Author: Jibril Qoobey

Xarunta Wasaaradda Maaliyadda waxaa lagu qabtay kulan looga hadlay soo bandhigidda Odoroska Miisaaniyadda sanadka 2022, kulankan ayaa waxaa shir Gudoominaayay Wasiirka Wasaaradda Dowladda Puntland Mudane, Xasan Shire Cabdi waxaana ka soo qeybgaley Wasiir kuxigeenka Maaliyadda,Wasiiru Dowlaha, Agaasimaha Guud ku xgeenka Agaasimaha Guud ee Dakhliga iyo dhamaan Agaasimayaasha Waaxyaha Wasaaradda Maaliyadda. Wasiirka Maaliyadda Xasan Shire, ayaa ka dhageystay masuuliyiinta xogta Odoroska Dakhli iyo Kharashka la filan karo Sanadka 2022, iyadoo ay qiyaas ka bixiyeen Miisaaniyadii dhabta aheyd ee sanadka 2021 bilihii January illaa August 2021, taasoo laga qaadan doono Odoroska Sanadka 2022. Sidoo kale, Miisaaniyadda 2022 ayaa la filayaa in ay…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta la kulmay qaar ka mid ah danjirayaasha beesha caalamka u fadhiya Soomaaliya. Kulanka oo ay Beesha Caalamka ku matalayeen Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Ergeyga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya iyo Danjirayaasha Midowga Yurub, Sweden, Norway, UK iyo diplomasiyiin kale. Madaxweynaha & xubnaha beesha caalamka ayaa ka wada hadlay dardargelinta doorashooyinka, amniga doorashooyinka, xaqiijinta qoondada haweenka iyo taageerada beesha caalamka ee ku aaddan habsami usocodka doorashada. Kulanka ayaa dhinaca kale looga hadlay Arrimaha horumarinta Galmudug, amniga iyo la dagaalanka argagaxisada sidii beesha caalamku gacan uga geysan laheed…

Read More

Hoggaamiyayaasha India ayaa si walaac leh u eegaya qabsashada Taalibaan ee Afghanistan, ayaga oo ka cabsi qaba inay u faa’iideyn karto Pakistan, islamarkaana hurin karto muqaawamonimada gobolka Kashmir ee lagu muransan yahay. Jeneraal Deependra Singh Hooda, oo ah taliyihii hore ee militariga India ee waqooyiga intii u dhaxeysay 2014-2016, ayaa sheegay in kooxaha mintidiinta ah ee ku sugan xuduudda Pakistan “ay isku dayi doonaan inay dagaal-yahano dheeri ah kusoo riixaan” Kashmir, kadib qabsashadii Taalibaan ee Afghanistan. Hooda ayaa sheegay inaan weli la saadaalin karin haddii qulqulka dagaal-yahanadaas ee Kashmir “ay tiri ahaan noqon karaan kuwa awooda inay abuuraan xasillooni darro,”…

Read More

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Jabuuti Mahamoud Ali Youssouf, oo qoraal ku baahiyay bartiisa twitter-ka ayaa beeniyay wararka sheegaya in xaaladda caafimaad ee madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ay liidato. Wasiir Mahamoud Youssouf ayaa sheegay in madaxweynaha lagu samaynayo baaritaan caafimaad “sababtuna ay tahay nasasho la’aan maadaama uusan dalka ka bixin xagaagii oo dhan.” “Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle wuu fiican yahay. Dhammaan wararka ku saabsan xaaladdiisa caafimaad waa kuwo xaqiiqda ka fog. Madaxweyne Geelle wuxuu shaqadiisa ku soo laabanayaa maalmo gudahood, mana jiro walwal gaar ah oo la qabo” Ayuu yiri wasiirka Warfaafinta Jabuuti. Baraha bulshada ayaa tan iyo shalay…

Read More

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa ka qayb galay Shirka Amniga Gobolka Mudug. Shirkan ayaa waxaa goob joog ahaa Gudoomiyaha Gobolka Mudug Galmudug, Duqa Degmada Gaalkacyo Galmudug iyo qaar kamida Odoyaasha Nabada Gobolka Mudug, kualnkan oo lagu xaliyey dhacdooyin ka dhacay labada dhinac ee Magaalada iyo Deegaanada Bukhraas iyo Saaxo. Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa Dowladda Galmudug iyo Nabadoonada Gobolka Mudug Galmudug ku amaanay la dagaalanka Argagixisada Koonfurta Gobolka Mudug iyo doorka wanaagsan ee ay ka qaataan ilaalinta wada jirka iyo Nabada Gobolka Mudug Idilnews

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble, iyo Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho. Kulanka Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Midowga Musharixiinta ayaa ka wada-hadlay cadaalad u helida kiiska Ikraan Tahliil iyo dardar-gelinta arrimaha Doorashooyinka. Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ahaa musharixiintii ka qeybgashay shirka ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku yiri “Waxaan maanta kulan mira dhal ah la yeelannay Raysalwasaare Rooble. Waxaan ka wada hadalnay sidii uu kiiska Ikraan Tahliil ku heli lahaa caddaalad, looguna simo hay’adaha garsoorka, in dardar la geliyo arrimaha doorashooyinka iyo la qaboojiyo xasaradda.” Idilnews

Read More

Wasiirka Wasaaradda, Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowlada federaalka Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan, ayaa maanta ku qaabilay xafiiskiisa safiirka cusub ee dowlada Shiinaha u soo magacawday Soomaaliya, Mr. Fei Shengchao. Labada dhinac ayaa ka wada-hadlay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo horumarka ee u dhexeeya labada dal ee saaxiibada ah. Idilnews

