Author: Jibril Qoobey

Jaaliyadda Soamida ee Dalka Uk degan ayaasiw eyn usoo dhawaysay wasiirka Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dalka Canada. Munaasabad balaaran oo loogu sameeyay magaalada London ayaa wasiir Axmed Xuseyn waxuu ka Jeediyey Khudbad aad u Qiimo badan oo soo jiidatay bulshadii iskugu timdi munaasabadaas.   ”Wiil Sodon Jir ah oo Hooyadii ay Leedahay Sharabaadka (Socks) ayaad Ilowday, Way Bahdilaysaa arintaasi, Caruurta Marka ay yaryihiin Ha lagu dhiiri geliyo inay wax qaban karaan ”hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/agY5WSp_aI0

Read More

Ilo ku dhow dhow Xafiiska Ra’isul wasaaraha ayaa xaqiijiyay in Ra’isul wasaaraha uu Beelaha qaar tusay shaxda Golaha Wasiirada. Inkastoo Shaxda ay tahay mid isbedeli karta ayaa waxaa hadana loo dhigay sida tan: Beesha Hawiye 1-Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ahna RW ku xigeen Maxamed Abuukar Islow Ducaale ( Abgaal , Harti , Obokar ) 2-Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga C/raxmaan Awsaciid ( Xawadle ) 3-Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/xakiin Macallin Axmed ( Habargidir , Ceyr ) 4-Wsiirka Dib u heshiisiinta iyo Jaaliyadaha Eng C/qaadir (Gaaljecel) 5-Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga Khaliif Cabdi Cumar ( Gugundhabe Baadicadde ) 6-Waziirka Amniga Gudaha…

Read More

Tukashada salaada iyo isu-soobaxa ayaa waxaa ka qeybgalay ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, xubno ka tirsan xukuumaddii dhacday, culumaa’uddiinka iyo qeybaha kale ee bulshada iyo ardayda iskuulada. Madaxweynaha Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka baaqday ka qeybgalka alle barigaan oo uu isagu ugu baaqay  in laysugu soo baxo. Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo gaba gabado alle barigaan la hadlay dadka ka soo qaybgalay ayaa tilmaamay in Abaaraha ka jira dalka ay la xariiraan Musuq maasuqa iyo Qabyaalada Baahsan eek a jira dalka iyo dadka Soomaaliyeed dhexdooda.hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/YjXVm0rmetg

Read More

Saraakiisha ammaanka ee Somaliya ayaa sheegay in koox burcad-badeed soomaali ay badweynta India ka afduubteen Markab weyn oo nooca shidaalka qaada ah . Saraakiishan ayaa sheegay in markabkan lala aaday xeebaha Puntland. ILA-wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa  sheegaya in markabkan uu ahaa mid ganacsi ah oo watay calanka dalka Imaaraadka. Wararka qaar ayaa intaasi ku daraya in markabkan loola kacay dhinca xeebta Raas-Casayr,hoos ka dhagayso cdoka oo faahfaahsan. Halkan ka dhagayso codka Afduubak Markabka

Read More

Baarlamaanka Ingiriiska ayaa ansixiyey sharciga qabyada ah ee ay Britain uga baxayso midowga Yurub. Talaabadan ayaa dhabbaha u xaaraysa in xukuumaddu ay billowdo hirgalinta qodobka 50aad, si UK ay uga baxdo midowga Yurub. Mudaneyaasha aqalka sare (House of Lords) ayaa ka haray arrimaha la xiriira xaqa degganaanshaha ee midowga Yurub iyo cod bixin wax-ku-ool ah oo ku saabsan heshiiska kama dambaysta ah ee ka bixitaanka. Arrintan ayaa waxaa yara cakiray ku dhawaaqidii ay xukuumadda Scotland ku dhawaaqday inay qorshaynayso qabashada afti labaad oo ay madax banaani kaga qaadanayso UK. Sharciga qabyada ah ayaa la filayaa in boqoraddu ay si rasmi…

Read More

Maalmo ka hor ayay ahayd markii Ciidamo sheegtay in mushahaar la’aan haysa awgeed ay qabsadeen labada kayntarool ee magaalada Garowe,inkastoo wasaarada Maaliyada Puntland ay ka hortimid sheegashada Ciidamada si waadixana u sheegtay in aysan jirin wax mushahaar ah oo ka maqan Ciidamada qaska abuuray.   Ciidamadan oo ka tirsan Kumaandooska Puntland ayaa markii danbe waxaa talaabadoodii soo afjaray waxgaradka Gobolka nugaal qaybo ka mid ah oo ka hawlgalay.   Hadaba talaabadaas ay Ciidamadu ku qabsadeen kayntaroolada Magaalada iyo Golaha Baarlamaanka saamyn intee le’eg ayay ku yeelatay caasimada caanka ku ahayd amniga iyo bilicda ee Garowe:-     B.Hoos dhac weyn…

