Author: Jibril Qoobey

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa gaaray magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya, halkaas uu uu uga qeybgalayo kulamo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka Soomaaliya. Axmed Madoobe ayaa la kulmaya qaar kamid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee u taagan hoggaanka Soomaaliya iyo wakiilo ka socda dalalka caalamka, gaar ahaan dalalka reer galbeedka iyo khaliijka carabta. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sidoo kale ku biiray kulamo uu ka waddo magaalada Nairobi Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, kaas oo la sheegay inuu kamid yahay musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya. Idilnews

Read More

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Paakistaan ayaa ka jawaabtay cabashooyin iyo eedeymo culus oo kaga yimid Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi, kuwaasi oo maal mihii ugu dambeeyay Baraaha Bulshada si weyn loogu faafiyay. Dadka Soomaalida ah ee ku nool dalkaasi oo u badnaa Arday wax ka barata Dalka Pakistaan ayaa sheegay in dhibaato weyn ay ka haysato fiisaha, waxaana ay intaa ku dareen in Safaaraddu ay ka gaabisay howlihii loo baahnaa in ay bulshada u qabato, balse War-saxaafadeed kasoo baxay Safaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in arrinta Fiisaha ee ay ardaydu ka cabanayaan sida ugu dhaqsiyaha badan wax looga qaban…

Read More

Wasiirka Wasaaradda Amniga dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in Galmudug iyo Puntland ay iska kaashan doonaan sidii loo soo afjari lahaa Xubnaha ka tirsan Ururka Al-Shabaab Ee ku sugan degaano ka tirsan Koonfurta Galmudug. Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in Ciidamada Puntland & Galmudug ay ka go’an tahay sidii loola dagaalami lahaa Al-Shabaab, waxaana uu si cad u sheegay inay yaraatay awooda Al-Shabaab. https://youtu.be/5xRo6lZCqwE Wasiir Fiqi waxaa uu sheegay in dagaalkii degaano ka tirsan koonfurta Gobolka Mudug ka dhacay Al-Shabaab looga digay in ka badan 250 dagaalyahan, waxaana uu qiray inay dhawaan Al-Shabaab qabsadeen Gaadiid…

Read More

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa si kulul waxaa uu uga hadlay dadkii dhawaan lagu dilay degaanka Kabxanleey ee Gobolka Hiiraan,kuwaas oo dhamaangood Shacab ahaa. Cali Guudlaawe ayaa marka hore u tacsiyadeeyay qoysaskii igo asxaabtii ay daskaasi ka geeriyoodeen, waxaana uu ka digay in Colaada u dhaxeysa labada beeleed ee aanooyinka qabiil isku dilayai ay sii dheeraato. Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in maamulka Hir-Shabeelle uu diyaar u yahay in uu gogol Nabadeed kala dhex-dhigo dhinacyada ay Colaada ka dhaceyso, isaga oo ugu baaqay inay wada-hadal ku xaliyaan wixii tabasho oo ay kala qabaan. Hadalkaan ayaa Madaxweynaha…

Read More

Wasaaradda Caafimaadka dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay kiisaskii ugu dambeeyay ee cudurka Karoonaha. Tirada 24 saac ee ugu dambaysay laga baaray COVID-19 guud ahaan wadanka: 1,208 o Laga Helay: 92 o Banadir: 40 o Puntland: 26 o Somaliland: 20 o Galmudug: 3 o Jubaland: 3 o Lab: 41 o Dhedig: 51 o Bogsashada: 77 o Dhimasho: 10(Banadir:8, Somaliland:2) Tirada Guud ee Laga Helay: 17,302 Bogsashada Guud: 8,363 Dhimashada Guud: 963 Idilnews

Read More

Wafdi uu hogaaminayo Cali Jaamac Faarax oo ah xubin sare oo ka tirsan Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland iyo Agaasimaha Wacyigalinta TPEC Faysal Khaliif Barre ayaa maanta xarig jaray xafiiska gobolka Sool ee Guddiga Doorashooyinka Puntland. Furitaanka xafiiska oo ay kasoo qaybgaleen qaybaha kala duwan ee bulshada, qaar kamid ah Ururada Siyaasadda xafiisyada ku leh magaalada Boocame iyo masuuliyiinta gobolka ayaa xubnaha Guddigu sheegeen in xafiisku ka shaqayn doono sare uqaadida fahamka dadweynaha gobolka Sool ee Hanaanka Axsaabta badan ee Puntland iyo habsami usucodka shaqada Guddiga. https://youtu.be/B2QbQYMvhyU Idilnews

Read More

Dallada Ururada Bulshada Rayidka ah Puntland ee (PUNSAA) ayaa ka hortimid dalab ka yimid Urur-siyaasadeedyada Puntland ee ahaa in dib loo dhigo Doorashooyinka hordhaca ah ee Puntland ee la filayo inay ka qabsoomto degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn. PUNSAA ayaa qoraal ay soo saartay uga digtay dib u dhac ku yimaada Dimuqraadiyaynta Puntland, waxaana ay ugu baaqday waxgaradka iyo aqoonyahanada Reer Puntland inay u istaagaan hirgalinta doorashooyinka qof iyo codka ah ee Puntland. “Waxaa ugu baaqaynaa dhamaan aqoonyahanka iyo waxgaradka Puntland in ay u istaagaan sidii doorashada golayaasha deegaanka ee Puntland ay u hirgali lahayd xiligii loo qorsheeyay.” Ayaa lagu…

Read More

Ciidanka Badda Puntland ee PMPF ayaa howlgallo ka dhan ah Argagixisada ka fuliyay buuraleyda calmadow ee Gobalka Bari. Howlgaladan oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanada Dhadhaab, Warbid, Majayahan iyo togga Dhagcaan. sidoo kale Ciidanka PMPF ayaa howlgaladooda ku gaaray deegaanada xeebaha dhaca ee Durduri iyo Ceelaayo. Idilnews

