Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, xilalka looga qaaday Wasiiro kamid ahaa Xukuumadda Somaliland, halkas lagu magacaabay Wasiiro iyo Wasiir kuxigeeno cusub, kuwaas oo gaaray 25 xubnood. Halkaan Hoose ka Akhriso Wareegtada Madaxweyne Muuse Biixi. Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-708/092021 uu Xilka qaadis, bedel iyo Magacaabid ku sameeyey qaar ka mida masuuliyiinta xukuumadda. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Wareegto Madaxweyne UJEEDDO: XIL KA-QAADIS Ku: Maxamed Muuse Diiriye, Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Horumarinta Biyaha, Ku: Jaamac Maxamuud Cigaal, Wasiirkii Hore ee Wasaarada Macdanta iyo Tamarta Ku: Yuusuf Mire…
Author: Jibril Qoobey
Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka Cadaalada iyo Sinaanta Eng.Maxamuud Khaliif Xasan (Jabiye), ayaa sheegay inuu warshad sameysa Oxygen-ta uu ugu deeqay Isbitaalka magaalada Qardho ee xarunta gobalka Karkaar. Eng. Jabiye ayaa sheegay inuu baahiyo fara-badan kusoo arkay Isbitaalka magaalada Qardho oo uu maanta booqday, gaar ahaan Oxygen-ta, ayna tahay sababta keentay deeqda warshadan soo saari doonta Oxygen-ta. “Waxaan maanta booqanay aniga iyo xubnaha Ururka Caddaalada iyo Sinnaanta Gardo General Hospital waxaan kusoo aragnay in baahi badan loo qabo warshadda Oxygen-ta” “Anigoo ku hadlaaya afka Ururka Caddaalada iyo Sinnaanta waxaa ugu deeqnay Gardo General Hospital warshad samaysa Oxygen-ta.” “Bulshadu waxay u baahan tahay Hogaamiyayaal…
Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta Shir-guddoomiyay Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada dowladda Puntland. Shirka ayaa todobaadkan looga hadlay Amniga, xaaladda Gobollada Puntland, abaaraha iyo arrimaha bini’aadanimada. Madaxweyne Karaash ayaa faray Golaha Wasiirada dardar-gelinta shaqooyinka Dowladda. Idilnews
Allah ha u naxariistee waxaa maanta magaalada Muqdisho ku geeriyooday Injineer Maxamed Cumar Saalixi oo ka mid ahaa guddiga dacwada badda Soomaaliya iyo Kenya, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya. Injineer Saalixi oo ahaa khabiir aqoon dheer u leh cilmiga badda, ahaana la taliyihii arrimaha badda ee madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaana Cabdiraxmaan Aaden Cusmaan oo ay soo wadashaqeeyeen uu bartiisa Facebook ku soo qoray inuu ahaa shakhsiga kaliya ee Soomaaliga ah ee ku takhasusay arrimaha qalfoof badeedka ee Continental Shelf. “Injineer Salihi wuxuu ahaa shaqsi aad u dhowrsan, Af-gaaban, aamin ah, howsha uu hayana si taxadar leh u…
Dowladda Puntland ayaa maalmaha soo socda cutubyo katirsan Ciidamadeeda Difaaca iyo la-dagaalanka Aragagaxisada u diraysa deegaano kamid ah Koonfurta Gobalka Mudug ee Galmudug, kuwaas oo todobaadyadii u dambeeyay ay dagaalo ku dhexmarayeen maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab iyo Ciidammada DFS iyo Daraawiishta Galmudug. Saraakiil hordhac u ah Ciidamada Puntland ayaa gaaray deegaanka Wisil ee gobalka Mudug, oo qiyaastii 160-KM u jira magaalada Gaalkacyo, halkaas oo ah saldhiga ugu weyn ee laga hagayo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab heysta deegaanka gobalka Mudug ee Galmudug, kuwaas oo indha-indheyn ku sameynayay jiidaha dagaalka, kulamana la yeeshay Saraakiisha Ciidanka ee hoggaaminaysa dagaalka. Maxay Puntland uga caawinaysa…
Degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ayaa waxaa lagu soo gabagabeeyay kulan looga hadlayay adkeeynta amaanka magaaladaasi oo waayihii dambe soo xumaanayay, kadib markii ay Al-shabaab dilal iyo qaraxyo ay ka geesteen. Kulanka oo ay ka qeybgaleen Wasiiro katirsan Jubbaland, Waxaana masuuliyiinta maamulka degmada Ceelwaaq iyo saraakiisha Ciidamada isku raaceen in laga wada shaqeeyo sugida ammaanka magaaladaas. Guddoomiyaha degmadda Ceelwaaq Ibraahim Guuleed ayaa sheegay in kulanka lagu go’aamiyay in la dardar-galiyo Adkeynta Amniga degmadda iyo ka hortaga dhagarta Argagixisada. Idilnews
Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Bari Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud, ayaa digniin adag u diray dadka isticmaala & kuwa ka Ganacada Maandooriyaha Khamriga. G/Sare Xuseen Cali Maxamuud, oo kormeer amni u tegay Saldhigyada Booliska Magaalooyinka Carmo iyo Ceeldaahir ayaa sheegay inay jiraan dad Magaalooyinka kala duwan ee Puntland Khamriga kasoo geliya Magaalada Carmo, waxaana uu sheegay in dadkaasi loo baahan yahay inay joojiyaan. Ugu dambeyn, Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari ayaa sheegay in tallaabo laga qaadi doono kuwa isticmaala iyo kuwa ka Ganacsada waxyaabaha maanka dooriya. Booliska Puntland ayaa marar badan gacanta ku dhigay Gaadiid siday waxyaabaha maanka dooriya, kuwaas…
