Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ciidanka XDS & AMISOM oo ka furay Muqdisho xarun laga hago dagaalka Al-Shabaab (VIDEO)
    Somalia

    Ciidanka XDS & AMISOM oo ka furay Muqdisho xarun laga hago dagaalka Al-Shabaab (VIDEO)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeySeptember 23, 2021Updated:September 23, 2021No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee (AMISOM) iyo Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee (SNA) ayaa Muqdisho ka furay Xarunta Isku-duwidda Hawlgallada Wadajirka ah (Joint Operations Coordination Centre JOCC)” si loo xoojiyo dadaallada socda ee lagu wiiqayo Al-Shabaab laguna dejinayo xasilinta Soomaaliya.

    Xaruntan oo laga hirgaliyay waaxda AMISOM ee Xerada Xalane, ayaa si rasmi ah looga daahfuray xaflad ay ka qeyb galeen taliyaha guud ee ciidamada xoogga dalka, Gen. Odowaa Yuusuf Raage iyo taliye ku xigeenka ciidamada AMISOM ee qaabilsan howlgallada iyo qorshayaasha, Maj.Gen.William Kitsao Shume .

    Xaruntan oo ay si wadajir ah u maamulaan saraakiisha ciidamada AMISOM iyo kuwa xogga dalka, ayaa sare u qaadi doonta “qorsheynta iyo isku dubaridka howlgallada milateri ee ka dhanka ah Al-Shabaab” sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay AMISOM.

    Generaal Odowaa Yuusuf Raage, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa sheegay in muhiimad weyn ay leedahay iskaashiga ka dhexeeya SNA iyo AMISOM, si loo socodsiiyo hirgalinta howlgal wadajir ah oo ka dhan ah Al Shabaab.

    “Guusha xarumahaan waxay ku xirnaan doontaa xiriirka labada xarumood ee SNA iyo AMISOM, iyo sida ay iskugu dubbaridaan u wakiilashada shaqada qeybaha, kuwaas oo markaa fuliya awaamiir kasta oo noocaas ah si loogu guuleysto fulinta iyo hirgelinta. Dhankeenna waxaan ku bixin doonaa dadaal badan si ay taasi u dhacdo”ayuu yiri Gen. Odowaa.

    Gen. Odowaa ayaa sheegay in AMISOM iyo Ciidanka ay sameysteen xiriir shaqo oo wanaagsan sanadihii la soo dhaafay, isagoo xusay in waayo -aragnimada noocaas ah ee ay wadaagaan labada ciidan ay awood u siin doonto inay hagaajiyaan xarunta.
    Maj. Gen. Don Nabasa, Taliyaha Qaybta 1aad ee AMISOM ayaa ku celceliyay muhiimadda ay leedahay in si wadajir ah loo qorsheeyo, isagoo xusay in hirgelinta xaruntan iyo dhowr kale oo dalka oo dhan ah, ay gacan ka geysan doonto sidii wax looga qaban lahaa qaar ka mid ah caqabadaha ay la kulmaan labada ciidan.

    “Si shaqo wax ku ool ah loo sameeyo hawlgal kasta, qorshayntu waa kan ugu muhiimsan. Sidaa darteed, waxaan rabaa inaan fursaddan uga faa’ideysto inaan uga mahadceliyo SNA iyo hoggaanka AMISOM hindisahaan cajiibka ah ee lagu abuurayo unugyada Isku -xirka Hawlgallada Wadajirka ah dhammaan qaybaha. Tani waxay hubaal noqon doontaa inay soo afjarto farqigii u dhexeeyey qorshaynta wadajirka ah, ”ayuu yiri Maj. Gen. Nabasa.

    Ciidamada dowladda Federaalka Soomaliya iyo kuwa AMISOM ayaa waxaa ay dagaal adag kua jiraan Al-Shabaab, iyaga oo fuliya howlgallo Wadajir ah wallow sanadihii la soo dhaafay Ciidamada dowladda kaliya ay badi howlgallada fulinayeen.

    Idilnews

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Puntland maka faa’idaysan doontaa Saabiriina Dhowre

    November 22, 2025

    Maqnaanshaha Trump oo macno tirtay Shirkii G-20

    November 22, 2025

    Madaxii GPS-yada Daacush oo Gacanta lagu dhigay

    November 22, 2025
    Latest Posts

    Puntland maka faa’idaysan doontaa Saabiriina Dhowre

    Maqnaanshaha Trump oo macno tirtay Shirkii G-20

    Madaxii GPS-yada Daacush oo Gacanta lagu dhigay

    Tiro kale oo argagixisada ah oo lagu dilay duqayn Cirka ah

    Firxad argagixiso oo isku soo dhiibay Ciidamada Puntland

    Abaaraha daran Ee Puntland ka jira oo laga shiray

    Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka hadashay hakintii barnaamijka TPS

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.