Read More

Ciidamada cirka Israel ayaa maanta weeraray laba goob oo ka tirsan Gaza, kadib markii shacabka degan Gaza iyo ciidanka Israel ee xuduudda ay isku dhaceen, sidoo kalena buufino soo qaaday walxo qarxa lagu weeraray koonfurta Israel, sida ay ciidanka sheegeen. Weerarkan ayaa yimid ayada oo Masar iyo Israel ay qafiifiyeen xayiraadaha socdaal iyo ganacsi ee lagu soo rogay Gaza, halkaasi oo labada dal ay go’doomiyeen tan iyo markii ay Xamas qabsatay 2007. “Diyaarad dagaal oo ay leedahay Israel ayaa weerartay dhismo militari oo Xamas ay u adeegsan jirtay soo saarista hubka iyo tababarada, sidoo kalena laga soo geli jiray marin…

Read More

Guddoomiyaha Gobalka Mudug Cabdiladiif Muuse Nuur-yare (Sanyare), oo ay wehlinayaan Taliye kuxigeenka Ciidammada Daraawiishta Puntland, Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Mudug, iyo Duqa degmadda Gaalkacyo ayaa kulan la qaatay Wafti ka socda Galmudug oo uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi. Labada dhinac ayaa yeeshay kulan looga hadlayay la-dagaalanka Argagixisada, iyo sidii labada dhinac isaga kaashan lahaayeen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda Gobalka Mudug, iyagoona is afgarad ku gaaray in la xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Sidoo kale Puntland ayaa ku wareejisay Galmudug gaadiid dagaal oo ka kooban 8 Cabdi-bile, Booyad iyo gaari Ambulance ah. Kulankaan…

Read More

Waxaa maanta Magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay Xubnaha Golaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha, kaas oo ay kaga hadlayeen xaaladda dalka gaar ahaan Arrimaha doorashooyinka. Afhayeenka Midowga Musharixiinta Musharax Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in kulankooda ay diirada ku saareen culeysyada kajira dalka gaar ahaan arrimaha doorashooyinka, sigaar ah afar arrimood oo kala ah. 1: Daaha doorashada, mugdiga soo galay, niyadjabka Bulshada Soomaaliyeed ,isla markaana uu mas’uul ka yahay Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Farmaajo. 2: in la is xasuusiyay in Golaha Midowga Muaharixiinta u taagan yihiin in dalkaan doorashooyin xur iyo xalaal ah oo la isku haleyn karobay ka dhacaan.…

Read More

Booliska caasimadda dalka Yemen ee Sanca ayaa waxay gacanta ku dhigeen Haweeney la sheegay inay dishay Saygeeda, sababo la xiriiray Khilaaf qoyska dhexdiisa. Ilo-wareed la tirsan Saldhiga Booliska ee Al-siyaaqi ee Degmadda Sabciin ee magaalladda Sanca ayaa sheegay in Haweeney lagu magacaabo Maciidah C/waaxid Maxamed Al-siyaadi oo 30-jir ay dishay Saygeeda oo lagu magacaabi jirey Waliid Al-samiiri oo 36-jir ahaa. Haweeneyda waxay dilkiisa u adeegsatay Qori AK-47. Booliska Kooxda Xuutiyiinta ee gacanta ku haya caasimadii Yemen ee Sanca ayaa baaraya waxa sababay dilkaasi, iyadoo aad loo hadal-hayo inuu ka dhashay Khilaaf dhanka Qoyska. Idilnews

Read More

Ku dhawaad 40 qof oo Soomaali ah ayaa ku xaniban inta u dhaxeysa dalalka Belarus iyo Lithuania kuwaas oo markii hore ka tagay dalka Turkiga, waxay doonayeen inay tahriib ku galaan dalalka Yurub. Dadkan oo ay ku jiraan caruur iyo dad waayeel ah ayaa sheegay in dhibaatooyin is biirsaday ay halkaa ku haystaan isla markaana ay u baahan yihiin caawimaad. Qaar kamid ah dadkan ayaa sheegay in 7 maalmood ay ku go’doonsan yihiin dhul qabow ah oo u dhexeeyo labadaas dal. Waxay intaas ku dareen in labo qof ay ku dhinteen halkaas xilli ay ka carareen ciidamada ilaalada xadka Belarus.…

Read More

Guddoomiyihii hore ee Gobalka Gedo Cismaan Macalimuu, ayaa si adag uga hadlay hadal kasoo yeeray Guddoomiyaha Farmaajo ugu magacaaban Gobalka Gedo, kaas oo ahaa in Gedo aysan katirsaneyn Jubbaland ayna dhisan doonaan Maamul cusub. “Gobolkan Gedo wuxuu hoostagaa State-ka Jubbaland, waxaa Madaxweyne u ah Axmed Maxamed Islaam, nin diidan iyo nin ogolaada isaga ayaa Madaxweyne u ah, marbaa rag aan aniga ku jiray la leexiyay, waxaa nagula leexiyay wax sharci darro ah, wixii aan ku shaqeynayay wax sax ah ma aheyn” ayuu yiri Cismaan Macalimuu. Idilnews

Read More

Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash. Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland. Markuu arkay: Talo soo jeedinta Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland iyo Xildhibaanada Gobolka Cayn. Markuu arkay: Baahida shaqo ee jirta. Markuu tixgeliyay: Aqoonta iyo waayo-aragnimadiisa shaqo Wuxuu u magacaabay:- Cabdifataax Ciise Maxamed Gudoomiyaha Gobolka Cayn. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu saxiixo ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenku , wuuna saxiixay. Idilnews

