Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Beesha caalamka oo si wadajir ah usoo dhawaysay ansixinta Golaha wasiirada cusub
    Somalia

    Beesha caalamka oo si wadajir ah usoo dhawaysay ansixinta Golaha wasiirada cusub

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 30, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Beesha Caalamka ayaa waxa ay ka hadashay Go’aankii 29-kii Bishan xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ay ku ansixiyeen Golaha Wasiirada cusub ee Soomaaliya, oo uu soo magacaabay Ra’iisul Wasaare Khayre.

    Saaxiibada daneeya arrimaha Soomaaliya oo ay ka mid yihiin QM, Midowga Afrika, Midowga Yurub, IGAD, Talyaaniga, Belgium, Netherlands, Sweden ayaa si wadajir ah waxa ay u soo dhaweeyeen ansixinta Golaha Wasiirada cusub ee Soomaaliya.

    Waxa ay sheegtay Beesha Caalamka Dowladda Federaalka, gaar ahaan xukuumadda cusub in ay kala shaqeyn doonto sidii arrimaha wax looga qaban lahaa iyo in arrinta la xiriirta Amniga isbedel weyn lagu sameeyo, lagana hortago dilalka macno darada ah ee ka dhaca Muqdisho.

    “Go’aanka xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ay shalay ku ansixiyeen Golaha Wasiirada cusub waxa ay aheyd mid kalsooni siineysa Dowladda iyo shacabka, sidoo kale waxa ay tahay talaabo horey loo qaaday, oo la doonayo in la sii dar dar geliyo.” Ayaa lagu yiri warka Qoraalka ah ee ka soo baxay Beesha Caalamka.

    Sidoo kale Beesha Caalamka ayaa waxa ay sheegtay Dowladda cusub ee Soomaaliya gaar ahaan xukuumadda in looga fadhiyo in ay wax ka qabato arrimo badan, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Macluusha Abaaraha ee dalka ka jira iyo arrimaha Amniga.

    Ugu dambeyntii Saaxiibada daneeya arrimaha Soomaaliya ayaa u rajeeyay Wasiirada cusub ee Soomaaliya in ay ku guuleystaan waajibaadkooda Qaran, waxaana ay u balan qaadeen in ay garab taagan yihiin, si shaqadooda ay ugu guuleystaan.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    June 17, 2025

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    June 17, 2025

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    June 17, 2025
    Latest Posts

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil?

    Faallo:-Maxaa dhacaya hadii Maraykanku ku biiro dagaalka Iran?

    Update:-Dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Shirweynaha Bangiyada iyo Maaliyada oo Garowe ka furmay

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Doonyo laga shakiyay oo lagu qabtay Bender-beyla

    Wararkii ugu danbeeyay ee dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.