Madaxweynihii hore ee Soomaliya Xasan Sheekh Maxamuud kana mid ah Xubnaha Midowga Musharixiinta ayaa marka hore u hambalyeeyay Agaasimaha Cusub ee Ra’iisul Wasaare Rooble u Magacaabay hay’adda Nabadsugida Soomaaliya ee Bashiir Goobe, isaga oo u rajeeyay in xilka uu alle ku guuleeyo. War-Saxaafadeed uu soo saaray Xasan Sheekh ayaa waxaa uu ku sheegay in Ra’iisul Wasaare rooble uu mas’uul ka yahay dhammaan hay’adaha fulinta dalka oo ay ku jiraan kuwa ammaanka, isla markaana jiritaanka hay’ado ammaan oo aan ka amar qaadan ay albaabka u fureyso xasillooni darro iyo sameysanka kooxo hubeysan oo aan sharci ahayn, kuwaas oo dalka u horseedi…
Author: Jibril Qoobey
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble, ayaa kulan deg-deg ah Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidanka qalabka sida ee DFS, Xeer ilaaliyaha Guud ee Ciidanka, Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Banaadir, iyo Agaasimaha cusub ee sida KMG ah loogu magacaabay Hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka. Kulanka ayaa looga hadlayaa marxalada cusub ee uu galay dalka, iyo sidii Ciidammadu u xoojin lahaayeen Amniga Dalka, xilligan kala-guurka ah. Kulanka ayaa kusoo aadaya xilli uu khilaaf cusub ka dhex taagan yahay Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaas oo salka ku haya kaddib markii Farmaajo ka horyimid…
Ciidamo katirsan kuwa ilaalada Madaxtooyada oo dheeraad ah islamarkaana wata gaadiid dagaal ayaa la geeyay Wsaaradda Warfaafinta Soomaaliya waxayna ku sugan yihiin gudaha iyo dibadda Wasaaradda, iyagoo shaqaalaha galaya iyo kuwa ka soo baxaya weydiinaya aqoonsi. Ciidankaan ayaa ka socda xafiiska Madaxweynaha ilaa hadana ma shaacin ujeedkooda, hase yeeshee waxay diideen in aqoonsi la’aan la isuga gudbo gudaha wasaaradda, sida, dhismaha Raadiya iyo kan TV-ga oo sidoo kale ay ku yaalaan xarumaha madaxda wasaaradda. Lama oga sababta rasmiga ah hase yeeshee waxay arrintaan ku soo aaday iyadoo ay taagan tahay khilaaf u dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo iyo RW Rooble, kaasoo ka…
Qoraal kasoo baxay Maamulka Jubbaland ayaa waxaa lagu taageeray shaqo joojintii Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgarsiinta Maxamed Xuseen Rooble uu ku sameeyay Agaasimihii Hay’adda Nabad Sugida& Sirdoonka Qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir. Qoraal Jubbaland ayaa waxaa lagu cadeeyay in Jubaland ay ku qanacsan tahay tallaabooyinka uu qaadey Ra’iisul Wasaaraha ee kaga jawaabay codsiyadii isdaba jooga ahaa ee ka imanayay qoyska, qaraabada iyo shacab weynaha Soomaaliyeed ee lagu dalbanayey sidii ay cadaalad ku heli lahayd ikraan Tahliil. Sidoo kale Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in ay u cadeynayaan Ummadda Soomaaliyeed in Ra’iisul Wasaaraha uu mas’uul ka yahay Amniga doorashada iyo hirgelinta qorshayaasha Amni…
Wasiirkii hore ee Arrimaha gudaha Soomaaliya, Cabdi Faarax Siciid (Juxaa) ayaa sheegay in dhacdooyinka 48-saac ee u dambeeyay muujiyeen in dowladda Federaalka Soomaaliya gashay fashil iyo fawdo siyaasadeed. Qoraal uu soo geliyay bartiisa Facebook, ayuu ku sheegay in madaxweyne Farmaajo oo raja-beel ka noqday kursiga uusan waxba xeerinayn taasina tilmaamayso” fashil dowladnimo iyo fawdo siyaasaeed”. Ex. Wasiirk Juxaa ayaa muujiyay in shaqa-ku-celinta uu Farmaajo u sameeyay Fahad Yaasiin ay xaaladda uga sii darayso, xilli ay taagantahay fadeexadda ka dhalatay kiiska, Ikraan Tahliin Faarax oo ka tirsanayd hay’adda NISA taas oo raq iyo ruuxba la waayay. “Madaxweyne Farmajo waxaa mudadii xil-hayntu…
Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka marna soo noqday Madaxweynaha Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in arrintaan oo dhan laga baaqsan karay marka la eego xaalada uu dalka kujiro , isla markaana la aado doorasho dalkana lagu hago si xasilooni kujirto. Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Rooble iyo madaxweyne Mohamed Abdullahi Farmaajo waa isku khilaafsanyihiin shaqo-joojinta xalay xili dambe uu Ra’iisul Wasaaruhu ku sameeyey taliyihii hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-suggidda Qaranka NISA. Dr. Cabduweli Maxamed Cali Gaas oo la hadlay Idaacadda Voa-da ayaa sheegay in aysan wanaagsaneyn in warbaahinta la isaga jawaabo, hayeeshee Ra’iisul Wasaaraha uusan laheyn waddo kale uu wax…
Midowga musharraxiinta Madaxweynaha ayaa boggaadiyay go’aanka uu RW Rooble shaqada kaga joojiyey agaasimaha Hay’adda Nabadsugida Qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir. Qoraal kasoo baxay Midowga Musharixinta ayaa waxaa lagu sheegay in go’aankaas uu fure u yahay caddaalad ay helaan qoyska Ikraan Tahliil oo la afduubay lana dilay, isla markaana uu billow u yahay soo celinta sumcada hay’adda NISA. Sidoo kale Midowga Musharixiinta ayaa waxaa ay sheegeen in baaritaan lagu sameeyay Taliyaja Nisa, sidoo kale qoraalka kasoo baxay Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ay u arkaan mid lagu carqaladeeynayo cadaalad u raadinta qoyska Ikraan tahliil, lagu khalqal gelinayo amniga dalka iyo doorashooyinka.…
Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa ka horyimd Amarkii Ra’iisul Wasaare Rooble uu shaqada uga joojiyay Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA Fahad Yaasiin, uguna magacaabay Agaasime KMG ah. Waraaq kasoo baxday goor-dhaweyd Xafiiska Farmaajo ayuu ku sheegay in go’aanka Ra’iisul Wasaaraha uu baalmarsan yahay dastuurka, uuna dhiiragalinayo Argagixisada, isagoona faray Fahad Yaasiin inuu sii hoggaamiyo Hay’adda NISA. Halkaan Hoose ka Akhriso Qoraalka Farmaajo. Sibteembar 06, 2021; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Markii uu arkay warqadda sumaddeedu ay tahay XRW/314/9/2021 ee uu soo saaray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gFederaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa shaqada ka joojiyay Agaasimihii Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, waxa uuna si KMG ah Agaasimaha guud ee NISA ugu magacaabay Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac. Xil ka qaadistan ayaa timid saacado yar kaddib markii Fahad Yaasiin oo ka jawaabaya dalab 48 saac oo Ra’iisul Wasaare Rooble u qabtay Fahad inuu kusoo gudbiyo warbixin dhameystiran oo ku saabsan kiiska Ikraan Tahliil, balse Fahad Yaasiin oo dhankiisa dalbaday inay kulan isugu yimaadaan Golaha Amniga Qaranka, taas oo lagu tilmaamay yasid uu Fahad yasay Ra’iisul Wasaaraha. Idilnews
Agaasimaha Hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, oo la jawaabay dalabkii Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Roble, ayaa dalbaday in Shir ay isugu yimaadaan Golaha Amniga Qaranka, si ay NISA warbixin dhameystiran uga dhiibto kiiska Ikraan Tahliil, sida ku cad waraaq kasoo baxday Xafiiska Fahad Yaasiin. Qoraalka Agaasime Fahad Yaasiin oo og lagu siiyay Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS ee waqtigiisu dhamaaday Maxamed Mursal Sheekh iyo Wasiirka Amniga Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ayuu Fahad Yaasiin u diray Ra’iisul Wasaaraha, isagoona dalbaday inay shir isugu yimaadaan Golaha Amniga Qaranka, si uu…
Ciidamo afgambi ka wada dalka ku yaalla galbeedka Africa ee Guinea ayaa muuqaal ay usoo direen wakaaladda wararka AFP ku sheegay inay gacanta ku dhigeen madaxweyne Alpha Conde, islamarkaana ay kala direen dowladdii. Sidoo kale ciidamo kale oo ka hadlay taleefishinka dowladda ayaa sheegay in la baabi’iyey dastuurkii iyo dowladdii dalka. Askari aan la aqoonsan oo hugan calanka Guinea, islamarkaana ay ku hareereysan yihiin sideed askari oo kale, ayaa taleefishinka ka sheegay inay qorsheynayaan inay dhisaan dowlad ku-meel gaar ah, ayna faah-fahain dheeri bixin doonaan goor dambe. “Waxaan go’aansanay in kadib markii aan gacanta ku dhignay madaxweynaha inaan baabi’ino dowladda,”…
Waxaa maanta ka dhacay wasaaradda caafimaadka Dawlada Puntland shir ay isku yimaadeen wasaaraddaha caafimaadka iyo arimaha gudaha sidoo kale waxaa joogay saraakiil ka socotay xafiiska hormuudka arrimaha maamul baahinta Puntland oo kamida xafiiska Madaxweyne ku-xigeenka, waxaa sidoo kale ka soo qaybgalay qaar kamid ah gudoomiyaasha degmooyinka qaadkood. Shirka ayaa looga wada hadlay sidii hawlaha caafimaadka asaasiga ah qaarkood loogu wareejin lahaa degmooyinka taasoo qaar kamid ah degmooyinka horay wasaaraddu ugu wareejisay kuwa dhimana gacanta lagu hayo wareejintooda. Shirka inta uu socday ayaa lagu lafa-guray sidii caqabadaha jira loogu gudbi lahaa ugu danbeyna waqtiga ugu dhaw lagu wareejin lahaa dawlaha hoose…
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Soomaaliya Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa ka qeybgalay furitaanka shir-weynaha Shaqada ee waddamada Jaamacadda Carabta oo maanta ka furmay magaalada Qaahira ee xarunta Dalka Masar. Shirka ayaa muddada uu socdo looga hadlayaa arrimaha Shaqada iyo Shaqaalaha,iyadoo diiradda la saarayo caqabadaha iyo horumarrada. Waxaa ka qeybgalaya dhammaan wasiirrada Shaqada ee waddamada Carabta. Madaxweynaha Masar, Cabdel Fataax Al-Sisi oo hadal la xiriirray shirka hab muuqaal ah ku soo gudbiyay, wuxuu ku tilmaamay shir weynaha inuu muhiimad u leeyahay muwaadiniinta Jaamacadda Carabta, isagoo hoosta ka xariiqay iskaashiga waddamada inay wax u tiri karto dadaallada lagu dhimayo…
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi oo hawlo shaqo u jooga magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug ayaa maanta kormeer ku tagay Xarunta Wasaaradda Maaliyadda Gobolka Mudug. Kormeerka Wasiirka oo daarnaa u kuurgalidda hannaanka shaqada Wasaaradda Maaliyadda iyo Dar-dar gelinta qaadista Canshuurha, ayaa waxaa xarunta ku soo dhaweeyey Xisaabiyaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda ee Gobolka mudug. Wasiirka ayaa booqday xafiisyada kala duwan ee Wasaaradda waxaana uu halkaas warbixino kaga dhagaystay maamulka iyo shaqaalaha xarunta. Dhinaca kale Wasiirka ayaa kulan gaar ah la qaatay Maamulka Wasaaradda Maaliyadda ee Gobolka mudug isga oo faray in la dar-dar galiyo canshuur…
Midowga Yurub ayaa safiir cusub u soo magacaabay Soomaaliya, kaddib markii uu xilku ka dhamaaday danjirihii hore ee Midowga Yurub Nicolas Barlenge. Safiirka cusub ee Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa loo magacaabay Tiina Intelmann oo ah Haweeney u dhalatay Dalka Estonia. Maxaan ka naqaana Safiirka Cusub ee Midowga Yurub ee Soomaaliya ? Intelmann ayaa soo noqotay safiirka Estonia u fadhiya Boqortooyada Ingiriiska intii u dhaxaysay 2017 ilaa bishii Ogosto ee sanadkan. Intii u dhaxeysay 2014 iyo 2017, waxay ahayd Madaxa Ergada Midowga Yurub ee Liberia. Intelmann ayaa ku biirtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda 1991. Laga soo bilaabo 1999 ilaa 2002, waxay…
Garoowe: 05 September 2021:Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka dowldda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta daah-furay qorista Buugaagta Dugsiyada Sare ee dowladda Puntand. Madaxweyne ku-xigeenka ayaa ku bogaadiyey Wasaarada waxbarasha iyo Tacliinta sare shaqada wanaagsan ee ay ka qabatay kor uqaadida tayada waxbarashada iyo diyaarinta qorista buugaagta dugsiyada sare ee Puntland munaasabadda daahfurka waxaa ka qayblay Wasiirka iyo wasiiru dowlaha wasaarada waxbarashada iyo Tacliinta sare, maamulayaasha iskuulada, macallimiin, masuuliyiin ka tirsan wasaaradda waxbarshada iyo marti sharaf kale.