Read More

Dowladda Puntland ayaa ku wareejisay Galmudug gaadiid dagaal oo loogu talagalay Ciidanka Galmudug ee dagaalka kula jira Argagixisada Al-Shabaab. Gaadiidka oo ka kooban 8 nooca dagaalka ee loo yaqaan Cabdi-bile, Booyad iyo Ambulance, ayaa qeyb ka ah qorshaha Puntland uga taageerayso Galmudug dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Puntland iyo Galmudug ayaa bilo kahor heshiis ku gaaray inay iska kaashadaan la-dagaalanka Argagixisada, waxaana Puntland ay ballanqaaday inay ka taageeri doonto Galmudug saanadaha Ciidanka, xog is dhaafsiga iyo fududeynta agabyada Ciidammada ee uga degaya dekedaha iyo garoomadeeda diyaaradaha. Idilnews

Read More

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dilmuquraadiyeynta Dowladda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, ayaa shaaciyay in dhowaan la dhisi doono Golaha deegaanka degmada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug. Wasiir Dhabancad ayaa sheegay in ugu dambeyn la dhisi doono Golaha deegaanka Gaalkacyo dabayaaqada bisha soo socota ee September. Magaalada Gaalkacyo ayaa bilihii ugu dambeeyay laheyd Maamul KMG ah, kaddib markii uu kala diray Golihii deegaanka Madaxweyne. Idilnews

Read More

Ciidanka Booliska Gobalka Mudug oo howlgallo ka sameeyay magaalada Gaalkacyo ayaa gacanta ku dhigay gaari laga soo dhacay degmadda Goldogob iyo kooxdii soo dhacday. Howlgalkan oo ahaa mid qorsheysan ayaa Ciidammadu kusoo qabteen gaarigan oo ahaa nooca loo yaqaan “Xaabsadaha” ee lagu qaado alaabaha, kaddib markii Booliska Goldogob ay kusoo wargaliyay dhaca gaariga. Taliska Qeybta Booliska Gobalka Mudug oo qoraal kuu baahiyay bartiisa Facebook ayaa sheegay inay diyaar u yihiin ka jawaabista cabashada shacabka, waxaana ay ugu baaqeen bulshada gobalka Mudug inay la shaqeeyaan Ciidanka Amniga. Idilnews

Read More

Mareykanka,ayaa hakinaya hantida Ethiopian Airlines & Bangiyada Ethiopia ee Maraykanka taala sida jaraa’idka qaar qorayaan, hantidaas,ayaa magdhaw loo siin doonaa Dadkii Tigreega ahaa ee Dowlada Abiy xasuuqday. Commercial bank of Ethiopia ayaa dhawr akoon ku leh Bangiyada Mareykanka ee muhiimka u ah Ganacsiga caalamiga sida Federal Reserve Bank of New York. Sidoo kale Shirkada Diyaaradaha Ethiopian Airlines,ayaa xiriir weyn la leh shirkada Mareykanka ah ee Boeing oo ay badanka diyaaradahooda ay kasoo iibsadeen,isla markaana dayactirt ugu samaysa. Dhanka kale warar laga helayo ilo muhiim ah,ayaa sheegaya in Ciidamada Tigreegu jareen Wadada muhiimka ah ee isku xirta Jabuti iyo Itoobiya. Hadii…

Read More

Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland ee TPEC ayaa diyaariyay kaararka dhijitaalka ah ee loogu talagalay cod-bixiyeyaasha doorashooyinka hordhaca ah ee Golayaasha deegaanka degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn. Doorashooyinkan oo ah kuwii ugu horeeyay ee shacabka Puntland kusoo dooranayaan xubnaha ku matalaya Golayaasha deegaanka, ayaa 25 -ka Oktoobar ee sannadkan ka dhacaysa degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufayn, oo ka kala tirsan gobalada Karkaar, Nugaal iyo Bari. Kaararkan aqoonsiga cod-bixiyayaasha oo la daabacay ayaa la filayaa in dhowaan Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland gaarsiin doonaan saddexda degmo ee diiwaangashan. Idilnews

Read More

Guddoomiyaha degmadda Caluula ee gobalka Gardafuu Cabdullaahi Ciise Saalax, ayaa ka warbixiyay xaalada degmadda ee dhinacyada Amniga iyo hormarka Arrimaha bulshada ee ka socda degmadda Caluula. Guddoomiye Cabdullaahi Ciise ayaa sheegay in maraakiib jariif ay kusoo dhawaadeen xeebaha degmadda Caluula, kuwaas oo dhibaato ba’an ku haya kalluumeysatada degmadda, isagoona baaq u diray dowladda Puntland inay wax ka qabato maraakiibtan. Sidoo kale, Guddoomiyaha degmadda Caluula ayaa sheegay inay waddo la,aan baahsan ay ka jirto gobalka Gardafuu, waxaana uu intaas ku daray in wadaan hirgalinta waddooyin isku xiraya degmadda Caluulka, magaalooyinka iyo deegaanada kale ee gobalka, Dowladda iyo Shacabka Puntland ayaanu ugu…

Read More

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Puntland Mudane Cabdullaahi Maxamed Xasan, ayaa sheegay in Wasaaraddu diyaarisay qorshayaal lagu hormarinayo Waxbarashada Puntland, kuwaas oo qaarkooda la fuliyay. Wasiir Cabdullaahi Maxamed Xasan oo wareysi siiyay Puntland State TV ayaa xusay in Xukuumadda Puntland kor u qaadayso tayada waxbarashada deegaanka, iyadoo Dowladdu kordhinayso dhaqaalaha ay ku bixiso waxbarashada, si loo helo ubad aqoontoodu wanaagsan tahay. Sidoo kale, Wasiirka ayaa sheegay inay Wasaaradda Waxbarashadu ay bilowday hirgalinta dugsiyada sare ee farsamada gacanta, si loo helo arday u diyaarsan inay shaqeeyaan kolka ay dugsiyadda sare kasoo baxaan. Ugu dambeyntii, Wasiirka Waxbarashada Dowladda Puntland…

