Author: Jibril Qoobey

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo goor-dhaweyd soo saaray wareegto ayaa magacaabay Guddoomiyayaal Gobal iyo masuuliyiin kale. 1 Maxamed Cilmi Ahmed Maxamuud Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex 2. Maxamed Diiriye Xayd Nuur Guddoomiyaha Gobolka Daad-madheedh. 3 Maxamed Cilmi Xuseen Axmed Guddoomiyaha Gobolka Sanaag. 4. Axmed Yaasiin Maxamed Faarax Guddoomiyaha Gobolka Hawd. 5. Maxamed Cabdillaahi Ibraahim Xujaale Guddoomiyaha Gobolka Togdheer. 6. Mukhtaar Cabdi Quule Maxamuud Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe. 7. Siciid Shugri Xuseen Cali Guddoomiyaha Guddida Maamulka Hay’adda Dekedaha iyo Free Zone. 8. Axmed Xaaji Daahir Cilmi Ducaale Xubin Guddida Maamulka Sare ee DP World Berbera. 9. Jaamac Xaaji Axmed Cabdi Muuse…

Read More

Wararka laga helayo kulamadii xalay iyo waan waantii ay wadeen Madaxweynayaasha Galmudug iyo Koofur Galbeed ayaa sheegaya in goordhow la isu keenayo Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, si loo xaliyo khilaafka. Kulamadii xalay labada Madaxweyne Dowlad Goboleed la yeesheen labada dhinac ayaa la sheegayaa inuu ka dhashay waxoogaa isu soo dhowaansho, gaar ahaan dhanka Madaxweynaha uu dabacsanaan ka jiro, inkastoo Ra’iisul Wasaaraha mowqifkiisa ku adkeysanayo. Idilnews

Read More

Ammaanka magaalada Jowhar ee caasimadda Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle ayaa si weyn loo adkeeyay halkaasi oo lagu waddo in dhawaan ay ka dhacdo doorashada xubnaha Aqalka Sare ee Hirshabeelle. Ciidanka Booliska ayaa howlgallo lagu xaqiijinayo ammaanka ka wadda xaafaddaha ay ka kooban tahay magaalada Jowhar ka dib markii dhawaan lagu dhaawacay qarax bamboo ah xildhibaano ka tirsan maamulka Hirshabelle. Maalinta berri ayaa lagu waddaa in hadal jeedinta Musharaxiinta ay ka bilaabato magaalada Jowhar, halkaasi oo ay ka socotay diwaangalinta musharaxiinta maalmihii lasoo dhaafay. Idilnews

Read More

Waxaa maalmihii lasoo dhaafa sii kordhay dilalka iyo Afduubka loo geysanaayo ganacsatada Soomaaliyeed eek u sugan dalka Koonfur Afrika, waxaa wali la’ yahay qaar ka mid ah oo la aaminsan yihiin in ay afduubteen kooxo burcad ah. Gaanacsade soomaali ah ayaa lagu afduubtay magaalada johannesburg , kaasoo lagu Magacaabo bukhaari cali daahir . kooxda dableeyda ee afduubka geeystay ayaa inta aysan ganacsadaha gacanta ku dhigin ku riday dhowr xabadood inkastoo aysan wax khasaara ah geysan Lama ogo sababta ka dambeeysa afduubka ganacsadaha hasa ahaate waqtiyadii ugu dambeeyay afduubk wuxuu ahaa mid so laab laabtay Booliska magalaada Johannesburg ayaa baaraya dhacdada,…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa uga digay guud ahaan laamaha Amniga ee ka howlgalla degaanada Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya in ay ka digtoonaadaan in ay ku milmaan Arrimaha Siyaasadda. Madaxweyne Deni ayaa sheegay in laamaha Amniga laga doonaayo in ay qeyb ka noqdaan xaqiijinta goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka, balse aysan u kala safan Karin dadka Musharaxiinta ah ee doonaya kuraasta labada Aqal. Siciid Deni ayaa soo jeediyay in dalka uu gali karo xaalad halis ah haddii laamaha Amniga ay faragaliyaan arrimaha siyaasadda, ayna meesha ka baxayso kaalintii dhexdhexaadnimada iyo ciidanimada. https://www.facebook.com/plstatehouseofficial/videos/554168629247772 Idilnews

Read More

Midowga musharixiinta ayaa digniin adag udiray Gudoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Mursal , Waxayna sheegeen in ay garab taaganyihiin Raisul Wasaare rooble . Warsaxaafadeed kasoo baxay oo ka koobnaa 8 qodobo ayaa sidoo kale lagu eedeeyay Madaxweynihii muddo xileedku ka dhammaaday in uu waddo abaabul ka dhan ah arrimaha doorashooyinka dalka. Sidoo kale waxa ay sheegeen in Madaxweynaha muddo xileedkiiso dhammaaday uu hor taagan yahay in ay caddaalad hesho Ikraan Tahliil Farax oo lagu dhex wayay hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka. Idilnews

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Wefti balaaran oo uu hoggaaminaayo ayaa maanta safar shaqo ku gaaray magaaladda Garacad ee gobolka Mudug. Madaxweynuhu waxa uu kormeeray dhismaha Dekedda Garacad oo meel gebogebo ah maraysa, isagoona mid mid u dul istaagay qaybaha kala duwan ee dhismuhu ka socdo. Bogaadin, dardaaran iyo dhiirigelin ayuu u jeediyey Madaxweynuhu. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa kulan la qaatay shirkadaha gacanta ku haya Dekedda ee kala ah TTN iyo Wadaagsin, warbixino ayuu ka dhegaystay Ingineerada iyo masuuliyiinta shirkadaha dhisaya Dekada, waxaa qayb ka ahaa kulanka weftiga Madaxweynaha, waxgaradka, ganacsatada iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada…