Waxaa Magaalada Muqdisho ku geeriyooday fanaankii Caanka ahaa ee Maxamed Aadan Shamuuri, kaas oo la sheegay in muddooyinkii dambe uu ku xanuun sanayay Magaalada Muqdisho. Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cismaan Abuukar Dubbe, ayaa Tacsi udiray qoyskii, asxaabtii iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Fanaankii waynaa ee Hoboladda Qaranka ee Waabari oo xalay Muqdisho ku geeriyooday. Waxaan uga tacsiyeynayaa qoyskiisa, asxaabtiisii, Hoboladda Qaranka ee Waabari iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed. Sabar iyo Iimaan Allaha naga wada siiyo, marxuumkana Jannadii Firdows Eebbe ha ugu deeqo. Maxamed Adan Shamuuri wuxu ahaa fannaan qaran oo dadkiisu aad…
Waxaa magaalada Toronto ee dalka Canada lagu dilay sabtidii Allaah ha u naxariistee Sahal Maxamed Sahal oo 35 sano jir ahaa, sida ay sheegeen Booliska Toronto Sahal iyo laba gabar oo la socday rasaas lagu furay, xilli ay waddada marayeen. Saddexdooda ayaa dhaawac ahaan loo geeyay Isbitaalka, walow Allaha u naxariisee Sahal uu markii dambe u geeriyooday. Ilaa iyo hadda booliska ma aysan soo bandhigin cid lala xiriirinayo falkan, balse waxey sheegeen in la arkayay gaari cad oo goobta ka baxaya, ayna socodaan baaritaanno lagu ogaanayo dadka ka dambeeyay falkan. Dadka goobta ka agdhawaa, ama haya muuqaallo la xiriira dhacdadan…
Ciidanka ilaalada Badda Puntland ee PMPF oo kaashanaya Ciidanka Boliska degmada Baargaal ayaa gurmad ufidiyey markab shidaal oo ku siijeedey magaalada muqdisho, kaas oo ay haleeleen duufaano. Markabkan oo ku safrayay calanka dalka Imaaraadka Carabta ayaa qarka u fuulay inuu ka baxo jihada uu ku socda, kaddib markii ay hareeyeen mowjado dabeylo ah, waxaana si deg deg ah caawinaad u fidiyay Ciidammada Puntland. https://youtu.be/yZPZBRciyew Idilnews
Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Ahmed Abdi Kaarie ayaa maanta kulan la qaatay Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika Danjire Francisco Madeira oo ay wehliyaan Taliyaha Ciidamada AMISOM iyo Taliyaha Booliska AMISOM. Kulanka ayaa looga wada hadlay amniga guud ee Galmudug, amniga doorashooyinka iyo sidii AMISOM gacan uga geysan laheed howlaha suggidda amniga ee ka socda deegaanada Galmudug. Idilnews
Hanti Dhowraha Guud Qaranka ayaa sharci darro ku tilmaamay heshiis ay wasaarada warfaafinta ku kireeysay qeyb kamid ah Tiyaatarka Qaranka balse lagu joojiyay amar ka soo baxay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble. Xafiiska Hanti Dhowraha Guud ee Qaranka ayaa gebi ahaanba baabi’isay heshiiska maqaayadda laga dhisayo Tiyaatarka, waxaana ay caddeysay in Wasaaradda Warfaafinta ay arrintan u wajahday si aan waafaqsaneyn nidaamka dowliga ah, shuruucda dalka iyo wareegtooyinka hey’adaha dowladda Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ku amaray wasiirka warfaafinta inuu joojiyo kireynta kadib markii ay cabasho ka keeneen Abwaaniin iyo Fanaaniin katirsan Hobalada Qaranka ee Waabari. Idilnews
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dilmuquraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, oo wareysi siinayay Idil TV ayaa ka hadlay xaalada guud ee Puntland, gaar ahaan Arrimaha Dilmuquraadiyeynta iyo qabashada doorashada hordhaca ah ee qof iyo codka ah, taas oo la filaya in 25 October ay ka dhacdo degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn. https://youtu.be/UcaqEr1_Spw Idilnews
Wasiirka warfaafinta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cismaan Abuukar Dubbe ayaa xilli uu khudbad ka jeedinayay xafladda Qalinjebinta Jaamacada Somali International University, ayaa sheegay in fanaaniinta reer Suudaan oo ay ka mid tahay Nada Naada Al-Qalcah, ay rabaan inay barnaamij ku qabtaan tiyaatarka Qaranka Soomaaliya taas oo hadal hayn ka dhalisay baraha bulshada ee Soomaalida. “Safiirka Suudaan ayaa ii yimid oo igu yiri fanaaniin reer Suudaan ayaa raba inay tiyaatarka barnaamij ku dhigaan, xafiiska ayuu iigu yimid wuxuuna igu yiri fanaaninta waxa ka mid ah ah oo Nada Alkhala.” ayuu yiri wasiirka. Waxa ay ka mid tahay fannaaniidta aadka loogu jecelyahay dalka…
Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ee laga soo doorto Gobolka Nugaal ayaa maanta lacag dhan $10,000 dollar ku wareejiyey Guddiga qaaraan uruurinta dhammesytirka waddada isku xirta Magaaloyinka Garoowe iyo Godobjiiraan. Xildhibaannada, Guddiga dhismaha wadada iyo Guddoomiye ku xigeenka hay’adda Wadooyinka oo maanta kormeeray jidkaas ayaa uga mahadceliyay Golaha iyo Guddoonka Golaha Wakiillada kaalinta ay ka qaateen hirgalinta wadadaas. Idilnews