Read More

Guddoomiyaha Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ee TPEC Guled Salah, ayaa xariga ka jaray Xafiiska cusub ee Guddiga Doorashooyinka ee Gobalka Mudug, kaas oo laga hirgaliyay magaalada Gaalkacyo. Munaasabadda furitaanka xafiiskan ayaa waxaa ka qeybgalay Af-hayeenka Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland, Guddoomiye kuxigeenka degmadda Gaalkacyo, Nabaddoono, Aqoonyahano, dhalinyaro iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada. https://www.facebook.com/TPECPuntland/videos/386394619566961 Idilnews

Read More

Madaxweynaha Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kulamo siyaasadeed ka wada magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, oo uu gaaray galinkii dambe ee jimcihii. Madaxweyne Deni ayaa kulamadan la leh qaar kamid ah siyaasiyiinta Soomaalida, ee ku sugan Nairobi iyo wakiilo ka socda qaar kamid dalalka caalamka, gaar ahaan reer galbeedka iyo khaliijka carabta, isagoona kala hadlay marxalada siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka. Siciid Deni, Madaxweynaha Puntland ayaa la rumeysan yahay inuu yahay musharax Madaxweynaha DFS, waxaana uu wadaa olale uu ku raadinayo taageero caalami ah iyo jilba culus siyaasdeed. Idilnews

Read More

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dilmuquraadiyeynta Dowladda Puntland ayaa shaacisay in Nabaddoonada u diiwaangashan Wasaaradda ay yihiin cidda soo xulaysa ergada dooranaysa xildhibaanada Golaha Shacabka BJFS. Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo wareysi siinaya Radio Daljir ayaa sheegay in Wasaaradda Arrimaha Gudaha ay aqoonsi siisay 597 Nabaddoon oo kamid ah waxgaradka Puntland, ayna iyagu soo xuli doonaan ergada dooranaysa xildhibaanada Golaha Shacabka. Hadalka Wasiir Dhabancad ayaa kusoo aadaysa xilli dhowaanahan ay jireen doodo badan oo ka dhashay sida loo soo xulayo ergada dooranaysa xildhibaanada Golaha Shacabka, kaddib war-murtiyeedkii kasoo baxay Golaha Wada-tashiga Qaran. Idilnews

Read More

Wasiirka wasaaradda gargaarka iyo Maareynta musiibooyinka Jubbaland Mudane Cabdiraxmaan Cabdi Axmed ayaa maanta magacaabay guddiga diyaar garowga iyo ka jawaabista aafooyinka. Guddigaan oo ka kooban 11 xubnood ayaa loo magacaabay si ay gundhig ugu noqdaan ka wajaabista iyo u diyaar Garowga dhammaan musiibooyinka iyo Aafooyinka ka dhici kara dalka gaar ahaanna Jubbaland. Idilnews

Read More

Wararka ka imaanaya Gobalka Mudug ayaa sheegaya in Ciidammo ka socda Puntland ay gaareen deegaano katirsan koonfurta Gobalkaas oo dhowaanahan ay ka dhacayeen dagaal u dhexeeya Ciidammada Galmudug oo garab ka helaya Ciidanka DFS iyo maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab. Ciidammada oo isugu jira ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee PSF Puntland iyo Daraawiishta, una hubeysan si weyn ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka gudbay Koonfurta Gaalkacyo, iyagoo gaari doona deegaanada Camaara, Bacaadweyne iyo deegaano kale oo katirsan Galmudug. Puntland iyo Galmudug ayaa bilo kahor ku heshiiyay inay iska kaashadaan la-dagaalanka Argagixisada, iyadoona Puntland ay balanqaaday inay Ciidammo u dirayso deegaanada Al-Shabaab…

Read More

Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday inay weerar dhanka cirka ah ka fulisay bariga Afghanistan oo ay ku beegsatay koox xiriir la leh ISIL, maalin kadib weerar ka dhacay banaanka garoonka diyaaradaha Kabul oo lagu dilay ugu yaraan 175 qof iyo 13 askari oo Mareykan ah. “Duqeynta oo aan cidi wadin ayaa ka dhacday Gobolka Nangarhar ee Afgaanistaan. Tilmaamaha bilowga ah ayaa ah inaan dilnay bartilmaameedka, ”Captain Bill Urban oo ka tirsan Taliska Dhexe ee Mareykanka ayaa bayaan ku yiri warsaxafeed. “Waan ognahay in aysan jirin wax khasaare ah oo rayid ah,” ayuu ku daray bayaan uu soo saaray oo lagu…

Read More

Warbixin kasoo baxday Howlgalka Midowga Yurub ee la dagaalanka Burcaddeeda ayaa sheegay in maalmo ka hor burcadbadeed Soomaali ah si dirqi ah uga badbaaday inay qabsadaan markab u socday dakada Muqdsiho. Weerarkaan ayaa ururka waxaa uu sheegay in uu ahaa mid qorsheysan balse uu fashilmay. “Weerarkaas waxaa fuliyay afar ruux oo la socday doon yar oo ah kuwa dheereeya, waxa ay weerareen markabka oo ay damacsanayeen in ay qafaashaan si ay uga helaan Madax-furasho balse gurmad degdeg ah ayaa gaaray oo ka socda howlgalka EU NavFor”ayaa lagu yiri warka kasoo baxay. Midowga Yurub ayaa sheegay in ciidanka ilaalada xeebaha ee…

Read More

Gobolka Siti ee Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya waxaa ka socda dagaal sababay qasaare badan oo u dhaxeeya Canfarta iyo Soomaalida. Waxaa lagu soo warramayaa in weli ay labada dhinac is horfadhiyaan. Dagaalka xooggiisa ayaa la sheegay in uu maanta ka socdo deegaanka Garba-Ciise, halkaas oo laga soo sheegayo khasaare aan la cayimin. Maamulka Deegaanka Canfarta ayaa ku eedeeyay Dowlad Deegaanka Soomaalida in ay isku dayayaan inay gacanta ku dhigaan Mile, oo ka tirsan gobolka Canfarta, isla markaana ah magaalo muhiim u ah ganacsiga u dhaxeeya Itoobiya iyo Jabuuti, taas oo maamulka Dowlad Deegaanku uu beeniyay. Qoraal ka soo baxay…