Read More

Ciidamo ka tirsan kuwa qeybta 27aad ee xoogga dalka Soomaaliyeed & Ciidanka Jabuuti ee katirsan AMISOM ayaa ku guuleystay inay kala qaadaan labadii maleeshiyo Beeleed ee dhawaan ku dagaalamay degaanka Kabxanleey ee duleedka Waqooyi ee Magaalada Beledweyne. Ciidamada oo ka baxay Magaalada Beledweyne ayaa, iyaga oo ay wehlinayeen Odayaasha Dhaqanka labada Beeleed waxaa ay markii hore ku guuleysteen inay xabada joojiyaan, sidoo kalena ay kala qaadaan labada maleeshiyo Beeleed. Taliyaha guutada 5-aad qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka Maxamuud Xasan Ibraahim Baakaay ayaa sheegay in haatan degaannadii lagu dagaalamay ay si buuxda ammaankooda u sugayaan Ciidamada dowladda Soomaaliya. Waxaa uu…

Read More

Madaxweynaha Dowaladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa gaaray deegaanka Garacad ee Gobalka Mudug, iyadoona si weyn loogu soo dhaweeyay magaaladaas. Madaxweyne Deni ayaa booqanaya dekedda Garacad oo lasoo gaba-gabeeyay wajigeedii kowaad. Idilnews

Read More

Wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa warbixin ka soo saartay kiisaska cudurka COVID-19 ee la diiwaan geliyey 24-kii saac ee ugu dambaysay. Warbixinta wasaaradda waxaa lagu shaaciyey in xanuunka laga baaray 3,521 oo qof, waxaana laga helay 326 ka mid ah. Dadkan laga helay xanuunka ayaa kala jooga Banaadir 86, Puntland 38 Somaliland 133 Jubbaland 29 Galmudug 26 iyo Koonfur Galbees oo laga diiwaan geliyey 14-kiis. 159 ka mid ah dadka xanuunka laga helay waa Rag, halka 167 ay dumar yihiin, sidoo kale 128 qof ayaa 24-kii saac ee u dambeysay ka soo bogsatay cudurka, halka 21-qofna ay ugu geeriyoodeen.…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr.25 ee september 9, 2021, kuna saabsan Daslacsiin saraakiil iyo saraakiil xigeeno ka tirsan Ciidanka Dowladda Puntland kuwaasi oo ka shaqeeyay nabadgelyada Gobolka Mudug. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad Markuu arkay: Agoontooda kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda Ciidanimo. Wuxuu xeeriyey: Waxa min hal darajo la dalacsiiyey Saraakiisha iyo Saraakiil xigeenada hoos ku qoran oo dhmaantood ka wada tirsan Qaybaha Ciidanka Dowladda Puntland ee gobolka Mudug. *Ciidamada Booliska Puntland 1. Waxa L/X/le Cabdiqani Yasiin Maxamud loo dalacsiiyey Dhame 2. Waxaa X/le Cabdimahad Cabdi Jamac Loo dalacsiiyey…

Read More

Kulamo xasaasi ah oo xal loogu raadinayo khilaafka iyo loolanka dhanka Awooda ah ee Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka socda magaaladda Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Loolankan ayaa salka ku haya xil ka qaadistii iyo baaristii Ra’iisul Wasaare Rooble amray in lagu sameeyo Fahad Yaasiin, Agaasimihii Hay’adda NISA, kaas oo loo heysto inuu abaabulay khaarijintii Ikraan Tahliil oo kamid aheyn saraakiisha NISA. Kulamadan ayaa waxaa hormuud u ah Madaxweynayaasha Galmudug Axmed Qoorqoor iyo Koonfur Galbeed Cabdicaziiz Laftagareen, ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaana u sheegay Idilnews in Farmaajo uu aqbalay in…

Read More

Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Museveni waxa uu hadalkaasi ku sheegay Wareysi Khaas ah oo uu siiyey Warbaahinta France 24, oo uu kaga hadlay Arrimaha Somalia, Qaxootiga Reer Afganistan, Afgembiga dalka Gini iyo Xiriirka Uganda iyo Rwanda, Dagaalka ka socda Waqooyiga Mosombique iyo Xaalladda dalka Kongada Dimuqraadiga ee DRC. Mar wax laga weydiiyey Qalalaasaha Siyaasadeed ee Somalia waxa uu ugu baaqay Hoggaamiyayaasha Is-khilaafsan inay xaliyaan Khilaafkooda, haddii kale ee uu Ciiddankiisa kala bixi doono Gudaha Somalia. Museveni waxa uu soo hadal qaaday Awoodda Ciiddanka Somalia, Idaho sheegay inaysan lahayn Awood Difaac, sida uu Jirka isaga Difaaca Cuddurka AIDS-ka oo kale. Waxa…

Read More

Guddoomiyihii Golaha Shacabka BFS ee waqtigiisu dhammaaday Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sharci daro ku tilmaamay dhaarinta wasiirka amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur ee uu xalay magacaabay Ra’isul Wasaaraha. Mursal ayaa ka codsaday Ra’iisul wasaare Rooble in uu ka baraan dego dhaarinta wasiirada cusub. Halkaan Hoose ka Akhriso qoraalka Mursal. Idilnews

