Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Booliska Puntland oo Boosaaso ku qabtay lacag dollar iyo Yuuro ah oo faalisa (VIDEO)
    Somalia

    Booliska Puntland oo Boosaaso ku qabtay lacag dollar iyo Yuuro ah oo faalisa (VIDEO)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeySeptember 8, 2021Updated:September 8, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ciidamada Booliska Gobalka Bari ayaa manta howlgalo ay sameeyeen ku guleystay in ay qabtaan lacago Faalso ah oo iskugu jirtay Doolar iyo EURO oo la donaayya in si qarsoodi ah loo soogaliyo Magaalada Bosaaso taasoo hawlgalada ka dib ay ku guulaysteen ciidamada kantaroolka Bossaso.

    Lacagtaan faalsada ayaa dhameyd in ka badan 2Milyan iyo lix boqol iyo sodon kun oo iskugu jirtay lacagaha dolarka iyo yuurooda waxaana waraaqaha lacagaha ay isugu jireen oo ku qornaa midkiiba boqol kun, iyo Toban kun, iyo kun, halka sidoo kale la doonayay in lagu qaldo lacago jajab ah.

    Goobta lagu soo bandhigay lacagtan been abuurka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Duqa Magalada Boosaso Cabdiqani Axmed Ismaaciil Taliyaha Booliiska Gobolka Bari Xuseen Cali Maxamuud iyo Maamulaha Bangiga Bosaaso Muuse Ow Xuseen Ducaale.

    Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Bari Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud oo ka hadlay goobta lagu soo bandhigay lacagaha faalsada ah ayaa sheegay in ciidamada Booliiska ay ku guulaysteen qabashada lacagtan iyo dadkii watay isagoo sheegay in ciidamada ay dadka iyo dalka ka badbaadiyeen in shacabka lagu dhaco laguna dhibaateeyo taasoo wadata khatarteeda hadii ay gali lahayd suuqyada magaalada Bosaaso.

    Taliyaha ayaa ugu danbayntii sheegay in sharciga la horgayn doono cidii wadatay lacagtaas sidoo kalana u mahad naqay ciidamada Booliiska oo uu sheegay in ay kaalin mug leh ay kaga jiraan dadkooda iyo dalkooda sidii ay uga qaban lahayeen wax kasta oo dhibaatenaya shacabka.

    Lacagtan faalsada ee isugu jirtay doolarka iyo eurada ee lagu qabtay magaalada boosaaso ayaa ahayd lacagtii ugu badnayd ee lagu qabto magaalada Boosaso iyo deegaanada kale ee Puntland.

    Idilnews

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    January 11, 2026

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    January 11, 2026

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    January 10, 2026
    Latest Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    2025 oo noqday Sanadkii xaqiijinta Amniga Puntland.

    Faallo:-Xiriirka Sacuudiga iyo Imaaraadka keebaa uleh muhiimad PL?

    Faallo:-Villa Somaliya maka saari kartaa Dalka Dowlada Imaaraadka?

    Villa Somaliya oo ku cadaadinaysa Shiinaha in uu Wasiirka Arimaha dibada yimaado.

    Faallo:-Maxaa sababay baaqashada Wasiirka Shiinaha Ee Muqdisho?

    Faallo:-Khudbada Madaxweyne Xasan Shiikh Ee Caawa?

    Maraykanka oo ka baxay xubinimada hay’ado fara badan oo caalamiya

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.