Wararka naga soo gaaraya degmada Shangaani ee ayaa ku waramaya in qarax xooggan uu daqiiqad ka hor ka dhacay meel maqaayad ah oo ku taalla halkaas. Qaraxa ayaa waxa uu ka dhashay gaar walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo la dhigay albaabka hore ee maqaayad ku taalla ka soo horjeedka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha. Qaraxa ayaa dhacay xilli ay dad badan maqaayadda u fadhiyeen cunista qadada oo waqtigeeda la joogay. Waxaana wararka la helayo ay sheegayaan in dad badan ay dhimasho iyo dhaawac kala kulmeen qaraxa. Ciidamada amniga ayaa xiray goobta uu qaraxu ka dhacay iyo agagaarkeeda, halkaas…
Author: Jibril Qoobey
Guddi xildhibaanada madowga ah ee Mareykanka ee ku jira golaha Sanetka Mareykanka ugu qaabilsan Afrika ayaa ku baaqay in si deg deh ah loo qaado tallaabo looga hortagayo baajinta masiibo bani’aadannimo oo ka dhacda dalalka ay hadda ka jiraan abaaraha. Kulan ay guddigan shalay ku yeesheen xarunta baarlamaanka Mareykanka ee Capital Hill ee magaaladan Washington ayey ku sheegeen in xaalada abaaraha ee dalalka Soomaaliya, Sudan iyo Neyjeeriya ay mareyso meel khatar ah, loona baahan yahay lacago deg deg ah oo lagu badbaadiyo dadka ay saameeyeen abaaraha. Warbixintan arrintan ku saabsan,hoos ka dhagayso. Halkan ka dhagayso codka
Dawladda Ruushka ayaa sheegtay in weerarkii ‘kiimikada’ loo adeegsaday ee dilay dadka badan ee shacabka ah kuwo kale oo badanna dhaawacay uu ka dhacay magaalo ay mucaaradku haystaan in uu sababay hub laga riday dhulka ay maamulaan jabhaduhu. Wasaaradda difaaca ayaase qirtay in diyaaradaha dagaaalka ee Suuriya ay weerar ka gaysteen magaalada Khan Sheikhoun oo ka tirsan gobolka Idlib. Laakiin waxay sheegtay in diyaaradahu ay weerareen kayd lagu sameeyo miinooyin walxo sun ah laga buuxiyay oo la rabay in lagu isticmaalo Ciraaq. Laakiin Maraykanka iyo qolyo kale ayaa sheegay in diyaaradaha Suuriya ay soo rideen hub kiimiko ah, laakiin dawladda…
Muqdisho, 05 April 2017 – Shalay oo ay taariikhdu aheyd 4ta April 2017 waxaa dhacday in labo diyaaradood oo u socday Nairobi ay sii mareen Wajeer, halka labo kalena ay si toos ah u aadeen Nairobi. Dowladda Federaalka oo baaris sameysey ayaa waxaa lagu ogaaday in sababta labada diyaarad loo marsiiyey Wajeer ay aheyd cilad farsamo ee la xiriirta xiriirka Saadaasha Hawada iyo ruqsada duulimaadka oo haba yaraatee aysan wax lug ah ku laheyn heshiisyadii Soomaaliya iyo Kenya dhex maray ee ku aadanaa in diyaaradahu ay si toos ah u aadayaan Nairobi. Dowladda Federaalka waxaa ka go’an oo ay marwalba…
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/l6xKCzLTArs
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/7gu402p3tXE
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/br1ctn3rJDs
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/tPbrz4F0OzQ
Wasiirka Amniga, gudoomiyaha gobolka,Gudoomiyaha degmada Garowe iyo taliyayaasha laamaha nabadgalyada Puntland ayaa laga soo saaray dhowr qodob oo lagu xaqiijinayo ammaanka caasimadda. Shirkan oo ka dhacay Garowe, ayaa diiradda lagu saaray sidii wax looga qaban lahaa dal-daloola amniga ee muddooyinkan ka jiray magaalada. Hadaba kulanka looga xaajoonayay amniga caasimada ayaa waxaa laga soo saaray go’aamo muhiim ah ,kuwaasoo kala ah:- 1: In la qabto dhammaan dambiilayaasha oo kala ah Argigixisada, kuwa dadka baarta iyo kuwa dhulka lu haya boobka 2:-Laga bilaabo todobada bishaan qofkii lagu qabto hub isagoo aan shaqo ku jirin sharciga ayaa la horgaynaynaa, hubkana waa lagala…
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti uu hogaaminayo ayaa u ambabaxay dalka istaga Imaraadka Carabta, halkaasi oo lagu soo dhamaystiri doono heshiiskii ballaarinta dekeda Bosaso oo dowladu la galayso Shirkadda DP World. ‘’ waxaan maanta u ambabaxayaa dalka Isutaga Imaaraadka Carabta oo aan u aadayo heshiiskii mudo soo socdey ee ahaa balaadhinta iyo casriyaynta dekeda magaalada Boosaaso, heshiis kaas oo mudo soo socdey gebagebadiisiina la marayo waxaan rajaynayaa inuu guul ku soo dhamaado, mashruucani waxaana uu wax weyn katarayaa kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha dawladda Puntland’’ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo…