Read More

Dawdar garanwaayay derejadii uu Eeebbe siiyey oo daydday ahoo dawgiisii ka habaabay, ayaa lagu yidhi: “Kacoo taashkan xidho oo hoggaamiye u noqo duulkan saboolnimada iyo aqoondarrada isugu darantay!” Daf intuu yidhi, ayuu taajkii isku taagay. Degdeg buu dagaal iyo dirsoocnimo u billaabay. Dadweynihii danwadaagta ahaa ee walaalnimada u wada degganaa ayuu kala didin, dirsoocnimo iyo dadqalnimo ugu dhaqaaqay. Halkuu daryeelka dadweynaha ka shaqeeyn lahaa, wuxuu u dhaqaaqay, gurubsi iyo daldalasho doollar, xatooyo iyo xantoobsi xoolo dadweyne, xaraash bad iyo beriba leh iyo laaluush bixin. Guyaal goortii la joogay ayuu Dulmiye haadaan ka duulay. Kol uu dultaaganyahay ceel uu joogto uga…

Read More

Dowladda Puntland ayaa lagu wadaa inay maxkamadayso Tvga maxaliga ah ee Universal oo ay dhowaan dowladdu shaaqadii ka joojisay xafiisyadiisa Puntland kadib markii uu baahiyey warar kadhan ah jiritaanka Puntland. Maxkamadaynta oo Garoowe kadhacaysa ayaa waxaa Tvga u doodi doona qareen madax banaan, waxaana lagu soo oogi doonaa dacwado la xiriira muuqalo lagu kicinayo shacabka Puntland. Qaar badan oo kamid ah shacabka Puntland ayaa baraha bulshada ku muujiyey in dowladdu ayba ka soo gaabisa shaqa joojinta Tvga oo baahiyey warar iska horkeen ah.hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/rX_y7qWsbkM

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa maanta kormeer howlleed ku tagey xarunta isku xirka gurmadka Abaaraha u qaabilsan Qaramada Midoobay, wuxuuna warbixino ka dhageystay qaar ka mid ah Hay’addaha gacanta ku haya xog-uruurinta xaaladihii ugu danbeeyey ee Abaaraha ka jira dalka.  Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa kala hadlay Hay’addaha Qaramada Midoobey in la mideeyo isla markaana la isku dheeli-tiro habka gargaarka loo gaarsiinayo deegaanada abaaruhu ka jiraan, lana wadaago macluumaadka ku saabsan meelaha ugu daran ee u baahan gargaarka degdegga ah, gaar ahaan dawladda iyo Qaramada midoobey, maadaama ay jiraan dadaalo kale oo gurmad…

Read More

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa cambaareeyey qaraxyada saaka ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, kuwaasoo ka kala dhacay agagaaraha Warshadii hore ee Nac-naca oo fariisin u ah ciidamo ka tirsan kuwa XDS iyo qaraxa labaad ee lala beegsaday hotelka Wehliye.  Ra’iisal Wasaaraha ayaa sheegay inay tahay wax laga xumaado inay jiraan weli kooxo nabadda diidan isla markaana u ooman daadinta dhiiga shacabka. “Waxaan aad uga xumahay falalkan qaraxyada ah ee lagu dhibaateynayo shacabka Soomaaliyeed, waxaana ballan qaadayaa inaan xoogeena isugu geyn doono sidii aan gacan adag ugu qaban laheyn kooxahaan u ooman daadinta…

Read More

Wafti maqaabkiisu sareeyo ayaa  ka soo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Qardho,waftigan ayaa ka kooban masuuliyiin sar sare oo ka tirsan Qaramada Midoobey iyo masuuliyiin ka tirsan Puntaldn oo uu hogaaminayo Wasiirka Arimaha Gudaha Puntland Axmed karaash. Waftigan ayaa kala ah:- Valerie Guarnieri Madaxa WFP ee Bartmaha iyo Bariga Qaaradda Afrika Ramiro Lopes da Silva  Kaaliyaha Agaasimaha WFP Laurent Bukera, madaxa WFP ee Soomaaliya Amor ALMAGRO Xafiiska warfaafinta ee WFP,  Public Information Officer Jonathan Dumont: Madaxa Telefishanka iyo xiriirka Karel oo ahaa sawir qaade Waftigan ayaa waxaa kusoo dhaweeyay garoonka Diyaaradaha ee Magaalada qardho maamulka Gobolka kan Degmada,hoos ka…

Read More

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta kumeelgaarka ah ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa sheegaya in qof isku soo xiray waxyaalah qarxa uu  gelinkii dambe ee maanta isku qarxiyay bartamaha magaalada Kismaayo. Qaraxan ayaa ku dhintay shakhsigii watay oo kaliya mana jirin waxyeelo kale oo ka dhashay sida dadka deegaanka xaqiijiyeen. Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in qaraxan uu ka dhacay afaafka hore ee Masjidka Xaaji Jaamaca ee Xaafada Faanoole,waana meel mashquul badan halkaasi oo isgoys gaadiidka iyo dadkuba ku badan yihiin ah. Ma jirto cid sheegatay qaraxan hase yeeshee waxaa aad uga naxay dadka ku noolmagaalada Kismaayo iyadoo magaaladaas…

Read More

Munaasabada dhaarta golaha wasiirada ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdulahi Cosoble,Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Xuseen iyo guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle Shiikh Cismaan Barre Maxamed iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Hirshabeelle. Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Cosoble oo ka hadlay munaasabadan ayaa waxa uu soo bandhigay qorshaha dowladiisa ee afarta sano ee soo socota. Hadal gaaban oo uu jeediyay golaha wasiirada ee la dhaariyay ayuu Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdulaahi waxaa kula dardaarmay inay waajibaadkooda shaqo ka soo dhalaalaan isla markaana ummadooda ay ugu adeegaan cadaalad iyo sinaan. Sidoo kale munaasabada dhaarinta ayaa waxaa ka hadlay guddoomiyaha…