Xubnaha guddiga xallinta khillaafaadka doorashooyinka ee heer federaal ayaa maanta doortay guddoomiye cusub ka dib doorasho ka dhacday magaalada Muqdisho. Kulanka waxaa soo xaadiray 18-xubnood, waxaana xilka guddoomiyaha cusub ee guddiga xallinta khillaafaadka doorashooyinka loo doortay Xuseen Maxamed Maxamuud oo helay 18-cod. Doorashadan ayaa timid, ka dib markii guddoomiyihii hore ee guddiga xallinta khillaafaadka doorashooyinka Qaranka Alle ha u naxariistee Cabdullaahi Abyan Nuur uu geeriyooday Idilnews
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta la kulmay qoyska Ikraan Tahliil Faarax oo ay wehliyaan Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Cabdullaahi iyo xubno ka tirsan ehelada Ikraan isagoo la wadaagay dareenkiisa iyo sida uu uga xun yahay dhibka ku dhacay gabadooda. Ra’iisul Wasaaruhu ayaa mar kale u xaqiijiyay qoyska Ikraan sida ay uga go’an tahay ay helaan caddaalad, uuna qaadi doono tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si arrintaas loo xaqiijiyo, waxa uuna ku baaqay in si degdeg ah loo sii daayo dadka aan waxba galabsan ee la afdduubtay. Idilnews
Taalibaan ayaa ku dhow inay ku dhawaaqdo dowlad uu yeesho waddanka Afghanistan, taas oo ay sheegeen inay raadin doonto xiriir diblomaasiyadeed oo wanaagsan, oo ay la yeelato Mareykanka, iyo guud ahaan caalamka, kaas oo ku salaysan “is -ixtiraam”. Sarkaal sare oo ka tirsan Taalibaan oo la yiraahdo Bilaal Karimi, xubinna ka ah Guddiga Dhaqanka, ayaa VOA u sheegay in aan la cayimin wakhtiga lagu dhawaaqi doono dowladda Afghanista, laakiin ay soo dhisi doonto “xilli dhow”. Caalamka ayaa Taalibaan indhaha ku haya, kana sugaya ballaanqaadkoodii ahaa in maamulka ay soo dhisi doonaan uu matali doono dhammaan qowmiyadaha Afghanistan, isla markaana ay…
Wasaaradda Gaashaandhigga Sacuudiga ayaa sheegtay inay dhexda ka qabatay gantaal ballistic ah, iyo diyaarado drone oo kooxda Xuutiyiinta ay kusoo weerareen gobolka shidalaka qaniga ah ee ku yaalla bariga dalkaas. Wasaaradda ayaa xaqiijisay in laba caruur ah ay ku dhaawacmeen firir ka dhashay burburka gantaalka. Kooxda Xuutiyiinta oo sheegatay mas’uuliyadda weerarkan ayaa sheegtay inay gantaal iyo sideed diyaarad oo drone ah ku beegsatay xarumaha shidaalka Ras Tanura ee shirkadda shidaalka Saudi Aramco ay ku leedahay magaalada Dammam. Xuutiyiinta ayaa sidoo kale weerar ku qaaday xarumo kale oo shirkadda Aramco ay ku leedahay gobollada Koonfureed ee Jizan iyo Najran, sida uu…
Taliska AMISOM qeybta 3aad ee ka socda Ciidanka Itoobiya ayaa xaqiijiyay in maalmahan soo socdo ay ka bixi doonaan saldhigyada ciidan ee Buurdhuubo iyo Qansax Dheere ee Gobolada Gedo iyo Baay. Qoraal loo diray Taliska Ciidanka xoogga dalka qeybta 60aad, Wasaaradda Gaashaandhigga, Dowlad Goboleedyada Jubbaland iyo Koofur Galbeed ayaa lagu wargeliyay saldhiggyada ay Ciidanka ka socda Itoobiya ka baxayaan ee Sector 3, iyadoo ciidamada ka baxa Buurdhuubo iyo Qansax Dheere lagu xoojin doono saldhigyada ciidanka ee Garbahaarey iyo Bardaale Sidoo kale, Taliska Ciidanka xoogga dalka ee SNA ayaa lagu wargeliyay inay la wareegaan saldhigyada ciidanka ay ka baxayaan ee Buurdhuubo…
Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee BJFS Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Mahdi M. Gulaid, ayaa heshiis ka gaaray khilaafkii ka dhex taagnaa labada masuul ee salka ku hayay doorashada Xildhibaanada Gobalada Waqooyi ee BJFS. Heshiiskaan oo ka kooban 4 qodob ayaa dhigaya in lasoo afjaro khilaafka labada masuul ee ugu sareeya xubnaha Somaliland ku matala DFS, la isku dhafo xubnaha Guddiga Doorashooyinka ee labada dhinac, ayna soo doortaan Guddoomiye lagu midaysan yahay kadibna si wadajir ah ay uga wada shaqeeyaan doroashada. Idilnews
Waxaa lagu wadaa in maanta xariga laga jaro garoonka kubadda cagta Cawaale ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug, iyadoo ay socoto qabanqaabadii ugu dambeysay ee munaasabadda xarig ka jarka garoonka. Garoonkan oo loo dhisay si casri ah ayaa lagu hirgaliyay isku tashi bulsho, waxaana xariga ka jari doona Madaxweynaha Puntland H.E Said Abdullahi Deni oo la filayo inuu goor-dhaw ka dego garoonka diyaaradaha Cabdullaahi Yuusuf ee magaalada Gaalkacyo. Xukuumadda Puntland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Deni ayaa $200,000 oo kun dollar ku dartay dhismaha garoonka Cawaale. Idilnews
Wasaaradda Waxbarashada & Tacliinta Sare Ee Puntland ayaa maanta daah-furaysa qorista buugaagta manhajka dugsiyada sare ee Puntland. Manhajkan oo la jaanqaadi kara hab-nololeedka iyo samatabixinta bulshadeena, ayaa lagu soo darayaa maaddooyinka kala ah ICT, Farshaxan iyo kuwo kale oo dugsiga sare ah, sida ay sheegtay Wasaaradda Waxbarashada Puntland. Munaasabadda furitaanka ayaa waxaa ka qeybgalaya Madaxweyne kuxigeenka Puntland Ahmed E. Osman Karaash, Wasiiro, Xildhibaano, Aqoonyahano, Saraakiil ka socota Hay’adaha caalamiga ah ee Puntland ka gacan siiya Waxbarashada, khuburo iyo marti-sharaf kale. Idilnews