Howlgalkan oo loogu magacday Weerarkii ugu dambeeyay ee Boko Haram, ayaa isbuucan ka bilaawday dhulka Keyanta ah ee looyaqaano (Sambisa Forest). Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/G5rN4hbGzzo
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa dib boorka uga jafay xiriir sanado nuxuuska ahaa oo uu Mareykanku la lahaa wadanka ugu weyn dunida carabta ee Masar, kadib markii Isniintii uu si diiran Aqalka Cad ugu soo dhaweeyay madaxweyne Abdel Fattah el-Sissi. Trump ayaa u ballan qaaday Masar inuu kala shaqeynayo la dagaalanka argagixisada iyo kooxaha Islaamiyiinta ee seef la boodka ah. Waxey aheyd booqashadii ugu horeysay oo madaxweyne ka socda Masar uu ku yimaado Mareykanka tan iyo sanadii 2009-kii, oo madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama uu ku casuumay Washington madaxweynihii hore ee Masar Hosni Mubarak, ka hor kacdoonkii xukunka looga…
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta 04 April 2017 safar shaqo u aadey dalka isutaga Imaaraadka carabta. Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha kanooko ee magaalaga Garoowe ku sii sagootiyey gudoomiyaha koowaad iyo gudoomiyaha labaad ee Baarlamaanka Puntland, masuuliyiin ka tirsan goloyaasha dawladda Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland. Madaxweynaha oo kahadlay safarka ay ku tegeyaan isaga iyo weftigiisu dalka isutaga Imaaraadka Carabta ayaa waxa uu sheegay in uu daaranyahay arrimo la xiriira mashruuca casriyaynta iyo balaadhinta dekeda magaalada Boosaaso, kaas oo uu sheegay madaxweynuhu inuu marayo meelgebogebo…
Rooboow rigloow, kaalay! Raxmaddii Alloow, kaalay! Kaan wada rabnoow, kaalay! Riyo darariyoow, kaalay! Ramaas laacayoow, kaalay! Rays iyo naqloow, kaalay! Doog raaxaloow, kaalay! Kaama raysannee, kaalay! Rooboow rigloow, kaalay! Raxmaddii Alloow, kaalay! Kaan wada rabnoow, kaalay! Xoolihii ruqdee, kaalay! Naxariis Rabboow, kaalay! Rafiiq uumiyoow, kaalay! Reexaan udgoon, kaalay! Naftu kay rabtoow, kaalay! Rooboow rigloow, kaalay! Raxmaddii Alloow, kaalay! Kaan wada rabnoow, kaalay! Reerihii go’yee, kaalay! Rafaad baa helee, kaalay! Roobkii Gugoow, kaalay! Rixinkeenniyoow, kaalay! Ku rayrraysannow, kaalay! Rooboow rigloow, kaalay! Raxmaddii Alloow, kaalay! Kaan wada rabnoow, kaalay! Abwaan Cabdinuur A. F. Bootaan Leicester, 03.04.2017
Webiga Shabeelle ayaa si wanaagsan u biya keenay ,iyadoo dadku ay bilaabeen in ay si wanaagsan uga faaideystaan biyaha uu webiga keenay. Mudooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa halkaasi ka jiray biyo la’aan baahsan taas oo qeyb ka ahayd abaarta baaxada weyn ee ka jirto inta badan ee Gobolladda Dalka,hoos ak dhagayso codka. Halkan ka dhagayso codka warkaaas
Dowlada Maraykanka ayaa kala laabatay lacagihii deeqaha ahaa ee ay siin jirtay laanta dadwaynaha ee Qaramada Midoabay islamarkana taageerada siin jirtay barnamijka qorshaha qoyska guud ahaan caalamka . Tilaabadan ayaa hay’adani qaramada midoobey waxa ay ku luminaysaa sanadkan oo kaliya lacag dhan 32 milyan oo doolarka maraykanka ah . Wasaarada arimaha dibada ee Maraykanka ayaa sheegtay in sababta ay lacagta ugala laabateen ay tahay in hay’adani ay taageerto qorshaha dowlada Shiinaha ee ay dadka ku qasbto in caruurta ay iska soo xaaqaan . Hay’ada Qaramada Midoobay ee ka shaqaysa arimaha dadwaynaha ayaa waxa ay sheegtay in aysan taageerin aysana hormarin…
Dagaalameyaasha Al-shabaab ayaa la sheegay in Afar Qof oo Samafaleyaal ah islamarkaana la shaqeynayay Hay’adda Caafimaadka Adduunka Ee WHO ay ka Afduubteen Degmada Luuq ee Gobolka Gedo. Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Degmada Luuq ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in Tuulo u dhow Degmada ay Al-shabaab ka Afduubteen Afartaas ruux ee ka shaqeynayay Howlaha Samafalka. Shabaab ayaa dhowr jeer Afduub u geystay Shaqaale ka shaqeeya Howlaha Samafalka,iyadoo aan la ogeyn illaa hadda halka ay la aadeen.