Read More

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Gudoomiye Abdirashid Yusuf Jibril ayaa si rasmi ah u furay Aqoon-isweydaarsi ku saabsan Habraacyada Dastuurada. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland oo ugu horeyn ka hadlay muhiimada uu leeyahay aqoon isweydaarsigu, ayaa xusay in Golaha Wakiillada Puntland uu yahay Baarlamaanka ugu muddo dheer kuwa Dawladaha Xubnaha ka ah DFS, sidaas daraadeedna Golaha Wakiillada Dawladda Puntland uu door muhiim ah ka qaadan doono Daraasadda isbarbardhiga Dastuurada. Furitaankii Aqoon isweydaarsiga ayaa waxaa hadalo kooban ka jeediyey Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirisaaq Xiddig Warsame iyo Madaxa Xafiiska Barnaamijka Horumarinta ee Qaramada Midoobay ee UNDP…

Read More

Magaalada Vienna ee dalka Austria gaar ahaan Xaafad ay ku badan yihiin Soomaalida ayaa waxaa laga helay Maydka laba gabadhood oo Soomaali ah, kuwaas oo sida la sheegay la dilay. Gabdhaha oo Magacyadooda lagu kala sheegay Shukri Axmed Abtidoon iyo Faaduma Maxamed Xirsi ayaa waxaa la sheegay inay ahaayeen Soomaali, isla markaana dilkooda uu ka dambeeyay Wiil Soomaali ah oo qabay mid kamid ah Gabdhaha. Ciidamada Booliska Austria ayaa tegay Goobta uu dilka ka dhacay, iyaga oo xiray Wiilka Soomaalida ah ee lagu tuhmayo dilka, kaas oo la sheegay in uu u adeegsaday mindi ama tooreey dilkooda. Ehellada Gabdhaha la…

Read More

Hoggaamiyaha maleeshiyadii weerarkii qaraxa ahaa kusoo qaaday Masaajidka Darauf Faaruuq ee magaalada Bloomington ee gobolka Minnesota oo la yiraahdo Emily Haris ayaa lagu xukumay 53 sanadood oo xabsi ah, kaddib markii lagu helay dhammaan dambiyadii lagu soo eedeeyay. Dacwad-oogeyaasha ayaa ku rajo weynaa in Emily Haris, oo magaciisa afgarashada uu ahaa Micheal Haris in lagu xukumo xabsi daa’in, maadama uu hoggaaminayay kooxda weerarka ku soo qaaday masaajidka Daarul Faaruuq. “Waa Illahey Mahadi in maanta la xukumay raggii ku soo duulay oo qarxiyay Masaajidka Daarul-Faaruuq, waa guul u soo hoyatay Muslimiinta Minnesota” ayuu yiri Imaam Maxamed Maxamuud Maxamed Carab oo ah…

Read More

Doorashada xubnaha Aqalka Sare ku metelaya dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa saaka ka bilaabanaysa magaalada Jowhar ee caasimada dowlad goboleedka Hirshabelle. Guddiga doorashadan ayaa shaaciyay in saddex kursi oo kamid ah kuraasta Aqalka Sare ee Hirshabelle ku metelaya saaka ay doorashadoodu ka dhici doonto magaalada Jowhar. Musharaxiinta kuraastan ayaa isugu jira kuwo hore ugu fadhiyay kursiga iyo kuwa cusub oo la tartamaya. Mid kamid ah saddexda kursi ee maanta loo tartmayo ayaa waxaa ay tahay mid dumar kaliya ay ku tartamayaan. Musharaxiinta maanta tartamaya ayaa waxaa kamid ah; 1. Muuse Suudi Yalaxow 2. Cabdullahi Sheekh Xasan 3. Axmed Xasan Cadow Daaci…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa xaalada daran oo xanuun ah wajahaya, iyadoona la dhigay Isbitaal ay leedahay dowladda Faransiiska, sida ay sheegeen mucaaradka Jabuuti. Xanuunka Madaxweyne Geelle ayaa la sheegay inuu u badan yahay dhanka wadnaha, waxaana mucaaradka Jabuuti ay sheegeen inuu ku jiro xaalad miyir dabool ah, ayna ku xiran yihiin Oxygen iyo faleembayaal. Idilnews

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay xubno ka tirsan Guddiga Maamulka Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT). Guddiga FEIT ayaa Ra’iisul Wasaaraha warbixin ka siiyay halka ay marayaan howlaha Doorashada, iyadoo uu Ra’iisul Wasaare Rooble ka jawaabay codsiyo la xiriira sidii loo dardargelin lahaa howlaha doorashooyinka dalka. Idilnews

Read More

Qaali Maxamuud Guhaad, oo ah hooyada dhashay Ikraan Tahliil oo saxaafadda kula hadashay magaalada Muqdisho ayaa sheegtay in aanay ku qanacsaneyn guddigii baaritaanka uu magacaabay Madaxweyne Farmaajo, iyadoo caddeysay inay ku qanacsan tahay dacwada ay Maxkamadda Ciidamada u gudbisay. Hooyo Qaali Maxamuud ay uga digtay Xildhibaan C/shakuur Mire iyo Wasiiru-dowlaha Gaadiidka Cabdiraxmaan Dheere inay faraha kala baxaan Kiiska Ikraan. https://youtu.be/_UkB1c-GJuk Idilnews