Read More

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho oo saakay uu ka dhacay qarax xoogan oo lala aeegtay  ayaa Gaari nooca loo yaqaan Hilux oo yaalay afaafka hore ee Hotelka Wehliye. Gaariga ayaa la sheegay in uu lahaa Wasiirka Kaluumeysiga Maxamed Cumar Ceymoy , waxaana wararku sheegayaan in Wasiirka uusan xiligaasi gaariga saarneen. Qaraxa ayaan wali la ogeyn in bartilmaameedkiisu ahaa Hotelka Wehliye iyo in lala damacsanaa gaariga uu lahaa Wasiirka Kaluumeesiga , mana jiro ilaa hada wax faah faahin ah oo masuuliyiinta dowlada ka bixiyeen qaraxaasi. 8-qof oo u badnaa dad shacab ah ayaa ku dhintay qaraxa ismiidaaminta ah ee ka dhacay…

Read More

Wasiiro, Maamulka G Nugaal, Maamulka Degmada Garoowe, Waxgaradka G Nugaal iyo Saraakiisha ciidamada Puntland ayaa kormeeray Kontoroolka Koonfureed ee magaalada Garoowe. Kulankan oo looga hadlayay arrimaha Amniga iyo xal ka gaarida gadood koox ciidamo ah oo gadood ka sameyeye Kontoroolka Koonfur ayaa ka dhacay Isla Kontorolka, waxaana intii uu socday shirkan looga hadlay arrimahan. Nabadoonada & Waxgaradka gobalka Nugaal ayaa si kulul u beeniyey warar la baahiyey oo ku saabsanaa Amniga magaalo Madaxda dawladda Puntland, wuxuuna sheegay in ay xili kasta ka shaqeynayaan nabadda oo ay dawladda uga dambeynayaan. Agaasimaha Hay’adda La dagaalanka Musuqmaasuq & Asasteynta Maamul-wanaaga Cabdiraxmaan Cali Guureeye…

Read More

Qaar ka mid ah shaqaalaha dekedda Berbera ayaa saaka sameeyay shaqo joojin iyo mudaharaad ay kaga cabanayaan Shirkadda DP World ee la wareegtay dekaddaasi 1-dii bishan Maarso. Madaxa qaybta gaadiidka iyo qalabka raridda iyo dejinta ee dekedda Berbera, Xuseen Nuur Cabdi, ayaa isna sheegay in madaxa shirkadda DP world ee dekedda uu si xun ula dhaqmay shaqaalaha. Waxa uu sheegay in uu shaqaalaha ku amray in ay mushaar yar ku shaqeeyaan, haddii kalena uu kuwo ajaanib ah keensanayo. Wuxuu intaa ku daray in shaqaalaha qaarkood la xirxiray, rasaasna lagu riday. Shirkadda DP World ayaan weli ka hadlin cabashada shaqaalahan,hoos ka…

Read More

In ka badan 150 ruux ayaa la sheegay in ay goobta uu shilku ka dhacay ay ku sugnaayeen, waxaana wali la la`yahay tiro dad ah oo la rumeysan yahay in ay ku hoos jiraan qashinka soo dumar. Dadkan ayaa ahaa kuwo qashinka ka qaraabta, waxaana ay u badnaayeen dumar iyo carruur. Goobta uu shilku ka dhacay ayaa ah goob qashinka la keeno oo lagu farsameeyo, waxaana qashinkaasi soo dumay uu aasay ilaa 30 guri oo macmal ah kuwaas oo ay dhisteen dadka qashinka ka qaraabta. Goobtan oo lagu magacaabay Koshe Garbage ayaa waxaa ay muddo 50 sano ah qaabileysa qashinka magaalada…

Read More

Ugaaska guud ee Beesha Cali Xijiijle ee Maxamed Harti ayaa Saakay oo ay tariikhadu tahay 12.3.2017 waxaa lagu Caleemo saaray Magaalada Bosaso. Ugaaska Beesha Cali Xijiijle ee saakay la caleemo saaray ayaa ku yimi Baahi ka timi dhinaca dhaqanka Beesha iyo guud ahaan beelaha kale ee Deegaanka. Caleemasaarakan ayaa ka dhacay Hotel Gacayte Bosaso,iyadoo ay ka soo qayab galeen Xeer beegti iyo marti sharaf fara badan oo ay ka mid ahaayeen  nabadoono, isimo, siyaasiyiin, waxgarad, dhalinyaro,haween, aqoonyahano, culimo’udiin, xubno ka tirsan golaha wasiirada Puntland, saraakiil, xildhibaanada golaha deegaanka degmada Bosaso iyo marti sharaf kale oo aad u badan.