C/maalik Muuse Coldoon ayaa lagu wadaa in maanta oo Talaado ah la soo taago Maxkamad ku taal magaalada Hargeysa ee Caasimada Maamulka Somaliland. C/maalik Coldoon ayaa muddo 47 cisho ah xiran, iyadoo aan wax maxkamad ah la soo taagin, balse dhowr jeer oo maxkamad la soo taagi lahaa dib loogu celiyay xabsiga. Maxkamadeynta maanta ayaa waxaa la filayaa inay ka soo qeyb galaan eheladiisa, waxaana u doodi doona qarreeno loo qabtay. Xeer Ilaalinta Somaliland ayaa ku soo oogtay dacwado ah inuu ku kacay falal ka soo horjeeda madax banaanida Somaliland, isla markaana uu baahiyay warar been abuur ah oo…
Wararka ka imanaya Soomaaliya ayaa sheegaya in dooni kuwa ganacsiga ah lagu afduubay xeebaha Soomaaliya, loona malaynayo in dadka afduubay ay yihiin burcad badeed Soomaali ah. Doontan ayaa la sheegay inay ka diiwaan gashan tahay dalka Hindiya, waxaana la sheegay inay la socdeen 11 qof oo shaqaale ah, oo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin dalalka ay u dhasheen, inkasta oo wararka qaarkood ay sheegayaan inay u dhasheen dalka Hindiya. Doontan ayaa magaceeda lagu sheegay MSV Al Kawsar 2, waxaana la sheegay inay ka timid magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta oo ay soo martay Mukalla una socotay magaalada…
Xukuumada Ruushka ayaa shaca ka qaaday in 51 qof lagu daweeyay isbataalada. Ka dib qarax ka dhacay goob laga raaco tareenada dhulka hostiisa mara magaalada St-Petersburg . Dad gaaraya 11 qof ayaa ku dhintay qaraxani oo ay dacwad soo oogayaasha sheegeen in ay u arkaan fal argagixiso . Warar ay qorayaan qaar ka mid ah saxaafada oo soo xiganaya ila wareedyo dhanka amaanka ah ayaa sheegaya in laga yaabo in uu qaraxani ahaa mid uu gaystay qof isku soo xiray banbaano. Kaasoo ay suuragal tahay in bartamaha Asia uu ka soo jeedo. Dowlada Maraykanka ayaa balanqaaday in ay Ruushka gacan…
Kulan Maanta Urur Xisbiyeed lagu Abaabulayey ayaa Maanta lagu Qabtay Magaalada Qardho oo lagu kulan siiyey Maamulka Gobolka Karkaar ,Kan Degmada Qardho ,Wasiiro Hore,Aqoonyahan,Nabadoono,Waxgarad iyo Qaybaha Haweenka,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/k5I3_Tub7sg
Xubnaha golaha shacabka jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay miisaaniyadda dowladda ee sadexda bilood ee soo socota, kadib markii wasiirka cusub ee Maaliyadda Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle uu mudaniyaasha golaha ka codsaday in ay fursad u siiyaan si uu u keeno xisaab celinta miisaaniyadda sanadkii tagay isla markaana muddo sadedx bilood ah la siiyo. Kulankan oo uu shir guddoominayay guddoomiye Maxamed Sheekh Cismaan ( Jawaari) oo hareerahiisana ay fadhiyeen labadiisa kuxigeen ayaa waxaa ugu horeyn loo qeybiyay Xildhibaanada nuqulo ka mid ah miisaaniyada dowladda iyo qarashaadka ku baxa xafiisyada dowladda. Xubnaha golaha shacabka ayaa soo jeedinta wasiirka kadib halkaas ka hadlay…
Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, ayaa maanta furay kalafadhigii sadexaad ee Baarlamaanka Maamulka Jubaland. Madaxweynaha oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay Golaha,ayaa si gaar ah uga hadlay qorshaha sifaynta Alshabaab ee Deegaamada ka tirsan jUbaland ee ku haray gacantooda,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/0T00O6xDbd4