Guddiga dhismaha Wadada Gaalkacyo ilaa Bursaalax ayaa ugu baaqay Dowladda iyo Shacabka Puntland iyo Guud ahaan Soomaalida in lagala qeybqaato dhismaha oo wadadan oo muhiim u ah hormarinta dalka, laguna dhisayo si isku tashi ah. https://youtu.be/WTy3l7Y09ck Idilnews
Hey’adda FAO iyo Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa bilaabay wada-hadaladii ugu horreeyay ee loogu diyaargaroobo Shir-weynaha Qaramada Midoobay ee bishaan looga hadlaayo nidaamyada cuntada dunida. Wadahadaladaan hordhaca ah ee ka bilaabmay gudaha dalka oo khuseeya heer gobol , heer Qaran iyo Hey’adda FAO,waxaa loo qorsheeyey in lagu qabto lix gobol,si gabagabada loo helo waddo loo maro wax ka qabashada caqabadaha nidaamka cuntada ee Soomaaliya. Wada-hadallada la xiriira Nidaamka Cunnada Soomaaliya, oo ka billowday jubada-hoose,waxaa ujeedku yahay in ka qeybgalayaashu ay fikrado ku biiriyaan shirweynaha Qaramada Midoobay ee looga hali doono caafimaad qabka cuntada. . Shir -madaxeedka Qaramada Midoobay ee bishaan…
Wareysi uu siiyay BBC Pashto, ku -xigeenka madaxa xafiiska siyaasadda Taalibaan ee Qatar ayaa sheegay in haweenku ay sii wadan karaan shaqadooda, oo ay ku jiraan xilalka “heerarka hoose” ee dowladda ay ka hayaan, balse xilalka ugu sarreeya ama golaha wasiirrada dalka “laga yaabo inaysan” ka mid noqon doonin haweenka. Taalibaan ayaa la filayaa inay soo dhisaan xukuumad cusub maalmaha soo socda balse su’aalo ayaa weli ka taagan sida xukunkoodu uu u ekaan doono. Sida oo kale Taalibaan ayaa horay u sheegtay in haweenka ka shaqeeya shirkadaha, wariyenimada iyo shaqooyinka kale ay howlahooda ku soo laabtaan, si ay bulshada ugu…
Wasiirka wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowlada Jubaland mudane C/raxmaan Cabdi Axmed oo safar shaqo ku joogaa Nairobi ayaa maanta Safaarada Netherlands kulan kula qaatay 1. Madaxa arimaha Gargaarka Geeska Africa ee Safaarada Netherlands 2. Madaxa arimaha Gargaarka ee Safaarada Jarmalka ee arimaha Somalia 3. Madaxa arimaha Gargaarka ee Safaarada Sweden 4. Madaxa arimaha Gargaarka ee USAID 5. Madaxa arimaha Gargaarka ee Midowga Yurub Wasiirku wuxuu usoo bandhigay xubanaha uu la kulmay qabya qoraalka qorshaha wasaaradda iyo in aay kala shaqeeyaan hergelintiisa, Baahiya Gargaareed ee kajira guud ahaan Jubaland iyo arimaha abaaraha iyo biyo la’aanta oo hada ka jirta deegaannada…
Wasiirka Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyaradda iyo Ciyaaraha Dowladda Puntland Mudane Jaamac Faarax Muuse ayaa maanta xilalka ukala wareejiyey Agaasimaha Guud ee hore iyo agaasimaha Cusub iyo Sidoo kale Agaasimaha waaxda Maamulka iyo Maaliyada oo dhowaan uu soo magacaabay Madaxwaynaha dowladda Puntland. Xil wareejintan oo ay si wayn loosoo agaasimay ayaa waxaa xilalka kula kala wareegaayey agaasima cusub ee Wasaaradda Mudane Jaamac Xasan Cabdule iyo agaasimihii hore Mudane Axmed Cabdalla Tigaana sidoo kale waxaa xilka kula wareegay agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Cabdiraxman Maxamed Maxamuud, kulankan ayaa waxaa Goob joog ahaa Wasiirka Wasaaradda oo xilalka ukala wareejiyey Agaasimayaasha Cusub iyo…
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane, Maxamed Abdiqaadir ayaa shir guddoomiyey kulan looga hadlay dar-dargelinta shaqada Wasaaradda Maaliyadda. Kulankan, ayaa waxaa kasoo qeyb galay Agaasime Waaxeedada iyo dhamaan Shaqaalaha Wasaaradda. Wasiiru dowlaha, ayaa soo jeediyey go’aamo ka soo baxay Madaxda Wasaaradda kuna saabsan dar-dar galinta Shaqada ay Shaqaaluhu u hayaan Dowladda iyo Shacabka, si ay ku dheehan tahay howlkarnimo iyo karti shaqo. Wasiirka, ayaa kula dar-daaramay shaqaalaha iyo madaxda Wasaaradda in ay ilaaliyaan shuruucda iyo kala danbeynta Shaqada. Idilnews
Guddiga doorashooyinka Heer Dowlad Goboleed ee Hir-Sbabeelle ayaa Maanta oo Arbaco ah waxaa ay kulan Magaalada Jowhar kula qaateen Guddiga Baarlamaaniga ah ee qabashada doorashada Xildhibaannada Aqalka Sare. Kulanka oo lagu qabtay Xarunta Baarlamaanka Hir-Shabeelle ayaa gogol xaar waxaa uu u ahaa wadashaqeynta Guddiga doorashooyinka Hir-Shabeelle iyo Guddiga heer Baarlamaan ee qabashada doorashada Aqalka Sare iyo dardar gelinta howlaha doorashooyinka ee labada Guddi. Xildhibaan Cumar Maxamed Soomane oo kamid ah Baarlamaanka Hir-Sha eelle ayaa sheegay in kulanka ujeedkiisa uu ahaa isbarasho iyo kala warqaadasho maadaama dhawaan ay billaabanayaan howlaha doorashooyinka. Sidoo kale waxaa uu sheegay in labada Guddi ay isla…