Read More

Taliyaha ciidanka XDS S/Gaas Maxamed Aadan Axmed ayaa beeniyay oo waxba kama jiraan ku tilmaamay warar lagu faafiyay warbaahinta qaar oo lagu sheegay in uu iska casilay shaqada uu u hayo Qaranka.  S/Gaas Maxaed Aadan Axmed taliyaha ciidanka XDS ayaa Radio Muqdisho u sheegay in wararkaasi ay yihiin been aan sal raad laheyn, isagoo tilmaamay in warkaasi ay faafiyeen shaqsiyaad dano gaar ah leh, kana soo horjeeda hore u socoshada howlaha ciidanka XDS. Taliyaha ayaa intaasi ku daray in lala xisaabtami doono kuwa faafinaya dacaayadda raqiiska ah ee liddiga ku ah madaxda Qaranka Soomaaliyeed,. isagoo hoosta ka xariiqay in uu…

Read More

Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed C/laahi “Farmaajo”, ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay Toddobaadkaan gudihiisa sameeyaan isu soo baxdyo Alle bari iyo Roob doon ah.  Madaxweyne Farmaajo oo ay wehliyaan Wasiirrada Warfaafinta, Diinta, guddoomiyaha gobolka Banaadir, agaasimeyaal ka socda wasaaradaha qaar iyo Culimada Soomaaliyeed qaarkood, ayaa shir saxaadeed uu ku qabtay xafiiskiisa uga hadlay xaaladda abaaraha daran ee dalka ka jira. Madaxweynaha, ayaa sheegay in xaaladda abaarta ay la socdaan cudurro halis ah,  isla markaana dadka ay bilaabeen in ay ka soo baraxaan gobollada ay dhacdooyinkaasi ka taagan yihiin, waxa uu boggaadiyey dedaallada ay wadaan Ra’iisul wasaaraha iyo guddiga Qaranka…

Read More

France-Paris : Xaflad lagu taageeraayo madaxda Cusub ee Somaliya oo magalada Paris lagu qabta. Waxaa xaflad aad iyo aad loo soo agaasimay oo halku dhig looga dhigay “TAAGERO ISBADEL IYO TAKULEEN DAD” lagu qabtay magaalada Paris ee Caasimada Dalka France. Xafladaan ayaa aheyd mid si gooni ah taageero logu mujinaayay Madaxweyne Maxamed Cabdulahi Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheere, waxaana soo agaasimay Jaaliyada Soomaaliyeed ee Dalka France. Dadweynihii xaflada ka soo qeybgalay ayaa isugu jiray Culumaa’udiin, Siyaasiyiin, Ganacsato, Haween, Fanaaniin, Arday iyo Dhalinyaro kuwaas oo dhamaan kawada tirsan Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalka France. Gen. Gaani Maxamud Xaaji…

Read More

Ousted South Korean President Park Geun-hye left the presidential palace on Sunday evening, two days after the country’s Constitutional Court removed her from office over a massive corruption scandal. South Korean television showed Park’s motorcade leaving the Blue House and heading for her private home in southern Seoul, where hundreds of police officers, reporters and supporters were gathered in anticipation of her arrival. The Constitutional Court formally removed Park from office on Friday, upholding an impeachment motion filed by lawmakers in December amid suspicions that she colluded with a confidante to extort money and favors from companies and allowed the…

Read More

A man has climbed onto the roof of the Dutch consulate in Istanbul and replaced the Netherlands’ flag with the Turkish one. Television footage shows a man standing on the roof of the building shouting Allahu Akbar, Arabic for “God is great.” A small group of men holding Turkish flags are seen outside the consulate shouting “Damn Holland” and “Racist Holland.” The incident occurred Sunday morning amid escalating tensions between the two NATO allies after the Netherlands barred two Turkish ministers for campaigning for an upcoming referendum on Saturday. Private Dogan news agency reports the consulate later took down Turkey’s…

Read More

Ciidan ka tirsan Milatariga Soomaaliya oo Gadoodsan ayaa Maanta Xiray Isgooyska KM-4 illaa Warshaddii hore ee Nac-naca ee Magaalada Muqdisho. Ciidamada ayaa la sheegay in ay ka Cabanayaan Mushaar la’aan,waxaana ay Gaadiidka u diideen in ay Isticmaalaan Meelaha ay Xirteen. Ma jirto wax War ah oo ka soo baxay Saraakiisha Ciidamada Dowladda gaar ahaan kuwa Milatariga Soomaaliya oo ku aadan Ciidanka Maanta Gadoodka ka sameeyay Qeybo ka mid ah Muqdisho.

Read More

Farsamiyaqaan ka mid ah shaqaalaha Tvga Universal xarunta Magaalada Muqdisho ayaa ku dhawacmay qarax loogu xiray Gaarigiisa xilli uu ku sugnaa degmada xamarweyne ee Gobolka Banaadir.  Wariyahan lagu magacaabo Cabdixamiid Maxamed “Karsaay” ayaa dhaawaciisu yahay mid culus,waxaana hada lagu dabiibayaa mid ka mid ah Xarumaha Caafimaadka Magaalada Muqdisho. Ciidamada amniga iyo kuwa Nabad Suggida oo gaaray goobta ay wax ka dhaceen, ayaa halkaasi hadda ka wada Baritaano ku saabsan qaraxaasi iyo nooca uu ahaa.