Wasiirka wasaaradda Cadaaladda Somaliland Axmed Faarax Cadare ayaa sheegay in toddoba maxbuus oo budhcad badeed ah oo dhamaystay mudaddii xukunkoodda la siidaayey,isla markaaana dib loogu celiyey deegaanadii ay ka soo jeedeen. Maxaabiistan ayaa la sheegay in dhaqan celin la siiyey,isla markaaana waxbarasho ku dhex qaateen xabsiga dhexe ee magaaladda Hargeysa, waxaana hore maxaabiistan Somaliland ugu soo wareejiyey Maxkamadda sare ee Seychelles ka dib markii maxaabiista loo soo bandhigay xabsiga ay ku dhamaysan karaan xukunkoodda. Maxaabiistan waxa magaaladda Hargeysa lagu soo wareejiyey December 2012, waxaana la sheegay inay dhamaysteen xukunkooddii tobanka sanno ahaa ee wakhtigaasi lagu xukumay, waxaana u kala dhasheen…
Madaxweyne Vladimir Putin ayaa maanta tagay St. Petersburg si uu uga hadlo madal sanadeed ay leeyihiin warbaahinta, oo ay soo agaasimeen dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo Kremlin-ka uu taageero. Afhayeen u hadlay aqalka Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa sheegay in madaxweyne Putin lagu war-geliyey qaraxa,hoos ak daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/QowrKa-i_Fg
Madaxweynaha Somaliland oo maanta ku qaabilay xaafiiskiisa Ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Michael Keating. Tan iyo intii mudo ah waa markii ugu horaysay ee Keating dib ugu soo laabto Hargaysa,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/62kRs9PLKBM
Koox burcad badeed Soomaali ah ayaa maalintii Sabtida ee ina dhaaftay ka afduubtay doon ganacsi oo ku socotay dekada magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose, xeebaha magaalada Hobyo ee gobolka Mudug. Ganacsatada reer Kismaayo ee ay u rarnayd doontan ayaa ka dalbaday kooxda burcad badeedka ah inay si shuraad la’aana ku sii daayaan shaqaalaha iyo doontaba. Waa afduubkii labaad ee sanadkan gudihiisa ay sameeyaan kooxaha burcad badeeda Soomaalida, xili ay hoos u dhaceen hawgaladooda wax afduubashada sedexdii sano ee la soo dhaafay.Ma cadda meesha uu markabku ka yimid, meesha uu u socday iyo meesha hadda lala aaday toona. Warbaahinta Hindiya…
Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa tilmaamay in dalka Mareykanka oo keliya uu u diyaar garoobi doono sidii uu tallaabo uga qaadi lahaa khatarta nukliyeerka ee kaga imaan karta dalka Kuuriyada Waqooyi. Trump oo wareysi siiyay wargeyska The Financial Times ayaa laga soo xigtay isagoo leh in hadii Shiinuhu uu xallin kari waayo arrinta Kuuriyada Waqooyi ay taasi noqoneyso in Mareykanku uu faraha la soo galo. Tijaabadii nukliyeerka ee Kuuriyada Waqooyi ee dhawaan ayaa la filayaa in ay ka wada hadlaan Madaxweynaha Mareyknaka iyo dhigiisa dalka Shiinaha Xi Jinping kahor kullanka toddobadkan ka dhacaya gobolka Florida. La taliyaha dhinaca ammaanka…
Socdaalkii Madaxweyne Gaas iyo waftigiisa ee Imaaraadka Carabta oo qorshuhu ahaa in uu maanta anbabaxo ayaa dib u dhacay. Sidaa waxaa noo xaqiijiyay Madaxtooyada Puntland , Madaxweynaha iyo waftigiisa ayaa la filayaa in ay maalinka beri ah u anba baxaan Imaaraadka. Ilaa iyo hada si dhab ah looma oga sababta kaliftay baaqashada socdaalka Madaxweynaha iyo waftigiisa ee maanta.
Madaxweyne ku xigeenka Dawlada Puntland Cabdixakiin Xaaji Cumar Camey iyo wfati uu hogaaminayo ayaa soo gaaray Gobolka mudug. Waftiga Camey oo ay qayb ka ahaayeen Hay’adaha caalamiga ah ee ka hawlgala Puntland,ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Gobolka maamulka,shacabka qaybihiisa kala duwan. Camey iyo waftigiisa ayaa u kuurgalidoona inta ay joogaan Gobolka Mudug xaaladaha abaarta iyo amniga.hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/xZHuKV2H-CU
Kulan Maanta Urur Xisbiyeed lagu Abaabulayey ayaa Maanta lagu Qabtay Magaalada Qardho oo lagu kulan siiyey Maamulka Gobolka Karkaar ,Kan Degmada Qardho ,Wasiiro Hore,Aqoonyahan,Nabadoono,Waxgarad iyo Qaybaha Haweenka. Kulankan oo aan wali soo gabagaboobin ayaan idinku soo gudbin doonaa wararkayaga danbe.