Dilka dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Swedan ayaa sii kordhaya, waxaa ugu dambeeyay wiil dhawaan lagu dilay degmada Hjulsta oo ku taalla Magaalada Stockholm ee dalka Sweden. Hore waxaa dalka Sweden loogu diley dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku dhow 30-meeyo laga soo billaabo 2015-kii. Sagaal dhallinyaro oo ayaa sidoo kale dhaawacyo isu geystay. Dhinaca kale, waddamada galbeedka waxaa ka jira in dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed, oo siyaabo kala duwan ay isugu dila ama loogu diley. Sheekh Xuseen Faarax Xaaji Warsame waa imaamka Masjidul Nuur oo Soomaalidu maamusho kuna yaala xaafada Rinkybay ee Stockholm, waxaa uu sheegay in dilkaasi ay Ciidamada…
Hay’adda Hormarinta iyo Cilmi-baarista dowladda Puntland dee PDRC ayaa baaq nabadeed u dirtay beelo walaalo ah oo diriri ku dhexmartay deegaanada Finley iyo Saax-maygaag, iyadoona sheegtay inay oa walaacsan tahay xaalada dirirtaas. Halkaan Hoose ka Akhriso Qoraalka ay soo saartay PDRC. BAAQ-NABADEED Xarunta Horumarinta iyo Cilmbaarista Puntland (PDRC) waxay muddo ka badan 23 sano ka soo shaqaynaysay arrimaha Nabadaynta Bulshada, Dawlad-dhiska iyo Dimoqraadiyeynta nidaamka siyaasadeed guud ahaan. Xaruntu waxay gacan ka geysatey daminta iyo nabadaynta colaadihii dhex maray bulshada kuwaas oo u badnaa colaado ka aloosmay deegaamaynta dhul- daaqsimeedka, qaybsiga biyaha iyo baadka. Xaruntu waxay aad uga walaacsan tahay soo…
Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Mudug G/Sare Muumin Cabdi Shire, iyo Saraakiil uu hoggaaminayo oo katirsan Ciidanka Puntland ayaa gaaray deegaanka Wisil ee koonfurta Gobolka Mudug, oo saldhig u ah howlgalka la-dagaalanka Argagixisada Al-Shabaab ee Galmudug. Saraakiishan ayaa kulamo la leh Wasiirka Amniga Galmudug iyo Saraakiisha Ciidanka DFS iyo Galmudug ee dagaalka kula jira Al-Shabaab, iyagoo ka wada-hadlaya sidii loo dardar-gelinta lahaa howlgalka sifeynta koonfurta Gobalka Mudug ee Galmudug. Puntland ayaa dhowaan bilowday inay Ciidamadeeda geyso koonfurta Gobalka Mudug, si ay Ciidanka DFS iyo Daraawiishta Galmudug uga caawiyaan dagaalka Al-Shabaab iyo xoreynta dhulka ay heysato kooxda. Sidoo Puntland ayaa dhowaan ku…
Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa fagaaro ku yaal degaanka Shaw oo ka tirsan Gobolka Hiiraan ay ku toogteen Haweeneey ay sheegeen inay ka tirsaneyd Ciidamada Maamulka Hir-Shabeelle. Goobta toogashada ayaa waxaa ku sugnaa dadweyne ka kala yimid Xaafadaha qaar ee degaanka Shaw, kuwaas oo ay Al-Shabaab ku amreen inay daawadaan sida ay u dhaceyso toogashada. Haweeneeyda ay Al-Shabaab fagaaraha ku toogteen ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Anfac Xuseen Muxumed, waxaana Al-Shabaab ay ku eedeeyeen inay la Shaqeeyneysay Maamulka Hir-Shabeelle kana tirsaneyd Ciidamada Millateriga ee ka howlgallayay Xerada lama galaay ee Magaalada Beledweyne. Al-Shabaab ayaa horay waxaa degaannada ay…
Taliska Booliska Maamulka Jubbaland ayaa waxaa Maanta Magaalada Kismaayo ay ka billaabayaan dhaqan gelinta Amar horay uga soo baxay Wasaaradda Amniga ee ahaa in wax hub ah an lagu dhex-qaadan karin Gudaha Magaalada. Taliyaha guud ee Ciidanka booliska Jubbaland Jeneraal Maxamed Cabdi Sheekh Xujaale ayaa sheegay in la dhaqan galin doono amarka wasaaradda Amniga Jubbaland, isla markaana Kismaayo ay ka bilaabayaan howlgallo ka dhan ah hubka sharci darrada ah. Waxaa uu sheegay in aan marnaba la aqbaleyn in hub lagu dhex-qato Magalada Kismaayo, balse kaliya hubka loo ogol yahay Ciidamada amniga sugaya, balse qofkii hub lagu qabto la xiri doono…
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq ayaa wadahadal teleefoonka la yeeshay Raysal Wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar Sh.Maxamed Bin Cabdiraxmaan. Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa u soo jeediyay Dowladda Qatar oo xilligan shir-guddoon ka ah kaltanka caadiga ah ee 155aad ee Golaha Jaamacadda Carabta heer wasiir in ay hordhigto Golaha feylka Soomaaliya shirka soo aaddan ee wasiirrada si looga hadlo arrimaha siyaasadeed iyo amni ee Soomaalida. Dowladda Qatar ayaa aheyd taageeraha ugu weyn ee dhinaca dhaqaalaha afartii sano ee Maamulka Madaxweyne Farmaajo, inkastoo la sheego in sanadkii u dambeeyay siduu u yimid Ra’iisul Wasaare Rooble ay dhaqaalahaas jartay.…