Read More

Talye ku xigeenka Ciidanka Booliska Dowladda Puntland S/Guuto Caydiid Axmed Nuur ayaa ka qayb Galay Kulan looga hadlayay sidii ay iskaga kashaan lahayeen wada shaqeynta Amniga, La dagaalanka mukhadaradka iyo ka shaqeynta horumaarka. Taliye ku-xigeenka Booliska Puntland S/Guuto Caydiid Axmed Nuur waxaa kulanka ku weheliyay Guddoomiyaha Gobolka Sool, Taliyaasha qaybeed-yada Gobolada Cayn Sool iyo Nugaal, Xildhibaano ka tirsaan Barlaanka Puntland iyo Iskuduwaha Arrimaha guudaha Gobolka Sool. https://www.facebook.com/Puntlandstatetv/videos/231404888800026 Idilnews

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan qado sharaf kula qaatay Qasriga Madaxtooyada Puntland ee Gaalkacyo, Isimada iyo madaxda dhaqanka ee Gobolka Mudug. Kulanka waxaa ka qeybgalay xubno ka tirsan Goleyaasha Dowladda sida Xildhibaano iyo Wasiiro, waxaa sidoo kale ka qeybgalay Lateliyayaal Madaxweyne, Guddoomiyaha Gobolka Mudug iyo Kan Degmada Gaalkacyo. Idilnews

Read More

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galay dhaarinta Wasiirka cusub ee Amniga Gudaha Cabdullaahi Maxamed Nuur oo uu shalay xilkaas u magacaabay Ra’iisul Wasaaruhu. Wasiirka Caddaaladda ee XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa dhaariyay wasiirka cusub. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa wasiirka cusub kula dardaarmay in uu si hufan u guto howsha muhiimka u ah qaranka ee loo igmaday si waafaqsan dastuurka iyo xeerarka dalka. Sidoo kale, Cabdullaahi Maxamed Nuur, Wasiirka cusub ee Wasaaradda Amniga Gudaha ee XFS ayaa maanta Xilka la wareegtay ,ka dib munaasabad kooban oo ka dhacday xarunta wasaaradda ee magaalada Muqdisho, ayna ka…

Read More

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Eng Cumar Hassan Fiqi oo ay weheliyaan Masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda ayaa kulan la qaatay madax ka socotay Hay’adda UNICEF, Kulanka ayaa ujeedkiisu ahaa in Hay’adda UNICEF wax ka ogaadaan nidaamka Maaliyadda ee Dawladda Puntland iyo xoojinta wada shaqaynta Hay’adda UNICEF iyo Wasaaradda Maaliyadda. Saraakiisha ka socday Hay’adda UNICEF ayaa uga mahad celiyay masuuliyiinta Wasaaradda shaqooyinka wanaagsan ee laga qabtay hanaanka Maaliyadda iyo hormarinta kaabayaasha dhaqaalaha. Idilnews

Read More

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sharif Sheikh Ahmed, ayaa saaka dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kaddib safar uu muddo ugu maqnaa Dalka dibeddiisa. Sheekh Shariif oo shir jaraa’id qabtay ayaa si adag uga hadlay khilaafka Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble, kaas oo salka ku haya kiiska Ikraan Tahliil. Sheekh Sharif, ayaa tacsi u diray qoyska ehalada ikraam Tahliil, Waxa uuna sheegay in aan la aqbali karin, Waxa uuna sheegay in cadaaladda la horkeeno cidda ka dambeeysay. Ugu dambeeyn, Madaxweyne Sheekh Shariif, ayaa dul istaagay khilaafka taagan, Sheekh Shariif, ayaa sheegay in duuladnimadu ay…

Read More

Xasan Xundubeey Jimcaale, Wasiirkii Amniga gudaha DFS ayaa ka horyimid xil ka qaadista uu ku sameeyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble. Wasiir xundubeey waxaa uu sheegay in Ra’iisul Wasaaraha uu kaliya yahay xilgaarsiin, isla markaana uusan xilka ka qaadi Karin, shaqadiisuna uu yahay siiwadida holwha kale ee dowladda. Xasan Xundubeey oo la hadlay Voa-da ayaa sheegay in Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ay isku ogaayeen in dalka ka ilaaliyan khalalaaso, hayeeshee uu Ra’iisul Wasaaraha khalalaaso billaabay. Idilnews

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo safar shaqo ku jooga Gaalkacyo ayaa caawa warbixinta amniga ee Gobolka Mudug ka dhegaystay Guddiga Amniga Gobolka Mudug ee Puntland. Guddiga ayaa la wadaagay Madaxweynaha warbixin faahfaahsan oo ku saabsan xaaladda Gobolka, horumarada laga sameeyay dhinaca amniga oo Dowladdu guulo ka gaartay iyo qorsheyaasha Amni ee diyaarsan. Madaxweynaha ayaa bogaadiyay shaqada wanaagsan ee laga qabtay Gobolka oo isbedelkeedu uu ka muuqdo guud ahaan Gobolka, wuxuuna laamaha amniga faray in lasii dardargeliyo Howlaha Amni ee socda. Idilnews

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa kulan la qaatay masuuliyiin ka socda Dowladda Galmudug oo ka kooban Wasiiro, Saraakiil Ciidan iyo Guddoomiyeyaasha Gobolka iyo Degmada ee Galmudug. Dowladaha Puntland iyo Galmudug waxaa ka dhaxeeya Iskaashi dhinac walba ah sida Amniga iyo horumarka, waxaana kulanka looga hadlaya is-xogwareysi iyo sidii loo sii horumarinlaha Iskaashiga guuleystay ee labada dhinac, gaar ahaan Amniga oo siwanaagsan looga shaqeeyay. Waxaa Madaxweynaha kulanka ku weheliya Wasiirada Arrimaha Gudaha iyo Maaliyadda ee Dowladda Puntland, Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanacad iyo Mudane Xasan Shire Cabdi. Idilnews

