Author: Jibril Qoobey

43 ruux ayaa ku dhimatay ugu yaraan 70 kalana waa ay ku dhaawacmeen qarax ka dhacay kaniisad ku taalla magaalada Danda caasimada gobolka waqooyi galbeed ee Masar. Ilo amaanka ah ayaa sheegay in baaritaano laga samaynayo dhamaaan guryihii ku hareeraysnaa kiniisada St. George , halka dhaawacana ay daad guraynayaan gawaarida gargaarka ee umbalaasta. Qaraxa ayaa dhacay xilli lagu guda jiray  duquusta subaxnimo ama cibaadada subaxii ay sameeyaan , waayo, dadka Masiixiyiinta ah ee magaaladasi waxay  u dabaal degi lahaayeen  mid ka mid ah fronds ee sidoo kale loo yaqaan Palm Sunday ee Masar. Waxa uu Madaxweynaha Masar Abdel Fattah al-Sisi,…

Read More

Maxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland ahna ku simaha Madaxweynaha Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey ayaa maanta 09 April 2017 ku wareejiyey lacag dhan $100,000 oo dollar hay’adda biyaha, Tamarta iyo Khayraadka Dabiiciga ah ee Dawladda Puntland (PSAWEN), taas oo loogu tala galay in lagaga qayb qaato gurmadka loo fidinaayo dadka abaaruhu saameeyeen ee ku teedsan degaanada Puntland. Munaasibada uu Madaxweyne kuxigeenku ku wareejinayey lacagtan ayaa waxaa ku wehelinayey Masuuliyiin ka tisan Madaxtooyada Puntland iyo Guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Dawladda Puntland. Madaxweyne kuxigeenka Puntland ahna ku simaha Madaxweynaha ayaa shegay in ay lacagtani ahayd $150,000 oo dollar taas oo Puntland…

Read More

Taliyihii Hore ee Hay’adda NISA Jeneraal Cabdullaahi Gaafoow Maxamuud ayaa Beeniyay warqad been abuur ah oo la soo dhigay baraha bulshada, taas oo lagu sheegayo in loo magacaabay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya.  Jeneraal Gaafoow ayaa sheegay in uu garanayo kooxaha ka dambeeya been abuuka intaa la eg, wuxuuna kula taliyay kooxahaasi iney ka waantoobaan falalka noocaan oo kale ah. Gaafoow ayaa nasiibdarro ku tilmaamay in la maduufikeeyo saxiixa R/wasaaraha Soomaaliya, wuxuuna dalbaday in tallaabo laga qaado kooxaha arrintaan ka dambeeyay. “Waan garanayaa been abuurkaas dadka ka dambeeyay,  waana fool xumo in la farsameeyay Saxiixa Ra’isul Wasaaraha” ayuu yiri Jeneraal…

Read More

War murtiyeedka Shirweynihii 2aad ee Deegaanka Puntland (Conference Communique) Garowe                                                                                   9th April, 2017 Shirweyanahii 2aad ee Deegaanka Puntland ayaa wuxuu ka dhacay Jaamacadda Puntland State University (PSU) ee magaalada Garoowe intii u dhaxaysay 8-9, April 2017. Shirkaas ayaa waxaa soo qabanqaabisey Wasaaradda Deegaanka oo gacan ka helaysa mashruuca “Deegaankaagu waa Noloshaada” oo ay fuliyaan hay’adaha CARE iyo ADESO uuna maalgeliyo…

Read More

Dowladda Talyaaniga ayaa Maanta Bilad ku Gudoon siiday Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof: Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, kadib Xaflad lagu qabtay Dugsiga Booliska General Kaahiye ee magaalada Muqdisho. Xaflada Waxaa goob joog ka ahaa Safiirka Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya, Safiirka Dowladda Turkiga ee Soomaaliya, labada Guddoomiye ku Xigeen ee Golaha Shacabka, Xildhibaanada labada Golle, Wasiiro iyo Marti Sharaf kale. Billad Sharafeedka maanta la siiyay Guddoomiya Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sh.Cismaan Jawaari, lasiiyay Maanta ayaa ah darajada ” Commendator, Waxaana billadaasi ay ka timid Dowladda Talyaaniga,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/8LFtxdhIZq4

Read More

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka maraykanka Axmed Ciise Cawad  ayaa sheegay in dowladda maraykanka  ay waddo qorshe dalkeeda ay uga musaafurineyso Soomaali gaaraysa 4’000″  afar kun oo ruux oo soomaali ah.  Safiirka ayaa sheegay  in Dowladda Maraykanka ay waddo qorshayaal dalkeeda ay uga soo celineyso dadka Soomaaliyeed ee mudda ku noolaa dalkaas. “Waxaa jira dad hadda ku sugan goobaha laga diiwaan geliyo dadka la musaafurinayo oo gaaraya 300 oo soomaali ah kuwaas oo sugaya in dalkooda dib loogu soo celiyo waxaa kaloo jira howlgalkii ugu dambeeyay ee hay’adaha  Socdaalka in lagu soo qabtay dad gaarayay 80 ruux oo uu ku…