Read More

Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Guddi baaritaan daah furan ku sameeya Kiiska Ikraan Tahliil u magacaabay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida iyo saddex xubnood oo ay soo magacaabayaan Taliyeyaasha Ciidamada sida Booliska, Xoogga dalka iyo Nabadsugida. Xubnaha guddiga ayaa kala ah: 1- Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Guddoomiye 2- Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, Guddoomiye-ku-xigeen 3- Xubin uu soo magacaabo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Xubin 4- Xubin uu soo magacaabo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Xubin 5- Xubin uu soo magacaabo Taliyaha Hay’adda Nabad -Sugidda…

Read More

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi, ayaa shir la qaatay Guddiga dib u habeynta Ciidanka Booliska Puntland. Shirkan ayaa waxaa ka soo qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland Mudane Cabdisamad Maxamed Gallan, Taliye kuxigeenka Booliska Puntland Gen: Caydiid Axmed Nuur iyo Taliyayaasha qeybaha Booliska Gobalada Mudug, Karkaar iyo Bari, waxaana intii uu socday diirada lagu saaray arrimaha Dib-u-habeynta Ciidanka iyo diyaarinta Miisaaniyadda sannadka 2022-ka. Mudane Xasan Shire Cabdi, Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa sheegay in in dib u habeynta Ciidamada Booliska Puntland ay mareyso meel gaba-gabo ah, isagoona xusay in ka Wasaarad ahaan ay ka…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ka duulaya waajibaadkiisa korjoogreynta, la xisaabtanka iyo xiriirinta shaqooyinka hay’adaha dowladda ayaa kulan la yeeshay hay’adaha maaliyadda dalka sida Wasaaradda Maaliyadda,Bangiga dhexe iyo Xisaabiyaha guud. Kulanka ayaa looga hadlay daahfurnaanta Nidaamka Maamulka Maaliyadda dalka, joogteynta bixinta mushaaraadka shaqaalaha dowladda iyo ciidanka, kharashaadka wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dowladda, xoojinta wadashaqeynta dhexdooda ah iyo dardar gelinta howlaha deyn cafinta. Idilnews

Read More

Kuuriyada Waqooyi ayaa tijaabisay gantaal nooca riddada dheer ah oo awood u leh inuu ku dhufto inta badan Japan, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Isniintii. Dabayaaqadii isbuuca ayaa la arkay gantaallo socda masaafo dhan illaa 1,500km, sida ay sheegtay wakaaladda KCNA. Tijaabadan ma jabineyso qaraarkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey- ee ay Kuurirada Waqooyi ku muteysatay cunaqabateyn adag in lagu soo rogo. Laakiin waxay muujinaysaa in waddanku weli awood u leeyahay inuu soo saaro hub iyada oo ay jirto in dalkaasi ay soo food saartay cunto yaraan iyo dhibaato dhaqaale o kale. Tijaabada gantaalkan oo ah nooca kuruuska ayaa muujinaysa…

Read More

Madaxweynaha Maamulla Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta magaalada Muqdishu kula kulmay Danjiraha cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Ms. Tiina Intelmann. Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee dalka gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo amniga iyo sidii sare loogu qaadi lahaa taageerada iyo mashaariicda Midowga Yurub ay ka wadaan deegaanada Galmudug. Madaxweyne Qoorqoor ayaa uga mahad celiyay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya taageerada ay siiyaan Soomaaliya iyo dadaalka ay ugu jiraan sidii Soomaaliya u heli laheyd dowlad mid ah. Qaar kamid ah dalalka Yurub ayaa xiriir dhow la.leh Soomaaliya, waxaana ay ka taageeraan dhinacyada amniga,…

Read More

Wafti heer Wasiir ah oo kasocday Wasaaradda Deegaanka iyo Dalxiiska Dawlad-goboleedka Jubbaland, ayaa maanta soo gaaray magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland, waxaana garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir kusoo dhaweeyay madaxda Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka cimilada Puntland. Waftigaan kasocda Jubaland waxaa hogaaminayey Wasiirka wasaaradda Deegaanka iyo Dalxiiska Jubaland Mudane, Caydiid Saleebaan Xaashi, waxaana waftiga kamid ah xildhibaan katirsan Golaha wakiilada Jubaland, agaasimeyaasha wasaaradda Deegaanka iyo Dalxiiska Jubaland iyo masuuliyiin kale waxaana ay mudo dhowr cisho ah kulamo aqoon iswaydaarsi iyo kala kororsasho xaga aqoonta ah la yeelan doonaan wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka cimilada dawlada Puntland. Idilnews

Read More

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa ka degay magaalada Baydhabo ee caasimadda KMG ah ee maamulka uu hoggaamiyo, kaddib maalmo uu ku sugnaa Muqdisho. Laftagareen ayaa magaalada Muqdisho u joogay xal u raadinta khilaafka Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, waxaana ka socdaalkiisa saaka ee Muqdisho ay muujinaysaa fashilka wada-hadaladii xalka loogu raadinayay khilaafka labada nin oo habeen kahor lagu kala kacay. Madaxweynayaasha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen iyo Galmudug Axmed Qoorqoor ayaa hormuud u ahaa wada-hadalada Farmaajo iyo Rooble, waxaana xogo soo baxaya ay sheegeen in labada nin ay sii…