Read More

Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in aysan dhaqan gal ahayn xil ka qaadis kasta oo lagu sameeyo xubin ka tirsan Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ilaa ay ku timaaddo si waafaqsan Dastuurka KMG ah ee dalka. Farmaajo oo sheegay inuu cuskanayo ‘Qodobka 90aad, Xarafka (e) ee Dastuurka KMG ee dalka oo dhigaya “Awoodaha Madaxweynaha waxaa ka mid ah inuu xilka ka qaadayo Wasiirrada, Wasiiru-dawleyaasha, iyo Wasiir-ku-xigeennada, markuu soo jeediyo Wasiirka Koowaad.” ayaa sheegay in xil ka qaadista Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Xasan Xundubeey aysan ku imaanin sifo sharci ah, sidaas darteedna aysan dhaqan…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay Wakiillada Beesha Caalamka, iyagoo ka wada hadlay xaaladaha taagan ee saameynta ku leh arrimaha Amniga, siyaasadda iyo geeddi socodka iyo dhameystirka doorashooyinka. Wakiillada Beesha Caalamka ayaa muujiyay sida ay u taageersan yihiin habsami u fulinta howlaha doorashooyinka ee uu Ra’iisul Wasaaruhu hormuudka u yahay. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa mar kale ku celiyay in ay ka go’an tahay in kiiska Ikraan Tahaliil Faarax caddaalada la marsiiyo, isagoo rajeeyay in isaga iyo madaxweynuhu arrintaas isku aragti ka noqdaan. Idilnews

Read More

Wasiirka Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka Dowladda Puntland Caawil Sheekh Xaamid ayaa gaari kula qallibmay inta u dhaxeysa deegaanada Budun-buto iyo Baarweyn oo ka tirsaan Gobolka Nugaal. Inta la xaqiijiyey waxaa shilka gaari waxa ku gareen ilaalada wasiirka oo mid kamid ah xalad adag ku jira, Wasiir Caawil Sheekh Xaamid iyo darawalkiisa ayaa caafimaad qabaa. Idilnews

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Mudane Mohamed Hussein Roble oo tixgelinaya baahida loo qabo dardargelinta howlaha amniga dalka, tayeynta Hay’ddaha aminga iyo howlaha Baaxadda leh ee horyaalla XFS, waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 08/09/2021 Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur u magacaabay Wasiirka Amniga Gudaha. Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay wasiirkii hore ee Amniga Gudaha Mudane Xasan Xundubey Jimcaale shaqadii wanaagsaneyd ee uu soo qabtay muddadii uu xilka hayay. Idilnews

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa galabta xarigga ka jaray Garoonka Kubadda Cagta Gaalkacyo ee Cawaale Stadium oo si casri ah loo dhisay. Madaxweynaha ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee uu ka koobanyayay dhismaha Garoonka Cawaale Stadium, Wuxuuna khudbadiisii ku bogaadiyey shaqada wanaagsan ee qabsoomtay oo lagu dhisay Garoonka, isagoo u mahadceliyey Guddiga dhismaha Garoonka iyo Cidkasta oo ka qeyb qaadatay. Madaxweyne Deni oo ka jawaabaya codsiga Guddiga dhismaha garoonka Cawaale Stadium, ayaa ballan qaaday in Dowladdu bixinayso dhammaan daymaha lagu leeyahay Garoonka ee ku baxday dhismihiisa. Wuxuu Madaxweynuhu Bulshada la wadaagay muhiimada ay dadka Soomaaliyeed u leedahay…

Read More

Xeer ilaalinta Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ayaa Qabatay Gal Dacwadeed ka dhan ah Agaasimihii hore ee Hey,adda Nabad Sugida Soomaaliya Fahad Yaasiin, Taliyaha Nabad Sugida Gobolka Banadir Yaasiin Farey, Abdulaahi Kulane oo kamid ah Saraakiisha NISA iyo Cabdiqani Diirane Wadna-qabad. Halkaan Hoose ka Akhriso Dacwadda loo gudbiyay Xafiiska xeer ilaalinta. Idilnews

Read More

Ilo wareedyo xog ogaal ah ayaa sheegaya inuu Raysal Wasaare Rooble xiray dhamaan xisaabaadkii bangiyada uga furnaa hay’adda sirdoonka Qaranka ee NISA. Waa bangiga dhexe & dhamaan bangiyada gaarka ah ee ay ganacsato Somaliyed ay leedahay ayaa amar uu ku siiyey Raysal Wasaare Rooble inay xiraan xisaabadka uga furan NISA taas oo ay dhamaan wada aqbaleen. Tani waxa ay suurto gelineysaa in si dhib yar loogu wareejiyo xilka Taliska NISA General Bashiir Goobe isla markaana wax dhaqaale ah aysan kala bixin bangiyada Fahad Yasin iyo Farmaajo. Idilnews

Read More

Ciidammada Waran ee gacanta ku haya xarunta Maama Khadiijo ee Hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa is hortaag ku sameeyay Ciidanka Duufaan oo qeyb ka ah NISA, kuwaas oo maanta doonayay inay la wareegaan xarunta. Ciidammada oo uu horkacayay G/Sare Yaasiin Farey oo xalay uu Farmaajo sheegay inuu u magacaabay Agaasimaha KMG ah ee Hay’adda NISA, ayaa diidmo adag kala kulmay Ciidanka Waran, waxaana xiisad saacado taagneyd kaddib ay Ciidanka Duufaan isaga baxeen hareeraha xarunta Maama Khadiijo oo dhufeysyo ay ka sameysteen. Idilnews