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Soomaaliya , Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa ka qeybgalaya kalfadhiga 47 ee shir-weynaha arrimaha Shaqada iyo Shaqaalaha waddamada Carabta , oo Maanta oo Axad ah ka furmaya magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar. Shirkan heerka wasiir ee dalalka Jaamacadda Carabta , oo lagu wado inuu daahfuro Ra’iisul Wasaaraha Masar Moustafa Madbouly waxaa diiradda lagu saari doonaa xal u helida shaqo la’aanta ay wajahayaan muwaadiniinta waddamada Jaamacadda Carabta , furadaha shaqo, Horumarinta Shaqaalaha iyo saameynta COVID-19. Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada , Cabdiwahaab Ugaas Xuseen ayaa shirkan ku tilmaamay inuu albaab cusub u furayo…
Millateriga waddanka Itoobiya ayaa ku andacooday in dagaalkii 10-ka bilood ka socday waqooyiga dalkaasi ay ku dileen in ka badan 5,600 oo ka tirsan ciidammada fallaagada Tigray-da. Colaaddaas ay dadka badan ayaa waxa ay dalkaasi ka taagneyd tan iyo bishii Nofeembar ee sanadkii tegay, hasayeeshee bayaanka uu soo saaray janaraalka sare ee Bacha Debele ayaanan sheegin waqti cayin oo dadkaasi lagu laalay. Weriyayaasha ayaa sheegaya in suuragal ay tahay in tiradaasi laga soo minguuriyay dagaalladii ugu dambeeyay. Jeneraalka ayaa sheegay in sidoo kale 2,300 jabhaddaas ahi ay ku dhaawacmeen, halka ay nolol ku qabteen ku dhawaad lab kun. Milyimaad shacab…
Madaxweynaha Puntland H.E Said Abdullahi Deni, ayaa maanta ka degaya garoonka diyaaradaha Cabdullaahi Yuusuf ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug, iyadoona ay socota qabanqaabada soo dhaweyntiisa. Madaxweyne Deni ayaa marka uu gaaro Gaalkacyo xariga ka jaraya garoonka kubadda cagta Cawaale, isagoona sidoo kale ka bilaabaya kulamo uu la yeelanayo Maamulka, Waxgaradka, iyo Isimada Gobalka Mudug, kuwaas oo uu kala hadlayo Amniga, hormarinta Gobalka, iyo ilaalinta midnimada bulshada. Sidoo kale, Madaxweynaha Puntland ayaa inta uu ku sugan yahay Gobalka Mudug tagi doona deegaanka Garacad, isagoona xariga ka jaray wajiga kowaad ee Dekedda Garacad. Idilnews
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta ah ee DFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo goor-dhaweyd ka hadlay kiiska Ikraan Tahaliil Faarax ayaa sheegay in aan lagu qanci karin xogtii Hay’adda Nabad Sugidda. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa faray Agaasimaha NISA in uu 48 saac gudohood ku soo gudbiyo warbixin dhammeystiran, shacabkana ugu baaqay in ay is dajiyaan. https://www.facebook.com/OPMSomalia/videos/370972354660259 Idilnews
Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Roble ayaa la filayaa inuu goor-dhaw uu ka hadlo kiiska Ikraan Tahliil oo aheyd sarkaal katirsan Hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA, taas oo muddo la la’aa kaddib ay NISA shaacisay inay afduubteen Al-Shabaab, ayna dileen, balse Al-Shabaab iska fogeysay eedaas. Mucaaradka DFS, ehelada Ikraan Tahliil, culimo awdiinta iyo ururada bulshada ayaa ugu baaqay Ra’iisul Wasaaraha inuu soo fara-galiyo dhacdada Ikraan, uuna xilka ka qaado Agaasimaha Hay’adda NISA Fahad Yaasiin ,si baaris loogu sameeyo, maadama lagu tuhmayo inuu ka dambeeyay dilka gabadhan. Idilnews
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa ka qeybgalaya kalfadhiga 47 ee shir-weynaha arrimaha Shaqada iyo Shaqaalaha waddamada Carabta , oo Axadda berri ah ka furmaya magaalada Qaahira ee xarunta Masar. Shirkan heerka wasiir ee dalalka Jaamacadda Carabta , waxaa diiradda lagu saari doonaa xal u helida shaqo la’aanta ay wajahayaan muwaadiniinta waddamada Jaamacadda Carabta , furadaha shaqo, Horumarinta Shaqaalaha iyo saameynta COVID-19. Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada , Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen ayaa shirkan ku tilmaamay inuu albaab cusub u furayo sidii ay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya iskaashiga…
Danjire Cawaale Cali Kullane Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dal waynaha Shiinaha ayaa khudbad muhiim ah ka jeediyay Shirka Maalinta Afrika ee hoos yimaada CIFTIS isagoo ku hadlayay magaca Dawladda Federaalka ee Soomaaliya. Shirkan oo ay kasoo qaybgaleen madax uu ka mid yahay ergeyga Dowladda Shiinaha ee Arrimaha Afrika Marwo Danjire Xu Jinghu, iyo in ka badan 30 diblumaasi oo matalayay safaaradaha afrika ee ka howlgala Shiina iyo madax kale, iyadoo halkaasna sidoo kale qudbad ka jeediyay Safiirka dowladda Ruwanda Amb. James Kimonyo Safiir Cawaale Cali Kullane ayaa qudbaddiisa xoogga ku saaray muhiimadda ganacsiga sida waxbarashada online-ka ah, la -talinta ganacsiga,…
