Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ciidamada dowladda oo la wareegay deegaano lagu dagaalamay
    Somalia

    Ciidamada dowladda oo la wareegay deegaano lagu dagaalamay

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeySeptember 10, 2021No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ciidamo ka tirsan kuwa qeybta 27aad ee xoogga dalka Soomaaliyeed & Ciidanka Jabuuti ee katirsan AMISOM ayaa ku guuleystay inay kala qaadaan labadii maleeshiyo Beeleed ee dhawaan ku dagaalamay degaanka Kabxanleey ee duleedka Waqooyi ee Magaalada Beledweyne.

    Ciidamada oo ka baxay Magaalada Beledweyne ayaa, iyaga oo ay wehlinayeen Odayaasha Dhaqanka labada Beeleed waxaa ay markii hore ku guuleysteen inay xabada joojiyaan, sidoo kalena ay kala qaadaan labada maleeshiyo Beeleed.

    Taliyaha guutada 5-aad qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka Maxamuud Xasan Ibraahim Baakaay ayaa sheegay in haatan degaannadii lagu dagaalamay ay si buuxda ammaankooda u sugayaan Ciidamada dowladda Soomaaliya.

    Waxaa uu sheegay in dhawaan ay bilaaban doonaan kulamo lagu heshiisiinayo laba beelood si looga baaqsado dagaalada kusoo laab laabtay degaannada Kabxanleey iyo Deefow ee Gobolka Hiiraan.

    Ugu dambeyn Taliye Baakaay ayaa uga digay dhinacyada dagaalamay inay jebiyaan xabad joojinta la kala dhexdhigay, isla markaana wixii culeys ah ee soo kordha la soo socod siiyaan Ciidanka Amniga.

    Degaanka Kabxanleey ee Waqooyiga Magaalada Beledweyne ayaa waxaa in ka badan 10 Cisho ku dagaalamayay laba maleeshiyo Beeleed, waxaana dagaaladaas ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah iyo in la gubo Guryo iyo Beero ay leeyihiin dad Shacab ah.

    Idil

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    January 11, 2026

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    January 11, 2026

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    January 10, 2026
    Latest Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    2025 oo noqday Sanadkii xaqiijinta Amniga Puntland.

    Faallo:-Xiriirka Sacuudiga iyo Imaaraadka keebaa uleh muhiimad PL?

    Faallo:-Villa Somaliya maka saari kartaa Dalka Dowlada Imaaraadka?

    Villa Somaliya oo ku cadaadinaysa Shiinaha in uu Wasiirka Arimaha dibada yimaado.

    Faallo:-Maxaa sababay baaqashada Wasiirka Shiinaha Ee Muqdisho?

    Faallo:-Khudbada Madaxweyne Xasan Shiikh Ee Caawa?

    Maraykanka oo ka baxay xubinimada hay’ado fara badan oo caalamiya

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.