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo maanta dalka dib ugusoo laabtay, ayaa siweyn loogu soo dhoweeyay magaalada Gaalkacyo. Soo dhoweynta Madaxweynaha waxaa ka qeybagalay Xubno ka mid ah Goleyaasha Dowladda ee Puntland iyo Galmudug, Masuuliyiinta Gobolka Mudug iyo Degmada Gaalkacyo ee labada dhinac Galmudug iyo Puntland, Saraakiisha laamaha Amniga iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshaweynta magaalada Gaalkacyo. https://www.facebook.com/plstatehouseofficial/videos/575638486901841 Idilnews

Read More

Ciidamada Booliska Gobalka Bari ayaa manta howlgalo ay sameeyeen ku guleystay in ay qabtaan lacago Faalso ah oo iskugu jirtay Doolar iyo EURO oo la donaayya in si qarsoodi ah loo soogaliyo Magaalada Bosaaso taasoo hawlgalada ka dib ay ku guulaysteen ciidamada kantaroolka Bossaso. Lacagtaan faalsada ayaa dhameyd in ka badan 2Milyan iyo lix boqol iyo sodon kun oo iskugu jirtay lacagaha dolarka iyo yuurooda waxaana waraaqaha lacagaha ay isugu jireen oo ku qornaa midkiiba boqol kun, iyo Toban kun, iyo kun, halka sidoo kale la doonayay in lagu qaldo lacago jajab ah. Goobta lagu soo bandhigay lacagtan been abuurka…

Read More

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa goor-dhaweyd soo saaray liiska musharixiinta ku tartamaysa kuraasta Golaha Aqalka Sare ee BJFS ku matalaya Hirshabelle. Kuraastan oo ah 8, ayaa waxaa ku tartami doona musharixiin gaaraysa 33 musharax, kuwaas oo uu kamid yahay Muuse Suudi Yalaxow, oo ahaa Senator katirsan Baarlamaanka waqtigiisu dhamaaday. Cali Guudlaawe ayaa noqonaya Madaxweynihii ugu horeeyay ee dowlad Gobaleed, kaas oo u cadaalad fala tartamayaasha Aqalka Sare ee BJFS, si furana u soo magacaaba loolamayaasha isku wajihi doona hoolka Baarlamaanka Hirshabelle.

Read More

Madaxweynaha Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa goor-dhaweyd ka degay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug, iyadoona si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Cabdullaahi Yuusuf ee Gaalkacyo. Madaxweyne Deni aya isla maanta xariga ka jari doona garoonka kubadda cagta Cawaale, kaas oo lagu dhisay si isku tashi ah ayna gacan weyn ka geysatay Xukuumadda Madaxweyne Deni, isagoona sidoo kale bilaabaya kulamo uu la yeelanayo, Maamulka, Waxgaradka iyo Isimada Gobalka Mudug. Siciid Deni ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay socdaal ugu maqnaa dalka dibediisa, Wararka ayaana sheegaya in Deni oo la rumeysan yahay inuu yahay musharax Madaxweynaha DFS uu isku maray dalalka…

Read More

Qoraal la soo dhigay barta rasmiga ah ee Twitter-ka ee hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-suggida Qaranka ayaa lagu sheegay in taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin uu xilka ku wareejiyay Gaashaanle Sare Yaasiin Farey oo uu xalay magacaabay madaxweyne Farmaajo. “Waxaa Taliska Nabad Sugida & Sirdoonka Qaranka ka dhacday munaasibad uu xilka kula wareegay Taliyaha cusub ee Ku-meel-gaarka ah ee HSNQ, Gaashaanle Sare Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud. Waxaan Alle uga rejaynaynaa in uu u fududeeyo masuuliyada culus ee uu Madaxweynaha JFS u igmaday” ayaa lagu yiri Twitter-ka NISA. Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka horyimid magacaabistii taliyaha Sirdoonka iyo Nabad-sugidda…

Read More

Madaxweynaha Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa lagu wadaa inuu maanta ka dego magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug. Qabanqaabada soo dhaweynta Madaxweyne Deni ayaa si weyn uga socota, iyadoona sidoo kale la adkeeyay Amniga magaalada oo ay ka socdaan howlgallo. Siciid Deni ayaa la filayaa inuu xariga ka jaro isla maanta garoonka kubadda cagta Cawaale ee magaalada Gaalkacyo, kaas oo lagu dhisay si isku tashi ah, isagoona sidoo kale kulamo la qaadanaya Maamulka, Hay’adaha Amniga, Waxgaradka, iyo Isimada Gobalka Mudug. Idilnews

Read More

Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook kaga hadlay talaabooyinkii ugu dambeeyay ee uu qaaday Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo jawaabaha adag iyo eedeymaha uu Ra’iisul Wasaare Rooble uu soo saaray. Halkaan Hoose ka Akhriso Qoraalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Tallaabada uu Maxamad Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha xilkiisu dhamaaday qaaday saddex eed ayay qoorta u suraysaa. 1- In uu dilka Ikraan Tahliil wax ka ogaa, maadaama uu difaacayo, xalayna uu xilal u magacaabay Fahad Yaasiin iyo Yaasiin Fareey oo ka mid ah seddaxda ruux ee lagu tuhunsan yahay dilka Ikraan Tahliil. 2- Caddaalad isku…

Read More

Warar hoose aan helnay ayaa sheegaya in Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu qorsheenayo in kormeer shaqo ku tago Xarunta Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee kuyaala guriga Habar Khadiijo. Rooble ayaa la sheegay ujeedka uu u tagayo xarunta Nabad Sugida in ay tahay sidii uu u geyn lahaa taliyaha cusub ee NISA Janaraal Bashiir Goobe uu labo maalin kahor xilkaasi si KMG ah ugu magacaabay. Janaraal Bashiir Goobe ayaa tan iyo markii xilkan loo magacaabay aysan usuurto gelin in uu tago xarunta NISA maadaama khilaaf ka jiro magacaabistiisa uuna diiday Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed…