Read More

Iyadoo uu isa soo tarayo walaaca laga qabo barnaamijka gantaalaha Kuuriyada Woqooyi, ayaa taliska ciidamadda Maraykanku amar ku siiyey raxan maraakiibta nooca weerarka ah in ay u ruqaansadaan jasiirad-lamoodka Kuuriya. Raxanta oo la yidhaa Carl Vinson ayaa ka kooban maraakiibta dagaalka iyo kuwa dayuuradaha xambaara. Taliska ciidamada Maraykanka ee gobolka Pacifi-ga ayaa hawl gelinta ciidankan haatan ku sii jeeda dhinaca galbeed ee badweynta Pacifi-ga, ku tilmaamay talaabo laga maarmaan ah oo suurto galinaysa in uu heegan ahaado ciidankooda gobolka ku sugani. Madaxweyne Trump ayaa hore u sheegay in Maraykanku diyaar u yahay in uu keligii u babac dhigo khatarta nukliyeerka…

Read More

Qarax xooggan ayaa goor dhow ka dhacay meel ku dhow Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, iyadoo gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay lagu weeraray kolonyo ciidan oo ay la socdeen Saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda. Dad goobjoog ahaa ayaa sheegay in ay halkaa ku dhinteen ugu yaraan lix qof todoba kalena ku dhaawacmeen. Taliyaha cusub ee Ciidamada xoogga dalka Jen. Maxamed Axmed Jimcaale Cirfiid ayaa ka bad baaday isku dayga dil, kaddib markii weerar ismiidaamin ah lagu qaaday kolonyo uu la socday. Sida ay sheegayaan wararka gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo uu kaxeynayay qof naftii hure ah ayaa ku dhiftay…

Read More

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa wareegto ku soo saaray xilliga shaqaalaha dowladda ay shaqada soo gelayaan kana baxayaan. Wareegto ka soo baxay xafiiska Wasiirka koowaad ayaa lagu faray in dhammaan shaqaalaha dowladda ay isbuucii shaqeeyaan 48 saacadood, iyadoo maalin waliba ay shaqada soo gelayaan 8:00 subaxnimo ayna ka baxayaan 04:30 Galabnimo. Maalinta Khamiista ayaa shaqaalah loo sheegay inay shaqada ka baxayaan 01:30 Duhurnimo, sida uu qabo xeerka shaqaalaha Lr. 11.

Read More

Wefti ay hoggaaminayso Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Maryan Qaasim Axmed oo ay kamid yihiin wafdi ka socday Dowladda Qatar oo uu hogaaminayey Sheekh Xamed Bin Fahad Al Thani oo ka mid ah qoyska boqortooyadda dalkaas iyo mas’uuliyiin kale ayaa gaaray magaalada Beydhaba ee Gobolka Baay.   Wafdiga ay hoggaamineyso wasiirka gargaarka iyo maaraynta Musiibooyinka ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Madaxwenaha Dowlad Gobolleedka Koon fur Galbeed Soomaaliya iyagoo kawada hadlay ka shaqaynta sidii gargaar loo gaarsiin lahaa dadka ay abaaruhu sameeyeen ee ku nool deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya.   Sidoo kale waxa ay wefdiga gaareen xiryaha dadka Barakacayaasha ah…

Read More

HE Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow), Wasiirka Warfaafinta Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta shaqadii ka fariisiyey Agaasimaha Guud & Agaasimaha Maamulka ee Wasaarada Warfaafinta arrimo la xiriira eedeymo maamul xumo iyo musuqmaasuq.  Eng. Yarisow oo la wareegey xilka Wasiirka Warfaafinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya taariikhdu markii ay aheyd 02 April 2017, ayaa bilaabay inuu dib u eegis iyo u kuurgelid ku sameeyo dokumentigii xil-wareejinta isla markaasna uu xog-wareysiyo la sameeyey shaqaalaha Wasaarada, waxaana u soo baxday inay jiraan cabashooyin fara badan iyo eedeymo cul-culus oo tilmaamaya inuu jiro maamul xumo iyo musuqmaasuq baahsan oo ay mas’uul ka yihiin Agaasimayaasha shaqada…

Read More

Waxaan ku bilaabayaa magaca Allah ee naxariis oo dhan iska leh Aadamaha garaadka isticmaalaa waxaa dhaqan u ah galgalasho habeen iyo dhafoora hayn maalmeed markay nafta ku daashaaan inay go’aan sadaan inay meel bar tilmaamaystaan, markay quluubtooda ka daadegto ayeey u hawl galaan sidii ay ku gaari lahaayeen meeshaas u calaamadaysan… Falka noocaas ah ayaa la yiraahdaa Himilo markii dhanka aadanaha loo eego… Markaan muuqaalka ficilka Gaas nooga muuqda miiska saarno oo baaris iyo shaqshiqid ugu dhaqaaqno, waxaa ka nuuraya in bar tilmaansigiisu yahay waari mayside war hakaa haro… Dhulka Puntland waxaa ku badnaa degaanno aan biyaha haqab beel badan…