Read More

Shirweynaha sanadlaha ah ee Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ayaa maanta ka furmay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland, kaas oo ay ka qeybgalayaan dhamaan xubnaha sare iyo shaqaalaha Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland. Shirweynahan oo socon doona muddo 3 berri ah ayaa qiimayn lagu samayn doonaa shaqooyinkii qabsoonay iyo kuwa soo socda, waxaana sidoo kale tababaro la siin doonaa shaqaalaha TPEC si kor loogu qaado xirfadooda. Sidoo kale, Qaaddi ka socda Maxkamadda Sare dhaariyay Guddoomiyayaasha heer Gobol ee TPEC ee Mudug, Sool, Nugaal, Sanaag, Haylaan, Bari iyo Gardafuu, sida uu qabo Xeerka Aasaaska TPEC. Idilnews

Read More

Majaajiliistaha u dhashay Wadanka Tanzania ee Ibraahim Mustafa oo ay soomaalidu u taqaan (Basadiir) ayaa saaka gaaray Magaalada Muqdisho caasimada dalka Soomaaliya. Basadiir ayaa ah nin si aad ah looga yaqaano baraha bulshada ee ay soomaalidu isticmaasho, Waxaa uu soo bandhigaa sheekooyin u badan maad iyo qosol. Waxa uu caan ku yahay magaca Basadiir. Muuqalada uu Tanzania ku sameeyo waxaa sii tarjuma oo Soomaalida u soo bandhiga nin dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Farxaan Diraac. Basadiir ayaa waxaa soo dhaweeyay Farxaan Diraac oo ah ninka dhalinayrada ah ee sheekooyinkiisa afka soomaaliga u tarjuma. Hase yeeshee soo dhaweynta Basadiir ayaa ahayd…

Read More

War ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee dalka Soomaaliya ayaa ku tilmaamay Booqashadii Muqdisho, Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee caasimada dalka Soomaaliya inuu ahaa mid dhiirri-gelinaya horumarka joogtada ah ee ka-qaybgalka siyaasadda haweenka iyo sidoo kale doorashooyinka soo socda ee nabdoon. Qoraal ka soo baxay Qaramada Midoobay ayaa u qornaa sidan; Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Aamina J. Maxamed ayaa maanta booqasho ku tagtay Soomaaliya iyada oo kaashaneysa baaqyada haweenka Soomaaliyeed ee ku aaddan in si buuxda oo siman looga qeybgeliyo siyaasadda, iyo in la muujiyo taageerada beesha caalamka doorashooyin nabdoon oo lagu kalsoonaan karo. Ku-xigeenka…

Read More

Waxaa goor-dhaw ka bilowday magaalada Jowhar ee caasimadda Hirshabelle dhageysiga khudbadaha Musharixiinta kuraasta Aqalka Sare ee BJFS ku leeyahay Dowlad Gobaleedka Hirshabelle. Kuraastan oo ah 8 kursi ayaa waxaa ku tartami doona 25 musharax, kuwaas oo uu kamid yahay Muuse Suudi Yalaxow, oo difaacanaya mid ah kuraasta Senatorada oo uu horey ugu fadhiyay. https://www.facebook.com/SOMALICABLE/videos/232518012141848 Idilnews

Read More

Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa maanta daah-furtay olalaha Tallaalka cudurka COVID-19 ee Johnson & Johnson, kaas oo deegaanada Puntland ka soconaya muddo 10 maalmood ah. Olalahan ayaa saaka ka bilowday 63 goobood oo kamid ah deegaanada Puntland, iyadoona at ka howlgali doonaa 63 kooxood, sida uu sheegay Wasiirka Caafimaadka Puntland. Wasiir Hon Jama Farah Hassan ayaa ugu baaqay Shacabka inay qaataan Tallaalka cudurka COVID-19, maadama uu yahay waxa kali ah ee looga hortagi karo faafitaanka cudurka. Idilnews

Read More

Diyaaradaha dagaalka Israa’il ayaa duqeyn xagga cirka ah ku qaaday saddex goobood oo kala duwan oo ku yaalla marinka Qaza, sida laga soo xigtay ilo wareedyo maxalli ah horaantii saaka oo Isniin ah. Weeraradaasi ayaa lala beegsaday deegaanada Rafah, Khan Yunis iyo Beit Lahia oo ku yaal koonfurta Gaza,mana jiraan wax khasaare ah oo weli la soo sheegay. Ciidamada difaaca Israa’iil ayaa goor dambe sheegay in ay duqeeyeen 4 xarumood oo Xamaas u adeegsan jirtay tababarka ciidanka iyo barashada hubka. Idilnews

Read More

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa ku tilmaamay shirkii Jaamacadda Carabta ee heer Wasiir Arrimo Dibadeed ee ku qabsoomay Magaalada Qaahira intii u dhexeysay 9-10 September mid miro dhal ah, iyadoo looga dooday ajandaha ah in dhaqaale lagu taageero doorashooyinka Soomaaliya, Arrinta Falastiin, xaaladihii ugu dambeeyay wadamada Suuriya, Yemen, Liibiya iyo Lubnaan, iyo mowduucyo kale oo muhiim ah. Wasiirrada Arrimaha Dibadda Carbeed ayaa waxa ay isku raaceen, kalfadhigoodii caadiga ahaa ee 156 -aad, oo uu shir -guddoominayay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Kuwait, Sheikh Dr. Ahmad Nasser Al-Mohammad Al-Sabah, in doorashada Soomaaliya laga taageero dhanka…