Read More

Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa.la sheegay inay xalay weerar madaafiic ah ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Dowladda Soomaaliya ku leeyihiin degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose. Dad Goobjoogayaal ah ayaa waxaa ay sheegeen in marqura ay ka warheleen madaafiic kusoo dhaceysa degmada, isla markaana ay ku dhaceen Gudaha xerada iyo Agagaarkeeda. Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in weerarka madaafiicda ah ay ku dhaawacmeen ilaa lix ruux oo Shacab ah, kuwaas oo ku sugnaa guryo ku dhow Saldhiga Ciidamada dowladda ee degmada Awdheegle. Ciidamada dowladda ayaa waxaa la sheegay in dhankooda ay ka jawaabeen weerarka hoobiyeyaasha ah ee…

Read More

War-Saxaafadeed: Faafin deg deg ah Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Maxed Xuseen Rooble wuxuu soo dhawaynayaa Aqbalaadda Madaxwaynaha ee Shaqo ka joojintii Agaasimihii Hore ee NISA Mudane Fahad Yaasiin Xaaji Daahir. Ra’iisulwasaaruhu wuxuu farayaa Agaasimaha Guud ee KMG ah ee NISA Sarreeya Guud Bashiir Maxed Jaamac in uu si deg deg ah u bilaabo shaqadiisa, sidoo kale Saraakiisha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka waxaa uu amrayaa in ay si buuxda ula shaqeeyaan Agaasimaha Cusub ee Hay’adda Sareeye Guud Bashiir Maxed Jaamac. Ra’iisulwasaaruhu wuxuu ummadda Soomaaliyeed u cadaynayaa in Qoraalada kasoo baxay Madaxwaynaha 06-09-2021 iyo 07-09-2021 ay muujinayaan in uu wali daba…

Read More

Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS ayaa Fahad Yaasiin iyo xubno kale u magacaabay xilal cusub, isagoona si gaar ah Fahad Yaasiin ugu magacaabay La-taliyaha Amniga Qaranka. 1. Madaxweynaha Farmaajo ayaa u magacaabay Gaashaanle Sare Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud, oo haatan ah Taliyaha Nabad Sugidda ee Gobolka Banaadir, in uu si kumeel gaar ah u hoggaamiyo Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka inta laga soo magacaabayo taliye cusub oo ku yimaada hab waafaqsan sharciga iyo Dastuurka KMG ee dalka. 3. Madaxweynaha ayaa u magacaabay Mudane Cabdisaciid Muuse Cali inuu noqdo Agaasimahga Guud ee Madaxtooyada Qaranka, waxa uuna ku ammaanay shaqada hufan ee…

Read More

Kulan galabta dhexmaray Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble, ayaa kusoo dhamaaday fashil, kaddib markii Ra’iisul Wasaare Rooble uu ka biyo diiday inuu sameeyo tanaasul. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Idilnews in kulankan oo ay garwadeen ka ahaayeen Taliyeyaasha Ciidamada iyo Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka BJFS ee waqtigiisu dhamaaday, ayaa la sheegay in lagu kala kacay Ra’iisul Wasaaruhu ku adkeystay inay lama taabtaan tahay go’aankiisa shaqo ka joojinta Agaasimihii NISA Fahad Yaasiin, magacaabidii Agaasimaha KMG iyo in Kiiska baaritaanka Maxkamadda horay loo sii wado. Farmaajo ayaa la…

Read More

Saaxiibada Beesha Caalamku, waxay ka walaacsan yihiin in muranka ku gedaaman waayitaanka Marwo Ikraan Tahliil Faarax uu abuurayo xiisado siyaasadeed oo saamayn ku yeelan kara habsami u socodka shaqada Dowladda Federaalka Soomaaliya carqaladeyn karana hannaanka doorashada. Waxaan ku boorineynaa madaxda Soomaalida inay dejiyaan iska horimaadka siyaasadeed ee ku gedaaman baaritaankan, gaar ahaanna ay ka fogaadaan fal kasta oo horseedi kara rabshado. Waxaan ugu baaqeynaa madaxda Soomaaliya inay ka wada shaqeeyaan sidii loo horumarin lahaa hirgelinta Heshiiskii 27-kii bishii Maajo ee ku aaddan qabsoomidda doorashooyinka, iyagoo garwaaqsan horumarka ilaa iyo hadda ay gaareen Golaha Wadatashiga Qaranka oo hoos yimaada hoggaaminta wax…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galaya Munaasabada lagu taageerayo heshiiskii Siyaasiyiinta Gobolada waqooyi ka gaareen arrimaha doorashada Xildhibaannada labada Aqal ee Gobolada Waqooyi. Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galaya Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi, Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Mahdi Guuleed, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Madaxweynihii hore Xasan Sheekh, Ra’iisul Wasaarihii hore, Wasiiro iyo Xildhibaano. Idilnews

Read More

Wafdi uu hogaaminayo Guddoomiye Kuxigeenka TPEC Mudane Jaamac Xirsi Faarax ayaa gaaray degmada Caluula ee Gobolka Gardafuu si ay uga furaan xafiiskii TPEC ee heer gobol kulamo wacyigelin ahna ula yeeshaan qaybaha bulshada ee degmada Caluula. Furista xafiisyada heer gobol ayaa maraya mee gebogebo ah waxaana dhowaan la dhamaystirayaa hawlgelinta xafiisyada TPEC ee heer gobol dhamaan gobolada Puntland. Idilnews