Frankenstein is a work or agency that ruins its own creator. State secret services or intelligence organizations are frankenstein that pose existential threats not only to the general public, personal safety and liberties, but also to the governments that create them. The tragic story of Ms Ikram Tahlil, an internet security expert with the National Intelligence Services Agency (NISA), might not have been an isolated case, but one of many unexplained murders, bomb-blasts, blackmail and raids in Mogadishu and elsewhere in Somalia 🇸🇴. Such crime incidents had historical narrative here – at time it was Ethiopian Intelligence to blame. It…
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi iyo Wafti uu Hoggaaminayo ayaa gaaray degmada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Wasiirka iyo Waftiga uu Hoggaaminayo ayaa maanta ka ambabaxay magaalada Garoowe ee caasimadda Dowladda Puntland. Dhinca kale Wasiirka ayaa koormeer shaqo ku tegay Kastamka degmada Xarfo, waxaana uu la kulmay mas’uuliyiinta Kastamka oo xog-dheeri ah Wasiirka ka siiyay habsami u socodka shaqada Kastamka. Wasiirka ayaa Madaxada iyo shaqaalaha Kastamada degmada Xarfo kula dar daarmay in shaqada la dardar galiyo, lana xoojiyo qaadista Canshuuraha. Idilnews
Madaxweynaha Somaliland Muse Bihi Abdi ayaa buuxiyay xilka Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga caalamiga ah, oo uu iska casiley Baashe Cawil Cumar oo kamid ahaa xubnihii dhowaan uu magacaabay Madaxweyne Biixi. Muuse Biixi ayaa Cabdinaasir Cumar Jaamac Rooble u magacaabay Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland. Halkaan Hoose ka Akhriso wareegtada kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Somaliland. Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-711/092021 uu kaga Aqbalay Is-casilaadii uu hore u soo gudbiyey Baashe Cawil Cumar, kuna Magacaabay bedelkiisa. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Wareegto Madaxweyne UJEEDDO: AQBALAAD IS-CASILAAD Ku: Baashe…
Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta Shir-guddoomiyey Shirka wada-hadalka Dowladda dhexe iyo dowladaha hoose ee maamul baahinta Puntland. Shirkan oo uu soo qaban-qaabiyey Xafiiska hormuudka arrimaha maamul baahinta Puntland oo kamida xafiiska Madaxweyne ku-xigeenka ayaa looga hadlay daadajinta adeegyada aas-aasiga ah, sidii dowlada dhexe qoondo lacageed ugu jaangoyn lahayd horumarinta degmooyinka iyo soo dhisidda goleyaasha deegaanka ee degmooyinka qaar. Kulanka waxa kasoo qayb galay Wasiirada wasaardaha bah-wadaagta la ah mashuurca horumarinta degmooyinka, gudoomiyeyaasha degmooyinka uu ka socdo barnaamijku iyo masuulyiin kale. Idilnews
Dowladda Puntland ayaa feejignaan dheeraad ah galisay Ciidanka Amniga Puntland ee ku sugan kantaroolada laga galo magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland. Ciidammada Booliska ee ku sugan kantaroolka weyn ee magaalada Boosaaso ayaa la faray inay baaritaano ku sameeyaan dadka galaya magaalada, xilli ay Boosaaso ku qulqulayaan kumanaan qoys oo dib ugu laabanaya magaalada, maadama uu dhamaaday xilligii xagaa baxa. Dadka magaalada galaya ayaa Boolisku weydiinayaan halka ay ka yimaadeen, iyo meesha ay ku socdaan, waxaana si gaar loo wareysanayaan dhalinyarada. Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud, ayaa dhowaan faray laamaha amniga Gobalka Bari adkeynta Amniga magaalada,…
Wasiirka Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Puntland Jaamac Faarax Muuse, ayaa maanta kormeeray garoonka kubadda cagta Cawaale ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug. Guddoomiyaha Guddiga dhismaha garoonka Cawaale Caasho Geelle Diiriye, iyo Masuuliyiin kale ayaa kusoo dhaweeyay garoonka Wasiir Jaamac, waxaana uu Wasiirku uu kormeeray qeybaha uu ka kooban yahay garoonka oo si casri ah loo dhisay. Garoonka kubadda cagta Cawaale ee magaalada Gaalkacyo ayaa lagu wadaa in maalinta berri ah uu xariga ka jaro Madaxweynaha Puntland H.E Said Abdullahi Deni. Idilnews
Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Xuseen Xaaji oo booqasho ku jooga Dalka Turkiga ayaa Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Ee dalkaasi kula kulmay Dhiggiisa Turkiga, waxaana si wadajir ah ay salaan uga qaateen Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Turkiga. Kulan ay yeesheen ayey uga wada hadleen Xoojinta Xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya Labada Wasaaradood iyo Kordhinta taageerada iyo Tababarada Ciidan Ee dawladda Turkiga ay la garab taagantahay Soomaaliya. Wasiir Xasan Xuseen ayaa kaga mahad celiyay dawladda Turkiga Taageerada Hagar la’aaneed ee ay la garab taagan yihiin dawladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ,Waxaana uu tilmaamay in Saraakiisha iyo Ciidamada lagu Tababaro Turkiga…