Read More

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ku sii jeeda dalka isu tagga Imaaraadka Carabta, halkaasoo maalinta berri uu booqasho ku tagi doono.     Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yusuf Garaad Cumar iyo nin la taliye u ah Madaxweynaha oo lagu magacaabo Balal Cusmaan ayaa la sheegay inay ka sii hormareen Wafdiga Madaxweynaha, si ay horu-dhac ugu noqdaan safarkiisa maalinta berri.     Booqashadan ayaa noqon doonta tii u horeysay ee Madaxweyne Farmaajo ku tago Imaaraadka, tan iyo markii la doorto, sidoo kale waa booqashadii afaraad ee uu dalka uga ambabaxo muddo lixdan cisho ah oo uu xilka haayo.   Dawlada…

Read More

Munaasabadaan uu xilka kula wareegayey Taliyaha Cusub ee Ha’yadda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa waxaa ka qeyb galey Ra’isul wasaare ku xigeenka dalka, avv Mahdi Maxamed Guuleed, Wasiirka Amniga gudaha, Maxamed Abuukar Islow (Ducaale)  iyo ku Xigeenkiisa, Taliyayaasha Hogaanadda Ha’yadda iyo Saraakiil kale.  Taliyihi hore ee hey’adda Sirdoonka Soomaalia Janaraal Cabdullahi Gaafow Maxamuud, ayaa ugu horeyn taliyaha cusub ku wareejiyey Documentiyo muujinaya xogaha iyo warbixino la xiriira shaqada hay’adda NISA, isagoo sheegay in xiligan ciidanka nabad sugiddu ay hayaan howl adag oo ahmiyad gaar ah u leh bulshada Soomaaliyeed. Taliyaha Cusub ee ha’yadda Nabadsugida…

Read More

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Faderaalka ah ee Soomaaliya  Abuukaate Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta xilkii kala wareegay Ra’iisul Wasaare ku xigeenkii hore Maxamed Cumar Carteh Qaalib, kadib munaasabad ka dhacday xarunta Madaxtooyada. Carte ayaa u mahadceliyey dhammaan madaxdii dawladdii hore iyo Shaqaalaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, wuxuna sidoo kale tilmaamay in mudadii labada sano ahayd ee shaqada uu Qaranka u hayay qabsoomeen howlo aad u badan isla markaana loo baahan yahay in horey loo sii ambaqaado. Ra’iisul Wasaare ku xigeenkii hore ayaa Intaa Kadib ku wareejiyey Ra’iisul wasaare ku xigeenka cusub Xilka, isagoo u rajeeyey inuu ku…

Read More

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo ay wehliso Wasiirka  Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Maryan Qaasim Axmed ayaa kulan muhiim ah la yeeshay  wafdi ka socday Dowladda Qatar oo uu hogaaminayey Sheekh Xamed Bin Fahad  Al Thani oo ka mid ah qoyska boqortooyadda dalkaasi,  Safiirka Qatar ee Soomaaliya iyo Mas’uuliyiin ka tirsan  hay’adda gargaarka ee Qatar charity. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka dalbaday in ay laba labaan howlaha gurmadka abaaraha  isla markaana ay dowladdu dhiiri gelinayso cid kasta oo ka qayb qaadanaysa gurmadka abaaraha. Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre…

Read More

Dowladda Federalka Soomaaliya iyo Maamulka Galmudug ayaa maanta isla gartay in dib loo dhigo doorashada Madaxweynaha Maamulkaasi oo lagu waday inay dhacdo 10-ka Bishan aan ku guda jirno oo ay inaga xigaan 2 cisho oo kaliya. Waxaa la isla meel dhigay in doorashada ay qabsoonto marka ay taariiqda tahay 30-ka Bisha April oo hadda ay inaga xigto 22 cisho,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/1paKPG9S5Xg

Read More

Xuseen Macalin oo ah La Taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa fasiraad ka bixiyey iclaamintii dagaalka ee 6dii April 2016.  Xuseen oo mar su’aal laga weydiiyey arrinta Xaalad Dagaal ayaa sheegay in aysan haba yaraatee micnahu aheyd Xaalad Deg-deg ah, hase yeeshee uu ku micneeyey inay tahay xaalad lagu xoojinayo ama lagu dar-dargelinayo dagaalka lagula jiro kooxaha argagaxisada ah ee Al-Shabaab. Xuseen ayaa sheegay in tallaabadan ay ku timid kaddib markii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo uu horey u ballan qaaday inuu mudnaan gaar ah siin doono arrimaha amniga, isla markaana ay suurtogashay in dib u habeyn…