Read More

Xildhibaannada Baarlamaanka dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa waxaa lagu wadaa in maanta oo isniin ah inay dhageystaan khudbadaha musharixiinta Aqalka Sare. Shalay guddiga doorashooyinka Hir-Shabeelle waxaa ay soo geba-gabeeyeen diiwaangelinta 27 musharax, kuwaas oo isugu jira rag iyo Dumar, isla markaana ku tartami doona 8 kursi ee Maamulka Hir-Shabeelle ku matalaya Aqalka Sare liiska Musharixiinta Aqalka Sare ee uu markii hore soo saaray Madaxweynaha Hir-Shabeelle ayaa waxaa ay gaarayeen 34 Xubnood, balse 7 kamid ah ay tartanka isaga hareen. Laba kamid ah kuraasta Aqalka Sare ee doorashadooda ka dhaceyso Magaalada Jowhar ayaa aad u adag, waxaana haatan difaacanaya oo ku fadhiya…

Read More

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa shir guddoomiyay kulan looga hadlayay doorashada Aqalka sare ee Gobolada Waqooyi. Kulanka waxaa sido kale ka qeybgalay guddoomiyaha Aqalka sare, Ra’iisul wasaare ku-xigeenka, Guddoomiyaha Maxkamadda sare iyo xubno katirsan golaha wasiirada ee xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya. Idilnews

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble, oo ka hadlayay maanta kulanka Gollaha Wadatashiga Qaran iyo Ku Xigeenka Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa ka sheekeeyay maerxalada dalku uu marayo, gaar ahaan khilaafka isaga iyo Farmaajo, arrimaha doorashooyinka, iyo kiiska Ikraan Tahliil. “Waxa aan aad uga xumahay xaaladaha siyaasadeed ee maalmahan dalka ka jiray xilli uu dalku ku jiro doorashooyin. Waxaan xaqiijin doonnaa inaan dadaal ku bixinno ka hortagga iyo maareynta xiisadda si xilkasnimo iyo miyir leh. Waxaan ku hawlanaa dhammaan in aan la tashiyo la sameeyo dadka ay khusayso in arrimaha lagu xaliyo wada hadal…

Read More

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa Maanta Deeq kala duwan gaarsiisay Xarun lagu dhaqan-celiyo carruurta darbi-jiifka ah oo ku taalla Magaalada Bosaaso, halkaasoo ay ku jiraan Carruur Tiradoodu tahay 100 ruux oo midkiba ugu yaraan uu 5-jir ilaa 20-jir ay da’doodu u dhexeyso. Maxamed Jamaca oo ah maamulaha xaruntaas ayaa kusoo dhaweyay Taliyaha Qeybta oo uu wehliyo Taliyaha Jeelka weyn Bosaaso G/L Shire. Taliye Xuseen ayaa ciyaalka u Qaybiyay deeq ka koobanayd dharka iskoolka si ay dhalinyaradan ula mid noqdaan kuwa kale ee iyagana wax barta oo aada iskoolda ku yaala Bosaaso si ubadkas niyada loogu…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyay kulan ay yeesheen madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka oo looga hadlay dardargelinta arrimaha doorashooyinka dalka iyo bilaabista doorashada Golaha Shacabka ee BFS. Shirka waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweyneyaasha Dowlad-goboleedyada Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo Madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, halka ay habka fogaan aragga uga qeyb galeen madaxweyneyaasha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, Jubaland Axmed Maxamed Islaam iyo Hirshabelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe. Idilnews

Read More

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Karkaar, loogu magacaabay Cabdi Siciid Cismaan. Cabdi Siciid Cismaan ayaa horey u ahaa Duqa degmadda Qardho, isagoona hoggaamin jiray Golihii deegaanka Qardho oo goor-dhaweyd uu kala diray Madaxweyne Deni, waxaana uu bedelayaa Gudoomiye Saciid Maxamed Faahiye. Halkaan hoose ka Akhriso wareegtada Madaxweyne Deni. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 27 ee 12ka September 2021, kuna saabsan magacaabid Guddoomiyaha Gobolka Karkaar. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad. Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo-aragnimadiisa shaqo.…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 26 ee 12ka September 2021, kuna saabsan kala dirid Golaha Deegaanka Degmada Qardho iyo Magacaabid Guddoomiye iyo Guddoomiye Ku-xigeen Degmada Qardho. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad. Markuu garawsaday: In ay dhamaatay muddo xileedka Golaha Deegaanka Degmada Qardho Markuu tixgeliyey: Aqoontooda, kartididooda iyo waayo-aragnimadooda shaqo Wuxuu xeeriyey: 1. Waxaa la kala direy Golaha Deegaanka Degmada Qardho 2. Waxaa Maxamed Faarax Abdiseed (Buraale) si ku meel gaar ah loogu magacaabay Guddoomiyaha Degmada Qardho. 3. Waxaa Maxamuud Maxamed Ciise si ku meel gaar ah loogu…

Read More

Ciidamada Milatariga dalalkaTurkiga,Azerbaijani iyo Pakistan ayaa markii ugu horeysay dhoolatus wada jir ah qabtay tababarkan ayaa socon doona 12-ka ilaa 20-ka bisha September magaalada Baku, sida ay sheegtay wasaarada difaaca ee Azerbaijan. Ujeedka dhoolatuska ayaa lagu sheegay sidii loo xoojin lahaa xiriirka wada shaqayneed ee ka dhexeeya Ciidamada saddexda dal. Turkiga ayaa hore garab istaag ugu muujiyey dalka Azerbaijani intii ay socotay xiisadii gobolka Nagorno-Karabakh. Idilnews