Read More

Wufuud ka kala socotay Dowladda Puntland iyo Dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaa shir ku yeeshay degmada Goldogob ee gobolka Mudug. Shirkan waxa ka qayb galay madax ka socotay Wasaaradda Maaliyadd, Wasaaradda Ganacsiga , maamulka gobolka Mudug iyo Hay’adaha amniga gobolka Mudug, halka dhanka DDS Itoobiya u matalayeen Guddoomiyaha gobolka Doollo, guddoomiyayaashii degmooyink Bookh, Galxamur,Galaadi,Danood iyo hay’adaha amniga ee gobolka. Madaxda labada dhinac ayaa si qoto dheer uga wadahadlay wadashaqeynta amniga,ganacsiga,cashuuraha iyo xoojinta iyo iskaashiga Puntland iyo DDS Itoobiyaiyo. Sidoo kale shirka ayaa la isula gartay in meel looga soo wada jeesto la dagaalanka argagaxisada iyo falalka kale ee amniga…

Read More

Madaxweynaha Puntland H.E Said Abdullahi Deni, ayaa gaaray magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, halkaas oo uu kulamo ka bilaabi doono. Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Deni uu la kulmi doona Wakiilo ka socda dalalka caalamka, iyo qaar kamid ah siyaasiyiinta Soomaalida, iyagoo ka wada-hadli doona Arrimaha Doorashooyinka Dalka. Siciid Deni ayaa la rumeysan yahay inuu yahay musharax Madaxweynaha DFS, waxaana uu wadaa olale uu ku raadinayo taageero caalami ah iyo jilba culus siyaasdeed. Idilnews

Read More

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ah ee Jubaland kadib safar shaqo oo maalmahii lasoo dhaafay uu ku joogay Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka. Madaxweynaha ayaa Muqdisho kaga qeybgalay shirka madasha wadatashiga qaran ee arimaha Doorashooyinka kaas oo lagu gaaray go’aamo wax ku ool ah oo lagu dardar galinayo howlaha Doorashooyinka. Idilnews

Read More

Booliska Gobalka Nugaal ayaa gacanta ku dhigay gaari booyad ah iyo darawalkii watay oo kiimiko uu kasoo qaaday Shirkadda Isbuunyada Tabaarak oo dhowaan gubatay uu uga daatay laamiga bartamaha Caasimadda Puntland ee Garoowe. Kiimikadan ayaa sababtay inay suuxaan qaar kamid ah dadkii ku ganacsanayay hareeraha laamiga, sidoo kalena ay qaarkood dareemaan cun cun dhanka dhuunta iyo indhaha ah. Waxaana socda dadaalo lagu nadiifinayo laamiga oo ay wadaan ciidanka dab-demiska Garoowe. Duqa caasimadda Garoowe Hon: Ahmed Said Muse oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa yiri; Maanta 11-kii barqanimo Booyad kuwa nadaafadda ayaa kiimiko kaga daadatay laamiga weyn ee magaalada dhexmara.…

Read More

Midowga Afrika (AU) ayaa u magacaabay madaxweynihii hore ee Nigeria Olusegun Obasanjo inuu noqdo wakiilka sare ee gobolka Geeska Afrika. Moussa Faki Mahamat, oo ah Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ayaa bayaan uu soo saaray ayaa ku sheegay in go’aankan uu qeyb ka yahay dadaalka Midowga Afrika ee horumarinta nabadda, amniga, xasilloonida iyo wadahadalka siyaasadeed ee dhammaan gobolka Geeska Afrika. “Si gaar ah, Wakiilka Sare wuxuu xoojin doonaa wada -shaqeynta dhammaan jilayaasha siyaasadeed ee ay khuseyso iyo daneeyayaasha gobolka si loo helo nabad waarta iyo xasillooni ka jirta Geeska Afrika.”ayuu yiri Moussa Faki Mahamat. “Hoggaamiyihii hore ee Nigeria wuxuu la imanayaa…

Read More

Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa sheegay in Rajiimkii Farmaajo ay dalka u horseedeen dhaqan xumo siyaasadeed, isagoona uga digay Madaxda Golaha Wada-tashiga Qaran inay dalka ka qabtaan doorasho horseeda inuu dalku burburo ama uu gacanta u galo Argagixisada. Halkaan Hoose ka Akhriso qoraal uu Facebook soo dhigay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. La dagallaanka argagexisada, Ameerika waxay ugu kacday dhimashada 7 kun oo askari, 50 kun oo dhaawac ah, iyo ku dhowaad 30kun oo dagaalka ka soo laabtay oo iyagu is dilay. Waxaa kaloo dhintay boqollaal kun oo Afgaanistaan iyo Ciraaq u dhalatay, halka uu dagaalka argagexiso la dirarka uu sababay…

Read More

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Puntland, Cabdullaahi Maxamed Xasan ayaa si kulul uga jawaabay hannaanka uu Hanti-dhawrka Puntland u maray barista Agaasimayaasha waaxaha ee wasaaradda Waxbarashada. Wasiirka waxaa uu sheegay in waddo sax ah uusan u marin Hanti-dhawrka Puntland xerista Akoonada Wasaaradda Waxbarashada iyo shaqa-joojinta lagu sameeyay mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaraddaas. Sidoo kale waxaa uu walaac xoogan ka muujiyay in Xubnaha wasaaradda lagu eedeeyo wax-isdaba marin iyo musuq maasuq, iyadoo aan la soo bandhigin wax caddayn ah oo muujinaya. Ugu dambeyn Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Dowlad Goboleedka Puntland, Cabdullaahi Maxamed Xasan ayaa sheegay in tallabada uu qaaday Hanti dhowraha Puntland ay keeni…