Read More

Xafiiska La dagaalanka Musuqmaasuqa Puntland ayaa u yeeray Masuuliyiinta Hay’adda Qandaraas bixinta u qaabilsan dowladda Puntland, waxaana wax laga waydiinaya Musuqmaasuq iyo Maamul xumo. Raga Loo yeeray waxaa ka mid ahaa Ibraahim Axmed Cumar oo ah gudoomiyaha , Axmed Khaliif Gudoomiye ku xigeenka , Isxaaq Shiikh Cabdisalaan Agaasimaha waaxda maamulka iyo maaliyada iyo Cabdiqani Faarax Dhaashane xoghayaha Guddiga qandaraasyada oo ku maqan magaaladda Dubai. Sida ku Xusan Warqad ka Baxday Xafiiska Hay’adda La Dagaalanka Musuqmaasuqa Puntland, waxaa masuuliyiinta wax laga waydiin doonaa Musuqmaasuq iyo Maamulo xumo. Cilmo-baaris la xiriirta Musuqmaasuqa oo ay soo saartay Jaamacada PSU sanadkii hore ayaa lagu…

Read More

Maamulka dalka Sweden ayaa xiray nin ay aaminsan yihiin inuu ka dambeeyay weerarkii gaariga loo adeegsaday ee shalay ka dhacay Stockholm. Dacwad oogayaasha waxay sheegayaan in ninkaasi looga shakiyay in uu argagixiso xiriir la leeyahay. Warbaahinta dalka Sweden waxay sheegayaan in ninka oo 39-sano jir ah uu ka soo jeedo Uzbekistan. Afar qof ayaa dhimatay 15 kalena way dhaawacmeen ka dib markii gaari xamuul oo la soo xaday la jiirsiiyay dad wado marayay. Ka dib ninkii waday gaariga wuxuu ku dhuftay dhismo ku yaalla bartamaha magaalada Stockholm. Gaariga xamuulka ah ee weerarka loo adeegsaday ayaa laga saaray dhismihii lagu dhuftay,hoos…

Read More

Puntland ayaa ururkan waxuu ku leeyahay xaafiis qarsoon iyo xubno abaabulan oo isku xiran. Takfiir Al Saadicuun Bil-Xaq Xubnaha Ururkan Ku jira intooda badan waa Ragii loo yaqaanay Al-takfiir wal-hijrah iyo Takfiir Jawi — Oo Macnaheeda yahay Gaaleysiin iyo Hijrah ama Takfiirka is qariya. Afkaarta ay ku soo bandhigeen bayaanaatkooda waxay u egyihiin isla afkaartii lagu tuhunsanaa ragaan hadda ku dhawaaqay Ururka, laakiin marar badan ay inkiri jireen in afkaartaan ey qabaan ama ka amuusi jireen — marka lagu tuhmo aragtiyadahaas oo qayb ahaan ah gaalaysiinta mujtamaca muslimka ah.   Hadaba waa muhiim in laga hortago oo si dhab ah…

Read More

Todobaadkan Waxay koox Macalimiin Jaamacadeed U badan iyo Maamulayaal xarumo waxbarasho oo aad looga yaqaan dalka Soomaaliya Gaar ahaan Magaalada Muqdisho ku dhawaaqeen Urur la magac baxay (الصادعون بالحق) Ururka Xaq Cadeeyayaasha. Xubnaha Ururkan Ku jira intooda badan waa Ragii loo yaqaanay Al-takfiir wal-hijrah iyo Takfiir Jawi — Oo Macnaheeda yahay Gaaleysiin iyo Hijrah ama Takfiirka is qariya. Afkaarta ay ku soo bandhigeen bayaanaatkooda waxay u egyihiin isla afkaartii lagu tuhunsanaa ragaan hadda ku dhawaaqay Ururka, laakiin marar badan ay inkiri jireen in afkaartaan ey qabaan ama ka amuusi jireen — marka lagu tuhmo aragtiyadahaas oo qayb ahaan ah gaalaysiinta…

Read More

Maraykanka ayaa sheegay inuu qaadi karo talaabooyin militeri oo dheeraad ah oo ka dhan ah Suuriya, ka dib gantaalihii lagu riday saldhig ciidanka cirka ee Suuriya uu leeyahay, kaasoo Washington ay rumaysan tahay in laga qaaday weerar hub kiimiko ah loo adeegsaday,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/3B84vmRqqFs Ayadoo ka hadlaysay fadhi degdeg ah oo uu yeeshay golaha amaanka ee Qaramada Midoobay, ayey safiiradda Maraykanka u fadhida Qaramada Midoobay, Nikki Haley, waxay sheegtay in Washington ay qaadday talaabooyin qiyaasan, laakinse ay diyaar u tahay kuwo kale oo dheeraad ah, inkastoo ay rajaysay inaysan…