Read More

Booliska dalka Kenya ayaa waxaa ay shaaciyeen inay billaabeen baariraanka kiiska Cabduwahaab Sheekh Cabdisamad oo ah falanweeye, kaas oo dhawaan la afduubtay muddo dhowr maalmood ahna maqan. Madaxa waaxda dambi baarista Kenya, George Kinoti, oo la kulmay Hoggaanka Muslimiinta Kenya ayaa ballan-qaaday baaritaanno lagu xaqiijinayo halka uu ku sugan yahay Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad ay billaabeen, isla markaana ay rajeeynayaan inay heli doonaan halka uu ku dambeeyay. “In ka badan 48 saacadood tan iyo afduubkii Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad, waxaan dib ugu laabaneynaa Bartamaha Ganacsiga ee Nairobi oo ku teedsan wadada Turbman oo markii ugu dambeysay lagu arkay ayuu yiri” George Kinoti.…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa qaabilay wafdi sare oo ka socday QM oo ay hoggaamineysay Ku-xigeenka Xoghayaha guud ee QM Amina Jane Momamed. Kulanka oo ay ka qeyb galeen madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka, ayaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin horumarrada ka jira Soomaaliya, arrimaha doorashooyinka, amniga, horumarinta dhaqaalaha, arrimaha bulshada. Idilnews

Read More

In ka badan laba milyan oo Kenyan ah oo ku nool gobalada Waqooyiga Kenya ayaa waxaa soo food saartay gaajo iyo macaluul baahsan, kaddib markii abaaro aad u daran ay ku dhaceen gobolladaas. Dowladda Kenya ayaa shaacisay in haddii aysan soo bilaaban roobabkii bisha October ay dhici karto in dad badan ay gaajo u dhintaan. Abaaraha ayaa waxaa sy sigaar ah saameyn weyn ugu yeesheen dadka Reer Miyigabah, waxaana dowladda Kenya ay sheegtay in Xoolo farabadan ay sii dhamaanayaan, taas oo sababi karta in dad badan ay gaajo iyo haraadbu geeriyoodaan. Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in abaarahanbay uga…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah DFS Maxamed Xuseen Rooble, ayaa amar kusoo rogay Wasaaradda Maaliyadda XFS, isagoona faray Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Beyle in aysan jiri karin lacag ka baxda Wasaaradda oo uusan fasixiin Ra’iisul Wasaaraha. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa si gaar ah amar ugu bixiyay in aan wax kharash ah laga bixin karin lacagta Hey’adda IMF ee qoondada Dowladda Federaalka ee loo yaqaan SDRs, iyadoo aan ogolaansho laga helin Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. Sidoo kale, Wasaaradda Maaliyadda ayuu faray in mushaarka ciidamada iyo shaqaalaha, raashinka ciidamada, mashaariicda iyo wixii kale ee kharash lagama maar-maan u ah adeega dowladda, in marka ay…

Read More

Kuxigeenka Xoghayaha Qaramada Midoobay Marwo Amina J. Mohammed iyo wafdi heer sare ah oo ka tirsan Xarunta Qaramada Midoobey, ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Waftiga ayaa kulan la qaadan doona Madaxda DFS, sida Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, oo ay kala hadli doonaan dhameystirka doorashooyinka dalka. Soomaaliya ayaa ka mid ah dalal dhowr ah oo ka tirsan Gobolka oo ay socdaal ku marayso Kuxigeenka Xoghayaha Qaramada Midoobay Marwo Amina J Mohammed. Idilnews

Read More

Ciidanka Booliska Gobalka Mudug oo howlgallo ka wada magaaladda Gaalkacyo iyo degmooyinka kale ee Gobalka Mudug ayaa gacanta ku dhigay koox ka ganacsan jirtay maandooriyaha khamrida iyo xashiiska, kuwaas oo muddo ay ku dabajireen Boolisku. Kooxda la qabtay oo ah rag shabakad ah oo ku caanbaxay ka ganacsiga maandooriyaha, ayaa laga soo kala qabtay degmooyinka Jariiban iyo Galdogob ee Gobolka Mudug, sida laga soo xigtay saraakiisha Booliska. Sidoo kale, Saraakiisha Booliska Gobalka Mudug ayaa sheegay in ragan lala qabtay gaadiid ay khamrida iyo xashiishka uga soo qaadi jireen dalka Itoobiya, ayna dhowaan soo taagi doonaan Maxkamad. Booliska Puntland ayaa xoojiyay…

Read More

Sida laga soo xigtay Wargeyska Corrieredi Bologno waxa uu Nin Soomaali ah 5 qof ku dooxay Bas Dadweyne oo marayey magaalladda Rimini ee Gobalka Emilia-Romagna ee dalkaasi Talyaaniga. Eedeysanaha oo 26-jir ah ayaa la sheegay inuu Tikid la’aan ku raacay Baska oo ka yimid Riccione, kuna sii jeeday Rimini. Booliska Talyaaniga waxay sheegeen inuu Muwaadinka Soomaaliga markii ugu horeysay Toorey ku dooxay 2 haween oo u xil saarnaa Hubinta Tikidhada (Checking Tickets), kadibna waxa uu sii dhaawacay 3 qof oo ka mid ahaa Rakaabkii la socday Baska. Dadka lagu dhaawacay weerarkaasi Tooreyda waxaa ka mid ahaa Wiil yar oo 5…

Read More

Shirkii xalinta khilaafka Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ayaa xalay kusoo dhamaaday natiijo la,aan, kaddib markii ay ismari waayeen labada nin. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Idilnews u sheegay in shirka oo soo bilowday duhurnimadii shalay, la isku mari waayay labo qodob, kuwaas oo kala ah arrinta kiiska Ikraan Tahliil iyo Agaasimaha KMG ah ee Hay’adda NISA. Farmaajo ayaa la sheegay inuu dalbaday in hoos loo xaliyo kiiska Ikraan Tahliil, sidoo kalena lasoo magacaabo Agaasime cusub oo NISA yeelato oo ka wada socda labada dhanic, balse Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa la…