Madaxweynaha Dawlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafti uu hogaaminayo ayaa la filayaa in ay maanta u safraan dalka Isutaga Imaaraadka Carabta,gaar ahaan Magaalada Dubai. Madaxweyne Gaas iyo waftigiisa waxaa kaga sii horeeyay Imaaraadka carabta wafti uu hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi oo ay qayb ka yihiin Wasiirada Maaliyada iyo Dekedaha,kuwaasoo sii waday dhiraarinta iyo ka xaajoodka sidii Dekeda Bosaso loogu wareejin lahaa Shirkada DP World. Waxaa la filayaa tagida Madaxweynaha ee xiligan in ay noqoto safarkii ugu danbeeyay ee uu ku soo saxiixi lahaa heshiis rasmiya oo dhexmara Puntland iyo Shirkada DP World. …
Magaalada Buuhoodle waxaa ku geeriyooday 13-qof,dadkaas ayaa u geeriyooday cudur shuban biyood ah oo ka dilaacay Deegaankaas. Dadka geeriyooday ayaa 5-ka mid ah waxay yihiin Caruur,sidoo kale waxaa cudurkan u jiifa 34-qof oo xaalkoodu adag yahay,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/lXo9JmQj89o
Madaxweynaha Somaliland ayaa maanta ku wareejiyay Gaadiid tira badan ciidanka Booliska Somaliland,sidoo kale Siilaanyo ayaa maanta kormeeray dhismaha cusub ee Ciidankaas loo dhisayo oo heer gabagaba ah maraya,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/l8lI7AthF8g
Madaxweyne Gaas waxuu magacaabay saakay wasiiru Dawlayaal iyo wasiiro ku xigeeno. Waxaa ugu muhiimsanaa raga la magacaabay wasiir ku xigeenka Warfaafinta oo loo magacaabay suxufiga soo jireenka ah Cabdirisaaq Sh,Aduunyo. Cabdirisaaq Sh,Aduunyo waa nin saamayn leh,waliba beeshiisa ku dhex leh miisaan uu wax uga badali karo xaalad markaa taagan.sidoo kale waa masuul saxaafada waxbadan kala socda oo mudo kusoo dhex jiray . Waa bogaadinaynaa,sidoo kale waa ka sugaynaa isbadalka uu ku sameeyo saxaafada Puntland ee liidata maanta. Masuulka labaad ee ee xilka loo magacaabay waa Ashkir Nuur oo horayn u ahaan jiray Agaasimihii Tv-ga Puntland. Ashkir ayaa loo magacaabay hada…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fadaraalka Soomaaliya ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay R/wasaare ku xigeenka Wadanka Turkiga oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho. Maxamed C/laahi “Farmaajo” Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fadaraalka Soomaaliya iyo Rw xigeenka Dalka Turkiga Veysi Keynak, ayaa waxay ka wada hadleen xiriirka u dhaxeeya labada dal ee Turkiga iyo Soomaaliya. Madaxweyne Farmaajo ayaa R/wasaaraha Turkiga uga mahadceliyay Booqashada uu maanta ku yimid Magaalada Muqdisho, iyo taageerada Ballaaran ee dowladda Turkiga ay siiso Soomaaliya. Veysi Keynak ayaa sidoo kale maanta Xafiisyadooda wuxuu kula kulmay R/wasaaraha Dalka Xasan Cali Khayre iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.
Madaxweyne ku xigeenka Dawlada Puntland Cabdixakiin Xaaji Cumar Camey iyo wfati uu hogaaminayo ayaa soo gaaray Gobolka mudug. Waftiga Camey oo ay qayb ka ahaayeen Hay’adaha caalamiga ah ee ka hawlgala Puntland,ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Gobolka maamulka,shacabka qaybihiisa kala duwan. Camey iyo waftigiisa ayaa u kuurgalidoona inta ay joogaan Gobolka Mudug xaaladaha abaarta iyo amniga.hoos ka dhagayso codka Camey. Halkan ka dhagayso codka Camey
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xafiis kiisa ka soo saaray degreeto xeer Madaxweyne Lr.44 ee April 02 2017 kuna saabsan magcaabid Agaasime Guud, Kuxigeen Agaasime Guud iyo Agaasime Waaxeedyada Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha. Madaxweynaha Dawladda Puntland. Markuu arkay: Dastuurka Dawladda Puntland. Markuu tixgeliyey. Aqoontooda iyo khibradooda shaqo Markuu latashaday: Wasiirka Amniga. Wuxuu xeeriyey: Waxaa Maxamed Faarax Ashkir loo magcaabay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dawladda Puntland Waxaa Cabdikariin Maxamed Faarax loo magcaabay Kuxigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dawladda Puntland. Waxaa Haashim Axmed Cabaas loo magcaabay…