Read More

Madaxweynaha dalka Turkiga  Recep Tayyip Erdogan  ayaa dowladda  Dutch-ka ku dhaleeceeyay go’aanka ay ugu diiday in ay dalkeeda ka degto duyuurad sitay wasiirka arimaha dibadda ee Turkiga  Mevlut Cavusoglu.  Hadalkan ayuu ka sheegay madaxweyne Erdogan xaflad caleemo saar oo maanta oo Sabti ah ka dhacday magaalada Istanbul, isagoona xaqiijiyay in duyuuradda uu la socday Mr. Cavusoglu laga hor istaagay in ay caga dhigato dalka Netherland. “Sidee duulimaadyada diblomaasiyiintiina ku imaan karaan halkan kadib markii aad wasiirkeeda arimaha dibadda u diideen ogolaansha?”  ayuu Erdogan su’aalay madaxda Dutch. “Ma yaqaanaan siyaasada ama diblomaasiyadda caalamiga ah. Kuwani waa dhaqankii Naziyiinta, waana Fajiistiyaal,” ayuu…

Read More

Ra’isul wasaaraha Dowladda Fedraalka Soomaliya iyo Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ayaa si wadajir ah u dhagax-dhigay Dhismaha cusub ee Xarunta Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee Dowladda Soomaliya oo laga hirgelinayo nawaaxiga Madaarka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.  Waxaa ka qeyb galay Munaasabadda Dhagax dhigga Mas’uuliyiin uu kamid ahaa Wasiirka Amniga Dowladda Federaalka Mudane C/risaaq Cumar Maxamed, Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee Dowladda Mudane Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi ) Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, saraakisha NISA, Guddoomiyaha Degmada Waabari iyo Masuuliyiin kale. Waa markii ugu horreysay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee Dowlada Soomaliya yeelato Dhul ay  leedahay iyadoo horey…

Read More

Maanta waxay Dawlada Puntland daahfurtay biyo dhaamis loo samaynayo Dadka abaarta la ildaran. Biyo dhaamsikan ayaa gaaraya 12000 kun oo Fuusto (laba iyo toban kun oo fuusto). Waxaa fulinaysa biyo dhaamiskan Hay’ada Puntland u qaabilsan Biyaha ee Psaweyn. Dhanka kale waxay Dawladu soo bandhigtay Gaadiid loogu talagalay Biyo dhaamintaas oo Booyado ah, Gaadiidkan waxaa lagu soo gaday lacagtii dhawaan laga helay Gudiga abaarta ee heer fadaraal taasoo gaaraysay 150.000 oo Dolar. Waxa lasoo banhdigay oo saxafada horteeda ay ka cadeeyeen gancsatadii qandaraaska soo iibinta Gaadiidkan la siiyay qiimaha uu ku kacay halkii Gaari,sidoo kale waxaa cajiib ahayd in goobta laga…

Read More

Qaybo ka mid ah waxgaradka  Gobolka Nuugaal ,gaar ahaan kuwa Beesha Ciise Maxamuud ayaa si adag uga hor yimid isbaarada ay dhigteen Ciidamada lasoo abaabulay ee lagu sheegay in ay mushahaar la’aan yihiin. Odoyaasha hadlay ayaa yiri”waxaan leenahay Ciidanoow idinkoo u dhaartay difaaca Puntlad ma ahayn in aad idinku isbaaro u dhigataan oo jidgooyo ku samaysaan dadkii awalba abaartu baabi’isay ee ahaa Hooyooyinka iyo caruurta” ”Ciise lalama shaqayn karo oo laguma shaqayn karo garowe mahan sax waxa dhacayana mahan wax Ciise ka yimid ee waa waxmayaqaan ficilkiis,mushahaar la’aan mahan waxa askartan la qaylinayso ee waxkalaa jira”ayuu yiri mid ka mid…

Read More

85 xildhibaan ayaa soo xaadirtey kulankan, iyadoo 71 ay ansixiyeen golaha wasiirada cusub, sida uu sheegay Guddoomiyaha Baarlamaanka. Hase ahaatee qaar ka mid ah Xildhibaanada Hirshabeelle ayaa kulanka isaga baxay, kadib markii uu buuq ka dhashay qaabka codeynta mooshinka oo Guddoonka sheegay in gacanta loo taago. Xildhibaanada qaar ayaa sheegay in mugdi uu ku jiro qaabka ansixinta oo aheyd mid gacan taag ah, isla markaana tirada joogtay kala bar ay ahaayeen xildhibaanada ka soo horjeeday Golaha Wasiirada in la ansixiyo. Golaha wasiirada oo ka kooban 52 ruux oo isugu jira wasiiro,wasiir ku xigeeno iyo wasiiru dowlayaal ayaa 35 ka mid ah…

Read More

Once an Al Shabab leader, Sheikh Hassan Dahir Aweys now lives in legal limbo, a case study in Somalia’s stumbling search for stability. MOGADISHU, SOMALIA—A man who has been called everything from a terrorist, a visionary, a clan elder, a religious scholar, a killer and a statesmen greets me on his driveway with a wave and a grin. Sheikh Hassan Dahir Aweys seems eager for visitors. House arrest does not agree with those who pride themselves as leaders, not captives. It has been a decade since our last interview in Mogadishu, when he was the spiritual head of the Islamic…

Read More

Howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa qirtay in qorshaha iminka ee isku haleeya kaliya weerarada milatari ee ka dhanka ah Al-Shabaab ay suurtagal tahay inuusan ku guuleysan hadafyada laga leeyahay ee ah inuu Soomaaliya u horseedo xasilooni waarta. Wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya Francisco Madeira, ayaa ku baaqaya in la kordhiyo ciidamada Amisom, si dowladda cusub ee Soomaaliya iyo ciidamadeeda amniga gacan looga siiyo inay xukumaan goobaha horey looga xoreeyey Al-Shabaab. Madeira ayaa sheegay in ciidamada ammaanka Soomaaliya ay xaaladda iminka ay ku sugan yihiin aysan awood u lahayn inay ka taliyaan goobaha Al-Shabaab laga xoreeyey. Isaga oo…

