Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Cabdiraxmaan Cabdishakuur “Ra’iisul Wasaare yaysan dad aadan iska jirin ku hoosaasin”
    Somalia

    Cabdiraxmaan Cabdishakuur “Ra’iisul Wasaare yaysan dad aadan iska jirin ku hoosaasin”

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeySeptember 11, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa ka hadlay wada-hadalada Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed Xuseen Rooble iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, isagoona uga digay Ra’iisul Wasaaraha in la hoosaasiyo oo laga mashquuliyo cadaalad u raadinta Ikraan Tahliil iyo inuu si buuxda ula wareego Amniga dalka.

    Halkaan hoose Akhriso qoraalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

    Toddobaadkii hore ayaa nin ku dhow Rooble wuxuu igu yiri ‘Farmaajo wuxuu oggolaaday in bashiir Goobe uu ahaado taliyaha Nabadsugidda, xaalkuna waa degganyahay’. Waxaan ku iri maba aqaanno Farmaajo hadduu sidaas yeelo. Subixii NISA ayuu ku sime u magacaabay. Ninkii odayga ahaa waa igu soo laabtay, wuxuuna i waydiiyey in aan xog ka hayey arrinka iyo in kale.

    Waxaan ku iri xog ma haynin, laakiin waxaan aqaan dhaqanka kooxda Farmaajo. Sow maaha kuwii dalka afartii sano iyo 7 bilood ee tagtay ku soo dhaqayey siyaasadda ku dhisan xasaradda, dhiillada, awood sheegashadka iyo dagaalka, hal hayskeeduna ahaa “Waa In la kala adkaado”, dadkana u qaybiyey waddani iyo khaa’inul waddan. Goormay oggolaadeen siyaasadda wada hadalka, is qancinta, isku tanaasulka, iyo dad isku wadka?.

    Waxaan ku iri wadahadalka maanta la sheegayana ma aha dhab, keliya waxay doonayaan in ay iska dhigaan rag wada hadal ogol oo tanaasulaya. Waxay kaloo rabaan in la hakiyo xawaaraha uu Raysalwasaaruhu ku wado caddaalad u raadinta kiiska Ikraan, meelmarinta isbeddelka uu NISA ku sameeyey, in uu amniga si buuxda gacanta ugu dhigo, gabbaadkana u diido eedaysanayaasha loo haysto kiiska Ikraan.

    Waxaan ku iri RW waqtiga ha ka luminina, hawshiisana ha ka mashquulinana. Mararka qaarkood adigoo niyad fiican ayaa farsamo iyo taaktiko lagugu dili karaa, dad aadan iska jirinna ku hoosaasin karaan. Faham iyo Feejignaan ayaa loo baahan yahay.

    Idilnews

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    January 11, 2026

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    January 11, 2026

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    January 10, 2026
    Latest Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    2025 oo noqday Sanadkii xaqiijinta Amniga Puntland.

    Faallo:-Xiriirka Sacuudiga iyo Imaaraadka keebaa uleh muhiimad PL?

    Faallo:-Villa Somaliya maka saari kartaa Dalka Dowlada Imaaraadka?

    Villa Somaliya oo ku cadaadinaysa Shiinaha in uu Wasiirka Arimaha dibada yimaado.

    Faallo:-Maxaa sababay baaqashada Wasiirka Shiinaha Ee Muqdisho?

    Faallo:-Khudbada Madaxweyne Xasan Shiikh Ee Caawa?

    Maraykanka oo ka baxay xubinimada hay’ado fara badan oo caalamiya

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.