Read More

Gaari xamuul ah ayaa la jiirsiiyay dukaan ku yaalla bartamaha Stockholm, waxaana halkaa ku dhintay seddax qof, sida uu sheegay booliska Sweden. Dhowr qof oo kale ayaa ku dhaawacantay dhacdadan oo ka dhacday waddo mashquul badan oo ku taaalla aaga Drottninggatan. Ra’iisalwasaaraha Sweden, Stefan Lofven waxa uu sheegay inay suuragal tahay inuu yahay weerar ay ‘argagixiso’ ka dambeysay. Waxa uu intaasi ku daray in hal qof la xiray. Ra’isalwasaaruhu Faahfaahin kale ma bixinin. Shirkadda leh gaariga xamuulka ah ee dadka la jiirsiiyay ayaa sheegtay in gaarigaasi la afduubay saaka,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/ywSvdLPxzbc

Read More

Wasiirka arrimaha gudaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Siciid (Juxa) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta gaaray Magaalada Cadaado. Juxa oo ay socdaalkiisa ku weheliyaan masuuliyiin ka tirsan Dowladda fadaraalka, ayaa waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay madaxda maamulka aan sharciyada buuxin ee Cadaado. Ujeeddada Safarka Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa la sheegayaa inuu salka ku hayo arrimo la xiriiro doorashooyinka madaxtinimo ee maamulkaas oo dhawaan la filayo iney halkaasi ka dhacdo,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/2Dt67YCW1TU

Read More

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa xalay oo ay taariikhdu tahay 6 April 2017 ka qayb galay xaflad casho sharaf ah shirkada DPWORLD ee wadanka Isutaga Imaaraadka Carabta u samysay isaga iyo weftigii balaadhnaa ee uu hogaaminayey, xafladaas oo ahayd xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay. Munaasidan oo lagu maamuusayey heshiiskii shirkada DPWORLD iyo Dawladda Puntland kala saxeexdeen gelinkii hore ee shalay ayaa waxaa iyaguna si balaadhan uga soo qayb galay madaxda iyo hawlwadeenada shirkadaasi P&O (DPWORLD). Sidoo kale waxaa xaflaada casho sharafta kasoo qayb galay oo lagu casumay jaaliyada ee Soomaalida ee wadanka isutaga Imaaraadka Carabta, Jaaliyaadaas oo ay…

Read More

Usbuucaan Waxay koox Macalimiin Jaamacadeed U badan iyo Maamulayaal xarumo waxbarasho oo aad looga yaqaan dalka Soomaaliya Gaar ahaan Magaalada Muqdisho ku dhawaaqeen Urur la magac baxay (الصادعون بالحق) Ururka Xaq Cadeeyayaasha. Maqaalkaan gaaban waxaan ku eegi doonaa oo ku falanqeynayaa taariikhda ururkaan cusub. Suaalaha aan jilaafeyn doonaa waxaa kamid ah; waa ayo Alsaadicuun bil xaq? xageey asal ahaan kasoo jeedaan? goormey abuurmeen? yaa aasaasy? yeey fikirka isaga mid yihiin? iyo gunaanad. Bayaanaad ay soo saareen ayay ku sheegeen manhajkooda iyo sida ay u abaaraayaan mujtamaca Soomaalida, Waxaa kaloo Garab socday Bayaanaadkooda Bayaanaad Koox Caalami ah oo Ka Socotay dowladaha…

Read More

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Magacaabay Taliye Kuxigeenka Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya waxaana uu ka dhigay C/fitaax Ibraahin Cumar Shaaweey oo u dhashay Beesha Murusade.   Sidoo kale waxaa Xilalkii laga qaaday Maareeyaasha Garoonka iyo Dekedda,waxaana Maareeyaha Garoonka loo Magacaabay Mas’uul la yiraado Yuusuf Jaale, oo U dhashay Beesha Maxamed Muuse Galmaax Abgaal. Halka Maareeyaha Dekedda loo Magacaabay Mas’uul la yiraado Axmed Washington oo U dhashay Beesha Mataan Cabdulle oo ka mid ah beelweynta Abgaal.  

Read More

Shirka khamiislaha   ee gollaha wasiiradda dowladda Puntland oo uu shir guddoominayay madaxweyne K/xigeenka Puntland C/xakiim Xaaji Cumar Camey ayaa lagaga hadlay arrimo  ay ka mid yihiin khatarta ka imaan karta urur diimeed cusub oo dhowaan ku soo kordhay Soomaliya, arrimaha amniga, abaaraha iyo xeerar la ansixiyay War-murtiyeed laga soo saaray gabagabadii shirka ayaa lagaga digay khatar ay sheegeen inay ku soo korodhay Soomaaliya, iyagoo ugu baaqay dowladda federaalka, maamul goboleedyada kale ee dalka iyo culuma’udiinka Soomaaliya in si wadajir loo wajaho khatarta amniga iyo caqiido.  “Ururka takfiiriga ah oo maalmahan ummadda soomaaliyeed kala hadlyay warbaahinta, iyagoo sheegay baaqyo kala dambeeyey…

