Author: Jibril Qoobey

Sida ay baahisay wakaalladda wararka ee dalka Itoobiya ee loo yaqaan ENA,Ra’isalwasaaraha Dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa ka hadlay dorashadii xalay ka dhacday magaalada Muqdisho ee lagu doortay madaxwenaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Ra’isawasaare Hailemariam Desalegn,ayaa sheegay in  uu u hambalyeynayo Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya sidoo kalena ay dowladda Itoobiya la shaqeyneyso madaxweynaha cusub. Hailemariam,ayaa intaas ku daray in doorashadii ka dhacday Muqdisho ay muujineyso in Soomaaliya ay cagta saartay waddada dibmuqraaddiyadda islamarkaana uu jiro biseyl siyaasadeed oo ay gaareen Siyaasiyiinta Soomaalida ah. Ra’isalwasaraha Itoobiya oo dhawaan Wareysi siiyay TV-ga Universal,ayaa sheegay in ay jecleyd Itoobiya in uu soo laabto…

Read More

Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa is hortaagtay go’aanka ay dowladda ku dooneysay in ay ku xirto xerada qaxootiga ee Dhadhaab, dibna ugu celiso qoxootiga halkaas ku nool dalka Soomaaliya. Maxkmadda sare ayaa go’ankaasi ku tilmaantay mid aan dastuuri ahayn oo ka hor imaanaya sharciga dalka, waxaana ay sidoo kale sheegtay in go’aankaasi uu xadgudub ku yahay xuquuqda qaxootiga. ‘‘Go’aanka dowladda wuxuu si gooni ah u bartilmaameedsanayaa qaxootiga Soomaalida taasoo ah mid sharci darro ah, sidaas darteedna waxaan go’aankaasi ka sooq aaday mid aan waxba ka jirin”, ayuu yiri John Mativo, xaakimka maxkamadda sare. Bishii May ee sanadkii tagay ayaa…

Read More

Waxay warbaahinta caalamka maanta aad u hadal hayaan madaxweynaha cusub ee Soomaaliya mudane, Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, kaas oo xalay fiidkii lagu doortay xarunta Afisyoone ee Magaalada Muqdisho,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka 1aad https://youtu.be/pdSuzscDrTo Halkan ka daawo muuqaalka 2aad https://youtu.be/yk4BHSW7OfE Halkan ka daawo muuqaalka 3aad https://youtu.be/oQEzi4hqRTY Halkan ka daawo muuqaalka 4aad https://youtu.be/9yIQHZa7k_4

Read More

The United Nations, African Union, European Union, Inter-Governmental Authority on Development, Ethiopia, Italy, Sweden, the United Kingdom and the United States welcomed the conclusion of yesterday’s presidential vote and extend their sincerest congratulations to Somalia’s new Federal President Mohamed Abdullahi Farmajo on his victory. International partners also wish to express their appreciation to the outgoing Federal President Hassan Sheikh Mohamed and his government for their many achievements over the past four years and thank him for his gracious concession speech that facilitated a peaceful and orderly transfer of power. President Farmajo faces a formidable set of challenges in meeting the…

Read More

Rabbi ha u naxariistee waxaa maanta ku geeriyoodey Isbitaal ku yaala dalka Isutagga Imaaraadka Carabta Madaxweynihii hre ee Puntland Gen. Maxamuud Muuse Xirsi Boqor, oo loo yaqaanay Jen. Cadde Muse. Jen.Cadde ayaa muddooyinkii danbe ku xanuunsanaa dalka Imaaraadka Carabta waxaana uu geeriyoodey maanta oo taariikhdu tahay 8da Feberaayo. Marxuumka ayaa ifka uga tegey afar caruur ah oo kala ah laba wiil iyo laba gabdhood iyo hal xaas. Bahda idilnews  oo dhan waxay tacsi tiiraanyo leh ka dirayaan Geerida marxuum Jeneral Maxamuud Muuse Xirsi (Cadde),hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/8IQESMd6l8E

Read More

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa caawa loo doortay Madaxweynaha 9aad ee jamhuuriyada Soomaaliya . Wuxuu ku dhashay magaalada Muqdisho, sanadku markuu ahaa 1962dii Wuxuu dugsi dhexe uga baxay ama 1-da Luuliyo. Dugsigiisi dhexe wuxuu ku dhameyestay iskoolkii loo yaqaanay Maxamuud Xarbi, Kan sarena Wuxuu uga baxay Farsamada Gacanta ee Lafoole. Wuxuu shaqada ka bilaabay Wasaaradda Arrimaha Dibadda dabaayaqadii sanadkii 1982, wuxuu ka howl galay jiray (central archive) Horaantii sanadkii 1985, waxaa loo bedelay Safaarada Soomaaliya ee magaalada Washington D.C, ee dalka Maraykanka. Halkaas oo uu mas’uul ka ahaa arrimaha maamulka lacagta ee safaarada. Tacliin sare ama heerka jaamacadda wuxuu ka dhamaystay…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaaliga ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa kulan la qaatey safiiro ka socda beesha caalamka oo uu hoggaaminaayo ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u fadhiya Soomaaliya Michael Keating. Beesha caalamka ayaa Madaxweyne Farmaajo gaarsiiyey dhambaalo hambalyo ah oo ay uga sidaan dalalkooda waxaana ay ballan qaadeen in ay daa’imsan yihiin taageerada ummadda Soomaaliyeed. Madaxweynaha cusub ayaa safiirada kala hadley xaaladda abaarta ee iminka ka taagan dalka Soomaaliya, taasi oo beesha caalamku wel-wel xooggan ka soosaareen in ay dalka Soomaaliya markale ka dhacdo macaluul lamid ah tii sanadkii 2011.

Read More