Read More

Halkan Hoose ka Akhri Liiska Dilalka Alshabaab geysatay oo ay soo daabacday:- February15, 2017 waxaa sidoo kale magaalada Muqdisho lagu dilay oday wax kasoo xulay xildhibaanada DF oo lagu magacaabi jiray Muuse Ilka-weyne. Dilka Muuse ayaa waxa uu ka dhacay Suuqa weyn ee degmada Wada-jir, sida ay xaqiijiyeen dad goob jog ahaa oo la hadlay war-baahinta maxalliga ah. February18, 2017 waxaa degmada Hodan ee magaalada Muqdisho lagu dilay Afhayeenkii hore ee Maamulkii Ximan iyo Xeeb Maxamed Cumar Hagafeey, kaasoo mudooyinkii dambe wada shaqeyn la lahaa DF. Hagafey ayaa waxaa lagu rasaaseeyay gaari uu saarnaa, waxaana dilkiisa sheegatay Xarakada Mujaahidiinta…

Read More

Ugu yaraan 70 qof oo laga soo tarxiilay Mareykanka ayaa dib loogu celiyay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Dadkaaasi ayaa muddo ku xirnaa dalka Mareykanka, sida ay qortay wakaaladda wararka ee Soomaaliyaa Sonna oo soo xigatay wasiirka amingaa gudaha ee Soomaaliya Cabdirasaaq Cumar Maxamed. Dadkaasi waxay dalbadeen in dib loogu celiyo Soomaaliya, sida Sonna ay ku qortay boggeeda internetka. Dhawaan ayay ahayd markii dad badan oo Soomaali ah laga soo tarxiilay Mareykanka, dibna loogu celiyay Muqdisho. Dadkaasi ayaa Muqdisho gaaray 25 January, oo ahayd afar maalmood ka dib markii Trump uu xilka la wareegay.

Read More

Lix gobol oo ka tirsan gobollada Mareykanka ayaa sheegay inay halgan sharci ah u geli doonaan sidi ay u joojin lahaayeen amarka labaad ee uu madaxweyne Donald Trump uga mamnuucay inay dalkan Mareykanka soo galaan muwaadiniinta lix wadan oo ka mid ah dalalka Islaamka. Gobolka Hawaii ayaa noqday kii ugu horeeyey ee dacwad ka gudbiya amarka Trump Arbacadi. Qareenada Hawaii ayaa ku dooday in amarka uu dhaawacayo muslimiinta ku nool gobolkan ku yaalla badweynta Pacific-ga. Shan gobol oo kale oo ay ka mid yihin Washington, Oregon, Minnesota, New York, iyo Massachusetts ayaa Khamiistii ku biiray dacwadda, waxanaa lagu wadaa inay…

Read More

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay soo daabeceyso lacag cusub oo naqshad cusub leh. Lacagtan cusub waxay noqoneysaa middii ugu horeysay tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya. Waxaa la sheegaa in Muddaddii burburka, dalka Soomaaliya la geliyay lacag been abuur ah oo dad kala duwan ay daabeceen. Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in lacagta hadda la isticmaalo “dhammaanteed ay tahay been abuur, suuqana ay laga saari doono.” Soomaaliya ayaa hadda si weyn looga isticmaalaa dollarka oo sababay sicir barar. Sanado badan, shilinka Soomaaaliga wuu sabeynayay, taas oo ay ka dhalatay dagaallada dalka ka jiray iyo lacagta oo…

Read More

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti Balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta 10 March 2017 safar shaqo ugu ambabaxay Dalalka Itoobiya iyo Imaaraadka Carabka, Kana duulay Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland. Madaxweynaha Iyo weftigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ee Boosaaso International Airport ku sii sagootiyey Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi, Masuuliyiin ka tirsan Goloyaasha Dawladda Puntland iyo sidoo kale saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dawladda Puntland. Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo lahadlay warbaahinta ayaa sheegay in safarka isaga iyo weftigiisu ay ku aadeen Dalalka Itoobiya iyo Imaaraadka Cabrabta uu la xiriiro…

Read More

“Dhergaa  waalan Dhedhenshaana  ka daran.” (Waa maahmaah  Soomaali ah.) Muddo  sii horeysey  Faarax  Cali Shire, wuxuu ka mid ahaa  dad  Soomaali ah  kuna soo galay qaxooti  dalka Austraaliya, gaar ahaanna Wuxuu salka dhigtay    degaanka magaalada Melbourne (State  of Victoria). Shaqo wuxuu ka bilaabay tagsi wadid, muddo ka dibna waa dadaaley, wuxuuna galay waxbarasho. Markuu dhammaystay  waxbarashadii  wuxuu noqday  shaqaale caadi  ah.  Soomaalida halkaan   joogta oo iska war qabtay, mushaarada Faarax kama badnayn kharashaadka  laga rabo:  Sida guri kiradi, kan teleefoonka, kan Biyaha,  Korontada, Interneetka, ganaaxyada iyo wiixii la mid ah. Si lama filaan ah Farah daruur biyeysan, ayaa…