Read More

Kusimaha Wasiirka ahna Wasiiru-dawlaha wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka cimilada Dowladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Cali Geelle ayaa Shirgudoomiyey shirka isla xisaabtanka madaxda wasaaradda iyo agaasimayaasha kaladuwan ee waaxyaha wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka cimilada. Shirkaan waxaa ka qaybgalay agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka cimilada Dowladda Puntland Mudane, Cabdicasiis Nuur Cilmi “Koor” waxaana goobjoog ka ahaa agaasimayaasha kaladuwan ee waaxyaha ay ka koobantahay wasaaraddu iyadoo looga hadlayey shaqooyinkii u qabsoomay waaxyaha kaladuwan ee wasaaradda, caqabadaba ka jira shaqada, hormaradii laga gaaray Hiigsiga wasaaradda iyo qorshayaasha quseeya hormarinta howlaha shaqo ee wasaaradda. Idilnews

Read More

Ra’iisal wasaaraha Kanaada Justin Trudeau ayay dibadbaxayaal careysani la eegteen dhagax tuur xilli u ku guda jiray ololaha doorasho Canada. Justin Trudeau oo kasoo baxay warshad kuna sii jeeday baskii uu watay ayaa dhagxaan lagu tuuray. balse waxaa la sheegay inuusan ku dhaawacmin dhacdadaasi. Ra’iisul Wasaaraha Canada ayaa doorasho wakhtigeeda laga soo hormariyay ku baaqay in la qabto bishan isagoo rajeynaya inuu aqlabiyad u hela xisbigiisa bidix dhexe oo uu dowlad cusub u soo dhiso. Balse ololihiisa waxaa hareeyay dibadbaxyo ka dhan talaalka Covid 19 iyo tallaabooyinka ay dowladdiisa soo rogtay ee la xiriira tallaalka. https://www.youtube.com/watch?v=pPPfNwJ9-1o Idilnews

Read More

Xaalada Bini’aadamnimo ee ka taagan gobalka Tigray ee waqooyiga Itoobiya ayaa kasii dareysa, iyadoona xoogaga Tigreega ay sheegeen in ilaa 150 qof ay macquul tahay inay u dhinteen macluul daran. Xukuumadda Itoobiya ayaan ilaa haatan ka falcelinin warkaas. Balse waxay horey u diiday eedo ay Qaramada Midoobay u soo jeedisay oo ah in ay gargaarka gobolkaa la xannibtay. Madaxa beeraha ee kooxda TPLF Atinkut Mezgebo, ayaa sheegay in dadka iyo xooluhuba ay u dhimanayaan cunto la’aan “waxaana laga yaabaa in dhibaatada intaas ka sii weynaato ”. Waxa aan macquul aheyn in si madaxbanaan loo xaqiijiyo eedeymaha maadaama khadadka taleefanka iyo…

Read More

Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah Maxamed Xuseen Rooble, ayaa waxaa goordhoweyd u bilowday shir lagu dhex dhexaadinayo oo ay goobjoog ka yihiin Taliyeyaasha Ciidamada oo uu ku jiro Taliyihii KMG ee NISA Sarreeye Guud Bashiir Goobe. Shirkan oo yimid kaddib 30 saac oo khilaaf ka dhex taagnaa Labadan Nin, ayaa waxaa Ra’iisul wasaaraha ku wehlinaya Wasiirka Waxbarashada Cabdullaahi Carab oo ah saaxiibkiisa dhow. Sidoo kale waxaa la sugayaa Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka BJFS ee waqtigiisu dhamaaday Cabdiweli Muudey oo waan waanta xalay soo bilaabay, sidoo kale waxaa la filayaa…

Read More

Kooxda Daalibaan ayaa rasaas ku ridday dadweyne badan oo isugu soo baxay mudaaharaad ballaaran oo ka dhacay caasimadda Afghanistan ee Kabul. Muuqaalo laga soo duubay goobta ayaa muujinaya dad cararaya, halka rasaas xooggan laga maqlayay aaga uu mudaharaadka ka socday. Kumanaan dibadbaxayaal ah ayaa Talaadadii isugu soo baxay waddooyinka iyaga oo dalbanaayay in la ilaaliyo xuquuqda haweenka isla markaana dhaleeceeyn u jeedinayay xukunka Taliban. Dibadbaxayaasha ayaa sidoo kale ku dhawaaqayay halku dhigyo ka dhan ah Pakistan, maadaama dad badan ay rumeysan yihiin in dalka dariska la ah Pakistan uu taageero Taliban, taasoo uu dalku beeniyay. BBC Somali Idilnews

Read More

Dowladda Kenya ayaa si rasmi ah xafiis uga furatay Magaalada Hargeysa ee caasimadda Maamulka gooni goosadka ah ee Somaliland, sanad kadib markii labada dhinac ay fureen wada hadal ku saabsan iskaashi. Warqad ku taariikhaysan 2 -da bisha September, ayay Wasaaradda Arrimaha Dibaddu Kenya u dirtay caasimadda Somaliland ee Hargeysa. Saraakiisha ay Kenya u dirtay xafiiska ay Somaliland ka furatay ayaa kala ah Benson Mwaliko oo ah Madaxa, Xafiiska Xiriirka, Charles K Waichari oo ah La -taliyaha Labaad, iyo Grace Musau iyo Ronald Nyakweba oo ah Ku -Xigeennada Maamulka. Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, oo daba-yaaqadii…

