Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»C/raxmaan C/shakuur “Madaxda Soomaalida yaysan dalka ku ridin gacan argagexiso”
    Somalia

    C/raxmaan C/shakuur “Madaxda Soomaalida yaysan dalka ku ridin gacan argagexiso”

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyAugust 27, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa sheegay in Rajiimkii Farmaajo ay dalka u horseedeen dhaqan xumo siyaasadeed, isagoona uga digay Madaxda Golaha Wada-tashiga Qaran inay dalka ka qabtaan doorasho horseeda inuu dalku burburo ama uu gacanta u galo Argagixisada.

    Halkaan Hoose ka Akhriso qoraal uu Facebook soo dhigay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

    La dagallaanka argagexisada, Ameerika waxay ugu kacday dhimashada 7 kun oo askari, 50 kun oo dhaawac ah, iyo ku dhowaad 30kun oo dagaalka ka soo laabtay oo iyagu is dilay. Waxaa kaloo dhintay boqollaal kun oo Afgaanistaan iyo Ciraaq u dhalatay, halka uu dagaalka argagexiso la dirarka uu sababay qaxooti gaaraya 37 Milyan. Ku dhowaad $7 trillion oo qarash ahna Ameerka way uga baxday.

    Sanadkii 2018 ayaa mudnaanta koowaad ee halista amniga qaranka Maraykanka laga raray argagexisada, loona wareejiyey Shiinaha. Laga soo billaabo xilligaa dib u eegis ayaa ku socota mudnaantii uu Ameerika u lahaa dagaalka argagexisada lidka ku ah. Isbedelka ka dhacay Afgaanistaan taas ayuu salka ku hayaa.

    Soomaaliya waxay ka mid tahay dalalka qaybta ka ah la dagalaanka argagexisada. Sanadkii hal bilyan oo doolar ayuu aduunku ku bixiyaa. Beesha caalamka dhowr jeer ayey ku baaqday in la qabto doorasho kalsooni, (Credibility) leh oo ay natiijadeeda taageeri karaan.

    Madaxda Soomaalidise si taa ka duwan ayey u fekerayaan. Waxay doonayaan in ay qabtaan doorasho natiijadeeda la sii ogyahay. Waxay ku doodayaan in ay soo saaraynaa dad rabitaankooda ku shaqeeya, halkii ay farta ugu fiiqaana aada. Waxay sheeganayaan takrifal awood, musuq iyo boob. Welibana Awoodda ay ku tiirsann yihiin, ictiraafka diblomaasiga ah iyo hantida ay isku halaynayaan shisheeyaha ay fariintooda dhegaha ka furaysteen ayaa badankeed leh.

    Waa run in rajiimkii uu Farmaajo afartii sano ee tagtay hoggaaminayey uu abuuray dhaqan xumo siyaasadeed ee ku dhisan kala qaybin, sumcad dil, awood sheegasho, iyo cabsi gelin la mid ah tii argagexisada, laakiin taasi kama dhigna in dhaqankiisii mid la mid ah la isaga celiyo ama damac shakhsi sidaas lagu meelmariyo.

    Madaxda Soomaalida haddii ay aqrin waayaan dareenka shacabka iyo isbedelka siyaasadeed ee adduunka, waxay u badan tahay in ay dalka meel cidla ah ku furaan, ama ay gacan argagexiso ku ridaan.

    Idilnews

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    January 11, 2026

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    January 11, 2026

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    January 10, 2026
    Latest Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    2025 oo noqday Sanadkii xaqiijinta Amniga Puntland.

    Faallo:-Xiriirka Sacuudiga iyo Imaaraadka keebaa uleh muhiimad PL?

    Faallo:-Villa Somaliya maka saari kartaa Dalka Dowlada Imaaraadka?

    Villa Somaliya oo ku cadaadinaysa Shiinaha in uu Wasiirka Arimaha dibada yimaado.

    Faallo:-Maxaa sababay baaqashada Wasiirka Shiinaha Ee Muqdisho?

    Faallo:-Khudbada Madaxweyne Xasan Shiikh Ee Caawa?

    Maraykanka oo ka baxay xubinimada hay’ado fara badan oo caalamiya

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.