Ciidamada difaaca dawlada Puntland ee kala ah ciidamada daraawiishta iyo ciidamada PSF ayaa hawl-gal wada-jir ah oo lagu sugayo Amniga ka sameeyay deegaanada kala ah Il iyo camayra, ceel-unkud, muguc iyo karin-dawaco. Ciidamada oo uu hogaaminayay Taliyaha ciidamada difaaca dawlada Puntland ee Silsilada Golis G/Sare Saciid Nuur Shire ayaa hawl-galkaan qorshaysan ee la sameeyay waxay ahayd ujeedadiisu xaqiijinta Amniga iyo baadi-goobka haraadiga kooxaha argagixisada ee gabal-koodu dhacay ee ku dhuunta buuraha Golis. Ciidamada difaaca dawlada Puntland ee Aaga sil-silada Golis waxay u taagan-yihiin markasta xaqiijinya Amniga, suulinta kooxaha burcad diimeeda ah ee ku dhuunta buuraha iyo ilaalinta nabad-gelyada guud ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo la kulmay Guddiyada Doorashooyinka ee Heer Federaal, Heer Dowlad-goboleed iyo Xallinta Khilaafaadka ayaa sharraxaad ka siiyay geeddi socodka doorashada, isagoo ku boorriyay in ay si dhow u wada shaqeeyaan, doorashadana u maamulaan si hufan. “Waxaan maanta la kulmay Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal, Heer Dowlad-goboleed iyo Xallinta Khilaafaadka oo aan kala hadlay arrimo khuseeya geeddi socodka, hirgelinta iyo hufnaanta doorashada, habka soo xulista ergooyinka, kaalinta dhaqanka iyo bulshada rayidka ah, wadashaqeynta guddiyada dhexdooda, qoondada haweenka, dhaqaalaha ku baxaya doorashada iyo qodobbo kale oo doorashada khuseeya” ayuu yiri Rooble. “Waxaan…
Wasiiru dowlaha Wasaarada cadaalada arimaha diinta dastuurka iyo dhaqan celinta dawlada Puntland Ilyaas Cabdi Maxamed oo safar shaqo ku jooga magaalada Qardho ayaa kormeer shaqo ku tagay jeelka wayn ee Magaalada Qardho, taliska saldhiga, kan qaybta Gobolka Karkaar iyo halka uu ka socdo dhismaha saldhig cusub oo magaalada Qardho ay yeelanayso. Wasiirka oo ugu horayn taggay jeelka wayn ee magaalada Qardho, waxa uu kormeeray qaybaha uu xabsiga ka kooban yahay iyo xaalada maxaabiista ku jirta, waxa uuna warbixino la xiriira tirada maxabiista xiran, inta rumaanka ka dhagaystay saraakiisha xabsiga gacanta ku haysa. intaas ka dib waxa uu wasiirku taggay saldhiga…
Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Dowladda Puntland Ilyaas Cusmaan Lugatoor Gabiley, ayaa baaq nabadeed u diray beelo walaalo oo diriri ku dhexmartay deegaanka Saax-meygaag. https://youtu.be/GHlA7_GNG4Y Idilnews
Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha,Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Cabdiwali Mire Hirsi ayaa daahfurey shirka xoojinta isku-xirka bahwadaagta Ka shaqeysa adeeg bixinta heer degmo ay soo qaban qaabiyeen Dowladda Hoose ee Degmada Garowe. Shirka ayaa sidoo kale Waxaa Ka qeybgalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Maxamed Cali Nuur Juba, Agaasimaha Waaxda Dowladdaha Hoose Maxamed Goojacade, Duqa Degmada Garowe Ahmed Barre, qaar Ka mida Agaasime waaxeedyada dowladda Hoose ee Degmada Garowe, Hay’adda UN-JPLG, hay’addaha caalamigaa iyo kuwa maxaligaaa. https://youtu.be/a8MLHsOzADk Inta uu socday Waxaa looga doodey sidii mashaariicaha Hormarinta ee heer degmo ay noqon lahaayeen kuwo waafaqsan qorshaha Degmada ee 5 sano. Ugu…
Madaxweynaha muddo-xileedkiisa dhamaaday ee DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa Waraaqaha Aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirrada dalalka, Tansaaniya Mudane Dr. John S. Simbachawene iyo Angoola Mudane Sianga Kivuila Samuel Abilio. Labada Danjire ayaa Madaxweyne Farmaajo la wadaagay salaan ay uga sideen Madaxda dalalka Tanzania iyo Angoola, isagoona u rajeeyay inay ku guulaystaan gudashada waajibaadka loo igmaday iyo doorka uu ka qaadan karo xoojinta xiriirka walaaltinnimo ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo dalalkooda. Idilnews
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan kula qaatay Xafiiskiisa Guddiyada Doorashooyinka ee Heer Federaal, Heer Dowlad-goboleed iyo Xallinta Khilaafaadka. Kulanka ayaa looga hadlay dardar-gelinta Doorashooyinka, gaar ahaan doorashada Golaha Shacabka BJFS, waxaana uu Guddiyada sharaxaad ka siiyay geeddi socodka doorashada, isagoo ku boorriyay in ay si dhow u wada shaqeeyaan, doorashadana u maamulaan si hufan. Idilnews
Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Hirshabelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe), ayaa lagu wadaa in 48 saac ee soo soocoto uu soo saaro Liiska Musharixiinta ku tartamaya kuraasta Golaha Aqalka Sare ee BJFS ku matalaya Hirshabelle. Ilo-wareedyo lagu kalsoo yahay ayaa u sheegay Idilnews in Madaxweyne Guudlaawe uu ilaa berri shaacinayo liiska xubnaha, si sabtida soo socota ay Baarlamaanka Hirshabelle u guda-galaan doorashada. Xubnaha kasoo muuqanaya Liiska cusub ee Cali Guudlaawe ayaa waxaa kamid noqonaya Muuse Suudi Yalaxow, iyo Dr. Cismaan Maxamuud Dufle, oo kamid ahaa Senatorada Golaha Aqalka Sare ee waqtigoodu dhamaaday, kuwaas loo badinayo inay difaacdaan kuraastooda. Wararka ayaa intaas ku…