Read More

Bannaan-bax xooggan ayaa caawa ka socda magaalada Laascaanood ee xarunta Gobalka Sool, kaddib dilkii koox hubeysan ay u geysatay Xildhibaan Cabdirisaaq Cardoofe oo kamid ahaa Golaha deegaanka Laascaanood. AUN Marxuum Cardoofe ayaa sidoo kale kamid ahaa haldoorka sida weyn looga yaqaan magaalada Laascaanood, waxaana uu noqonaya masuulkii labaad oo muddo 40 cisho ah gudahood lagu dilo Laascaanood. Idilnews

Read More

Shiinaha ayaa ku dhawaaqay 31 milyan oo dollar oo gargaar ah oo uu siinayo Afghanistan, taas oo u muuqata mid ka mid ah ballanqaadyadii ugu horreeyay ee shisheeye ee gaara waddanka ay ka taliso Taalibaan. Gargaarka Shiinaha ee Afghanistan waxaa ku jiri doona cunto, sahayda cimilada qaboobaha iyo tallaallada COVID-19. “Shiinuhu wuxuu go’aansaday inuu si degdeg ah u siiyo $ 30.96 milyan oo u dhiganta (200 milyan oo lacagta shiinaha ee yuan), iyadoo loo eegayo baahida dadka Afghanistan,” ayaa laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Xinhua. Isagoo la hadlayay dhiggiisa waddamada Pakistan, Iran, Tajikistan, Uzbekistan iyo Turkmenistan, Wasiirka Arrimaha Dibedda…

Read More

Xildhibaan Cabdirisaaq Axmed Cilmi (Cardoofe), oo kamid ahaa Golaha deegaanka magaalada Laascaanood ee xarunta Gobalka Sool ayaa goor-dhaweyd koox hubeysan ku dishay irida hore ee gurigiisa. Ciidanka Booliska Somaliland oo gaaray goobta dilku ka dhacay ayaa wada baaritaano. Magaalada Laascaanood ayaa marar badan waxaa ka dhacay dilal lagu khaarajiyay masuuliyiin maamulka Somaliland, iyadoona aan cidna loo qaban. Idilnews

Read More

Kulan uga socda madaxtooyadda villa somalia Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, loogana hadlayay xalinta khilaafka labada masuul ayaa soo dhamaaday goor-dhaweyd. Khilaafka labada nin ayaa salka ku haya kiiska Ikraan Tahliil oo kamid aheyd saraakiisha Hay’adda NISA oo la dilay, iyo xil ka qaadistii Ra’iisul Wasaare Rooble uu ku sameeyay Fahad Yaasiin oo ahaa Agaasimihii NISA laguna tuhmayo dilka Ikraan. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegay Idilnews in labada dhinac ay gaareen is afgarad, ayna u badan tahay in goor-dhow lasoo saaro War-murtiyeed. Wararka ayaa intaas ku daraya in Farmaajo uu…

Read More

Hoggaamiyaha guud ee Ahlusunna, Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax iyo Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo horay u soo noqday madaxa xukumadda Galmudug ayaa maanta oo sabti ah dib ugu laabtay deegaanada maamulka Galmudug ee bartamaha Soomaaliya. Macalin Maxamuud kasoo dagay waqooyiga magaaladda Gaalkacyo ee Puntland ayaa safar dhulka ah ku tagay deegaanka Huurshe ee gobolka Galgaduud, taas oo ka dhigan in uu sanad iyo sideed bilood ka dib uu ku laabtay deegaanadii dagaalka looga sooray Fabaraayo 2020. Sidoo kale, Sheekh Shaakir oo saldhig ka dhigtay dalka Turkey sanad iyo barkii la soo dhaafay ayaa ka dagay degmada Guriceel ee…

Read More

Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa ka hadlay wada-hadalada Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed Xuseen Rooble iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, isagoona uga digay Ra’iisul Wasaaraha in la hoosaasiyo oo laga mashquuliyo cadaalad u raadinta Ikraan Tahliil iyo inuu si buuxda ula wareego Amniga dalka. Halkaan hoose Akhriso qoraalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Toddobaadkii hore ayaa nin ku dhow Rooble wuxuu igu yiri ‘Farmaajo wuxuu oggolaaday in bashiir Goobe uu ahaado taliyaha Nabadsugidda, xaalkuna waa degganyahay’. Waxaan ku iri maba aqaanno Farmaajo hadduu sidaas yeelo. Subixii NISA ayuu ku sime u magacaabay. Ninkii…

Read More

Guddiga KMG ah Doorashooyinka Puntland ee TPEC ayaa soo Bandhigay liiska Ururada Siyaasadda ee soo gudbiyay Musharaxiinta Golayaasha Deegaanka ee Degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn. Liiska waxaa ka maqan Urur siyaasadeedka Dhalinyarada oo wax xubna musharaxiin ah keensan, halka Urur siyaasadeedka Mustaqbal uusan wax liis ah ka gudbisan Magaalada Qardho marka laga yimaado labada Magaalo ee kala ah Ufeyn iyo Eyl . https://www.facebook.com/TPECPuntland/videos/1280532432378293 Idilnews

Read More

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Puntland ayaa ku dhawaaqday in 25 ka bishaan September ay soo gaari doonto qaybtii koowaad ee dhirtii loogu tala galay in lagu beero dhamaan deegaanada Puntland. Dhirta oo isugu jiri doonta dhir hareed, dhir mirood iyo dhir ubax leh ayaa beeristeeda waxaa iska kaashanaya Puntland iyo Qunsuliyadda Itoobiya ee Puntland. Wasaaradda deegaanka Puntland ayaa u soo jeedisay maamulada degmooyinka, ardayda, qaybaha bulshada iyo cidkasta oo danaynaysa iney ka qayb qaataan cagaarinta iyo qurxinta dhulkeena.