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xafiis kiisa ka soo saaray degreeto xeer Madaxweyne Lr.39 ee April 02 2017 kuna saabsan magcaabis Wasiiru Dawlayaal iyo Wasiiro Kuxigeeno. Madaxweynaha Dawladda Puntland. Markuu arkay: Dastuurka Dawladda Puntland. Markuu tixgeliyey. Aqoontooda iyo khibradooda shaqo Markuu latashaday: Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland. Wuxuu xeeriyey: Waxaa Cabdiweli Seed Cilmi loo magcaabay Wasiiru Dawlaha Wasaarada Xanaanada Xoolaha. Waxaa Cabdifataax Ashkir Nuur loo magcaabay Wasiiru Dawlaha Wasaarada Warfaafinta Hiddaha iyo Dhaqanka. Waxaa Cabdirisaaq Cumar Ismaaciil ( Sheekh Aduun) loo magcaabay Wasiir kuxigeenka Wasaarada Warfaafinta Hiddaha iyo…
Saraakiil ka tirsan maamulka degmada Afgooye ee gobalka Shabeellada Hoose,ayaa sheegay in ay Al-shabaab ka soo badbaadiyeen weriye Hanad Cali Guuleed oo ka tirsan warbaahinta Goobjoog. Weriye Hanad ayaa shalay waxaa laga afduubtay duleedka magaalada Muqdisho, halkaas oo uu deganaa. .Weriye Hanad ayaa lagu soo warramayaa in Isaga oo nabadqaba uu hadda ku jiro gacanta ciidamada amniga ee Afgooye, Ciidamada amaanka maamulka Degmada Afgooye ayaa sidoo kale- soo qabtay raggii ka danbeeyay afduubka weriyaha. Saraakiisha amniga ayaa caddeeyay in ay sharciga marsiin doonaan kooxda afduubka geysatay ee la qabtay. Illaa iyo hadda lama sheegin sababta…
Kooxo hubeesan oo watay gaari ayaa goordhaw magaalada Muqdisho ku weerarray gaari ay la socdeen shaqaale katirsan Wasaarada Maaliyada Xukuumada Soomaaliya, waxaana weerarkan ka dhashay Khasaare isugu jiray dhimasho iyo dhaawac. Sida aan Wararka ku helnay Weerarka ayaa ka dhacay Isgooska Folorenza ee Degmada Wardhiigley, kooxaha hubeesan ayaana rasaas ooda uga qaaday gaari ay la socdeen shaqaalo katirsan Wasaarada Maaliyada gaar ahaan kuwa canshuuraha ka qaada Degmooyinka gobolka. Inta la xaqiijiyay waxaa weerarkan ku dhintay darawalkii waday gaariga la weeraray, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay weerarkan labo qof oo gaariga saarnaa iyo qof kale oo shacab ahaa oo ka agdhawaa…
Alle ha u naxariistee Nuur Faarax Xirsi ayaa xalay magaalada Muqdisho ku geeriyooday oo ahaa Wasiirkii Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumaddii hore uu Ra’isul Wasaaraha ka ahaa Cumar C/rashiid. Wasiirka ayaa muddooyinkan ku xanuunsanayay magaalada Muqdisho waxa uuna yaalay Isbitaalka Digfeer halkaas oo lagula tacaalayay xanuunkiisa. Waxaa lagu wadaa in maanta lagu aaso magaalada Muqdisho Wasiirkii Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Nuur Faarax Xirsi, waxaana aaska ka qeyb gali doono mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo ku hadlaya magaciisa iyo magaca Golaha Xukuumada ayaa ka tacsiyadeeyey geerida Nuur Faarax Xersi…
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda F. Soomaaliya Mudane Eng. Mahdi Axmed Guuleed oo weheliyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Yuusuf Garaad Cumar iyo Mas’uuliyiin kale ayaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Muqdisho, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Jamhuuriyadda an walaalaha nahay ee Turkiga Mudane Veysi Kaynak. Labada Ra’iisul Wasaare ku xigeen ayaa wadajir u booqday xarunta Bisha Cas ee Turkigu ku leedahay Muqdisho, halkaas oo Maamulka Gobolka Banaadir uu ku wareejiyey Gaadiid iyo agab kale oo loogu talagalay in kor loogu qaado Bilicda Caasimadda Muqdisho. Mudane Veysi Keynak ayaa sidoo kale kulan gaar ah la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, waxana…
Saxiixa heshiiska waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka howlaha guud, madaxda sare ee hay’adda PHA, Masuuliyiinta shirkadda Isxilqaan iyo saraakiil ka socotay hay’adda GIZ oo mashruucan masuul uga ah midowga yurub iyo dowladda Jarmalka. Shirkadda ku guulasatay qandaraaska ayaa si deg deg ah u bilaabi doonta dhismaha wadadan dhererkedu yahay 80km oo u dhexeysa Xarfo iyo tuulo jalam, waxaana ku baxay lacag gaaraysa 6 milyan oo dollar oo ay bixiyeen midowga yurub. Shacabka Puntland iyo kan guud ee Somaliyed ayay wadadan muhiim u tahay isku socodkooda,waxaana laga war dhawrayay in mudo ah bilaabida dib u dhiska wadadan. Inkastoo dib udhiska wadada…