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan iyo dhaxalsugaha Abu Dhabi Mohamed Bin Zayed ayaa wada hadalo khadka taleefanka dhex maray, kaddib muddo sanado ah oo xariirka labada dal uu aad u xumaa. Labada hoggaamiye ayaa is-weydaarsaday aragtiyo ku saabsan dhowr arrimood oo isugu jiray kuwa Caalamka iyo Gobolka, waxayna diiradda saareen dib u eegista xoojinta xiriirka labada dal. Ankara iyo Abu Dhabi ayaa khilaafkooda xumaa sanadihii u dambeeyay, waxaana ay kala taageereen kooxaha fikirka iska soo horjeeda muddo sanado ah, iyadoo Turkigu uu taageerayay dhaqdhaqaaqyada Islaamiyiinta, gaar ahaan Ikhwaanul Muslimiinka oo ka qayb qaatay kacdoonkii Gugii Carabta, halka Hoggaamiyeyaasha khaliijka ay…
Militariga Mareykanka ayaa soo afjaray daadgureyntii ay ka wadeen Afghanistan, taas oo ka dhigan in uu soo dhammaaday ololihii uu bilaabay George W Bush wixii ka dambeeyay September 11-keedii labaatan sano ka hor. Rasaas dabaaldeg ah oo ay ridayaan Taliban ayaa la maqlayey kadib markii diyaaraddii ugu dambeysay ee Mareykanku leeyahay ay baxday. Bixitaanka diyaaraddaas ugu dambeysay ayaa muujineysa dhammaadkii dagaalkii ugu dheeraa ee Mareykanka, iyo dadaal daadgurayn ballaadhan ahaa oo billowday 14 -kii Ogoosto, wax yar ka dib markii Taliban ay qabsatay waddanka. Gen McKenzie oo dusha kala socday soo bixitaanka Mareykankaayaa sheegay in guud ahaan, diyaaradaha Mareykanka iyo…
Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug ayaa sheegaya inuu fara ba’an ku hayo magaaladaas iyo deegaanada ku xeeran cudurka safmarka ah ee COVID-19. Saraakiisha Caafimaadka ayaa sheegay in cudurku maalmihii ugu dambeeyay uu soo ritay dad fara badan, kuwaas oo haatan lala tacaalayo xaaladooda. Dadka cudurka COVID-19 uu haleelay ee kunool Gaalkacyo ayaa waxaa kamid ah ilmo yar oo jira hal sanno iyo bilo, kaas oo laga helay kaddib baaris lagu sameeyay. Dhakhtarta caafimaadka ayaa ugu baaqaya Shacabka inay muujiyaan feejignaan, maadama uu cudurku si weyn u saameeyay magaalada Gaalkacyo iyo Guud ahaan Puntland. Idilnews
Ciidammada Amniga Puntland ayaa howlgallo culus oo ka dhan ah kooxaha Argagixisada ah ee Al-Shabaab iyo Daacish ka wada Buuraleyda Gobalada Bari iyo Sanaag. Howlgaladan oo ah kuwo si wadajir ah ay u fulinayaan Ciidammada Daraawiishta, PSF-ta iyo PMPF Puntland ayaa si balaaran uga socda deegaanada iyo dhulka buuraleyda ah ee dhaca buuraha Calmadow iyo Calmiskaad, waxaana haatan ay si xariir ah soconayaan bilo. Howlgaladan oo qeybo kamid ah ay hoggaaminayeen Wasiirka Amniga Puntland Cabdisamad Gallan iyo Taliyaha Ciidanka Difaaca Puntland ee Daraawiishta ayaa lagu beegsanayaa saldhigyo ay buuraleyda fog ku lee yihiin Al-Shabaab iyo Daacish, waxaana lagu dilay intay…
Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa maalmaha soo socda bilaabaysa dhageysiga dacwadaha rag loo heysto inay katirsan yihiin maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab. Maxkamadeynta oo ka bilaabanaysa magaalada Gaalkacyo ayaa la sheegay inay kasoo muuqan doonaan ilaa 5 shabakadood oo Al-Shabaab, uga howlgalaysa Gaalkacyo, kuwaas oo geystay falal isugu jira dilal iyo qaraxyo. Dhowaan ayay aheyd markii ay Puntland duleedka magaalada Gaalkacyo ku toogatay 18 kamid ah maleedhiyaadka kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo ay ku jireen horjoogayaashii Al-Shabaab ee Gobalka Mudug. Ammaanka magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay soo hagaagayay, iyadoona magaalada la geeyay Ciidammo fara badan oo…
Ciidamada Booliska Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya ayaa waxaa la sheegay inay qabteen 284 ruux oo lagu tuhmay inay geysan rabeen falal argagaxisanimo Taliye kuxigeenka Booliska Magaalada Addis Ababa Xasan Nagaash ayaa sheegay in xubnahani ay xiriir wadashaqayneed la lahaayeen Ururka TPLF ee dagaalka kula jira Ciidamada Federaalka Itoobiya. Sidoo kale waxaa uu sheegay in Ragga ay Ciidamada qabteen ay wateen hub kala duwan oo iskugu jira 199 Baaskooladood, 2453 oo xabo rasaasa 32 qoriga Kalaashkoofka ah iyo 5049 oo rasaastiisii ah iyo Afar xabo oo diirada Dagaalka ah. Idilnews
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kulan ay yeesheen waxaa ay u codeeyeen Muddo-kordhin loo sameeyey Hawlgalka QM ee Taageeradda Somalia. 15-ka Xubnood ee Golahaasi waxay isku raaceen in UNSOM muddo 9 bilood loogu kordhiyo xilli hawleedkooda oo ku ekaan lahaa Maanta oo ay Taariikhdu tahay 31-ka August ee sanadkan 2021-ka. Qaraarka Golaha Ammaanka ee QM oo ay u codeeyeen oo Tirsigiisu yahay 2592 waxaa xilli hawleedka cusub ee UNSOM ku ekaan doonaa bisha May 31-da ee sanadka soo socda ee 2022-ka. Dhinaca kale, Qaraarka waxaa lagu xusay inuu Hawlgalka UNSOM sii wado xiriirinta dadaalada QM iyo inay Iskaashi Buuxda…
Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku wargelisay dhammaan Hey’addaha kala duwan ee dowladda Federaalka in shaqaalahooda ay qaataan Tallaalka COVID-1. Qoraal kasoo baxay Wasaaradda oo uu ku saxiixan yahay Agaasimaha Guud ee Wasaaradsa ayaa sidoo kale la faray Guddiga Qaranka Shaqaalaha rayidka inuu kala shaqeeyo Wasaaradda Caafimaadka sidii Tallaalka u qaadan lahaayeen. Idilnews
Xildhibaano ay tiradoodu dhan tahay 16 xildhibaan ayaa shir-gudoonka golaha wakiilada u gudbiyey mooshin ku saabsan xeerka shaqaalaha Dawlada iyo xeerka sahaminta shidaalka sida uu dhigayo xeer hoosaadka golaha wakiiladu. Mooshinka xildhibaanada oo cod gacan taaga lagu ansixiyey ayaa waxa u codeeyey 58 xildhibaan, waxaa diiday 1 xildhibaan, sidoo kale waxaa ka aamusay 1 xildhibaan Idilnews
Qaar ka mid ah oraahyada Sh.Mustafe 1-| ” Aqoonyahanku wuxuu aqoonyahan yahay markuu Rabbigiina yaqaano , Aakhirana yaqano addunkana uu isbedel ka samayn karo. ” 2-| ” Dhalasho wacan markaan leenahay taas macnaheedu waa sanad baan xabaasha u dhawaaday taasi ma wax lagu farxa. ” 3-| ” Inaad noqoto qof hami leh, han leh, hiigsi leh, oo hiraal u muuqdo waa lagama marmaan.” 4-| ” Dad baa dibadda ka qurux badan, guriga markay soo galaana bahal aah , qofka aad nolosha isgu darsateen iyo caruurtad dhashay inaad ku xumaato , dibadana nin fican oo laga yaqano hebel la yidhahdo noqotid…
Horjoogihii Alshabaab u qaabilsanaa dhanka Caafimaadka Gobolka Galgaduud oo isku soo dhiibay Ciidamada Dowlada Federaalka. Cali Ibraahim oo mudo dheer Alshabaab u qaabilsanaa Caafimaadka Gobolka Galgaduud ayaa isku soo dhiibay Ciidamada Gorgor ee Galmudug ka howlgala kadib markii sida uu sheegay uu ku qanci waayay dhibaatada kooxdani ku heyso shacabka Soomaaliyeed. Horjooge Cali Ibraahim oo ka yimid Ceelbuur ayaa xalay saqdii dhexe iska soo dhiibey Deegaanada hoostaga Dhuusamareeb. Idilnews
Ciidanka Booliska DFS ayaa albaabada u laabtay xarun lagu weynaysan jiray bishimaha oo dhowaan laga hirgaliyay magaalada Muqdisho. Xaruntan oo lagu magacaabo ‘OBESITY CENTRE’ ayaa sheekada la xariirta ay qabsatay baraha bulshada, kaddib markii ay sawiradooda iyo muuqaalo ay soo galiyeen Haween sheegay in bishimaha ay durteen si ay u weynaystaan. Halkaan Hoose ka Daawo Warbixin laga diyaariyay xaruntan intii ay furneyd. https://youtu.be/Bait_DXnF2Y Idilnews
Afar qof ayaa ku dhimatay qarax ka dhacay warshad ku taal Burj al-Barajneh ee duleedka koonfureed ee Beyruut ee Lubnaan, sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Qaranka. Wali lama oga waxa sababay qaraxa, wax khasaare hantiyeed oo ka dhashay Ciidanka Lubnaan ayaa gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay si ay gurmad iyo baaritaanno uguu sameeyaan. Sanadkii hore 4-tii Agoosto ayaa qarax dhacay caasimada dalkaasi waxaa ku dhintay In ka badan 200 oo ruux, iyada oo ilaa 7,000 oo kale ay dhaawacmeen. Idilnews
Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa weerar afka ku qaaday Taliyaha Nabad-sugida Fahad Yaasiin, isagoona sheegay in uusan waxba kala socon shaqada sirdoonka, ayna taas horseeday in laga adkaan waayo Ururka Al-Shabaab. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in Farmaajo uu xilka ugu dhiibay Fahad in uu isaga soo dhisay darteed, balse aan lagu keenin khibrad, taas bedelkeedna ay dalka dhooban yihiin dad aqoon u leh Arrimaha Sirdoonka, horseedi lahaana in laga adkaado Argagixisada. “Hay’addii ugu sareysay Sirdoonka dalka haddii aan nin ugu dhiibo aniga isoo dhisay oo aan fiirin wax khibrad ma leeyahay, waa ninkaan saaxibkey ah Camey ah oo wariyaha…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble, ayaa laalay wareegto kasoo baxday Wasiirka Warfaafinta DFS Cismaan Dubbe taas oo lagu iibinayay qeyb kamid ah Tiyaatarka Qaranka. Qoraal ay baahiyay Wasiir Dubbe ayuu ku yiri “Aniga oo fulinaya amarka Raisal Wasaaraha JFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble waxa aan joojiyey dib u hawl-gelinta maqaaxida Tiyaatarka illaa amar dambe kaddib markii laga keenay cabasho ku aaddan dib u furisteeda” Qaar kamid ah Hal abuurka iyo fannaaniinta Qaranka ayaa ka horyimid talaabada uu Dubbe ku iibiyay qeyb kamid ah Tiyaatarka Qaranka, iyagoona digniin adag kasoo saaray. Idilnews
Guddoomiyaha Gobolka Bari Mudane Senator Cabdisamad Yuusuf Maxamed Abwaan, ayaa maanta ka qeyb galay kulan lagu dhex dhaxaadinayo beelo wallaalo ah oo ay shaqaaqo ku dhex martay Deegaanada Bargaal Iyo Gumbax kulanka ayaa waxa u ka qabsoomay xarunta maamulka Gobolka Bari. Waxa kulanka ka soo qeyb galay wasiirdulaha wasaarada arrimaha Gudaha Dowladda Puntland, Guddoomiyaha Gobolka Gardafuu, Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Gobolka Bari, Guddoomiyaha Degmada Bosaaso, Guddiga xalinta shaqaaqada dhex martay beelaha waalaha ah, Nabadoono, Cuqaal, isuduwayaasha wasarda arrimaha gudaha ee gobolada Gardafuu Iyo Bari. Guddoomiyaha Gobolka Bari Mudane Senator Cabdisamad Abwaan, ayaa ka hadlay kulanka waxa uuna labada beelood ee…