Read More

Dowlada Soomaaliya ayaa qiratay in la jabsaday xafiiskii Hanti dhowrka qaranka ee ku yaalay madaxtooyada Soomaaliya isla markaana lagala baxay sir badan oo dowlada ukeydsaneyd. Dr. Nuur Faarax Jimcaale Hanti-Dhowraha Guud Ee Qaranka ayaa xaqiijiyey in la jabsaday xafiiskiisa waxuusa sheegay inuu faahfaahin ka bixin doono oo uu saxaafada la hadli doono. Dr Nuur ayaa sheegay in mashquul badan uu ku jiro balse mida uu xaqiijin karaa ay tahay inu xaqiijiyo jabsiga xafiiskiisa la jabsaday . Wararkii ugu dambeeyay ee aynu heleyno ayaa sheegaya in xabsiga la dhigay kku dhawaad 10 ruux oo loo haysto iney jabsadeen xafiiska waxaana kamid ah…

Read More

Madaxweyne Gaas iyo wafti xoog leh oo uu hogaaminayo ayaa u anba baxi doona  Dalalka itoobiya iyo Imaaraadka Carabta.   Madaxweynaha iyo waftigiisa ayaa ugu horayn tagi doona 15-ka bishan Magaalada Adis-Ababa ee Dalka Itoobiya,halkaas oo ay kula kulmi doonaan shirkad Shiinays ah oo ay kala saxiixan doonaan heshiis ku saabsan baaris macdanta iyo shidaalka Puntland ku jira.   16-ka bisha Madaxweyne Gaas iyo waftigiisu waxay ugudbi doonaan Dalka Imaaraadka Carabta gaar ahaan Magaalada Dubai,halkaas oo ay kula kulmi doonaan shirkada DP World oo ay horay ugu socdeen wada hadalo ku saabsan horumarinta Dekeda Bosaso.   Waxaa la filayaa in…

Read More

Maamulka Gobolka Mudug ee Puntland iyo maamulka xaafada baraxley ayaa si wada jir ah shir jaraa’id oo ay qabteen waxay ku sheegeen in ay si wadajir ah uga wada hawlgali doonaan dib u furida wadooyinka xiran, Hadaba shirkaas jaraaid sida uu dhacay isagoo faahfaahsan hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/GC83jxOw6Ys

Read More

Xaajood Xurmooyin   (Sheeko Gaaban)   Waxaa wada kulmay oo si kalsooni ku dheehantahay isu waraystay laba marwooyin oo saaxiibbo ahaa.   ”Baayo, i dhegeeyso! Horta ma ka heshaa ragga ardaallada ah?” Ubax ayaa rafiiqdeed, Udgoon, weyddiisey.   ”Saaxiib waa ku sidee? Miyaynnu wax walba ku wada hadallaa? Imminka ma dhab bay su’aashu kaa tahay mise dheeldheel? Dabcan maya.”   ”Kuwa qoryaha sita, sigaarka qiijiya, qaadka cuna, si khaldan Qur’aanka Eebbe ugu qaraabta oo qaadashada qalinku dhib ku yahay, bal iyagana ka warran?”   ”Oo maxaan, heedhe, ku falayaa? Kuwaas iyaga hay maqmaqashiinnin!” ayaa Udgoon ku jawaabtay, ”Waadawdarro iyo damiinno…

Read More

The United States and several international countries are “disappointed by Somaliland electoral delays”, according to a press release issued by the US Mission to Somalia. “Denmark, the European Union, Finland, France, Germany, the Netherlands, Sweden and the United Kingdom, and the United States are deeply disappointed by the Guurti’s decision to delay further Somaliland’s electoral cycle, unilaterally extending the government’s term beyond even the dates requested by government.” The press release comes on the heels of a controversial decision by the Guurti to further postpone the presidential elections to November 2017, and the parliamentary elections until 2019. Political parties in…

Read More

Hay’adda ugu sarreysa sirdoonka Mareykanka ayaa si shaacsan uga hadashay dokumentiyadii ugu dambeeyey ee uu baahiyey website-ka siraha faafiya ee WikiLeaks, ayada ku digtay in dadka Mareykanka ay si aad ah uga walaacaan cawaaqibka ka dhalan kara. Afhayeen u hadlay hay’adda CIA-da ayaa diiday inuu xaqiijiyo sax ahaanshaha dokumentiyadan oo gaaraya 8,771, hase yeeshee waxa uu ku dooday inaanu wax shaki ah ku jirin damaca WikiLeaks ee ah inay waxyeelo gaarsiiso awoodda bulshada sirdoonka ay uleedahay inay dadka Mareykanka ka horistaagto weerarada argagixisada. Afhayeenka Aqlaka Cad ee Mareykanka Sean Spicer ayaa isna sheegay inay tahay in qof kaasta oo Mareykan…

Read More

Dalalka Denmark, Finland, Faransiiska, Jarmalka, Ntherlands, Sweden, Britain, Mareykanka iyo Midowga Yurub ayaa sheegay inay si qotodheer uga niyad jabeen go’aanka dib loogu dhigay doorashooyiinka Somaliland. Dalalkan oo si dhow ula shaqeeya Somaliland ayaa sheegay in muddada loogu daray dowladda ay ka badan tahay middii ay dalbadeen. “Dib u dhigidda doorashada madaxweynaha iyo midda baarlaamanka waxaa la sameeyay ayadoo aan la sababayn”, ayaa lagu yiri warka ay sida wada jirka ah u soo saareen dalalkaasi. Waxay sidoo kale sheegeen “Ma jiro qorshe wax looga qabanayo caqabadaha keenay muddada dheer ee loo kordhiyay baarlamaanka”. Waxay warka ku sheegeen in doorashada madaxweynaha…

