Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Cabdiweli Gaas oo ugu baaqay RW Rooble inuu faraha kala baxo kiiska Ikraan Tahliil (VIDEO)
    Somalia

    Cabdiweli Gaas oo ugu baaqay RW Rooble inuu faraha kala baxo kiiska Ikraan Tahliil (VIDEO)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeySeptember 15, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabduweli Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay khilaafka xoogan ee u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, kaas oo salka ku haaya kiiska maqnaanshaha Ikraan Tahliil.

    Cabduweli Gaas oo la hadlay BBC-da waxaa uu sheegay inay nasiib darro tahay in khilaafka Madaxweyne Farmaajo & Ra’iisul Wasaare Rooble, isaga oo sheegay in labadaba ay xeyndaabkii dowladnimada ay iskala baxeen.

    Waxaa uu Cabduweli Gaas hadalkiisa uu intaasi ku daray in is qabqabsiga uu dhibaato ku yahay dowlwdnimada, socod siinta howl maalmeedka dowladda, howlaha doorashooyinka ee loo wada jeestay iyo Shaqooyinka kale ee dowladda.

    ” Is qabqabsiga hoggaanka dalka wuxuu salka ku hayaa kiiska Ikraan Tahliil, waa in loo daayaa Hay’adaha Shaqadoodu tahay ee Cadaaladda, Xeer ilaaliyaha iyo Maxkamadda Ciidamads, balse waxaad moodaa in qof walba uu siduu doono u wajahayo ayuu yiri” Cabduweli Gaas.

    Sidoo kale Cabduweli Gaas ayaa sheegay in waraaqaha ay isugu soo jawaabayaan Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay dhibaato u keeni karto mustaqbalkooda siyaasadeed, isla markaana wixii dalka ka dhaca ay labadooda mas’uul ka yihiin.

    Ugu dambeyn Cabduweli Gaas ayaa ugu baaqay Ra’iisul Wasaaraha maadaama awood badan la siiyay in Arrinta Ikraan uu u daayo Hay’adaha Garsoorka, hayeeshee uu u jeesto dhinaca doorashada oo ay ku xiran tahay guushiisa iyo guuldaradiisa ,isla markaana guushiisa aysan ku xirneyn ka guul gaarida kiiska Ikraan Tahliil.

    Idilnews

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    January 11, 2026

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    January 11, 2026

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    January 10, 2026
    Latest Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    2025 oo noqday Sanadkii xaqiijinta Amniga Puntland.

    Faallo:-Xiriirka Sacuudiga iyo Imaaraadka keebaa uleh muhiimad PL?

    Faallo:-Villa Somaliya maka saari kartaa Dalka Dowlada Imaaraadka?

    Villa Somaliya oo ku cadaadinaysa Shiinaha in uu Wasiirka Arimaha dibada yimaado.

    Faallo:-Maxaa sababay baaqashada Wasiirka Shiinaha Ee Muqdisho?

    Faallo:-Khudbada Madaxweyne Xasan Shiikh Ee Caawa?

    Maraykanka oo ka baxay xubinimada hay’ado fara badan oo caalamiya

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.