku tagay Imaaraadka,kaasoo ku aadan cabashada arrimaha Sldhiga Berbera iyo Labada Dekadood ee Bosaso iyo Berbera. Micheal Keating ayaa la kulmay Mas’uuliyiin uu ka mid yahay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha siyaasada ee Imaaraadka…
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa kula kulmay magaalada Abu Dhabi Caasimadda dalka Imaaraadka Carabta ee Midoobay, Dhaxalsugaha Abu Dhabi ahna Abaanduulaha ciidamada qalabka sida ee dalkaasi Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan. Kulanka oo ka dhacay qasriga badda, ayaa looga wada hadlay xiriirka walaalnimo ee labada dal , qaabkii lagu xoojin lahaa, loona horumarin lahaa danaha labada dal. Intii kulanka uu socday ayaa lagu soo bandhigay iskaashiga labada dal ee dhinacyada kala duwan sida mashaariic horumarineed oo Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ay fulineyso oo u dan ah shacabka Soomaaliyeed, si dib loogu dhiso hey’adaha qaran ee Soomaaliya. Madaxweyne Farmaajo…
Munaasabada Tababarka loogu soo xiray Ciidankan ayaa lagu qabtay xerada ay Ciidamada ku tababaraan dowlada Imaaraatka ee kutaala Agagaarka Kuliyadii hore Jaalle Siyaad, waxaana munaasabada ka qeyb galay Wasiiro, Saraakiil ciidan iyo xubno ka socday Dowlada Imaaraatka,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/ZhUvRm7_fo4
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa maanta kormeer howlleed ku tagey Dekadda weyn ee Magaalada Muqdisho, si uu ugu guur galo hannaanka ay u shaqeyso Dekaddu, isla markaana loo ilaaliyo dhaqaalaha laga aruuriyo dadka isticmaala Dekadda, maadaama ay dekaddu yeelatay maamul cusub. Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulan gaar ah la yeeshay maamulka Dekadda, waxa uuna ka xog-wareystay qaabka ay u shaqayso dekaddu, caqabadaha ka jira iyo qaabka ugu wanaagsan ee loo tayayn karo adeegyada ay dekaddu u hayso shacabka Soomaaliyeed, lagana fogaado wax kasta oo keeni kara musuq maasuq iyo ku takrifal hanti…
Taliyaha cusub ee ciidanka booliiska Soomaaliyeed Janaraal C/xakiin Daahir Saciid (Saacid) ayaa maanta xilka kala wareegay taliyihii hore ee ciidamada booliska Soomaaliyeed sareeyo gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud. Munaasabadda xil wareejinta ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Amniga gudaha ee xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) iyo Saraakiil ka tirsan ciidanka Booliska. Taliyihii hore Janaraal, Xaamud ayaa ka warbixiyay waxyaabihii uu soo qabsoomay, waxaana uu mahad celiyay Ciidamada Booliska iyo Saraakiisha sida wanaagsan ee ay ula soo shaqeeyeen. Taliyaha cusub ee Ciidamada Booliska Janaraal C/xakiin Saacid oo horay xilkan u soo qabtay ayaa balan qaaday in halkeeda ka…
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/ZG02QUggP_8
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/jAGZlLlZqNw
Madaxweynaha Masar, Cabdulfataax al-Sisi, ayaa ku dhawaaqay xaalad degdeg ah oo uu dalkiisa galayo muddo 3 bilood ah, tallaabadaasi oo ka dambeysay weerarradii shalay lagu qaaday laba kaniisadood oo ay leeyihiin Qibdhiyiinta, kuwaasoo ay ku dhinteen dad ka badan 45 qof. Madaxweyne al-Sisi ayaa horay u amray in ciidanka milateriga Masar uu howlgalo ka sameeyo guud ahaan dalka oo dhan. Ururka isku magacaabay dowladda Islaamiga ayaa sheegay in uu fuliyay weerarradaasi ka dhacay kaniisadaha ku yaalla magaalooyinka Tanta iyo Alexandria. Masiixiyiinta laga tirada badan yihiin ee Masar ayaa waxaa horay loola beegsaday weerarro noocan ah. Weerarradan ayaa kusoo beegmay xilli…
Qarax ayaa Goor Dhow ka dhacay Agagaarka Isbitaalka Martiini ee Magaalada Muqdisho,waxaana la sheegay in Qaraxu uu ahaa mid lagu soo Xiray Gaari Nuuca Raaxada ah. Gaariga Qaraxa lagu soo xiray ee ku Qarxay Agagaarka Isbitaalka Martiini ayaa la sheegay inuu ku dhintay Ninkii Qaraxa gaariga loogu xiray ee watay. Illaa hadda ma jirto Cid sheegi karta Shaqsiga la beegsaday halka uu ka tirsan yahay,iyadoo Ciidamada Amniga ay goobta gaareen haddana ay Baaritaan ka wadaan. Xalay ayay ahayd markii Ciidamo kawada tirsan Dwalada Fadaraalku ku dagaalameen agagaarka tarabuunka,dagaalkaas oo ay isku adeegsadeen hubka cul culus ,iyadoo daryanka…
Iska horimaad ayaa goor dhow abaare 10:40am caweysnimo ee caawa ka bilowday inta u dhexeysa fagaaraha Tarabuunka iyo Isbitaalka xoogga oo ku yaalla meelo isku dhow oo ka tirsan degmada Hodan ee magaalada Muqdisho. Rasaas culus oo darandoori ah ayaa halkaas laga maqlayaa taasoo ay isweydaarasanayaan dhinacyada dagaalamaya. Sida aynu wararka ku heleyno iska horimaadkan ayaa u dhexeeya ciidamo ka wada tirsan dowlada federaalka Somalia. Nawaaxiga fagaaraha Tarabuunka ayaa waxaa fariisimo ku leh ciidamo ka tirsan nabad sugida iyo ciidamo kumandos oo dowlada Imaaraatku u tababartay dowlada Soomaaliya, wararkuna waxay sheegayaan in labadan ciidan uu dagaalku u dhexeeyo. Sababaha iska…
FILE- Deported Somali nationals gesture as they arrive at the airport in Somalia’s capital of Mogadishu, April 9, 2014. Sixty-eight Somalis arrived in Magodishu Friday, having been deported by U.S. immigration authorities. Somalia’s U.S. ambassador says his embassy has learned that U.S. immigration agents are planning to deport about 4,000 Somali nationals now living in the United States. “We learned through immigration sources that the total number of the Somalis that are in the books of [U.S. Immigration and Customs Enforcement] to be removed are close to 4,000,” Ahmed Isse Awad told VOA’s Somali service Saturday. “Most of them are…
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa Galabta u dhoofay Wadanka Isku Tagga Imaaraadka Carabta,waxaana Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ku sii sagootiyay Madax ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya. Madaxweynaha iyo waftigsii ayaa hada wararku waxay hseegayaan in ay gaareen Abu Dhabi,iyadoo halkaas ay kusoo dhaweeyeen madax sare oo ka tirsan Dawlada Imaaraadka Carabta. Madaxweynaha ayaa la filayaa in uu kulamo la qaato Madaxda Wadanka Imaaraadka Carabta.. Kulanka Madaxweynaha iyo madaxda dalkaas ayaa la filayaa in ay uga wada xaajoodaan arimo ay ugu waa weyn yihiin:- A.Faragelinta Imaaraadka arimaha somaliya. B.Amniga. C.Arrimaha dekedaha.…
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/BxBtSO7_foI