Kiisaska xanuunka COVID-19 ee UK ayaa cirka isku shareeray, iyada oo Jimcihii shalay ahaa uu ku dhacay 42,067 qof oo cusbi sidda lagu sheegay xog ay dowladu soo saartey. Dhinaca kale guulo ayaa Britain ka gaartay barnaamijka tallaalka, iyada oo ilaa hadda la qaatay 91,314,745 tallaal guud ahaan Britain. 48,171,998 oo qof ayaa la siiyey dhibicda koowaad halka ay 43,142,747 oo qof oo kalena qaateen labada qeybood. Idilnews
Ammaanka magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug ayaa maanta si weyn loo adkeeyay, xilli la sugayo inuu ka dego Madaxweynaha Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni. Ciidammada Amniga Puntland ayaa howlgallo ka wada magaalada, iyagoona baaris ku sameynaya gaadiidka dadweynaha. sidoo kale Ciidanka xiray jidadka soo gala Madaxtooyadda Puntland ee Gaalkacyo, halkaas oo la filayo inuu degaan ka dhigto Madaxweyne Deni. Sidoo kale, Qabanqaabada soo dhaweynta Madaxweyne Deni ayaa ka socota magaalada Gaalkacyo, waxaana lagu in Madaxweynuhu xariga ka jaro inta uu ku sugan yahay Gobalka Mudug mashaariic hormarineed, oo ay kamid yihiin wajiga kowaad ee dhismaha dekedda Garacad iyo Garoonka…
Mustaqbalka Dooxada Panjshir ee waddanka Afgaanistaan – oo ah meesha kaliya ee aanan ku jirin gacanta Taalibaan – ayaanan weli kala caddayn xilli uu soconayo dagaal culus. Ila wareedyo ka agdhaw Taalibaan ayaa u sheegay wakaallada wararka ee Reuters inay qabsadeen aaggaasi, hasayeeshee dagaalyahannada wax-iska-caabbinta ayaa arrintaasi gaashaanka u daruuray. Mid ka mid ah xooggaga iska-caabbinta, Amrullah Saleh, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay inuu cararay, hasayeeshee waxa uu sheegay in xaalku uu “adag yahay”. Dagaalka ka soconaya Panjshir ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen boqollaal qof. Dooxada oo ku taal waqooyiga magaalada caasimadda ah ee Kabul, ayaa ah…
Danjire Baashe Cawil, oo dhawaan madaxweyne Biixi, u magacaabay Wasiirka ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ayaa sheegay in uu iska casilay xilkaasi ka dib markii la sheegay in uu saluugay. Waxaa uu sheegay in uu madaxweynaha uga mahadcelinaayo in uu kusoo daray golaha wasiirada balse xilkaasi uusan dooneyn uu qabto, waxaa kaloo uu iska casilay wakiilkii Somaliland ee dalka Kenya. War qoraal ah oo uu soo saaray ayaa siddaan u qornaa: Waxaan halkan kuugu soo gudbinayaa qoraalkan aan iskaga casilayo xilka aad iigu magacawday Wasiir-Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Sidoo kale waxaan iska casilay xilkii Wakiilnimada Xafiiska Somaliland Ee…
Weerar bambaano ayaa caawa lagu qaaday guri ay deganaayeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Hirshabelle oo ku yaalla Xaafada Hantiwadaag ee magaalada Jowhar . Illaa saddex xildhibaan ayaa ku dhaawacmay bam gacmeedka. Magaalada Jowhar ayaa isku diyaarineysa doorashada Senatarada Aqalka sare oo maalmaha soo socda, iyadoo magaalada ay buux dhaafiyeen Musharaxiin, siyaasiyiin iyo dad kale oo qeyb ka ah ololaha loogu jiro Doorashada Aqalka Sare. Idilnews
Madaxweynaha Puntland H.E Said Abdullahi Deni ayaa ka degi doona berri magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug, halkaas oo kulamo kula yeelan doono Maamulka, Waxgaradka iyo Isimada dhaqanka Gobalka Mudug. Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale xariga ka jari doona Mashaariic hormarineed oo laga hirgaliyay Gobalka Mudug, sida Dekedda Garacad, garoonka kubadda cagta Cawaale, iyo xarunta Gobalka Mudug, sidoo kale Madaxweynaha ayaa dhagax dhigaya mashaariic hormarineed oo ay kamid tahay Wadada Gaalkacyo – Garoowe oo dhismaheedu si rasmi ah u bilaabanayo. Idilnews
Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa ka dalbaday Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble inuu qaado saddex tallaabo oo ku saabsan kiiska dilkii Ikraan Tahliil. 1- in is bedel degdeg ah lagu sameeyo hoggaanka sare ee hey’adda Nabadsugida, si loo soo celiyo kalsoonida shacabka. 2- in loo saaro guddi caalami ah oo madax bannaan si looga gungaaro xaqiiqda kiiskan 3- in hey’adda loo magacaabo hoggaan kalsoonida shacabka hanan kara Idilnews
Kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab ayaa iska fogeysay dilka Ikraan Tahliil oo aheyd sarkaal katirsan Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA, taas oo muddo la la’aa. NISA ayaa xalay shaacisay in Ikraan Tahliil ay afduubatay kooxda Al-Shabaab, ayna dishay. Qoraal lagu baahiyay baraha Internet-ka ee kooxda Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in Al-Shabaab aysan arag Ikraan, uuna yahay been abuur warka kasoo baxay Hay’adda NISA, ee ahaa Shabaab afduubteen gabadhan ayna dileen. “kama dambeyno, waxba kama ogin dilka gabadha lagu magacaabo Ikraan Tahliil, layaab ayay nagu noqotay in Sirdoonka dowladda ridada nagu masabido dilka gabadhaas, sida dadka Soomaaliyeed ula fajaceen…
Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, oo ah Agaasimaha Hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa u baxsaday dalka Turkiga, kaddib shaacintii NISA ee in Al-Shabaab ay dishay Ikraan Tahliil oo aheyd sarkaal NISA katirsan oo muddo la la’aa, sida qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook uu ku shaaciyay Xildhibaan Mahad Salaad. Mahad Salaad ayaa sidoo kale ugu baaqay Beesha Gaaljecel oo ay ka dhalatay Ikraan Tahliil inay ka hortagaan afduub ay ka wadaan dhalinyarada Beesha magaalada Beledweyne ee xarunta Gobalka Hiiraan, kaas oo ka dhan ah Beesha uu Fahad ka dhashay. Halkaan Hoose ka Akhriso Qoraalka Xildhibaan Mahad Salaad. CODSI…
Qaali Maxamuud Guhaad, oo ah hooyada dhashay Ikraam Tahliil Faarax, ayaa gaashaanka u daruurtay in gabadheeda ay dileen ururka Al-Shabaab. Warka dilka Ikraan oo ka tirsaneyd hay’adda sirdoonka Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay warbaahinta dowladda, kaas oo tilmaamay in ururka Shabaab ay afduubteen gabadhaas kaddibna ay dileen, iyadoo aanan lagu darin wax faafaahin ah oo intaasi dheer. Hayeeshee hooyo Qaali ayaa sheegtay in hay’adda sirdoonka qaranka ee NISA ay “ku raadgudanayso warkaas, iyagana ay mas’uul ka yihiin gabadheeda la la’yahay. Waxa ay ku adkaysanaysaa in illaa hadda uusan jirin war cad oo qeexaya xaalka gabadheeda geeri iyo nolol toona. Xalay fiidkii…
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa khadka teleefoonka kula xiriiray dhiggiisa Saldanadda Cumaan, Sayyid Badr bin Hamad bin Hamood Albusaidi, iyaga oo ka wahadlay arrmo muhiim ah. Labada mas’uul ayaa waxaa ay ka wadahadleen xiriirka adag ee labo geesoodka ah ee labada dal ee walaalaha ah ka dhexeeya iyo xaaladihii ugu dambeeyay arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah. Labada wasiir waxa ay sidoo kale isla eegeen siyaabaha lagu xoojin karo iskaashiga iyo isku duwidda howlaha la danaynayo ee ku suntan dano wadaagga Soomaaliya iyo Cumaan. Dowladda Cumaan oo kamid ah dowladaha Carbeed ayaa xiriir sidaasi…
Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa ku baaqay in la magacaabo guddi baaritaan oo ka sal-gaara dilkii loo geystay Ikraan Tahliil Faarax oo ahayd sarkaal ka tirsan Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA. “Waa war aad looga naxo inaan maqalnay dilka Ikram Tahliil. Allah ha u naxariisto oo ha siiyo Jannah Fardousa” ayuu bartiisa Twitter-ka ku soo qoray Cumar Cabdirashiid, isagoo intaas ku daray “Waxaa lagama maarmaan ah in Ra’isul Wasaaruhu, isagoo tixgalinayaa kiiskan inuu magacaabo guddi ay ku jiraan dhammaan hay’adaha ku shaqada leh, loona xiksaaro inay ka gungaaraan xaqiiqada dhabta…
Madaxweynaha Turkiga Erdogan ayaa si gaar ah u sharfay una Maamuusay sarkaal dumar ah oo xijaaban oo ka tirsan ciidamada ammaanka Turkiga. Erdogan ayaa Cüli Shahbaz Gudoonsiiyay shahaado sharaf ay kaga sareysay saaxiibbadeeda ka Qalin -jabiyay Kuliyada Tababarka Ciidamada ee Gendarmerie Academy . Erdogan ayaa Ka qayb galay Xaflada Qalin jebinteeda si uu Si gaar ah ugu Hambalyeeyo Gabadhan ,wuxuuna Xaflada ka yiri Sidan . ” Sababta aan Halkan u imi ee aan Sida Gaarka ugu Maamuusay Saraakiisha Dumarka ee Xijaaban ,Waa inay sameeyeen Geesinimo Sababtoo ah Dumarka Xijaaban aad ayay ugu Yaraayeen Ciidamada , Waan Dhiirigelinayaa waxaana Rjaynayaa inay…
Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir ahna Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa si qoto-dheer uga hadlay qoraalka kasoo baxay Hay’adda NISA, kaas oo ay ku sheegtay NISA in Ikraan Tahliil oo aheyd xubin kamid ah Hay’adda muddona la la’aa ay u gacan gashay kooxda Al-Shabaab, ayna dileen. Halkaan Hoose ka Akhriso Qoraalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Maangal ma aha in Ikraan Tahliil oo in ka badan labo bil la waysanaa maanta Al-Shabaab loo saariyo. Al-Shabaab dad dila am qarxiya waa la arkay, laakiin horay uma dhic in Al-Shabaab saraakiil nabadsugid ah ka dhex qafaashaan xarumaha dowladda. Waxaase…
Xildhibaan Mahad Salaad ayaa si adag uga hadlay warbixin ay baahisay Hay’adda NISA, taas oo ay ku sheegtay in Ikraan Tahliil oo xubin ka aheyd NISA muddona la la’aa ay u gacan gashay kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab, oo ugu dambeyn dishay. Mahad Salaad ayaa sheegay in Agaasiamaha Hay’adda NISA Fahad Yaasiin uu yahay Al-Shabaab, uuna isagu ka dambeeyay dilka Ikraan Tahliil, isagoona ugu baaqay Ra’iisul Wasaare Rooble inuu xilka ka qaado Fahad, si loo soo taago Maxkamad. Halkaan Hoose ka Akhriso Qoraalka Xildhibaan Mahad Salaad. Alshabaabka Fahad Yaasiin sheegay in ay dileen Ikraan Tahliil waa ISAGA. Isagaa dilay, duugayna…
Hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa shaacisay Ikraan Tahliil Faarax, oo aheyd xubin katirsan Hay’adda NISA muddona la’la’aa ay gacanta u gashay kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab, kuwaas oo dilay. Halkaan Hoose ka Akhriso Qoraal kasoo baxay Hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA. Ujeeddo: Warbixin iyo Tacsi. Ikraan Tahliil Faarax oo ahayd xubin ka tirsan Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ayaa warkeeda la waysanaa ilaa 26/6/2021. HSNQ dabagal ay samaysay oo muddo socday kadib, ayaa lagu helay warbixin muujinaysa in ay u gacan gashay Argagixisada arxan laawayaasha ah ee Al-Shabaab, kadibna ay dileen. Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda…
Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo ka hadlayay Munaasabada furitaanka Kalfadhiga 2aad ee Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa sheegay in waqtiga ugu badan uu ku bixiyay Arrimaha Doorashooyinka si dalka ay uga dhici lahayd Doorashooyin daah furan. Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Mudanayaasha Baarlamaanka iyo shacabka Hirshabeelle u balan qaaday in muwaadin walba oo xaq leh buuxiyana shuruudaha looga baahan yahay musharaxnimo lagu soo dari doono liiska Musharaxiinta Aqalka sare. Idilnews
Wasaaradda Caafimaadka dowladda Soomaaliya ayaa faahfaahisay ka bixisay kiisaskii ugu dambeeyay ee cudurka Karoonaha, waxaana wasaaradda ay sheegtay in kiisaska ay sii kordhayaan. Tirada 48 saac ee ugu dambaysay laga baaray COVID-19 guud ahaan wadanka: 2,325 o Laga Helay: 164 o Somaliland: 73 o Puntland: 59 o Banadir: 27 o Jubaland: 4 o Southwest: 1 o Lab: 91 o Dhedig: 73 o Bogsashada: 71 o Dhimasho: 15 (Banadir:11, Somaliland:3, Puntland:1) Tirada Guud ee Laga Helay: 17,630 Bogsashada Guud: 8,604 Dhimashada Guud: 992 Idilnews
Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa kormeeray xarunta Wasaaradda Maaliyadda iyo Bangiga Dhexe ee Soomaaliya isaga oo u kuurgalay howlaha shaqo ee ka socda labadan hey’adood ee muhiimka u ah Nidaamka Maaliyadda dalka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa warbixin ka dhageystay Wasiirka Maaliyadda, Guddoomiyaha Bankiga Dhexe, Xisaabiyaha Guud kuwaas oo faahfaahin ka siiyay nidaamka maamulka maaliyadda dalka Idilnews
Kusimaha Madaxweynaha Jubaland ahna Madaxweyne ku xigeenka labaad ee dowlad goboledka Jubbaland Cabdulqaadir Xaaji Maxamuud iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan golaha wasiiradda Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa maanta ka qayb galay dhagax dhigga xarun cusub oo lagu soo kordhiyey qaybta gargaarka deg dega ah Isbitaalka guud ee magalada Kismaayo. Masharuuca lagu dhisayo xaruntaan ayaa waxaa soo diyaarisay wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee Dowlad goboleedka Jubbaland, waxaana qorshuhu yahay in xaruntaani ay 24-ka saac si toos ah ugu adeegto bulshada. Wasiirka wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Dowlad goboleedka Jubbaland Maxamed Ibraahim Oogle ayaa faah faahin ka bixiyay mashruuca lagu dhisayo qaybtaan…
.Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa sheegay in Maamulka uu madaxds ka yahay uu culeys badan kala kulmay howlaha doorashooyinka Soomaaliya. Madaxweyne Guudlaawe ayaa sheegay in ,iyada oo muddo kooban uu dhisan yahay Maamulka Hir-Shabeelle uu kusoo aaday khilaaf kajira doorashooyinka, taasina ay keentay in Madaxda Hir-Shabeelle ku mashquulaan doorashada heer federaal ee Soomaaliya, isla markaana ay wax badan u qabsoomi lahaayeen. Sidoo kale, Cali Guudlaawe ayaa intaas ku daray in caqabadihii farabadan laga soo gudbay, haatana dalka uu u jiheystay doorashooyin ka maamul ahaana diyaar u yihiin qabashasa doorashada Xildhibaannada Aqalka Sare. Hadalkaan ayaa Madaxweynaha dowlad Goboleedka…
Dowladda Koonfur Afrika waxay laashay Codsu ku aadanaa inay si Ku-meel-gaar ah u qaabilaan Qaxooti u dhashay Afganistan, kuwaasi oo Transit ku sii ahaan lahaayeen dalkaasi inta loo sii daad-gureynayo dal kale oo 3-aad. Hadal-qoraal oo ka soo baxay Waaxda dalka Koonfur Afrika ugu qaabilsan Xiriirada Caalamiga iyo Iskaashiga (The Department of International Relations and Cooperation (DIRCO) ayaa lagu sheegay inaysan xamili karin Qaxooti Cusub, maadaama ay horey u qaabileen Qaxooti badan. Horey, dalalka Uganda iyo Rwanda ayaa qaabilay Qaxooti Reer Afganistan ah, kadib, markii ay dowladda Maraykanka ka codsatay Qaabilaada Qaxootiga ka soo cararay Qalalaasaha ka aloosan dalka Afganistan.…