Read More

Masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda oo uu hogaaminayo Wasiir Cabdi Ibrahim Warsame (Qowdhan) ayaa maanta booqday dagmooyinka Jariiban iyo dekadda Garacad ee Gobolka Mudug. Wafdiga ayaa booqday Xarunta Degmadda iyo Dekadda Garacad iyadoo ay la kulmeen dhamaan masuuliyiinta Shirkadda Wadaagsin oo ah shirkad maxalli ah oo maamulka dhismaha gacanta ku haysa Dekadda. Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Md Cabdi Ibrahim Warsame ayaa warbixnno kala duwan ka dhagaystay masuuliyiinta Wadaagsin oo ay weheliyaan khuburadda dhismaha Dekadda. Wasiir Ku Xigeenka Ayaa bogaadiyay hormarka baaxadda leh ee ka socda dhismaha Dekadda iyadoo uu ku amaanay masuuliyiinta Wadaagsin sida ay uga dhabeeyeen mashruuca dhismaha Dekadda Garacad.…

Read More

Qarax ayaa maanta ka dhacay banaanka garoonka diyaaradaha Hamid Karzai ee magaalada Kabul ee dalka Afghanistan, halkaasi oo kumanaan qof oo ka cararaya xukunka Taalibaan ay buuxiyeen. Qaraxa ayaa waxaa xaqiijiyey afhayeenka Pentagon-ka Mareykanka John Kirby. Sarkaal kale oo Mareykan ah ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa is-miidaamin. Goobjoogeyaal ayaa xaqiijiyey dhimashada dhowr qof. Sidoo kale, wakaaladda wararka Reuters ayaa kasoo xigatay mas’uul ka tirsan ururka Taalibaan in ugu yaraan 13 qof ay ku dhinteen qaraxa, oo ay ku jiraan caruur. Waxa uu sidoo kale sheegay in qaar ka mid ilaalada Taalibaan ay ku dhaawacmeen qaraxa. Qaraxa ayaa yimid ayada…

Read More

Kooxda Al-Shabaab ayaa maanta dib u qabsaday deegaanada Bacaadweyne iyo Camaara ee gobolka Mudug, kaddib markii ay dib uga soo baxeen ciidamada Daraawiishta Galmudug iyo kuwa dowladda federaalka Soomaaliya. Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyey in Al-Shabaab ay gudaha deegaanadan lasoo galeen maleeshiyaad aad u hubeysan. Ma jirto wax war oo kasoo baxay Galmudug iyo DFS, kaas oo ku saabsan qabsashada Al-Shabaab ee Camaara iyo Bacaadweyne Talaadadii ayey aheyd markii ciidamada dawladda Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedka Galmudug ay dib u qabsadeen magaalada Camaara ee Gobolka Mudug, halkaasi oo muddo kooban ay haysteen maleeshiyada Al-Shabaab. Idilnews

Read More

Wafdiga Soomaaliya uga qeybgalay Shirweynaha Midowga Boostada Adduunka (UPU) ayaa ka qeybgalay doorashada hoggaanka ugu sarreeya ururkaas oo shalay ka dhacday caasimadda dalka Ivory Coast ee Abidjan. Agaasimaha Boostada Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Cabdfataax Maxamed, ayaa ka qeybgalay codeynta oo ah markii ugu horreysay tan iyo markii dib loo soo celiyay xubinnimada UPU sanadkii 2019-kii. Doorashadii shalay dhacday waxaa ay u dhacday sidaan: Masahiko Metoki oo u dhashay Japan ayaa ku guuleeystay (Agaasimaha Guud ee hay’adda) halka Marjan Osvald oo u dhashay waddanka Slovenia uu asna ku guuleeystay (Agaasime Ku-xigeen). Idilnews

Read More

Siyaad Qaadir, oo 59 sanno jir ah u dhashay dalka Ciraaq, waxaa muddo 31 sanno ah uu si joogta ah u booqdaa qabrigiisa isagoo nool. Qisada ninkan ayaa kasoo bilaabatay 1982 kaddib markii lagu qabtay dagaalkii dhexmaray Ciraaq iyo Iiraan, isla markaasna aas ay u sameeyeen qoyskiisa, markii lagu wargaliyay in wiilkoodii dhintay. https://www.facebook.com/RadioHimilo.so/videos/203363485106021 Idilnews

Read More

Kooxda Taalibaan ayaa weydiisatay Turkiga kaalmo farsamo si ay u maamulaan garoonka diyaaradaha ee Kabul kadib marka ay baxaan ciidamada shisheeye, laakiin Taalibaan ayaa ku adkaysaneysa in milatariga Ankara ay sidoo kale si buuxda uga baxaan Afghanistan dhammaadka bishan August. Sida laga soo xigtay laba sarkaal oo Turkish ah, codsiga ay shuruuddu ku xirantahay ee Taalibaan oo imanaya kadib markii ay dib ula wareegtay xukunka Afghanistan 20 sano kadib markii uu dhammaaday duulaankii Mareykanka, ayaa Ankara uga dhigan qaadashada go’aan adag oo ku saabsan inay aqbasho shaqadan halist ah, haddii aysan ciidankeedu Afghanistan sii joogi doonin. Turkey ayaa qeyb ka…