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dilmuquraadiyeynta Dowladda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanca, ayaa Shir jaraaid uu xafiisa Garoowe ku qabtay kaga hadlay doorka dowladda Puntland kaga Adan hirgalinta barnaamijka Dimuqradieeynta. https://youtu.be/ArTWdjEs91g Idilnews
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble, ayaa kulan la qaatay Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya. Kulanka ayaa looga hadlay dardargelinta howlaha doorashooyinka, turxaanbixinta habraacyadii 24-kii bishan iyo sidii loogu gudbi lahaa wajiga labaad ee doorashda Golaha Shacabka BFS. Midowga Musharaxiinta ayaa dhowaan qaadacay Habraaca doorashada Golaha Shacabka BJFS, ee kasoo baxay Shirkii Golaha Wada-tashiga Qaran, iyadoona ay jireen kulamo dhexmaray Midowga iyo Golaha Wada-tashiga Qaran, kuwaas oo xal loogu raaxinayay tabashada Midowga Musharixiinta. Idilnews
Madaxweynayaasha Dowladaha Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni iyo Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa ku wajahan dalalka Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta, kaddib casuumaad ay ka heleen labadan dal. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Idilnews, in Siciid Deni iyo Axmed Madoobe oo ku sugan magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ayaa la sheegay inay ilaa khamiista tagi doonaan Dubai, iyagoo u sii gudbi doona magaalada Riyadh ee Caasimadda Boqortooyadda Sacuudiga. Labada Madaxweyne ayaa kulamo la qaadan doona Madaxda Imaaraadka iyo Sacuudiga oo ay kala hadli doonaan xaalada Soomaaliya, gaar ahaan Arrimaha Doorashooyinka, iyo la-dagaalanka aragagaxisada. Madaxweynaha Puntland Dr. Siciid…
Cabdisamad Ibraahim Cumar oo ay horay u dhaawaceen Ciidamada Xoogga Puntland ee PSF ayaa maxkamad ku taala Muqdisho ku xukuntay 10-sano oo Xabsi Ciidan ah, maadama ay ku cadaatay in muuqaal duube u ahaa Daacish . Dabayaaqadii sanadkii Ina dhaafay ayaa laga Qabtay Garoonka Muqdisho isaga oo ka soo degayo. Idilnews
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda xilgaarsiinta ee Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji oo howlo shaqo ku tagay Dalka Turkiga ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Ee Magalada Ankara ku soo dhaweyay Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Difaaca Turkiga iyo Safiirka Dowlada Soomaaliya. Wasiirka ayaa inta uu ku Suganyahay Turkiga kulamo la qaadan doona Masuuliyiin ka tirsan dalkaas isagoo diiradda Saari doonno Xoojinta Xiriirka milatari ee ka dhexeeya labada dal. Wasiir Xasan ayaa waxaa sidoo kale la filayaa in uu booqdo Xerooyinka ay dowladda Turkiga ku tababareeyso Ciidamo farabadan oo kamid noqonaya kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Gorgor. Turkiga ayaa waxaa uu kamid yahay dowladaha…
Hoggaamiye sare oo ka tirsan Taalibaan oo codsaday in aan magaciisa la shaaciin ayaa VOA u xaqiijiyey in Taalibaan ay ku jirto diyaargaroowgii ugu dambeeyay ee ku dhawaaqista Golaha Wasiirrada ee cusub oo la filayo inay ka mid noqdaan dhammaan xubnaha hadda ka tirsan golaha hoggaaminta. Madaxa ugu sarreeya Taalibaan Hibatullah Akhundzada ayaa wadatashiyo ku qabanaya magaalada Kandahar, oo loo yaqaan meesha ay ku dhalatay kooxda Taalibaan, waxaana weheliya ku-xigeennadiisa Sirajuddin Haqqani, oo ah madaxa shabakadda Haqqani, iyo Mullah Mohammad Yaqoob, oo ah wiilka aasaasaha Taalibaan Mullah Omar, ahna madaxa Guddiga militariga Taalibaan. “Hoggaanka Taalibaan wuxuu hadda kala tashanayaa qowmiyado…
Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland ee TPEC iyo Urur-siyaasadeedyada Puntland ayaa kulan looga hadlayay dooda kasoo cusboonaatay qabashada doorashooyinka qof iyo codka ee hordhaca ah ku yeeshay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. Labada dhinac ayaa heshiis ku gaaray in doorashooyinka hordhaca ah ee degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn lagu qabto waqtiga loo asteeyay oo ah 25 bisha October ee sanadkan 2021 Sidoo kale, Guddiga TPEC ayaa muddo Todobaad ah ugu daray Ururadda wakhtiga soo gudbinta Musharaxiintooda golaha Deegaanka ee saddexda degmo. Guddoomiyaha Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland Guuleed Saalax Barre ayaa saxaafadda la hadlay. https://youtu.be/bDl_MeSlCGI Idilnews