Read More

Maraykanka ayaa sheegay in uu weerar loo adeegsaday gantaalaha ‘Cruise’ loo yaqaanno ku qaaday bartilmaameedyo ay leedahay xukuumadda Suuriya. Saraakiil Maraykan ah ayaa sheegay in tiro ka badan 50 gantaal oo an nooca ‘Tomahawk’ laga soo riday markab ciidanka badda ee Maraykanku leeyahay oo fadhiya badda Mediterranean. Bartilmaameedyada la garaacay waxaa ka mid ah garoon ay ciidamada cirka ee Suuriya ku leeyihiin magaalada Homs, halkaasoo Maraykanku uu sheegay in dayaaradaha dagaalka ee Suuriya ay ka qaadeen weerarradii hubka kiimikada ee lagu laayey dad joogay magaalo ay fallaagadu haysato. Goor sii horreysay ayaa Ruushka oo ah saaxib la ah Suuriya wuxuu…

Read More

Dubai government-owned P&O Ports said yesterday that it has signed a deal to develop the port at Bosaso, which is located in the Gulf of Aden on Somalia’s northern border in the semi-auto­nomous state of Puntland. The deal follows months of shuttle diplomacy by Puntland president Abdiweli Mohamed Ali, who has been lobbying potential international partners to agree several infrastructure projects in the state, including the port.  P&O said that it would develop the port in two phases and has a 30-year management concession, with a total investment estimated to be US$336 million. Mr Ali flew to Dubai to finalise…

Read More

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa digreeto ka soo baxday xafiiskiisa lagu magacaabay taliyeyaal iyo Guddoomiyaha gobolka Benaadir. Taliyaha Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa loo magacaabay Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo horay isaga xilkan u soo qabtay. Taliyaha Ciidanka xoogga dalka waxaa loo magacaabay Jeneraal Axmed Maxamed Jimcaale Cirfiid, halka Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka loo magacaabay Jen, C/llaahi Cali Caanood. Taliyaha ciidanka Booliska waxaa loo magacaabay Jeneraal Cabdixakiin Daahir Saciid Saacid oo isagu horey u soo qabtay xilkan. Sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa loo magacaabay Taabid Cabdi oo ahaa Safiir kuxigeenka Soomaaliya ee Mareykanka, horayna u soo noqday…

Read More

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa digreeto ka soo baxday xafiiskiisa lagu magacaabay taliyeyaal iyo Guddoomiyaha gobolka Benaadir. Taliyaha Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa loo magacaabay Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo horay isaga xilkan u soo qabtay. Taliyaha Ciidanka xoogga dalka waxaa loo magacaabay Jeneraal Axmed Maxamed Jimcaale Cirfiid, halka Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka loo magacaabay Jen, C/llaahi Cali Caanood. Taliyaha ciidanka Booliska waxaa loo magacaabay Jeneraal Cabdixakiin Daahir Saciid Saacid oo isagu horey u soo qabtay xilkan Sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa loo magacaabay Taabid Cabdi oo ahaa Safiir kuxigeenka Soomaaliya…

Read More

Madaxweynaha Jamhuriyadda Fadaraalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa iclamaiyay dagaal ka dhan ah kooxaha nabad diidka ah, si looga cirib tiro guud ahaan dalka.  Madaxweynaha oo Warbaahinta kula hadlayay xarunta Madaxtooyada Qaranka ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay la shaqeeyaan ciidamada amniga si looga dulqaado dhibta ay argagixisadu ku heyso shacabkeena. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa cafis u fidiyay wiilasha lagu qalday fikrika khaldan ee Al-qaacida. Madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqay in dowladdu ay xoogga saareyso la dagaallanka nabad diidka, musuqmaasuqa iyo faqriga,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka…

Read More

Muqdisho, Apriil 6.2017——Kulan aan caadi aheyn oo ay isugu yimaadeen Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ee uu shir guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Kheyre ayay ku ansixiyeen isbadal lagu sameeyey hogaanada Talisyada Ciidamada Xooga, Boliiska, Asluubta, Nabadsugida, iyo maamulka gobolka Banaadir.  Ugu horeyn kulanka Golaha Wasiirada ayaa warbixin looga dhegeystay wasiirka amniga gudaha Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale oo ka warbixiyay xaaladda amniga, isaga oo golaha u soo bandhigay qorsheyaal lagu sugayo amniga. Sidoo kale, kulanka ayaa warbixin looga dhegeystay Ra’iisal Wasaare kuxigeenka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo madax u ahaa guddiga xil wareejinta Wasaaraddaha,…

Read More

Dawladda Puntland ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay  6 April 2017 la saxiitay heshiis taariikhiya shirkada DPWORLD ee wadanka Isutaga Imaaraadka Carabta, heshiiskaas oo ku saabsan balaarinta dekada magaalada Boosaaso oo laga dhigi doono dekad casri ah oo la jaanqaada dekadaha waaweyn ee adduunka. Weftigii balaadhnaa ee Madaxweynaha Dawladda Puntland ku weheliyey safarkiisa shaqo ee goobjooga ka ahaa heshiiska maanta ayaa waxaa ka mid ahaa Gudoomiya Baarlamaanka Puntland Mudane. Axmed Cali Xaashi, wasiirka Dekedaha Iyo Ladagaalnka Budhcad Badeeda Siciid Maxamed Raage, Wasiirka Maaliyada Puntland Cabdillaahi Sheekh, Wasiirka Arimaha Gudaha Iyo Dawladdaha Hoose Axmed Cilmi Karaash, Wasiiru Dawlaha Xidhiidhka Gobolada Bashiir,…