Read More

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa shir gudoomiyey Shirka Amniga Gobolka Mudug, Shirkan ayaa waxaa goob joog ahaa Gudoomiye ku Xigeenka 1aad iyo Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Gobolka Mudug, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug, Taliyaha Aaga Ciidanka Daraawishta Gobolka Mudug, Duqa Degmada Gaalkacyo iyo masuuliyiin kale. Shirkan oo saacado socday ayaa ugu danbayntii laga soo saaray Go’aan lagu manuucayo in gudaha Magaalada Gaalkacyo lagu dhex qaato hubo si loo xoojiyo Amniga Shacabka Gobolka Mudug, sida uu ku dhawaaqay Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur. https://www.facebook.com/MudugRegionAdministration/videos/379312237112924 Idilnews

Read More

G/Sare Saciid Nuur Shire Taliyaha Ciidamada difaaca dawlada Puntland ee silsilada Golis, ayaa kormeer shaqo ku taggay qaar ka mid ah fariisimaha iyo goobaha kale ee shaqo ee ay ku sugan-yihiin ciidamadu ee buuralayda silsilada Golis, waxa uu u kuur-gallay habka ay shaqadu u socoto iyo dadaalada ay ciidamadu ku sifaynayaan haraadigga kooxaha burcad-diimeedka ah ee ku dhuumaalaysanaya buuraha silsilada Golis. Taliyaha ayaa warbixino ka dhagaystay saraakiisha ciidanka hogaaminaysa, waxa ayna la wadaageen guulaha ay ka gaareen la dagaalanka kooxahaas, goobaha ay ciidamada gacanta ku dhigeen maalmihii lasoo dhaafay iyo hawl-galadda kale ee qorshaysan. Taliye Saciid ayaa ku dhiiri-geliyay ciidanka…

Read More

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Gudoomiye Abdirashid Yusuf Jibril ayaa shir-guddoomiyey fadhiga 1-aad ee Guddiga Joogtada kaas oo madax-guddiyeedyada Golaha looga dhagaystay warbixino la xiriira arrimaha bulshada, amniga, dhaqaalaha iyo xaaladda Caabuqa COVID 19 ee Puntland. Fadhiga maanta ayaa Guddiga Joogtada ah loo qeybiyey xeerarka uu Goluhu ku ansixiyey kalfadhigii 48-aad ee Golaha wakiillada, Madaxweynuhuna saxiixay, Faafinta rasmiga ahna lagu soo saaray, si guddiyadu ay dabagal ugu sameeyaan dhaqangalkooda. Ugu dambeyn, Guddiga Joogtada ah ayaa ansixiyey kororka madax-miisaaniyadeedka Mashruuca (Somali Urban Resilience Project I) ee uu maalgeliyo Bangiga Aduunku, kaas oo ka mid ah mashaariicda taageera dhismaha waddooyinka magaalada Garoowe,…

Read More

Madaxweynaha Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maalinta berri ku wajahan magaalada Qardho ee xarunta Gobalka Karkaar. Ujeedada socdaalka Madaxweyne Deni ee Qardho ayaa lagu sheegay inuu ka bilaabayo kulamo uu taageero ugu raadinayo Urur Siyaasadeedka Kaah ee xukuumadda, kaas oo u muuqda in looga dhaqdhaqaaq batay magaalada Qardho. Puntland ayaa 25 bisha soo socota ee October, gali doonta doorashada hordhaca ah ee golayaasha deegaanka degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn, taas oo ay ku loolamayaan 9 Urur siyaasadeed, ayna kusoo bixi doonaan saddexda xisbi ee rasmiga ka noqon doona Puntland. Idilnews

Read More

Kulan u dhexeeya Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Mohamed Abdullahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Roble ayaa ka socda Madaxtooyadda Villa Soomaaliya, kaas oo xal loogu raadinayo khilaafka Labada masuul. Madaxweynayaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed, Wasiirka Waxbarashada XFS iyo Wasiir kuxigeenka Warfaafinta ayaa Goobjoog ah kulankan, iyadoona uu noqonaya kii labaad ee ay isku arkayaan Farmaajo iyo Rooble, tan iyo markii uu soo bilowday khilaafkooda oo salka ku haya xil ka qaadista Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin iyo cadaalad u raadinta Ikraan Tahliil oo kamid aheyd Saraakiisha NISA, laguna tuhmayo dilkeeda Fahad. Idilnews

Read More

Madaxweyne kuxigeenka Dowladda Puntland Ahmed E. Osman Karaash, ayaa ku qaabilay qasriga Madaxtooyadda Puntland ee Garoowe Wafti uu hogaaminayo Wakiilka Hay’adda Islamic Relief ee Soomaaliya Mudane Aliow Mohamed. Kulanka ayaa looga hadlay dar-dargelinta mashaariicda Hay’adda Islamic Relief ka wado Puntland. Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa ku bogaadiyey Wakiilka shaqada wanaagsan ee ay Hay’addu ka waddo gudaha Puntland. Idilnews

Read More