Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Bemba oo maanta la xukumi doono
    Somalia

    Bemba oo maanta la xukumi doono

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 22, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Congo Jean-Pierre Bemba ayaa lagu wadaa maanta in ay xukun ku riddo maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada ee ICC, kaddib markii ay maxkamaddu ku heshay dambi ah in uu laaluushay markhaatiyada maxkamaddaasi.

    Bemba ayaa waxaa horey loogu xukumay 18 sano oo xabsi ah oo uu ku muteystay dambiyo dagaal iyo kuwo ka dhan ah aadanaha.

    Sanadkii la soo dhaafay ayaa Bemba iyo afar qof oo kale oo isaga aad ugu dhawaa waxaa lagu helay dambi ah in ay laaluusheen markhaatiyada maxkamadda si ay u beeniyaan caddeymaha la hayo.

    Dacwaddan ayaa ah tii ugu horreysay oo musuqmaasuq la xiriirta oo abid soo marta taariikhda maxkamaddani ICC.

    Maxkamadda ayaa la hor keenay caddeymo muujinaya in Jean-Pierre Bemba uu gudaha xabsigiisa uu ka dhex abuuray shabakad isku xiran oo laaluushta dadka ku markhaati furayay isaga.

    Shabakaddani ayaa isticmaalaysay taleefoono qarsoodi ah iyo ereyo maldahan, si ay u laaluushaan, una hagaan isla markaana ay faragelin ugu sameeyaan ugu yaraan 14 qof oo ah markhaatiyada ugu muhiimka maxkamadda ee isaga ku markhaati furayay.

    Qareeenka u doodayay madaxweyne ku xigeenkaasi hore, nin madax ka ahaa difaaca dacwaddiisa, nin siyaasi ah oo ay saaxibbo yihiin iyo qof ka tirsan markhaatiyadiisa ayaa isu geyntooda lagu helay in ka badan boqol dambi.

    Arrintan ayay ku muteysan karaan min shan sano oo xabsi ah, ganaax ama xitaa in la isugu daro labaduba.

    Maxkamadda ICC-da ayaa rajeynaysa in dacwaddan ay farriin cad u noqoto dadka kale, taa oo ah in la ciqaabayo dadka isku daya in ay hor istaagaan caddaaladda.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    January 11, 2026

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    January 11, 2026

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    January 10, 2026
    Latest Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    2025 oo noqday Sanadkii xaqiijinta Amniga Puntland.

    Faallo:-Xiriirka Sacuudiga iyo Imaaraadka keebaa uleh muhiimad PL?

    Faallo:-Villa Somaliya maka saari kartaa Dalka Dowlada Imaaraadka?

    Villa Somaliya oo ku cadaadinaysa Shiinaha in uu Wasiirka Arimaha dibada yimaado.

    Faallo:-Maxaa sababay baaqashada Wasiirka Shiinaha Ee Muqdisho?

    Faallo:-Khudbada Madaxweyne Xasan Shiikh Ee Caawa?

    Maraykanka oo ka baxay xubinimada hay’ado fara badan oo caalamiya

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.