Read More

Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya ayaa waxa ay kala wareegeen Maleeshiyaadka kooxda Alshabaab ilaa Afar Tuulo oo hoos tagto Degmada Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose.  Korneyl Daahir Maxamed Faarax (Kumaandoos) oo u waramayey Radio Muqdisho ayaa sheegay in tuulooyinka ay gacanta ku dhigeen ay ka mid yihiin Kibile , waagaale iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose. Taliyaha ayaa xusay in ay weli ku daba jiraan Maleeshiyaadkii ay ka ceyriyeen deegaanadaasi asaga oo  xusay in ay jiraan dagaalo yar yar oo kaga imaanayo dhanka Maleeshiyaadka Alshabaab balse waxa uu sheegay in dhamaan xoog ku jiiri Doonaan. Ciidamadda Xooga Dalka…

Read More

Wasiirka Amniga Fadaraalka Maxamed Abuukar Islow Ducaale oo xilka la wareegay maalmo ka hor,ayaa la yimid dar dar cusub iyo hawlaglo lagu xaqiijinayo amniga caasimada. Wasiir Ilsow ayaa Kormeerkiisa howleed waxuu ka bilaabey 1-dii saqda dhexe ee xaley waxuu ku booqday Saldhigyadda Ciidamadda Booliska ay ku leeyihiin Degmooyinka kala Ah Yaaqshiid.Hodan.Hoolwadaag.Dherkinley.Wadajir.iyo Saldhin ku yaala Bartamaha Suuqa Bakaaraha. Wasiirka ayaa u kuurgalayayay Ciidamada, Nabad-galyadda iyo Ganacsiga Magaalada.hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/XXtflZoaJYY

Read More

Dowladaha Britain, France iyo Mareykanka ayaa si xoog leh u cambaareeyey Dowlada Ruushka inti lagu guda jiray kulan deg deg ah oo uu Golaga Amaanka eeQM gelinki danbe ee shalay ka yeeshay arrinta hubka kiimikada ee loo adeegsaday dadka rayidka ah ee Suuriya. Dowladahan ayaa ku eedeeyey Ruushka taageerada uu siinayo madaxweynaha Suuriya iyo Dowladadiisa oo hada lagu eedeynayo in ay ka danbeeyaan adeegsiga hubka kiimakada ah ee Talaadadi lagu laayey dad rayid ah. Weerarka oo ka dhacay degmada ay ku badanyihiin mucaaradka ee Khan Sheikhoun, ee ku taalla gobolka Idlib ayaa waxaa lagu dilay tobaneeyo ruux oo u badnaa…

Read More

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa cambaareeyay dadka shacabka ah ee lagu laayay waqooyiga Suuriya kuwaas oo ay u muuqato in lagu weeraray hub kiimiko ah oo ay gaysteen diyaaradaha dagaalka ee Suuriya. Arrintaasi waxay “waxyeelo ku tahay ban-adamnimada” ayuu yiri Trump, wuxuuna intaas ku daray in “marka aad disho carruur aan waxba galabsanin, dhallaan aan dhib gaysanin iyo ilmo yaryar in markaas laga talaabay xariijimo badan. Trump ma uusan soo hadal qaadin Ruushka oo ah rafiiqa Suuriya kaas oo sheegay in laga yaabo in ay dhibaaatadan ka dhalatay kiimikooyin ku jiray gacmaha jabhadaha. Laakiin danjiraha Maraykanka u qaabilsan Qaramada…

Read More

Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Yuusuf Garaad Cumar ayaa maanta si rasmi ah ugala wareegay xilka Wasaaradaasi Wasiirkii hore Dr. Cabdusalam Hadliye Cumer kadib munaasabad ka dhacday xarunta Wasaaradda ee caasimadda Muqdisho.  Xafladda xil wareejinta oo ay goob joog ka ahaayeen Ra’iisul wasaare kuxigeeenka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Eng. Mahdi Axmed Guled, Wasiiru dowlaha cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Cabdulkaqir Axmed-Kheir Cabdi, Wasiir kuxigeenka cusub ee ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mukhtar Mahad Daa’uud, Hantidhowrka Qaranka Nuur Faarax Jimcaale, Garyaqaanka guud ee dowladda Cusmaan Cilmi Guuleed, Xeer ilaaliyaha Qaranka Dr. Axmed Cali…