Read More

Biyo-xireenka weyn ee Ethiopia ay ka sameysay Nile-ka Bulugga ah ayaan sanadkan wax saameyn ah ku yeelan qulqulka biyaha ee Sudan, waxaa sidaas sheegay sarkaal ka tirsan dowladda Sudan. Ethiopia ayaa sanado badan ku bixisay wada-hadallo xasaasi ah oo biyo-xireenka oo ay ku kacday $5 bilyan kala gashay Masar iyo Sudan, oo labaduba uu webiga maro, kana cabsi qaba inay yaaradaan biyaha soo gaara. Hase yeeshee wada-hadallada ayaan ku guuleysan in heshiis lagu gaaro, waxaana weli biyo-xireenka uu xuddun u yahya xiisad ka dhex oogan saddexda dal. Sudan ayaa sheegtay inay suurta-gal tahay in biyo-xireenka uu saameyn togan ku yeelan…

Read More

Ninka ka dambeeyay dilka saddex askari oo boolis ah iyo askari ilaalo ka ahaa meel u dhow safaaradda Faransiiska ee Dar es Salaam Arbacadii ayaa la sheegay inay walaalo ahaayeen nin hore uga tirsanaan jiray Al-Shabaab oo lagu dilay bartamaha Soomaaliya. Wararka ayaa sheegaya in ninkan uu ahaa soddon jir muddo ku jirey raadaarka booliska oo lagu raad joogay,waxaana magaciisa lagu sheegay sida ku qoran aqoonsigiisa Xamza Xasan Maxamed. Sida warku sheegayo Xamza ayaa ka yimid dalka Soomaaliya kadib markii walaalkiis oo Al-Shabaab u dagaallamayay lagu dilay Ceelbuur ee gobolka Galguduud ee bartamaha Soomaaliya. Qoyska Xamza oo ka kooban hooyadii…

Read More

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa kulan lagu qabtay saldhiga bartamaha Bosaaso logana hadlaayay amniga la qaatay Saraakiisha Ciidamada Booliska Gobalka Bari. Inta uu socday kulanka ayaa waxaa diirada lagu saaray xoojinta wadashaqeynta laamaha amniga boosaso iyo sidii loo dardar-gelin lahaa howlgalada lagu xaqiijinayo. Taliye Xuseen ayaa dhamaan baraha kantaroolada faray in ay fajiignaan amni oo buuxa ay ka galaan dadka soo xagaa noqonaaya oo imanaya magalada Bosaaso marka laga reebo dadka Qoysaska ah iyo dadka jilicsan oo uu sheegay Taliyaha in ay si wanagsan dadkaas ciidamada ay ugu fududeyaan inta ay taagan yihiin gadiidka kalle…

Read More

Madaxweynaha Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa horaanta bisha September socdaal ku tagaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug, halkaas oo uu kulamo kula yeelanayo Maamulka gobalka, kan degmadda Gaalkacyo, saraakiisha ciidammada, waxgaradka iyo isimada dhaqanka gobalka Mudug. Madaxweyne Deni ayaa kala hadlaya dhinacyada la-dagaalanka Argagixisada, Hormarinta gobalka Mudug iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta Xukuumadda Puntland ee uu hoggaamiyo iyo bulshada gobalka Mudug. Sidoo kale, Siciid Deni ayaa la filayaa inuu daah-furo dib u bilaabista mashruuca dhismaha wadada Gaalkacyo – Garoowe, oo horey musuq-maasuq dartiis ay u joojisay Hay’adda GIZ. Idilnews

Read More

Madaxweyne kuxigeenka Dowladda Puntland Ahmed E. Osman Karaash, ayaa maanta shir-guddoominayay kulanka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada Puntland. Kulanka ayaa todobaadkan looga hadlay xaalada guud ee Amniga, Imtixaanka fasalka 8-aad, xaalada Gobollada Puntland iyo Roobabka, Madaxweynaha ayaana faray Golaha Wasiirada dardar-gelinta shaqooyinka loo hayo Bulshada Puntland. Idilnews

Read More

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa kulan la qaatay gudiyada hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed iyo heer federaal, guddiga xalinta khilaafadka iyo xubnaha Jubaland ku mataya guddiga la taliyayaasha farsamo ee Golaha wadatashiga qaran. Xubnaha Guddiyada ayaa waxaa ay warbixin la xiriirta arrimaha doorashooyinka siiyeen Madaxweynaha Jubbaland, iyaga oo sheegay in meel wanaagsan ay wax u marayaan. Madaxweynaha ayaa xubna Guddiuads ku booriyay inay dardar galiyaan shaqooyinka muhiimka u ah Bulshada Soomaaliyeed ee ay gacanta ku hayaan. Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam oo weli ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa waxaa la filayaa in uu halkaasi kasii wado kulamada looga hadlayo…

Read More

Taliska Guud ee Ciidamada PMPF oo hore ugu balanqaaday qalab xafiiseed dhammaystiran Ururka Dhallinyarada gobolka Karkaar ee KEYNET ayaa si rasmi ah ugu wareeriyey maanta masuuliyiinta Ururka qalabkaasi. Cabdalle Muuse oo ka mid ah Xafiiska Agaasinka Guud ee Hay’adda ayaa qalabka si rasmi ah ugu wareejiyey dhallinyarada, waxaana kala wareegey Guddoomiyaha ururka Cabdinaasir Aadan Naxar. Idilnews

Read More

Ciidamada Booliska iyo Nabadsugida dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo kala duwan oo amniga lagu xaqiijinayay ka sameeynayeen Xaafadaha kala duwan ee Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose. Howlgallada oo intooda badan la sameeynayay xilliyada habeenkii ayaa Ciidamada waxaa ay ku baarayeen guryaha qaar iyo Gaadiidka noocyadiisa kala duwan ee isticmaala wadooyinka waaweyn ee Magaalada Kismaayo iyo kuwa jidcadayaasha ah ee Xaafadaha dhexmara. Afhayeenka Wasaaradda Amniga Maamulka Jubbaland Jaamac Axmed Cali (Joofane) ayaa sheegay in howlgallada ay ahaayeen kuwo amniga lagu xaqiijinayay maadaama Magaalada Kismaayo dhawaan ay ka dhacayaan doorashooyinka Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka…

