Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Dawlada Maraykanka oo u hanbalyaysay Madaxweynaha cusub ee la doortay
    Somalia

    Dawlada Maraykanka oo u hanbalyaysay Madaxweynaha cusub ee la doortay

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 9, 20173 Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowladda Mareykanka ayaa hambalyo u dirtay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Mudnae Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, iyagoo bogaadiyay Xildhibaannada labada aqal ee codka kalsoonida ah ku doortay Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo.

    Warsaxaafadeed ka soo baxay Waaxda Arrimaha dibadda Mareykankanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Xukuumadda Washington ay soo dahweyneyso Madaxweynaha cusub ee la doortay, waxaana ay sidoo kale bogaadin u direen ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo Guddiga dooorashada oo door ka qaatay dhismaha dowladda cusub.

    War Saxaafadeedka ayaa lagu xusay in Mareykanka uu si dhow ula shaqeyn doono Madaxweynaha cusub ee Dowlada Federaalka Soomaaliya.

    Dowlada Mareykanka ayaa ku dhiirigelisay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya inuu tallaabo la aamini karo uu u qaado sidii uu uga taqalusi lahaa musuq-maasuqa iyo sidii uu u sameyn lahaa hey’ado xoog leh oo kasoo shaqeeya doorashooyinka soo socda, si loo suurageliyo in Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho hal qof iyo hal cod ah sanadka 2020-ka.

    War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Mareykanka uu Madaxweynaha iyo dowladda cusub ee Soomaaliya kala shaqeyn doono gurmad u fidinta dadka ay abaaruhu saameeyeen, amniga, dib u heshiisiinta iyo dhisida hey,ado xoog leh oo fuliya dowlad wanaag iyo horumarinta Umadda Soomaaliyeed.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    XOG: Saddex qodob oo xubnaha Sare ee Mareykanku hordhigeen Axmed Madoobe

    July 30, 2026

    Puntland oo si weyn ugu diyaar-garoobaysa Xuska 1da August

    July 29, 2026

    Mareykanka oo ku cadaadinaya Madaxweyne Deni β€˜πƒπ‘π’π¬π¦πšπ‘πš π‚π’π’ππšπ§ 𝐠𝐚𝐚𝐫 πšπ‘β€™

    July 28, 2026
    Latest Posts

    XOG: Saddex qodob oo xubnaha Sare ee Mareykanku hordhigeen Axmed Madoobe

    Puntland oo si weyn ugu diyaar-garoobaysa Xuska 1da August

    Mareykanka oo ku cadaadinaya Madaxweyne Deni β€˜πƒπ‘π’π¬π¦πšπ‘πš π‚π’π’ππšπ§ 𝐠𝐚𝐚𝐫 πšπ‘β€™

    Soomaaliya oo dib loogu celinayo Dowald KMG ah

    Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo soo saartay habraaca labbiska Ardayda

    WARBIXIN: 2027, Al-Shabaab mala wareegi doontaa Koonfurta Soomaaliya?

    Abshir Bukhaari oo loo diiday in uu gudaha u galo Nairobi

    Ma dhab baa in Dowladda Puntland weerarayso Xeryaha ‘ilmo Diyaano’ ee Gaalkacyo iyo Boosaaso?

    QARDHO: Maamulka gobolka Karkaar oo mamnuucay hubka sharci darrada ah

    WAR-SAXAFADEED: Puntland uga digtay Galmudug in looga soo duulo

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.