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/pQUqNA-IR2c
Gelinkii dambe ee maanta ayaa damb xoogan waxaa uu qabsaday qeybo kamid ah suuq Bacaad oo ku yaala degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir isla markaana ah suuqa labaad ee ugu weyn magaalada Muqdisho. Dabka ayaa la sheegay in uu wax yeelo u geystay ilaa Lix dukaan oo ku yiiley suuqaas, iyadoo sababta dabka dhalisayna maamulka degmada ay ku sheegeen cilad koronto. Ilaa iyo hadda laga soo sheegin wax khasaare nafeed oo dabkaas uu geystay marka laga soo tago hantida uu baabi’iyay dabkaas. Gaadiidka dab-damiska ee dowladda Hoose ee Muqdisho ayaa gaaray suuqa dabka uu ka kacay…
Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa wacad ku maray in xukumaddiisa ay la dagaalami doonto musuq maasuqa. Hadalkan ayuu Md. Kheyre ka sheegay xaflad ay xilka ku kala wareegayeen Wasiirkii hore ee Maaliyadda Mudane Maxamed Adan Ibraahim Ferkeeti, iyo wasiirka cusub ee wasaaraddaasi Cabdiraxman Ducaale Bayle. Halkan ka dhagayso codka Rw khayre
Shiinaha ayaa mamnuucis garka iyo xijaabka ah ku soo rogay gobolka ku yaalla galbeedka fog ee Xinjiang, wax lagu tilmaamay olole lagula dagaallamayo islaamiyiinta xagjirka ah. Talaabooyinkan waxaa ku jira in la mamnuuco in raggu gar “aan caadi ahayn” ay daystaan, xijaabka oo lagu xirto goobaha dadweynaha iyo in la diido daawashada TVga. Xinjiang ayaa ah meel ay ku badan yihiin dadka Uighurs, oo ah dad Muslimiin ah oo sheega in la faquuqayo. Sanadihii u dambeeyey ayaa waxaa gobolkaas ka dhacay dagaallo uu dhiig ku daatay. Xukuumadda Shiinaha ayaa rabshadaha ku eedeysay mintidiin islaamiyiin ah iyo gooni-u-goosato. Laakinse kooxaha u…
AMMAN — The 28th Arab summit meeting held on Wednesday at the Dead Sea concluded with a message of peace, full support for Palestine and a call for pan-Arab solidarity in the face of challenges. The summit also saw mending of fences between key Arab states. In his closing remarks, His Majesty King Abdullah, who presided over the meeting after receiving the rotating presidency from Mauritanian President Mohamed Ould Abdel Aziz, voiced appreciation for all participants, whom he said have shown keenness to make the summit a “success” in light of the challenges that the region is going through. “We…
The Special Representative of the UN Secretary-General (SRSG) for Somalia Michael Keating welcomed the overwhelming vote on Wednesday by the Federal Parliament that approved the cabinet appointed by Prime Minister Hassan Ali Khaire earlier this month. The newly installed 27 cabinet Ministers include six women, the largest number of female ministers ever to be named to a federal government cabinet. Mr. Keating said this represented another positive step towards empowering Somali women in the political affairs of their country. Twenty-four per cent of the seats in Somalia’s tenth parliament were occupied by women during the recently concluded electoral process. SRSG…
Halkan ka daawo muuqaalka 1aad https://youtu.be/Vej3PDU9ebc Halkan ka daawo muuqaalka 2aad https://youtu.be/TkbKeWjoqBU Halkan ka daawo muuqaalka 3aad https://youtu.be/_XU78TImYK8
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/GC1rKpaf5QI
Madaxwaynaha dalka Maraykanka ayaa saxiixay amar cusub oo looga gon leeyahay in lagula dagaalamo ganacsiga dibada islamarkana hoos u dhigaya isu dheelitirnaan la’aanta ganacsiga. Madaxwaynaha ayaa waxa uu ku dhawaaqay dib u habayn lagu samaynayo waxyaabaha sababa isu dheelitirnaan la’aanta ganacsiga gaar ahaan Shiinaha iyo Maraykanka. Isbuuca soo socda ayaa lagu wadaa in madaxweyne Donald Trump uu la kulmo madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping, waxayna ku kulmi doonaan gobolka Florida. Donald Trump ayaa intii uu hayay xilka madaxweynenimada Maraykanka waxa uu saxiixay go’aano muran weyn dhaliyay si adagna loo dhaliilay. Shiinaha ayaa waxa uu ka mid yahay wadamada sida weyn ganacsi…
Xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya ayaa arbacadii ansixiyey xukuumadda cusub ee uu dhowaan soo dhisay ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre. 224 ka mid ah xildhibaanada baarlamanka ayaa ogolaaday xukuumadda, waxaana diiday 15 xildhibaan, halka ay ka aamuseen 2 xildhibaan. Hoos ka dhagayso codka dood laga qabtay ansixintaas, Halkan ka dhagayso codka dooda
Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa shalay soo gaaray magaalada Muqdisho, iyadoo uu sii xoogeyanayo xiisada u dhaxeysa maamulkiisa iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya, kaddib markii uu dhowaan eedeyn u jeediyay dowladda Federaalka. Cali Cosoble ayaa mar kale fariin u muuqatay mid siyaasadeed u diray dowladda Federaalka, isagoo sheegay in Hirshabeelle ay leedahay Deked, isla markaana dhowaan la howl geli doono. Waxaa uu sheegay in dhowaan ay shaqo bilaabi doonto Dekeda Ceel Macaan, ayna u shaqeyn doonto sida dekedaha kale ee ku yaala dalka. “Hirshabeelle Deked ayay leedahay, waa Dekeda Ceel Macaan, xafiis haku yaalo, ama…
Dowlada Japan ayaa markale u soo dirty maraakiib dagaal iyo ciidamo xeebaha dalka Soomaaliya kadib markii dhowaan lagu afduubtay markab xeebaha Soomaaliya. Ciidamadan iyo maraakiibta dagaalka ayaa qeyb ka ah mashruuca la dagaalanka burcad badeeda, todobaadyadii lasoo dhaafay ayaa si weyn loo hadal hayey dib usoo noqoshada kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida ee qaafaasha Maraakiibta maraya biyaha caalamiga ah iyo xeebaha Soomaaliya. Japan ayaa kamid ah dalalka dhaqaalaha siiya maamulada ka jira dalka Soomaaliya, waxayna horey sidan oo kale ciidamo iyo maraakiib dagaal ugu soo direen gacanka cadan, wallow inta badan ciidamada caalamiga ah ee ku sugan xeebaha Soomaaliya…
Muqdisho, April 1, 2017——Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa saaka ka qeybgalay munaasabad uu xilka kula wareegayay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Maaliyadda mudane Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, kaasoo xilka kala wareegay Wasiirkii hore ee Wasaarada Mudane Maxamed Aadan Fargeeti. Ra’iisal Wasaaraha ayaa munaasabadan ka hadlay ayaa u mahadceliyay madaxdii hore ee Wasaaradda Maaliyadda, wuxuuna ammaanay dadaalkoodii iyo heeka ay soo gaarsiiyeen Wasaaradda Maaliyadda oo suurtageliyay in dhismaheedii ay dib ugu shaqo bilowdo burburkii kadib. Sidoo kale, Ra’iisal Wasaaraha ayaa dardaaran adag u jeediyay Wasiirka cusub Dr. Beyle iyo kuxigeenadiisa, waxa uuna kula dardaarmay inay…
Sida ay sheegtay Wakaaladda wararka Routeres barlamaanka dalka Jarmalka ayaa maalintii Khamiista meel mariyay qaraar muddo sanad ah loogu kordhinayo tababarayaasha u dhashy dalka Jarmalka ee jooga Soomaaliya. Barlamaanka Jarmalka ayaa sidoo kale ogolaadey in ilaa iyo 20 askari oo dheeraad ah loo soo diro Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan tababarka ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya. Dowladda Jarmalka waxaa Horey Soomaaliga uga Joogey ilaa 11 Askari oo tababarayaal ah kuwaasoo qeyb ka ahaa tababarka Ciidamada Soomaaliya oo la dagaalamaya Malleshiyaadka argagixisada Shabaab oo falal gummaad ah ka geysta Soomaaliya. Barlamaanka Jarmalka ayaa Go’aankan lagu kordhinayay Waqtiga tababarayasha ku sababeeyay…
Maxkamad ku taalla dalka Mareykanka ayaa laba Haween Soomaaliyeed ah oo lagu soo oogay iney dhaqaale u uruurinayeen Maleeshiyada Al-shabaab ku riday xukun Xabsiyo dhowr iyo toban sano ah. Labadan Haween ay Maxkamadda xukunka ku riday ayaa lagu eedeeyay in ay baraha bulshada wadaagto ka sameeyeen qol lagu sheekeysto oo lacago loogu aruuriyo maleeshiyaadka Al-Shabaab. Labada Haween ee la xukumay ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Muna Cismaan Jaamac, oo 36-jir ah, iyo Hinda Cisman Dhiirane, oo 46-jir ah. Maxkamadda ayaa Muna ku xukuntay 12 sano oo xabsi ah, halka Hinda lagu xukumay 11 sano oo xabsi ah. Qareenada Difaacaya Muna…