Read More

DELEGATION OF THE EUROPEAN UNION TO ETHIOPIA Subject: ETHIOPIA – Overview August 14 – 20: Both sides remain convinced that a military victory is within reach Summary: While fighting between TDF/TPLF and ENDF/Amhara Forces continued on several fronts, OLA extended occupation of rural areas in Oromia Region and gained control over some important roads. There seems to be small to no appetite to start negotiating at this point: both sides are convinced that they will be able to achieve a decisive military victory within the coming months. Eritrea reportedly sent reinforcements to Western Tigray and might be preparing a new…

Read More

Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Dowladda Puntland ahna sii-haya xilka Wasiirka Mudane Cumar Xasan Fiqi ayaa maanta la kulmay Wafti ka socday Safaaradda Switzerland ee Soomaaliya. Wafdigan oo u hoggaaminayay Cyprian Nyamweno iyo Nimco Maxamuud Jirde ayaa kormeeray xarunta Wasaaradda ee magaalada Garoowe. Kulan ay ku yeesheen xarunta Wasaaradda Maaliyadda Puntland ee Garoowe, waxaa goobjoog ka ahaa Xiriiriyaha mashruuca PFM Cabdiqaadir Axmed Xaashi, Madaxa Mashruuca RCRF Shukri Warsame iyo Khabiirka qaybta xiriirka PFM Ruqiyo Cabdicasiis. Wasiir kuxigeeenka Maaliyadda Puntland Mudane Cumar Xasan Fiqi ayaa sheegay in muhiimada kulanka uu ahaa sidii wafdigan wax uga oggaan lahaayeen mashaariicda ka socota Puntland ee ay…

Read More

Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee ee 21 iyo 22 Agoosto ku qabsoomay Muqdisho. Beesha caalamka ayaa xubnaha Golaha Wadatashiga Qaran ka codsatay inay wax ka qabtaan walaaca laga keenay hanaanka doorashada Aqalka sare, si loo taageero hanaan doorasho oo daahfuran, waqtiyaysan, loo wada dhanyahay oo lagu kalsoonaan karo oo loo qabto Golaha Shacabka. Waxay sidoo kale soosoo dhoweeyeen dhismaha Guddiga Amniga Doorashada, waxayna ku baaqeen in dib loo billaabo kulamada guddiga si loo xaqiijiyo in qabanqaabada amniga laga diyaariyo dhammaan goobaha codbixinta ka hor doorashada Aqalka Hoose. “Saaxiibadu waxay Golaha…

Read More

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Cabdi Ibraahim Warsame” Qawdhan” ayaa booqday xafiisyadda Wasaaradda maaliyaddu ku lee dahay magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Wasiirka oo uu weheliyaan ku-simaha agaasimaha guud Mudane Abshir Maxamed Abshir iyo Xisaabiyihii guud ee Wasaaradda Maaliyadda ee Gobolka Mudug Ismaaciil Cabdi Nuur ayaa booqday xarunta dhaxe, goobaha dakhliga ee gobolka Mudug oo ay warbixino kaga dhegaysteen mas’uuliyiin kala duwan ee Gobolka. Ku-simaha agaasimaha Guud Abshir Maxamed Abshir, ayaa sheegay in ujeedada booqashada waftigaani ay tahay sidii loogu kuur gali lahaa howlaha ka socda xafiisyada Wasaaradda ee gobolka Mudug, korna loogu qaadi lahaa dakhliga dowladda…

Read More

Wafdi uu hogaaminayo Guddoomiye ku xigeenka Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland Jaamac Xirsi Faarax uuna ka mid yahay Cabdirisaaq Axmed Siciid oo ah xubin Guddiga ka tirsan ayaa maanta xarig jaray xafiiska gobolka Sanaag ee Guddiga Doorashooyinka Puntland. Furitaanka xafiiska oo ay kasoo qaybgaleen qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa xubnaha Guddigu sheegeen in xafiisku ka shaqayn doono sare uqaadida fahamka dadweynaha gobolka sanaag ee Hanaanka axsaabta badan ee Puntland iyo habsami usucodka shaqada Guddiga. https://www.facebook.com/Puntlandstatetv/videos/532791991281073 Idilnews

Read More

Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Puntland iyo Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan beeraha iyo cunada ee FAO ayaa maanta shir kusaabsan wada shaqaynta iyo iskaashiga ka dhexeeya kuqaatay xarunta dhexe ee wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo isbedelka cimilada Dowladda Puntland. Shirkan ayaa si gaar ah waxaa xooga looga saaray wadashaqaynta labada dhinac ee arimaha la dagaalanka Ayaxa iyo hoos u dhiga dhibaatooyinka Ayaxa oo weli laga dareemayo gobolada Puntland, Waxaana gabagabadii shirkan soo xiray kusimaha Wasiirka wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka cimilada Mudane, Cabdirashiid Cali Geelle oo hay’adda FAO uga mahadceliyey wada shaqaynta wnaaagsan ee ay leeyihiin iyaga iyo Wasaaraddu.

Read More

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland Mudane Cabdullaahi Cabdisalaan Xasan, ayaa ka qeybgalay Munaasabad ay xilka kula wareegayeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga iyo Agaasime-waaxeedyo uu dhowaan magacaabay Madaxweynaha Dowladda Puntland. Wasiir kuxigeenka Amniga Cabdullaahi Cabdisalaan Xasan ayaa sheegay in Wasaaradda Amnigu ay muhiim u tahay Dowladda iyo Shacabka Puntland, isagoona kula dardaarmay masuuliyiinta xilka la wareegay inay si wanaagsan u gutaan waajibaadka loo igmaday. https://www.facebook.com/826003914191316/videos/1177858129392046 Munaasabadda ayaa sidoo kale waxaa ka qeybgalay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidammada Puntland, Taliye kuxigeenka Ciidammada Booliska Puntland iyo Marti-sharaf kale. Idilnews

Read More