Read More

Xildhibaan Cabdulqaadir Faarax Bootaan ayaa maanta diyaarad ka qaadey magaalada Gaalkacyo, kadib marki uu maalintii Arbacada dhaawac culus ka soo gaarey Bom lagu xirey gaarigiisa. Wararku waxay sheegayaan in dhaawaca Xildhibaanka loo qaadey dalka Kenya. Xil. Cabdulqaadir ayaa waxyeelo ka soo gaartey qaarka danbe, waxaana dhaawiciisu ahaa mid culus. Ururka al-Shabaab ayaa sheegtey masuuliyadda iskudayga dil ee Xildhibaanka. Maalmo ka hor ayey ahayd markii hay’adda PSF ku soo bandhigtey Gaalkacyo gaari nooca xamuulka qaada oo lagu qabtey miinooyin noocyo kala duwan ah oo ay kamid ahaayeen nooca gawaarida lagu xiro, gaariga ayaa u socdey Bosaso marka la qabanayey.

Read More

Wasiirka wasaaradda caddaaladda dowladda Puntland Saalax Xabiib Jaamac oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa shacabka ugu baaqay inay roob doon isugu soo baxaan maalinka Khamiista ah ee 16 March. Saalax Xabiib Jaamac ayaa sheegay in abaarta dheeraatay ee kajirta deegaamada Puntland darted ay dowladda Puntland go’aamisey in shacabku dhanka Alle u laabtaan raxmaddiisana ka baryaan. Wasiirka ayaa sheegay in Alle uu keenay abaartaan loona baahan yahay in dhammaan shacabka iyo dowladdu ay gacmaha isqabsadaan aana laga daalin baryada Alle.hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/o6t4eAlYHX0

Read More

Dowladda Puntland ayaa mar kale qaaday tilaabo ka dhan ah talefishinka madaxa bannaan ee Universaltv, kaasoo dhawaan laga mamnuucay inuu kasii shaqeeyo gudaha Puntland. Amarkaan labaad ee dowladdu soo rogtay ayaa ah in shirkadaha baahiya Tv-yada ee kuyaala Puntland ay hawada ka saaraan Universal Tv, si muuqiisa loo waayo. Shirkadaha Dsat iyo Ileys oo ah labada shirkadood ee ay soo maraan dhammaan Kanaalada Af-Somaliga, ciyaaraha iyo Aflaanta ayaa maanta laga saaray Channelka Universal.

Read More

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Puntland oo lagu Magacaabo C/qaadir Cali faarax (Bootaan) oo ka mid ah Xildhibanada Puntland ayaa Goor dhow ku dhaawacmay Qarax loogu xiray Gaarigiisa,kaas oo ka dhacay Magaalada Gaalkacyo.   Xildhibaan Bootaan ayaa la sheegay inuu dhaawac Culus ka soo gaaray Qaraxa loogu xiray Gaarigiisa,waxaana la dhigay mid kamid ah Isbitaalada Magaalada Gaalkacyo.   Ciidamada Puntland ayaa Goor dhow gaaray Goobta Qaraxu ka dhacay. Mana jirto ilaa iyo hada cid si cad u sheegatay,inkastoo ay jiraan warar hoose oo sheegaya in Alshabaab ay ka danbeeyeen.hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/KdMq_Tu7U6s

Read More

Safiirka cusub ee Soomaaliya loo soo magacaabay ayaa lagu magacaabaa Jamaaludiin Mustafa Cumar oo horay u ahaa Safiir kuxigeenka Soomaaliya. Wakaalada wararka Itoobiya ee ENA ayaa shaacisay in warqad ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Itoobiya Mulatu Teshome lagu magacaabay Mr Jamaaludiin Mustafa Cumar. Amb. Jamaaludiin Mustafa oo ah nin ka soo jeeda Deegaanka Is Maamulka Soomaalida Itoobiya ayaa loo arkaa mid ay dowladda Itoobiya ku xoojineyso xiriirkeeda dhow ee Soomaaliya. Sidoo kale Jamaaludiinka Mustafa ayaa waxaa uu yahay Wakiilka gaarka ah ee dowladda Itoobiya u qaabilsan Soomaaliya. Jamaaludiin ayaa noqonaya Safiirkii labaad oo asalkiisu yahay Soomaali oo Itoobiya u soo…

Read More

Ciidamada Mariinisika Mareykanka ayaa lagu daadgureeyey waqooyiga dalka Syria, si ay gacan uga gaystaan dagaalka la doonayo in magaalada Raqqa looga qabsado kooxda Daacish. Wargeyska Washington Post, oo markii ugu horreysay shaaca ka qaaday daadgureyntan, ayaa sheegay in tani ay astaan u tahay in Mareykanka uu sii kordhinayo ciidamada jooga dalka Syria. Ma jiro wax hadal ah oo rasmi ah oo kasoo baxay dowladda, hase yeeshee saraakiil ka tirsan milatariga Mareykanka ayaa wakaaladaha wararka qaarkood u xaqiijiyey jiritaanka ciidamadan la geeyey Syria. Ciidamada Mariiniska ayaa sidoo kale la geeyey magaalada Manbij oo 138 KM u jirta waqooyiga galbeed ee magaalada…

Read More