Read More

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaliya, Maamulka Hir-Shabeelle iyo kuwa Jabuuti ee ka tirsan AMISOM ayaa waxaa ay Maanta ku baxeen degaannada Kabxanleey iyo Deefoow ee Waqooyiga Magalada Beledweyne, halkaas oo ay ku dagaalameen laba maleeshiyo Beeleed. Ciidamada oo ka ambabaxay magaalada Beledweyne ayaa waxaa markii hore banaanbax kala hortegay qaar kamid ah Shacabka kunool Magaalada Beledweyne, kuwaas oo sheegayay in muddo ka badna 10 Cisho ay dhinacyada dagaalamay isku fiirsanayeen. Ciidamada ku baxay dagaalka degaannada Kabxanleey iyo Deefoow ayaa waxaa wehlinaya qaar kamid ah Odayaasha dhaqanka magaalada Beledweyne, waxaana ay halkaasi u tagayaan in la joojiyo dagaalka u dhaxeeya…

Read More

Sida ay ogaatay Idilnews Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay kulan la qaatay Agaasimaha KMG ah ee Hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka S/Guud Bashiir Goobe. Kulanka oo ka dhacay Madaxtooyadda Villa Soomaaliya ayaa ahaa is-xogwareysi, iyadoona Farmaajo uu saaxiibnimo dhow ka raadinayay Bashiir Goobe oo habeen kahor uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Rooble kaddib shaqo-joojin uu ku sameeyay Fahad Yaasiin. Dadka ka faalooda arrimaha siyaadda ayaa sheegay in kulankan uu u muuqdo inuu Farmaajo uu aqbalayo magacaabida Agaasimaha KMG ee Hey’adda NISA, sidoo kalena loo arki karo inuu ka tanaasulayo mowqifkiisa diidmada ee shaqo ka joojintii Agaasimihii…

Read More

Weerar hoobiyayaal ah ayaa xalay lagu qaaday saldhiga Ciidammada Daraawiishta Dowladda Puntland ay ku leeyihiin deegaanka Af-urur ee gobalka Bari. Hoobiyayaashan oo ahaa ilaa 5 ayaa la sheegay inay soo tuureen maleeshiyaad katirsan kooxda Al-Shabaab, Ciidanka Daraawiishta Puntland ayaana uga jawaabay hubka culus. Ma jirto ilaa hada khasaare la ogyahay oo ka dhashay weerarkan madaafiicda ah ee Al-Shabaab kusoo qaaday Ciidanka Puntland, waxaana ka socda saaka deegaanka Af-urur iuo nawaaxigiisa howlgallo ay wadaan Ciidammada Puntland. Idilnews

Read More

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamaya deegaanka kabxanlay ee waqooyiga Magaalada Beledweyne. Madaxweynaha ayaa nasiib darro tilmaamay in xilligan uu daato dhiig dad walaalo ah waxa uuna dhinacyada dirirta u dhaxeyso ugu baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan dagaalka ku joojiyaan, islamarkaana wax walba ku xaliyaan wadahadal. Madaxweynaha ayaa ugu baaqay Maamulka Gobolka, Hay’addaha Amniga, Nabadoonada, Waxgaradka iyo Culuma’udiinta Gobolka Hiiraan in si deg deg ah ay ugu baxaan joojinta colaada beelaha walaalaha ah Idilnews

Read More

Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxay ku boggaadinaysaa Ra’iisul Wasaaraha XFS doorkiisa hoggaamineed ee Dalka, gaar ahaan waajibaadka amniga Qaranka, hirgelinta doorashada iyo hogaaminta Golaha Wadatashiga Qaranka. Dowladda Puntland waxay kaloo boggaadinaysaa, soona dhaweynaysaa dadaalka Ra’iisul Wasaarahu ugu jiro sidii looga gun gaari lahaa xaaladda Kiiska Ikraan Tahliil iyo in qoyska Ikraan iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeedba ay helaan xaqooda Dastuuriga ah. Sidoo kale, Dowladda Puntland waxay soo dhaweynaysaa go’aanka Ra’iisul Wasaarahu shaqada kaga joojiyey Agaasimihii Hay’adda Nabad Sugidda Soomaaliya, tillaabadaas oo ah mid waafaqsan Dastuurka Dalka. Dowladda Puntland waxay ugu baaqaysaa dhammaan inta ay quseyso in la illaaliyo xasiloonida, midnimada iyo…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay Taliyaha KMG ah Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Hoggaanka Maxkamadda Ciidammada Qalabka sida iyo Taliyeyaasha Nabad sugidda iyo Booliska Gobolka Banaadir. Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray Xeer Ilaalinta iyo maxkamadda Ciidammada Qalabka sida in ay baaritaan rasmi ah oo deg deg ah ku sameeyaan kiiska Ikraan Tahaliil Faarax. Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu faray Agaasimaha cusub ee hay’adda NISA iyo taliyeyaasha nabad sugidda iyo booliska gobolka Banaadir in ay maxkamadda gacan buuxda ku siiyaan gudashada waajibkeeda, maadaama ay horay u jireen caqabado ay ka cawdeen guddigii horay loogu saaray kiiska Ikraan.…

Read More

Qaali Maxamuud Guhaad oo ah Hooyada Ikraan Tahliil Faarax ayaa marka hore uga mahad celisasay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya go’aanka uu shaqada uga joojiyay Agaasimihii Hay’adda NISA oo ay ku tumeyso Gabadheeda oo ka tirsaneyd Hay’adda Nabadsugida Soomaaliya. Hooyo Qaali oo Warbaahinta kula hadashay Muqdisho ayaa waxaa ay ugu baaqday Ra’iisul Wasaaraha in uu horay u wado Cadaalad u raadinta Ikraan Tahliil, isla markaana Shacabka Soomaaliyeed ay garab taagan yihiin. Sidoo kale Qaali ayaa uga digtay Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in uu hor istaago cadaaladda uu Ra’iisul Wasaaraha u raadinayo Gabadheeda, sidoo kalena uusan fiirin saaxiibtinimada…

Read More