Read More

Maxaa kala socotaa dalabkii Cali Khaliif hor dhigay Somaliland”     Wararka lagu kasloonaan karo ee laga helayo wada xaajoodkii ku dhexmaray Jabuti Somaliland iyo kooxda Khaatumo ee Cali khaliif hogaamiyo,   Warkan laga helayo ilo muhiim ah ayaa sheegaya in Cali Khalif Somaliland uu hor dhigay dalab xoog leh oo ka kooban dhawr qodob,kuwaasoo kala ah:-     1.In la siiyo Lacag 2 million oo Dolar ah.   2. In uu dhiso ciidan gaaraya 1000-askari.   3. In uu PL ka xoreeyo deegaamada Dhulbahante iyo Warsengeli.   4. In uu ciidan dhigo duleedka Garowe oo soo xiro xuduudii ingiriiska.…

Read More

DALKII LA WAAYAY (qaybtii 1aad) (Yoguslavia 1171 – 2006) Taariikh taxane ah. (Qabaa’ilka iSlaviska, Dagaalkii koowaad ee Aduunka) Magaca Yoguslavia (Jugoslavija) sidaan ayuu ku noqonayaa afafka dalalka la isku oran jiray Yoguslavia; Luuqadda Serbo-Croatian: Jugoslavija/Југославија, Luuqadda Slovene: Jugoslavija, Luuqadda Macedonian: Југославија. Macnaha guud ee erayga (Yug-o-Slavia) [Jug/југ = south]  “land of the south Slavs” .. Magacaasi Waxaa uu u noqonayaa Qabaa’ilka iSlaviyiinta (Slavic, Slavis) oo deganaa bariga dhulka balkan-ka ee bariga qaarada Yurub qarniyadii 6 aad iyo 7 aad ee miilaadiga, waxay midoobeen markii ugu horeeysay 1171. Laakiin waxaa midnimadaas burburiyay Cusmaaniyiintii kadib markii ay kaga adkaadeen Serbianka Dagaalkii Masefield…

Read More

Midowga Yurub ayaa sheegay inay soo ururiyeen lacag dhan 80 milyan oo Euro oo loogu talo-galay gargaarka bani’aadanimo ee abaaraha ka jira dalka Soomaaliya. Warsaxaafadeed kasoo baxay Golaha Midowga Yurub ayaa lagu sheegay in lacagtan ay qeyb ka tahay 140 milyan oo Euro oo loogu talo-galay guud ahaan abaaraha Geeska Afrika. Waxaa sidoo kale qoraalka lagu sheegay in dhowr dal oo xubno ka ah ururkaas ay si gooni ah caawimaad uga geysteen gurmadka abaaraha ka jira dalka Soomaaliya. Golaha Midowga Yurub ayaa sheegay in 6.2 milyan oo Soomaali ah oo u baahan gargaar cunno, ay 2.9 milyan oo ka mid…

Read More

Wararka ka imanaya gobolka Hiraan ayaa sheegaya in koox hubeysan ay maanta ka afduubtay meel qiyaastii 10 KM u jirta magaalada Baledweyne shaqaale ka tirsan ururka dhaqaatiirta Xanaanada Xoolaha Goballada Dhexe iyo nin darawal u ahaa. Xubin ka mid ah Ururka dhaqaatiirta Xanaanada Xoolaha ee Gobalada Dhexe ayaa VOA sheegay in ragga la afduubtay oo tiradoodu ay gaareyso ilaa shan qof ay isugu jiraan dhakhtar dhinaca xoolaha ah, kalkaaliye caafimaad, laba arday iyo darawal. Wali lama sheegin kooxda qafaalatay dadkan laakiin degaanka uu afduubka ka dhacay ayaa waxaa uu ka mid yahay deegaanada ay kooxda Al-Shabab ka taliso. Shaqaalaha ayaa…

Read More

Ugu yaraan 6 qof oo rayid ah ayaa ku dhimatay qarax gaari oo barqonimadii maanta lala beegsaday maqaayad ku taalla degmada Boondheere ee Magaalada Muqdisho.  Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng.Yarisow) ayaa sheegay in ilaa hadda la hubo in qaraxan ay ku dhinteen 6 qof. “Dhimashada aan xaqiijinnay waa 6 qof, dhaawacuna waa ilaa 10 qof, sidoo kale waaa jira burbur xooggan oo soo gaaray maqaayadda la weeraray, guri ku dhegganaa iyo gaadiid goobta ka dhowaa” ayuu yiri wasiir Yariisow. Wasiirka ayaa uga mahad celiyay ciidammada ammaanka gurmadkii ay u fidiyeen dadkii waxyeelladu ka soo gaartay qaraxan argagixiso,hoos…

Read More

Wasiirka Amniga, gudoomiyaha gobolka,Gudoomiyaha degmada Garowe iyo taliyayaasha laamaha nabadgalyada Puntland ayaa laga soo saaray dhowr qodob oo lagu xaqiijinayo ammaanka caasimadda. Shirkan oo ka dhacay Garowe, ayaa diiradda lagu saaray sidii wax looga qaban lahaa  dal-daloola amniga ee muddooyinkan ka jiray magaalada. Hadaba hawlgalka oosial xalay bilawday hoos ka daawo muuqaalka hawlgalkaas oo faahfaahsan. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/zYvETspVho4

Read More